Sitemap
Shilke Sh. Shariif

Shilke Sh. Shariif

Shilke is a Creative graphic designer, Screenwriter, Novelist & Film director.

Sheeko Sheeko 26 — Bohol

2 min readApr 4, 2025

Afareennii qof walba tiir ayuu isku maray. Bisinka ayaanu afka la helnay, dabaysha dhacaysaa ma ahayn mid sahlan. Waa habayn gudcur ah oo aan muuq jirin iyo guuxa badwaynta cartamaysa oo wadnaha gilgilaya. Qof walba waxa uu sawirtay waxa ay waalidkiis ku hadaaqi doonaan marka ay geerideenna maqlaan ama warkeenna waayaan. Muscab wuu cataabay oo afka furtay, farriimo isdabajoog ah ayuu hooyadiis u diray, wuu ogyahay in aysan maqlayn oo aysan dhawayn, se in ay cafiso ayuu dalbaday. In noloshiisa halka qodob ee uusan kala tashan uu kan ahaa asagiina u uku khasaaray ayuu sheegay.

Get Shilke Sh. Shariif’s stories in your inbox

Join Medium for free to get updates from this writer.

Jacfar ayaa isna burqaday, In uu madax-adayga ku khaldanaa, xalal badan oo uu heli karayna uu halistaan ka doortay ayuu isku ciilay. Qof ayaa badda isku tuuray. Waa Cali Faragaab. Waan is dhugannay, illaa caawa qof faniinay ma ahane qof istuuray ma aynaan arag. Fajac ayey nagu noqotay, indhataag ayaana naga soo haray. Faragaab waa markiisii shanaad ee uu safarkaan soo galo, weligiisna kuma uusan guulaysan, tan ka daranse waa in dhammaan safaradaas uu kala kulmay dhacdooyin kala duwan oo wada anfariir ah mid walba isaga oo nool uu soo noqonayey, wuxuu ahaa ninki safarkaan nagu hagayey oo ina jihaynayay.

Waalid ka danbeeya iyo ubad dhawranaya ma leh, walaal uu garabsadana ifka uma joogo, nolosha ayuu karhay oo nacay. Bal eeg halka uu ka yimid, qol irrid bannaan ah ayuu islaan ay qaraabo yihiin ka degannaa, joodari dhan walba ka jeexmay oo uu kutaan ku ilmo dhalay iyo boors uusan dhanna u fayoobayn ayaa u dhex yaal. Bal eeeg dharka, surwaal jeenis buluug ahaa se hadda caddaaday oo jiinyeer la’aan ah, shaar baro yaryar oo jaalle ah lahaa haddase isku midab noqday oo isaga dhan ay labo badhan ka xirmaan iyo garan gees ka dhacsan weeye, waa calaladii uu shan sano ka hor watay.

Maalintii uu u roonyahay waa marka uu duhurkii raangis uu nafta ku celiyo uu hayo, maalintii uu sab la kulmana waa iiddiisa. Horay wax uma baran, oo dee ma isagaa kansho uu wax ku bartaba helay nolol buris ayuu ku jiray e. hadda wuu ahaaday, ugu yaraan waxa uu ka nasan doonaa buuqa islaantii uu mar gurigaystay. Mixnad ayey ahayd uu Alle ku salliday, asbuuc ma dhamayn mudadii ay la joogtay, shan sano kaddibna weli way ka daba buuqaysaa oo maalina kama aamusto waxa ay ku haysatana ma taqaan waa un iska haysataa. Habaarkiisa ayey jid walba la fadhidaa, dadku in ay jeceshahay ayay ku xantaan se ilama aha oo qof la jecelyahay saas loolama dhaqmo. Cali tag, annaguna gacan Alle ayaanu ku jirnaa.

--

--

Shilke Sh. Shariif
Shilke Sh. Shariif

Written by Shilke Sh. Shariif

Shilke is a Creative graphic designer, Screenwriter, Novelist & Film director.