Stories by Abdullahi Ahmed on Medium
Waad u xiisi doontaa yaraantii, waa hubaal maalin uun waad is oran doonta maxa halkaan kusoo gaarsiiyey, maxay sidaan wax walba u yihiin, wax walboon u baahdo maxaan ugu rafaada helidooda, wax walba u khaldan yahiin, wax walba u dhamaystirmi la'yihiin.
Shalay wax walba way hagaagsanaayen wax walba oon u baahdo waan helayey qof walba waa iga soo wardoonayey isagoon waxba iga rabin, xitaa kuwa dariiqa marayay ayaa igu soo leexan jidhey oo i oran jirey, “Sidee tahay iyo waa sidee xaalkaagu”.
Maantase maalmuhu sidii hore ka duwan, noloshu sidii maaha, way ka adagtahay adigaa wax walba lagaa raba, wax walba aad u baahato waad ku dhibtoon dooontaa, xitaa naftaada ayaa adiga wax kaa rabta, xilliyada badankooda xitaa waxay ku waydiinaysa su’aalo aadan jawaab u hayn, xitaa iyada ayaa ku sugaysa oo shalay aadanba ka war hayn, kolal badanna iyada ayaa ku dabri doonta, oo si aadan u gaarin guulo badan ku celin doonta.
Cidina kuma oranayso xagee martay, maxa qabatay, maxaa ku hagaagay, xitaa waa sidee xaalkaaga caafimaad, kaagasii darane ma jirto cid daqiiqad kaa warsanaysa dareenkaaga gudeed. Haa dareenkaaga gudeed, waa xanuunada u adag ee basharku uu waajaho, waa culayska u adag ee uu ruuxi dusha saarto, waa biskoodka u wanaagsan ee ay ruuxi biskooto, waa kabashada u saraysa ee nafle soo kabtaahi.
Caalamka waynaanta, caalamka masuuliyada wuu ka duwan yahay caalamkii dhallaanimo, wax ba laguma waydiin jirin in wax lagu taro mooyee, haddase habeynka iyo maalinta aad guriga joogtid, dadka oo idil waydiin waxay kaaga dhigayaan ma xanuusantahay, maxaa u bixi wayday, xitaa dareema gudeed oo badan xilligaas maadan lahayn. Bal eeg hadda, saaxiibka, ehelka, waaridka xitaa xaaskaaga iyo ilmahaagu, kuma oranayaan shaqada kawaran, maxaa ku dareemaysaa, see kuu tahay, caksigeeda fariinta koowaad waa doonnida qaaraanka, masruufka, waxbarshada, xaalado kale, waxaa laga yaaba in dadka qaybtood fariimahoodu aysan waydiisasho ku jirine ay tahay waxay xaq kuugu leeeyahiin, waa hubaal caalamkaas kolka aad gasho ood qaangaadho, maskaxda iyo muruqana aad ka daasho ayaad oran doontaa hungo weynaa weynaantu, dhalaanimaduse wacnaydaa, oo mushkilado yareydaa.
Waa sax in nolosha qofka wax hayaahi oo uu inta kale wax taro, ase shaqadu ma dhib yara mana sahlana xaaladaha ku meel gaarana maahan xayndaab qof walba uu qeexi karo, aynu u dhibrino kuwa ina caawiya inana garab taagan, kuwa nafaheena u maqan ee aynu dirsanay, kuwa saaka inaga jarmaaday oo aynaan garanayn dareenka soo laabashadooda.
Aynu ugu nasteexayno ka wardoonkooda xilliga bishu dhamaato mooyee xilliyo kale, xilliga aad baahantahay mooye xilliyo kale, xilliga daruuftu timaado mooye xilliyo kale, ka warqabka ayaa ka wanaagsan wax isa siinta.
In masuuliyadda nafta lagasoo baxo ayaa aad u adag xilligan, in masuuliyad insaanka laguugu daro oo aad gudataana way kasii adagtahay.
W/Q: Elmi Asis Elmi.
Da'diisu waxa ay aheyd 54-jir, halka iyadu gu'geedu ahaa: 18. Farqiga u dhaxeeya kala jarka da'doodu waa 36-sanno oo quraa, balse waxaa isku keennay waxka wayn labadooda.
Charlie chaplin and O’Neill.
Charlie Chaplin, ayaa usoo bandhigatay Ubaxii ay jecleyd, O'Neill. Waxa ay ku tiri" i guurso si aan kuu baro habka loo noolaado. Sidoo kale, waxkale oo aan ku barayaa sida loo dhinto!". Waa erayo xul ah oo ay ku laabfuranaysay mucaashaqaddii yareed gacaliyaheedii O'Neill.
Inta la dheegagay oraahdeeda dhumucda leh oo uu dhoolacaddeeyay, ayuu yiri " Waan ku guursan doonaa kahor se waxa aan ku baridoonaa habka loo koro iyo sida nolosha loogu raaxeysto! Markale, waxa aan ku baridoonaa sido loogu yaryaraado waayaha ilaa dhammaadka dambe ee nolosha!".
Tani maaha sheekoxariir mala-awaal ah balse waa qeyb kamid ah nolosha xasuusta jaceyl ee kuugu duugan laabteeda!.
Inta ay wada noolaayeen labadoodu, waxa ay isu dhalayn 8 carruur ah oo kala jaad ah. Marka laga yimaado kala duwanaashiyaha da'da u dhaxeyaa labadooda, haddana waxa ay isla noolaayeen ilaa dhimashadiisii dambe!.
Uma baahnid inaad isku da'ahaataan qofkaaga si aad ugu jeclaato indhala'aan, mararka qaar uma baahnid inaad hesho qof kugu fil ah oo aan nolosha macnaheeda ku barikarin. Waxa aad u baahan tahay qof ruux ahaan kuu caawiya si aad caqli ahaan u korto. Si kasta oo ay da'daadu u korto, oo jirkaagu u muujiyo inaad qofwayn aad sii noqonayso___haddana caqliyana waxa aad ahaan doontaa mid yar oo u carruur ah qofkiisa/keeda.
Fadlan walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan
waxaa qoray, Yaxye Sigane.
Immanuel Kant.
Gabar ayaa hadda ka hor waxa ay jeclaatay Feylasoofarkii weynaa ee Immanuel Kant, xiriirkooda in muddo ah ayuu socday mar walba oo ay kulmaana waxay jecleyd inuu guur usoo bandhigo, mowduuc walba wuu ku soo hadal qaaday balse marnaba kalama hadlin mowduuc guurka ku saabsan.
Mark ay quus ka istaagtay ayay ayadii is biimeysay waxayna u sheegtay iney dooneyso iney is guursadaan, wuxuu ugu jawaabay; bal isii waqti aan ku soo fakaro.
Waa ay ka ogolaatay in muddo ah ayuuna arrintii ka fakaraayay markii dambana wuxuu go’aansaday inuu gabadhii guursado, wuu soo baxay wuxuuna yimid gurigoodii, waxaa meesha ku qaabilay gabadhii aabaheed, Falasuuf Immanuel Kant ayaana aabihii u sheegay inuu u yimid si uu gabadhiisa u guursado.
Odaygii oo yaaban ayaa Faylasuufkii soo siiyay cinwaanka gabadha laga heli karo wuxuuna ku yiri; Gurigaas ayay u wargeegsatay gabadheyda halkaas ayaadna ka heleysaa.
Gurigii loo tilmaayay ayuu soo aaday wuxuuna gurigii ugu tagay gabadhii uu jeclaa iyo ninkii qabay iyo waliba labo carruur oo ay isku dhaleen.
Dabcan mudada uu fakaraayay ayaa aad u dheereed waxaana la sheegay in muddo 7 sano ah uu gabadhaas guurkeeda ka fakaraayay halmarna asigoon la soo xiriirin.
Turjumaad.
Abdullahi Ahmed
Caato2035@gmail.com
Maxay tahay waxa ugu halista badan ee ku dhaca qofka ??
Qof Muslim ah iyo qof aanan muslim ahayn, Waxa ugu halista badan ee ku dhaca waa ~LACNADDA~.
Qofka gaalka ah haddii ay lacnad ku dhacdo inta uu dunida uu joogo xaqqa dabool ayaa ka saarma, marka uu dhintana Naxriista Alle ayuu ka qaadaa, Qofka muslimka ah haddii ay ku dhacdo, Waxaa uu Alle qofkaa uu ka fogeeyaa darajooyin sar-sare in Aakhiro uu gaaro, Dembiyada uu sameeyey darteediina in la mid in lagu ciqaabo iyada oo aanan la cafinin ayey sabab u noqotaa, Lacnadda waa wax ku dhici kara qofka muslim ah iyo qof gaal ahba, waana shayga ugu horeeya ee qof Alle uu ka magangalo, waana sababta dadka oo dhan Raali ahaanshaha Alle ay u raadiyaan, Qofka uu Alle u caroodo waxaa ku dhaco lacnadiisa.
Tanina waxaa tusaale u ah IBLIIS wixii ku dhacay markii uu diiday amarkii sujuuda ee Alle uu faray, İlaa iyo Maanta IBLIIS waxaa korkiisa saaran lacnaddii Alle, Lacnadda ku dhacdayne waxa ay IBLIIS ka dhigtay mid weligiisa Naarta baaqi ku ahaan doona, Maadama Lacnaddu qofka Muslimka ah xitaa uusan ka badbaadeyn, Waxaa jiro dembiyo qofka haddii uu sameeyo uu ku kasbado in ay Lacnadda Alle ku dhacdo, Dembiyadaaas waxaa kamid ah;
1.	Qofka ribada cuna, iyo kan Ribada dadka siiya, Labadoodiiba waxaa ku dhacdo. Lacnadda Alle, Sida laga soo weriyay Nebiga NNKH waxaa uu dhahay “Alle ayaa lacnaday kan Ribbada cuna, Midka dadka cunsiiya, Midka Ribada qora iyo kan marqaati ka noqda kala qaadashada Ribada, Waxaa uu dhahay; Dhamaantood waa isku wada mid’’ Waxaa weriyey Muslim iyo Bukhaari.
Haddaba waxaa laga yaabaaa dadka badankoodii in aysan faham badan ka haysan waxa Ribo la dhaho; Ribadu waa nooc weaiba oo dulsaar ah qof uu ka qaato qofkale, habka maanta dunida ka jiro nasiib dhamaan habka ay u shaqeyso lavagaha waxaa uu ku dhisan yahay Ribo, Ribadu waxaa ay dhaqaalaha dunidu ay u tahay maanta shayga kaliya ee kala socodsiiya, Lacagaha Aduunka saaran oo dhan dhamaan waraaqadaha aynu isticmaalno bangiga dhexe ee dowlada marka uu daawaco, si bilaash ah suuqa kuma uu soo geliyo, Waxa ay bangiyada dusha uu ka saaraan lacago dheeri ah oo Ribba ah, Tanina waa loo yaqaanaa dulsaar / [Interest], Adduunka oo dhan wadan waliba heerka Ribbada uu qaato waxaa laga arki karaa bogaga internet-ka ee wadan waliba uu leeyahay.
Dadka shacabka ah gaar ahaan dadka dhididkooda iyo Xirfaddooda ku shaqeysta haddii ay damcaan in ay bangiga lacag ka deynsadaan bangia isaga oo isku muujinayo in uu danaha qofka uu ka shaqeynayo waxaa uu siiyaa qofka haddii uu sharuudaha Riba qaadashada uu buuxiyo lacagta uu u baahan yahay.
Waxaa uuna bangiga uu ku leeyahay qofka ‘’Maadama aan ku caawiyay, Lacagtii aad u baahneyd si kaamil ah maadaama aan kuu deymiyey, ilaa muddo maadama aan ku sugi doono, waliba maadaama fursad aan kuu siiyey ilaa waqti sanado ah in aad lacagta isaga gudi doontif, Haddaba ii ogolow xoogaha lacag dulsaar ah in aan kugu yeesho, Maadaama si dagdag ah aanan kaaga qaadan doonin lacagta aan ku deymiyay’’.
Hadalkani dadka qaar waxaa uu ula muuqan karaa mid macquul ah oo la aqbali karo,
“Horay ayeyna qoomamkii inaga horeeyay sidani ay u dheheen ‘’Ribbadu iyo ganacsigu waa kuwa isku mid ah” Sida ku xusan Suuradda Al-baqra aayada 275.
Maanta bangiyada ama sariflayaasha ama cid walba ee rabta habka [Capitalism-ka] inay dhaqaale ay ku sameyso qasab ayey ku noqotaa noocyada kala duwan ee Ribada si toos ah iyo si aanan toos ahayn in qofka uu ugu dhaco, Caksigeedii qofka ‘’Wanaag Alle dartii qof u bixiyay oo kale ayuu noqonayaa’’. Tanina maadaama aysan jirin, xilli waxaa uu maanta bani’aadamka uu noolyahay ribada guri waliba ay soo geli karto. Allena waxaa uu Quraanka uu ku dhahay Suurada Al-baqra aayada 278-iyo 279-aad ‘’Haddii aad Ribada ka joogsan waydaan, Ogaada in aad Alle iyo rasuulkiisu dagaal aad la gasheen’’.
Si kooban; in qofka uu qaato Ribo, ama inuu bixiyo Ribo, ama inuu qeyb ka noqdo heshiis saxiixan ama inuu marqaatiga ka noqdo, Dhammaan caawiyeyaasha habkani oo dhan waxaa laga fahmayaa xadiiska Nebiga NNKH in ay yihiin dadka ay lacnadda Alle ay ku dhacdo.
لَعَنَ رَسُول اللَّه صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ آكِل الرِّبَا وَمُوكِله وَكَاتِبه وَشَاهِدَيْهِ وَقَالَ : هُمْ سَوَاء )
2.	Tuuganimada: Waxaa uu Nebiga NNKH uu dhahay “Alle ha naclado tuuggii ukun xaday ee gacanta ka gooyay, Haddana xaday dun, Gacantana laga gooyey”.
Waxaa halkani laga Fahmi karaa, ficilka tuuganimadu in uu yahay ficil aad u xun oo ciqaabtiisu ay daran tahay, Sido kale qofka uu dhibaayo bulshada uu la noolyahay, Sidaasi darteeda tuugadu iyaga oo aanan is ogeyn booskii ay isleeyihiin dhaqaale badan sameeya, iyaga oo waliba halis aad u adag qaadanaayo si aanan loo soo qabanin, waxaa meel fudud ay kasbanayaan Naxriista Alle in ay ka fogaato lacnadna ay ku dhacdo. Qof tuug ahna waxa uu uga baahi badan yahay naxrista Alle ma jirto marka uu ficilka naxdinta badan ee tuuganimada uu ku dhex jiro, isaga oo xaaladda ku sugan Naxriista Alle haddii laga fogeeyo halista uu qofka tuuga ah uu wajihi karo ayaa halkani laga garan karaaa.
لَعَنَ اللَّهُ السَّارِقَ، يَسْرِقُ البَيْضَةَ فَتُقْطَعُ يَدُهُ، وَيَسْرِقُ الحَبْلَ فَتُقْطَعُ يَدُهُ.
3.	Kuwa burukada xirta: Sidoo kale dadka ay lacnada Alle ay ku dhacday ee Nebiga NNKH uu inoo sheegay waxaa ka mid ah ‘’Kuwa burukada xirta (Timaha aanan asalka ahayn) Lacnada Alle haku dhacdo, Kuwa dadka u xirana Lacnada Alle haku dhacdo, Kuwa Jirka shabadda ku dhagsadana Lacnadda Alle haku dhacdo, Kuwa dadka ugu dhajiyana Lacnadda Alle haku dhacdo’’.
Arrintanina waxaa ay maanta dadku ay sameeyaan iyaga oo aanan ku baraarugsaneyn, Suuqyada qaarkood waxaa ay dumarku isaga iibiyaan qayb ka mid ah timahoodii gaar ahaan dumarka ay timaha ku dheeradeen booskii ay timaha ay iska tuuri lahaayeen, in loo cabiro ayey lacag ku bedeshtaan, tima asal ah ee qof uu iska iibiyey ayuu qof kale intuu suuqa tago ayuu ka soo iibsanayaan, Maadama dumarka intoodii badan maanta ay doorbidaan dunidu in timahoodii ay furnaadaan,Gabdhaha kuwoodii timahoodii ay gaaban yihiin si ay u muujiyaan timaha oo ay u furaan waxa ay tagaan suuqani burukooyinka lagu iibiyo ama timaha la iska iibiyay, dhammaan hab ganacsigan oo dhan, Tan dalbatay in loo xiro, kuwa iska iibinaya, kuwa iibsanaya iyo Kuwa iibinaya, Tima furashada oo dembi kale oo gaar sii ah waxa uu Nabigu uu inoo sheegay in dadkaasi Naxriista Alle in ay ka fogaaneyso, Kuwa Shabadda jirkoodii saartana hadafka ay u saartaan nooca u ahaadaba iyaguna waa dadka ay lacanadda Alle ay ku dhacdo ayay ka mid yihiin. Nasiib darro se maanta suuqani shabadda qiimo wayn ayuu sii yeelanayaa.
4.	Ragga dumarka iska dhiga, iyo Dumarka ragga iska dhiga: Sidoo kale dadka ay lacanadda Alle ay ku dhacdo waxaa ka mid ah sida uu Rasuulka NNKH uu inoo sheegay.
‘’Ragga dumarka iska dhiga, iyo Dumarka ragga iska dhiga, Dumarka xirta lebiska Ragga, iyo Ragga xirta lebiska Dumarka’’.
Waxaa dadkani ku dhacda Lacnada Alle. Waxaa ay gebi ahaanba ay u muuqdaan dadkani dad iyaga oo aanan is ogeyn si toos ah Abuurista Alle dagaal kula jira.
Sida maanta dunida ka jirto oo kale;
“In qofka ragga uu iska dhigi karo dumar, qaliin uu isku sameynayo darteed, Gabadhana qaliin ka dib waxaa ay awoodaan in ay ragga iska dhigaan”
Dadkani noocani oo kale ah maanta internet-ka ayaa si xowli ah maallin walba loogu arkaa, Waxaa se mustaqbalka dhaw soo socoto arrin ka wayn waxyaabahani oo dhan taas oo ah, in cunuga khiyaar uu u lahaan doono nooca jinsiyada uu qaadan doono, Tusaale haddii uu 18 sano uu gaaro haddii uu ahaa wiil in uu sii ahaan doono in uu saxiixo ama haddii uu isbedeli doono, in bani’aadamka Abuurista Alle in uu bedeli doono Quraanka ayuu Alle kaga hadlay suurada Nisa aayada 119.
Tanina waxaa ay ku tuseysaa in bani’aadamku isbedelada u sameynaayo ilaa heerkaa in uu gaaro in lacnadda Allena ay kordheyso, Xaaladdu marka ay sidani ay tahay ma foga marka ay dadku la kulmi doonaan ciqaabta Alle, sababtoo ah Taariikhihii hore ummad waliba marka uu xadgudubkeedii uu bato ciqaabta Alle ayey halmar ku waabarisan jireen, Dunidu maanta meel halis ah ayey sidaa ugu sii socotaa.
5.	Sidoo kale dadka uu Nabiga NNKH uu inoo sheegay in lacnadda Alle ay ku dhacdo ‘’Waa gabadha ninkeedii Gogol u diida isaga oo u baahan sidaana habeenkii ku seexda isaga oo xanaaqsan’’.
Nidaamka uu islaamka guri uu u dhiso waxaa asal u ah is adeecis in labada qof ay noqdaan kuwo isku hogaansan oo baahiyahahooda wadaaga, Xiriirka gogasha ee islaamka uu ogolaaday oo keliya in labada qof ee nikaaxa uu ka dhexeeyo kaliya in ay wadagaan, in midkood uu diido isaga oo dalabka qofka kale fulin kara, Dhinac waxaa ay sabab u noqon kartaa in qoyska khiyaano ay soo kala dhex gasho, in qofku baahiyahiisa jinsigu maadaama uusan ka heli karin xaaskiisa in banaanadu sida ugu fudud in uu ku xalisto, Tanina in guriga uu burburo ayey sababi kartaa, Sidaasi darteeda diinta islaamka sida ay u adkeysay in qofka Zino uu ku dhaco sidaasi oo kale ayaa labadooda ee Nikaaxa uu ka dhexeeyana midkood midka kale aysan isugu diidi karin kolka ay isku soo baahdaan. Dadka qaar waxaa ay rumeysan yihiin ‘’Sirta guurka wanaagsan qayb wayn oo ka mid ah waa galmada oo wanaagsan’’.
Maanta dunidu waxa ay dowladaha ay ku dadaalayaan in ay kufsi ku xukumaan ninkii u dhawaada xaaskiisa iyada oo aanan raali ka ahayn, Lacnadda uu Nabiga NNKH uu ku sheegay haweynaydu inta la iska ilooway ayaa kufsi iyo erayo cusub dadka loogu bedelay, Wadamada badan ayuuna sharcigani maanta uu ka shaqeeyaa.
Soomaaliya iyada oo ah dowlad iska tabaryar hadana habkani in badan ayaa baarlaamaanka la horgeeyay, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhaw laga hirgaliyo sharcigan marka la eego sida ay wax u socdaan, waxaana halkani ka muuqata in dadku ay hilmaameen kana hijroodeen wixii loogu wacdiyay.
You can contact me;👇
https://www.instagram.com/aacaato?igsh=MWI1eGNsb2x5YnE5
Depression-ku: Waa xanuun niyadjab oo sababa dareen murugo, faaruqnaan gudaha ah in uu qofka dareemo iyo in uu lumiyo wax waliba oo uu xiiso u qabay.
Sawirkan waa qof dareemaya cudurka niyadjabka ama Depression.
Qofka Deprssionka qaba qalbi ahaan waxa uu dareemayaa ciriiri isaga oo caafimaad qaba, Wax uu farxad uu ka helaayo dunida ma ay jiraan, iyo Wax xiiso galiyaana intaba.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Cudurka deprssion-ka waa xanuun si wayn u sii kordhaayo, qiyaastii 280 milyan oo qof ayaa la ildaran xanuunkani guud ahaan aduuunka oo dhan, waxaana la filayaa in tiradaasi ay kor u kacdo oo ay gaarto 500 million sanadaha soo socdo, In ka badan 700,000 oo qof ayaa sanad kasta isdila Depression-ka dartiisa, Cudurkan Depression-ka waa mid ka mid ah asbaabaha ay dhalinyarada isku dilaan midda afaraad.
Waxaa suurtagal in badan inaad aragto dhalinyaro sabab la’aan isku dilaan; sida laba qof ay murmeen ama xaalad shaqo la’aan, Culeys aanan aheyn wax weyn marka dusha sare laga eego dhalinyarada ay isku disho.
Sida laga soo xigtay WHO, Inta badan dhaliyarada Depression-ka isku disha waxaa ay da’dooda u dhexeyaa 15–29 sano, Heerka depressionka ee dunida ayaa kordhay 18.4% tan iyo 2005-tii. Wadamada ugu depressionka badan ee dunidu waxa ay kala yihiin; China, India, South africa, USA iyo Brazil, Cilmi baarista WHO, Waxaa kale oo lagu sheegay wadamada ugu depression-ka hooseeya waxaa ka mid ah; Japan, Australia, Iceland, Norway, iyo Sweden. Sido kale hay’adaha Caafimaadka Aduunka ma aysan sheegin heerka cudurkani uu ka maraayo Wadamada Africa iyo Asia, Sababtoo ah dadyowga qaaradahaas ku nool ma yaqaaniin wax la dhaho Depression ama isdilka, xitaa qaar iyaga oo la nool ma fahamsana mana garanayaan cudurka maadaama ay la halgamayaan noloshooda ayna saameyn weyn ku leeyihiin Gaajada iyo Colaadaha, Sido kale Wadamadani waxaa naadir ah in qof uu ku maqlo dad iskoodii isku dilay, mana ay lahan dhakhaatiir ama xarumo xanuunkani lagu dabiibo.
Xanuunkani depresion-ka qofka dhinacyada nolosha oo dhan saameyn wayn ayuu uga yeeshaa, Tusaale; Qofka qaba cudurkana waxa uu u dareemaa sida qof ku dhacay god aad u wayn oo uusan ka soo bixi karin inkastoo ay kala duwan yihiin dadka xanuunka qaba astaamaha lagu arko, haddana waxaa jira astaamo guud oo ay ka wada siman yihiin waxaa ka mid ah;
Ka dhex bixidda bulshada, Qofka waxaa uu neceb yahay bulsho badan dhexdoodii in uu dhex fadhiisto, Waxaa uu noqdaa qofka qof Asocial oo keligii nool ah.
Astaanta labaad, Waxa uu lumiyaa qofka xiisaha oo dhan iyo wax weliba oo ay dadku ku raaxeystaan ama ay ku madadalaan, Qof aanna waxba xiiso gelin, Waxna usoo dhadhamin ayuu noqdaa.
Astaanta Sadexaad, Isbeddel ayaa ku imaada qofka nidaamka hurdadiisii iyo Rabitaanka cuntadiisa, Waxaa lagayabaa qofka maallintii dhan in uu hurdo, ama si aanan qaabeysneyn in uu u seexdo, Xilliga uu donana in uu cunto cuno, ama uu cuno xilli aanay dadka wax cunta aysan cunin, ama in uu ka go’o ama in uu si xoog ah cunto uu u cuno ayaa lagayabaa.
Astaanta Afaraad, Waxaa qofka ku yaraato in xasillooni ama constration in uu wax ku helo, Wax weliba oo aad siiso, İyo wax waliba oo aad u sheegto midna xiiso uma uu haayo, Sidaasina qofka waxa uu ku noqdaa qof wax waliba ka quustay, Quus iyo niyadjab ayaa qofka laga dareemayaa, Xaaladani qofka haddii rajo la’aan uu noqdo, wuxuu dareemaa inuusan qiimo wayn lahayn, intaa wixii ka dambeeyana wuxuu ku fikiraa in uu isdilo, geerida ayuuna u arkaa mid farxad badan oo xasilooni laga helo, isagoona dadka dhintay u arka dad aad u nasiib badan oo culeyska iyo ciriiriga nolasha ka nastay.
Sababta saxda ah ee depression-ka ama niyad jabka keentana si buuxdo wali bani’aadamka caafimaad ahan ma uusan u fahmin, laakiin waxaa loo malaynayaa xanuunkani in uu qof ku dhaco in ay sabab u yihiin;
1-	Dhibaatooyinka dhanka Hidde-Siyadaasha ah: Waxaa laga yabaa ayey dhahaan aqoonyahanadu İn qofka qoyskiisi dhexdooda awooweyaashii hore in xanuunkani uu ka dhaxlay sidaana qoyska xanuunkani ay isugu soo kala gudbiyeen, Tani waa maleyn oo keliya.
2-	Isku dheeli tirtirnaan la’aanta chemistry Maskaxda: in ay isku jaan go’naan waayaan sida hormone-da farxada serotonin iyo dopamine, Hormonadani kolka ay kala bataan ama qalqal ay galaan, İsku dheelitirnaan la’aan kasta ee ku imaada qofka walwal, Faaruqsnaan, Niyad, İyo quus iyo waxyaabo kale oo halis ah ayaa lagu arkaaa.
3-	Xaalada nolasha; Dhacdooyinka walaaca leh, Dhimashada qof uu aad uu jecel yahay, halmar oo qofka shaqo la’aan xoog badan ay soo wajahdo, Ama xanuun darran in uu ku dhifto, Waxyaabahani qofka si lama filaan ah uu uga naxo, Waxaa ay suurtagal u noqon karaa in qofka depression uu qaado. Sida dhabta ahna xanuunkani depressionku waa mid qofka ilaa geeridiisi la socdo.
Robin Williams: Oo ahaa Jilaa caan ah iyo majaajiliiste mareykanka ah, ayaa depression dartiisa isku dilay, Waxaa laga helay gurigiisa isaga oo meyd ah, Jilaagani caanka ah sanado badan ayuu ahaa qof la daalaadhacaayay xanuunkani Depressionka ah, isaga oo haysta Lacag, haystana magac iyo maqaam sare haddana hantidiisi kama aysan hortaagin in isaga uu gacantisa isku dilo.
Waxaa jiro wadiiqooyin kala duwan oo qofka xanuunkani depressionka uu ula dagaalami karo;
Marka koowaad, in uu raadiyo dad xirfad u leh xanuunkani — Waxaa kolka qofka u sahlan inuu si fudud xanuunka looga daaweeyo, Dadka aanan muslimka ahayn sida wadamada horumaray waxaa ay u tagaan aqoonyahano cilmi nafsi ah, Balse dadka muslimka ah inkastoo xanuunkani uu ku yaryahay haddana waxaa dhexdoodii laga arki karaa dadyow gudaha ka dareemayo quus iyo faaruq aad u xoog badan, laakiin badi dadkani waxa ay u tagaan wadadaado aqoonta u durugsan u leh diinta, Kolkaasina waxaa qofka laga saxaa cibadooyinkiisa, Waxaa lagu xoojiyaa qofka in uu adkaar iyo waxyaabaha macnawiga ah ee diinta in uu xooga uu saaro, Si kooban qofka waxaa la xoojiyaa isaga iyo xiriirka uu Alle la leeyahay, Sababtoo ah Quraanka kariimka waxaa ku jirto Aayada uu Alle uu ku dhahay ‘’Qofkii ka jeedsadaa Xuskeygii waxaan ku nooleyn doonaa nolol ciriiri ah, Kolka Khiyaamaha la gaarana isaga oo indhool ayaan qofkaa soo xaadirin doonaa’’. Suurada Dhaah Aayadda 124.
Waxaa suurtagal ah qofka marka uu aqriyo Aayadani, İn uu isku maleeyo in aysan isagu ku saabsaneyn, Ka jeedsashada xuska Alle; Waa in uusan qofka Ajiibin amarada Alle, Tusaale; Wuu yaqanaa qofka in Salaadu waajib ay tahay, Weliba waxaa uu yaqanaa ciqabaabta ka dhalan karta qoka haddii uu salaada uu ka tago, İsaga oo qofka cilmi ahaan si fiican u yaqaana, Haddana sababo aanan muhiim ahayn darteedii, Qofka in uu noqdo mid Taaruku Salad ah, Qofkaasi waa qof maqlay haddalka Alle balse ka jeedsaday, İn qofka uu joogteeyo dembiyada waliba isaga oo ka warqabo in ay dembi tahay, Bilaa towbad waxaa ay soo hoos galayaan ka jeedsashada xuska Alle, Laakiin tani loo lama jeedo in qofka dambi uusan ka dhici karin, İn qofka dambi uu sameeyo haddana muddo ka dib uu yaqiinsado dhab ahanatii in uu dembi galay, tani waa nooc baraarug ah oo xuska iyo xusuusashada Alle, Balse qofka kolka uusan ismoodinba in dambiyo uu ku dhex jiro nolashiisuna sida in uu toosan yahay oo kale kolka uu isaga wato wabxaa lala xiriiriyaa Shaydaanka, Kolkaasi nolol ciriiri ah oo mugdi ah heerka qofka isaga uu naftisa uu iscadaabo oo dhulka ciriiri ay ku noqoto ayuu gaaraa.
Xalka ugu wanaagsan bulshada Muslimku, Waa Towbad Nasuuxa ah, waa towbad ballan qaad leh in uu qofka Nolashiisa oo dhan inuu sidii hore wax ka badali doono, Kolka uu qofka siddaasi ballan uu u la galo Alle, Waxaa la rajeyn karaa in si dagdag ah Alle uu uga qaado culeys walba oo xasiloonida u diiday.
Intaa ka dib in uu qofka raadiyo goob caafimaad ama dhakhtar si uu u qaato daawooyin dabcan la xiriiridda dhaqtarka taqasuska u leh waa arrin aad u wanaagsan.
Waxyaabahani qofka marka uu sameeyo, isbedel yar ee noloshiisa uu ku sameeyo waxaa isku badalaayo hab nololeedkiis oo dhan, cunto xilligeedii lagu cuno, Hurdo kugu filan, Qanacsanaan xoog badan in uu qofka isku arko, Heerkani qofka marka uu soo gaaro waxaa uu ogyahay in uu yahay qof si toos ah xiriir ula leh Allah kownka oo dhan abuuray, Isaga wax uusan doonina in aysan dhulka ka dhicin, Wixii uu donana in ay xikmad ku dheehan tahay, qanacsanaanta qadarta ayaa ba qofka daawo oo dhan ugu filan xanuunkani depressionka.
İn xanuunkani uu ku bato dhalinyaradu, Waa qanaacadoodii oo yar iyo xiririkoodii Alle oo aad u liito, Sida in qof haddii gabadha uu jecel yahay ay kala tagaan, Ama arrin uu sanado ka soo shaqeynaayey hamigiisii oo dhan uu ku xiray in halmar uu waayo ayuu qof dhalinyarada ah isugu dili karaa, halkii loo baahnaa inuu dhaho: Tani waa imtixaan rabbigeygii uu iigu imtixaanaayo, Sabar lagu daray sabar xoog badan booskii looga baahnaa qofka haddii uu u hogaansamo ballanqaadka shaydaanka ee ah in uu fashilmay ama noloshiisii oo dhan in ay intaa uun ku dhammaatay, waa waxa dadka aanan muslimka ahyan ku hogaaminaayo in ay dabaqyo iska soo tuuraan ama in gacantoodii isku sumeyaaan, Laakiin kolka ay geerida u dhawaadaan ayay la kulmi doonaa Depressionki ay dareemaayeen xaqiiqadiisii dhabta ah, İsaga oo weliba weligis daa’im sii noqon doona.
Lacagtaada farxad ku iibso.
Dood qarniyo soo taxnayd baa ahayd "Lacagtu farxad ma goyso/keento" taasi oo dadka aan inta badan xoolaha lahayni isku qanciyaan, sida oo kale kuwa hodanka ahina ay ku harawsadaan kuwa saboolka ah. Doodaasi waxa ay u muuqataa mid fashil ah oo aan shaqaynayn kadib markii cilmi baadhisyo saynis ah lagu ogaaday in qaabka aynu lacagteena u maamulno ay farxadu ku xidhan tahay.
Sidee ayaad lacag taada farxad ugu iibsan kartaa? Qodobo dhawr ah oo jawaab u ah ayaa la taxay bal qaar kamid ah aan sheego.
1. Lacagtaada ku bixi waayo-aragnimo se, ha ku bixin walxo(things); in aad lacagtaada ku bixiso waayo-aragnimo sida dalxiis, booqashada madxafyada, meelaha qadiimiga ah, xarumaha dhaqanka ama barashada xirfado cusub oo muddo kooban ah waxa ay kuu horseedi kartaa farxad aanay ku siiyeen walxuhu haddii aad ku iibsan lahayd. Dadku waa ay la qabsan ogyihiin walxaha ay soo iibsadaan sida dharka ama qalabka oo macne badan uma samayso se, dhayal kuma ilaawaan waayo-aragnimada iyo dareenka farxadeed ee ay ka soo qaadaan goobaha ay booqdaan. Sida oo kale meelahaas aad booqatay waxa ay kaa caawin karaan in aad is hesho oo aad is ogaato qofka aad tahay, intaas waxa dheer in aad yeelato xidhiidho/dabaro bulsho oo adag. Si kooban inta aad iibsan lahayd nashqadii u danbaysay ee IPhone-ka, waayo-aragnimo, garasho, dad iyo dhul cusub ku baro, taas baa ka dhigan in aad farxad iibsatay.
2. Lacagtaada ku maalgali in aad wakhti tayo leh la qaadato dad aad jeceshahay; bani-aadanku aad ayey u jecel yihiin xidhiidhka bulshada kale kala dhexeeya, markasta oo uu wanaagsanaado xidhiidhkaagu waxa badanaya badqabkaaga nafsadeed iyo deganaanta ruuxdaada. Halkan oo kale lacagtaadu door fiican bay ka ciyaari kartaa, bilmetel saaxiibadaada aad isku fadhiga tihiin maalmaha qaar maqaaxi wacan gee oo shaaha ka bixi, halkaasna sheeko wadaagiinii iyo kaftankiinii ku qaadaa dhiga. Laba dhinac ba faa'iido waa ay ka leedahay arrintaasi oo xidhiidhkiinii waa uu sii adkaanayaa sida oo kale intii aad wada joogteen hadalka waad kala bogateen, hadalka laftiisu waa dawo lagu nafiso.
Tusaale kale; intii aad hudheelada suuqa u doonaan lahayd cunto qaaliya, soo iibi qaybaha ay ka kooban tahay oo xaafadda ku karsada idinka oo wada jir ah. Karinteeda iyo cunisteedaba wadaaga, is dhaafsada niyad sami iyo raynrayn taasi oo abuuri doonto xidhiidho qoto dheer(deep connections). Ujeedadu waa in aad hawl wadaag noqotaan dad aad jeceshahay taasi oo farxad badan ku siin doonta, lacagta kaaga baxday qiimo farxeeded bay kuu goyn doontaa.
3. Lacagtaada ku maalgasho koriinka iyo daryeelka naftaada(personal growth and self care); isku day in ay lacagtaadu ka qayb qaadato sidii aad u noqon lahayd qofkii ugu habboonaa ee aad ahayd(best version of yourself), ugana soo kabsan lahayd cadaadiska nololeed ee ku saaran iyo nabarada hore kuu gaadhay. Koriinka ruuxda iyo kan jidhkaba ka feker. Koriinka jidhka waxa muhiim u ah cuntooyinka aad cunto, markasta isku dheelitir oo kharash gaara u qoondee. Waxa jira weedh qiimo leh oo tidhaah "Cuntada sida dawada u qaado/cun, haddii kale dawada ayaad sida cuntada u qaadan/cuni doontaa" taas oo ka dhigan wax caafimaad qaba cun si caafimaadkaagu u sii jiro. Arrinkani lacag badan uma baahna se qorshe nololeed oo rajo iyo danayn nafeed ku jirto uun buu u baahan yahay. Dhinaca kale in aad garaadka iyo ruuxdaba kor u qaado oo ay sida jidhka oo kale u koraan waa muhiim. Buug iibso, wax akhri, kalsoonidaada iyo heerka garashaadaad dhis. Sida oo kale muuqa dusha iska hagaaji, oo intii aad awoodo iska qurxi. Isku toosnidaa noloshu waxa ay qalbigaaga gelin doontaa farxad joogta ah.
Lacagtu waxa ay macno beeshaa marka ay goyn waydo wax ka baxsan dhar iyo dhuuni. Lacagtaada ku abuur; caafimaad, qurux, xog iyo xidhiidho. Kolkaas bay lacagtu macno leedahay oo farxad goysaa.
W/Q: Maxamed Dangarad.
Cafisku waa sifo la mahdiyo oo uu Alle siiyo Qofka uu Gob ka dhigo Gobanimana ugu daro.
Si Ilaahay u solonsiiyo Adoomahiisa ku sifaysnaanta sifadaas suubban ayuu faray inay qaataan Cafiska.
خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ} [الأعراف:199.
"Cafiska qaado oo wanaagana far kana jeenso kuwa aan waxba garanaynin oo dan uga bax"
{إِنْ تُبْدُوا خَيْرًا أَوْ تُخْفُوهُ أَوْ تَعْفُوا عَنْ سُوءٍ فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ عَفُوًّا قَدِيرًا} [النساء:149]،
"Hadaad khayrka muujisaan ama aad qarisaan amase aad xumaan laydiin gaystay cafidaan Ilaahay waa mid cafiya oo kara inuu dambiyadiina dhaafo"
وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ} [النور22
"Ha cafiyeen oo ha saamaxeen dadka fadliga leh miyeydan doonaynin inuu Eebe idiin dambi dhaafo"
Nusuusta Diinta ee ka hadasha Cafiska aad bay u badan yihiin mana aha kuwo lagu soo koobi karo qormo kaliya waxna arintaas ku tusinaysaa sida is cafintu u tahay muhiim.
فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللّهِ إِنَّ اللّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ (159).
"Raxmad xagga Rabigaa ka ahaatay darteed ayaad ugu jilicsanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabci qalafsan oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen,ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab arimahana kala tasho oo markaad go'aan gaarto Alle u talo saaro waayo Alle waa mid jecel kuwa talo Saaranaya"
عَنْ أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: "قَالَ النَّبِيّ: «مَا أَحَدٌ أَصْبَرُ عَلَى أَذًى سَمِعَهُ مِنْ اللَّهِ؛ يَدَّعُونَ لَهُ الْوَلَدَ، ثُمَّ يُعَافِيهِمْ وَيَرْزُقُهُمْ»" (البخاري).
"Saxaabiga Abii Muusa Ashcari rc Xaddiis uu Nabiga ka wariyay scw ayaa wuxuu ahaa in Nabiga scw yiri:- ma jiro cid Alle kaga samir badan dhibaato uu maqlo,waayo waxay u nisbeynayaan inuu Awlaad dhalay markaasuu isagana inta iska cafiyay misana quudinayaa"
* عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ قَالَ: «تَعَافُّوا الْحُدُودَ فِيمَا بَيْنَكُمْ، فَمَا بَلَغَنِي مِنْ حَدٍّ؛ فَقَدْ وَجَبَ» (حديث صحيح، صحيح أبي داود للألباني).
Xadiis uu Cabdullaahi ibnu Cumar ibnu Caas Rasuulka ka warinayo ayaa wuxuu ahaa inuu Nabiga scw yiri:-
"Iska cafiya dhexdiina dunuubta xuduuda waajibisa ee idin dhex taalla,waayo wixii xuduud ah oo aniga isoo gaara waa la fulinayaa".
* عن عَبْد اللَّهِ بْن عُمَرَ رضي الله عنهما قال: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ، فَقَالَ: "يَا رَسُولَ اللَّهِ كَمْ نَعْفُو عَنْ الْخَادِمِ؟" فَصَمَتَ، ثُمَّ أَعَادَ عَلَيْهِ الْكَلامَ، فَصَمَتَ، فَلَمَّا كَانَ فِي الثَّالِثَةِ قَالَ: «اعْفُوا عَنْهُ فِي كُلِّ يَوْمٍ سَبْعِينَ مَرَّةً» (حديث صحيح صحيح أبي داود للألباني).
"Cabdullahi ibnu Cumar rc wuxuu yiri :-nin ayaa Nabiga scw u yimi oo wuxuu ku yiri:-Rasuulkii Alloow intee baan cafin karnaa Shaqaalaha inoo shaqeeya,Rasuulka scw waa ka aamusay,mar kale ayuu ninkii su'aashii ku celiyay,misna Rasuulka scw uma jawaabin,mar seddexaad ayuu ku celiyay,markaasaa Rasuulka scw yiri:-waxaad cafinaysaan maalin kasta todobaatan goor".
* عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ قَالَ: «مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ، وَمَا زَادَ اللَّهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلاَّ عِزًّا، وَمَا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلَّهِ إِلاَّ رَفَعَهُ اللَّهُ» (مسلم).
Abuu Hureyra rc waxa uu Rasuulka scw ka wariyay inuu yiri:-Saddaqo maal ma nusqaamiso Ilaahayna uguma kordhiyo Addoon cafintiisa darteed,waxaan cisi iyo sharaf ahayn,ruuxna Ilaahay dartii isulama yaraado illaa ilaahay kor buu u qaadaa maqaamkiisa".
Muhiimadda cafisku leeyahay darteed ayay salafku ku sifaysnaayeen cafinta oo ay dadkana ku tir tirsiin jireen.
* سُئل أبو الدرداء رضي الله عنه عن أعز الناس؟ قال: "الذي يعفو إذا قدر، فاعفوا يعزكم الله" (إحياء علوم الدين للغزالي).
"Saxaabiga Abuu Dardaa ayaa la weydiiyay dadka yaa ugu mudan,wuxuu yiri:- midka cafiya isaga oo aargudan kara,ee iska cafiya dadka ilaahay ha idin ciseeyee"
* قال علي بن أبي طالب رضي الله عنه: "إذا قدرت على عدوك، فاجعل العفو عنه، شكرًا للقدرة عليه" (المستطرف للأبشيهي).
"Cali ibnu Abuu Daalib rc wuxuu yiri:- hadaad cadowgaada ka gacan sarayso intaad cafido ka dhigo cafiskaas shukri iyo mahad naq aad Alle dartii U gudanayso"
* قال معاوية بن أبي سفيان رضي الله عنه: "عليكم بالِحلْم والاحتمال حتى يُمْكِنُكُمُ الفُرصةُ، فإذا أمكنكم؛ فعليكم بالصفح والإفضال" (إحياء علوم الدين للغزالي).
"Mucaawiye Ina Abuu Sufyaan rc waxa uu yiri:-waa inaad dulqaadataan oo cadowgiina cudurdaarka u badisaan,ilaa ay fursadu idiin saamaxdo inaad ka adkaataan,oo markaad ka adkaataana waa inaad Cafin iyo wax siin isugu dartaan".
* قال الحسن البصر? رحمه الله: "أفضلُ أخلاق المؤمن العفو" (الآداب الشرعية لابن مفلح الحنبلي).
"Xasanul Bisri rx wuxuu yiri:-dabeecadda Mu’minka midda u fadli badan waa cafiska"
* قال سعيد بن المسيب رحمه الله: "ما من شيء إلا والله يُحبُّ أن يُعفَى عنه ما لم يكن حدًّا" (موطأ مالك، كتاب الأشربة).
"Saciid ibnu Musayb rx wuxuu yiri:-wax kasta oo jira Alle wuxuu jecel yahay in layska cafiyo haddii uusan ahayn xuduud la soo rafciyay oo ay tahay in dadka loo kala qaado"
* قال الأحنف بن قيس رحمه الله: "إياكم ورأي الأوغاد، قالوا وما رأى الأوغاد؟ قال الذين يرون الصفح والعفو عارًا" (المستطرف للأبشيهي)
"Axnaf Ina Qays wuxuu yiri:-waxaan idiinka digayaa rayiga dadka qalbiga xun ee aan waxba ku turnayn,waxay yiraahdeen oo muxuu yahay ra'yigaasi dadka qalbiga xun' wuxuu yiri:-waa kuwa cafiska iyo saamaxaada ceeb u arka".
Ugu dambayntii walaalayaal waxaa nalaka gudboon inaan ku camal falno cafiska iyo saamaxaada udub dhexaadka u ah diinteena macaan.
W/Q: Ustaad Cabdullaahi M. Xuseen.
Sawirka sare waa Afweyne, kan hoose waa Taakeeye.
Dabayaaqada sannadkii 2012-dii ayaa waxaa warbaahinta ka soo muuqday oo shir jiraa’id qabtay nin ku magacdheeraa Afweyne. Magaalada uu shirka ku qabtay waxay ahayd Cadaado. Waxa uu Afweyne maalintaa sheegay inuu ka baxay Burcadbadeednimadii. Warkaasi dunida ayuu maalintaa iyo maalmihii xigay qabsaday. Waayo, horay wajigiisa looma aqoon, lagumana caddayn karin inuu ahaa Burcadbadeed. Haddaba kuma ayuu ahaa Afweyne?
Maxamed Cabdi Xasan oo Afweyne ku caan baxay ayaa ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Qiyaastii 1958-dii. Afweyne waxa uu ahaa maskaxdii iyo fekraddii ka dambaysay Burcadbadeedii Soomaaliya 2005-tii asaasantay. Aagga Xarardheere iyo Hobyo ayaa saldhig u ahaa. In ka badan labaatan Maraakiib ayay Qaramada Midoobay (QM) sheegtay inuu afduubtay.
Maraakiibtii caanka ahaa ee uu afduubtay waxaa kamid ahaa kii Sucuudiyaanka ee MV Sirius Star Supertanker la oran jiray iyo midkii Yukraaniyaanka ahaa ee isna la oran jiray MV Faina. Waxay QM sheegtay inuu Maraakiibta markay ugu yar tahay uu madaxfurasho uga qaadan jiray laba milyan oo doollar. Tusaale, warbixin la daabacay dabayaaqadii 2011-dii ayaa waxaa lagu sheegay inay sannadkaas oo kaliya heleen Burcadbadeedku lacag gaaraysa $160M.
Kolka ay Alshabaab (AS) soo baxeen ayaa waxay iskudayeen inay faragashadaan hawlaha Burcadbadeedka. Se Afweyne ayaa u ballanqaaday in afduub walba ay ku lee yihiin lacag gaaraysa boqol kun oo doollar, laakiin se uu shardigu yahay; hawlaha iyo aagga Burcadbadeedka inaysan ka soo agdhawaan. AS waa ay aqbashay heshiiskaas.
Sanadihii u dhexeeyay 2007-2011 waxa ay ahaayeen kuwii ugu afduub badnaa. Hawlaha Burcadbadeednimada kolkii dambe waxaa maamulayay Afweyne wiilkiisa Cabdiqaadir Maxamed Cabdi Xasan.
Afweyne waxa uu ahaa ninka loogu raadinta badan yahay, se aan wajigiisa la aqoon. Yaab iyo amakaag ayay noqotay kolka uu warbaahinta ka soo muuqday dabayaaqadii 2012-dii. Intaa oo kaliya kuma uusan ekaanine waxa uu ka aqbalay koox ajaanib u badnayd inuu raaco, iyada oo ay u sheegeen inuu lataliye uga noqdo filim ku saabsan Burcadbadeednimada oo lagu dhigayo dalka Belgium.
Bartamaha bishii October ee 2013-dii ayaa Afweyne iyo ninkale oo Maxamed Cabdi Aadan Tiiceey la dhaho ka wada dageen garoonka Caasimadda dalka Biljam ee Brussels. Nimankii isu haystay inay maamuusnaayeen oo casuunaayeen ayaa lagu wargeliyay in xilligaa laga billaabo ay xiran yihiin. Kooxdii ajaanibta ahayd ee la socotay ee ay filimsameeyayaal u maleenayeen waxayba ku noqdeen sirdoono.
March 2016-dii ayaa Afweyne iyo Tiiceey maxkamadda la soo taagay iyada oo Afweyne lagu eedeeyay inuu afduubtay markab uu Biljamka lahaa oo la oran jiray Pompei, 2009-kii. Toddobaatan maalin ayay haysteen iyada oo maxkamadda laga sheegay inay jirdil daran u geesteen shaqaalaha markabka oo Biljam u badnaa, waxaana lagu soo furtay $2M. Ugu dambayn, Afweyne waxaa lagu xukumay isaga oo 58 jir ah labaatan sano oo xarig ah, halka Tiiceey isagane lagu xukumay shan sano oo xarig ah.
Dabayaaqadii 2020-ka waxaa warbaahinta ka soo muuqday nin lagu magaaco Sufyaan oo ay hareera joogaan afar dumar ah oo uu xaasaskiisa ku sheegay. Waxaaba markiiba baraha bulshada qabsaday muuqiisa iyo arrinta uu la yimid oo ah; afarta xaas inuu hal hoy ku wada qabo.
Billowga bishii January ee 2021 waxaa waraysi bixiyay Cabdisalaan Axmed Jimcaale. Cabdisalaan waa Wariye ka hawlgali jiray Radio Muqdisho. Waxa uu sheegay muddo soddon sano kahor arrin dhacday oo Taakeeye la xiriirtay. Waa dilka shan wariye oo uu gacantiisa ku dilay, waa Taakeeye.
Maalmo kadib waxaa haddane warbaahinta ka soo muuqday Siciid Aadan Cali oo ku magacdheer Saciid Ateeno oo isna kamid ahaa wariyaashii Radio Muqdisho. Waxa uu sheegay inuu Taakeeye soddon sano kahor uu shan wariye dilay. Wariye kale oo Maxamed Sheekh la dhaho oo isna kamid ahaa Radio Muqdisho ayaa isna soo hadlay oo u marqaatifuray labada wariye ee hore.
Sufyaan Sheekh Axmed waxa uu 1975-tii ku dhashay magaalada Cadaado. Waxa uu xamar soo galay 1991-dii isaga oo la socday garabkii Caydiid. Sida caadiga ah beel walba waxa ay degtay aag iyo Wasaarad. Beeshiisa oo Saleebaan ahayd waxay dagtay aaga Wasaaradda Warfaafinta.
Taakeeye waxa uu kaga duwanaa barbaartii kale ee beesha Saleebaan ee qoryaha haysatay inuu isaga qorigiisa la soo geli jiray gudaha idaacadda iyo istuudiyaha wax lagu duubo. Barbaarta kale iyagu waxa ay ku ekaayeen albaabka kore iyo barxadda Wasaaradda. Isagu waxa uu xiisayn jiray inuu saxaafadda wax ka barto. Waxaa se dhawr jeer loo sheegay inuusan saxafi noqon karin illaa uu iska hor dhaqaajiyo rag dhawr ah. Waxa uuna billaabay inuu calaamaysto raggii.
Subax ay taariikhdu tahay 8 April 1991-dii ayuu idaacadda kula soo kalahay qorigiisii. Waxa uuna billaabay inuu mid mid ula baxo raggii uu horay u calaamaystay.
Mahad Aadan Xasan (Mahad Cade) ayuu ahaa ninkii u horreeyay ee uu dilay. Mahad waxa uu ahaa Madax Ogaysiiska ee Raadiyaha. Waxa uuna qabiil ahaan ka soo heeday Ogaadeen. Ninkii xigay ee uu dilay waxa uu ahaa Abuukar Maxamed Nuur (Abuukar Wariye) oo ahaa Shiikhaal. Maxamed Cali Xaange oo Majeerteen ah oo Tafaftire ah ayaa ahaa ninkii saddexaad ee uu dilay. Waxaa u dambeeyay Cabdi Sheekh Cali oo ahaa soosaare iyo soojeediye barnaamijka Ganacsiga ee Raadiyaha, waxa uuna ahaa Carab Saalax.
Ninkan dambe ee Carab Saalaxa ah waxa uu kuwaa kale uga duwanaa waxa uu ahaa ninkii garab qabtay ee kala baray idaacadda oo fahamguud ka siiyay saxaafadda oo weliba mararka qaar u dhiibi jiray inuu idaacadda ka soo jeediyo barnaamijka Ganacsiga. Afartooda waxaa isku mar meydkooda laga wada helay sarta dheer ee Musawaca ee Wasaaradda Warfaafinta u dhow.
Qofka shanaad waxa uu dilay bilooyin kadib, waana Cabdiqaadir Cali Iidle oo markaa ahaa Agaasimaha Raadiyaha Muqdisho, waxa uuna ahaa Xawaadle. Ninkaa Xawaadle kolka uu dilay Taakeeyee waa uu isaga cararay Soomaaliya oo dhan, waxa uuna galay Kiinya. Waxay is heleen haweeney dhoofi rabtay oo ay isla dhoofeen isaga oo galay Canada, se way heshiin waayeen naagtii, waxayna ku furtay dacwad. Waxa uu markale u sii cararay Maraykanka.
Muddo kadib Taakeeye ayaa warbaahinta soo raadsaday, sida uu Afweyne u raadsaday. Weliba intaa kuma ekeenine sida uu Afweyne u aqbalay kooxdii ajnabiga ahayd ee uu u raacay Biljamka ayuu Taakeeyane u billaabay inuu taageero AS oo wax ka sheego calanka iyo taariikhda Soomaaliya oo urur samaysto. Ugu dambayn, Taakeeye ayaa maanta la qabtay oo Muqdisho laga soo dajiyay sida Afweyne loo qabtay oo Brussels looga dajiyay.
W/D: Aw Dacar.
Inta udhaxaysa Da'da 22-27 sano ragga uma fiicna, dumarka qaarkoodna waa la mid. Waa waqti qofka dhallin yarada ah uu dhibaatooyin nafsi oo badan la kulmo. Waqtigaas, gabdhihii aad isku da'da ahaydeen waa la guursanayaa. Waayeelku waxay kuu arkayaan qof da' yar oo aan wali helin garasho buuxda iyo khibrad lagu qaddariyo. Halka kuwa kaa da'da yar ee aad adigu ka wayn tahay ay kuu arkayaan in aad tahay qof weeyn, oo ciyaarahooda iyo xifaaltankooda aan ka qayb gali karin.
Eedooyinkaa iyo islaamaha ku yaaqaanna waxay si joogto ah kuu waydiinayaan "qof weeyn baad noqotaye goormee guursanaysaa?" Adeerradaa iyo odayaasha ku yaqaanna iyana waxay ku waydiinayaan "Maxaad jaamacadda ka barataa/ ka baratay? Lacag fiican ma ku heshaa waxaad soo baratay?".
Su'aalaha noloshaada ku saabsan ee bannaanka kaaga imaanaya waa kuwo aan xudduud lahayn, halka adiguna aad la daalaa dhacaysid mawjadaha wareerka iyo ka fakarka mustaqblkaaga waxaad noqon doontid.
Waxaan rabo in aan kuu sheego ayaa ah, in aad haysatid kalsoonidii aad uga baahnayd in aad aammintid in aad wax qabsan kartid oo aad joogtid waqti da' qaali ah. Waxaad heshay khibraddii ugu horraysay ee nolosha, taasoo ah in wixii aad ku soo baratay iskuullada aysan marnaba kaa saacidayn in aad nolosha khibrad uyeelatid, oo waxa nolosha ku baraya ay yihiin waayaha iyo duruufaha aad la kulantid.
Waxaad hadda kala fahamsan tahay xiriirka iyo jacaylka. Waxaad ogaatay in jacaylku uu leeyahay xaalado iyo shuruuc ugooniya, halka beryihii hore aad ku wareersanayd jacaylka, aadna ahayd qof ka indha la oo ku wareersan fahamka jacaylka, saaxiibtinnimada iyo walaaltinnimada.
Waxaad hadda ogtahay in uusan jirin qof kuu damaanad qaadi kara in uu farxad joogta ah ku siiyo, qof kuu damaanad qaadi kara nolosha aad ubaahan tahay in uu ku siiyo. Waxaad ogaatay in aysan nolosha jirin qado bilaash ah, oo wax kasta ay ka dambeeyso ujeeddo, shaqo kastoo qurux badanna ay ku timaaddo dadaal iyo niyad xamaasad leh .
Gab gabadii, dadka aan dhallinyarada ahayni, waa in ay tix galiyaan dhallinyarada noloshooda, oo aysan ku dadajin go'aanno dag dag ah. Waa in ay xasuustaan in waqtiga dhallinyaranimadu yahay waqti muhiim ah qofku in uu ku qaato waayo kala duwan.
Dadka dhallinyarada ah ee waqtigaan ku jira waxaan leeyahay, fahma in tani ay tahay noloshiinna, qaata waqtigiinna, kuna dadaala in aad mustaqbal ka dhigataan waxa aad jeceshihiin. Waa muhiim in aad tix galisaan curfiga bulshada, laakiin, ha aqbalinina in noloshiinnu ay usocoto sida dadku ay idinla rabaan. Qoraalka intaas waan ka sii dheerayn lahaa, laakiin waxaan rajaynayaa in aad hadalkayga fahamtay. Noloshaada ha noqoto mid aad adigu leedahay!
La wadaag asxaabtaada ama halkan ugu yeer si ay kuula akhristaan qormadaan.
X/G:Mohamed H. Fariid
2012 kii talefishanka BBC ayaa siidaayey warbixin cinwaankeedu ahaa ‘Cun, Soon, cimri dheerow’ (Eat, Fast, Live Longer) oo uu diyaariyey Dr. Michael Mosley oo ah saxafi iyo dhakhtar u dhashay Ingiriiska.
Waxa uu soo bandhigay in soonku uu noqon karo hab qofku uu miisaanka iskaga ridi karo, kuna da’ yaraanayo, isaga oo aan isbeddel weyn ku samayn noloshiisa kale. Natiijo yaab leh oo uga soo baxday tijaabooyinkii uu soonka ku sameeyey ayaanu ka qoray buugga, ‘The Fast Diet’.
Dr. Mosley waxa uu ku taliyey in la raaco habka ah 5:2 oo uu uga jeedo in toddobaadkii 5 maalmood cuntada si caadi ah loo cuno, 2 maalmood oo aan isku xiginna la soomo. Taas oo uu ka soo dheegtay Nebi Muxamed (SCW) oo sida sunnuhu caddeeyey toddobaad kasta khamiista iyo Isniinta soomi jiray.
Dr. Mosley faa’idooyinka soonka kuma uu soo koobin miisaan ridista, balse isaga oo kaashanaya aqoontiisa dhakhtarnimo waxa uu sameeyey daraasado cilmiya iyo shaybaadho caafimaad oo muujiyey, in uu xoojiyo awoodda uu jidhku u leeyahay soosaarista unugyo maskaxeed oo cusub, iyo inuu kor u qaado awoodda garasho iyo aqooneed ee maskaxda. Waxa ay daraasaduhu muujiyeen in soonku uu maskaxda u yahay sida jimicsigu uu jidhka kale u yahay; waxa uu xoojiyaa in maskaxdu ay soo deyso barootiinno la dagaallamo gabowga iyo xanuunka asaasaqa, inuu si aad ah u yareeyo xaydha jidhka ku ururta, inuu isu dheellitiraa sonkorta (Glucose) dhiigga, iyo inuu yareeyo subagga (Kalastaroolka) dhibaatada keena, isla markaana uu kordhiyo Kalastaroolka waxtarka u leh jidhka.
Waraysi uu 2013 kii siiyey Aljazeera, waxa uu ku sheegay in nidaamkan soonka labada cisho ah uu isagu isku tijaabiyey, muddo 2 bilod iyo badh ahna uu ku riday sagaal kiiloo. “Miisaanka in uu ridday oo keliya ma’aha ee sida oo kale waxa uu wanaajiyaa caafimaadka jidhka iyo maskaxda labadaba” ayaa uu yidhi Dr. Mosley oo intaas ku sii daray “Anigu toddobaad kasta khamiista iyo Isniinta ayaa aan soomaa.
Ma’aha keliya in Nebi Muxamed (SCW) uu sannado badan ka hor ku taliyey, balse sida oo kale diimaha waaweyn ah oo dhan ayaa soonka ku taliyey.
Waxaa la sameeyey tijaabooyin cilmiya oo lagu ogaaday in soonka laga helo firfircooni iyo tamar xoog ah. dadkii lagu sameeyey tijaabaduna ay xitaa ogaadeen in Jimicsigu uu fududyahay marka ay sooman yihiin, dufanka ay gubayaanna uu ka badan yahay inta ay gubaan marka aanay soomanayn”.