Stories by Aisha Abdulle Osoble on Medium
Inaan waqti kooban ku dhammeeyo jaamacadda iyo inaan helo fursad shahaado dibadda ah waxay ahayd riyada dhalanteedka ah maankayga ku jirtay, laakiin waxay noqotay mid aad uga duwan.
Weligayba waxaan ku taami jiray inaan barto saxaafadda, waxaan aad u jeclaa wararka, barnaamijyada raadiyaha iyo telefishinka, inkastoo cabsi laga muujin jiray nabadgelyada wariyaha, dadkuna waxay i dhihi jireen gabadh saxaafadda looguma talagelin.
Sanadkii 2020 markii aan dugsiga sare dhammaystay, jidkii waxbarasho ee aan filayay ma noqonin mid toos ah. Jaamacadaha dalka xilligaas waxaa ugu horreeyay oo si weynloogu boorinayay Barashada Culuumta Caafimaadka. Dadka iyo aabbahay waxay igu lahaayeen: “Caafimaadka fursad shaqo oo hubaal ah ayaad ku helaysaa ee baro,”
iyagoo aad u rabay inaan jidkaas qaado. Balse maankayga ma gelin, riyadayda dhabta ah waxay ahayd inaan dibadda u aado si xor ah, oo aan halkaas kaga soo barto waxa aan maanka iyo wadnaha ka jecelahay oo ah saxaafadda, halkii aan waqtiga uga lumi lahaa Cilmi aanan rabin.
Balse riyadaas waxay hor-timid darbi kale, maadaama reerkaygu ay ka soo horjeedsadeen in gabadh yar oo aan weli 20 sano gaarin kaligeed qurbo loo diro.
Is-haysashadaas awgeed dhankayga oo ku adkaysanayay in aanan caafimaad baran ee aan jidkayga xorta ah raadsado, iyo dhanka Aabbahay oo diiddanaa in gabadhisa bilaa macno guriga uga fadhido waxbarashada waxaan sanad dhan guriga ku qaatay bislaynta riyadayda iyo dhabar-adayg, anoo sugaya fursad aan jidkayga dhabta ah ku raaco Kadib sanad oo guri fadhi ah, waxaan Ciidul Adxa masjidka ku arkay gabadh aan derisahayn. Waxay iigu bishaareysay fursad jaamacadeed oo mastar dibadda ah lagu helaayo marka aan heerka koowaad waxbarashada dhameeyo.
Xisaabtaydu waxay ahayd in saddex sano oo jaamacadda aan halkan ku dhameeyo, kadibna labo sano oo heerka labaad ah dibadda u doonto, iyadoo shan sano ay igu qaadaneyso.
Waxaan u orday dhanka Jaamacadda Ummadda iyadoo walaalkeygana i taageerayo.
Kulliyadda Cilmiga Bulshada ee aan tagnay xilligaas waxaa tartan aad u weyn uu ka jiray Waaxda Adeega Bulshada (Social Work) , halka saxaafadda lagu yaraa.
Maalintii ugu horraysay ee aan u fadhiistay fasalka saxaafadda, gabadha kaliya ee fasalka ku jirtay ayaan ahaa, wiilashuna shan ma gaarayn.
Balse marba marka ka dambaysa waxaa nagu soo biirayay arday kale ay waaxaha kale sida Adeega Bulshada (Social Work) iyo Cilmigi Siyaasada (Political Science) laga sooraray waxaana tiradu markaas noqotay 42 arday.
Xaqiiqada naxdinta leh waxay ahayd markii uu fasalka koowaad dhammaaday ayaa iigu soo baxday in jaamacadda shan sano ka yar lagu dhamayn karin.
Hal fasal oo asaaska layskaga soo dhiso, afar sano oo jaamacadda ah iyo afar bilood oo shahaado sugid ah ayaa igu qaadatay in heerkaygii 1-aad oo kaliya aan ku dhammeeyo shan sano.
Muddada shanta sano ah, waxaan maqlayay hadallada niyad-jabka ah ee dadka: “ ma war ayaad shan sano u fadhiyaysaa? yaa shaqo kugu siinaya, mise joornaal ayaad jidkaku iibinaysaa?” Hadalladaas waxay i gaarsiyeen inaan ka xishoodo inaan iraahdo saxaafadda ayaan bartaa, oo dadka marka ay i weydiiyaan maxaa barataa? Waxaan ku oran jiray Cilmiga bulshada ayaan bartaa.
Riyadii dhalanteedka ahayd iyo xaqiiqda adkayd waa kuwas oo kale.
Laakiin halgan iyo samir badan kadib waxaan ugu danbeyn soo afmeeray 31-kii Maarso 2026 aniga oo ka qalin-jebiyay waaxdii aan doortay ee saxaafadda. Waxaan ku qalin-jebinay 23 arday oo kaliya kadib marka ay kuwii kale naga hareen.
Sida aan filayay waxay ahayd in jaamacaddu ay ardayda kaalmaha hore gasha toos u diri jirtay sida waagii hore. Balse markii aan waxbarashada dhammaystay waxaan ogaaday in nidaamku isbeddelay oo uu yahay inaad adigu email iyo portal ka codsato jaamacadaha Talyaaniga sida University of Palermo si aad aqbalaad ama admission uga hesho.
Waxaan u fariistay codsiga jaamacadda, waxaana diray dhammaan dokomintiyadaydii iyadoo ay rajadu aad ii sarrayso. Balse xaqiiqdu waxay noqotay mid qadhaadh: codsigaydii waa la diiday mana helin aqbalaaddii aan sugaayey.
Riyadii dibadda oo aan sanadaha badan sugayay sidaas ayay markaas ugu baaqatay, balse waxay ii noqotay cashar kale oo i baray in dib-u-dhac kasta uu leeyahay sabab iyo fure kale oo nolosha ah.
waxaan qof walba u rajeynayaa sidaa u filaayo si ka wanaagsan inuu nolosha kala kulmo.
✍️ Aisha Abdulle Osoble.