Stories by Dheeg on Medium
Mustafe iyo Xamdi waxa ay isyaqaaneen muddo dhawr sanno ah. Xamda waa boqol dhaan Illaahay maskax iyo asluub u dhaliyey, degganaan iyo quruxna u weheliso. Ma hubo Mustafe wakhtigii ay is barteen, balse in ay goob xaflad ah habeen ku kulmeen oo ay isku barteen ma moogana. Habeen habeennada ka tilmaaman ayuu ahaa oo xasuustiisa leh.
Waxa ay ku ballansanaayeen in ay caawa tagaan goob ay ku caweeyaan, wakhtina kusoo wada qaataan. Goobtan bishiiba dhowr jeer bay kulan kan oo kale ah ku yeeshaan, balse caawa kulankoodii wuu baaqday, maaddaama; ay u sheegtay in ay hooyadeed xanuusanayso, doonaysana in aanay ka ag tagin: taa beddelkeedana ay ka dhigtaan habeen danbe. Wuu aqbalay, waayo? Waa qof uu aad u aamminsan yahay, qawl beenana uga baran. Kadib markii ay u sheegtay in aannay caawa u iman karin, waxa uu tagay goob uu bunka kula cabo saaxiibadii. Waxa uu fadhiistay meel koorne ah. Waxa uu dalbaday koob bun ah. Wax yar isaga oo aan fadhiyin ayey u yimaadeen laba nin oo asxaabtiisa ka mid ah- Sakariye iyo Khaalid . Intii ay wadeen cabbitaanka bunka waxa ay qabsadeen sheekooyin waayo waayo ah, wakhtiyadii ay waxbarashada ku jireen iyo waliba xasuuso yaraantii ah.
Dhammaantood farxad bay u ahayd maadaama ay xasuusteen yaraantoodii. Iyagga oo iska sheekaysanaya, ayuu moobilkii Mustafe soo dhacay. Mahfoud ayaa khadka ku jira. Maxfuud, waa Mustafe habarwadaagii. Wuu ka qabtay. “Waar iska warran?” Ayaa uu Maxfuud dhanka kale ka soo yidhi.” “Alxamdulillaah waan fiicanahaye ee adigu sideed tahay?" Ayuu ugu hal celiyey. Waa wacnaan iyo wanaag.
Waxa uu Maxfuud u sheegay Mustafe in uu u sido buug, uguna yimaado suuqa bartankiisa. Mustafe waxa uu u sheegay saaxiibbadii in uu meel dhow ka soo noqon doono, intaana ay sii fadhiyaan. Wuu ka soo baxay meheradii. Dhowr tallaaabo ma qaadin markii uu waddada koonaheeda kale uu ku arkay, labba qof oo uu midood u maleeyey in uu garanayo. Haa garasho illaa socodkeeda ah. Wuu yara istaagay si uu u hubiyo in ay iyadii tahay. Alleylehe waa Xamda, oo ay gacanta is haystaan wiil kale! Wuu naxay!. Dhammaan jidhkiisa waxa qaadday jidhiidhico! Waxa ay ku noqotay u qaadan waa. Waddada badhtankeeda ayuu ku qalallay! Isaga oo iyaga sii eegaya, ayuu ku war helay hoonka gawaadhida oo is qabsaday. Dad buuqaya oo makhaayad ku beegan fadhiya iyo dad meesha marayey oo lahaa “Waar miyuu waalan yahay”, iyo “Maxaa inanka helay?” Qaylada markii uu maqlay ayuu dareen ahaan soo noqday oo uu waddada dhinac uga baxay. Waxa uu eegay halka ay mareen, balse wuu waayey muuqoodii! Intii uu anfariirsanaa ayey show libdheen. Cabbaar waxa uu sii yara taagnaa waddada dhinaceeda. Garaaca wadnihiisu waxa uu si toos ah u soo gaadhaya oo uu ku maqlayaa dhegihiisa. Dhidid waaweyn oo aad dhibco roob mooddo ayaa dhafoorradiisa qooyay. Waxa uu dib ugu soo noqday asxaabtiisii halkii ay fadhiyeen, maaddaama halka uu u socday uga dhawayd goobtii uu fadhiyey. Caawa waxa uu cabbay Lix koob oo bun ah. Cabitaanka badan ee bunka ayey saaxiibbadii wayddiiyeen; “Waar maxaa ku helay saaxiib adiga oo faraxsan baa aad naga tagtee?” Intaa ay su'aasha wayddiinayeen indhihiisu waxa ay ku maqannaayeen meel kale, maskaxdiisuna su’aalo badan ayay is waydiinaysay. Xamdi maxay sidaa kuugu samaysay?, hadii aanay ku jeclayn maxay mar hore kuugu sheegi wayday?, Maxay wiilkan ay kaa raacday ku aragtay oo adiga kaa maqan?, Maxaa ku kalifay in hooyadeed ka been abuurto si ay been kuugu sheegto?, Ma jacayl aanay kaa helin adiga, ayay ka heshay isaga ?, tolow haddii ay isoo wacdo caawa maxay i odhan?, ma gurigii baan joogay mise hooyaday baan hayey?, ma waxa ay i odhan; “qofkaad aragtay aniga ma ahayn?”
Ma moodayn in wax kastaa sidaa fudud isu beddelayaan!