Stories by Sadam Aweis on Medium
(Canva Ai Text Generated Image)
Kaligay baan dhex lugeynayaa suuqaan ciriiriga ahaa maalinta dheer, saqdaan dhexe se cidlada u muuqda, balse ma aha cidlo. Waa uu buuxaa. Waxaa ka buuxa raadad tira badan.
Maanta harkii halkaa, qorraxda jiilaalka hoosteeda, waxaa fadhisay hooyo macmacaan iibinaysay.
Dhibicaha dhididkeedii baa ku engagay dhagaxaa ay ku fadhisay.
Dhinaceeda midig nin da' dhexaad ah baa cod dheer ku soo jeedinayay socotada, isagoo ku celcelinaya qiimaha jaban ee qudaarta saaran miiska.
Ka soo horjeedkooda udgoonka xawaashka cunnada ayaa ka soo baxayay daaqad yar oo shushub ka lulanayo.
Meel aan ka fogayn, haddii hore loo dhaqaaqo, waxaa saf loogu jiray cunnada fudud, rooti dhexda hilib loo geliyo iyo Bogadiyoos.
Waxaa ku sii xigay oday kawaanle ah oo fari ka go’an tahay, oo hilibka kiisa cas iyo ka cadba iibiya. Wuxuu dagaal xooggan kula jiray cayayaanka duula.
Mid kalaa jidka ciriiriga ah ku dhex jiidayay miis taayarro leh oo cabitaanno qabow sida, liin dhanaan iyo bambeello.
Hadda waa mugdi. Waa jabaqla’. Shishe fog hortayda waxaa soo socda nin habow ah sidayda. Wuxuu u tallaabsanayaa si deggan. Waa kan wuu igu yimid... haash ayuu ku tuuray dhulka. Wuu ku istaagay. Kadibna wuu i dhaafay. Urta sigaarkiisa ayuu ku saxiixay hawada.
“Maanta halkaan waxaa ka buuxay riyooyin, waxaa ka buuxay qalbiyo jaban, kuwa dhawaan bogsaday, iyo kuwa ay kow u tahay.”
Maanta halkaan waxaa ka shidnayd heesta nolosha oo laxan kasta leh, ka ugu murugada badan iyo ka ugu reynreynta badan, hadda se waxaa ka haray raadad kali ah, ur iskudhaf ah iyo qashin badan.
Imsa socoto ah buu maanta suuqani kulmiyay?
Imsa sheeko nololeed ayaa isku dhaafay halkan?
Imsa qoomamo, imsa mahadho, iyo dareenno aan la miisi karin?
Waxaan sii dhaafay shaqaalaha nadaafadda oo saqda dhexe ka hawlgala suuqa.
Xabbad sigaar ah ayaan sii shitay.
Dunida daafaheeda, sikinkaan qof baa nafbaxaya.
Dhallaan ay hadda kow tahay baa ooyaya.
Lammaane ayaa jacayl la taahaya.
Meel fogna waxaa baraadli’i hurudda gacaladaydii.