Stories by Sakariye Cismaan on Medium
koSeeggan
Xamarta maanta iyo Xamartii berisamaadkii
Cutubka 1aad
Waa Casar dheer, waxaan is leeyahay inta aanan lagaa buuxin Rio Palace boos fiican kursi ka qabso. Shaah baa aad ii haya, oo madaxaygu wax aanan shaahaas ahayn tamar uma hayo in uu ka fekero.
Isgoyska Soobe baan lug kusoo dhaafay, oon maqaaxida Beder sokodeeda ka leexday. Magaalada Muqdisho galabta si bay u buuq iyo sawaxan badantahay. Waxaad mooddaa gawaaridu sidii in ay aroos sidaan ay si aanan kala joogsi lahayn isu daba socdaan, iyagoo sidii in ay mayd sidaan aayar u taraaraxaya. Dhowr bajaaj oo la moodo boojaamo shalay galab la fiiqay baa gaari kasta hareeraha ka yaacaya.
Ka fekerka shaaha waxaa hadeer ii wehliya, oo arin igu cusub igu noqotay, in dhowr jeer dad tuugsanaya ay i joojiyeen iyagoo lacag i weydiisanaya. Qof wax haysta uma eki, weligeyna bishii halmar ka badan la ima tuugsan, galabtase waxa qaldan waan la yaabanahay. ‘Malaha shaarkaan aan Xaydarka ila degan kasoo amaahday baa masaakiinta been u sheegay’ baan hoos iska iri.
“Sakariyoow!” baan gadaashayda ka maqlay.
‘Oo dadkii tuugsanayay miyaa magacaaga hadana soo bartay?’ mar aan is leeyahay baan inta istaagay gadaal eegay. Wiil dhallinyaro ah, oo in uu dheeryahay u eg, laakiin markuu soo dhawaado ay caddaanayso in uusan dadka aad uga dheerayn baa soo socda. Wuu soo dhoolla caddaynayaa. Kollayba wuu i garanayaa, aniguse meel kuma sheego. Timihiisa weyn iyo surwaalka dhuuban uu xiranyahay waxay u ekaynayaan Soomaalidii hore. Wuxuu u egyahay qof saban qaldan la dhex keenay. Masawir 70aadkii la qaaday, oo nafi inta soo gashay socda waxba kama duwana.
Markuu isoo gaaray buu inta laabta i galiyay, garabkana iga qabsaday yiri, “Xamar goormeed timid?”.
Waxaan ku jawaabo waan garan waayay, sababtoo ah waa caddahay in uu qof kale igu qaldayo, laakiin kalsoonida ka muuqata, iyo magacayga uu iigu yeeray baa anigii shaki i galiyay. Runtuse waxay tahay, anigu waligay Xamar meelna ugama bixin.
Intaan joogsaday baa anoo gacantiisa garabkayga ka fujinaya ku iri, “Saaxiib qof kale baad igu qaldaysaa, anigu waligay Xamar kama bixin.”.
Qosol buu galay u eg in uu i leeyahay ‘iga daa cayaarta!’ oo isagoo is huba hadana yiri “Runta ii sheeg, goormaad timid? Aniga darraad baan Nayroobi kasoo galay, berrina Cadaado baan u sii gudbayaa.”.
Innagoon weli halkeennii ka dhaqaaqin, buuqa gawaari xamuula oo laamiga weyn maraysana uu mar mar sheelarahoodu sheekada naga qasayo, baan inta afkaygii dhagtiisa usoo dhaweeyay ku iri, “Saaxiiboow waan kuu sheegay, weligay Xamar kama bixin, adigana kuma aqaane i nabad geli.”.
Yarkii qosol kale buu iska sii galay, oo taleefan usoo dhacay qabtay.
“Sharmaarkoow yaan hadeer Soobe ku arkay oon la socdaa ma taqaan?” buu qofkii taleefanka ku jiray weydiiyay, taleefankiina ii dhiibay isagoo ii saanyaaleynaya in aan la hadlo.
Markii hore waxaan is lahaa yarkaan wuu kugu qaldamay, laakiin hadeer cabsi baa i gashay. Waxaan ka shakisanahay qorshaha uu ninkaani damacsanyahay.
Taleefankii uu ii dhiibay markaan dhagta sii saarayo baan taleefankii ka dhex maqlay “Qoraa sare Burhaan Burhaanoow, goormaad Ingiriiska kasoo laabatay?”, oo intii aanan jawaabin buu luuqad aan Ingiriisi moodayo inta ku hadlay, hadana raaciyay, “Saxnuun berri buu imaanayaa Cadaadee, maad soo raacdid waa laguu xiisaye saaxiiboow.”.
Anigu markaan waanba hubaa in labadaan nin ay qorshe wataan, oo ay doonayaan in ay ama i dhacaan, ama i afduubtaan. Anigoon ninkii taleefanka ka dhex nacnac lahaa u jawaabin, baan taleefankiisii inta u celiyay, maqaaxidii oon markaan soo gaarnay, si halhaleel ah u galay.
Dheereeyee! Kursigii aan u socday intii aanan salka saarin, buu kursi ii dhaw inta ku fadhiistay, markiiba kabalyeerigii u yeeray.
Markaan geesaha baan eegayaa, oo waxaan ku ducaysanayaa in qof aan aqaanno uu Alle i tuso si aan shirqoolkaan uga badbaado.
Saddex miis meel noo jirta baa wiil dhallinyaro ah, oo si qurux badan shaati cad iyo macawuus dahabi ah ugu labisan, inta soo istaagay dhankeennii soo aaday.
Yarkii ila fadhiyay baa inta istaagay, yarkii dhinaceenna soo aaday salaan ku boobay.
Yarkii dhinaceenna soo aaday baa si qeylo u dhaw ku yiri, “War Saxnuun, goormaad Nayroobi kasoo laabatay?”.
Isagoon u jawaabin, buu Saxnuun su’aal ku celiyay, “Adigu goormaad timid? Haddaan ogahay in aad soo baxayso, waanba isi soo raaci lahayn”. Iyagoo weli taagan buu Saxnuun yarkii kale u sheegay in uu dhawaan yimid, isla berrina uu Cadaado u socdo, kana codsaday in uu raaco. “Sakariye Shiinoow, Sharmaarke baa Cadaado nooga horreeya, Sakariye Cismaanna waan wadaynaa, ee haye dheh.”, buu hadal boobsiis ah, xiisa gaar ahina ka muuqdo, is daba dhigay.
Yarkii noo yimid baa markuu magacaygii maqlay, hadeer uun isha igu dhuftay, oo dhankayga si halhaleel ah, oo i baqdin galisay, usoo dhaqaaqay, salaan iyo marxabaysina igu billaabay.
“War heedhe, hadeer baanba boosti aad Faysbuug soo dhigtay aqrinayay, waxaan moodayay in aad Landan jirtid. Goormaad timid?” buu yarkii i weydiiyay.
Aniga markaan waa ii caddahay in nimankaan ay qorshe isla soo degeen, ujeedana iga leeyihiin, laakiin ma garanayo waxa ay iga rabaan.
Cabsi baa i haraysay. In aan qeyliyo mar aan ku siganayo, baan hadana is iri ‘bal nimankaan la hadal, haddii ay dan kale leeyihiin iyadaa soo bixi doontee’.
“Walaalayaal, magacayga Sakariye waa la yiraa, laakiin labadiinna iyo ninkii taleefanka igula hadlayba ma garanayo, weligayna Cadaado ma tagin, ee iga qalleeya. Ama dantiinna sheegta, intaan ka badan uma dulqaadan karee.”, baan iri anigoo cabsi iyo quus hadalka gefgefaya.
Labadoodii qosol bay isu jiibiyeen, oo yiraahdeen, “Wallaahi waa sidiisii, oo weliba jilitaan kusoo darsaday”, oo inta igu soo siksikadeen, billaabeen in ay wax iga weydiiyaan arrimo badan oonan waxba kala socon.
Waxaan saddexdeennuba ku dhex jirno sheeko is qaban la’, labada wiilna ay marna isu jiibinayaan hadalka iyo qosolka, marna aniga sheeko aanan la socon wax iiga weydiinayaan, buu Saxnuun taleefankiisa kasoo saaray sawir aan aniga iyo isagu hoteel Gaalkacyo ku yaal aan shaah ka cabbayno, oo i weydiiyay in aan galabkaan xasuusto.
Wajigaygii markaan isha ku dhuftay baan naxdin, kursigii kala dhici gaaray.
Hoos baan iska weydiiyay sida ay sawirkayga kusoo heleen. Anigu waan hubaa in aanan weligay Gaalkacyo tegin, laakiin sawirka baa iga hiilinaya sababtoo ah haddii aan xitaa is oran lahaa waa been abuur, waxaan xiranahay shaar lix sano hortood aan xirnaan jiray, Saxnuun gacantiisana waxaa ka lusha ookiyaale isla xilligaas aan anigu lahaan jiray.
Durbaba waxaan xasuustay in sawirada la macbilayn karo, macquulna ay tahay in ay si qarsoodi ah ii sawireen, kadibna ay sawirkeygii meeshii ay doonaan geeyeen, qofkii ay doonaanna la fadhiisiyeen.
Mar arrinku cakiranyahay, wiilasha sheekadoodana aan madaxayga dhexdiisa ku kala fasiranayo, oon hadalkooda hadba waxa ka dhalan kara aan qaadaa dhigayo, baa salaaddii Maqrib la adimay, oo sidii caadada ahayd, masjidka cariiriga ah ee maqaaxida ku dhex yaalla inta uusan buuxsamin loogu kala hor maray.
Halka dadku masjidka ay u kala ordayaan, anigu dhinacyada baan iska eegayaa, oon albaabka dhankiisa u sii siksikanayaa. Markii ay ii cadaatay in cid i eegaysa ama i ilaashanaysa aysan jirin, baan albaabka bul ka iri oon jidka laba ka dhigay.
Isla maqaaxida horteeda, bajaaj mid aanan tukan uu wato baan gacanta u taagtay, oo gurigaygii u tilmaamay.
Cutubka 2aad
Magaalada Muqdisho aad bay u dhismaysaa. Sidii dowlad lawada ogolyahay loo dhisayba, magaaladu si muuqata bay dagaallada uga soo kabanaysay. Meel aad saaka martay baad galabta arkaysaa iyadoo hoos loo qodayo, oo dabaq cusub dhismihiis laga billaabay. Inta aad jidka saarantahay, isbedelka magaalada ee xawliga ku socda baa madadaalo kuugu filan.
Jidkoo faaruq ahaa dartiis, wax yar kadibba waxaan dhanka Bakaaraha uga leexannay jidka Sayidka ka dega. Kolkii aan Wadnaha gaarnayna, dhanka Siinaay baan cagta sii saarnay, halkaas oon Folorensa ka geli doono Xamar Bile oo ah halka aan Xamar ka degenahay.
Dabaqyada Xamar Bile kuwa laamiga soo xiga baan laba qol iyo fadhi isku go’an ka degenahay.
Gurigaan in aan degenahay waan ogahay, laakiin xilliga aan soo degay ma aqaanno. Cidlo baan ahay oo reer iyo caruur ilama joogaan, qoyskayagiina meel kuma sheego.
Wax baa isku key qaban la’.
Meesha aan ka shaqeeyo waan aqaan, laakiin sida aan shaqada ku helay, goorta aan helay, iyo waxa aan ku shaqeeyo goorta aan bartay midna ma garanayo.
Haddeer wax kasta riyo bay iila egyihiin. Si kasta oon u fekeray, xusuustaydii waa shaqayn weysay.
Madax xanuun yar baan dareemay, oon go’aansaday in aan iska seexdo, bal in subixii wax ii kala cadaadaan.
Subaxaan hurdada waan ku daahay, oon taleefankayga oo iska daba dhacaya baan ku kacay.
Magaca Saxnuun baa ii muuqda, ‘Oo goormaan magaciisana xaraystay?’ baan hoos iska weydiiyay.
In aan taleefanka ka qabto ma doonayo, waayo shalay galabba naftayda waa tii aan kala soo baxsaday.
Qubays baan iska galay, oon salaaddii Jumcaha oo waqti yari ka haray isku diyaariyay. Addinkii koowaad mar uu dhacayo baan inta gurigaygii si halhaleel ah uga soo baxay, isku sii daayay masaajidka Sheekh Cabdi.
Jeebkaygii baa taleefankayga oo soo dhacaya la gariiray. Waa Sakariye Shiine oo isna isoo wacaya. ‘War yaa balada magacyadooda ii xareeyay?’ baan misana ku gunuunucay, oon anoon qaban jeebkii isaga celiyay.
Mar masaajidkii uu ii muuqdo buu hadana taleefankii misana soo dhacay. Waa Saxnuun oo isna igu soo celiyay. Taleefankii inta anoon qaban damiyay, baan jeebkiisii isaga celiyay. Madaxa markaan kor usoo qaaday baan masjidka hortiisa ka arkay Sakariye Shiine iyo Saxnuun oo albaabka masjidka igu sugaya.
Labaduba maantoo dhan markay isoo wacayaan in aan soo socdo waa ii jeedaan, aniguna hadba inta taleefanka fiirsho baan hadana daminayay. Alla ceeb weynaa! Bal maxaan ku marmarsiyoon doonaa?
“Haye, taleefanka la isku daminaayo maxaa waaye?” buu Sakariye Shiine oo dhoolla caddaynaya i weydiiyay.
“Kaalay, in aan daahsanahay, oon soo ordayo waaba u jeedaane, maxaad taleefanka iigu hawlaysaan?” baan su’aal is difaac ah iyagii ku celiyay, oo durbaba inta kabihii iska saaray masjidkii gudaha u galay.
Malaha dadku addinka labaad bay sugayaane, masjidka intiisa badan waa faaruq. Dadku teel teel bay u fadhiyaan, oo u kala qaybsanyihiin qaar Qur’aan aqrinaya iyo qaar iska sunnaysanaya.
Nin da’ dhexaad ah baa albaabka agtiisa ku tukanaya. Si aanan loo hormarin buu cimaamadiisii meel sujuudiisa ku aadan u dhigtay. Wiil yar oo malaha toban jir ah baa ninkii iyo cimaamadiisii kala dhex maray.
Dhowr qofood baa yarkii fiirisay. Iyagoo in ay ka xunyihiin waxa uu sameeyay muujinayana, dhankiisa fartooda murugsatada ah usoo walwaalay.
Iyadoo weli wiilkii lawada eegayo baa nin dhowr iyo afartan jir u eg, oo macawuus illaa iyo koofi, dhar wada cadcad xiran, inta soo istaagay wiilkii dhankiisii soo aaday ku yiri, “Kaalay adeer, soo ma aragtid ninkaan in uu halkaan ku tukanayo, oo uu cimaamad is hor dhigay, maxaad u hor martay?”.
Markii loo wada jeeday in ninku wiilka yar la hadlayo, ee uu wax u sheegayo, dadku waa u wada riyaaqeen, oo madaxa luleen sidii in ay leeyihiin, ‘Haa, la hadal wiilka yarka ah, oo wax fahansii’.
Ninkii hadalkiisii buu sii watay isagoo la wada maqlayo oo uu yiri, “Adeer, qof tukanaya lama hormaro. Waa khalad. Maadaama uu cimaamad is hordhigay waxaa lagaa rabay in cimaamadda horteeda kaliya aad martid, oodan isaga iyo cimaamadda kala dhex marin.”.
Wiilka yarka ah inta lala hadlayo si fiican buu u dhagaysanayaa, oo madaxa u luxayaa sidii in uu leeyahay, ‘Haye adeer, uma laabanayo.’.
Ninkii baa sii watay hadalka, oo yiri isagoo weli la wada maqlayo, loona riyaaqayo, “Waa sidaas adeer, mar dambe qof tukanaya ha hor marin, wax ku dhalay nacallaa ku yaale!”.
Bismillaahi! In aan ninka hadalkiisa ka naxay baan isu heystaye, qosol baanba illeen istaagga kaga dhici gaaray. Khudbaddii intii ay socotay, weli waan qoslayay, salaaddii dhexdeedana dhowr jeer baan ku sigtay in aan oodda qosol jabsado.
Malaysan waa iyo waalli kale bay iila ekaatay ninka masaajidka dhexdiisa, caruurka ku dhex caayay iyadoo la wada maqlayo. ‘Sidaan cid u dhaqanta ma jirtee, riyadaan tolow goormaan ka kici doonaa?’ anigii baa dib isu weydiiyay.
Sakariye Shiine iyo Saxnuun oo kabihii gashanaya baan kasoo dul dhacay markii salaaddii laga baxay, oo sidii dad is yaqaanna baan sadexdeennii qosol iyo kaftan galnay. Shakigii shalay igama bixin, laakiin in aan dareensiiyo ma doonayo, oo si uun in aan uga lug baxo baan doonayaa.
Cabbaar markaan soconnay, baan u sheegay in aan meel ka daahsanahay oon gurigaygii aadayo.
Waa i fahmeen in aan u goynayo, oo markiiba i soo jiideen, iina sheegeen in aan iyaga raacayo, kalana soo qadaynayo meher laga casuumay.
Saxnuun baa weydiiyay, “Cabdalle miyaa aroosaya?”.
Sakariye Shiine baa ku jawaabay, “Cabdalle iyo aroos aa! War yaanan lagugu qoslin.”.
Cabdalluhu qofka uu yahay ma weydiin, sababtoo ah waan ku daalay sheekooyinkaan aanan waxba kala socon ee ay isu jiibinayaan.
Markaan, shakigii ahaa in nimankani i dhibaataynayaan waa iga yaraaday, sababtoo ah uma eka dad dhib wada. Sidii dad i yaqaanna bay iila sheekaysanayaan, oo waa taas taleefannadoodu ii xaraysanyihiin. Anigoon waxba is adkayn, baan ka yeelay in aan meherka u raaco.
Bajaaj baan ka qabsannay masjidka hortiisa. Sakariyaa yarkii bajaajta waday u sheegay in uu Karamel na geeyo. Yarka oo horay u ogaa in meeshu ku taallo Banaadir, baa markiiba nala xiimay.
Nin askari ah baa hoolka hor taagan, oo sidii in uu dad baarayo inta korkooda salaaxo, isagoonba ogaan in ay xitaa mindi sitaan, iska sii deynaya.
Sadexdeenna iyo wiilal kale oo i garanaya, aniguse aanan meel ku sheegin, baan hal miis wada fadhinnaa. Dhowr su’aalood oo wiilashu i weydiiyeen baan si qaldan uga jawaabay, ilamase yaabine, qosol bay iigu jawaabeen, oo kasii gudbeen.
Saxnuun oo isoo xigay baa sheeko ii billaabay.
“Sakariyoow guri waxaan kusoo dagay yar aan saaxiibo nahay eedadiis ay leedahay”.
“Haye” baan u jiibiyay.
Wuxuu yiri, “Ninyahow waxaan ka yaabay qeyru masuulnimada reerka?”.
“Oo maxay halleeyeen?” baan su’aalay. Wuxuu yiri, “Wax kale ma hallayne, odaga reerka baa awal isoo dhaweeyoo, eeraboorka iga soo qaaday. Wallaahi aad baan ula yaabay foolxumadiisa. Waligeey nin ka qurux daran ma arag”.
Hadal waa iga soo bixi waayay oo fajac baa Alle ii keenay. ‘War nin ku isla weynaa, oo hadana abaal daranaa?’ baan isweydiiyay. Sida uu ku keenay nin soo dhaweeyay in uu hadana sidaas oo dhan u eego, baan la fajacay. Hadalkiisii buu sii watay, anna dhagta baan u sii dhigay.
“Anigoo awal odaga foolxumadiisa la yaabanaa, baan hadana xaaskiisii arkay, saa bisinka! Odagaaba la qaatay. Boqol jeer habartaa foolxun. Marka qeyru masuulnimadu waxay tahay, dad sidaas u eg sida ay ku keeneen in ay is guursadaan, oo foolxumadaas caruur masaakiina ugu saariyaan?”. “Wallaahi waa su’aal meesha ku jirta” inta iri, baan sii jeestay si dambigiisu ii dhaafo.
Wax yar kadib meherkii baa billawday anigoo weli malaysan la’ Saxnuun sheeko xumadiisa. Sakariye Shiine oo malaha horay wadaadka wax mehrinaya u yiqiinay baa si niyadjabi ku jirto u yiri, “Waa noo dhamaatay. Maantoo dhan meeshaan baan fadhinaynaa”.
Saxnuun baa su’aalay, “Maxaad aragtay?”.
Sakariye wuxuu ku jawaabay, “Wadaadkaan waa Suufi xanaaqsan. Car yuusan dad uu bidco ku sheegayo weerar ku qaadin. Wiilka miskiinka ahna wax baa maanta haysta. Dhididkaa ka dhammaan doona”.
Wax yar kadibba, Sakariye hadalkiisii baa soo baxay. Wadaadkii markuu wacdi aflagaaddo u badan soo gabagabeeyay, buu meherkii guda galay, oo inta dhowr daqiiqo wax aqriyay, ku amray wiilkii wax mehersanayay in uu ka daba aqriyo. Dabcan wiilku ma wada xasuusan karin intaas oo dhane, wuu sixi waayay, wadaadkuna wuxuu ku adkaystay in meherku uusan dhici karin, ansaxna ahayn haddii aanan si saxa looga daba aqrin, kuna amray wiilkii in uu si fiican u dhagaysto, kana daba aqriyo.
Dhowr jeer mar wiilku aqriska gafgafayo, dhididka korkiisa ka baxayana shaati cad uu xirnaa inta wada qooyay, garan hoos uu ka xirnaa si fiican loogu jeedo, hoolkii dadkii fadhiyayna ay hadal iyo talo soo jeedin aanan cidna dhagaysanayn laba laba isula jeesteen, baa wadaadkii lagu qanciyay in uu wiilka u kala jarjaro aqriska si uu u xasuusto, taas uu markii dambe dirqi ku qaatay, meherkiina sidii ku dhacay.
Wax dad badan oo i garanaya aan bannaanka hoolka sawirro kula galo, baan markii dambe dibedda u soo baxnay, Saxnuunna weydiiyay qofka uu yahay iyo halka aan isku barannay?
Isagoo markaan xaqiiqsaday in aanan ciyaarayn, si aanan horay u aragna ii eegaya, buu yiri:.
“Qofka aan ahay haddii aadan garanayn, macsalaama”, maqaaxidiina bannaanka bul uga yiri. Waa ii caddaatay in Saxnuun uu markaan igu sannifay. Xanaaq buu lasii bilig bilig yiri sidii nin naag uu lacag ku daldali jiray ay hadeer uun u sheegtay in ay nin kale jeceshahay.
In aan ka daba ordo waan damcay laakiin ma garanayn waxa aan u sheegi lahaa haddii aan ka daba tago. Maantoo dhan baan ku hayay ‘kuma garanayo’, dabcanna waa adagtahay sida uu sheegayo haddii uu i garanayo in uu isku kay sharraxo.
Waxyaalaha qaar aad bay u qallifsanyihiin, intii aad isku hawli lahaydna waxaa laguu qaataa in aad iska illowdid. Saxnuun xanaaqiisa fursad in ay tahay baan is tusiyay. Markaan hubsaday in uu albaabka ka baxayna, anigoo Sakariye Shiine ka dhuumanaya baan albaabka gadaale ka dusay.
Cutubka 3aad
Yaabka i haysta jid kasta oon magaalada ka maro waxaad mooddaa in ay waa hore iigu dambaysay, sida muuqatase dhismayaasha qaar baaba anigoo aqoonaya, hadana cusub, oo waa qasab in aan mar aanan fogayn arkay.
Wax baa weli isku kay qaban la’.
Jidkii aan maraba dhowr qofood oo i salaamaysa baan kula kulmaa, anigoo markaan jilista bartayna, salaan uun baan u camiraa.
Jidka Afgooye ee Soobe gala waxaan ku lugeeyaba, waxaan markii dambe ku leexday Hoteel Ramaada oon is leeyahay casarka ku tuko.
Dhanka weesada anigoo usii socda baa waxaa igu soo socda nin dhallinyaro ah. Waa nin gaabanoo madow, dadka kuusnaanta u dhashayna ahoo in uu buuran yahay la moodo, laakiin aanan cayilnayn. Ninku tima badan oo si ba’an u xiir xiiran buu leeyahay, surwaal jiinis ah oo xarrago la jeex jeexanna wuu xiranyahay. Ninku igama leexanayo, toos buu ii soo eegayaa oo waa muuqataa in uu aniga igu soo socdo. Intuusan isoo gaarin buu yiri, “Ninyahow miyaadan Alle aqoon? Maxaad noo lug gooysay?”.
Anigoon weli u jawaabin buu dagaal igula soo baxsaday. Intuusan isoo gaarin buuse god meesha ku yiilay, oo ay qariyeen biya yar oo fadhiistay, lugta la galay, hantaatirana igula soo dul dhacay. Anigii uu dagaalka ila soo aaday baa qabtay intuusan dhulka ku dhicin, mase sii hakane dagaal buu weli i gula soo baxbaxsaday.
War illeen tanoo kale! War ninku muxuu ahaa? Muxuu iga rabaa?
Haddii aan is oran lahaa ninku waa qaldanyahay, waxaan ogahay in dad badani ay i wada garanayaan aniguna aanan meel ku sheegin, sidaas darteed ‘yaad ahayd?’ iyo inkiraad ma geline, waan iska aamusay.
Dad nasoo kala dhex galay baa yarkii cel celinaya, anigana kuwa faataalayaal ah baa i qabqabanaya oo ii ekaysiinaya qof baxbaxsad ah.
Waa Jimcoo wadaad iyo qof qamiis iska soo gashtay lama kala yaqaan. Dad qamiisyo cad cad baa labadeennii noo sheegay in ay arinkeenna galayaan markii salaadda oo markaan nagaba tagi rabta laga baxo.
Masjidkii safka hore baan waxaan markiiba uga jeeday Saxnuun oo ku tukanaya. Tolow kuusowgaan ila dagaalaya iyo Saxnuun ma is garanayaan? Armaan Saxnuun weydiiyaa ninka ila dagaalay in uu garanayo, ama na dhexgalo. In aan Saxnuun ka dhuuntana waan rabaa, in uu ninkaan iga qabtana waan doonayaa.
Anigoon weli go’aan ka gaarin waxa aan yeelayo, baa markii salaaddii laga baxay Saxnuun dhankii albaabka kabahiisii u raadsaday, halka aniga iyo yarkiina aan u harnay si naloo kala dhex galo.
Anigu waxaan doonayaa oo kali ah in aan ogaado waxa ninku iga rabo. Markaan fadhiisannay, wadaadadii na kala dhex galayna ay hadalka furayaan, baan u jeeday Saxnuun oo inta soo laabtay, nasoo ag fadhiistay. Hadeer uun buu ogaaday buuqii iyo dagaalkii in aan anigu qayb ka ahaa. Wuxuu doonayaa in uu ogaado sida ay wax u jiraan.
“Magacaygu waa Ustaad Cabdiqani, magacyadiina ii sheega” buu nagu yiri wadaadkii koowaad.
“Aniga Sakariye baa la i yiraah.”, baan ku jawaabay halka yarkii uu isna yiri “Kulmiye aa li dhahaa.”.
“Maxaad isku haysataan?” buu ustaadkii na weydiiyay.
“Isagaa dood qabee bal Kulmiye hadalka ha billaabo.”, baan soo jeediyay.
“Haye Kulmiye, soo daa warkaaga” buu Cabdiqani su’aalay.
“Wallaahi madaxiina aan ku dhaafaa maahee, in aan qoorta ka jaro aa i hayda.”, buu Kulmiye oo weli caro la liicliicaya hadal ku billawday. Isagoo sii watana yiri, “Ninkaan gabar walaashay ah uu naga soo doontay, si sharaf leh aana loo siiyay. Wax kasta markii ay dhammaadeen, oo meherkii lagu ballansanyahay, ayuu dadkii oo dhan oo hoolkii arooska ku sugaya meel uu ka baxay la waayay”. Intaas markuu yiri buu misana ii soo farabaxsaday isagoo sidii in uu ceejo ila damacsanyahay laba gacmood iska soo hor marinaya.
Anigoo qosol aanan ku talo galsanayn isku celin la’ baan si xushmad darro aqyaartii na dhexgashay ay u qaateen u iri, “Balaayo walaashaa guursatay rif rifan. War meel fadhiiso, sidii in aan adiga guur kaaga baxay ha igu soo haadine”.
Wadaadadii baa na kala dhex galay labadeenna, noona sheegay in aan Alla ka baqno, hadallada qaldanna aan iska yarayno.
Kulmiye wuxuu wadaadadii u sheegay in la i waayay, meel kastana la iga goobay, maantana markuu i arkay uu xanaaq is celin waayay. Aniguse, weli waan garan weysanahay arooska uu ka hadlayo.
Innagoo is mari la’ buu Saxnuun nasoo dhexgalay, bilaabayna in uu wadaadadii u sheego wixii isaga iyo aniga na dhex maray.
“Oo hadda ma xusuustaa ka tagtay qofkaan aa i leedahay?”, buu Kulmiye weydiiyay Saxnuun.
Kulmiye markiiba inta is dejiyay buu billaabay in uu i weydiiyo su’aalo ay ka mid ahaayeen in aan is raaci karno, si aan ugu tagno gabadhii oo aad u welwelsan, oohinna kala joojin la’ sidii, sida la sheegayo, aan u gooyayba.
Inta istaagay baan iri, “Gabar aan u tagayo, ama guursanayo lama arkee dhinac ii dhaaf.”, oon inta istaagay isku dayay in aan baxo.
Markiiba Kulmiyoo haadaya baa kulleetiga igu dhagay yirina, “Wallaahi aadan dhaqaaqayn adigoon warka kala cadayn”.
Anoo ka wiswisan cillaanka madaw ee ciddiyaha u marsan iyo calaacalihiisa sida kirishbooygii olyadu ka muuqato baan ku qaboojiyay, “Haye, bal ii gee reerka iyo gabadha aad sheegayso”, horayna u raacay.
Waxaan is leeyahay markaan ‘bal armaad markaad gabadha aragto, xusuustu kuu soo laabataa’.
Waxaan sii soconnaba albaabka baan ka galnay guri mitirkubo ah oo xaafadda Geyd Jacayl ku yaalla. Si reer tacsiyi u taallo baa guriga deydkiisa la dhoobanyahay. Malaha sida caruusku u dhuuntay guriga waxaa isugu yimaada dad gabadha niyadda u dhisaya, iyo kuwo xan iyo jabkeeda in ay ka maadaystaan u jooga kaliya, iskase dhigaya dad u damqanaya.
Gabadhii markii ay isha isaartay bay …
Gabadhii markii ay isha i saartay, bay iyadoo qeylinaysa dhankaygii usoo carartay.
Xagxagasho, feer, iyo haraati bay igu boobtay. Qaniinyo iyo qanjuruufo bay ila saloolatay. Kulmiye oo cabaar fiirsanayay silica ay gabadhu igu haysay baa inta isku xishooday nasoo kala dhex galay.
Waxaan u sheegay sida aan uga xumahay in aan arooskeedii kaga cayaaray. Weligay waxaan maqli jiray maalinka arooskooda in gabdhaha ay aad ula weyntahay, sidaa darteed waxaan u muujiyay damqasho aanan caloosha jirin, kalana jeeday kaliya in aan iyada isaga furfuro.
“Alla hoogayoo ba’ayeey ninku miyuu waalanyahay? Waa maxay waxa uu ka hadlayo?” bay afka furatay. Wareerkii hore mid dheeri ah baa ii sii fuulay. Waxaan goostay in aan iska aamusnaado, oon iyaga ka war sugo bal waxa ay sheegaan maadaama arinba aanan la socon.
Islaan guriga deydkiisa fadhisay, oo intaas isha naga eegaysay, si caro lehna tusbax ugu wardineysay baa inta soo istaagtay, oo qol u dhawaa gashay soo saartay gabar aad u cillaaman, hadalse uusan kasoo baxaynoo la moodo qof kaniini daroogo ah lagu guray.
“Gabadha aad guursanaysay waa midaan” buu Kulmiye ii sheegay isagoo farta ku fiiqaya gabadha cillaaman, iina eegaya sidii qof aanan rajaba iga lahayn markaan.
“Alla aad baan uga xumahay” baan si shallayto ah u iri, hadana markiiba is qabtay oon is weydiiyay sababta aan raalligelinta uga bixinayo arrin aanan ka warqabin. Waxaan goostay in aan runta u sheego, inta Alle ila ogyahayna aan u sharraxo.
“Walaalayaal, horta raalli iga noqda. Meeshaan sida muuqata is afgaran waa baa ka socda. Waan u jeedaa in la ii wada xanaaqsanyahay, dadkoo dhamina ay u muuqdaan in ay i garanayaan, laakiin, anigu idin ma garanayo. Wiilkaan baanan garanayn, gabadhaan cillaaman baanan garanayn, reerkoo dhan baanan garanayn, oo xitaa Saxnuunkaan ila socda baanan garanayn” baan hadal is daba dhigay.
Dhammaantood aamusnaan baa kasoo hartay. Waa i wada eegayaan. Dad xanaaqsanna waa u egyihiin, dad wareersanna waa u egyihiin.
Islaantii baa mar kale qol kale gadaal u gashay iyadoon ju’ oran.
Cabsi baa i gashay. Islaantu ma middi bay doonatay, mise bastoolad? Mise kaba sii darane, ma carruur aan dhalay bay soo saari doontaa? Yaa yaqaan?
Cabbaar kadib bay soo baxday iyadoo taleefan ku hadlaysa, iina dhiibtay qofkii taleefanka kasoo dhex hadlayay.
“Awoowe, ii waran, sidee tahay?” buu awoowahay Geelle kasoo dhex yiri taleefankii. “Fiican awoowe” baan ugu jawaabay. Hadalkaygiina sii watay, si uusan isna cashar cusub iila gelin, “Awoowe, islaantu waxay kuu sheegtay ma aqaan, laakiin anigu dadkaan iyo gabadhaan ma aqaan, weligayna ma arag, ee haddii ay wax i gaaraan la soco anigu hadeerba waan baxayaaye” baan iri oo taleefankii islaanta ku celiyay.
Awoowgay baa islaantii u sheegay in uu isagu arinka galayo, iskana key dhaafto.
Anigoon ju’ kale oran baan albaabkii kasoo degay.
Saxnuun oo intaas oo dhan iska aamusnaa, maadaama, reer dhan aan garanwaayayna malaha xanaaqiisii iska liqay baa igula kaftamay, “War saaxiib gabadhaas sidaas u qurxoon, haddiiba ay ku rabto maad iska guursatid, haddaad doonto ha xasuusane?” inta eegay baan anigoon u jawaabin socodkaygii sii watay.
Isaguse ma aamusine, malaha sheekada dhanna madadaalo fiican bay u noqotaye, yiri hadana, “Waxaan la yaabanahay gabadha sidaas u qurxoon sida ay ula dhalatay Kulmiyeha aan arkoo foosha xun. Alle baanan isaga gabar ka dhigin. Waan hubaa in aanan la guursadeen.”. Wax yar baan qoslay, hadana iska aamusay markaan xasuustay badda aan lugaha kula jiro.
Waan arkaa in Saxnuun quruxda laga maray, dadkoo dhamina ay wax qurxoon iyo wax foolxun ugu kala qaybsanyihiin, laakiin hadalka dhanba waa i dhinac marayaa, oo sheekooyinkaan oo kale haddii aan su’aalo ka keeni jiray, teydii baan maanta la ciir ciirayaa. Waxaan is weydiinaya sida ay ku dhacday in magaalada dhami ay i garanayso, anna cid aan garanayo aysan jirin.
Inta jidkii dhex istaagay oon Saxnuun kusoo jeestay baan ka codsaday in uu ii sheego wax allaale iyo wixi uu i dhaamo, iigana billaabo aniga inta uu iga garanayo.
“Na kaxee, qasab maaha in aan taagnaanee.”, buu inta yiri, iga codsaday marka hore in aan bal gurigeyga marka hore tagno, si aan u soo mayranno, maadaama maantoo dhan aan iska daba wareeg iyo wareer ku jirnay, kadibna aan caawa sheekaysan doonno.
Waan ogolaaday in ay ku habboontahay in jawi degan lagu sheekaysto, toosna gurigaygii u abaarnay. La yaabka jira, sidii shakigii aan ka qabay uu iiga baxay, sheekadu waa isugu kaanna baxaysaa. Sidii laba shactiroole oo sheekaysanaysa, baa midba mar si aanan qiyaas lahayn looga qoslinayaa.
Albaabka hore baan furaha ku rogay, oon gudaha usoo galnay gurigaygii inagoo sheekaysanayna.
Orod digdig ah iyo saan qofeed oo degdegi ka muuqato baan qolka jiifka dhankiisa ka maqalnay.
Aniga iyo Saxnuun inta istaagnay baan dagaal isku diyaarinay, maadaama qofka gurigeyga ku dhex jira uu tuug u muuqdo.
Wiil dhallinyaro ah oo macawuus xiran, ul bud ahna gacanta ku wata baa horteenna kasoo muuqday, isla markiina nagu amray in aan isi sheegno iyo sida aan ku helnay furaha aan gurigiisa kusoo furannay.
“Saaxiib maxaad ku hadlaysaa? Gurigaan anigaa degan.”, baan ku iri.
“Gurigaan ma deganid, oo anigaa dagane, isi sheeg Ugaas.”, buu hadal sannifaad ah ku yiri.
Aniga iyo Saxnuun waan is fiirinnay.
Wax aanan badnayn markaan is hortaagnayn bay noo caddaatay in cabsiyi aysan jirin oo tuug ama turufatoor uusan midkeennu ahayn, laakiin wareer kale oo la yaab leh uu meesha yaallo. Ninna waa kaa gurigiisii dhex jooga isagoo macawuus xiran, midna waa kan ninka kale la socda, oo hadduu xitaa isagu qaldanyahay, ninka la socda baa la rabay in uu soo kala dhex galo.
“Waa sahlantahay in la idin kala saaro” buu Saxnuun oo markaan dareemay in kaalintiisii la joogo uu soo jeediyay, isla markiina na faray labadeenna in aan isaga guriga gudhiisa u raacno. Intaanan dhaqaaqin baan yarkii eegay bal in uu soo jeedinta Saxnuun dood ka qabo, illaa ma sahlana laba nin oodan garanayn in aad iska soo xaraysatide. Wiilkii isagaaba na horkacay, oo kursi karatooyada yiillay inta lug nooga wareejiyay gudaha na geeyay.
“Sakariye, go’ aan sariirta ku fidsan iyo shukumaankaas kor saaran ma garanaysaa?”, buu Saxnuun i weydiiyay.
“Maya”, baan hadal kusoo koobay anigoo qolkii gees kasta ka eegaya. Armaajo aanan garanayn baan furay oo dharkii ku xaraysnaa midna ka garan waayay. Isku joog fushaari ah oo malaha labadaanyo laga keenay baa albaab ka lusha. Saxnuun oo hoos ka qoslaya baa kajan igu yiri “Gurigaan fushaarigu dhex yaallo ma lihide kasoo bax”. Anigoo markii ugu horraysay dhoollacaddaynaya baan hoos isugu sheegay ‘Wallee Saxnuun in uu i garanayo’, waayo dhar la xirto fushaari baan u necbahay. Waxaanba aaminsanahay in ay dambi tahay in uu qof dhallinyaro ahi xirto. Yaanan sheeko kugu daaline, meeshu waa gurigaygii oo daba gedisan. Alaabta taalla hal xabo kama garanayo, waanse hubaa in uu gurigaygii yahay illeen waa anigaas furihiisa sita e.
Yarkii oo markaan cabsidii ka yaraatay, una jeeda in ay daacad iga tahay, baa soo jeediyay in aan wacno ninka guriga laga kireeyay.
“Xassanoow, yar Sakariye la yiraahdo baa ila jooga, oo sheeganaya in gurigaan uu daganyahay”, buu yarkii taleefankii ku yiri.
Intii aanan loo jawaabin baan taleefankii ka dafay oon iri, “Xassan, waa maxay sheekadaan?”. “Sakariye waan ku salaamay. Maxaa kugu dhacay, miyaad xanuunsanaysaa?”, buu isagoo sida caadada u ahayd qoslaya igu yiri. Intaanan jawaab iskuba dhibin buu ii sii faahfaahiyay, “Guriga waad daganaan jirtay, hadeerse Jibriil baa dagan. Laba sanadood ka hor baad ka guurtay”.
Madax xanuun degdeg ah baa i qabtay. Taleefankii baan Jibriil isaga dhiibay, oo sariirtii gees kaga fadhiistay.
Xusuus dheer baan galay. Albaabka dhankiisa baan eegayaa, laakiin albaab uma jeedoo xiskaygii waa maqanyahay. Saxnuun iyo Jibriil in ay hadlayaan waan u jeedaa laakiin hadalkooda ma fahmayo. Mar baan maqlayay Jibriil oo Saxnuun weydiinaya, “Sakariyaha buugga Boojin qoray miyaa ninku?”, iyo Saxnuun oo sidii qof meel shil gaari ka dhacay soo ag istaagay geesaha eeg eegaya, farahana taagtaagaya. ‘Buugga balaayana goormaan qoray waa yaabe?’, baan ku fekeray!
Cabbaar markaan aamusnaa baan la dhawaaqay, “Bal waayahaye, halkeen deganahay?”. Qosol baan iska galay farxadi aysan keenine, quusi iga soo riixday.
Markiiba Saxnuun oo is ceebsanaya baa iga codsaday in aan ninka Islaameed gurigiisa uga tagno.
Laba tillaabo markaan albaabka dhankiisa u qaadnay buu Jibriil nagala daba dhawaaqay, “Furaha aad wadato hadaad iiga tagtid waan kuu ducayn lahaa”.
“Haa dabcan, waa kanaa, raalina noqo”, baan ku iri, albaabkana bul ka niri.
“Na keen bal aan meel fadhiisannee, oon shaahnee. Awoowihii haddaaya aad la hadashay baan wacaynaa. Isagaa noo sheegaya bal meeshii aad daganayd iyo reerkaagii meesha ay jiraan”. Saxnuun wuxuu igu xanaaqsanaado, marna ila yaabanaado, hadeer wuxuu doonayaa in uu i caawiyo.
Gabar kaligeed biibito iibsanaysa, niman koox ah oo faduulinayana hadba yac iska leh, baan laba kursi ka fadhiisannay oon shaah ka dalbannay.
Saxnuun markiiba Kulmiye buu wacay, weydiiyayna awoowihii aan galabta la hadalnay in uu lambarkiisa na siiyo.
Isagoon aniga weli ila hadlin buu awoowihii salaamay, iina dhiibay taleefankii.
“Awoowe ii waran sidee tahay?”, baan hadal ku billaabay.
“Fiicane, najisyahow halkeed jaan iyo cirib dhigtay. Taleefanka maxaad nooga qaban weysay?”, buu canaan igula dul dhacay.
“Awoowe, aad baan u daallanahay. Maantoo dhan baan iska daba wareegayay ee bal awoowoow ii sheeg meesha aan degenahay”, baan ka codsaday anigoon ka sii fekerin hadalka aan ku hadlayo qallafsanaantiisa.
“Maxaad ku hadlaysaa? Waa maxay sheekadaan aad la timid? Waryaa, is dhaandhaankaaga maahane, hadeer isku kaanna keen” buu si caro leh u yiri, taleefankiina igu damiyay.
“Saxnuun, waad u jeedaa, cid i fahmaysa malahanoo waaba la igu xanaaqsanyahaye, bal adiga la hadal awoowe oo u sheeg xaalku sida uu yahay” baan Saxnuun markale ka codsaday.
Maalinkii koowaad oon Saxnuun arkay, naftayda baan kala baqayay, hadeerse naftu isaga bay iiga jirtaa. Qof illaa iyo hadda i fahmaya isaga kaliya baan ka arkaa.
Saxnuun wuxuu soo jeediyay in uu haddana Kulmiye waco, weydiiyana bal waxa uu na dhaamo.
Kulmiye taleefankii buu naga qabtay isagoo meel buuq iyo sawaxan badan ku dhex jira. “Saaxiib meel jaam ah aan joogaa, qoftoo meeshaan ah aan la jaam gareynooyaa. Hadalka ii boobsii”, buu Kulmiye u sheegay Saxnuun isagoo bannaanka taleefankii ula soo baxay.
“Saaxiib si fiican ii dhagayso”, buu Saxnuun hadal ka billaabay. “Seedigaana meel uu cagta dhigo buu weysanyahay, adigana niiko bay kaaga caddahay” buu Kulmiye ku canaantay si uu hadalkiisa ugu soo jeesto. Kulmiyese xanaag buu galay qeyladiisa aan toos u maqlayo anigoon taleefanka dhagta ku hayn.
“Waryaa aniga eeygaas seedi iima ahan, ee mar dambe hadalkaas ha iila immaan” buu hadal kusoo gabagabeeyay taleefankiina iska damiyay.
“War annagaa wax aragnay! War sideen wax yeelnaa?” buu Saxnuun ku gunuunucay, gabadhiina laba koob oo shaaha oo kale nooga dalbay.
Laamiga Xamar Bile biibita ku taalla baan fadhinnaa labadeenna oo yaab dartiis kala aamusnay markaan wax aan sheegno garan weynay.
Cabbaar mar uu fekerayay buu Saxnuun igu yiri, “Xaaskaagii bal wac. Goormaa kuugu dambaysay?”
“Xaaskee?”, baan su’aalay.
“Xaaskii carruurta kuu dhashay”, buu iigu jawaabay isagoo yaab dartiis sunniyaha kaduudaya.
Sidii qof biya qabow lagu firdhiyay baan gilgishay oon weydiiyay, “Ma anigaa xaas iyo carruur kale leh?” Intuusan ii jawaabin baan hadana weydiiyay, “Oo haddaan xaas leeyahay maxaan misana u guursanayay?”.
“War adigaa yaqaanna waxa aad misana u guursanaysaye, ma xaaskaagii iyo caruurtaadii baad haddana hadeer inkiraysaa?” buu Saxnuun oo dulqaadkii ka dhammaaday i weydiiyay.
In uu bartayda iiga dhaqaaqo buu damcay, haddana is celiyay markuu xusuustay in ay wax iga qaldanyihiin.
Taleefankiisii buu jeebka kasoo saaray. Wuxuu furay aabka Facebook. Magacaygii buu ka raadiyay. Wuxuu walaaqaba, wuu iga dhex waayay.
Wuu igu soo jeestay, oo si quusi ka muuqato igu yiri, “Goormaad tir tirtay Facebook-gaagii?”.
Waan ku jeestay oon u sheegay, in aanan weligay Facebook samaysan.
“Haa waad lahayd. Maxaad beenta u sheegaysaa?” buu i weydiiyay, “soowtii aad sheekooyinka soo dhigi jirtay?” buu raaciyay.
“Sheekooyin sidee ah?” baan weydiiyay anigoo markaan xiisa weyni ay igu heyso nolosha uu sheegayo ee aan horay u lahaan jiray.
“Sheekadii Boojin ood markii dambe buugga aad ka dhigtay sootaad soo dhigi jirtay usbuuc kasta waagii aad Cadaado nala joogtay?” buu in uu i xasuusiyo damcay.
“Bal horta Cadaadadaan aad ku qafiiftay naga reeb warkeeda” baan ku iri, hadana sii raaciyay “Jibriilna waan ka maqlayay buuggaan Boojin la leeyahay, ee xabbad maka haysaa, aan eegee?”.
“Haa!” buu isagoo yaab afku kala tagay si neef tuur ah ku yiri, misana ku laabtay Facebook-gii. Cabaar markuu walaaqayay buu misana igu yiri, “Oo buugga beejkiisiina waad saartay miyaa?”.
“Waan kuu sheegay anigu Facebook ma isticmaalo” baan ku iri, oon inta istaagay iska dhaqaaqay.
Markaan xanaaq baan meel aan is geeyo la’ahay, hadana cid aan ku xanaaqsanahay ma garanayo.
Aan iska dhaqaaqee bal xaggeen u socdaa? Meel aan degenahay iyo cid aan garanayo oonan Saxnuunkaan aan hadeer is barannay ahayn uma jeedo?.
Markaan cabbaar sidii qof meel ka daahsan sii xawaareeyay, baan hadana inta soo kala jiireeyay biibitadii uu Saxnuun fadhiyay kusoo laabtay. Qofkii kor iga eega, ee sii xawaarayntayda iyo soo xawaarayntayda arka wuxuu moodi lahaa in aan ahay nin dani ka dhacdo oo meesha uu u socdo garanaya. ‘Alla fiicanaa in dan la lahaado, oo raas loo hoydo la haysto!’ baan ku fekeray. Mashquulka iyo welwelka waayuhu in ay nimco Alle yihiin baan xaqiiqsaday. “Illaa qofka intaas haysta waaba qof waayo uu ka welwelo lehe” baan ku cataabay.
“Waan ku baryayaa ninyahow odogii awoowe ahaa inta wacdid u sheeg in aan xanuunsanahay, oon caawinaad u baahanahay. U sheeg xusuustii in ay iga tagtay, meel aan seexdana aanan heysan. U sheeg ha isoo doono bartaan baan ku sugayaaye” baan Saxnuun ka baryay anigoo markaan daal, quus, iyo ciil la neeftuuraya.
Saxnuun inta ii soo dhawaaday oo dhabarka iga salaaxay buu yiri, “Is deji waad fiicnaanaysaa. Nasiino baad u baahantahay kaliya”. Cabaar kadibna awoowe baa noo yimid, oo guri uu ku sheegayo in uu mudo degenaa, aniguse weli aanan arag, i geeyay.
Cutubka 4aad
Hurdo baan goor barqo ah ka toosay. Qolkii aan jiifay baan kasoo baxay oon soo dhex istaagay gurigii awoowe oo deydkiisa culumo ay ku quraacanayso.
Markii la ii jeeday baa la igu soo kala orday, oo hab la i siiyay. “Maxaa jira?” baan weydiiyay.
Dadka intooda badan oo indhahoodu ay illini ka socoto baa iigu jawaabay, “Waa Alle mahadii hadii aad miirqabto”.
Waxay ii sheegeen in aan shan cisho ku jiray wax ay u kala garan waayeen in ay miir daboolni tahay iyo hurdo. Waxay ii sheegeen in culumadaan ay subax kasta i Qur’aan saarayeen.
In ay igu cayaarayaan iyo in kale waan kala garan waayay sababtoo ah aniga waxay iila muuqatay in aan xalay seexday, saakana soo toosay. Laakiin taariikhda oo la i tusay baan ku qancay.
Dhowr maalmood baan guriga awoowe hadeer joogaa. Wareer dheer ka dib, waxaan bartay hab aan dadka ula dhaqmo. Qofkii aan ogaado in uu i garanayo waxaan bartay si anigoon tusin in aanan xasuusan aan ula sheekaysto, magacoodana uga soo saarto afkooda.
Reerkaygii oo la ila hadalsiiyay markii hore isagama dhigin in aan illowsanahaye, waan u camiray. Waa igu adkaatay in carruur iyo xaas i jecel aan inkiraad kula dul dhaco. Iyaga maalin kasta baan wacaa oon caruurta iyo xaaska gooni gooni ula sheekaystaa. Iyagu waaba i yaqaaniine, aniga baa xoogga saara sidii aan dib ugu baran lahaa. Malaha waxay is weydiiyaan, odaygu taleefan badanaa ma dhimman rabaa?
Xaaskayga oo iyadu arooskii la sheegayay in aan baajiyay aad uga masayrtay bay mudo dheer igu qaadatay in aan maslaxo. In kastoo qalbigeeda dhaawacmay uusan gebi ahaanba ii fayoobayn, haddana hadeer waa ii dulqaadataa, markaan wacana ii sheekaysaa, oo caruurta ii dhiibtaa.
Noloshii aan wada illoobay baan billaabay in aan mid mid u goobo. Waa in aan meel aan seexdo helaa. Shaqadaydii oon illaa iyo hadda meesha ay ku taalo, iyo waxa aan ka qabto maahane, aanan dadka ila shaqeeya hal qof ka xasuusanna soo hagaajistaa.
Dhowr maalmood markii aan guriga awoowe joogay baan Diiriye Dheere oo ah curadka awoowgeey, oo meel agtayda shaah ku fiiqsanaya, inta aan ka xasuustana xowlo mowdar qallafsan ahaa, hadase wariye idaacad magaalada ku taalla ka shaqeeya ah, u tiriyay gabay Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi uu ka tiriyay Kacaankii. Dhowr jeer baan arkay Diiriye Dheere oo sidii Kacaankii gabdhaha reerka hadalka ku celinaya, anigoo la yaaban cidda ninkaan madaxda ka dhigtay baan gabaygii Hadraawi ku iri:
“Naalleeye habacsane
Yaa horseede kaa dhigay?
Hayb baabad sidataa,
Maadigaa hoggaansha ah,
Gobannimo hawadin kara,
Haneedka qaban kara,
Higsankara asaaggaa,
Qarannimo hitiqin kara,
Isku duubni hanan kara,
Dad saboola hagi kara,
Himillada xil furan kara,
Taariikh la hadhi kara,
Hal-abuurka sharafka leh,
Murtidooda heli kara?”
Sidii in aan ka baxsanayo buu si deg deg ah iigu soo booday, oo uu shaahii isna isku gubi gaaray, anna si aad u ba’an iiga nixiyay. ‘Balaayo qof ku ag taagan sidii bahalkii kuugu soo booday’ baan hoos iska iri, oon weydiiyay waxa uu rabo.
“Gabaygaan yaa tiriyay?” buu i weydiiyay. Yaab baa Alla ii keenay. Ninku gabay jeclaa baan is weydiiyay. Muu isagoo meeshiisa fadhiya i weydiiyo! “Tartiib bal, waaba iga nixisaye” baan ku iri, oo anigoo kaftamayana raaciyay, “Gabaygaan anigaa allifay.”.
Wuxuu ii sheegay in barnaamij gabayo ku saabsan loo dhiibay, cid uu waraystana uu weysanaayoo, magaalada inta abwaan joogta horay uu usoo waraystay. Maadaama aan gabayga aniga allifayna wuxuu ii sheegay in uu doonayo in uu i waraysto.
Anigoo qoslaya baan ku iri, “Bal ii soo sheeg markii aad ii baahato, anigaa kaa arrad bixin doona wixii gabay aad u baahantahaye”.
Diiriye Dheere hooyadiis oo caada ka dhigatay wiilkeedu markuu idaacadda ka hadlayaba in ay dhagaysato, baa raadiyihii soo dhawwaysatay, oo dadkii ka ag dhawaa ku amartay in ay aamusaan.
“Halkani waa idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho. Magacaygu waa Diiriye Dheere. Waad ku mahadsantihiin dhagaysigiinna” buu barnaamijkii ku furfurtay.
Sidii nin og in reerkiisu ay dhagaysanayaan buu isku kala jajabinayaa. Siduu hadallada u maroojinayo markii aan u dulqaadan waayay, baan goostay in aan bannaanka u baxo.
Intii aanan guriga deydkiisii ka dhammaan buu isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri, “Barnaamijka waxaa usbuuca soo socda marti noogu ah Abwaan Sakariye oo ah wiil aan adeer u ahay. Waxaan idinka ballan qaadayaa in aad maqashaan gabayo iidnaan weligiin maqal”.
Bartaydii baan iska istaagay. Afkii baan isku keeni waayay yaab. Hooyadiis oo isoo eegaysa baan ku iri, “Ayeeyo wiilkaagu ma fayooba. Anigoo la kaftamaya baan u sheegay in aan anigu gabay Hadraawi leeyahay allifay, waana kaas idaacaddii iga ballamiyay”.
Diiriye hooyadiis oon libirsan baa i weydiisay, “Hadraawi yaa la yiraah?”.
“Yaah?” baan su’aalay anigoo aamini la’ in uuba jiro qof Soomaali ah, oo aanan Hadraawi garanayn.
“Heesta Beledweyn abwaanka allifay dee!” baan si sannifaad ah u iri.
“Beledweyntee? Ma heesta Badacas baad sheegaysaa ee Cabdinaasir Macalin?” bay ayeeyo igu soo celisay.
Weligeed ma dhicin taariikhda Soomaaliya inta hees Beledweyn la yiraahdo laga hadlay in hees kale lasoo hadal qaado aanan ahayn mida Xassan Aadan Samatar uu ku luuqeeyo.
Anigoo xoogaa amakaagsan baan qolkii gadaal u galay. Taleefankii oo jaajar ku jiray baan soo siibtay oon Saxnuun ka wacay.
Sheekadii aniga, ayeeyo, iyo Diiriye na dhex martay baan u sheegay.
“Hadraawi yaa la yiraah?” buu Saxnuunna iga hor keenay.
“Iga daa cayaarta” baan ugu jawaabay anigoo diidan in aan dood kale galo.
“Saaxiib aad baan fanka iyo suugaanta Soomaalida u xiiseeyaa, nin weriye ah na waan ahay, waligayna ma maqal abwaan Hadraawi la yiraahdo” buu si kalsooni miiran ah iigu jawaabay.
Anigoon hadal kale u gelin baan taleefankii iska demiyay, oon awoowe oo qol igu dhegan ka hadlaya u galay.
“Awoowe, heesta ‘Hooyo’ ee Maxamed Saleebaan Tubeec uu qaado yaa allifay?” baan weydiiyay anigoo markaan is leh heestaas waa caan, oo wuu aqoon doonaa.
“Ma aqaan” buu iigu jawaabay, isla su’aashiina aniga igu soo celiyay.
“Maxamed Warsame Hadraawi baa allifay” baan u sheegay.
“Hadraawi yaa la yiraah?” buu isna su’aal kale iiga hor keenay.
Dhowr maalmood ka hor markii aan dadka is daba marsanaantooda la yaabanaa, madax xanuunkii i hayay baa igu soo laabtay. Qolkii awoowe baan ka soo baxay, oon qolkaygii iska galay si aan isaga seexdo.
Inkastooy hurdo casar wareer leedahay, haddana waxaan isku qanciyay in aan iska jiifto si uusan madaxu ii sii xanuunin.
Cabbaar markaan galgashay madaxayguna uu kun su’aalood is weydiinayo, baan goostay in aan magaalada kasoo kala jiireeyo, dadkana bal soo weydiiyo in ay Hadraawi garanayaan.
Laba qandhajabiye inta isku dhuftay baan jidka cagta saaray. Intaanan meel fog gaarin baa nasiib wanaagayga waxaan kusoo dhacay dabakaayo yar oo sameecado waa weyni hor yaallaan, oo muusik cusubi ka daaranyihiin.
‘Allaylahe dabakaayadu waa istuudiyo muusik lagu iibiyo’ baan isu sheegay anigoo markaan hortaagan, sawirrada fannaaniinta ee dabakaayada gudaheeda iyo bannaankeeda ku xardhanna isha la raacaya.
Intii aan ka xusuustay tukaamada cajaladaha lagu iibiyo, dhagax iyo jiingadba, waxay u ekaayeen tukaan caadi ah, oo meeshii badeecado kale ay iskifaalayaasha ku safnaan jireen, iyaga iskafaalayaashooda laymanka isku dhaw dhaw leh, waxaa ku safnaan jiray cajalado heeso iyo gabayo ah. Cajal kasta waxaa ku jaldiyeysnaa sawirka fannaanka heesihiisu ay ku duuban yihiin.
Haddeerse waa dabakaayo yar oo kombiyuutar uu dhex yaallo, halkaas oo heestii aad rabtid lagaaga shubayo. Heesaha intooda badan internetka baa laga soo saaraa. Halkaas waxaa ku lumay heeshihii hore tayadii iyo nadiifkii lagu yiqiinay. Marka hees ka mid ah heesihii hore internetka lagaaga soo saarayo waa mar ay dhowr gacmood oo duubis iyo sii duubis ah ay martay, iyadoo kadibna qaab interketka loo gelin karo loosii bedelay halkaasna ay tayo kale kusii luntay.
Cabbaar markaan dabakaayada faaruqa ah eegayay, baan yarkii maqalka fadhiyay weydiiyay in uu hayo dhowr heesood oo heesihii hore ka mid ah.
“Haa saaxiib waan hayaa iyagoo weli aad faseex u ah, oo Raadiye Muqdishow kaydkiisa laga soo qaaday” buu yarkii si heesa jecli iyo xiiso ka muuqdaan iigu jawaabay.
Waan filan waayay sida wiilkaan dhallinyarada ihi uu u kala yaqaanno, una xiisaynayo heesihii hore.
“Saaxiib, oo hadeer ma waxaad i leedahay hees kasta oon ku weydiiyo waad haysaa?” baan u weydiiyay si aan dhugtiisa u hanto. Isaguna qof tartan la geliyay sidiisii buu inta u soo istaagay ku jawaabay, “Magaca lee ii sheeg, anaa daf kuu soo siinayee”.
Waxaan weydiiyay in uu hayo heesta erayadeedu ay ka midyihiin
“Ooy sidigtii Laalays
Nirguhu aanay socod baran
Reeraha sintoodiyo
Kaymo saar leh loo dhigay”,
Heesta si ku talo gal ah baan dhexda uga soo qabtay, oon hooriskeeda oo aad loo wada garanayo uga weecday si aan u hubiyo aqoontiisu inta ay le’egtahay.
Afartaas beyd markii aan sheegay buu yarkii i soo eegay isagoo cod aad u qurux badan kusii dhamaystiraya heestii:
♬Oo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxay
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah laba-sabar
Soofeeyey micidoo
Ka sanqadhiyey doobtii♬
“Heestaan waxaa la yiraahdaa Saylo, Soomaaliduse waxay ugu yeeraan Saxansaxo. Waxaa qaada Xassan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac. Waxaa allifay abwaanka wayn ee Xassan Ganeey” buu is daba dhigay iina sheegay in uu hayo heesta oo aad nadiif u ah.
Aad baan ula dhacay yarka aqoontiisa faneed, markiina weydiiyay in uu hayo heesta ‘Hooyo’ ee uu allifay Abwaan Hadraawi, uuna ku luuqeeyo fannaanka Maxamed Saleebaan Tubeec.
‘Kollayba hadduu jiro qof heestaas yaqaanna waa yarkaan’ baan ku fekeray. Yarkii waa isoo eegay, oo hadana hoos fiiriyay, mar kale buu i soo eegay oo yiri, “Tubeec hees ‘Hooyo’ la yiraahdo waligiis ma qaadin. Abwaan magaca Hadraawi la yiraahdana waligay ma maqlin”.
Anigoon la murmin baan weydiiyay dhowr heesood oo kale uu Hadraawi allifay, laakiin midna kama uusan garan. Markii aan xitaa heesta ‘Cajabay’ ku luuqeeyay inta isoo eegay buu yiri, “Saaxiib waa hees macaane, ma adigaa haya?”.
Wiilkii anigoon macsalaamayn baan ka soo dhaqaaqay. Aniga laftayda baa hadeer is weydiinaya in Hadraawi uuba qof jira yahay iyo in aan anigu uun madaxayga ka samaystay. Tolow mallaga yaabaa in aan inta ku riyooday iska dhaadhiciyay in uu qof jira yahay! Hadde haddaan ku riyooday sideen heesihiisa iyo gabayadiisa ku wada aqaannaa? Ogow anigu fannaan iyo abwaan midna ma ihi.
Maqaayad weyn ee galabkii shaaha laga cabbo baan soo fadhiistay oon shaah dalban gaaray, kadibna ogaaday in aanan lacag wadan. Mar aan damcay in aan istaago baan u jeeday aqbaar soo gashay idaacadda CNN oo ka hadlaysa meteor dhulka aan joogno gabi ahaantiis siyaalo kala duwan u saameeyay.
Meteor-ka nuuciisu wuxuu ahaa hawo, kulayl iyo qabow isugu qasan oo wadan kasta ee dunida ku yaalla sidii saxansaxada roobka u dhex martay. Saaynisyahannada hay’adda NASA baa ku ogaaday baaritaan ay sameeyeen.
Maraykanka waxaa la ogaaday in dadka jooga, marka laga reebo hal nin, ay lahjadihii ay ku kala duwanaayeen gobolladoodu ay meesha ka baxeen, lana arkay dadkii oo dhan oo ku hadlaya Ingiriisigii dhowr boqol oo sano ka hor Iglan looga hadli jiray.
Dadka Ingiriiska degan iyaga, marka laga reebo hal nin, saamaynta soo gaartay waa in ay iloobeen qaabka loo qoob-ka-cayaaro, oo qof kale oo niiko yaqaanna baa waddanka dhan laga waayay. Halka nin ee saamayntu aysan taaban baa dadku u daawasha tagaan sida balaayo ee uu jirkiisa u jejebinayo.
Labada qof ee Ingiriiska iyo Maraykanka jooga, ee saamaynta bulshada kale taabatay ka badbaaday, baa iyagu saamayn u gooni ahi qabsatay. Mid wuxuu illoobay magaciisii, baranna la’yahoo hadba la xasuusiyaa. Midka kalena wuxuu illoobay in lacag deyn ah oo uu nin deris ay yihiin ku lahaa, mar hore loo guday. Maalin kasta “deyntaan kugu lahaa i sii” buu la soo taaganyahay.
Wariyaha idaacadda ka hadlaya baa sheegaya in ay muhiim tahay in la ogaado wadan kasta saamaynta uu meteor-ku ku reebay.
Markiiba waxaa ii caddaatay saamaynta uu meteor-ku Soomaaliya ku yeeshay. Tan koowaad waa in waddanka dhan laga madoobeeyay jiritaanka, mid qofeed iyo mid sugaaneed, ee abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi. Aniga kaliya baanan illoobin welibana, yaabkayga, korka ka xifdisan hees kasta iyo gabay kasta uu Abwaanku sameeyay. Anigase waxaa xusuustayda laga tirtiray laba safar oon midna ku tagay wadanka Ingiriiska, midna aan ku tagay gobollada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, labadaas safar waxaan illoobay dadkii aan isku barannay oo idil, oo reerkeyga iyo caruurtaydu ay ka mid yihiin.
Cutubka 5aad
Diiriye Dheere oo galabta si u xiiso iyo is kala qaad weyn baa dhagaystayaashiisii ku soo dhaweeyay barnaamijkiisii. Aniga oo marti u ahaa buu istuudiyaha igu soo dhaweeyay.
Salaan kadib baan dhagaystayaashii u dul maray gabayga ‘Tuke Baal Cad’ uu Hadraawi kaga dhiidhiyay in maansooyinkiisa lagu eedeeyay kuwa dowladdii kacaanka ahayd u duurxulaya, anigase iila habboonaatay in ciriiriga i haya aan ku cabbiro.
Waxaan iri uunsaas:
“Dhulku waa boggaygiyo
Beerkiyo wadnaha oo
Baradaan ku ababee
Ku barbaaray weeyaan.
Dadku waa bahdaydii
Bulshadaan dugsanayoo
Noloshayda beeshaan
Ku baxnaaninaayoo
Rabbaa ii sed buriyoo
Murtida iyo baanada
Iima barin Illaahay
Danta inan ku bi’iyoo
Badhi furo hayaankoo
Himilada burburiyee
Kuma wado billaawaha
Lugta loo barkinayee
Wax kalaa babinayoo
Belo aan la garan baa
Boholaa qodaysiyo
Booraanta haddimo.
Burka lay filaayiyo
Balliyada agtayda ah
Gelin kuma bariistoo
Baxsanaa habeenkii
Ama badiba maantii
Boqollaal kun jeer baan
Ka baxaa dhulkeennoo
Sida biligta roobkiyo
Gaaraan-bidhaankaan
Hadba meel ka baaqaa”.
Markii aan maansadii soo gabagabeeyay baan ku soo baraarugay sacab istuudiyihii idaacadda is wada qabsaday. Aad baa loola dhacay gabayga quruxdiisa iyo farshaxannimadiisa. Dhagaystayaashii soo wactamayna dhammaantood waxay codsadeen in aan ku celiyo dhowrkii gabay oo kale ee aan galabkaas meesha ka jeediyay.
Fannaaniin qurbaha ka timid, oo Xamar u joogay bandhig faneed, baa billaabay in ay idaacadda soo wacaan oo su’aalo i weydiiyaan.
Fannaanka Sayid Khaliifa oo i weydiistay in aan heeso u samayn karo, baan u sheegay in ay jirto hees laxamaysan oon isaga ugu talagalay oo la yiraahdo ‘Hablaha Geeska Afrika’. Heestaan waa hees uu isla fannaanku aad ugu caan baxay, laguna jecelyahay, oon doonayo in aan isla iyadii mar kale u dhiibo. Markii aan wax yar ku luuqeeyayba aad buu ula dhacay, igana codsaday in aan kulanno si uu goor dhaw, intuusan Soomaaliya ka laaban, u duubo.
Taleefankii baa loo dhiibay Xassan Aadan Samatar oo isna fannaaniinta la socday. Xassan waxaan u sheegay in aan u hayo dhowr heesood uu aad ula dhici doono.
Idaacaddu inta ay socoto welwel baan la dhididayaa. Waxaan ka baqanayaa in dhagaystayaasha soo wactamaya uu ka mid noqdo qof quraafaadkeenna fashiliya, cid igu dhagtayse weli sooma wactamin.
Barnaamijkii markuu noo dhammaaday, xilli cishihii laga soo baxay baan ka codsaday in Diiriye Dheere uu gurigii degdeg noogu dhigo. “Guri aa? Ma xilligaan magaalada hadeer lasoo aaday baan guri ku geeyaa abwaane?”, buu si canaan-kaftan ah igu yiri iina sheegay in aan ka casuumannahay xaflad soo dhawayn ah oo fanaaniinta loogu samaynayo guriga uu magaalada ka deganyahay Abwaan Guure.
Aad baan u danaynayay in aan fanaaniinta isi soo barannee, anigoon waxba is micnayn baan markiiba gaarigii na loo diyaariyay shirka ka galay. Gaariga heeso in ay cusub yihiin lagu sheegayo, anigase is kula kay eg, baa ka daaran. Idaacadda deydkeeda baan dhex taagannahay. Diiriye oo gabar meel wajigeenna ku aadan la taagan baan sugaynaa. Yarka darawalka ah baa faduul, hadba leyr ku daaraya, marna ka daminaya.
Darawalkii baan weydiiyay qofta uu Diiriye la taaganyahay qofta ay tahay. “Saaxiib qoftaan waa Ree Hebel, Ree Hebel kasii ah,” buu darawalkii la soo booday. “War qabiilkeeda kuma weydiine, waxay qabato baan doonayaa in aan ogaado,” baan ka la hor tagay darawalkii si uusan qabiilkaan uu kala dhigdhigayo ugu sii fogaan.
“Saaxiib qoftaas waa wariye Sucaad Mire. Waa gabadha wariyeyaasha Soomaalida dhan ugu codka macaan.”, buu iigu jawaabay. Maadaama darawalku uusan weriye isagu ahayn baan ka aamusay si aan su’aalaha aan qabo Diiriye u weydiiyo.
“Adeer qofta aad la taagnayd waayo” baan Diiriye weydiiyay markuu gaarigii nala soo galay. “Qoftaan waa Ree Hebel, Ree Hebel kasii ah.”, buu isna la soo booday.
Bisinka! War waa maxay dadkaan qabyaaladdu ka luntay? Marka ay idaacadda ka hadlayaan dad ree Magaal ah, oo dhaqankaas hooseeya ka baxay baa loo haystaa, markii lala sheekaystana, dagaal oogayaashii waa ka qabyaalad iyo faquuq badanyihiin. Sheekadu meesha ay nala sii galayso marka aan dareemay, baan mowduuccii baddalay.
Jidka baan laba ka dhignay. Lambar Afar markaan aargadeeda ka sii hoos dusayno, guriga abwaanka oo Buula Xuubeey ku yaallana aan ku jihaysannahay, buu askari jidka taagani isagoon sabab noo sheegin, “Dib u laabta”, nagu amray.
Raiisul Wasaaraha wadanka, baa mar dambe, na loo sheegay in uu habeenkaas magaalada dhex wareegayay si uu telefishinnada dadka uga tuso in magaaladu ay nabad tahay. Diiriye Dheere oo Raiisul Wasaaraha dhaliishiisa baraha bulshada uga caan baxay, baa si lawada maqlayo ku gunuunacay, “Haddii ay magaaladu nabad tahay muxuu jid walba u xirtay? Diin iyo iimaan malahan. Beentaas buu caalamka ka iibinayaa”. Darawalkii baa Diiriye u daba dhigay, “Adigu Reer Hebel oonan been aqoon halkee ku aragtay?”.
Waxa labadaan nin eenan isku sheekada ahayn isoo daba dhigay maanta baan ka shallaysanahay, waanse iska dulqaadanayaa maadaama goor dhow aan kala dhammaan doonno.
Halka markii hore dhowr daqiiqadood kaliya aan ku tagnay, Lambar Afar, hadeer waxay nagu qaadatay saacad in aan gurigeennii ku laabanno, jidadkii oo xirmay, iyo gawaaridii oo jid kasta isku goysay dartood.
Anigu inkastoon danaynayay in aan fanaaniinta soo salaamo, haddana awalba in aan guriga iska tago waan rabay maadaama aan u baahnaa xilli aan kaligay qaato, oon maskaxdaya kaga shaqaysiiyo.
Cutubka 6aad
Taleefan daaran baa la ii soo geliyay qolkii aan jiifay xilli barqo ah. Waa taleefankaygii oon jaakadkii aan xirnaa jeebkiisa isagoo ku jira aan gidaar uga soo kacay xalay.
Saxnuun baa ka dhex hadlaya taleefanka oo ii sheegaya in aan is diyaariyo. Laba tigid oo bilaash ah buu noo soo helay, wuxuuna doonayaa in aan Cadaado isku raacno.
Markiiba waxaan wacay fanaaniintii oon u sheegay in aan safar deg deg ah u baxay, oon laba cisho kadib isku imaan doonno. Heesta Beledweyn oo laxamaysan baan iyadoo qoran, cajalna ku duuban Diiriye ugu dhiibay Xassan Aadan Samatar bal si uu inta aan maqanahay u sii xifdiyo. Waxaan damacsanahay marka aan Cadaado kasoo laabto in aan riwaayado badan u dhiibo fanaaniinta inta ay Xamar joogaan.
Cadaadada la sheegayo, ee aan joogi jiray, aad baanba ugu baahnaan lahaa in aan soo arko. Bal in xusuustaydu halkaas ku soo laabato. Hadana runtii maba doonayn in ay xusuustu ii soo laabato, sababtoo ah ma doonayn in caannimadaan aan helay, ee sida muuqata Hadraawi la igu badalay, aan waayo.
Sidii qof horay u ogaa baan qubays iyo is diyaarin isku bilaabay. Shan iyo toban daqiiqo ka dibba, Cadaado baan u xirxirnaa.
Diyaarad aad iila yar baan saarannahay. Dad ree baadiye u badan, oo sidii in ay is wada yaqaannaan diyaaradda gees ka gees sheekaysanaya, baa rakaabku yahay. Mar aan saacad iyo toban daqiiqo hawada ku jirnay baan dhowr qofood oo waxaan u jeeday sidii in ay meel tilmaamayaan diyaaraddii daaqadaheeda faraha wax ku fiiqaya. Saxnuun baa ii sheegay in aan Cadaado ku dhawnahay, dadkuna ay berrimihii ay ariga ku raaci jireen aqoonayaan, oo is tusayaan.
Diyaaradda yar een la soconno markii ay dhulka u soo dhawaanayso waxaad moodaysaa in aysan aayar is gaabinayne, dhulka lagu soo halgaadayo. Markii wadnuhu afka ku soo galo, ood is leedahay sida ay hoos ugu xawaaraynayso darteed wallee aysan is celin karayn, bay hadana isi simaysaa oo caadi u duulaysaa. Wax yar kadibba hadana dhulka bay isku halgaadaysaa, oo hadana is qaboojinaysaa.
Dhowr jeer mar aan naftii ka quustay baan anoo bayloodkii u naqsanaya la dhawaaqay, “War naga dhaaf cayaarta, maxaa kaa qaldan? Maxaad hadba wadnaha noo jaraysaa?” Anigu waxaan isu haystaa in aan hoos u hadlayo laakiin diyaaraddii oo dhan baa i wada maqashay, oo halmar qosol oodda jabsatay.
Nin suud xiran, dhididka ka socdana aad moodayso in uu Xamar lug kaga yimid, baa ii sheegay in maadaama diyaaraddu ay aad u yartahay ay xamili kari la’dahay degitaanka, oo sidaas darteed bay hadba u go’ leedahay.
Waan soo degnay, oo hoolkii boorsooyinka soo aadnay. Galabkii aan Saxnuun iyo Sakariye Shiine kulannay wiilkii taleefanka aan kula hadlay, ee Sharmarke ahaa, baa eeraboorka naga soo doonay. Markuu ii jeeday buu isagoo sidii qof arin aad u shaacira badan loo sheegay qosol hadalku kala soo bixi weysanyahay laabta i geliyay. Ingiriisi buu billaabay in uu i gula hadlo, oo hadba hadana qosol oodda jabsadaa.
Waan u jeedaa in uu hubo in uu i garanayo, anna inkiraad iskuma dhibine, su’aalo weydiis baan u galay, sheekadiina ka guray.
Wax yar markaan jid jay ah ku soconnay, baan ku soo dhacnay laami la ii sheegay in uu xamar ka yimid. Sida aan mar dambe ka war helayna, wadankoo dhan la yiri, waa dhex maraa.
Eeraboorka Cadaado illaa iyo magaalada guryuhu waa is haysteen. ‘Eeraboorka maa magaalada laga sikiyo? baan ku fekeray. Waxaan soo dhex qaadnay magaaladii oo gebi ahaanba dansan, tukaan kasta iyo albaab kasta ee laamiga ku soo jeeda uu xiranyahay.
“Sharmarke, waa maxay magaaladaan sidii in dagaal sokeeye uu ka dhacay cidlada ah?”
“Hahahaha, war saaxiib qado baa loo wada rawaxay. Bacdal casar bay magaaladu furmaysaa, markaas baan ku soo wareejinaynaa” buu iga ballan qaaday.
Qado iyo hurdo kadib, casar baan magaalkii u soo baxnay. Xaafadaha magaalada baan dhex soconnaa. “Ceelasha iska jir” buu Sharmaarke ii digay. Ceelashu waxa ay yihiin inta aanan weydiin, bay ishaydu qabatay dhowr ceel oo jidka geesihiisa ku yaalla. Waa ceelal biyoodyo waa hore laga guuray, welisa qodan oo carruurta iyo xooluhu ay ku dhacaan. Qof ku dhacay oo badbaaday lama arag, waayo biirta salka fadhisa baa nafta daqiiqad ku qaadda. Ceelasha kan laga taxadaray baa ood korka laga saaray, kuwa kale waa iska wada feydanyihiin.
Waxaan la yaabanaado masuul xumida intaa le eg, baan buush shaah lagu iibinayo, oo jidadka xaafadaha dhex mara gees kaga yaallay, ka dhex maqlay nin ku heesaya heestii “Baxsanoow Hadraawoow” ee uu Cabdi Qays u dhiibay Maxamed Mooge.
‘Alla ninka yaa Hadraawi baray?’ baan si naxdin leh isu weydiiyay. Buushkii baan madaxa la galay. Ninku waa qayilayaa, oo sidii qof waalan dadka ka takooranyahay, oo gees kaligii fadhiyaa. Wuu i soo eegay isagoo markaan gabaygii “Sirta Nolosha” ee Hadraawi marinaya.
Dhallinyaradii ila socotay baa nimankii buushka ku qayilayay salaan iyo sheeko la galay. Magaaladu aad uma weyna, oo dadku waa is wada garanayaan. Aniga dadka la i barayo iyo salaantoodu iguma socoto. Ninka kaligii iska gabyaya baan danaynayaa in aan arrinkiisa wax ka ogaado. Salaan iyo bariidin aan qalbiga jirin baan nimankii si ‘orodoo i dhaafa’ ah ugu boobsiiyay oon weydiiyay ninka gabyaya waxa uu ahaa.
Xaynoosh Warsame nin magaciisa la iigu sheegay, ciidanka xoogga dalkana ka mid ah, buushkaanse isaga qayila markuu fasaxa yahay, baa igu yiri, “Ninkaan warkiisa waxba ha ku faline, Xamar iiga warrama?”. Xaynoosh waan u qoslay, oon weydiiyay Xamar goortii ugu dambaysay. Maxaa iga yeeriyay? Xaynoosh sheeko dheer oo waayihiisii jabhadda iyo Xamar buu dabada qabsaday. Waxba kama dhagaysane, inta been wax yar u jiibiyay, baan sheekadii ka qasay oon weydiiyay ninka miyuusan garanayn?
Xaynoosh xusul baa u mudnaa. Lugaha midna waa laabnayd, midna waa u fidsanayd. Inta soo fadhiistay, oo afka qaadka cagaarkiisa sacab iska mariyay yiri, “Ninkaan inkaar baa ku dhacday. Ibraahim Faandhe baa la yiraahdaa. Macallin Juquraafi buu Xamar muddo dheer ka ahaa. Hay’adda waxbarashada Iftiin markii la furay baa Xamar laga keenay, oo maamule looga dhigay. Ninku waayahaan dambe buu is dardaray, oo uu billaabay in uu iska gabyo, magacyo aanan la garanayna sheeg sheego. Reerkiisii baa qabtay, xirxiray, Qur’aan saaray, kadibna markii ay maaro u waayeen iska sii daayay maadaama uusan nuuca dadka dila ahayn”. Xaynoosh sheekadaas inta uu ii sheegayo Ibraahim Faandhe gacanta buu iigu saanyaaleynayaa oo uu ii yeerayaa.
Weligayba dadka ree magaalka ah iyo dadka taariikhda leh ee noloshu sida u ciishay la sheekaysigooda waan jeclaa. Si bay u furfuranyihiin wax badan u ogyihiin. Inta badan maadaama wax ay xeerinayaan iyo wax ay dhowrayaan aysan jirin, runta bay aad u sheegaan. Xaynoosh daldalankiisa inta kasoo dhaqaaqay baan Ibraahim soo ag fadhiistay.
Ibraahim in uu waalanyahay waa laguu sheegayaa, laakiin dadka meesha fadhiya isagaa ka nadaafad iyo qurux badan. Ibraahim waa muuqaataa in uusan muqayil hore ahayn oo ilkihiisu midabkooda oo wax yar is bedelay maahane, weli waa ku wada yaallaan. Dharkiisu waa nadiif, duugna ma aha. Qofkii jidka ku arka, qof waalan iska dhaafe, in uu maalin isla hadlay ma moodi lahayn.
Kursi baan soo ag dhigtay, oon salaan kadib, warkii isaga ka dhuray. “Ibraahim Faandhe baa la i yiraahdaa. Wax yar ka hor, haldoorkii magaalada baan ka mid ahaa, maantase dadka waalan baa la igu tiriyaa” buu hadal ku billaabay. “Anigu islama waalni, oo hadaad i weydiiso, waxa waalan waa dadka kaloo dhan, aniga ma ahan.”. Ibraahim uma baahna in uu ii sii sharraxo dhibaatada haysata oo waan malaynayaa. Ma doonayo war aan qabo in uu waqti iiga dhammeeyo. Saxnuun iyo Sharmarke oo nimanka kale la hadlayana ma doonayo in ay dhankayga soo aadaan.
Anoo hadalka ka dhex galaya baan Ibraahim weydiiyay, “Ibraahimow, Hadraawi miyaad garanaysaa?” Su’aashu afkayga inta aysan ka dhammaan baan u jeeday indhihiisii oo illini soo fadhiisatay. Wuxuu malaysan la’yahay in uu jiro qof kale oo Hadraawi garanaya. Inta isagoo weli fadhiya igu soo sikaday, buu yiri, “Adigu ma garanaysaa?”. Uma jawaabin, oo markiiba waxaan weydiiyay in uu magaalada joogo qof kale oo garanaya. Ibraahim ood moodo in rajo nololeed oo cusubi ay soo gashay baa igu yiri, “Adigaa iigu horreeya qof garanaya”. Intaas muhiim bay ii ahayd in aan ogaado. Waan istaagay, oon ka codsaday Ibraahim in uu berri isla buushkaan isugu kaanna keeno.
Wiilashii baan u dhawaaqay oon cagta jidka saarnay. Inta aan sii soconno, ma hadlayo, oo sheekadii Ina Faandhe na dhex martay baa weli maskaxdayda mashquul ka dhigaysa. Waxaan xasuustay taleefan Xamar iiga soo dhacay galabta ee fannaaniin badani isu kay bareen. Qaarkood heeso ayay iga codsanayeen, oo heestii aan Sayid Khaliifa ka ballanqaaday bay ka war heleen. Samatar oon heesta Beledweyn u dhiibayna, ammaantayda buu magaalkii kala gaarsiiyay, soo laabashadayda waxay u badantahay in eeraboorka sidii madaxweynihii hoballadu igu soo dhaweeyaan. Maxayse kuugu taal: inkaar qabahaan Ina Faandhe ah baa noloshaas qurxoon iga ciidayn karayee!
Galabta waxaan fadhinnaa maqaayadda Gobsoor oo dadku ii sheegayaan in aan aad u fadhiisan jiray waagaan Cadaado deganaa, anigase daafaandeeg baaba’ ah iila eg. Waxaan doorbidi lahaa in aan biibitooyinka yaryar ee gabdhuhu ay shaaha ku iibiyaan fadhiisto. Kana shaah macaan, kana hawo iyo leyr qabow.
Dadku waa sheekaysanayaan, isi salaamayaan, markii ay ii jeedaanna salaan iyo hab isiinayaan. Anigu waan u camirayaa oo qof kasta xiisaha uu ii qabo inta ay le’egtahay baan u celinayaa. Kii jidka kasoo qayliya oo isagoo ordaya isoo gala, orod baan kaga hor tagaa. Kii aayar salaan ii soo taagana, sidoo kale baan aayar u salaamaa, runtuse waxay tahay, hadalkoodu igum socdo. Ibraahim Faandhe baan ka fekerayaa, ballanteennii berri ahaydna sugi weysanahay.
Cutubka 7aad
Waa shantii subaxnimo iyo bar. Salaaddii subax waa laga soo baxay, waaguse waa baryi la’yahay. Anigoo labisan baan hoteelka hor fadhiyaa oo gabar meesha shaah ku iibisa oo hadeer uun dabkii shidaysa, welina aanan kuraastii fidin, hal kursi inta ka qaatay, meel dhadadii xalay iyo rushayskii saakay carfaysa kursigii dhigtay. Koob shaah ah oo caana ari lagu cadeeyay baan damacsanahay in aan isku qabto, kadibna ballantii Ina Faandhe u dhaqaaqo.
Saxnuun iyo Sharmarke, inta aysan i tebin baan rabaa in aan hoteelka isla subaxa hore ku soo laabto. Shaahii markaan dhammaystay, waaguna uu si fiican u baryay baan dhankii ballantii Ibraahim u dhaqaaqay. Wax yar inta aanan socon baa la iga daba dhawaaqay. ‘Yaa balaayoo saacaan kuu yeeraya’ baan is weydiiyay. Aan u jeestayba, waa Ibraahim oo isna ballanteennii u socda.
Waan isku lug darsannay oon billawnay in aan xaafadaha weli laga hurdo isaga dhex lugayno. Hawadu waa macaantahay, oo sidii saxansaxo roobaad bay u carfaysaa, raad roobse lama arkoo, cirku waa buluug nadiif ah. Jawiga subaxa hore inta qorraxdu aysan soo bixin weligay waan jeclaa in aan ku lugeeyo, subaxa Cadaado baase kun jeer ka macaan kii Muqdisho ee jidadkeedu dad badni darteed wasaqdu ciiddeedii badashay. Ibraahim waxaan u kaxeeyay dhanka suuqii hore. Mar aan shalay halkaas marnay baan uga jeeday tobaneeyo ceel oo iska af la’.
Mudo aanan badnayn markaan suuqii inta dhanka qubuuraha kasoo galnay, dhex lugaynayno buu Ibraahim ceel ku dhacay. Miskiin. Qofkii noo jeeda wuxuu ku dhaaran lahaa in aan anigu ku riday, oo gacanta aan garabka ka saaray iyo riixidda aan dhanka ceelka ku riixay bay moodi lahaayeen in ay ku-tala-gal iga ahayd, laakiin Ina Faandhe tiisaa gashay oo xilligiisii baa meesha ku ekaa.
Dad ma raadin karo si ninka ceelka looga soo saaro, oo in ay dilkiisa igu nabaan baan ka baqayaa. ‘Magaalada qariib baan ku ahay, Xamarna nolol cusub baa igu sugaysee, buuq cusub ma gali karo’ baan ku tashtay. Allaha u naxariisto, awalba wuu dhibbanaa, dadkana ka takoornaa. ‘Dhibkii horay u soo gaaray dambi dhaaf Allaha uga dhigo’ baan ugu duceeyay.
Hoteelkii baan ku laabtay, oo weli la hurdayo. Dharkii baan iska baxshay oon sariirtaydii fuulay. Wax yar intii aanan sariirtii saarnayn baan is weydiiyay tolow Hadraawi ma noolyahay? Markii iigu war dambaysay Hargeysa buu ku noolaa. Tolow berri Hargeysa ma aadaa si aan odaga u soo salaamo? Allaylahe, odaga aan soo salaamo, oo noloshiisa wax ka soo ogaado.
Tolow Hargeysa ceelal af bannaan ma leedahay?
Inkastoo la helo diyaarado magaaladaad doonto ku geynaya, haddana waxaan goosannay in aan dhulka marno. Waddanka oo dhan hal laami baa dhex mara, magaala kasta oo weynna, laamigaas bay ku teedsantahay. Taas waxay noo sahashay innagoo safarkeenna isaga jirna, in magaala kasta aan cagta sii marinno.
Habeenkii ugu horreeyay Gaalkacyo baan sii seexannay, subixii gaari naga qaadayna Garoowe buu duhurkii na dhigay, oon habeen markaan seexannay Hargaysa uga socdaalnay.
Hargaysa waxaan soo galnay xilli salaadda Maqrib lagu jiro. Mowlacyo meheradaha ku horyaalla iyo sijaayado tukaamada la hor goglay baa lawada safanyahay oo maqrib lagu tukanayaa.
Habeenkii ugu horreeyay een Hargaysa seexday, hurdo riyo miiran ah kadib, subixii anigoon quraac sugan baan magaalada ku faafay.
Haddii Hadraawi cidi garanayso, Ree Hargaysa baa garanaya baan aaminsanahay.
Tukaamada iyo maqaaxiyaha iskuma lug gooyne, istuudiyeyaasha heesaha lagu iibiyo baan ka billaabay, oon dhowr heesood oo uu abwaanku sameeyay weydiiyay.
Dadkii Xamar baaba jawaabayoo, xusuustooda baarayee, kuwaan kaftan iyo jees jees bayba ii ga baxeen. “Abwaan Xamaraawiyada garan meyno” iyo hadallo la mid ah bay jawaab i gu siinayeen.
In Hargaysa, Xamar la mid tahay waa ii caddaatay, aniguna iskuma sii howline magaalo daawasho iyo dalxiis baan iska galay.
Biibito aad u camiran, oo kuraas midabbo kala duwan ay hor tubanyihiin baan casir liiqii boos ka cariirsaday. Shaah aan dalbaday baan kakabasho ku billaabay markaan ilyarada ka arkay nin dharka cad cad uu xiranyahay iyo garkiisa cad ay isku milanyihiin. Ninku ishu waa qaban ogtahay sababtoo ah, midabbada dansan iyo ciidda wasaqda ah ee biibitada buu kaligiis ka ifayaa. Waxaad is leedahay, sooma lugayne, aayar baa baarashuut dhanka sare looga keenay, oo sidaan uma sii nadiif badnaadeen hadduu lug ku yimid.
Mar aan odayga dharkiisa iyo timihiisa in yar eegayay, baan ku soo baraarugay in ninku Hadraawi yahay.
Niyadayda waxaa ku jirtay in aanan arki doonin, maadaama cid taqaanna aysan jirin. Haddii aan arkana waxaan is lahaa isagoo la ag buuxo baad u tagi doontaa. Biibitada aan fadhinno waa la buuxaa, laakiin cid isaga la socotay ama hadeer ku soo biirtay ma jirin. Kaligiis buu shaah bigays ah aad moodo in horay loo sii dalbay fiiqfiiqsanayaa. Markuu koob dhamaystana mid kale buu durbaba dalbanayaa. Gabadha shaaha iibinaysa baa hadba ku leh, “Adeer, shaahaan iska kala daa”. Isaguna, “Lacag miyaadan rabin?”, buu ugu jawaabaa, fiiqfiiqsigiisana halkiisa ka sii wataa.
Kursi u dhawaa baan eeganayaa in laga kaco, si aan inta aayar u ag fadhiisto, sheeko u la galo.
Nin aan isaga ka shaah cab yarayn baa ag fadhiya, oo uma eka in laga ag kici doono. Cabbaar markaan halkii fadhiyay, intaasna aan sidii in uu librayo fiirinayo, buu isagii istaagay oo dhaqaaqay. Waan ka daba booday, oo galaas biyaysan oo miis ii dhaw saarnaa horay usii dardaray. Gabadhii oo wax habaar iila ekaa igala daba dhawaaqaysa baan halkii uga cararay.
“Salaam adeer.”, baan anoo neeftuuraya ka daba iri.
“Salaam adeer.”, buu ii gu jawaabay isagoo ii soo dhoollacaddaynaya, iligga qalinka ah ee ugu jirana uu layr agteenna ka baxayay dartiis, kaligiis afkiisa ka dhalaalayo.
“Adeer, Sakariye baa la i yiraahdaa. Xamar baan ka soo socdaalay si aan kuula kulmo” baan u sheegay.
Sidii nin i sugayay buu inta gacanta i qabtay, “Na keen adeer, gurigayga baan tagaynaa, halkaas baan ku sheekaysanaynaaye.”, yiri.
Odaygu aad ii lama sheekaysanayo, hadallo yar yar oo jawiga ku saabsan ma ahane. Nin wuxuu egyahay hadal badan rimman, gurigase ila sugaya in aan gaarno. Dhowr jid baan gooynay, welise xaafado baan ku dhex lugaynaynaa. Hargeysa ma kala aqaan, ceel af bannaanna meel kuma sheego. Hub ma sitoo, xoog aan odaygaan joobanahaa ku weeraro iskuma ogi. Sidaa waxaan u leeyahay, lacalla haddii uu mugdigaan igu weeraro baan is difaac is leeyahay. Anigu isaga duullaan kuma ihi, ceel af bannaan oon isku difaaco in aan arkase, waan jeclaan lahaa.
Waxaan cid cashaynaysa sii ag marno, carruur in ay seexdaan la gula qeylinayana sii maqmaqalno, guri magaalada ka baxsan deydkiis weynan badan oo gudcur ah buu salli noo dhigay. Waxaa markiiba i cajabiyay mugdiga jira sida uu xiddigaha cirka u soo saaray. Salliga markii aad dhabar dhabar ugu seexatid, ood cirka eegtid, waxaad is arkaysaa adigoo xiddigaha sidii magaalo weyn oo wada ifaysa, ku dhex lumaya.
“Haye adeer, ii warran?” buu Hadraawi oo shaah noo keenay iiga naxsaday anigoo weli xiddigihii quruxdooda ku dhex lunsan.
“Adeer, horta soo Abwaankii Hadraawi ahaa ma tihid?”, baan hadal ku soo koobay si bal aan u hubsado in uu isaguna is xusuusto iyo in kale.
Isagoo hadalkiisu dareen hareeyay la gariirayo, malahana mugdigaa qarinayee, ilmadu garkiisii caddaa qoysay, buu yiri, “Adeer qof i garanaya adiga uun baan kaa arkay. Sidii loo joogay baa dadkii magacaygii iyo fankaygii laga madoobeeyay?”.
“Adeer, anigu waan ku garanayaa, gabayadaadiina anigoon xusuusnayn mar aan bartay, baan hadeer is arkay anigoo wada xifdisan”.
Waxaan uga sheekeeyay wixii Ree Muqdisho na soo dhex maray, iyo in xitaa fannaaniintii ay isla soo shaqeeyeen aysan garanayn. “Adeer waan ogahay.”, buu si qalbi jab ah iigu jawaabay.
Wuxuu ii sheegay in markuu arkay in magaaladu ay nin waalan, oo in uu caan noqdo ku qafiifay ay u la dhaqmayso, uu sheekadiiba iska xiray, hadeerna uu aad ugu farxay markuu arkay qof garanaya.
Waxaan u sheegay in gabayadiisii oon idaacad ka aqriyay aad loola dhacay, heesihiisii oon fannaaniin ka ballanqaadayna ay aad uga heleen. Waxaan ka codsaday in uu Xamar ii raaco, si aan mar kale dadka ugu soo badhigo qofka uu yahay iyo howsha uu soo qabtay. Isla markaana uu isagu heesihiisii iyo gabayadiisii uu la wareego. Odayga waan u beer jilcay, waxaana doonayaa in aan caawiyo. Ceel af la’ hadduu doono yuusan Hargaysa ku oollin. Maxaa iga galay.
Maalin roobaad oo boorsooyinkii naga qoyeen, baan Hargaysa kasoo duulnay, oon Xamar soo qabannay.
Cutubka 8aad
Diyaaradda aan la soconno kuraasteeda foodarayaal buluug ah baa gashan oo Somali Airlines ay ku xardhantahay. Gabdhaha iyo wiilasha ka dhex shaqaynaya diyaaradda isla sidaas oo kale bay Somali Airlines ku qorantahay dharkooda. Dadka diyaaradda saaran waa dad wada caato u badan. Saraawiil ku dheg dhegan oo lugaha halaf ka ah bay xiranyihiin. Nimanka, intooda badan, waa tima weynyihiin. Haweenku duruuc bay xiranyihiin, timahana si dayacan bay maryo hilish ah korka kaga tuureen. Dad baa sigaar diyaaradda ku dhex cabbaya, oo shaqaalaha diyaaradda baaba ka iibinaya.
Hargaysa markaan kasoo baxnay, diyaaraddu intaan waa i gala midab duwanayd, dadkuna waa i gala labis ku foolxumaayeen, diyaaraduna Somali Airlines ma ahayn.
Hadraawi baan ku jeestay oo ila fadhiyay bal in aan wax ka weydiiyo is badal in uu isaguna dareemayo.
Aan ku jeestayba, odaygii Hargaysa iga soo raacay uma jeedee, nin dhallinyaro ah oo isna sida dadka diyaaradda saaran oo kale tima weyn baa ila fadhiya. Wajigayga fajac saaran markuu ka yaabay buu yiri, “Sakariye Xamar waan ku dhawnahay baan filayaa?” isagoo malaha is leh, wuxuu doono halla yaabanaadee, isagaa hadli doona.
“Haa waan dhawnahay.”, baan ku jawaabay oon indhaha isku qabtay. Kollayba wax baa qaldane, bal indhaha nasi baan is iri.
“Kusoo dhawaada Eeraboorka Caalamiga ah ee Muqdisho” buu baylootkii yiri, isla markiina diyaaraddii oonan weli la furin albaabkeeda baa dadkii wada istaageen, oo boorsooyinkoodii qaanadaha kore ka la soo degeen.
Dadku wax qaldan uma jeedaan, anigase Eeraboorka waxaan ogaa isagoo Aadan Cabdulle loogu magac daray, oo garan maayo mar magaciisii hore lagu celiyay.
Wareerkaygii waxaa ii ga sii daray eeraboorka dhismihii dambe ay Turkidu dhiseen iima muuqdo. Qaybtii hore baan ka soo degnay, sina u qurux badanoo, sideeda ku dayac tiran.
Buuq ma jiro oo qof kasta howshiisa buu aayar u wataa. Boorso baa lala dagayaa, carruur baa kaba loo gelinayaa. Sidaan u soo soconnay baan saf dhaqsiyo ku socda galnay, daqiiqado yar kadibna, hoolka boorsooyinka laga qaato nimid.
Qof kasta boorsadiisa waa yaqaan, aniguse magaca ku qoran in aan fiirsho maahane, nuuca boorso een watay ma garanayo. Dadkii markii ay kala yaraadeen, baan boorso Samsonite ah, oo dhowr jiiro soo gashay, magaca ku qoran eegay. Allaylahe, anigaa leh! Waa boorso aanan wax badan ka weynayn kuwa warqadaha lagu qaato. Caag adag bay ka samaysantahay, dhexdana waxay ku leedahay lambarro, la rabo in kuwa saxda ah la isku aadiyo si ay u furanto.
123 baan ku baraaweeyay. Waa ballaqantay boorsadii. Gudaheeda baan isha la raacay, bal waxaan yari waxa ay qaado. Dhowr shaar oo taano laga dhigay baa si cajiib ah u feeraysan. Sida loo laalaabay, cimaamad kama ballac weyna. Surwaalladu waa wada dhuudhuubanyihiin, oo in ay iga yaryihiin baan ku dhaaranayaa. Inta isku laabay baan bannaanka soo aadnay.
Nin dheer oo madow baa halka dadka soo dagaya ka soo baxaan taagan. Ninku wuxuu kor u hayaa warqad ay ku qorantahay Hadraawi. Markuu noo jeeday buu salaan nagu boobay, boorsooyinkeeniina qaar dusha saartay, qaarkii kalana baallaha iyo gacmahaba ka buuxsaday, bannaankana noogu hor kacay.
Hadraawi baan eegay oo daqiiqadba daqiidda ka dambaysa aad moodo in uu sii dhallinyaraanayo. Sidii nin magaalada iyo eeraboorka horay u imaan jiray buu dadka qaar magacyadooda ku salaamayaa, qaarna laabta gelinayaa.
Eeraboorka laga soo baxaba waxaa horteenna ka muuqday baakin tagaasiyi gibrantahay. Dhammaantood waa isku wada nuuc, Talyaani Fiyaat 124 ah. Tagaasida dhakkada kore iyo tiirarka albaabada oo jaalle ah maahane, inta kale waa gaduud, isku nin in uu rinjiyeeyay la moodo.
Sidaan arki jiray taagaasileydu inta kugu soo ordaan baryo xoogle ku guma saarayaane, halkooda bay edeb u fadhiyaan oo saf kaga jiraan. Ninkii na hor kacayay baa mid alaabteennii ag dhoobay, codsadayna in uu Xamar Bile noo dhigo.
Darawalkii oo hadalkiisa hoos u dhigaya baa si kaftan ah u yiri, “If iyo Aakhiro miyaan idin geeyaa?”. Innagoon fahmin hadalkiisu meesha uu ku jeedo iyo cidda uu ku durayo, baan inta u dhoolla caddaynay, gaarigii dalakh iska niri.
Darawalku waa sheekaaloow marna heesaya marna sheeko cusub noo billaabaya. “Saaxiib lahjadaan Xamar maahane, halkee ka timid?” baan darawalkii weydiiyay anigoo is leh ninka kaligiis daldalmaya u camir. “Gaalkacyo baan ka imid ina adeer. Bootaan Dacal baa la i yiraahdaa.”, buu ku jawaabay isagoo aad ugu faraxsan in lala hadlo. Markiiba noloshiisii buu noo dul maray. Bootaan Xamar wuxuu joogaa saddex bilood oo dhadhaw. Tagsiga nin adeerkiis ah baa u soo kireeyay si uu ugu shaqaysto. Bootaan aad buu u cod macaan yahay. In uu fannaan noqdo iyo wuxuu ku laba labeeyaa in uu iska xamaasho, carruur yar yar oo la dhalatayna magaalada keeno si ay wax u bartaan. Isagaa ugu horreeya wax reerkiisa Xamar yimaada.
Bootaan Intii uu noo warramayay baan durbaba Lambar Afar nimid, dhanka Shaqaalahana isla dhignay. Waxaa igu soo dhacday in aanan weli hal askari u jeedin intii aan soo soconnay oo dhan. Ciidankii Amisom ee eeraboorka albaabkasta fadhiyay, iyo askartii Soomaalida ee Isgoyska Lambar Afar taagnayd lama arko. Laamigu tabeelayaashii xayaysiinta ee tirada badnaa malaha, Lambar Afarna sidaan ku ogaa wax badan baa ka bedelan.
Laamiga aan ku soconno waa cusubyahay, nadaafad gooni ahna waa ka muuqata. Labada laami dhexdooda geedo aad u qurux badan baa ku beeran. Meesha aan dhex soconno in ay Xamar tahay shaki baa hadba iga galaya.
Gawaarida sidii in ay aroos sidaan bay laamiga is daba socdaan. Hal gaari oon garanayo kuma jiree, waa wada gawaaridii afartan sano kahor socon jirtay, sidoodase ku cusub oo xarrago ay ka muuqato. Intaas aan soconno, weli bajaaj ma arag.
Leerarka samaafalayaashu waa wada shaqaynayaan, layaabkaygana darawalladu waa u hogaansanyihiin amarradooda. Qaylada hoonka gawaarida oo Xamar ay gooni caan ugu ahayd maqalkoodu waa yaryahay.
Dadku si bay u wada labis qurxoon yihiin. Fannaaniin bandhig u socda baad wada moodaa. Cabaar mar aan soconnay bay indhahaygu qabteen dhowr wiil oo malaha dhowr iyo toban jirro ah oo labiska iskuulka xiran. Wiilashu surwaallada kaakiga ah ay xiranyihiin waa dabagaabyo aanan weligay arday sidata arag.
Mar madaxaygu qaadi weysanyahay warbixinta ku gurmaysa baan Xamar Bile soo gaarnay.
Laamiga aan ka soo laabannayba, waxaan soo galnay Xaafad dabaqyadeedu ay saf saf isugu egyihiin, nadaafadda iyo bilicda ka muuqatana aad moodayso in aadan dhex joogine, sawirro lagu iibgeynayo aad daawanaysid.
Qaybta sadexda dabaq ka kooban baa nala geeyay, oo guri cidlo ah, alaab ahaanse camiran, nala dejiyay.
“Iska seexda,” buu yarkii nagu yiri “caawa todobada baa la i diin imaanayaaye”.
Dad daalan, dhankaygana wareer u dheeryahay baan ahayne, hurdo aad u macaan baan galnay qado kadib. Mar nolasha aan ku jiro, riyo ka sii wareer badan aan dhex dabaalanayo, baan ka war helay albaabka oo la soo garaacay. Sariirta baan ka soo booday oo saacadaydii eegay. Waa nuskii saac. Sodon daqiiqo baa ka dhimman markii na loo sheegay in na loo imaanayo, welina isma aynaan diyaarin.
Cutubka 9aad
Albaabkii baan ka furay yar Sakariye Dool magaciisa ku sheegay. Hadraawi baan kiciyay, dabadeedna qubays iska galay. Inta aan qubaysanayo waxaan maqlayaa codka Allaha u naxariistee Axmed Xassan Cawke oo raadiye daaran ka balwanaya. Malaha waa cod duuban baan is iri. Hadraawi oo shaambo dhakada sare inta ku shubtay saabuun bannaanka la taagan, baan suuligii u soo banneeyay.
Sakariye Dool, oo ah wiil reerkiisii oo ree baadiye ah magaalo u soo aaday kaligii, oo sida mar dambe aan ka war helayna shaqadiisuba hadeer tahay in uu fannaaniinta meelaha gee geeyo sigaarkana u soo iibiyo, baa nagu hagay gaari kala jiidan, midabkiisuna madawyahay oo nuuciisa oo kale aanan waligay arag. Jidka Xamar Bile ka baxee Folorensa sii mara baan cagta saarnay.
Magaaladu habeenkii aad bay soo jiidasho u leedahay. Nalalka laamiga ku hareeraysan waa wada daaranyihiin, dadkuna sidii dad fasax u jooga bay aayar laba laba iyo koox koox gacmaha isku haystaan. Wajiyadooda bay ka muuqataa mushaaxa iyo damaashaadka ay ku jiraan.
Meesha aan marayno waan garanayaa, laakiin weli wareer baa i haya. Sida ay wax u jiraan ii ma kala cadda. “Geed Jacayl, Hoteel Daameey, iyo Jidka Wadnahoo idil show waa faras magaalihii! Qurux iyo bilic badanaa!” baan mooday in aan hoos u iri. Sakariye Dool oo i ag fadhiya oo qoslaya baa yiri, “Xamarba maadan gaarine, halkee Xamar dayaha u ammaanaysaa?”. Hadraawi oo Sakariye, sida aan dareemayo, ay horay isku yaqaaneen, xifaaltanna u ga dhaxeeyay baa ugu jawaabay, “Jidka Wadnahu kollayba Gallaaddi waa ka qurxoonyahay!”. Waa wada qosleen anna anigoon fahmin waxay ku qosleen baan dhankayga qosol iska camiraada ka galay.
Markiiba dhisme laamiga Daljirka agagaarkiisa ku beegan baan ku leexannay oo albaab yar laga galayo, gudahase tiyaatar ku leh. Muusig aan dhawaaq garanayo baa baxaya, oo toos loo qaadayo.
Albaabka markaan ka soo galnay buu nin cadoo gaaban inta nagu soo orday salaan nagu boobay, Hadraawina sheeko la galay.
“Wallaahi Hadraawiyoow, ninkaan fannaankii heesta lahaa codkiisii buu si sax ah u keenay.”, baan iri anigoo sii raaciyay in laga fiicanyahay in fannaaniinta la dhaadhaajiyo, oo ay haboontahay in si gooni ah uu qof kasta heesaha u qaado.
“Maxaad ka hadlaysaa fannaanku isagaa heesihiisa iska lehe?”, buu Hadraawi oo ila yaaban i weydiiyay.
“Ma heestaan buusan Qalinle lahayn?” baan ku celiyay.
“Ma ninka heesaya baanan Qalinle ahayn marka?” buu misana su’aal kale ii gu soo jawaabay, sheekadiisiina isaga laabtay.
Dhulka in uu ila wareegayo baan dareemay, anigaase moodaye, dhiigaygii uun baa hal mar dhanka sare isugu tagay.
Ninkii Hadraawi la hadlayay baa dhanka masraxa u dhaqaaqay, “Soo kala tuur Saalax.”, buu Hadraawi kaga daba dhawaaqay.
Masraxa uu sii fuulayayba muusig baa lagu soo dhaweeyay, isaguna cod aanan qaldoomayn buu ku qaaday:
“Aniguba,
baryaha qaar,
waataan bad iyo webi,
buuraha ka lali jiray.
Aniguba
baryaha qaar,
bulshada iyo sahankaba,
waa taan budulka marin jiray.
Waase bixiso, bixisee,
caashaqaan i bi’iyay oon
badankayga kaba jaray
anigaa u buseelee
Taan u beer cadaadee, cadaadee,
bu’da iyo nafta ahayd
iyadayga baydhee, iga baydhee.
Bariiraduna waa sade,
ruux bukaanka kugu nacay,
adoo baahan kaa tagay,
samo kuma banaanee.
Alla barasho, barasha wacanaa,
bi’i waa aduunyooy
maxaad laba boglaysaa?
Howlahaagu badanaa?”
“Saalaxu ma..?”, markaan afka ka soo bixiyay buu Hadraawi isagoo sii qiyaasaya su’aashayda ii gu fuutiyay, “Haa, waa Saalax Qaasim”.
“Ma anigaad igu cayaaraysaa?”, baan weydiin damcay mise xisaab baaba darbiga ku soo qorantay hoos loo tirinayo:
“10, 9, 8, 7, 6, 5, 4, 3, 2, 1,”
Hal mar baa “Sannad wanaagsan” la isla wada yiri. Saacad ii xirnayd baan eegay, saa waxaaba ku qoran 1-da bisha Koowaad 1981.
Xafladdii sanadka cusub baan dhex taagannahay, oo hadba fannaanba fannaanka uu ka caansanyahay uu heesayo.
Mar uu cirka isku shareeray xiisaha ii haya in aan bannaanka u baxo si aan u soo daawado sidii Muqdisho ay u ekayd 1981-dii, buu Cabdi Salaad Beerdillaacshe masraxa fuulay. In ninku Beerdilaacshe yahay waxaa ii sheegay codka macaan iyo erayada:
Inuu caashaq jeel yahay,
jirrab iyo kadeed yahay,
Jahannamo la shidayoo,
laga joogi karin yahay.
Ka jaawaabay aniguye,
waxaa looga jeedaa,
ma jaboo ha dhiman baa,
ma aakhiro u jiidaa,
ma Jannadii Fardawsoo,
jidkeedii la helay baa,
maxaa looga jeedaa?
Inta istaagay, baan bartaydii is ruxid ka billaabay, erayada heesta uu fannaanku carrabka ku adkaynayana, ka daba meersaday.
Berri waxa dhici doona ma ogiye, waxaan go’aansaday in aan hadeerba magaalada ka soo kala jiireeyo, kuna soo laabto xafladda inta aysan dhammaan.
Hoteelka fannaaniintu ay ka heesayeen masraxu wuxuu kaga yaal qayb hoos loo galo. Jaranjarada albaabka bannaanka i geynaysay markaan ka soo baxay, oon Hoteel Shabelle dhankiisa u dhaqaaq is leeyahay baa wiil dhallinyaro ah oo albaabkii aan ka soo baxay dhiniciisa ku tiirsanaa inta soo istaagay i weydiiyay, “Walaalkay, waan ku salaamay. Dharka aad xirantahay baa i xiiso geliyay. Waa nuuc kuu gooni ah miyaa?”. Yarkaan ka hor kamaba fekerin in aan weli dharkii 2024 xiranahay. Halka dadku shaarar iyo surwaallo aad moodo in lagu dul tolay ay xiranyihiin, anigu surwaal jiinis ah oo caadi ii le’eg iyo shaati baati ah baan xiranahay.
Ma doonayn in aan sheeko dheer galo, waayo waxaan ka cabsi qabay in xilligu is bedelo anigoon weli Xamar iyo berri samaadkii arag. Yarkii baan hadalkii u soo gaabin maagay, laakiin waa nin furfurane, wuxuu igu yiri, “Magaalada in aad ku cusub tahay baan dareemayaa, ee ha lumine aan ku raaco”. Intaanan haa iyo maya toona oran, buu Sakariye Dool oo xiimaya hoteelkii ka soo baxay, “Caawoo dhan baan qol kasta kaa goobayay. Hadraawi baa igu yiri soo raadi. Na keen, na xaree”. “War ma xaroonayo in aan magaalada soo wareego baan doonayaa” baan Sakariye u sheegay isagoo ii soo eegaya sidii uusan hadalkaygu kuba socon. Yarkii ila taagnaa oo Sakariye ay is garanayeen baa yiri, “Sakariye, anigaa ninkaan soo wareejinaya oo halkaan ku soo celinaya. Waa ballan”.
Sakariye waa soo dabcay, laakiin in uu i fasaxo isagoon weli go’aansan buu tagsigii Bootaan Dacal nala soo wareegay. Ina Dacal iyo Ina Dool waa isku burureen. In ay isku xiiseen iyo in ay is caynayaan baan kala garan waayay. Waxay marna qoslaan, marna is doofaareeyaan, oo Gaalkacyo ka sheekaystaan buu Sakariye Dool inta halhaleel igu soo jeestay igu yiri fasax baad tahay Bootaan baa idin qaadaya, oo idin soo celinaya. “Mahadsanid saaxiib, orod Saalax Qaasim sigaarkiisa ha kala daahine” baan kula kaftamay anigoo tagsigii Bootaan sii fuulaya.
“Saaxiib magacaa weli isma aynaan barane?”, baan ku iri yarkii aan albaabka ugu imid oo markaan tagsiga gadaal ka saaran. “Aniga waxaa la i yiraahdaa Maxamed Khadar Cabdicasiis. Waxaan ahay agaasimaha waaxda dhigaalka ee Madxafka Qaranka. Barasho wanaagsan”. “War ninkii aan u baahnaa baaba tahaye, magaalada isoo wareeji”, baan Khadar ku iri.
“Hoteelkaan aan hadeer hor taagannahay waa Hoteel Shabelle, wuxuu ka mid yahay hoteellada magaalada ugu casrisan. Isgoyskaanna isagaa loogu magac daray. Jidkaan haddii aan horay u qaadno waxaan ku dhacaynaa jidka weyn ee Makka Al Mukarrama, kan kale ee bidixdeenna haddii aan aadno se waxaan galaynaa Xamar Weyne innagoo kaniisadda iyo Xarunta Gobolka sii marayna. Midkeed xiisaynaysaa oon aadnaa?” buu Khadar dookh noo siiyay aniga iyo Bootaan. Waxaan go’aansannay in aan Makka Al Mukarrama ka billawno hadeer, hadhowna dhanka dekadda Xamar Weyne ka soo galno.
2 daqiiqo wax aan ku qiyaasay markaan soconnay, baan ku soo dhacnay jidka Makka Al Mukarrama ood moodo in daqiiqado ka hor xaaqin laga qaaday. Laamiga labadiisa dhinac gawaari laba jiha u kala socoto baa si habsami leh isku dabamaraynaysa. Nalalka cadcad ee gawaarida soo socota iyo kuwa guduudan ee gawaarida sii jeeda, baa laamiga oo sidii muraayaddii u dhalaalaya, ka sii dhex ifaya. Leerarka waaweyn ee laamiga ifinayana, sida kuwa cadceeddu daarto ee 2024 uma qurux darnee, sidii gorgor duulaya bay laba baal leeyihiin.
Tukaamada, carwooyinka, iyo hoteellada camiran baa jawiga dhan u ekeysiinaya meel loo soo daawasha tago. Muusig dabacsan oo isku mid ah baa gawaarida ka soo baxaya, oo waxaan markiiba garawsaday in Raadiye Muqdisho la wada dhagaysanayo. Dadku si bay u degenyihiin una soo jiidasho badanyihiin.
Cabaar baan eegay wadanku siduu ahaa, waxaan xusuustay kana damqaday sida uu mustaqbalka noqon doono. Dadkii baan eegay, waxaan is weydiiyay tolow maxay ku fekerayaan! Mustaqbal bay show dhisanayaan, dalkoo sii hagaaga bay ku riyoonayaan. 10 sano kaliya baa naga xigta hoog iyo ba’, qax iyo dhimasho: Allow yaa u sheega!
inkastoo magaaladu aysan aad u weynayn, degmooyin badan oo hadeer aad u waaweyna weli deegaan sax ah aysan noqon, hadana inta dhisan laftoodu ciriiri iyo dad badni kama muuqato.
Waxaan aad ula yaabay kala duwanaanshaha dhismayaashii hore iyo kuwa hadeer jira. Markiiba waxaad garawsanaysaa in dhismayaashaan ay dhiseen dad aqoon durugsan u leh mihnadooda, oo sida hadeer jirta, magaalada inteeda badan aysan dhisin fuundiyaal sida wax loo dhiso soo bawsaday. Daaqadaha iyo albaabada dhismayaashu waa simanyihiin sidii in mastarad lagu cabiray. Albaab rinji ku daatay, iyo darbi marki lagu tiirsado rinjigiisu dharka kaa hallaynayo lama arko. Shamiito iyo dhoobo meel si maan la’aan ah loogu malooqay lama helayo, oo darbi kasta iyo koone kasta si xilkasnimo ay ka muuqato baa loogu farayaraystay.
Mar magaalada bilicdeeda aan ku raaxaysanayo Khadarna dhisme kasta iyo jid kasta uu taariikhdeeda iiga sheekaynayo, baan saacaddii eegnay, oo innagoo degdegayna illaa taleefan ma wadannee, aan meeshii an ka dhaqaaqnay ku soo laabannay.
Xafladdii aan ka baqayay in ay soo dhammaato baan u imid iyadooba la moodo in hadeer ay bilaabmatay. Fannaantii waa weynayd oo dib loo dhigayay baa hadeer heesahooda kuwa ugu caansan tumaya. Madax dowladda ka socota baa joogta oo cid ilaalinaysa aysan jirin.
Cabdinaasir Macallin Siciid baa si ka soo qaybgalayaasha soo jiidatay ugu tiigtiigsanaya heesta “Dawadii Nafteydaay”.
Jiriiroco baa jirkayga dul martay markii koox dhallinyaro ah ay halmar fannaanka heestii la qaadeen, madax badanna inta ku soo biireen heestii daba iyo dacal la isla wada jiibiyay.
Halka madaxda mustaqbalku ay si dookhooda ah dadka kaga takooranyihiin, madaxda caawa halkaan ku cawaynaysa dadkooda bay sidii in ay dhammaan asxaab isku xaafada yihiin ula qoob ka cayaarayaan.
Waxaan aad ula dhacay sida fanka loo xiisanayo oo heesaha, iyagoo weliba cusub, korka looga wada xifdisanyahay.
Dawadii naftaydaay
dadka taan ka doortaay,
sow inaan ku daawado
dal dheer ugama soo kicin,
dumar haygu noqonine,
sidaan kaaga daba dhacay,
inaad ii daryeeshaa.
Waan kaa dambeeyaa oo
door waxaan iraahdaa,
dulli lama ammaanee,
dahab weeye gabadhuye.
Xiriiriyihii xafladda baa makarafoonka qabsaday oo billaabay in uu soo dhawweeyo fannaan uu ammaantii ka badiyay. “Hadaan isku dayo in aan fannaankaan idiin sharraxo waan idin hagranayaa, haddaan idin bari maagana waan idin caayayaa oo in dad la baro uma baahna, laakiin waxaan idiin sheegayaa in aad si weyn u nasiib badantihiin haddii aad caawa toos u daawanaysaan isagoo qaadaya heesihiisa kuwii ugu danmbeeyay” buu hadal kusoo koobay isagoon weli fannaanka magaciisa sheegin, masraxase kusoo dhawaynaya.
Fannaankii markuu madaxa ka keenay qolka fannaaniintu ay ku nastaan baa sawaxan iyo sacab meeshii hal mar iswada qabsatay. Nin tima weyn, garabaati iyo jaakad aad u le’egna ku labisan baa naga soo hor muuqday. Muusig aan dhawaaq garanayo baa durbaba shidmay. Markiiba xariiriyuhu nasiibka in aan leennahay uu sheegay baan garawsaday. Anigoo indhahayga ay ilini farxad darteed la soo joogsatay, baan dhagta iyo indhahaba u dhigay laxankii Cabdikariin Jiir, Xassan Aadan Samatar oo ku heesaya:
Ilmo dhawr habeen jiray,
haddaan waalidkii dhalay,
dhibaatada ka celinoo,
hayga dhicin,
ha dheelliyin,
Dhabta waayo lagu hayn.
Inta uu dhammays noqon,
dhakhso u ma koraayoo,
dhici mayso qayrkii,
Inuu dhinac istaagee.
Jacaylkaa dhiggiisoo,
dhaqaalaha u baahane,
waa in la is la dhawraa,
haddii kale se lagu dhimay!
Marna heesahaan caanka baxay, caawase dad badan dhagahooda ku cusub baan dhagaystaa, marna jiilka Soomaaliyeed ee soo socda baan u damqadaa oon ka naxaa dhibka ay la kulmi doonaan.
Tolow urur siyaasadeed ma billaabaa si aan dalka burburkiisa uga hor tago! Taas Siyaad lama maqashiin karo, oo har cad buu inta qiyaano qaran igu soo oogo, i toogan. Jabhaduhu dalka bannaankiisa bay ka dagaalamayaan, oo mar ay talo kale waayeen, odaguna wada hadal oo dhan uu edeb darro u arko, bay dagaal goosteen.
Farxadii iyo xafladdii caloolyow baa iga jiiray. Soomaali oo waxaan u jeedaa kibir iyo talaxumo, dalkooda u dumin raba. Waxaa igu soo dhacay gawaarida talaxumada jaamka uga dhiga jidadka Muqdisho 2024 ee kaliya jidka banneeya markii la xabadeeyo. Waxaan ku fekeray, “Show talaxumada iyo qaabdarradu dhiigeenna bay ku jirtaa, illaa la ba’ana waxba ma maqalno!”.
Culays baa i dul fuulay. Nin waxaan ahay waxa soo socda og, waxna aanan ka qaban karin.
Madaxweynuhu hadal ma rabo, mucaaradku sidaan in ay ku sii jiraan, dagaal bay ka xigaan. Dagaalkaas wuu qarxi doonaa, dalku wuu burburi doonaa, wuuna kala go’i doonaa, dad badan waa dhimman doonaan, aniga xabbad baa igu dhici doonta. Yaabka jirase, digniin kaliya xitaa haddaan isku dayi maago, naftaydaa halis galaysa.
Markaan isku qiray in aanan waxba ka qaban karin amuurahaas oo dhan baan inta soo istaagay, cayaar iyo niiko iska galay. Nin aan lugta kaga istaagay mar aan raalli garaynayo, baan wajigiisa aqoonsaday. Waa Xassan Sheekh Maxamuud oo 26 jir ah oo tima weyn. Siduu is yeelo day! Wuxu niiko aqoon ogaa! Allaylahe aan la saaxiibo, waa intaas uu berri wax i taraaye.
DHAMMAAD
Waa bisha shanaad, sannadkuna waa 2002. Waa sagaalkii fiidnimo. Baskii ugu dambeeyay buu ka soo degay. Amni darrada jirta awgeed, xilligaan magaalada Muqdisho in la socdo aad baa looga deyriyaa. Magaaladu waxay u kala xirantahay lix qeybood, oo ay ka kala taliyaan lix hoggaamiye kooxeed oo kala beel ah. Beel si sahlan beel kale ugu gudbi karta lama arkoo, qolo walba dhankeeda bay ku egtahay.
Gacantuu seyrinayaa, oo isla hadlayaa ciil, sidii hooyo madigeedii ay carruur ka xoog rooni isugu tagtay. Kaba saandal ah, oo idlaad ah, ee uu iska soo baddalayna, bac buu ku walfinayaa. Allow uusan dadka indhaha kaga ridin! Dhowr qof oo “Yuusuf caawa halkee saacaan ka timid?” su’aashay, dheg jalaq uma siin. Wax walba uu arko macna uma samaynayaan.
Markuu arkay dhallinyarada xaafadda, oo uu Maxamed Kuus ka dhawaaq garanayay, oo kubbad ka sheekaysanaysa, oo leh “Michael Owen la’aantiis Lifarbuul waa la tumi lahaa”, wuxuu ku ganuunacay ‘Owen aa! War jecli badanaa? Illeen midka Maxamed Kuus ah war jecli isagaa loogu yimaadaa! Maxaa ka galay qaruumaha shaqa la’aantu ka badatay ee iyagoo waawayn banooniga ceerdaysanaya? Hadaan Maxamed Kuusoow maalin dambe ku salaamo! Illeen nin shaqo la’aan, caar yeeshay baad tahay!’.
Waxaa ka darnayd markuu garaashka Canshuur hortiisa ku sii maray ciyaalka xaafadda oo qosol la rafanaya, Rabbi baa og waxay ku qoslayeene, uu is yiri ‘waaba ii faraxsanyihiin sidii dad adduunyoo dhami u dhantahay’. Isagu waa isla saxanyahay. Waxaad mooddaa in qiyaamihii xilliguu dhacayo la baahiyay, dadkuna aysan kala jeclayn. Waxa gubaya tira badanaa, oo mindhaa mashaakil badanaa!
Gurigoodii buu soo galay oo sheeko, qosol iyo sawaxan kale la bulxamaya. Sidii lagu yiqiinnay, dadka sheekeysanaya ee walaal, waalid, qaraabo iyo deris isugu jira inta ku leexday, salaan, kaftan iyo dacaayad sidii caadada u ahayd lama geline, siduu u sii socday buu qolkiisii galay. Sariirtiisii buu isagoon dharkii iska baddalin isku dul tuuray oo hurdo iska raadiyay.
Kumase sii raagine walwal baa soo kiciyay. Inta ka toosuu haddana walaalkiis Hanad, oo ah carruurtooda kan u yar, oo sariirtiisa hurda, baalka ka galay. Naxariis buu biday. Wax aan saas u sii weyneyn buu ku qaboobay, kumase filnaanin. Inta ka sii cararay buu hooyadii macaan oo hurdeysa qolkeeda aaday. Inta nalkii u damiyay, oo raadiye Sanyo ah, oo labo sameecadle ah, oo ay BBC-du inta ka baxday wali iska sii balwaya isna damiyay, buu baalka hooyadii ka galay.
Hooyo Sahro iyadu meesha idaacaddu uga baxdo hurdada waa gashaa. Si fiican buu ugu nastay, ku qaboobay, kuna gam’ay. Intii uu hurdayay oo dhanse wuxuu ku qarwayay wixii xalay dhacay. Muna afkeedii baa u sawiran. Waxaa hadba la hor keenayaa sidii ay bushimaha ula kuusaysay erayga ‘GUUR’, markaas buu naxdin la soo boodaa. Maalintii Jimacaha ahayd oo dhan sidii bukaansocod buu u liicayay, oo hadba is ciilkaambinayay.
Waxay ahayd maalin ka hor markuu aabbihii lacag ka qalqaashaday si uu kabo u soo iibsado. Suuqa weyn ee Bakaaraha buu cabbaar dhex wareegayay. Kabihii uu rabay buu soo iibsaday. Saaxiibbadiisa oo dhan waa ku dacaayadeeyaan Yuusuf in uu mar kasta hal nuuc oo saandal ah soo iibsado, markay dhammaadaanna isla kuwii uu haddana soo biisto.
Siduu Baraawe, oo uu laba bilood ku maqnaa intuu iskuulku xirnaa uga soo laabtayba, mar kasta oo uu magaalada soo aado waxay u ahayd marmarsiyo uu ku tago xaafadda Xamar Jadiid. Aad buu u jecelyahay xaafaddaas. Ka sokoow asxaabta badan oo ay isku iskuulka yihiin oo xaafaddaan deggan ee uu sheeko, kaftan iyo madaddaalo kaleba uga soo dhergo, wuxuu mar kasta ku rajo weyn yahay in uu Muna la kulmi doono. Wuxuu dhallinyarada la sheekeystaba, markuu Maqribku soo dhawaado buu tukaanka saaxiibkiis Barre sii tagaa.
“Saaxiib haye, maxaad haysaa? Maasha Allah tukaanka waad cammirtay”. Isagoo qoslaya buu sawir darbiga tukaanka ku dheggan farta ku fiiqay oo Barre weydiiyay “adi maa sawiray midkaan?”.
“Waa ii dhacnaan lahayd haddaan kan oo kale sawiri karo, ee waan soo iibsaday saaxiib” buu Barre ku jawaabay.
Sawirku wuxuu muujinayaa laba tukaan oo isku dacal yaalla. Midi waa cammiranyahay, waxaana ku hoos qoran ‘Deyn Diide’, kan kalena waa faaruq waxaana ku hoos qoran ‘Deyn Bixiye’.
“Barrow, saaxiib, sawirkaan bilaash baad meesha ugu dhegsataye, waad ogtahay in aadan deyn diidi karin”, buu Yuusuf oo dhoollacaddaynaya ku yiri Barre.
“Waan ogahay, oo dhallinyarada i wareerisa oo kaliya baan tusaa markaan rabo in aan deyn uga dhaarto” buu Barre ku jawaabay isagoo isna dhoollacaddaynaya, aadna ugu faraxsan saaxiibkiis aragtidiisa.
Inta maqalka tukaanka ka soo baxay buu salaan Yuusuf gacan qaaday, oo kursi u dhigay tukaanka hortiisa, markiina, labo shaah ah ka dalbay Mako Shaahley, oo ah hooyo shaah ku karisa biibito bidix ka xigta tukaanka Barre. Gabay Abshir Bacadle in uu tirinayo Yuusuf uu fahamsanyahay, laakiin magaciisa uusan markaas garanayn, oo cod gaaban ku baxaya baa biibitada Maka ka daaran.
Dhinaca midig tukaanka Barre waxaa kaga dheggan nin dadku ugu yeeraan Dhuunbe, oo markaad aragtidba sigaar afka ku haya, indhahana isku qaqabanaya si sigaarka qaaciisu uusan indhaha uga gelin. Dadka waxaa soo jiita heesaha aadka u macaan ee uu Dhuunbe inta badan sida codka dheer ugu luuqeeyo. Dhuunbe wax uu gado cid aad u hubta lama hayo. Tukaankiisa markaad inta hortagtid fiirisidna, mugdi dartiis, waxba kama muuqdaan. Yuusuf oo kaftamaya baa Barre ku yiri “Saaxiiboow, Dhuunbe beentaan uu gadayo maa inta iska daayo fannaan noqdo, aad buuba u cod macaanyahaye?”.
Barre waa Yuusuf saaxiibbadiis midka uu sida dhabta ah ugu kalsoonyahay, uguna jecelyahay, sidii uu Baraawe uga soo laabtayna xiise gaar ah buuba u hayaa, laakiin dagaalkooda oo badan iyo Barre oo mar walba jecel in uu Yuusuf dhibadhibeeyo bay dadku moodaan in aysan sidaas isku sii ahayn.
Intaysan Mako shaahii keenin baa waxaa hal mar hortiisa ka soo muuqatay Muna oo sidii uu ku xasuustay aad mooddid in ay ka sii qurux badantahay. Taleex kadib, waa markii ugu horraysay oo ay labadoodu is arkaan.
Araggeeda markuu u jeeday buu Yuusuf kala badbatay, hadalladii qaar kari waayay, qaarna illoobayba. Muna lafteeda aad bay isu adkaynaysaa maahane, waa aamini weysantahay in ay Yuusuf galabta hor taagantahay.
Inkasta oo ay quruxdu aragti shaqsiyeed tahay, haddana Muna waa ragga badidood dooqooda. Haddii nin kasta la waydiin lahaa in uu gacantiisa ku sawiro gabadha adduunka ugu qurxoon, nin kasta Muna buu sawiri lahaa. Muna waa dheertahay, dhuubantahay, oo aad u caddahay. Ilko aad u cadcad, aadna u siman bay leedahay. Muna waa isku wada jaan go’antahoo, jirkeeda meel qalloocan ama kala dheer malahan.
Garbasaarka oo gadaal uga siksikada bay markaad aragto soo celinaysaa, markaas bay hadba “Alla Rabbiyoow, garbasaarkii baa iga dhici tagay” tiraahdaa. Laakiin qof kasta wuxuu tuhunsanyahay in ay si kutalagal ah iyadu garbasaarka isaga sikiso si timaheeda jileeca, madowga dhalaalaya, ee xabbad weynta ah ay dadka u tusiso. Gabdhaha faceeda ah waa ka labbis qurxoontahay, oo markaad aragtidba waxaad mooddaa in ay xaflad u soo labbisatay. Cod dabacsan, oo dhegta u roon bay leedahay, oo maantoo dhan ay ku qabanayso in aad dhagaysatid. Qosolkeedana waa la isku wada sheegoo, jirrooyinka qaar waa bogseeyaa.
Muna oo dhoollacaddaynaysa, garbasaarkana toostoosisanaysa baa tiri “Yuusuf, abboowe, aad baan ugu faraxsanahay in aan ku arko. See tahay caafimaadkaaga?”
Yuusuf oo codkiisa in gariir laga dareemo ka baqanaya baa ku jawaabay “maasha Allah, Muna Caddeey, ee see ii tahay? In aan haddeer baxaan rabay laakiin haddaad timid xoogaa waan joogayaa”. “Xoogaa! Caadi iska dhig. Maxaa kaa cararaya? Waa Qamiis, berri oo dhan oo Jimce ahna fasax baad tahay, ee baska u dambeeya in aad raacdo ku tasho ama caawa Barre iskala seexo”.
Yuusuf wuxuu iska dhigayaa nin la celshay, laakiin wax uu ka jecelyahay gabadhaas cad in uu la joogo Ilaahay ma uumin. Baraf baa maray markuu hadalladaas Muna ka maqlay, wuxuuna hoos iska yiri ‘nolosha la sheegayoo dhanba waa sidaan! Alla macaanaa in la noolaadaa!’. Tartiibtiisa buu salka dhulka ugu sii xajiyay, shaahisiina dhakabdhakabsi ku bilaabay.
Muna inta kursi soo qaadatay bay Yuusuf agtiisa soo dhigatay, dhiniciisana iyadoo kursigii weli ku fadhisa ku soo sigsigatay. Yuusuf iyo Muna waxay isugu soo dhawaadeen si dadka jidka maraya ay u maleynayeen in labadaan qof is qabaan ama isla dhasheen.
Sheekooyin dhaadheer bay Yuusuf ku gurtay oo u badnaa gabdho Muna ku fasal ahaa oo la guursaday, Munana waxay u aragtay in gabdhahaas ay mustaqbalkooda ku cayaareen. Waxay aaminsanayd in fikirka ah in gabar la guursaday ay waxbarashadeeda sii wadan karto uu yahay fikir qaldan, ayna yartahay cid ay arrintaas u shaqaysay.
Yuusuf madaxa buu luxaa, oo hadba hadallo yaryar, sida ‘waan gartay’ iyo ‘wallaahi dheh’, yiraahdaa si uu ugu ekaado nin sheekadu ku socoto. Laakiin haddii ay Muna wax ka weydiin lahayd wixii ay ku hadlaysay, wuu barriiqan lahaa. Waxa kaliya ee Yuusuf ku socdaa waa gabadhaas ag fadhigeeda.
Indhaheeda meesha cadna ay aadka u caddahay, meesha madawna aad mooddo in ay qaxwi tahay, iyo sunniyaheeda aad mooddo in sakiin lagu soo simay buu ku dhex lumay. Wajigeeda uu ku dhaaranayo in intii ay kala maqnaayeen uu bilic sii siyaadsaday, galabtana ay qorraxda galbeed dahabiga usii ekaysay, wuxuu Yuusuf ku soo celiyay dareemo uu is lahaa markaan waa yaraadeen.
Waa markii ugu horraysay oo uu wajigeeda sidaan oo kale u arko muddo laba bilood ah. Isaga laftiisa baa la yaabban sida sheekadoodu isugu dubbadhaceyso. Maba mooddid in ay hal maalin kala maqnaayeen.
Rajo weyn baa gashay. Isagoo is leh caawa sheekada ka dhur, meesha ay wax marayaanna ogoow, yaxyaxna uu ku hayo ag fadhigeeda baa Maqribkii la addimay. Inta booday buu yiri “Muna Caddeey, i sii sug masaajidkaas baan ku soo tukane”.
Cabdi Cali oo isna ay isku fasal yihiin buu jidka ku sii arkay. Salaan kadib Yuusuf baa Cabdi Cali weydiiyay in uu masaajidka u raaco. Cabdi Cali oo ay iska caddahay in uu uusan masaajid u socon baa ku jawaabay, “Saaxiib waan ku raaci lahaaye, imaamkaa lacag igu leh”. Yuusuf oo qoslaya baa horey uga sii gudbay inta ku yiri “Wallee Cabdoow xarfaannimadii lagaa sheegaayay in ay run tahay.”
Maqribkii markii la salaamanaqsaday, Yuusuf farahuu iska soo bixiyay sidii qof maqlay gaari gobol u socda ee uu la socday oo la sheelareynayo. Dhowr qof oo wali salaad ku jiray wuu dardaray, qaar cimaamadahoodii hortooda yiillay luguhuu ku sii qaatay, kabihiisiina inta dafay buu isagoo ordaya bannaanka ku sii gashtay.
Muna oo tukaanka sii iibinaysay buu u soo galay isagoo neef tuuraya sidii ruux la soo cayrsaday. “Aaway Barre?” buu weydiiyay. “Soo masaajidka kuma soo arag?” bay iyana weydiisay, markaas buu isagoo is ceebsanaya, been sheegoo ku jawaabay “Waan tartamaynoo malaha anigaa ka soo hormaray. Markaan arki waayay baan adiga ku su’aalay”.
Barre markuu yimid bay inta istaagtay tiri “Yuu, na keen, hooyo baan Shaaciye beegar uga soo gadayaaye”.
“Maashaa Allaah! Runta ii sheegoo, hooyo ma adaa u gartay mise iyadaa kuu soo dirsatay in aad u iibisid casho?”.
“Iyadaa ii soo dirsatay, laakiin laba gooraba, wallaahi, waan u soo gadi lahaa” bay isku difaacday. “Haye, na kaxee” buu Yuusuf yiri, laamigii Jidka Soddonka ahaana cagta saareen.
Wax yar markay socdeenba, Munaa farta ku fiiqday wiil 28–30 jir u dhaxeeya, oo dheeree madoobe caata ah. Waxay tiri “Yuusufow, ninkaas habeen hadda ka hor ah buu nafta ii keenay. Waa iga hari waayay, anna i dhaaf waan kala daalay ma aqaan wuxuu iga rabaye”. Yuusuf oo la yaabban hadalkeeda baa yiri “Wuxuu iga rabay ma aqaan aa? Waad kaftamaysaa. Waxaan aaminsanahay in cid kasta ee fursad kugu hesho aysan ku deyneyn, Madaxweyne ku sheeggaba Allaha ka dhigee”. Iyadoo ay iska caddahay ammaantaas in ay ka heshay, balse iska dhigaysa qof aanan aaminsanayn bay ku jawaabtay “Walaashaa waad iska faaninaysaa”.
Beegarkii bay soo iibsheen oo tukaankii ku soo laabteen. Muna intaysan fariisan bay inta cabbitaan furtay, oo galaas ku shubtay, beegarkiina cad Yuusuf u jartay soo ag fadhiisatay.
Yuusuf oo fahmi weysan waxay samaynayso baa ku yiri “Maxaa ku daaray? Maxaad hooyo uga hallaysay cashadeedii?”. “Waan kula cayaarayay, ee hooyo waa cashaysay. Labadeenna baan noo soo iibshay, ee hoo cadkaaga intuusan Barre kaa dafin”.
Sariir jiimbaar ah oo tukaanka albaabkiisa iyo darbiga meel u dhaxaysa taalla inta ku fariisteen bay beegarkii cunid ku bilaabeen. Sida fiidku ku socdo waxay Yuusuf galisay rajo weyn. Daqiiqadba midda ka dambaysa wuxuu sii aaminayaa in Muna aysan cidi uga sokayn.
Intuu isla hadlayay bay inta cabbitaankii afka u saartay tiri “Kabbo”. Hal cantuugo markuu ku dhuftay bay inta ka soo ceshatay galaaskii tiri “Aaway meeshaad ka kabbatay aan anna ka cabbee?” oo inta galaaskii warwareejisay sii raacisay “Meeshaan baa u eg meeshii aad ka kabbatay” oo iyana isla bartii ka cantuugtay. Inta labada faruuryood isla dhacday bay tiri “Yuusufoow afkaagu macaanaa?”.
Yuusuf markuu intaas eegayay siday wax leedahay, baa hadalba ka soo bixi waayay, oo wuxuu ku jawaabo garan waayay. Wax uu xishood, ama dareen jacayl oo adag, ama doqonnimo, ama intaas oo dhan oo la isku daray uu u maleeyay baa hareeyay. Muna oo ka walwalsan Yuusuf baa tiri “Maxaa ku daaray abboowe? Xusuus aad gashaye,” oo iyadoo xifaalaynaysa tiri, “ma gabar aad jeceshahaa soo xasuusatay?”.
Sida ay wax u dhacayaan aad buu ula dhacsanyahay. Markaan wuxuu aaminsanyahay in uu isagu ku leeyahay qoftaan, oo qof isaga ay dhaafsanayso uusan jirin. Markaan madaxiisa waxaa ka dhex guuxaysa in uu caawaba ka dhammeeyo.
Yuusuf wuxuu ku hanweynyahay in uu Muna ballan la galo, labadoodu isa sugtaan, markii ay jaamacad ka baxaanna is guursadaan.
Laakiin ma iyadaaba u sugtay? Markii bay hal saalto, oo weyn, oo Yuusuf madaxiisii 18 jirka ahaa kala qarxin tagay ku sii deysay. “Yuusufow ma ogtahay in aan wiil axdi wada dhigannay?” bay Yuusuf oo aan filanayn, kaftanna u haysta, wax uu isagu markaas hadaaq u arkay weydiisay. “Wuxuu jiraa Dubaay,” bey sii raacisay. “Meel haddeer fog oo qatara maaha” bey ku dartay iyadoo Muna sideedaba caan ku ah dibad jeclida, “laakiin heshiis baa inaga dhexeeya”. Yuusuf oo sidii dawaco shanqar maqashay dhaguhu taagmeen baa weydiiyay “Oo maxaad ku heshiiseen?” “GUUR baan ku heshiinnay” bay ku jawaabtay iyadoo afka la kuusaysa erayga ‘guur’. Yuusuf dhulkii baa la wareegay.
Afkeeda kalmadda ‘guur’ markii ay ka sii dhacaysay wixii ka dambeeyay wax dhug ah muusan lahayn. Feejignaantii baa ka tagtay. Wixii hadal ay daldalaysay oo dhanna waa dacal mareen.
Wuxuu is weydiinayaa sida ay waxaan ku dhaceen. Wuxuu la yaabbanyahay sababta gabadhaan ay har iyo habeen taleefanka ugula hadasho, oo mar kasta noo imow ay u tiraahdo, oo caawa ay u celisay, oo beegarka ula kala jaratay, oo galaaska ay uga cabtay bartii uu isagu ka cabbay. Wuxuu is weydiiyay, ‘Muna miyeeysan fahmi karin in tillaabooyinkaas oo dhan ay rajo been ah abuuri karaan? Sideese waxaan oo dhan ku dhaceen? Ma intii yarayd aan kala maqnayn baa madaxeedii sidaan oo dhan loo geddiyay?’
Muna markay aragtay Yuusuf oo hoos fiirinaya bay weydiisay “Abboowe ma xanuunsantahay?” Isaguna isagoo hoos ka leh Allow aadan dharbaaxin buu cod nuxuus ah ugu jawaabay “Madaxaa wax yar i xanuunaya”.
Tolow, gabadha sidaan Yuusuf u galaysaa waa qofma, sideese isku barteen?
Cutubka 1aad
Yuusuf waxa uu degganyahay guri fillo ah, oo deyd weyn leh. Guriga waxaa ku dhex yaal geed caleemo-weyne ah oo hoostiisa jardiimooyin wareeg ah lagu dhisay.
Dad dhowr qof ah baa jardiimada, oo habeenkii mugdi ah, fadhiya. Dhowr qof oo kale waxay ku sheekeysanayaan, oo hadba qosol oodda jabsanayaan, mowlaca guriga, oo ah meel barandada guriga dhinaceeda bidix iyo darbiga guriga ku wareegsan u dhaxeysa, oo ah 3 mitir oo isku wareeg ah.
Mowlaca laftiisu waa mugdi, laakiin mutuleelka cad ee dhulkiisa iyo darbigiisaba ku dhisan baa iftiin yar u yeelaya. Barandada marka laga soo baxo, dhinaceeda midig nal darbigeeda ku dheggan hoostiisa buu Yuusuf fadhiyaa.
Waa billawga bisha sagaalaad, sannadka 2000. Wuxuu aqrisanayaa iskuulka cashirradiisa. Sannad dugsiyeedku waa billow. Wuxuu is leeyahay inteysan kugu badan, oo cashirradu isku kaa gaarin, iska xakamee haddeer. Taleefankii reerka ee leenleenka ahaa oo agtiisa yaallay baa soo dhacay.
Yuusuf: “Hello, yaa waaye?”
Gabar: “Haa waa anigee adiga yaa waaye?”. Inta wax yar qoslay buu yiri “Inta albaab islaameed garaacdid markii lagu weydiiyo cidda aad tahay, adiguna ‘yaa waaye’ ha ku jawaabine is sheeg?”
Gabadhii inta qososhay bay tiri “Shactiroolaa tahay wallaahi.
Fiiri, Yuusuf soo maahan?”
Cutubka 2aad
“Aniga ima garanaysid. Muna aa la i dhahaa, adeerkaa Cali aan si fiican isu kaseynaa. Barre aan la dhashay nooh”.
“Waan ku gartay. Gabadha dheer ee cad miyaad tahay, oo ay dadku yiraahdaan way qurxoontahay?” buu Yuusuf ku kaftamay.
“Maxaa! Adiga ma aaminsanid miyaa in aan qurxoonahay?” bay Muna su’aashay iyadoo hoos iska leh, wiilku kibir badanaa!
“Ma aaminsani kuma dhihin, ee in dadku saas yiraahdaan baan kuu sheegay kaliya, anna dadka baan ka mid ahay, walibana ugu horreeyaa” buu Yuusuf isku difaacay. “Xariif in aad tahay Barre baa ii sheegay” bay tiri iyadoo qosol markaan ku dhufatay.
Yuusuf oo la yaabban sida sahlan oo ay sheekadu isugu dubbadhacday baa Muna ku yiri, “Waligeey qof aanan si fiican isku aqoon intaan oo dhan lama hadlin! Maashaa Allaah gabar furfuran baad tahay”.
Sheeko gaaban baa dhexmartay Muna iyo Yuusuf haddana aad u furfuran. Aad buu ula dhacay bashaashnimadeeda, markaasuu adeerkiis ku yiri “Adeer Caliyow Munada Barre la dhalatay caadi maaha! Sheekaaleey waaye”. “Soo naag maahan? Naag oo dhan baa markay wax damacsantahay furfurane!” buu adeer Cali ku dhaliilay. Yuusuf oo la yaabban jawaabta adeerkiis baa su’aal uusan jawaab uga fadhin ku yiri “Adeeroow maxaad horta wax kasta uga shakisaa?” aqriskiisiina iska sii watay.
Cutubka 3aad
Yuusuf sidii caadada u ahayd xaafadda Xamar Jadiid, oo ardada isku fasalka ay yihiin intooda badan ay degganyihiin buu isku sii daayay markii maalin Jimce la gaaray. Wuxuu u socdaa saaxiibkiis Ciise Timojilic oo ay ku ballameen in ay badda Liido isu raacaan. Runtuse waxay tahay in uu maalinkaan is leeyahay intaad Xamar Jadiid joogtid armaad gabadhii habeen dhaweyd ku soo wacday, ee Barre la dhalatay, aad iska soo hor baxdaan. Xamar Jadiid buu gaaray. Ciise oo deggan tukaanka Barre sokadiisa toos uma aadine, tukaankii Barre buu u sii gudbay.
Markiiba waa ka shallaayay, sababtoo ah si wanaagsan oo gabar aad ka heshay lagu qaabbilo uma labbisnayne, macawis dhammaad ah oo uu is lahaa badda haddii lagu soo xado u dhutin maysid, iyo buume gaboobay, oo aad u dheer, oo markuu macawista soo xayto hoos ka muuqda, buu sitaa. Funaanad qafiif darteed xabadkiisa looga jeedana wuu xiranyahay. Dharka uu gashanyahay oo dhan dacaska ayaa ugu cusub, iyaguna shan kun oo shillin Soomaali ah kaliya bay joogaan, oo wax nin weyn uu magaalo ku aado ma ahan.
Yuusuf oo is leh ‘kala fiiree yeeysan Muna dharkaan dulufka ah kugu arkine’ baa waxaa indhaha ku dhuftay Barre oo tukaankiisa hortiisa nin alaab u soo xamaalay lacag ku siinaya. Barre markiiba dhinaca Yuusuf buu u soo dhaqaaqay oo isagoo labada gacmood fidinaya si uu saaxiibkii hab u siiyo la dhawaaqay “Weey! War saaxiibkeey Yuusuf ahaa!”.
Yuusuf ayaa la soo booday, isagoo is leh armuu Barre sheeko cusub kuula yimaadaa oo aad ku ag daahdaa, “Barrow, saaxiib, ii warran see tahay?” oo isagoon Barre jawaab ka sugin sii watay, “Saaxiib, maanta Ciise Timojilic baan ballansanayn, oo badda ayaan u soconnaa, oo isagaa haddeer i sugaya oo aan ka baqayaa in uu i dhararsado.” Barre oo u muuqda qof culays ka dhacay baa yiri “War nasiib baan leeyahay, in aan haddeer gurigiisa aado baan rabay. Ciise Timojilic dabagaabkii uu ku dabaalan lahaa baan u hayaaye, sug aan tukaanka ka soo bixiyee, oo aad u sii geyside”.
Yuusuf oo tukaankii Barre hor taagan, oo si u kadiidaysan, oo is leh Allow Muna ha kaa horkeenin adoo sidaan u eg, bay Muna luuq tukaanka ku dhegganaa, oo gurigooda ka yimaada ka soo baxday, iyadoo dambiil weyn oo faaruq ah sidata.
Aqristayaal, halkaan waxaa ku dhamaaday horudhacii aan idinkugu talagalnay. Qaybaha kale ee sheekada waxaad kaga bogan doontaan buuga Boojin oo dhawaan lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho.
2013 waxaan ku laabtay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oon ka maqnaa 11 sanadood. Muqdisho waan ku dhashay, waana ku koray. Dagaaladii 11-kii sano oo ugu horeysay waxaan dhex joogay magaalada Muqdisho oon hadba dhinac u guureynay, oon hadba dugsi iyo iskool cusub aan dhiganaynay. Sidaas darteed waan hubay, markaan Xamar tago, in aan la qabsan doono oonan arki doonin wax igu cusub.
Sakariye Cismaan oo Xamar jooga 2013
Tookadaan, Xamar imaanshahaygaan waxaa igu cusbaa in aan isticmaalayay laba birood oo ah kuwa lagu socdo, dhaawac dhabarka iga soo gaaray dartiis.
Xamar waxaan joogay saddex bilood. Maadaama aan u baahnaa in aan socod badan sameeyo waxaan door biday in aan magaalada dhan socod ku maro. Meelaha dhaadheerna aan ku tago gawaarida bulshada ee magaalada ka dhex shaqeeya. Midaas waxay iga caawinaysay in aan Xamartii aan aqiinay si toos ah aan mar kale u kulanno. Dadkana aan ku dhex jiro oon sheekadooda iyo kaftankooda ka dharagsanaado, oonan ahaanin qof hoteel iyo gaari shaqsiyeed xilligiisa ku dhamaysta, hadhowna iska laabta isagoon runtii magaaladiiba aanan is qoto dheer u dhex galin.
Intaan magaalada dhex wareegayay waxaan arkay wax yaalo dhowr ah oo runtii walwal i galiyay, walwalkaas oo ah mid aan u dareemayo dadka naafada ah ee magaalada Xamar ku nool.
Dhaqanka shacabka ee ku aadan dadka naafada ah
Intii aan Xamar joogay waxaan soo arkay dhaqammo iga yaabiyay oonan xasuusnayn in dadku lahaan jireen. Dhaqamadaan waxaa ka mid ah aflagaadada joogtada ah. Intii aan xamar joogay waxaan is weeydiiyay toloow malaga yaabaa in uu Xamar ku noolyahay qof naafo ah oonan dantu ku qasbayn in uu Xamar joogo?
Intii aan Xamar joogay waxaan la kulmay dhowr dhacdo ooy ka mid yihiin.
KOW
Anigoo isgooyska Bakaaraha wareegaya baa waxaan is aragnay nin aan is garanaynay. Ninkii markaan is wareysannay kadib, baan bilawnay in aan sawiro iska qaadno. Markaan dhow sawir iska qaadnay, baa waxaa nasoo hor istaagay nin askari ah ee qori sita oo xanaaqsan. Ninkii wuxuu noo sheegay in aan soo raacno isagoon noo sheegin waxa uu naga rabo. Warkiisii meeynaan diidin, mana weydiin waxa uu naga rabo ee waan daba galnay. (Ninku qori buu sitaa dee). Wuxuu markiiba na hor geeyay nin kale oo ookiyaale madow iyo macawuus sita, oo hor fadhiya wax tukaan u eg, oo xiligaas xirnaa. Ninkii wuxuu noo sheegay in uu yahay taliye baliiska ah, oo xaafadaan qaabilsan, wuxuuna naweydiiyay sababta aan meesha isugu sawirayno. Waxaan u sheegnay in aan aniga iyo ninkaan mudada isugu kaana danbeeysay aan isi sawiraynay si ay xusuus inoogu noqoto, taasina ay tahay sababta dhabta ah een isu sawiraynay. Wuxuu yiri runta ii sheeg waa maxay sababta aad meeshaan isugu sawireyseen?. Waxaan ku iri taliye sabab aanan taas ahayn ma garanayo anigu. Isagoo xanaaqsan buu noo sheegay in uu naga shakisanyahay, maadaama aan anigu laba birood watana, uusan garanayn meesha “balaayo” oon kusoo dhaawacmay. Waan ogaa in naafanimadayda aniga dhib itaaleed ay igu haysay, waxa aanan ogayn markaas kahor waxay ahayd in ay sidoo kale igu hayn karto dhibaato bulshadeed.
LABA
Maalin baan waxaan aaday meel isbitaal ah si aan usoo booqdo qof xanuunsan. Isbitaalka waxaa jooga waardiye dadka galaya baara. Isbitaalka albaabkiisa markii aan tagay baan arkay in dadku isaga qulqulayeen oo cid joojinaysa aysan jirin, sidaas darteedna waan iska gudbay. Laban nin oo albaabka kursi ku fadhisay midkood baa iga daba dhawaaqay oo igu yiri “ waryaa, waryaa, waa midkaagaas biraha waa weyn, soo laabo’” ninku waliba waa maahmaahoo wuxuu yiri “balaayo waa tii lug la’ baan maqli jiray” maahmaahdaas oo markiiba ka qoslisay ninkii ag fadhiyay.
SADDEX
Subax kasta meesha aan baska ka raaco waxaan u socon jiray dhowr iyo toban daqiiqo. Markaan usoo dhawahay laamiga baska laga raacana, kirish booyda basaska rarta waa ii jeedi jireen, hadii markaas ay rakaab la’aan jirto waa i sugaan illaa aan kasoo gaarayo. Maalin baa markaas markii aan soo gaaray oon sii korayo caasigii kirish booygii igu yiri “waligeey jiiskaan wax ka culus ma arkin”, isagoo dagan oodba moodo in uu igu salaamayo wax uu isagu markaas kaftan u haysto. Caadi bayba la tahay in uu i aflagaadeeyay.
Adeeg xumada magaalada
Nin iyo Wiil labaduba bira wata 2013, Photo: Sakariye Cismaan
Soomaaliya ma ahan wadan horumarsan. Waana wadan dagaalo mudo aad u dheer ay ka socdeen sidaas darteed layaab malahan in adeegyo badan oo dadka naafada ay u baahnaan lahaayeen aysan meesha oolin. Waxaasa jira, waxyaalo kale oo shacabku sameyn karaan si nolosha dadka naafada ah ay u sahlanaato.
Qof waalid ii ah baa igu yiri waa in aad u tagtaa dhaqtar hebel. Waa dhaqtar fiican oo neerfaha daaweeyee. Waalidkaan wuxuu ii sheegay in “gaaladu” ay isoo hagradeen oo hadii aan dhaqtarkaan neerfaha u tagi lahaa aanba reysan lahaa. Markii aan dhowr jeer ka leexleexday baan markii danbe u sheegay in aan u tagi doono dhaqtarka. Dhaqtarka neerfaha oo macaamiishiisu ay u badanyihiin dad naafa ah -ama bira haku socdaan, ama mooto haku socdaan, ama qaarkood sariir iyagoo saaran hala keenee-, wuxuu daganaa dhismo jaranjaro dheer leh. Dadka sidayda oo kale biraha ku socda waxay ku qaadataa mudo in ay ku fuulaan jaranjarada. Dadka mootooyinka saarana inta ay baryaan dadka jidka maraya ayaa igana la isla qabtaa oo xanbaar lagu saaraa, mootadoodana loo saaraa. Dhaqtarkaas hadii uu dagi lahaa dhismo aanan sidaas u jaranjaro dheereyn, maadaamaa macaamiisha ay intooda badani ku adagtahay jaranjaradaas fuulisteeda, soo dadkaas naafada ah noloshoodu intaas kama sahlanaateen? (Daawada uu dadkaas ku gurayo iyo waxa uu u sheegayo hadeer sheekadooda maba gali karaba).
Intaan Xamar joogay oon basaska raacayay waxaan aad uula yaabay. Markii aan soo raaco bas buuxa dadka waa ku adkayd in ay kursiga iiga kacaan. Waa isoo fiirinayaan uun. Mararkii danbe kirishbooygii aanan boos ii banayn maba raaci jirin. Waa in aan isku tashtaa dee.
Arintii iigu darnayd, ooy aadka iigu adkayd in aan la qabsado waxay ahayd, maadaama aan wareegayo markaan suuli u baahdo waa adkayd in aan helo suuli leh fadhi. Intooda badan waxay u baahanyihiin, in la dul kada loobsado god dhulka ku yaala. Arintaan naafa nimaba kaliya maahee, waxaan arkay qurba joog badan oo ka cabanaysa, oo inta lasoo qabsadeen suuliyaashii fadhiga lahaa kuwaan ku dhib qaba. Markii ay waayaan suuli fadhi leh, naftuna qabato, waxay ii sheegeen in ay dhulkaba iska baraaqsadaan. (anigaaba biro si uun aan isugu celiyo haysta ma is tiri?)
Muqdisho dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay intaas dad baa dhaawacmayay, oo naafoobayay. Dadkaas intooda dan yarta ah waxay ku dhibaataysanyihiin magaalada Muqdisho. Intii aan xamar joogay waxaan arkay, dadku socda biraha lagu socdo oo dhamaad ah, sidii ay u kabkabayeenna ay markaan quus ka taaganyihiin. Waxaan soo arkay dad mootooyin ama bushkuleetiyada naafada ku socda, oo markuu roobku da’o ku xanibnaada meelo aysan ka bixi Karin, gawaarida ag martaana ay dhiiqo ku seeyriyaan. Waxaan soo arkay dad awood ay ku iibsadaan bushkuleetiyadaas waayay oo dadkoodu xanbaarsanyihiin. Waxaan soo arkay dad awood ay ku iibsadaan bushkuleetiyadaas waayay cid xanbaartana aanan heeysan oo salka ku guurguuranaya.
Waxaan is leeyahay, hadii shacabka Soomaaliyeed ay walaalahood naafada ah ay xushmo iyo naxariis tusin lahaayeen markay la hadlayaan, basaska iyagoon la qasbin kuraasta uuga kacaan, dhiiqada roobka gudbiyaan, kuwii aadka uugu baahan isugu daraan qarash ay qalabka ay u baahanyihiin ku gataan, in xanuun kooda uu yaraan lahaa. Dabcan caawinaadda nuucaan ah waxay sax u hirgali kari lahayd haddii la heli lahaa, hay’ado dadka naafada ah ku shaqo leh, wadankoo dhanna ka diiwaan galiya inta qalabka u baahan.
Anigana hadeer Xamar baan kusoo laabtay. Waxaan is leeyahay wax kale oo iga yaabiya ama aanan filanayn ma arki doono, waa hadaanan markaan inta lugta la i qabto aanan gawaarida la iga soo tuuri doonine.
Have you ever noticed that the first step successive Somalia administrations take when they come to power is to inform citizens that certain actions are banned or prohibited and certain rules should be followed? Be it the removal and demolitions of small businesses in and around Bakaara Market, after they were accused of obstructing the public roads by Abdiqasim Salad Hassan’s administration in early 2000s, inconsiderate of the fact that these small business owners are the ones that kept the country’s economy moving after its collapse due to the civil war 9 years previously. Or the current administration’s orders to again abolish parts of buildings or entire buildings that are considered to have been built illegally during the civil war, making countless families homeless and others to live in houses that have no front walls thus exposing them to danger, (There is really no wonder, that many Somalis associate the idea of a government with oppression and totalitarianism.) Well, this tradition has continued.
And recently, in December in 2015, the Somalia government has banned the celebrations of the Christmas festivities and New Year’s Eves in the country.
Well, banning the celebrations of the New Year’s Eves in my opinion will be an interesting affair to watch, because it is nothing more than young people dancing to music performed by local musicians. And I say ‘interesting’ because, if that is banned then perhaps, we should assume that we will be freed from the mind-numbing sights of watching events organised by the government on television, where they seem to hire musicians on all occasions to sing for them, whether it is appropriate or not, at what seems to be the entirety of the event. I sometimes worry if one day we will see musicians singing love songs at state funerals.
Who Exactly is celebrating Christmas?
While banning the celebrations of New Year’s Eves is somewhat understandable, it is the banning of Christmas celebrations that is a little more than ambiguous.
Is the government banning Christians –mainly foreign officials and troops who are in the country to help the government- from celebrating their own holidays? No, because an official at the Religious Affairs Ministry told reporters, that foreigners can celebrate Christmas in their homes, UN compounds and African Union bases.
Are they banning Somalis from celebrating Christmas? Well, I don’t believe so and have not come across anyone who does. I was born and raised in Mogadishu. I went to school in Mogadishu and lived in the country for the first 18 years of my life. I have never seen or heard anyone celebrating Christmas, although young adults sporadically celebrated the New Year’s Eves with concerts held in various hotels in the city.
I acknowledge that behaviors can change, so I contacted a few friends I have in Somalia, and asked them why on earth are they so wildly celebrating Christmas that the government has to step in? Most of those people I contacted seemed to not fully understand what Christmas is, let alone celebrate it so apparently frenziedly.
Consequences for Somalis
These types of reckless actions, aside from being manifestations of oppressiveness, raise concerns in my opinion. And has two immediate unintended repercussions.
First, these haphazard actions have knock-on effect on Somalis all over the world. After the rise of the so called Islamic State, Muslims everywhere have been the target of Islamophobic attacks perpetrated by their fellow citizens in the countries they live in. although this is far from being a widespread occurrences, the upward trend is noticeable.
In 2013 a Somali Islamic centre was burned down in North London. Muslims are attacked on public transports. Muslim women bear the brunt of these attacks due to their overtly Islamic attire. And recently, Muslims have been denied entry into the US. All of these instances have taken place because the sentiment towards Muslims everywhere has been that they should not be where they are because their religion is incompatible with Western values.
Consequences for the Government
Second, they are dent to the reputation of the government, which might be seen as a totalitarian and oppressive regime by its allies and supporters, who overwhelmingly, foot the bill of its expenses, and needless to say, their alienation they cannot afford.
The Somalia government which is battling Islamic insurgency calls its adversaries terrorists, tyrants, blood thirsty and barbarians who subject people whom are under their control unnecessary restrictions and violations against their human rights, chose in this instance not out of necessity, but out of misguidedness to do the exact same things they accuse of Al-Shabaab doing. News organisations around the world have reported on this story in unfavorable manner. The Daily Express in the UK, particularly, run this headline “Extremist Somalia bans CHRISTMAS because it is ‘un-Islamic’ and could upset Al-Shabaab” in the eyes of its allies, ladies and gentlemen, our government seems not that different from the Al-Shabaab they are aiming to get rid of.
Please understand, that we should never, under any circumstances, abandon our religious teachings and values in order to please our benefactors, on the contrary, we should address all aspects of our public life that are deemed to be unethical, and do all that we can to preserve our heritage and values, but let it not be pointless and futile actions that only do us harm.
Political Strategy
It could be explained that the Christmas celebrations ban is a political manoeuvre, where the government is putting itself forward, as indeed the only legitimate religious authority of the country, thus hoping to convince the remainder of Al-Shabaab’s supporters that their continuous support of the group is gratuitous.
One would think that the primary role of a government is to provide basic necessities of life for their citizens, health care provision, education, the improvement of, in our case, a non-existence infrastructure and so on, rather than wasting valuable time and resources on banning actives that are of a very little concern, but rather are detrimental to the credibility of our already weak and incompetent institutions.
If we are building up ourselves to be a pariah state, or a joke (remember when the government issued an statement that they were worried about the crisis in Crimea which became the a source of much laughter and ridicule at restaurants and barbershops) that is one thing, but, if we want to be seen as a serious modern democracy, which is stepping into the right direction, we have to get our priorities straight.
Originally published on Caraweelo.com on January 12, 2016