Stories by Abdiaziz Shafie on Medium
Waxaan maalintii ugu horeeysay nimid SPA 10-kii Agoosto, 2025, innagoo ka soconno bahda Digital Shelter.Horey waan u maqlay SPA balse aqoon dheeraada umaan lahayn. Ustaad Ibraahim ayaa soodhawayn iyo bogaadinba noo jeediyay waxanan noqonnay dufcadii sagaalaad ee Qorista maqaallada (Blog writing).
Ka hor inta aanan bilaabin safarkan waxaan maqaallo qori jiray sedexdii sano ee la soo dhaafayba, anigoo ka qori jiray arrimaha siyaasadda iyo taariikhda in kastoo hadda aan joojiyey Tabobarkan wuxuu ii sahlay inaan niyad fiican u sii yeesho yoolkayga wax qorista.Inkastoo ay kala duwan yihiin qof wax soo qori jiray iyo qof aanan wax soo qorin balse waa isku mid labadooda hadii aysan baran shuruucda wax qorista, wadada loo maro iyo calaamadaha qoraalkaba.
Maalintii koobaadba waxaan baranay hordhaca hab qoraalka suuban iyo noocyadiisa.
Maxaan wax ka qoraa ayaa noo xigtay inaab barano ka hor inta aanan qaadan ciwaankan waxaa aad u koobnaa inta meelood aan wax ka qori karno balse hada waa badwayn, sidoo kale waxaa ugu waawaynaa waxyaabaha aan maalintaas qaadatay xuquuqda qoraalka iyo hab xigashada hadii aad xiganayso qoraal horay u yiri ama aragti qofkaasu leeyahay.
Waxaa markii ugu horeysay naloo casuumay Maryama Diini oo nala wadaagtay waayaheedii Wax qorista maadaama ay mudo kusoo dhax jirtay, Waxaa sidoo kale markii xigtay Danjire Yuusuf Garaad oo muddo dheer ahaa wariye iyo siyaasiba, marka laga tago waxyaabaha la xiriro qoraalka waxaa xiiso lahaa inuu nala wadaagay sheekooyin xiiso lahaa uu la kulmay isaga iyo dhiirigalin kale oo duur xul ah.
Si guud SPA waxay ku dhisneed nidaamka ah isbuucii in labo mar la tago maalinta koobaad waxaa la dhiganaa cashar layskuna diraa maqaal, halka maalinta kale ee khamiista naloo casuumayo qof saamayn ku leh mowduucan qoraalka si uu noogu biiriyo aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa, wuxuu isbuucaas noo dhamaadaa anagoo u mahadcelinayna isla isbuuca naftiisa maadaama wax badan iska keen badaleen sidaa ayayna afar iabuuc afar bilood nooga fiicnaatay.
Waxaan si guud u mahadcelinayaa Allah marka xigto bahda Digital Shelter iyo SPA oo no suurto galiyay inan noqono qoraayaal wax badan wax ka qori karo, sidoo kale noqon karo turxaanbixiye qoraallada.
W/Q Cabdicasiis Shaafici
In today’s world, Tiktok has become one of the most popular social media platforms among youth. Every day, millions of young people use the app to watch videos, make content, and follow trends. While Tiktok can be fun and creative, it also has a dark side. Many young people are getting involved in dangerous challenges without thinking about the risks to their health, safety, and future example standing in front of truck which runing speed And pretend like stabing someone with knife and so many risk challenes
One of the main problems is that many TikTok challenges encourage risky behavior Teenagers often try these challenges just to get more views, likes, and followers. Some challenges involve eating harmful things, doing dangerous stunts, or harming themselves For example as i mentioned before their's another cases where teenagers jumped from high places swallowed unsafe objects, or set themselves on fire all because they saw it on Tiktok. Unfortunately, some of these challenges have caused serious injuries and even deaths.
Another reason why teenagers are easily influenced is because they are at an age where they want to fit in and be popular. When they see their friends or favorite influencers doing these challenges, they feel pressured to do the same. They often act without thinking about the possible consequences their brains are still developing and they may not fully understand how dangerous some actions can be.
Tiktook also uses algorithms that constantly show users similar videos. This can make teenagers spend hours on the app, watching more and more risky content. The more they watch, the more likely they are to try these challenges themselves. Over time, this affects their mental health, reduces their focus on school, and damages their relationship with family and friends.
Parents, teachers, religion scholars and society must play a big role in protecting teenagers. Open conversations about online safety are very important. Teenagers should learn how to think critically before copying what they see on social media. Social media companies also need to take responsibility by removing harmful content and promoting safe usage.
In conclusion, Tiktok is not a bad platform by itself, but the dangerous challenges on it are putting many teenagers at risk. Young people need to understand that getting likes and followers is not worth risking their lives. By being aware and making smart choices, they can stay safe and use Tiktok in a positive way.
Written By Abdiaziz Shafie
ISBEDELKA CIMILADDA IYO WABIGA SHABEELLLE
Ogaal La’aanta Isbeddelka Cimilada ee Bulshada
Floodlist
Xilligu waa jiilaal kulul. Odayaal ayaa u soo hargalmo doontay geed eyrab ah meel aan saas uga fogayn deegaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan. Oday Jaamac ayaa u sheekeynaayo odayaashii iyo dhallinyarada kale ee geedka u soo hargalmo doontay. Wuxuu yiri “adduunku adduunkii maaha, aniga adduunyo wax badan ayaan soo joogay waxaanan soo joogay ayadoo lo’daydu daaqdo Baardheere, Beerxaano ilaa Buurukur. Waxaan u soo joogay oo aan wax badan daawaday balanbaalista qarisay ubaxa sisinta beertayda kadib curashada guga. Waxaan soo joogay ayada oo caanaha geelu uusan qiimo lahayn, bal’e lagu dhisi jiray buundooyinka dhisamayaasha qaaska ah.”
“Waxaan sidoo kale aa arki jiray oo aan ku dabaalan jiray wabigan Shabeelle ee hiladan Dhagaxyawayn mara oo aan waligiis is dhimin. Waxan sidoo kale lo’da ka waraabin jiral hilada Hilobuule oo Dheeli-caanoodku (nooc cowska kamid ah) ka baxo, wabiga qararkiisa uu baar yeeshay wabiga oo aan marna is dhimin awgeed. Jeertu waxay ahayd mid mararka qaar noo diidda inaan wabiga cabno. Waxaan dhihi karaa waxaan ku jiri jirnay janno yaanan war idinku daalinine.”
“Dooxadan Shabeelle oo dhan in yar maahane sannadka oo dhan way cagaarneed ama way caseed ee marna ma qallalnayn, balse hadda waxaan la’nahay kaliya biyo annagu aan cabno duunyo yeelkeede. Lo’daydii waxaa ka soo haray wax fara ku tiris ah ka dib markii uu wabigii si is daba joog ah u biyo yareeyay marna u guray, bal ii sheega dhibtan intay ka timid? Maxaase isbadalay?” ayuu waydiiyay intii geedka fadhiday?
Waxaa wajigooda buuxdhaafiyay qiiro ku aaddan nicmadaas looga soo sheekeeyay, waxayna qaadan la’yihiin wabigii sidaa ahaa in maanta ay ka ooman yihiin.
Ka dib markii ay odayadii iyo dhallinyaradii kale aamuseen ayuu soo booday Faarax oo ka mid ahaa dhallinyaradda waxbaratay ee deegaankaas u dhashay balse safar booqasho oo gaaban ah ku joogay xiligaas.
Wuxuu yiri “adeerayaal ii ogolaada inan wax ka dhaho arinka awooweJaamac ka hadlayo oo runtii aan dareemi karo halka uu ula jeedo oo ah wabigan guray (biyo la’aan). Nicmadan awoowe ay haysan jireen beni’aadanmka ayaa sabab u ah in la waayo wabigan, sidoo kale waxa loo aaneyn karaa nicmadaas la waayay sabab la xiriirta beni aadamkii oo samaystay warshado waawayn oo hawada qiic badan ku deeyay, hawaduna waa mid isku furan oo warshada moosko ku taalo way na saamaynaysaa qiiceede, waxaana dhacday in hawadu kululaato roobabkiina yaraadaan taasna waa natiijada ka dhalatay oo ah in wabigu guro waana maanta mid aad la anfariirsan tihiin.”
Ku darsada e ilaalinta deegaanka sida inaan qiic lagu daynin ama aan la wasaqayn waxay xil ka saaran tahay qof kasta oo beni aadam ah oo ay tahay inuusan ku lug yeelan wax keeni karo qiic si uusan uga qayb qaadan wasaqowga hawada iyo kululaanshaheeda taasna waa mid aan is leeyahay way soo celin kartaa bari samaadkii uu awoowe soo noolaa.
Way adkeed in ay Odayaashan fahmaan arinkan balse intaas iyo sharaxaad ka sii dheer ka dib Odayaashii iyo dadkii deegaankaas waxay garwaaqsadeen cilladdii la garan waayay ee ahayd wabigii oo guray ayay jawaab u heleen waxayna isla garteen in ay deegaanka ilaaliyaan intii karaankooda ah, waxayna wax ka fahmeen isbedelka cimiladda.
W.Q Cabdicasiis Shaafici Nuur
Somalispot