Stories by Aisha Haji on Medium
Somalia’s future depends not just on rebuilding its infrastructure, but on healing the minds and hearts of affected people.👏🏾
Kadib sanado colaado ah, mustaqbalka Soomaaliya kaliya kuma xirno dib u dhiska kaabayaasha, balse sidoo kale waxaa muhiim ah bogsiinta maskaxda iyo qalbiyada dadka.
Alberto Macin, oo ah maareeyaha howlaha caafimaadka dhimirka ee ka shaqeeya Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) ee Soomaaliya, ayaa la wadaagaya waayo-aragnimadiisa, waxa uuna sharaxaayaa sida caqabadaha dhaqaale, bulsho, iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo takoorka ay wajahaan kooxaha nugul gaar ahaan dumarka iyo carruurta iyo saameynta dhibaatooyinka dhimirka.
“Haween badan ayaa la kulmay kufsi, balse waa wax aanan ka hadli karin.”
“Ma sii daryeeli karo adeerkayga, waayo wuxuu noqday mid aad u xanaaq badan, waana jebiyey silsiladihii aan ku xadeyn jirnay.”
“Marar badan ayaa nala barakiciyey; gaajada iyo saboolnimada ayaa hadda ah waxa kaliya ee noo haray.”
“Ma garanayo sida aan u daryeeli karo isaga, Waxay ii sheegeen inuu sidoo kale qabo cudurka dhimirka (psychosis). Isagu waxba iskama qaban karo, anna waa inaan shaqeeyo si aan carruurtayda u korsado.”
“Wax rajo ah oo nooga haray ma jiro intaas kadib …”
Kuwani waa qaar ka mid ah markhaatiyada ay kooxdayda iyo aniga aan maqalnay intii lagu jiray la-tashiyada caafimaadka dhimirka ee dadka ku nool degmooyinka GAALKACYO. iyo BAYDHABO ee Soomaaliya, halkaas oo MSF ay ka shaqeyso. Qaar ka mid ah dhibaatooyinka aan maqalnay waxa ay la xiriiraan rabshado, isbeddelka cimilada, yaraanta xirfadlayaasha iyo adeegyada caafimaad ee dhimirka, cudurrada dabada-dheeraada, iyo faqriga ba’an.
Soomaaliya, oo ah qaran ay saameeyeen tobanaan sano oo colaado ah, wax cusub uma aha musiibooyinka bini’aadantinimo, iyada oo ay jiraan burburka colaadaha, barakaca, dhibaatooyinka cimilada, iyo saboolnimada, waxaa soo ifbaxaaya dhibaato caafimaad oo dhanka dhimirka ah oo saameyneysa nolosha malaayiin qof, si kastaba ha ahaatee, caafimaadka maskaxda ee dadka ay dhibaatadu saameysay inta badan waa la iska indhatiraa, taasoo dhalisay cudurro maskaxeed iyo walwal xad dhaaf ah oo aamusnaani sababtay.
Caqabadaha caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya ayaa ah kuwo si dhow ugu xiran kuwa dhaqaalaha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka, sidoo kale dhibaatooyinka bulsho iyo takoorka ay la kulmaan kuwa nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, ayaa saldhig u noqda dhibaatooyinka dhimirka.
Waxaa kaloo usii dheer masiibooyinka dabiiciga ah, colaadaha daba dheeraaday, iyo cudurrada faafa, kuwaas oo sababa dhaawacyo nafsi ah, kala tagga qoysaska, amni darro, luminta hab-nololeedyada, iyo burbur ku yimaada xiriirkii bulshada, kuwaas oo dhan waxa ay sababaan culeysyo nafsadeed oo daran. Xaaladaha noocaan ahna waa kuwo deegaanka ku sababa kheyraadka inuu sii yaraado, taasina ay kamid noqoto sababaha sii xoojinaaya dhibaatooyinka.
Dhibaatooyinka ugu badan ee aan Soomaaliya ku aragno waxaa ka mid ah(psychosomatic complaints) sida; niyad-jabka, walbahaarka, cudurrada dhimirka sida psychosis, iyo isticmaalka maandooriyaha. Si kastaba ha ahaatee, walbahaarka colaadaha ayaa sidoo kale keena xaalado iyo cudurro cusub, sida PTSD, Anxiety, iyo Acute stress reactions.
Dadka qaar xaaladaha bani’aadminimo waxa ay ku sababi kartaa rajo-beel, gaar ahaan marka baahiyaha aasaasiga ah sida cunnada, biyaha, iyo helitaanka adeegyada caafimaad ay noqdaan kuwa aan la hubin.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiyaasaysa in 13%-kiiba dadka ay saameeyeen colaadaha ay qabaan cudurro ka dhasha dhimirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Anxiety, PTSD, Bipolar, iyo Schizophrenia. Halka 4%-kiiba ay wali qabaan noocyo dhexdhexaad ah oo ka mid ah cudurradaas. Guud ahaan, haweenka, dadka waayeelka ah, carruurta, iyo dadka naafada ah ayaa si aad ah ugu nugul dhibaatooyinka ka dhasha dhimirka.
Dadka qaba xaaladaha adag ee la xiriira dhimira ayaa ah kuwa ugu nugul marka la joogo xaaladaha degdegga ah, iyaga oo u baahan helitaanka daryeel caafimaad oo ay ku jiraan dawooyin iyo helidda baahiyaha aasaasiga ah oo dhan. Si kastaba ha ahaatee adeegyadaas badan ee muhiimka ah ayaa weli kamid ah kuwa aysan heysanin dadka Soomaaliyeed.
MSF Iyada oo la kashaneyso Wasaaradda Caafimaad-ka “MOH”-ka, waxa ay u muuqataa in ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto taageerada caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya, gaar ahaan Baidoa iyo Mudug, halkaas oo ay jiraan baahiyo aad u badan. Dhammaan hawlaha caafimaadka, shaqaaleheenna igo xarumaha daryeelka caafimaadkaba waxa ay bixiyaan taageero nafsi, la-talinta, iyo daryeel dhanka dhimirka oo khaas ah. Si kastaba ha ahaatee, baahiyuhu waa ay badan yihiin, adeegyadayaduna ma aha kuwo ku filan.
Xilligaan, Wasaaradda Caafimaadku waxa ay bixisaa taageero iyo la-talin dadka la nool HIV, TB, iyo multi drug-resistant TB, iyada oo diiradda la saarayo bukaannada muddada dheer qaba si loo xoojiyo u hoggaansanaanta daaweynta loona saameeyo tayada nolosha. Qaar ka mid ah ururada maxalliga ah ayaa bixiya adeegyada caafimaadka maskaxda ee dadka ka badbaaday violence-yada qaar sida kufsiga, iyo dhaqaalo yarida. In kasta oo ay jiraan dadaallo waaweyn oo ay sameeyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo ururada maxalliga ah, haddana ma aha kuwo ku filan.
Inti u dhaxaysay Janaayo iyo Sebtember 2024, kooxaha gurmadka caafimaadka maskaxda ee MSF ee ka shaqeeya Soomaaliya waxa ay sameeyeen wadarta 4,940 la-talin caafimaad maskaxeed. Sidoo kale, waxaan sameynay 7,644 hawl-gal kooxeed oo ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo wacyigelinta cilmi-nafsiga; kor u qaadida xeeladaha caafimaadka leh ee lagu maareeyo xaaladaha adag; tababarro loogu talagalay hoggaamiyeyaasha bulshada, shaqaalaha caafimaadka, iyo kooxaha aan caafimaadka ahayn ee ku saabsan maaraynta kaalmada degdeg ah ee cilmi-nafsiga. Hawlaha aan sameynay waxa ay gaareen guud ahaan 38,476 qof.
Baahiyaha caafimaadka maskaxda ee bulshada waa kuwo aad u weyn, balse baaxaddooda ayaa weli ah kuwo aan muuqan. Maqnaanshaha maalgelinta adeegyada caafimaadka maskaxda, shaqaale caafimaad oo tababaran iyo agab, xog iyo cilmi baaris xaddidan, iyo nidaamka caafimaad oo ah mid jaban ayaa dhammaantood sii xumeeyay dhibaatada.
Wax ka qabashada caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya waxa ay u baahan tahay jawaab degdeg ah oo isku-duuban. Daryeelka caafimaadka maskaxda waa in lagu daro dadaallada bini’aadantinimo ee ballaaran, iyadoo la taageerayo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah sida cunto, meel ammaan ah, hoy. Taageerada aasaasiga ah ee caafimaadka maskaxda sida kaalmada degdeg ah ee cilmi-nafsiga, wacyigelinta bulshada, Khubarada caafimaadka maskaxda, sida kalkaaliyayaasha caafimaadka dhimirka, cilmi-nafsiyaasha, iyo dhakhaatiirta dhimirka waa in ay kormeeraan adeegyada caafimaadka maskaxda, si loo hubiyo helitaanka daryeel tayo leh.
Kaalmooyinka degdeg ah ee la xiriira xaaladaha dhimirka, waa inay noqdaan qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaallada looga jawaabaayo xaaladaha degdegga ah, sida shaqaalaha tababaran, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka, macallimiinta, iyo mutadawiciinta, oo ay tahay in ay bixiyaan taageero shucuur iyo mid wax ku ool u ah dadka ku jira xaaladaha trauma-da la xiriirta.
Hadda waa waqtigii ay hay’adaha bini’aadantinimo, bulshooyinka deegaanka, iyo bulshada caalamkaba ay mudnaanta siin lahaayeen daryeelka caafimaadka maskaxda, si loo hubiyo in si buuxda loogu daro emergency responses-ka. Marka taas la sameeyana, waxa aan rajo iyo bogsasho siin karnaa malaayiin Soomaali ah oo caafimaadkooda maskaxeed ay ku jirto xaalad khatar ah.
Xasuusin; Warbixintaan waxaa la faafiyay bishii Sebteembar ee sanadkaan, waxaana bishaan Diseembar-9-keedii lagu daabacay web-Relief beejkeeda. Akhris wacan.
Waa maxay “Depression”??
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa tilmaameysa xanuunkan in uu yahay xanuun saameyn balaaran ku leh bulshooyinka Caalamka. WHO ayaa tilmaameysa 4tii qof ee ku nool dunida in uu qof qabo xanuunkan, sidoo kale dhawaan ayaa la shaaciyay in bulshada Soomaalida ah ay 77%kiiba xaaladdaha maskaxeed ay is baddaleen marka loo bar bardhigo sanadihi hore usii tagay.
Daraasaddan oo ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka(WHO) ayaa tilmaameysa in bulsha weynta Soomaaliyeed 40%kiiba ay la daallaa dhacaayaan xanuunka “depression”-ka oo guud ahaan dunida fara ba’an ku haaya, iyada oo sabab uga dhigeysa, nabad galya la’aanta soo jiitammeysay muddo, dagaallada, cabsida, shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyara iyo dhibaatooyinka maalinlaha ah ee indhaha bulshada ka hor dhaca, taasoo marar badan aynu ku weynay dad badan oon jecleyn, iyo weliba xaaldaha bani’aadannimo ee saammeynta ballaaran ku yeeshy bulshada, taasoo abuurtay in dadku ay traumatized noqdaan, iyo weliba drug ama substance abuse-ka, taas oo bulshada aad ugusoo badaneysa samankaan, yadoo waxyeelladeeda muuqata ay ka badantahay middeeda qarsoon, se loo dhug heyn, taas oo uu qofku isku dhaafinaayo culeysyada nolosha, iyo waqtiga, kadibna abuureyso xaalado ka halis badan middi uu qofku islahaa isku dhaafi.
Haddaba xanuunkan waxa uu la yimaada calaamadahan;
Qofka oo lumiya dareenkiisa rabitaan ama farxadeed.
*﻿Qofka oo dareema mar walba in uu danbiile yahay.
*﻿Hurdada oo uu waayo qofka, amaba ku yaraata.
*﻿Tamarta gofka oo daciifta
*﻿Cunitaanka oo uu ka caago qofka.
*﻿Hammiga qofka oo aad u hoos maro.
Xanuunkan ayaa saameeyay ku dhawaad 350million oo qof oo ku nool adduunka, kuwaasoo isugu jira da’ kasta inti ka sarreysa 15sano. 30% dadkaas ayaa sameeya isku day ay nafafkooda ku halligaan/dilaan. (Self Suicide)!
10-ka waddan ee. Highest Rate-ka uga jira xanuunkan:
1.Ukraine-6.3%
2.United States-5.9%
3.Estonia-5.9%
4.Australia-5.9%
5.Brazil-5.9%
6.Greeze-5.7%
7.Portugal-5.7%
8.Belarus-5.6%
9.Finland-5.6%
10.Lithuania-5.6%
Sababa Xanuunkan?
Saammeynta Deegaanka.
2.﻿Alkuxuulka oo uu gofku isticmaalo ama Drug Abuse.
3.﻿Hormoonaadka oo isbaddal ku dhaco.
4.﻿Qofka oo uu ku dhaco xanuunno saameeya jirkiisa, ama saammeyn kaga timaadda Daawooyinka qaar.
5.﻿Qofka oo waayo qof uu jeclaay, dhibaatooyin dhaqaale, ama furriin.
Siduu haddaba Qofka u caawin karaa nafsaddiisa, (Self care).?
In Qofku uu koontaroolo Cuntadiisa.
*﻿Hurda ku filan in uu qaato.
*﻿In uu ka fogaado dadka negativity-ga badan.
*﻿In uu ka qeyb galo isu immaadyada farxadeed, ama qabto shaqooyin farxad u abuuri kara.
*﻿Inuu qofku qaato nasasho, isaga oo ku qaadanaya meelaha qurxoon ee dhirta leh, ama Badaha ka ag dhaw.
Sidee ayuu Depression-ku saammeyn ugu yeeshaa, caafimaadka qofka? (Physical Symptoms).
Qofka oo uu haleelo, dagganaanshiya la’aan, iyo murugo joogto ah.
*﻿Qofka in uu isula muuqda danbile, naftiisu hooseyso.
*﻿walwal,cabsi iyo walaac fara badan.
*﻿Dareenka jinsiyeed oo ka luma qofka.(Low sex drive).
*﻿Miisaanka qofka oo aad u dhaco, ama cayilo.
* Caloosha oo fadhido qofka(Constipation)
* Dowrada shahriga oo gabdhaha ka qaldanta( Menstruation problem).
*﻿Sokor ama Dhiig kar ku dhaca qofka.
Xaalada bulsho ee uu dareemo qofka, (Social Symptoms).
•Qofka oo markasta ka fogaada saaxiibaddiisa.
•Qofka oo markasta ka indha qarsada waxyaabaha uu jecelyahay, iyo hobby-giisa.
•Qofka oo ay ku adkaato in uu joogo guriga, shaqada ama goobaha waxbarasho, si guud iyo si gaar ah caqabadaha caafimaad ee uu dareemaayo awgeed, isaga oo nafta ku qasbaayo, in uu marxalad kasta ka dhuunto si uu nafta ula kali noqdo.
Xanuunnadan waa xanuunno kamid ah, xanuunnada laga dhaxli karo depression-ka haddii uu noqdo mid aan la daaweynin ama chronic ku noqda qofka.
Neurodegenerative diseases like; Alzheimer’s disease and Parkinson’s disease.
* Stroke
* Multiple Sclerosid.
* Seizure disorders.
* Cancer.
* Chronic pain.
Si aad ugaga mashquuliso ama hoos ugu dhigto calaamada depression-ka sameey intaan.
Hel ama sammeey jimicsi jireed; (Getting regular exercise.)
* Hel hurdo kugu filan oo fiican; (not too little or too much).
* Cun cunto caafimaad qabto; (healthy diet).
* Ka fogaaw cabitaanka alkuxuulka ama alcohol-ka; (which is a depressant.)
* Waqti la qaado dadka adiga ku jecel ee kaa taxaddara markasto.
Sidee depression-ka loo daaweyn karaa haddaba?
Qofka in loo sameeyo 3daan therapy;
1.Cognitive behavioral therapy: yadoo laga caawinaayo(situations,thoughts,emotions, physical feelings, actions-ki).
2.Interpersonal therapy: Markaan qofka waxaa laga caawinaayaa meelo gaar ah sida;
Conflict in relationships that is a source of tension and distress.
* life changes, such as job loss or the birth of a child, that affect people’s feelings about themselves and others.
* grief and loss.
* Difficulties in starting or sustaining relationships.
3.Psychodynamic therapy. (Psychodynamic therapy focuses on the psychological roots of emotional suffering.)
Iyo in uu qofku. qaato daawooyinka antidepressants-ka sida;
Selective serotonin reuptake inhibitors (SSRIs) …
* Serotonin-noradrenaline reuptake inhibitors (SNRIs) …
* Noradrenaline and specific serotonergic antidepressants (NASSAs) …
* Tricyclic antidepressants (TCAs) …
* Serotonin antagonists and reuptake inhibitors (SARIs) …
* Monoamine oxidase inhibitors (MAOIs).
Akhriste, haddii aad soo gaartay dhammaadkan, fadhlan isku day in aad iiga jawaabto su’aalahaan.!
1-Hadda maxaad dareemeysaa?
2-Wax kamid ah calaamadaha xanuunkaan weli ma isku aragtay?
3-Haddii aad isku aragtayse muxuu ahaay falcelintaadu?!
4-Malaga yaabaa in uu jiro qof kamid ah qoyskaaga, ama saaxiibaddaada in uu qabo xanuunkan?
5-Sidee ugu abuuri karnaa bulshadeenna wacyi-galin caafimaad oo ku saabsan xaaladdaan?
Mahadsanid akhriskaaga, iyo jawaabahaagaba.
Magiciisa ayaan aad ula yaabbanaa, marki koowaad een arkay “Fool aad” ayaan u akhriyay, 3jeer ka badan oon hadba kor u qaaday oonan weli fahmin magiciisa, waxa ay maskaxdeyda. jeclaaneysaa akhrintiisa maalin dhaw, sabab kale maahan ee aniga ayaa jecel in aan akhriyo buugaagta Af-ka Hooyo ku qoran ee qof afka hadalkiisa iyo qoriddiisaba hibo u leh uu qoray, haddii aadan ogeen waayadaan waxaa aad innoogu badan; “Buug ayaan qoray, ama hebel ayaa buug qoray”, oo macnaha buugga iyo qoraalka buuggaba ay yihiin ujeeddooyin aad ukala fog, madaxaagana daalinnaaya, cilmina kuu kordhineyn, caqligaagina lumminaaya!
Ma iraahdaa qofka ayaan gaarin heer uu wax qoro, mise waxa aan iraahdaa, qoraalka ayuusan hibo u laheyn, mise waxa aan iraahdaa, ma uusan la kaashanin dadki kaga horreeyay qoraalka ee Af-ka Hooyo macnaha weyn u yeeli lahaa oo isaga ka qibradda badnaa, mise intaasoo dham inta aan iska dhaafo ayaan iraahdaa, ma uusan marsiinin akadeemiyada qoraalka afka iyo madbacadda Qaranka ee dib u sixid iyo dib u eegis ku sameyn laheyd buugaagta?! Aniga ayaaban fahmin oo waa sababta aanan u akhrin buugaagta hebel baa qorayda ah ee in uu i jaha wareeriyo mooyee aan cilmiga iyo taariikhdaba midna ii siyaadin, waana sababta aan dhowr jeer ugu noq-noqday akhriska magaca buuggaan aniga oo hadba inta kor u qaada misana dhigaaya, dhowr maalin oo kala duwan!! “FOOLAAD”!!
Waa Buug muuqaalkiisa guud aad loogu fara-yareestay oo su’aalo badan markiiba maskaxdaada dib ugu celinaaya, magaca buugga, qofka ku sawiran ee Cuudka iyo qoriga “AK-47”-ka. ku gadaal sawiranyihiin, isla markiiba waxa ay maskaxdaadu ku weydiineysaa maxaa isu keenay, Cuud iyo Qori, illeyn Cuudka waa aalad maskaxda lagu dajisto, halka qoriga AK-47-ka wax lagu gummaado?? Markale ayay maskaxdeydu halkaan i weydiineysaa; “waa maxay dhiigga ka da’aaya qoriga ee. dul hagoogtay qofka meesha ku sawiran?”! Waa macquul adigaba in aad isla su’aashaan is weydiineyso xilligan. Waa sababta xiisaha ballaaran iigu yeeshay ogaanshiyaha gudaha buuggaan jaldigiisu weydiiyay su’aalaha badan maskaxdeyda.!
Nasiib wanaag bogga 4aad waxa uu buugga iigu sheegay in uu Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame” gabay uu ka tiriyay xus loo sameeyay 25 sano guuradii kasoo wareegtay geerida Mooge, maansadaas oo uu ugu magac daray “Foolaad”, sidaasna uu ku qaatay qoraaga buugga, waa Xikmaawiye.
MAANSADI WEEDHSAME:
Foolaad aftahankii,
Fanka lagu jihaadtamo,
Falkiyee jideeyoow,
Runtoo fiigo noqotoo,
Faq ku sheeg ha joogtee,
Nin dagaare soo tuba,
Dadku aanay filanayn,
Fannaankii ku heesee,
Xaya’ calal falaaxdii,
Deeddagooye farayoow!
Taariikh nololeedki abwaanka oo ay dadyow badan oo kala duwani ay tabinaayaan si aad u toolmoon weliba ayuu buugga 9ka baal iyo page-ka tobanaad ee ugu horreeyo kadib hordhacyada iyo afeefta buugga, halkaan aad ayay u xiisa badantahay waayo wariyayaasha qisada abwaanka waxaa ku jiro abwaan iyo aabbo aan aad u jeclahay qisooyinkiisa, oo marka aan dhageesanaayo hadalkiisa aanan jecleyn in aan maqlo hadal intuu rabo hala ekaadee, waa Hadraawiye, xitaa inta aan akhrinaayay qeybta uu hadalka ka leeyahay aan maleenaayay in uu iga dhax hadlaayo sida aan hadalkiisa iyo dhihidda weerihiisa iskaga doondoonaayay, inkastoo uu noolaay dhammeestirki buuggaan, hadda AUN Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “HADRAAWI” waa uu geeriyooday, waxa aan rajeynaayaa dadka sideyda cml ah een aanan u helin jaaniska iyo nasiibka midna in ay taariikhda inti uu ka sheekeeyayna dhageestaan, inti uusan ka hadlinna dadyowgi uu kaga sheekeeyay ka dhageestaan, waayo waan hubaa in uusan la dhiman wax qalbigiisa ku jira oo qof wax u tari kara.
Aan soo noqdo, waxyaabaha aan aadka ula yaabay ee uu Foolaad iisheegay welibana igu cusbaa waxa ay ahaayeen, geerida Mooge iyo in la dilay oo aad iigu cusbeed, waana tan sababta buugga jaldigiisa sawirka Mooge dhiig isaga oo wejigiisa ku hagoogtay ugu sawiranyahay, markale waxaa cajiib igu eheyd in uu arrimo siyaasadeed uu misana u dhintay iyo in uu jabhado dagaal ku lug yeeshay! Waxyaabaha qalbiga aan ku heestay wax kaduwan ayaan arkaa markaan mana rabo in aan kaaga sii sheekeeyo, maxaa yeelay ma doonaayo in aad ka caajisto qisooyinka buugga ee bal adigana soo akhri.
Waxa uu markale buugga iisheegaayaa in M.Mooge uu. ahaay fannaankii ugu heesaha badnaa fannaaniita Soomaaliyeed ee joogtay xilligiisi AUN, waxa uu qaaday hees nooc kasta ay leedahay, aan idin xasuusiyee Mooge waxa uu ahaay macalin, oo waqtigiisa ugu badanna ku qaatay macallinnimo noloshiisa taas oo uu sharaf iyo maamuus badanna ku helay, waa macallinka qaaday heesta “Wahdiga Dugsiyada” ee badankeenna iskuullada loogu dhigay, oo uu buugga Foolaad iisheegay in uu qaaday Macalin Maxamad Mooge ee aanan horay u ogeyn.
Waxan ahay wahdiga dugsiyada,
Waxan ahay waanada macallinka,
Waagii beryaba,
Ubax laga waraabshoo,
Waxan ku werweraynaa,
Waddankiinna wax u barta,
U xanbaara waajibkiisa;
Wahsan mayno,
Waaban mayno,
Warwareegi maynoo,
Weecweecan mayno…
Waxa uu markale buugga ii sheegay in Mooge yahay fanaanka kaliya ee adduun iyo aakhiraba ka heesay…..
ADDUUNYO:
Kii i xaman lahaayaw
Ama xaasidkaygaw
Kaan xalay wanaajee
I хитееау maantaw
Murtidaydu waa xubin
Waa hadal aan soo xulay
Xanuun iyo dardaarana
Waa xujo e’ dadaw maqal
Xikmad weeye heestuye
Xifaalaha adduunyada!
Adduunyooy; adduunyoo,
Adduunyooy…Xaalkaa b’e.
AAKHIRO:
Maalinta xanuunkiyo
Xaq’qa mawdku soo galo
Xabaasha iyo ilkaan
Kugu soo xasuustaa
Xiddigaha cirkee sare
Inaad xubin ka mida tahay
Inaad hoos u xulantahay
Dhulka xero ku leedahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggeebaad
Naga xigtaa; aakhirooy.
Waxa aan u maleeyay in aanan maqlin hees Soomaali ah weli, waayo intaan oo hees ahba haddii uu leeyahay Maxamad Mooge kaligiis, waxa ay ka dhigantahay in aanan waxba aqoon ah u laheyn heesaha Soomaaliga ah, waxa aan saas u leeyahayna waa in aan Moogahaba heesihiisa ka aqaannay 2ba hees oo Carabi ah oo labadooduba Suudaaniyiin kaga horreeyeen waa Wardi iyo Kaabiliye;
صبرت (محمد الورد)
عمر الزهور. عمر الغرام
عمر المنى. اتمني يوم تجمعنا
جنات حبنا. تبقى الأميره و البطيع قلبي انا
ماتقولى لي. مالى و ما ل الحب انا
نار الهوي الوقادة. والشوق و الضنا
وحلاوه الأحلام. وآمال الهنا
إية يجمعن غير ال 19 سنه اية يجمعن اية يجمعن غير التسعتاشر سنه……
و عبد الكريم الكابلي (اغنية حبيبة عمري)
قد كنت اعلم ان العيون
تقول الكثير المثير الخطر
فعلمتها كيف تخفي الحنين
تواريه خلف ستار الحذر
حبيبة عمري تفشى الخبر
وذاع و عم القرى و الحضر
وكنت اقمت عليه الحصون
وخبأته من فضول البشر.
Waxaa saddex iigu eheyd labadaan hees, heesta “Axaddii” oo iyadoo meel Qaaci kaban lagu tummaayo 2018di uu live kaga qaaday Abwaan ka tirsan kooxda “Hiddo” ee golaha Abwaannada Soomaaliyeed, sidaasna aan ku bartay oo dhowr jeer aan markaas kadibna dhageestay.
AXADDII…..
Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il doogsadaay
Ma ilawsantahay
Axdigaad martivo
Meeshaad i tidhi
Waan imanayaa.!
Markale buugga waxa uu sheegay in Mooge uu wax ka qaaday heeso wadar iyo kaliba ah, heeso subcis ah, waxna ka dhigay riwaayado badan oo ay kamid yihiin, 1-Aqoon iyo afgarad, 2-Gaaraabidhaan, 3- Laacaa aragtaye, laagga ma ogtahay? Iyo 4- Caashaq iyo caddaalad! Hubaal badanka dhallinyarada hadda nool in aysan helin nasiibka ay heleen dadkii u dhawaa ama la da’da ahaay M.Mooge xagga amniga, dhaqaalaha, aqoonta, afka iyo ilbaxnimada, hammiga iyo jaceylkaba, waase ninba waayihii joog.
Heeskaan waa heesaha ay qaadday Hooyo Hiba Nuura, heesta aan ugu jeclahay waxaa markale iiga warramay “Foolaad” in uu qaadi jiray Mooge inta aysan Maama Huddoon reedhiyoowga ka duubin:
Siday tahay naftaydiyo
Lama socotid hawlaha
Sannadahan i haystee
Sasabiyo waxsheeg iyo
Samir waan ka quustoo
Waa inaan sal gaadhee
Adna sibig ku dhaaf iyo
Salaan guud ha joogtee
“Sideed tahay” imaad odhan
Intad soo dhawaatee;
Sabab kala ha mooddine
Suntaadii habeennadan
Waan ka seexan waayoo
Seedahaad i goysee….
Kama daaleysid akhriska taariikhda, fanka, sheekooyinka iyo waxkasta oo ku yaalla buuggaan, xitaa waxa aan ka bartay erayo aanan weligeey horay u maqlin oo uu kamid yahay; “Dedda’gooye”= Magaca kabanki uu lahaa Mooge AUN, waakan leh;
“Roob igu da’oon,
U dul gaatay dhaxan;
Diiriyaha naftiyo,
Deddada gooyahaw
Maxan kula dal maray”!
Inkasta oo ay jiraan erayo kale oo badan oon qaarkood qoray, dib ayaan kasoo koobi doonaa iyagana, si aan dhammaan u wada baranno erayada Soomaaliga ee aynaan aqoonin.
Halkaan marka ay mareyso, waxaa marnaba macquul iga noqon karin in aan qoraal kusoo wada koobo, 400 oo page buug ah oo laga yaabo. amaba ay tahayba qoraal sanado badan kasoo qaatay dhigiddiisa, raadintiisa, iyo riyooyinka qoriddiisa qofki qoray Foolaad waa Xikmaawiye, tankale oo mudnaanta leh waxa ay tahay, in adiga qoraalkan akhrinaaya si uu macaani iyo mudnaanba kuula lahaado buugga in aanan kuu sheegin wax walba kuu dhaxdiisa ku jira, waayo weli aniga ayayba igu heysaa xiiso aad u ballaaran, oo haddii aan dhowr ka tiro jeer akhriyana aanan ka dhargeyn ee adiguna akhri oo yaan lagaaga sheekeyn kaliya.
Ugu danbeyn AUN Maxamad Mooge waxaa la dilay oo naftiisi sharafta badneyd la dhaafiyay, taariikhdu marki ay aheyd- “5-ti Juun-1984ti” isaga oo aad u dhallinyar, bal aan inyar halkan ku xasuusto beydad kamid ah maansada “Geeriyaay Xishood laay”, ee uu ka tiriyay AUN isaganee Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac “Gaariye”, geeridi AUN Abwaan Cabdullahi Suldaan “Timacadde”. Dhammaantood Eebbe ha wada Janneeyo.
Geeriyeey xishood-laay,
Xejiyaay fogeeyay!
Xaasha e af tahanimo,
Hadii uu xabaal galay,
Abwaankii xidigin jiray,
Murtidii xag loo dayo,
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higaadii
Ayaa xarafkii hoos dhabi?
Waxaa jirtay suugaan aad u badan oo laga tiriyay dilkiisi uu soo koobayo buugga, sheekooyin gaagaaban iyo sawirro uu qoraagu kusoo qatimaayo qalinkiisa Foolaad 6da baal ee ugu danbeysa buuggiisa, waa buug kulansaday dareen farxadeed, mid murugeed, xasuuso fara badan oo dareenkaaga hadba dhinac u qaadaaya, shucuuro kala duwan hadba mowjad kuu qaadeysa, rajo iyo yididdiilo qurux badan, haddana niyad jab kaa tusineysa dhanka kale maaddaama ay Soomaalidu weligeedba iyada lafteeda haldoorkeedi hana-qaadaba ay rubadda goyneysay, taasna ay ka wada simmanyihiin dhammaan Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dagta geeska Afrika, illaa maalinti ay dunida usoo shaac baxday taariikhdeeda, iyo maanta oo qarniga 21-aad aynu joogno, oo weli waa isla dabcigi oo aan ka duugoobeen kana dabar go’’ayn…!!
Bal mar noqo mid booqda akhriska buugga “Dal Dad waayay iyo Duni Damiir Beeshay”! Oo AUN Dr Maxamad Daahir Afrax kaaga sheekeyn doono inta aan kuu sheegaayo iyo inkale oo aad uga xanuun badan oo ay Soomaalidu usoo joogtay welina u joogto.
Ugu danbeyn akhriste kaalay markale nagula safar doonida akhriska buugga “Foolaad” oo aan marar badan oo kale nafteyda u ballamiyay akhriskiisa, waana hubaa in aadan ka daalin amaba ka caajisi doonin akhrintiisa, mahad ka gaarto qoraaga buugga “Cabdikariim Xikmaawi” , oo runtii juhdi nooc walba uu yahay dul dhigay qalinkiisa, kuna laray taariikhyo kala duwan oo ay buuggaan dhaxdiisa ku tabinaayaan boqolaal dad ah oo nooc walba oo bulsheed leh oo taariikhda Mooge iyo taariikhya kale oo xiisa badan si sharaf leh ugu sheekeenaaya isla buugga dhaxdiisa, kolleey qof ahaan buuggaan waxa uu ii noqday buug kamid ah buugaagta Af-ka hooyo ku qoran een akhriyay inti aan naadiga akhriska dhax joogay buug tilmaan toolmoon ii leh, buug dhankasta xiiso badan iiga abuuray, buug aad iyo aad loogu taagtaagsaday oo kugu abuuraaya rajooyin iyo himmilooyin wanaagsan xagga akhriska iyo qoraalkaba.
Ma ahan in aan dhammeyn karo taariikh nololeedka aabbihii, macalinkii, fanaankii 40ka sano ee uu nolosha nasiibka u yeeshay nooc walbo dunidiisa ugu safray, ee macnaha aadka u ballaaran naftiisi iyo noolihi ka danbeeyayba u yeelay, se qoraalkii aan ka akhriyay buugga “Foolaad” halkaas ayay igaga istaagtay ee bal adiguna maanta billaaw in aad ku dhax safarto 4taan boqol ee KM masaafada ah ee u eg 400- oo waraaqood.
Sanad cusub oo wanaagsan ayaan u rajeenaayaa qofkasta oo akhrisay qoraalkaan, Ilaaheey idankiisa sanadkaan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha innagu wada gaarsiiyo, waxa aan idinku macasalaameynaayaa heestan — —
Waan ku heybineynee
Ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
Habeen dhalad barwaaqiyo.
Nimco la harsan dooniyo
Hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee,
Noqo loo han weyn yahay.
AUN Tubeec, Mooge, Hadraawi, iyo dhammaan fanaaniintii, iyo abwaannadii Soomaaliyeed ee naga geeriyootay, waxa aan rajeynaayaa in la helo sidoo kale dad badan oo sidan si lamid ah buugaag badan kaga qorta nolosha fannaaniitii iyo fankii Soomaaliyeed ee sii horreeyay.
Nabad ahaada.🤍
My 2021 Tour and Experiences.
We call “Baaddiyo”, but they call; “Miyi”! Same meaning, but vigorously different. in our mores and theirs!
With the Sand! A Loam soil, which has a green short and long trees, but a land of little grass since there’s. shortage of water, lately no rain in the invirons. The aroma of the soil, the little creatures around it! The new born babies of Camels(Qurbac, Nirig), The. Goats and Ships though(Nayl,Waxar, Orgi iyo Wan), was absolutely astonishing.
Everything is beyond your control now! Our morning tips! Everyone has to wake up, no morning sleeps! After praying “Fajr”, some use to walk to made us the food, and tea for the family! Others should have to look the Camels and Goats! Actually what they have to go is morning scenario life for production. of their milk from them, there’s evening one as well! Surprisingly! Always all the time, the TEA are there cooking cooking! 🥺 May be you should have to drink 10–15 cups per day! If you’re new to them, you might think about, is it the only thing that they have?
What shocks me about. Nomadic TEA is this poem which is about their day-to-day life;….
*Koobka koowaad waxaa loo cabbaa, aad ku kululaatid.
*Koobka labaadna waxaa loo cabbaa, kaamil aad noqotid.
*Ka saddaxaadna waxaa loo cabbaa, kaaga dari maayo.
*Kan afaraadna waxaa loo cabbaa, aad ku sheeka bogatid!
*Ku shanaadna wixii loo cabbaa, kaadi badi waayo.😁
The most amazing people i have met in my intire life! That ordinary life they have, is what i liked the most, it was another boundry of making a peacful life, literally i found my soul in a short period of time, no internet, no cell phone, no Hormuud, nor s1 calling, no woe, no despair, no nothing at all. Just being staying. with a mind-blowing world full of euphoric, like i’m in the seventh heaven!
Oh Gosh! Look how i had connected my life with our traditional Somali life-style(Nomadic)!
You know what?! Think of, no bathroom! Just leave any other thing, no place to pee in this place,🥺. Your involuntary muscles will go on voluntary all along, because of your feelings, it’s quite awkward to go out and took shower, though i once took it, when i felt so messy😂 Oh my goodness i become another story either, to them to descover and. talk about in their near future generations or whatsoever.
Nin socdaa salaan ka sug,
Nin fadhiyana soor ka sug! That’s what they gonna tell everybody who use to come over there, so you have to shake them all, and wait your food and other bits and pieces from them aswell. None of them is gonna go and laze while you’re starving, even if it’s 3AM! Such a magnificent people to hoste.
Take notice to that our milky way of Galaxy, they put their own names on it! They call (Waxara-xir) for that big and beautiful star in the sky which you never know about, just you count it as for fun.💥