Stories by Aisha abshir on Medium
Galab Galabyada kamid ah aniga iyo asxaab badan goob aan kuwada sheekeysaneene ayaa gabar an saaxiibo dhaw nahay iishegtay in ay xareysteen iyagoo koox ah tawabar ay soo bandhigtay Digital Shelter kaso soconaya mudo 3bilood ah loguna hadli doono Digital Safety, waxay igula talisay inaan isla markaas xareysto maadama uu waqtiga dhamad yahay mantana ugu danbeyso , sidii ayan ku xareyste tawabarkii nasiib wanaag maalmo kadib waa la isoo aqbalay wan ku farxay madama ay ii ahed tawbarkii ugu horeye an ka qayb galo .
Kadib tawbarkii Digital safety markuu noso gaba gaboobe waxan ka bartay wax badan taaso sabab u noqotay inan uga faideyo dad badan iidhawaa iyo saxiibadey, sidoo kale waxyaalaha aan ku bartay waxa ka mid ahaa dad wada shaqeynta iyo dad ka hor hadlida sida wax soo jedinta.
Mudo kadib waxay mar labaad Digital shelter nosoo bandhigtay Fursad aad uqurux badan oo Soconeysa 8-bilood fursadaas oo aheyd mid qof walbo dhalinyaro ah ku haminaayo aadna ujeclaan lahaa inu helo taaso aheed barashada Sawir qadista , Muuqal sameynta iyo Qoraalo sameynta. Sidoo kale waxaa noo dheera kulan bille ah logu hadlayo ciwano laso xulay iyo buugag la isku diray aqrintooda kulan walba ka hor si aan uga faidaysano fikradaha kala duwan uu qof walba kaso xariiqday buugaas.
Intuu socday barnaamijka waxaa tawbarka na siinaaye dad qabiir ku ah waxa ay na barayaan iyagoo kuso dhex jiray xirfadahas 9–10sano. sidoo kale waxa naso booqanaye dad kala duwan kuwaaso kuso jiray xirfada sawir qadista sanado badan iyagoo nala wadaagaye waxay kala so kulmeen sanadihi ay kuso jireen ,xirfadan iyo sida ay noloshena saamen wanagsan ugu yeelan doonto . Sidaas si lamida dhanka Qoraal sameyntana waxa isbuuc walba noo iman jiray qof Qoraa ah kaso nala wadagayo sidu ku bilaawe , siduu ku joogteye qoraal sameynta iyo maanta halkuu ka joogo sido kale sida qoraaladiisa saameyn ugu yeelatay bulshada.
Ugu danbeyn maanta waxa soo gaba gaboobe safarkii dheera e quruxda badnaa. aan mudo isla soo wadnay saaxibadey , Waxan si Qaasa ugu mahad naqayaa ustaad abdiftah ali iyo ustaad Ayaan khaliif kuwaso laf-dhabar u ahaa Safarkaan horay usocodkiisa, safarka intan kuso guda jirnayna noogula dhaqmaaye sidii dad saaxibo iyo walaalo ah , iyagoo codsiyadena tix galinaaya intii nalogu tal gale in ka badana nagu so kordhinaaye, waqti walba aan casharada qaadanena nala joogay, sido kale si gaarana nogu faideye talooyin kooda wanagsan iyo waaya-aragnimadooda , mahad naq kuma soo koobi karo waxaad noo gasheen Abaal baan idinkaga hayneena abid Rabbi ha idin karaameyo.
Mahadsanid Digital shelter.❤️
waraysi aan la yeeshay hooyo soomaliyeed ayaa iiga warantay dhibatoyinka iyo halganka iyadoo yar ay soo bilawday iyadoo sheekadeda ku bilawaysa:
“Caruur walba oo dunida saaran wuxu xaq uleeyahay inuu waxbarasho helo diin iyo maadiba Anigase nasiib uma yeelan inaa kamid noqdo caruurtaas Anigoo 10jir ah ayaa qur’aanka dhameyay naqtinka qur’ankana. anigo kala bar maraaya ayaa walashey la guursaday si aan ugalo booskedii ayaa waxa leyga saaray dugsigii an dhiganayay.
Caruurta Qur’anka marka ay dhameyaan wexey ku hamiyaan iskuul inay bilaawan anigana sidii carurtas ayaan aad ugu hami waynaa inan galo iskuul balse daruufo jiro awged iyo waqtigaas oo waalidiinta inta badan ku baraarugsanen ine gabdhaha waxbartaan ma aanan helin fursadas.
Nolosha sidii ay isku rog rogtaba markii aan noqday inan 17jir ah waxaa guur isoo bandhigtay nin aan wada soconay cishooyin kooban waana ka aqbalay waxaana arintii la wadaagay qoyskeyga balse arintii way kasoo horjeesten iyagoo leh wali waad yartahay caqabada badan kadib waxa igarab istaagtay ayeeydey mcn oo la hadlay hooyo iyo aabe kana dhaadhicisay inay aqbalaan guurkeyga ugu danbeyntiina way aqbaleen iyago ii duceynaya , kadib waxaa halkaas ku dhacay guurkeyga aniga iyo seygeyga waxaase ereyo an ficnen iga daba tuurayay qarabdii iyo dadki dariska iyagoo leh “geedki orad lagu koraa orad baa logu so dagaa rerkaan siima dhisnan doono” anigase dhag uma dhigin hadaldii dadka ilaaheyna qayr ayuu habenkaas nogu so dhameyay.
Guurkeygii waxuu alle ka yeelay mid qurux badan kaaso ku dhisan jaceyl, isfaham iyo ixtiraam kadib 2sano waxuu alle noogu hibeyay hadyadihii nolosheyda ugu qalisana mid kamid ah oo waxa uu na sayiiyay wiilkenii curadka ahaa alla mahadiisee waxaa noo sii siyaaday farxadii, jacaylkii iyo quruxdii reerkeena ku dhisnaa
Wiilkenii markii uu gaaray sanad ayaa waxaan qaaday uurkeygii labaad aad baana ugu farxay waxaana la wadagay farxadii xaajigeyga isna aad buu ugu farxay waxan si qaasa ugu sii farxay anigu malinkaas in wiilkeyga wehel heli doono mudo kadib markii ay dhalmadeyda ka harsaneed mudo 22 maalmood ah ayaa waxa na qabsaday dhacdo aan waligeyga qalbigeyga ka go’i doonin,
Subax subaxyada kamid ah ayaa anigoo quraac wiilkeyga iskaga diyarsaday an ku siinayo qolkeyga dhexdiisa seygeygana uu rabo inuu isku diyaariyo shaqdiisa ayuu waxa uu banaanka la istaagay maamadii guriga an dagananen iska leh iyagoo isla sheekeysanaya ayaa durba waxa kasoo dul dhacay labo nin oo bastoolado wataan hadalba ma aysan la galinee waxay ku bilaween inay xabadeyaan xabadii u horeyse kumay dhicin albaabka ayey ku dhacday gudaha ayu so galay isagoo soo oradaya waxay la heleen xabadii labaad waxayna ugu dhacday wadnaha agteed
Anigu waan maqlaya dhawaqa xabadaha balse waxaan u heystaa in xajigeyga uu isaga bistooladiisa baraweysanaya oo waxan is leeyahay alaseydaan maxuu dariska o hurdaya ukicinayaa waan so kacay anigoo xaamilo ah istaga idhibaya o is leh so fiiri la hadalna ayaan waxan so furay albabka qolka jiifka an ku jiray waxaba iga hor yimid isagii oo dhawac ah dhiig baxaya hadalkana an karin isagoo sidi u dhac dhacaya ayu qolka ku cararay aniguna hadalkii ayaaba igu dhagayba ma ogi xaladeyda see aheed waxa uu aaday sariirta agteda waxa u so qabsaday bastooladiisi nasiib xumo bastoladu way kala baxsaneed o habenkii ayuu sii kala bixin jire maadama ilma yar no joogan
Isagoon ka gaarin isku xirkii ayaa waxa gadashiis ka yimid laba nin midbaa qolka albaabkiisa istaagay midna gudaha ayu noso galay si uu ugu dhamaystiro xabadaha qolka waxa nagu wehliyo wilkeygii yaraa aan cunada mesha ku siinayay anigu waxan ag taganahay midka xabadaha ridaya balse xaladeyda sidey aheed ilaa hada ma shegi karo waxa ogaalkeyga u horeyse markii uu joogsaday dhawaqi xabadaha o qashta bistoolada baan maqlaya o xabadihii ka dhamaade iyo ninkeygii oo dhulka ku dhacay wilkeygana agtiisa joogo
Anigoo miir aan laheyn ayaa waxaan iska daba orday nimankii o baxay ma ogi sidaan noqday ogaal uma daba ordayo shoogi aan qaday baa iwada go’aygii aan qabay wadada ayu iiga sii dhacay meel an u ordaayo iyo meel kale ma ogi balse inan wadadii nimanka ku socda unbaa ii muqda waxan halmar maqlay maamo ileh “gabdha ordaysa soo hebla ma ahan” soo qabta
Markaan soo noqonayay waxaa niyadeyda ku jirtay wiilkaga iyo aabihiis maba noole mid un hadey naf ku harte halagu badbaadiyo waxan kuso laabtay gurigii waxan si toosa u aaday qolkeygii jiifka waxana la kulmay seygeygii oo meesha yaala wilkeygana uusan jogin waxaan is dhahay wiilkaga wu dhintay dadki ayaana qaaday waxan oohin kala dul dhacay ninkeygii o meesha ku dhiig baxay dadkii ayaa so qaaday barandadii ayey dhigeen intii gaari iyo wax lasoo waday ayay naftii ka baxday maamo meesha joogta tiri wu naf baxay balse anigii maan quusan oo waxan dhahaya wuu nool yahay dhiig bax ayuu la suuxay isbitaalka an ka gaarsiino markaas ayey itiri habaryar qof dhintay iyo qof nool kalama taqanide gudaha gal oo waajib aya ku sarmaye(asaay) sidii ayaa gudaha la ii geeyay anigo aad u ooyaya waxa mesha ka dhacayana an rumeysan karin ilbiriqsiyi sideey saan dunideyda iskugu badashay.
Waqti yar kadib waxaa la iikeenay wiilkeygii aad baan ugu farxay inuu wali nool yahay intaan laabta gashtay ayaan iska dul ooyay , wax yar kadibna waxa ii yimid qoysaskeenii meedkii aya la duugay waxaana la iiso waday xaafadii hooyadey
Mudadaas aan xaalada ku jiray ilmahii caloosheyda ku jiray ma aysan nuuxsan jirin waxay igu noqotay murugo kale oo waxaan ka fakarayaa amaa waysaa ilmaha yar calosha kugu jira waqtigaas waxa nagu soo food lahaa bishii barakeysneed ee ramadan waxaa la gaaray malinki kowad ee ramadan wanan soomay waxa galabtii i waday abtigey oo iyiri soo bax iska soo luga baxso waan raacay kadib wan iska so laabtay waxa la gaaray waqtigii afurka wanan afuray markaas ayaa ilmihii yara caloosheyda ku jiray bilaway nuux-nuuxsi aad ayana ugu farxay.
Waxa aad usoo dhawaaday waqtigeygii dhalmada ramadaan 10-kiisi ayaan fooshay waxuuna alle igu arsaaqay gabar ma umaleynayo farxada aan farxay maalinkaas in dib isoo mari doonto nolosheyda inta ka dhiman waxay daawo unoqotay dhawacyadii iyo murugtii aan so maray waxay qaboojisay qalbigeyga waxayn dib iigu soo celisay farxadii aan wayay waxay aheed nimcooyinka ilaahey isiiye midii ugu qaalisaned waxayna aheed xasuustii u danbeyse ee aniga iyo seygeyga ilaahey nogu hibeeyay.
Kadib 3maalmood markaan dhalnaa ayaa waxa noo yimid qoyskii ninkeygii waxayna dalbadeen wiilkeyga inay wataan ay iyaga koriyaan anigana aad baan u ilma jeclahay mana ogalen 2daas an dunida ka fiirsanayo inay iga fogaadan waan ka diiday hadana waxay dalbadeen inay idumalaan arintaasna wan ka diiday sidii dadkeenii soomliyeedba ubadnayeen reerkii xiriirka ayey noo jareen dib noo maysan eegin markaas ayana iskugu keena danbeyse.
Maalinkaas ka dib waxaan go’aan ku gaaray inan caruurteyda wax uqabsado meel aan ka soo saaro gacan dad kalena aanan sugin waxaa qayb wayn koriimadooda ka lahaa ilaahey qayr ha siiye hooyadey iyo aabahey oo igarab taagna xaalad walbo aan nolosha ka marayay , 3sano markii ay gabadheyda gaartay aysan iibahnen ayaan waxaa bilaaway inan nafteyda dhiso waxaan galay machad diini ah o aan ka dhiganayay (kuliyada dacwada qaybta kitaabka iyo sunnada).
Mudo kadib Wiilkeygii curadka ayaa Qur’anka dhameyay isagoo 10jir ah markii uu gaaray 11sanana waxan geeyay iskuul waxa uuna ka fariistay fasalka 4aad qamiista iyo jimacahana waxa u dhigta machad diini ah aad ayuuna waxbarshiidasa ugu dadaala , sido kale gabadheydana waa 9jir madarasado iskuul iyo dugsi iskugu jira ayey dhigataa iskuulka waa 2aad Qur’ankana wexee mareysaa (surat: naxli).
Alxamdulilah 9sano kadib manta aniga iyo caruurteyda nolol farxad iyo xasilooni ah ayaa kujirnaa waxaana unoqday hooyo aabe iyo saaxib inataba Inkastoo aan si buuxda booska aabe ubuuxin karin waxaan isku dayaa inan ka ag dhawaado inan uwada noqdo aysan dareemin in wax ka maqan yahay
aad ayaa ujeclahay carurteyda madama waqti adag aan laso maray naxariis aabe aysan arkin waxkasta ay dalbadaan hadaa awoodo wan usameyaa si aysan nusqaan yar udareemin “
Itaasna waxay aheed gabdhii da’da yareyd waaya aragnimadii ay kasoo martay nolosheedii iyo siday ay ugu soo dhabar adeegtay xanuunadii soo maray .
Waxa jira dhalin aad ubadan oo haysa shaqo la’an iyagoo waxbarshadooda kuso qadatay sanado badan iyagoo haminaya inay beri wax taraan naftooda iyo walidkooda oo kusoo tiir iyo tacab beelay.
Waxay dhafrayeen habeeno iyagoo hamigoodu sareeyo raja badana ka qaba inay shahdadooda iyo aqoontooda ku meel mari doonan bari waalidkooda waxuu kusoo dhibtoonayay lacagtii ay wax ku baran lahayeen iyagoo qaar kamid ah ay qoraxda subax ilaa galab taagan yihiin, kuwana habeen o dhan usoo jeedaan, iyo kuwa kaloo naftoodaba qatar ugaliya si ay usoo helaan lacagtaas ay caruurtoda wax ku baran lahaayeen.
Kuwa dhalintaas ka mid ah baa gaari raac awoodin oo duhurkii qoraxdoo kulul ku lugeyn jiray isagoo u socda ama ka yimid dugsigii waxbarashada , kuwa baa haysan lacag ay sambuus am biyo ku cabaan sacadaha ay joogan dugsiga balse u adkeysanayo o waxa ka wayneed riyada iyo rajada uu mustaqbalka sawiranayo.
Maantase waxa ugu badan ay ka cabanayaan waa inay yihiin jaamiciyiin balse aysan heysan shaqo ay shahadadooda ku keensadeen iyo aqoontoda oo waxaa laga doorbiday wiilka ama gabadha ninka dowlada ku jiira adeerka u yahay ama isku cida yihiin.
Waxay badankoodu dantu baday inay noqdaan bajaajle yaal ay bajajta lacagtedina ku keenaan deen ama hooyadii shale kuso feera jabtay waxbarshadoodi maantana waxii u ku shaq eysan lahaa lacagteeda ka dhiibto wa aduunyo iyo yaabkeediye!!
Kuwa baa ka quustay inay wax bartaan iyagoo ka tusaale qaadanaya kuwii ka horeeye ee shahadadoodii meel gaarsiin wayse , kuwa kala ayaguna manta tiktok iyo meel aan macno laheen kaso jeestay iyago is leh shahadadii wax lagu heli wayay o laba jeerba qaraabo-nimo aya shaqada la isku siiya.
Maxaan shahaado u raadineynaa hadaanan dadkeena iyo dalkeena waxba kaga anfaci kareyn ..?