Stories by Ali Qoryoley on Medium
My Visit to SIMAD University During the Somali Cultural Week.
I would like to extend my sincere appreciation to SIMAD University for the opportunity to visit during the celebration of Somali Cultural Week. This visit was truly meaningful to me, as it allowed me to closely engage with presentations, exhibitions, and activities that beautifully reflected the rich heritage and culture of the Somali people.
I especially commend the smooth organization of the programs, the warm reception extended to guests, and the commitment shown by both students and the university administration in promoting and preserving our cultural identity. This event served as an important platform to encourage the youth to learn about, respect, and pass on Somali traditions to future generations.
I was particularly impressed by how actively each faculty participated in the week’s activities, with every department making remarkable efforts to showcase cultural elements in a unique and thoughtful way.
Finally, I express my heartfelt thanks to the management and students of SIMAD University for their warm hospitality and the dedication they demonstrated throughout the event. It is truly commendable to see universities playing a vital role in the promotion of Somali culture and knowledge.
#CulturalWeek2025 #SIMADCulturalWeek2025 #SIMADUniversity #SIMADFamily
MAHADNAQ GUUD
Waxaa manta soo gaba-gabeyey tababar muddo afar isbuuc ah aan soo waday, kasoo aan ku baraneyey blog writing. Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay in aan fursad u helay course-ka, maadaama aan jeclaa in aan mar un qeyb ka noqdo bahda qoraalka, waxaana fursad u helay sanadka 2025 inaan qeyb ka noqdo bahda ay fursadda siisay Somali Public Agenda. Waxa aan ka mid noqday dafcada 8aad ee ka aflaxday tababarka blog qorista.
Muddadii afarta isbuuc ee aan baranayey course-ka, runtii waxay ii aheyd mid aan ka kororsaday wax badan oo aan is leeyahay waxay qeyb weyn ka qadan doonaan habqoraalkeyga, iyo sida aan afkaarteyda ula wadaagi lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.
Waxa jirtaa orah dhaheyso; waxaad xifdiso waad ilaabeysaa, balse waxaad qorto waxay ku noqonayaan kuwa raaga. Taas oo micnaheeda tahay haddii aad wax qorto, inuu yahay mid wax badan ku keydsami kara, ama meelo badan gaari karo, sababtoo ah hadii aad buug qorto, buugaas wuxuu noqon karaa mid meela badan gaaro sanado badan kadibna la akhrisan karo.
Bilowga sanadka wuxuu ii noqday in aan billaabo qeyb ka mid ah qorshayaaalkii aan doonayey in aan xaqiiyo sanadkaan. Kuwa kale waxaan rajeynayaa iyagana si nabadi ku dheehan tahay in ay kusoo gaba-gaboobaan insha alaah.
Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa saaxiibada aan soo wada joognay muddadii afarta isbuuc aheyd, ee aan wada qaadannay course-ka, waxaan mahad celin gaar ah u dirayaa saaxiibkeey Ibraahim Nolosha, oo runtii qeyb weyn ka qatay inaan fursasdaa ka faaideysto.
Gunaanad
Waxaan u wada mahadcelinayaa dhamaaan macalimiinta waqtigooda inooga faa’ideeyey muddadii aan ku jirnay barashada xirfada blog qorista. Si gaar waxaan ugu mahad celinayaa saaxiibada Somali Public Agenda.
HAYAANKEYGII WAXBARASHO
Ku dhawaad muddo afar sano ama shan sano baan soo fadhiyey fasal. [ Safarkaas waxa aan ugu soo amba-baxay meel u jirta magaalada Muqdisho ku dhawaad 120 km.] Muddo dheer oo fara badan oo isugu jira maalmo adag iyo kuwa farxad leh kadib, waxaa si nabad leh iigu soo gaba gaboobay safarkii waxbarasho ee aan ugu soo hayaamay Magaaladii fogged. Maalmahaas farxadeed ka dib, waxaa isoo wajahay caqabado fara badan oo aan xal u waayay. Waxaan ahay curad reerka u weyn oo la wada eeganayo, kaaso laga rabo inuu reerka kusoo kordhiyo is debel nololeed, maadaama reerka iska yahay reer danyar ah daggana magaalo dhaqankeda inta badan ay tahay xoolo dhaqato, beelaleey iyo xoogsato.
Aniga reerkeenu wuxuu iska ahaa reer iska tabar yar, kaasoo leh xoolo yar iyo beero lagu dabari jiray nolosha reerka. Xoolihii reerka badankooda waxaa lagu baxshay intii aan ku jiray hayaankii waxbarasho, maadaama jaamacadda aan dhiganayey ay aheyd mid la iskaga baahanyahay qarash. Taas waxaa ii dheeraa in aan ahaa nin aysan magaalada cid ama qarabo ugu soo horeyn. Waxaan dagganaa qol afar meter ah, kaasoo aan wada dagganeyn labo saaxiibo kale oo aan bahda qalin wadaagga nahay.
Kadib afarta sano ee jaamacadda, nin waliba wuxuu raadsaday sidii uu u heli lahaa shaqo ama wuxuu ku dabbaro reerka sugayey. Waxaan warqadeennii waxabarashada geynay ilaa 100 xarun ka badan oo ay u badan yihiin shirkado ka howl gala magaalada. Muddo bil ah ka dib waxaan is wacnay labadii saaxiib ee aan halka qol wada dagganeyn ugu yaraan si aan isaga wareysano qofkeenna helay wax shaqo ama xaaladda uu la kulmay.
Mid ka mid ah saaxiibada aan wada dagganeyn baa si dareen hadal leh nagu yiri ‘aniga reerkeyga ma aqaan si aan ugu sheego xaaladda ka jirta magaalada iyo filashada aan aniga heystay’. Waxaan is lahaa afar-sano ka dib waxaad noqon doontaa mid reerkiisa ay ku ildoogsadaan, noloshoodana wax badan ka beddeli doono. Hase ahaatee, ma aysan noqon. Waxaan noqday mid is weydiiya su’aalo har iyo habeen maadaama wali aan helin xalkii aan magaalada usoo raadshay, reerkeygana ma aqaan si aan wax ugu sheego, aniga mustaqbalkeyga meel iska dhig.
Wali waxaan ahay mid rajo ku nool ah, oo nolosha la daalaa dhacaya, waxaan aaminsanahay mar un nolosha in ay hagaagi doonto rajadana dhaboobi doonto.
Qore: ali Qoryooley
Ali qoryooley
GEERIDII AABBAHEY: MAALINTII IIGU MURUGADA BADNEYD NOLOSHEYDA
Galabkii ayaan wada shaahnay oo wada sheekeysannay. Hadalladii uu galabkaas igu dhahaayay waxaan ka dheehday kuwa dardaaran iyo waano isugu jira. Hadalladiisa waxaan u arkaayey ineey ii ahaayeen kuwo culus oo hogatusaaleyn ah.
Xilliga maqribada ayaa waxaa soo wacay, oo ay aad u wada sheekeysteen walaalkeey iga weyn, Cabdullahi Maxamed Barrow. Aad bay u wada kaftameen, intaas ka dib waxa uu mid mid ula hadlay ilmaha; uu dhalay walaalkey, iyaga oo aad u kala warqaaday. Hadallada ugu badan, ee ay dhahaayeen ilmaha uu awoowga u yahay waxay ahayen: “Aabbe muxumud goormee inoo imaaneysaa?” isaguna waxa uu ku lahaa: “Aabbe waan imaan doonaa Insha Allaah, sannadkaan dhexdiisa haddii ay nafi igu jirto”. Intaas ka dib waa ay is wada macsalaameeyeen wayna kala tageen.
Waqti yar ka dib, waxaa soo wacay nin ay saaxiibo ahaayeen oo aad ay isugu dhawaayeen; oo la oran jiray Cabdiwahaab. Markiiba wey isa salaameen. Salaan ka dib, ninkii saaxiibkiis ahaa waxa uu ku yiri: “muxumud ilmaha maad ka soo kaxeysid, halkaas carro-dhoobeyda ah,” waxa uu ugu jawaabay oo uu ku yiri: “Cabdiwahaaboow ilma caanaha lo’da lagu soo korshay, oo aan la’aantood ahaan karin maa xamar lagu heyn karaa”?
“Muxumadow waxaas inaad iska deysid, goorta kuugu dhaw ee aad meesha ka soo bixi kartaan ii sheeg; guriga aad xamar ka dagi laheyd aniga ayaa sii diyaarinayee”. Aabbe wuxuu dhahay: “ninyahow hadda aniga sisin baa ii tacban, oo ii Anbuuleysan, iyadaas baan sugayaa oo aan ka soo tagi karin; xamarna aniga kuma noolaan karo oo xoolaheyga iyo beeraheyga ayaan isaga dhex jirayaa. Abdiwahaab, walaaloow iska key dhaaf." “Muxumed waxaas iska dhaaf, ee waqtiga kuugu dhaw ee aan ku sugayo ii sheeg” markiiba Aabbe wuxuu dhahay: “soonka ayaan soo bixi, haddii uu mowdkua i daayo. Mowdkaa ka dhawe!.”
Habeen Jimco ah, waqtigana aan ku qiyaasay sagaalka fiidnimo ayuu qolkiisa ku xarooday; asaga oo caafimaad qaba. Habeenkii aniga waxaan ka imid meel aan Qur’aan akhris u jiray, ka dib baan qolkiisa ugu tagay oo ku soo salaamay; wuxuuna igu dhahay: “berri waa Jimco ee cambuladii bunka lagu cuni lahaa mala saaray?". Maalin kasta oo jimca ah, guriga baa la isugu imaan jiray oo lagu wada buneysan jiray,; maadaama uu isaga ahaa nin oday ah oo tolka u soo talo doontaan. Intaas ka dib anigu waan ka soo tagay, oo waxaan wehel u ahaa maamo deriskeenna ah oo ninkeedii ka dhintay. Wax yar ka dib abbaaro 9:30pm, ayaa waxaa daaqadda guriga ii soo istaagtay hooyo oo carareyso; oo igu leh “Cali soo toos, Aabbe waa sakaraad ee soo orod!” Waan naxay! Dhidid dhibco roob la moodo ayaa iga yimid. Wadnuhuna si xowli ah ayuu ii garaacmay.
Isla markiiba horay ayaan albaabkii ka furay, oo waxaan soo daba kacay hooyadey. Waxaan u tagay Aabbe oo aan hadli karin oo sariirta saaran. Ka dib waan soo orday oo adeer deriska ah, ayaan u wacay. Aabbe ayaan banaanka wada keennay. Waxaa la wacay abboowe oo markaas magaalaada Muqdisho degganaa, waxaa na loo sheegay Aabbe in uu sakaraad yahay. Isla markiiba hooyo ayuu la hadlay oo waxa uu ku dhahay “Aabbe haddii ay xaladdiisu darantahay, eeddo, ha la soo qaado.”
Annaguna markaas waxaan degganeyn degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, oo Muqdisho u jirta 120km. Markiiba babuur ayaan raadis u galnay, waana soo helnay.
Saacaddu waa 12:00pm oo habeennimo. Magaalada looma oggola habeen inuu baabuur soo galo, uuna ka baxo, sababtoo ah magaalada habeenkii waa bandow.
Waxa aan wacnay maamulkii halkaaa jogay, ama ka talinaayay, waxaana loo sheegay in qof bukaan oo sakaraad ah, aan u rabno in Mogadishu loo qaado maadaama magaalada aysan laheyn goobo caafimaad oo waaweyn. Waa ay naga oggolaadeen halkii ayaana ka soo ambabaxnay. Habeenkii oo idil ayaan soo guureyneynay oo aan waddada soo haynay. Aabbe na xaaladdiisa marba marka kasii dambeysay waa ay sii adkaaneysay. Waddadana waa habeen oo lama kala garan karin halka aan marayno, intaas waxaa inoo sii dheeraa, roobab ayaa ku sii da’ayay waddooyinka oo dhiiqo ayey wada ahaayeen.
Waqti dheer ka dib waxaan soo gaarnay degmada Afgooye, goor aan ku qiyaasay lixdii aroornimo. Waddadaas aad ayaan ugu soo rafaadnay, laakiin Afgooye markaan soo dhaafnay, waddadu sidii hore wey dhaantay. Waxaa xilligaa Ceelasha Biyaha nagu sugaayey, abboowe iyo abbaayo oo halkaa degganaa. Halkii ayaan ka soo marnay oo gaariga eyey nala soo raceen., Markii aan soo gaarnay halka magaalada Muqdisho laga soo galo,; oo lagu magacaabo siinka dheer ayaa nala istaajiyey oo waxaa na lagu dhahay: “garigaan ma naqaan mana fasixi karno, sababtoo ah magaalada qaraxyo ayaa ka dhacay lamana oggola inaan idin sii deyno”. Waa jahawareer iyo quus kale! Mana aheyn xaalad aan ku talogalnay, sidoo kalena qof liita sida aabbahey ma mudneyn in sabab noocaas ah darteed loo celiyo.
Markiiba dib ayaan u soo labannay, oo waxaan imaannay isbitaal ku yaallay deegaanka Ceelasha Biyaha; oo lagu magacaabo Zam-zam Hospital. Waxaan ka soo qaadannay umbulance, ka dib baan waddadii ku soo laabannay waana nala fasaxay. Waxaan isku qabsannay, in aan laba hospital midkood geyno;. Digfeer ama Somali Sudanese. Markiiba waxaan isku af-garanny in aan Soomaali Sudanese geyno. Markii aan isbitaalkii dhankiisa u sii dhaweyn, ayaa Aabbe waxa ka yimid matag xab ah. Markii aan irridda isbitaalka ka galnay, oo an umbulance-kii ka dejinnay ayaan maqlay cod dheer; oo leh “Aabbaha afka isugu qabo naftu wey ka baxeysaa!” Aad baan u naxay! Tabartii ayaa hal mar iga tagtay sidii qof koronto ku dhegtay oo kale. Wixii la igu yiri waan sameyn kari waayay. Neeftii baa igu dhegtay. Waxaan ku sigtay in wadnuhu i istaago. Nin agteyda taagnaa oo adeer iigu aaddanaa ayaa isku qabtay aabbe afkiisa. Xaqiiqdii waan aamini waayay, oo waxaan ku cabaaday, “war saallada ha la saaroabbe waa uu noolyahaye!
Waxay aheyd subax Jimco ah, taariikhdana ay ku beegneyd 1/3/2019. Meydkii aabbe ayaan isbitaalkii ka soo qaadnay, oo waxaan ula soo laabannay xaafaddii Ceelasha Biyaha; si meydkiisa loogu duugo qabuuraha calamada ee gobolka Shabeellada Hoose.
Aabbe macaan Allaha kuu naxariisto. Mudda 7 sano ah ayaa laga joogaa geeridaadii naxdinta laheyd. Waan ku soo booqday, mar walbana waan soo booqan doonaa qabrigaaga. Kuwii jannada ku kulma Allaha naga dhigo. Aamiin.
Ali Mohamed barrow.