Stories by Sooyaan caalin warfaa on Medium
abraham
Diimaha tawxiidka ah, marka ay qeexayeen doorka iyo kaalinta haweenka ee nolosha sida aan hore u aragnay wax si weyn uga soo dheegteen qiyamka bulshooyinka raggu hoggaaminayeen iyo nidaamyadii dabaqada ee ka jiray waqtigoodii. Bulshooyinkaasna waxa saldhig u ahaa kala qaybsanaan cad oo u dhexeysa kuwa dhulka iska leh iyo addoomaha ha ahaadeen rag ama dumarba.
Farriimaha ay nebiyadii Muuse, Ciise, iyo Muxammad u gudbiyeen dadkooda, asalkoodu wax uu ahaa baaq kacdoon oo ka dhan ah dulmiga nidaamka addoonsiga in kasta oo ay jireen kala duwanaansho ku yimid nuxurka iyo qaabka ay wax u barayeen maadaama mid walba ku dhashay duruufo bulsho iyo dhaqaale mid walba u gaar ah, haddana dhammaantood wax wadaageen hal arrin oo asaasi ah: diidmo cad oo ka dhan ah dulmiga addoonsiga. Diidmadaasi marna waa ay qoto dheerayd marna way koobnayd balse weligeed ma maqnaan haddaba Maaddaama kaalinta haweenku si dhow ugu xidhnayd xidhiidhada bulsho iyo mida dhaqaale ee waqtigaas jiray dadaal kasta oo lagu doonayay in lagu burburiyo nidaamka dulmiga ah ee addoonsiga wax uu si toos ah ama si dadban u taabanayay xaaladda haweenka. Arrintani si gaar ah ayay uga muuqatay marxaladihii hore ee isbeddelladii ka dhashay Yuhuudda,Masiixiyadda, iyo Islaamka. Si kastaba ha ahaatee, saddexda diinba, kaalinta haweenka wax ay ka hoosaysay tan ninka siiba gaar ahaan Yuhuudda.
Guriga Cibraaniga ah wax uu ahaa qoys uu aabbuhu si buuxda u taliyo; qoys ku dhisan awood aan la murmi karin, una eg nidaamka paterfamilias ee Roomaanka. Qoys kasta oo ka mid ahaa “Wiilasha Israa’iil” wax uu ka koobnaa xaasleyaal naago addoomo ah iyo waayeelba. Madaxa qoyskaas ballaadhan wax uu lahaa aabbaha oo loo yaqaanay roshe. Wax haystay awood sharci iyo mid qaanuuni ah oo dhammaystiran; wax dhaxal sugaha u dooran jiray sida uu doono, waxa gabdhihiisa u maamuli jiray si buuxda, maadaama uu xaq u lahaa in uu midkood iibiyo qof kasta oo bixiya qiimaha uu rabo uu hore kaga darayay. Nolosha ilmuhu wax ku xidhnayd rabitaankiisa; wuu dili karay markuu doono ama xitaa u bixin karayay allabari Ilaah. Sheekada Isxaaq oo Ibraahin u hoggaansamay markii uu go’aansaday in uu u huro Ilaah waa tusaale caan ah. Awooddan nolol iyo geerida wax ay ku fidsanayd dhammaan dadka ku noolaa guriga, ilaa heer uu aabbuhu dili karay gabadha wiilkiisu uu ka dhinto isaga oo gubaya haddii ay ku kacdo sino.
Haweeneyda ku jirta guriga Yuhuudda wax ay ahayd qayb ka mid ah familia-da, sida Roomaanka taas oo qayb ka mid ah hantida aabbaha: lacag, dhul, xoolo, iyo addoomo. Gurigu wax uu ka koobnaa haween, addoomo rag ah, addoomo dumar ah, dibida, dameero, iyo wax kasta oo la lahaan karo. Ninka waxa loo aqoonsaday sayidka ama mulkiilaha haweenka, iyaguna wax ugu yeedhi jireen “sayidkayga.” Dhalashada wiil waa loo dabaaldegi jiray farxad, halka dhalashada gabadh ay keeni jirtay murugo iyo tiiraanyo.
Inkasta oo xayiraado adag lagu xidhay haweeneyda, haddana ninku wax uu xor u ahaa in uu yeesho xaasas iyo naago addoomo ah intii uu doono xitaa in uu la seexdo gabdhihiisa. Labadii gabdhood ee Luud wax ay marba mar lakala seexdeen aabbahood ilaa ay labaduba uur qaadeen. Yacquub wax uu guursaday laba walaalo ah. Ninku wax uu furi karay xaaskiisa waqti kasta. Axdigii Hore wax uu xusayaa sida Ibraahin uga eryay gurigiisa addoontiisa Haajir iyo wiilkeedii isaga oo u diray lamadegaanka isaga oo siiyay wax yar oo kimis ah iyo harag biyo ah ilaa ay ku lumeen ciidda kulul ee lama degaanka ah.
Guurka xaasas badan wax uu ahaa mid baahsan gaar ahaan qoysaska hodanka ah iyo boqorrada. Daa’uud iyo Sulaymaan dhammaantood wax ahaayeen tusaalayaal cad. Sulaymaan wax uu lahaa 700 xaas iyo 300 naagood oo addoomo ah tiro ka tarjumaysa awood hanti iyo xaq u yeelashada jidhka haweenka.
Aragtida bulshadu ka qabto sino way is beddeshay iyada oo ku xidhan duruufaha dhaqaale iyo bulsho ee jiray. Qabiilooyinkii hore iyo bulshooyinkii hooyadu hoggaaminaysay wax ay siin jireen xorriyad galmo lab iyo dhedig labadaba laakiin markii hantida gaarka ahi dhalatay, lana xoojiyay damaca lahaansho, nidaamka patriarchy-ga ayaa adkaaday, ninkuna wax ka dalbaday xaaskiisa daacadnimo buuxda halka isagu xor u ahaa galmo aan xad lahayn oo ay san heli karayn iyadu.
Bulshooyinkaas patriarchy-ga ah wax dhiseen nidaamyo ciqaab oo arxan-darro ah kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday haweenka tumasho gala. Haweeneyda waxa lagu ciqaabi jiray gubid ama dhagax-tuur, sida ku xusan Kitaabka Kunoqoshada Sharciga. Ninku se wax geli karay kumannaan sino isaga oo aan wax ciqaab ah mutaysan. Sharciga Roomaankuna wax badan kama duwanaan jirin isagoo ninka siin jiray xaqa nolol iyo geeri ee haweeneyda uu kula kici karo.
Bulshadii Islaamka wax iyaduna ku dhisnayd nidaam patriarchy ah oo dabaqadeed. Awooddu wax ay ku urursanayd gacanta ragga dhammaan jagooyinkii waaweyna rag ayaa qaban jiray. Islaamku wax ciqaabta wax uu ka dhaxlay Yuhuudda ciqaabta dhagax-tuurka waxa la ogyahay in dilkan lagu fuliyay haween xilliyadii muxammad noolaa Inkasta oo Qur'aanku xusay ciqaabta labada qof ee sino gala haddana xaqa ninku u lahaa xaasas badan, naago addoomo ah, iyo furriin fudud wax ka dhigay in sharcigu si dhab ah ugu dhacayo haweenka iyo ragga saboolka ah oo keliya maadama ay san hayn wax u fudaydiya guurkaasi kala duwan iyo addoonsiga ay san kula kacayn raga kale.
Masiixiyaddu, si ka duwan Yuhuudda iyo Islaamka, wax ay si adag u xaddidday xorriyadda galmo ee ragga iyo dumarka labadaba. Ciise Masiix wax uu ka bilaabay naftiisa, wax uuna ku baaqay daahirnimo ruuxi ah iyo anshax adag wax si cad uga hor yimid dhagax-tuurka haweeney sino gashay isaga oo yidhi: “Qofkii aan dambi lahayn ha tuuro dhagaxa ugu horreeya.”Masiixiyaddu wax ay u dhalatay bulsho patriarchy ah oo addoonsi ku dhisan, halkaas oo Roomaanku ka talinayeen. Ciise wax uu ahaa hoggaamiye kacdoon abuure ah oo u hadlay addoomaha iyo saboolka, wax uu ka hor yimid dulmiga iyo musuqmaasuqa kuwa awoodda hayay. Si kastaba ha ahaatee halkii uu ka dooran lahaa kacdoon hubaysan wax uu doortay waddo nabadeed oo ku dhisan naxariis, daahirnimo, iyo anshax adag taas oo ka dhigtay galmada iyo raaxada jidhka kuwo si xooggan loo cambaareeyo.
Sidaas awgeed, weerarka Ciise ee sino-galka rag iyo dumarba wax uu dhab ahaantii ahaa cod u hadlaya addoomaha iyo qaybaha saboolka ah ee bulshada, kuwaas oo haweenkoodu ahaayeen ugaadhsi joogto ah oo u furan kuwa awoodda iyo hantida hayay.
Markii aanu iskuulka soo galnay ee waxbarashada bilownay, Itoobiya waxa ay ka guurtay nidaamkii caskariga ahaa oo loo beddelay nidaam federaal ah, taasi oo saamayn ku yeelatay waxbarashada iyo dhaqan bulsheedkaba. Waxbarashadu waxa ay lahayd tayo iyo qorshe cad, waxa kamid ahaa waxa lagu baran jiray Milgaha Qaranka (Civics), maado muhiim ah oo ku bilaabmi jirtay fasalka 5aad. Waxa ay diiradda saari jirtay dawladnimada, xuquuqda, sharciga,anshaxa iyo toosinta bulshada.
Laakiin nidaamka waxbarashadu waxa uu ka duwanaa xaqiiqada dalka. Inkasta oo buuggu ku dhisnaa wacyi iyo qiyam casri ah, dalku waxa uu ku jiray xukun kelitalis ah. Maaddada Civics waxa ay ahayd cashar ardayga baraya sinnaanta iyo cadaaladda, balse nolosha dhabta ahi waxay ahayd mid ka fog qiyamkaas.
Waxa aan marar badan la yaabi jiray booliska dadka caayaya, dhalinyarada timahooda xoog ku xiiraya, ama wadaadka Ramadaanka dadka aan soomanayn xidhaya. Waxa kale oo iga yaabin jiray kufsiyada iyo cadaalad-darrada iyo ka nabad geli la’aanta ninka askariga iyo bulshada iyo wadaadkaba. Dhacdooyinkaas waxa ay igu abuureen jaah-wareer, maadaama waxbarashadu sheegaysay xuquuq iyo xorriyad, halka noloshu muujinaysay ciqaab iyo caburldhin.
2013 G.C. ayaan u imid Jigjiga si aan fasaxa ugu nasto. Halkaas ayaa anoo maalmo jooga la iqabtay timaha la iga xiiray anigoo aysan xaq iigu lahayn, taas oo igu dhalisay cadho badan. Maalintaas waxa aan dareemay in xorriyadda aan ku baranayay maadada Civics ay ahayd eray madhan. Waxa aan xasuustaa macalinkaygii had iyo jeer sharxi jiray "xorriyad", balse isla xorriyaddaas ayaa maalintaasi igu muuqotay mid god gashay.
Maaddada Milgaha Qaranka waxa ay ahayd tiir muhiim ah oo lagu kobcin jiray wacyiga ardayda. Waxay ahayd in ardaygu fahmo waxa dawladnimo tahay, maxay yihiin xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadinka, iyo sida loo wajahayo musuqmaasuqa iyo cadaalad-darrada. Inkasta oo lagu dhaqmi waayay, haddana waxa ay ahayd cashar dhaxalgal ah oo ardaydu ka qaadan karaan wacyi siyaasadeed iyo bulsho taasi oo mustaqbalka dhisaysa arday dimuqraadiyada si wayn oo mugle u fahansan.
Markii xukuumadda Abiye Ahmed ay manhajka ka saartay Civics sababo siyaasadeed, waxa meesha ka baxay fursaddii dhalinyaradu ku baran lahaayeen qiyamka dawladnimo. Taasi waxa ay dhalinaysaa jiil cusub oo aan wax fikrad ah ka haysan xuquuqaha muwaadinka, waajibaadka bulshada, iyo qiimaha sinaanta iyo cadaaladda. Halkii ardaydu ka noqon lahaayeen dad wacyi iyo fikir leh, waxa laga yaabaa in ay noqdaan jiil dhago xidhan oo ku nool jahli iyo kala fogaansho siyaasadeed.
Dalku waxa uu u baahan yahay waxbarasho kor u qaadda garaadka, anshaxa iyo fahamka bulshada. Haddii ardayda laga joojiyo maadooyinka aasaaska u ah dawladnimada iyo wacyiga, waxa la abuurayaa bulsho aan ka warqabin xuquuqdooda iyo sida dawlad loo dhiso. Arrintaasi waxa ay ku dambayn kartaa in la abuuro jiil sahlan in la maamulo, balse adag in uu u taagnaado cadaalad iyo xuquuq iyo lahaanshiyo.
Gunaanad
Xusuusta aan ka leeyahay Civics waa mid is dhexgalaysa filasho iyo jahawareer. Buuggu wuxuu na barayay qiyam wanaagsan, laakiin xaqiiqadu waxay ahayd mid lid ku ah. Haddana, ka saarista maadadaasi waxay u muuqataa tallaabo kas ah oo lagu yareynayo wacyiga dhalinyarada. Mustaqbalka dalku waxa uu ku xidhnaan doonaa in ardaydu helaan waxbarasho ku dhisan xorriyad, cadaalad iyo fahamka dawladnimo, halkii laga dhisi lahaa jiil jahli iyo cabsi lagu hago oo mustaqbal is xasuuqa iskuna amar ku taagleeya.
Taariikhda fanka oo qolo walba ka istaagto geesteeda se geelaydu af-duub ku samaysay oo la yidhaa balwo ayay ka bilaabantay, haddana maaha mid loo dhanyahay oo ay inala qabaan soomaalida beeralayda ahi iyo mida kaluumaysatada ahiba. Fanka taariikhdiisa unkanka marka laga yimaad marxalad ayuu marayay oo kobac ayuu bilaabay fanka oo idili xilligii gobonimadana ilaa uu kaalin-gal noqday heesaagii iyo cidkasta oo u qalab tuntaba. Sida dawladnimada afrikaanka loogu urursho caasimada ayaa waxa loo gole xaadhay magaaladii Muqdisho oo uu fankii ka siraadmay kuna darartay maansadu. Halkaasi ayuu fanku ka sinaaday, nin waliba dhiniciisa ayuu ka shubay, se Af-Maxaatiri waxa uu fankoodu ku loolamay siyaasadda, halka fannaaniinta benaadiriga ahi ay ku mashquuleen waayaha dareemaha kalgacaylka, quruxda dhalinyarada. Waxa uu ahaa fan kalgacal badan oo barbaar iyo gabadh baarkasare fidhataaba u caways tagto goobaha kalgacalku ugu soo dego sida wax yiga oo kale ay noqdaan.
Waxa uu maalinba waayo maro fankaasi. Kooxo badan ayaa dhismay oo kaalin-gal noqday, oo muusikada geelayda ka casrisanaa oo laxanka kaga horeeyay lana jaan qaaday waayaha iyo kacdoonkii fanneed ee dunida ka jiray. Sidaana ku hantay dhagaystayaal badan oo caalami ah. Waxa uu ahaa fan kulansaday dareen iyo laxaw kalgacal. Fankaasi waxa uu godgalay 1991-kii markii wadanku godgalay. Waxa aan muuqaal daawaday uu Xabiib Sharaabi uu heesayo isagoo rajo ka qaba dawlad dhisanta, maadaama laga tuuray dawladii hore oo la isbaxnaaniyo, oo qulubka dagaalku uu watay iyo xanuunadiisa loo dhaymo helo. Se taasi ma aysan dhicin, dagaalo sokeeye ayaa bilaabmay. Waxa loo halgamay waxa laga dhigay kursiga ninka dhintayna isagaa isqudhgooyay. Burburkaasi waxa uu firdhiyay intii yarayd ee rajada qabtay, haddana colaadihii balaadhay oo diin iyo qabiil isku sidkan ayaa ka bilaabmay, nin walba meel u carar.
Fankii geelaydu waxa uu ka nabad galay burburkii labaad. Waa sababaha fankoodu u sii taagnaaday, se fanka Muqdisho u burburay iyo kooxii jirayba. Talaabada badbaadada u ahayd fanka geelayda waxa uu ahaa ninku cuudkiisa haddii uu sito waa ku ridanayay heesta, oo qalabka aynu tumanaa mid uun buu ahaa. Halka kaasi kaga casrisanaa qalabka oo ay tumanayeen jaadkasta oo faneed marka koox ahaan lagama maarmayn, waana lakala firdhaday. Waa halka uu Xabiib Sharaabi ka diiday in uu ku heeso playback, oo uu san ku dareemayn dhandhan iyo macnihii fanku lahaa oo waayaddan danbe ina haysta.
https://youtube.com/watch?v=qjnRW6LQ0GM&si=854NJEF7WJEpgrEZ
Documentary waxa ka duubtay oo isbarbardhig ku samaynaysa The Guardian oo fankii casriga ahaa dib u eegaysa, iyadoo kooxihii Muqdisho ay matalayaan Shambal oo ay dhidibada u taageen Cabdiqaadir Kuuriya, Xabiib Sharaabi, Macallin Nuur iyo Macruuf Caydaruus. Waa lakala irdhoobay, se waxa dib laga soo qabtay Cabdiqaadir Kuuriya oo ku jira xero qaxoonti oo ku taalla Kenya. Waxa uu waayay fankiisii iyo intii ay isgarabsan jireen, sida awgeedna uu u sababsaday in uu ka fadhiisto fankii.
Mar Cabdisalaan Hereri waraysanayo Xabiib Sharaabi, oo ay ku kulmaan tiyaatar ay ku qabanayaan bandhig fanneed waddanka Portugal ka, markaasi ayuu Cabdisalaan wax ka waydiiyaa midowga kooxdan cusub oo ku kala jiray kooxo hore oo burburkii saameeyay. Waxa uu ku jawaabay: ma heesin mudadaasi oo dhan cid ii tunta aawadeed, waa necbahay playback, oo tooska ah ayaan ku raaxaystaa kuna dareemaa in aan heesayo. Kooxdana aad buu ugu faraxsan yahay.
Marka qaybta Hargeysa waxa ay waraysteen Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo kayd faneed sameeyay, oo dib u qaadeen heesihii hore, dad uu soo xulay kuna kaydshay xarunta dhaqanka, iyo Sahra Halgan oo iyadu fannaanad ahayd. Dib ayaa loogu milicsanayey fanka geelayda. Runtii, walow ay isku xidhan tahay xasilloonida iyo fanku, gees kale in ay qurbuhu deganaan ku dareemin ayay tilmaantay, oo fankii Yurub lama fadhiisane, dib ayay wadankii ugu soo laabatay oo ay ka unugtay Hido-dhawr, madal fanneedda oo dib loogu qaado heesihii hore.
Se waxa fanka geelaydu u dhandhami waayay waa in uu weli fannaanku dugaashanayo muusiko hore, iyo in uu san fanaanku ku heesin cod live. Waa uu ka saamayn badanyahay live-ku playback-ga. Fanka soomaalidu midna dawladnimo-darro ayaa curyaamisay, halka ka kalena ay curyaamisay farsamo aan loo hagar bixin. Intaasina ay dheertahay hirdanka wadaada kala dhaxeeya.
Safar Maskaxeed iyo Dareen Ku Saabsan Riyooyinka Nolosha
Filinka The Life List waa sheeko kobcin shakhsiga ah oo ka hadlaysa raadinta riyooyinka, go’aanada muhiimka ah, iyo isbeddelka nolosha. Waxay si qoto dheer u muujinaysaa isku dhafka dareenka, mas’uuliyadda, iyo horumarka shakhsiga, iyada oo ka tarjumaysa safarka qof kasta oo riyo leh. Filinkan wuxuu ku habboon yahay dhallinyarada, qoysaska, iyo cid kasta oo xiisaynaysa sheekooyinka kobcinta shakhsiga.
Sheekadu waxay ku bilaabataa liiska nolosha (life list) ee protagonist-ka, kaasoo ah liis tilmaamaya riyooyinka iyo yoolalka uu doonayo inuu gaaro. Liiskan waxa uu noqdaa hagaha safarka shakhsiga, isaga oo soo bandhigaya himilooyinka, caqabadaha, iyo fursadaha nolosha. Filinka wuxuu si cad u muujinayaa sida go’aanada adag iyo caqabadaha lama filaanka ah ay u saameeyaan koboca iyo fahamka shakhsiga, taasoo ka dhigaysa sheekada mid dhab ah oo la xiriirta waayo-aragnimada aadanaha.
Jilayaasha filinka waxaa loo dhisay si qoto dheer, iyagoo ka tarjumaya dhamaan dhinacyada bulshada iyo shucuurta aadanaha. Protagonist-ku waa shakhs dareen leh, hammi leh, balse mararka qaar ka cabsanaya inuu raaco riyooyinkiisa, halka saaxiibadiisa iyo qoyska ay muujinayaan taageero, muran, iyo saamaynta bulshada ee go’aanada shakhsiga. Xitaa jilayaasha labaad waxay leeyihiin qiyam iyo niyad gaar ah, taasoo filinka ka dhigaysa mid hodan ah oo xiiso leh.
Muuqaalka filinka iyo muusikadiisu waxay si qurux badan u taageerayaan sheekada. Midabka, iftiinka, iyo qaababka camera-ga ayaa xoojinaya dareenka iyo xaaladaha jilayaasha, halka soundtrack-gu uu xoojinayo farxadda, murugada, iyo cabsi la xiriirta go’aanada protagonist-ka. Qaababka camera-ga sida close-ups, long shots, iyo tracking shots ayaa si gaar ah u muujinaya isbeddelka gudaha shakhsiga, iyagoo ka dhigaya daawashada filinka mid soo jiidasho leh oo dareen gelinaysa.
Mowduuca filinka waa fahanka nolosha iyo raadinta riyooyinka shakhsiga. Waxay daawadayaasha ku dhiirrigelisaa inay ka fikiraan himilooyinkooda, sida loo wajaho cabsida, muhiimadda saaxiibtinimada iyo jacaylka, iyo sida go’aanada adag ay u dhisaan shakhsiyadda iyo mustaqbalka. Filinka wuxuu muujinayaa in riyooyinka iyo go’aanada ay isku xiran yihiin natiijada nolosha, isla markaana qof kasta uu leeyahay awood uu ku gaaro riyooyinkiisa haddii uu ka adkaado caqabadaha.
The Life List waa filin dhanka dareenka iyo maskaxda taabanaya, isku dhafaya sheeko xiiso leh, jilayaal qotodheer, iyo muuqaal iyo muusiko soo jiidasho leh. Waxay daawadayaasha ku dhiirrigelisaa inay ka fikiraan riyooyinkooda iyo sida go’aanada shakhsiga ay u saameeyaan nolosha. Filinkan wuxuu si cad uga tarjumayaa safarka shakhsiga ee fahamka, riyada, iyo guusha, wuxuuna ku habboon yahay daawashada qoyska, dhallinyarada, iyo cid kasta oo xiisaynaysa sheekooyinka kobcinta shakhsiga.
Shutter Island – Maskaxda iyo Muraayadda Dhabta
https://medium.com/media/d7396ca2ec533ba65b9364c9c57d432b/href
Shutter Island waa filin sirdoon iyo murugo isku dhex jira oo ka warramaya Agent Teddy Daniels (Leonardo DiCaprio) oo loo diro jasiirad go’doon ah si uu u baadho maqnaanshaha haweeney xanuunsan oo ka baxsatay isbitaalka dhimirka ee Ashecliffe. Waxaa markiiba muuqata in arrimuhu aysan sida muuqata u sahlayn, waxaana bilaabmaya jahawareer iyo walbahaar sii kordhaya.
Scorsese wuxuu filinka u qaabeeyey si uu maskaxda daawadayaasha ugu xiro, isagoo si xeel dheer u adeegsaday sawir-gacmeedyo cajiib ah, muusig argagax leh, iyo sheekooyin dhowr lakab leh. Waxa filinka ka dhex muuqda su’aalo la xiriira xadka ka dhexeeya waallida iyo xaqiiqada: Ma run baa waxa aan arkaynaa mise waa maskaxda burbursan ee Daniels?
DiCaprio wuxuu si qoto dheer u matalayaa halganka maskaxeed ee uu la tacaalayo, isagoo na tusaya dhaawacyo qoto dheer oo ka dhashay waaya-aragnimadiisa gaarka ah. Filimku wuxuu na xasuusinayaa in mararka qaar dadka ay doortaan been ay rumaystaan si ay uga badbaadaan xaqiiqda murugada
Gunaanad:-
Shutter Island waa filin ka baxsan caadiga, oo ku dhiirrigelinaya daawadayaasha in ay su’aalo iska weydiiyaan xitaa daqiiqadihii ugu dambeeyey. Waa shaqo farshaxanimo ah oo mug leh, uguna wanaagsan kuwa doondoonaya filimaan maskaxda gilgila.
Faallo Filin
filin screen
Taxanaha kooban ee 3 Body Problem oo ay soo saartay shirkadda Netflix sannaddii 2024. Sheeka ahaan filinku waa Sci-fi, Fantasy, Mystery iyo Drama. kaas oo ku saleysan buuggii Liyuu Sisin (Liu Cixin) uu qorey. Wax uu ka mid yahay farshaxanka suugaanneed ee ugu sarreeya kaa oo wax ka taabanaya su’aalaha ugu waaweyn ee aadannaha, kuwaas oo ku dhexjira meel u dhaxaysa cilmibaadhis, fikir-falsafadeed, isxisaabin ruuxi ah, iyo muran ka dhan ah diimaha. Gaar ahaan marka la fiiriyo meesha uu kasoo jeedo kacaankii Shiinaha dhaqanka ka dib.
Qormadu wax ay xambaarsan tahay fikir culus oo ku saabsan wax dhaca marka rumaysnaanta diimeed la waayo, laguna beddelo kalsooni ku dhisan saynis gooni ah, iyada oo aan laga fiirsan saamaynta akhlaaqeed iyo mida bulsheed. Muuqaalka filimku wax uu si qoto dheer u dhexgelayaa dunida saynisyahannada dad u taagan halgan garasho balse ay ka maqan tahay ruuxdii rumaysnaanta, taas oo badalkeed ay ka doorbideen tirakoob, aragtiyo arxanlaawannimo ah. Cilmibaadhayaal reer Galbeed ah wax ay muujiyaan dareen ah in garashada iyo maskaxda laga dhigay kitaab la akhriyo halkii ay ka ahaan lahayd qalbi la dareemo. Aragtidaas wax ay la jaanqaadaysaa falsafadda Rijaard Dawkan iyo Istiifan Hawkang oo rumeysnaa in aadannuhu uu yahay natiijo ka dhalatay shil Cosmic ah, ama Big Band iyo go’aanno ku saleysan badbaado daciif ah oo aan xudun akhlaaqi ah lahayn.
Saynisyahannada filimka agnostics ama atheists ah wax ay muujiyaan dareen ah in saynisku yahay ilaha keliya ee runta laga heli karo. Diintu, sida ay u arkaan, waa lafdhabar madhan oo carqalad ku ah horumarka garaadka. Sidaas darteed, go’aamada ugu waaweyn ee filimkan lagu qaato sida in shisheeye lagu casuumo dunida wax lagu gaadhayaa iyada oo la iska indhatirayo qiimaha aadanaha, lana tixgalinayo tiro, miisaan, iyo suurtogalnimo natiijeed, balse aan la is weydiin waxyaabaha aan la cabbiri karin sida naf, dambi, iyo mas’uuliyad. Wax muuqata in marka la waayo rumaysnaanta Rabbaaniga ah, damiirka aadanuhu uu noqon karo mid si sahlan loo baabi’in karo.
Qofka Ye Wenjie oo ah saynisyahanad Shiinees ah, wax ay mataleysaa habdhaqankaas: burburkii qoyskeeda, dilkii aabbaheed, iyo cadaadiskii siyaasadeed ee kacaankii dhaqanka Jayniiska, waxay u beddeshay nacayb bani’aadantinimo.
Wax laga dheehanayaa dareen ah in dhulka iyo dadka ku noolba aysan mudneyn in la difaaco. Meeshii ay ku jiri lahayd raeo, wax ay keentay ka tanaasulid. Meeshii lagu cabbirilahaa bini’aadannimada, wax ay dooratay qudhgoynta aadannaha iyo in cidhibtiro isirka aadanaha. Xaaladdan oo kale wax ay xasuusinaysaa sida kacaannadii siyaasadeed ee qarniyadii 20-aad gaar ahaan kii Shiinaha, kii Soviet-ka iyo Kii NATO ay u wiiqeen rumaysnaantii diimeed, una beddeleen dad tiro ahaan la xisaabiyo, balse si qiiro la’aan ah loo maamulo. Marxismka uu USSR hirgeliyay wax uu la dagaallamay diinta, wax uuna abuuray jiillal cusub oo ku tiirsan “materialism dialectic”taas oo diidaysey jiritaanka wax ka sarreeya maaddada.
Filimku wax uu soo qaadanayaa England casri ah, halkaas oo cilmibaadhayaal reer Galbeed ah ay ka mid yihiin jilayaasha, kuwaas oo u badan aqoonyahanno aan diin laheyn. Halista fikirkaas ayaa muuqata marka sheekadu u leexato dhinaca gumeysiga cirka Cadceedda(Trisolarans) ee doonaysa inay qabsato dunida, taa oo la mid ah Alliance wax taageeraya dad dhulka ku sugan oo doonaya in ay u furaan albaabka si ilbaxnimo cusub ay u timaaddo balse aysan fahamsanayn inay noqonayaan addoomo cusub. Dadkaas qaar iyaga ka mid ah wax ay aaminsan yihiin in bani’aadamku yahay fashil, ayna habboon tahay in la beddelo, la baabi’iyo ama hoos la geeyo. Waxaas oo dhami wax ay si toos ah ugu qotomaan su’aal: maxaa dhacaya marka dadku ay diidaan jiritaanka Ilaah? Ma jiraan wax xadaynaya dambiga? Ma jiraan xuduudaha anshaxa? Filimku wax uu muujinayaa in marka xeer Illaah laga baxo, uu saynisku noqon karo hub wax halaaga. Dadkii loo haystay inay yihiin kuwa garasho sare leh, wax ay noqdaan kuwa aqbalaya gumeysi sababta oo ah ma aysan haysan qiyam ay ku xakameeyaan go’aankooda.
screen shot
Sheekadu ma aha sheeko cilmiyaysan oo kaliya waa digniin falsafadeed, fariin siyaasi ah, iyo guhaad ruuxi ah. Wax ay la xidhiidhaa su’aalaha aynu maanta wajahayno: haddii teknoolojiyadda ay koraan, balse qiyamka aynu lumino, sidee bay natiijadu u noqon doontaa? Ma suurtagal baa in horumar lagu gaadho iyada oo aan la haysan xudun akhlaaqeed?
Akhlaaqda aan laheyn qiyam diin la jaanqaada wax ay dhalin kartaa go’aamo xanuun leh. Qofka Jiabai Ye wax ay noqotaa matalaad kaamil ah oo muujinaysa sida qof bani’aadam ah uu u lumin karo kalsoonida nolosha, marka laga jaray xididkii ruuxda.
Filimkan wax uu ku baraarujinayaa in aanay jirin saynis aan mas’uuliyad lahayn, in horumarka dhabta ahi aanu suurtagal noqon karin haddii aan laga iman meel rumays ah. Ugu dambayn, sheekadu wax ay ku dhamaanaysaa su’aal furan: haddii Ilaah la iska diido, bini’aadanku ma samayn karaa sharci uu isagu isku hago?
Wax lagu baraarujinayaa in fahamka mustaqbalka, nolosha, iyo cirfiidka aysan ahayn wax saynis kaliya lagu xaliyo balse u baahan dhinacyo badan oo is dheelli tiraya: cilmi, diin, falsafad iyo qalbi dadnimo leh.
Photo by Kostiantyn Usatenko on Unsplash
Xanuunada nafsiga (mental health disorders) iyo bulshada Soomaaliyeed waa mowduuc muhiim ah, balse inta badan aan si qoto dheer loo lafagurin. Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo wacyigelin iyo adeegyo caafimaad oo la xidhiidha xanuunada dhimirka. Dhaqanka Soomaalida wuxuu xanuunada nafsiga badi u arkaa kuwo la xidhiidha arrimo ruuxi ah, sida sixir, jinn, ama cudurro kale, taasoo keenta in dad badan aysan helin daaweyn sax ah.
Mar aan TikTok galay, waxaan la kulmay gabadh si xanuun badan u cabanaysa, oo wax badan oo gudaha ku kaydsan ka hadlaysa. Intii ay si toos ah ula hadlaysay dadweynaha, waxyaabaha loosoo qorayay waxay u badnaayeen: "Wadanka ka imo oo kaalay is quraan saar, waa lagu sixray," iyo hadallo kale oo la mid ah. Runtii, ilama qumana in wax walba ruuxda lala xidhiidhiyo. Qofka haddii uu joogo wadan horumarsan, waa inuu aadaa goob caafimaad oo dhimirka, si uu u helo daaweyn sax ah. Haddii uu wadankii joogo, se waa dhibaato kale, maxaa yeelay helitaanka xarun caafimaad oo dhimirka ah ayaa aad u adag. Sidaas darteed, qof kasta oo arrintan wax ka garanaya waa inuu bulshada wacyigeliyaa oo waxqabad muuqda sameeyaa, si loo dhimo jihowareerka ka jira caafimaadka nafsiga.
Goobaha ay Soomaalidu u fureen arrimaha "daawaynta ruuxda," gaar ahaan kuwa ay wadaadadu maamulaan, waa in la xidho, haddii aanay lahayn aqoon cilmiyeed oo sax ah. Sheekh aan lahayn wax aqoon ah oo qoto dheer oo ku saabsan xanuunada dhimirka laguma aamini karo caafimaadka nafsiga ee dadweynaha. Waa in goobaha noocaas ah aan loo oggolaan in ay si rasmi ah u shaqeeyaan, haddii aanay haysan shahaado caafimaad iyo ruqsad sax ah. Waa nasiib darro in xanuunada uu qofku dabeecada kulla dhasho lala xidhiidhiyo arrimo ruuxi ah, taasoo keenaysa in dadkii u baahnaa daryeel caafimaad lagu siidaayo wadaado aan xirfad caafimaad lahayn.
Xanuunada nafsiga ee Soomaalida ku badan waxaa ka mid ah walbahaarka iyo murugada (Depression & Anxiety), kuwaasoo si gaar ah u saameeya dadka ka soo gudbay xaalado dagaal, barakac, ama cadaadis nololeed. PTSD (Post-Traumatic Stress Disorder) waa xanuun kale oo qofka ku keeni kara cabsi joogto ah, hurdo la’aan, ama xusuus xanuun badan oo soo noqnoqota. Schizophrenia iyo Bipolar Disorder-na waxay sababi karaan in qofka uu maqlo ama arko wax aan jirin, uu yeesho fikirro aan caadi ahayn, ama dareenkiisu si xad-dhaaf ah isu beddelo—mar uu aad u farxo, marna uu murugo daran la kulmo.
Si loo horumariyo caafimaadka nafsiga ee bulshada, waa lagama maarmaan in la sameeyo wacyigelin ballaadhan, si bulshada ay u fahamto in xanuunada nafsiga yihiin cudurro dabiici ah oo daaweyn leh. Waa in la furo xarumo caafimaad oo arrimahan wax ka qabta, si dadka u baahan ay u helaan gargaar sax ah. Bulshaduna waa inay aqbasho in xanuunada nafsiga la daaweyn karo sida cudurrada kale, iyadoo la dhimo eexda iyo bahdilaadda ka dhalata. Wacyigelinta, waxbarashada, iyo adeegyada caafimaad ee dhimirka ayaa ah xalka kaliya ee lagula dagaallami karo caqabadaha caafimaadka nafsiga ee ka dhex jira bulshada Soomaalida.
Maanka Hoosse
Korriinka iyo taabo gellinta ilmahayar, wax jaangooya labadda waalid iyo bulshadda, iyaga ayaa ku abuura dhaqanka iyo hab dhaqankiisa, kaasi ayaa la kalla dhaxlaa waa sidda aynu u fahan sanahay laakiin kaduwan taasi.
Wax dhalla oo sameeya qofka wax ka door duwan wax tan korre, maxaynu ugu magac bixinaa mise manaqaanaa? Dareenka kayimaadda uurka hoose ee dareemayaasha oo u warrama qofka dhugta oo siiya warbixin iyo cilmi oo ka duwan wax horre u jirray, waa hal abuurka e halkee ayaa laga keennaa muxuu yahay wax innoo warrama ama maskaxdeenna dhex marra marka aynu kellinimo aynu noqono, xagay aadan dareemadda tanni marka aynu nahay dad farabadan? Marka uu leeyahay ninka carbeed "waaddi cabqar ayaa la iiga soo dhiibay."halkaasi oo ay u yaqaaneen meel ay shayaadiintu ku adeeg bixiso waa iska jawaabid si looga baxsado arrinta tan iyo ka jawaabideeda. Marka ay u waayeen wax ay ku qanciyaan dadka ayey yidhaahdeen shaydaanba nacaawiya sidda imika lagu sheego Galbeedka iyo dunidda hor umarka samaysay.
Khurafaad iyo beenno waa weyn ayey ku majaro habaabiyaan dunnida dadka kulla nool laakiin ka duwan dareenkaasi kaa beenta iyo majara habaabinta.
Maanka hoose sheekooyin ayaa dhax marra,Taasi oo loogu fikiro kolba deegaanka aad ku nooshahay wax aan kajarin, dunnida kallena aanad ka maqal wax soo saarkaasi,deedna qof ayaa yeesha oo ay u noqotaa wax u kelli ah oo uu gaar u lee yahay waanna lagu tix galiyaa.
In tabaddana in ayna macquul wax taasi ahayn ayaynu u sheegnaa,dabadeed dareenkaasi waa uu iska laabtaa, mana dareentid mardanbe xasuusanna- maysid, haddii aanad markaasi macalinkaa wax ka meersan. Deed waad ku dhacday imtixaankaasi, casharada tan si kadisa ayuu macalinku u soo gallaa laakiin qalinkaaga iyo war qadu waa in ay isa saarnaadan si aad u hir gelisid ama wax uga baratid wacyi iyo waayo arragnimo labadaba.
Maanka hoose soomaaliddu maxay ka manaafacaad satay? Dhanka suugaanta ayaynu ka maalnay maanka
Danbe markaasaynu iskugu dignay oo wax isku waydiinay oo aynu wax iskugu sheegnay. Ninnba inta uu arooro ceelkaasi dheer ee uu soo buuxsado dhiilka iyo wax uu soodarsado markaasi ayaynu kalla shaandhaynay kalla jeclaanay habka uu u leeyahay wax innoo farro, wax innoogu sheego
qaabkoodda iyo rayn raynta ayaad layaabaysaa, markaasi ayaad leedahay ladh iyo xiiso iyo baholyowbuu i geliyay abwaankaasi; addiga oo jooga meel shishe.
Iskusoo duub oo sheekadda uur keenna marta ayaa loo baahan yahay in aynu sharaxno wax na ka nidhaahno, u magac bixino oo u qeexno aadanaha uu khuraafaad ku daashadey.