Stories by Mukhtar Ahmed on Medium
Xilligan la hadal hayo doorashooyinka, waxa baraha bulshada laysla dhex marayaa arrinta ku saabsan haweenka iyo doorkooda siyaasadda. Marka laga yimaaddo in haweenka kooto loo xidho maadaama ay la xidhiidho arimaha dastuurka. Ha yeeshee badiba masaajida dalka ayaa aad loogaga falooday arrinkaas. Iyagoon arrimo kale galin ayaa sidii caadada u ahayd waxa ay durba soo daliishadeen xadiis ku ku sheegyo caan baxay oo ugu caansan yahay xadiiska odhanaya ( Hoogbaa u sugnaadey qoomka ay haweenay hogaamiso) iyo (haweenku waxa ay naaqus ka yihiin dhanka caqliga iyo diinta).
Waa cunsirinimo, takoorid iyo u hoos u dhigid ummad alle karaameeyay, Xadiiska hore waxa uu in badan ka hor imanayaa axaadiis kale oo suubanaha ka sugnaaday iyo waliba Quraanka kariimka ah, sidoo kale xadiisku marna ma buuxinayo shuruudaha saxnimada axaadiista. Sidoo kale xadiiska kale ee naaqisnimada isna macnaha la siinayo aadbuu uga fogyahayay macnaha ku haboon siduu u dhigan yahay oo rasuulku xadiis kale ayuu ku sharraxay oo caqligu( Walow macne ahaan aad loola xidhiidhiyo dhanka naxariista iyo caadifadda) waxa uu la xidhiidhaa dhanka marag furka halka naqusnimada diintuna tahay marka haweenaydu aragto labada dhiig iyadoo ka tagaysa soon iyo salaadba.
Hoos u dhigidda iyo liidintu haweenku waa caado dhaqamaeedyo kharriban ay umadaha badankoodu lahaayeen, dhanka kale waa kibir iyo isla wayni in ninku iska waynaysiiyo haweenayda. Waa abuurka alle oo lagu xad gudbay iyo ilaahay oo lagu tilmaamay inuu abuurey wax naaqis ah. Qofka aaminsan in haweenku yihiin kuwo naaqis ah waa qof aaminsan in Caa’isha( RC) iyo haween kale oo ee noola wakhtigii nabiga oo axaadiis badan soo wariyay ay yihiin kuwo naaqis ah, ma tidhaahnaa axaadiista ay caasha iyo haweenka kale wariyeen laguma kalsoonaan karo illayn waa naaqis haweenku e sidey sheegeene.
Qofka aaminsan in haweenku naaqis yihiin waa mid aaminsan in dumarkii nabigu yihiin naaqis, qofka aaminsan in haweenku naaqis yihiin waa qof aaminsan in hooyadii, walaashii iyo xaaskiisu ay naaqis yihiin. Kuwo maankoodu gaaban yahay aya ku doodaya in haweenku aanay waxyaabaha qaar qaban karin taasna waa liidnimo iyo isla wayni xad dhaaf ah. asal raacnimada iyo in duuduub wax lagu qaato waxa ay ina dhaxalsiiyay jahli wayn.
Kuwo badan ayaa diinta gabbaad ka dhiganaya oo odhanaya ilaahay ayaa sidaa yidhi iyo rasuulkaa sidaa yidhi, hubaalna ilaahay iyo rasuulkaba way ka been abuurayaan. Dhanka kale, waxa ay daliil ka dhigtaan maxaa ambiyada haween looga dhigi waayay hubaal taasna waa Cudur daar liita. Sido kale waxa ay mar marsiyo ka dhigtaan diintu haweenka way sharaftay ha yeeshe diintu dadka uma kala eexato e isku si ayay u qiimaysaa.
Intaas marka laga yimaaddo, waxa kale oo ay odhanayaan dhaqankeena maaha iyo waa dhaqannada reer galbeedka taasna waxa aynu leenahay waddamo badan oo islaam ah haween waa ka taliyeen kana taliyaan. Si kastaba, ma liibaanayo qoom takooraya haweenka kuna tilmaamaya kuwo ka hooseeya jinsigooda.