Stories by Cabdiraxmaan Xabiib on Medium
Haddaba AI-gu wuxuu soo maray xaalado badan iyo isbeddello badan si uu u noqdo AI-ga aan naqaan maanta ee cabsi laga qabo dhanka kalana aadka looga faa’iideysanayo. Aan hoos u daadagno si aan isula fahanno tagtadii AI-ga iyo haatan halka uu taagan yahay.
Artificial Intelligence mar ayuu ahaa kaliya sidii mashiinka looga yeeli lahaa mid u dhaqma sida qof caqli leh, taasoo ka dhigan in la siinayay awood doorasho iyo mid go’aan qaadasho. Waqtigaas systems-ku waxay ahaayeen kuwa xeerar ku dhisan, waxaana shaqaynayay habkii koowaad ee AI uu kusoo bilowday oo ahayd “Rule-based”, wuxuu ahaa mid ku dhisan haddii user-ku saas sameeyo saas samee, haddii uu saas sameeyana sidaa samee — “if this, then that.” Waxay ahayd mid ku dhisan haddii user-ku waxaas galiyo jawaabtaas sii, haddii uu waxaas kale galiyo waxaas kale sii. Waxba ma uu baran jirin, waxba kama uu garan jirin illaa wixii loo sheego mooyee.
Kadib stage-kaas dhabtii dunidu waxay u jihaysatay jiho cusub waxaana dhacay kacaankii AI-ga ee xigay kii hore, waana kan loogu magac daray “Machine Learning”. Step-kaan waa mid ka mid ah stages-ka AI-ga, se wuxuu kii hore kaga duwanyahay in isagu uu yahay mid wax baran kara, markaa wixii ka dambeeyana wixii uu bartay ku shaqayn kara. Sidii kii hore kan xeerar lama siiyo, laakiin waxaa la siiyaa examples markaa wixii ka dambaysana isagaa shaqadiisa qabsada isaga oo ku base-garaynaya experience tusaalayaashii aad siisay ee inputs and outputs ka ahaa. Waxay ku xidhnayd hadba xogta aad siisay inta ay le’eg tahay si uu usoo saaro jawaabo habboon, wuxuuna ahaa mid wax ka baranaya input-ka user-ka iyo dhaqdhaqaaqiisa. Waxaa tusaale u ah recommendations-ka platforms-ka kala duwan sida kuwa movies-ka aad wada taqaanaan, ee markii aad movies genre gaar ah dhowr ka daawatay ku siinaya “You also may like”, isagoo markaa kuu recommend-garaynaya aflaam la nooc ah kii aad daawatay.
Lama istaagin oo waxaa loo gudbay next stage wuxuuna noqday Deep Learning. Stage-kaan dhexdiisa AI-gu wuxuu yeeshay astaamaha Aadmiga gaar ahaan dhanka maskaxda, waxaana bilaabatay in maskaxdii machine-ka loo yeelo qaabka maskaxda aadmiga. Waxaan oran karaa waa stage-ka la aadmiyeeyay machines-ka. Waxaa maskaxdii computer-ka loo yeelay waxa loo yaqaan Artificial Neural Networks oo ah kuwa dhabtii ciyaaraya iska doorka neurons-ka ka ciyaadhaan maskaxdeenna ee ah layers kala duwan oo is-caawinaya si loo xawiijiyo ujeeddo gaar ah. Wuxuu machine-kii bartay in heerar kala duwan ay xogtiisu marto — low level to high level. Aan iraahdo tusaale: wuxuu bilaabay inuu steps mariyo si uu xaqiijiyo sawirka hor yaalla waxa uu yahay. Layer-ka koowaad wuxuu cayimay geesaha sawirka iyo bedkiisa guud, layer-ka xiga ayaa shapes-ka iyo dhinacyada sawirka isna jaangooyay, dabadeedna layer-kii u dambeeya ayaa dabbaqay oo si dhab ah u recognize-gareeyay waxa sawirka aad tusisay yahay — ma gaari baa? Ma bisad baa? Mise waa qof?
Stages-kaas uu mariyay iyo lahaanshihiisa layers kala duwan ayaa sababtay in uu noqdo mid aan la beensan karin xogtiisa oo u caqli badan sida aadmiga. Waxaa tusaale u ah face recognition technologies-ka sida FaceNet iyo DeepFace.
Hadda iyo haatan waxaa laga joogaa stage-ka la yiraahdo Foundation Stage (Generative). Haddii uu mashiinkii wax bartay oo yeeshay awoodda kala garashada waxyaabaha kala duwan, miyaysan gar ahayn inuu iskii u fakaro oo isagoo ku base-garaynaya experience iyo khibrad uu markiisa wax soo saar la yimaado? Dabcan may, lama ceebsan karo — waana tan haatan taagan. Models-ka cusub ee AI waa kuwa generative ah oo iskood wax u dhisi kara iyaga oo noqday dabcan creative. Waxay abuuri karaan xog, sawir, video iyo xitaa cod. Kuwa hore u jiray ayay dib u habeen karaan, kuwa cusubna waa hirgelin karaan. Waa heerka ama nooca AI ee ay ka midka yihiin diffusion models-ka iyo Large Language Models (LLMs).
Waxaa tusaale u ah ChatGPT oo text iyo images ka generate-gareeya, waxaa tusaale u ah MidJourney iyo DALL·E oo images-ka caan ku ah. Sora ayaa u tusaale ah oo videos samaysa heer ay movies samaysana ku socota, illaa deepfakes kala duwan ee adiga oo aan hadlayn sawirkaaga ka hadalsiin kara, codkaagiina dib erayo aanad oran uga dhahsiin kara.
Maxaa xiga haddaba? Waa su’aal weyn! Waa hubaal in geeddiga AI uusan halkaan ku istaagayn, waxaana isla hadda la sii ogyahay stage-ka xiga oo loogu yeedho Autonomous AI. Waa nooc AI ah oo isagu aan shaqadiisu ahayn inuu wax generate-gareeyo uun — kani wax buu qaban doonaa. Adiga la’aantaa ayuu goal sanaysan doonaa, plan dejisan doonaa, dabadeedna ku dhaqaaqi doonaa, ugu dambayna wixii uu qabtay soo post-gareyn doonaa, ana report intuu ka diyaariyo email ahaan kuugu soo diri doonaa.
Waxaasoo shaqo ah kaligii ayuu qaban doonaa, idankaagama baahna joogto ah — waa howshiisa maalinlaha ah! Waxaa tusaale u ah baa la yiraahdaa AutoGPT ama BabyAGI oo inta searching sameeyo soo ogaado best strategies of marketing 2025, plan u dejiyo ganacsigaaga, qoro oo summarize-gareeyo report kadibna email ahaan kuugu soo diraya. Waxaa kaloo la mid ah AI customer service agents — almost haatanba way qabataa AI-gu intaas, walise heerkii la wada isticmaalayay oo uu caan baxayay ma joogo.
ugu dambayn sawirka qoraalka la socda ee aad aragtaan ee soo koobaya dhammaan maqaalkaan dheer anigu ma samaym meelna kalama soo dagin Ai ga ayaa leh mahaddaas.
Maxay kula tahay?
Ma is waydiisay wali sidee platformska kala duwan sida Facebook, Tiktok, Netflix ama Spotify usoo xulaan muuqaalka kugu habboon , maqaalka kugu habboon , heesta kugu habboon ama flimka kugu habboon ? aan iraahdo Ai ayaa ka qayb qaata ! dabcan haa , Laakiin sidee ?
Marka koobaad iska baro Eray bixintan yar laga yaabee maqaalka dhexdiisa in aad dhowr jeer aragtid " Recommendation Engine " , afsoomaali ahaan eray ku habboon ma haayo se waa nooc teknaloojiyadda Ai kamida taasoo kala soocda oo kala xusha content noocee ah ayaa lagu tusayaa , product noocee ah ayaa home kaaga laga soo muujinayaa , Hees noocee ah ayaa laguu xulayaa ama Flim noocee ayaa lagugu soo darayaa Qaybta '" You also my like " ee Netflix ama xittaa si waxaasoo dhan ka fudud qof noocee ah ayaa lagu soo darayaa qaybta Friend suggestionskaaga ee facebook si aad ugu darsatid ! teknaloojiyadan shaqadeedu waa intaas waxay kala xushaa uun waxa ugu habboon ee userku ubaahanyahay in la tuso laakiin aan iraahdo dhammaan waxyaabahaas marka ay kala xulayso maaha Qiyaas " guessing " Muuse waxakani waa aqoon lol .
Badanaa Recomendation Engines ka ama systems ka waxaa lagu dhisaa nooca Technology ee loo yaqaan Machine learning, Model kan maqaal horana waxbaan kaga dhex iri waa mid waxbarta oo wax kaydsada interactions kana la falgala hadaba Recomendation Engines ku dhankee aad wax uga bartaan ?. dhaqdhaqaaqa ka userka "User behavior" waxbuu ka bartaa , Item ka ama productga ama muuqaalka ama shayga markaas la recomend garaynayana waxbuu ka bartaa " Item features" sidoo kale Xaaladda markaa lagu jiro qofkani halkuu joogo , device ka uu isticmaalayo , dateka iyo time ka iyana wax buu ka bartaa " Context " waxay utabaranyihiun in ay isku xidhxidhaan dhammaan shaxdaas dabadeedn BOM waxay kaso dhex saaraan dookh nadiif ah oo ku base garaysan tagtadii qofkaan user ka ah .
Hadaba ana kala qaadno laba ayaa ugu waawayn noocyada Recommendation systemska midka koobaad waxaa la yidhaadaa "Collaborative Filtering " noocaani wuxuu kaliya focuska saaraa dabeecadda userka iyo waxyaabaha uu ka helo iyo sidoo kale dabeecadaha ay wadaagaan userkaas iyo userska kale wuxuu dhahayaa camal haddii User A uu ka helay aflaamta Banshee , John wick , Equalizer sidoo kale user B uu ka helay flimaantaas oo lagu daray flimka Punisher, hadaba User A wuu ka heli doonaa Punisher ! ma aragtaa , User A in uu ka heli doonaa flimka Punisher maxaa loo cuskaday , sababtoo ah Flimaantii hore oo uu ka helay waxay ahaayeen Action , sidoo kale flimkanina waa Action , dhanka kalana dadka ka helay flimaantii hore ee uu User A ka helay waxay sidoo kale. ka heleen Flimkan punisher sidaas daraadeed isaguna wuu ka heli doonaa . Mindset kaas ayaa la yiraahdaa Collaborative filtering waxaana adeegsada Recommendation systems ka .
Nooca labaad ee Recommendation systemsku adeegsadaan waxaa la yiraahdaa Content-Based Filtering , Noocaani wuxuu eegaa shayga ka recomend garaynayo laftiisa uun haddii shaygaas shay lamida aad hore udaawatay / gadatay / dhagaystay ... tay tay tay , isna wuu kuu recomend garayn doonaa xittaa haddii productigaas / movie gaas / musigaas aan cidna hore ugadan / daawan / dhagaysan , aan fududaynayo Hal shay aan ku ekkayno tusaalayaasha Movies ka aan inoogu daayo haddii aad flim Horor ah daawatay wuxuu kuu recomend garayn doonaa aflaam kale oo horor ah xittaa haddii aflaamtaasi yihiin 1.0 dhanka Rate ka , tusaale waxaa u ah Spotify dadka reero Iphone ka ayaa garanaya waxa uu application kaasi kuu suggest garaynayaa Music isaga oo ku dabbaqaya heesaha aad hore udhagaysatay Lyrics kooda , tempo dooda iwm .
Haatan xilligan casrigaa dhammaan Companies ka waawayn ee caalamku waxay isticmaalaan nooc saddexaad oo loo yaqaanno Modern Haybrid system wax kalana noocani maaha waa isku darka labadii nooc recomendation ee hore , isku darka Collebrative and content based ayaa waxaa ka dhasha Modern Hybrid System waana habka ay shirkadaha casriga ahi adeegsadaan waxaana shirkadahaas dambe ee casriga ah tusaale u ah Tiktok, platform kaasi wuxuu tracking ku sameeyaa ama cabbiraa oo kaydayaa wax walba oo aad daawatid , Intee in le'eg aad daawanaysid shaygaas iyo wixii aad dagdag isu dhaafisid isagoo ka eegaya muuqaalka codka , muuqaalka laftiisa , hashtags ka iyo xittaa caption hadduu leeyahay dabadeedna wuxuu kuu dhisayaa FYP aad adigu ku raaxaysanaysid oo dookhaaga ah maadama wax laga baranayo tagtadaadii heer aad gaadhid in aad tiktok ku jirtid saacado , illaa ay kaa hor timaado heeska caanka ah ee " Get on your phone ..... " Horta heestaas ma kaligay bay iga hor timaadaa , dabcan maya dhammideen inteenna addicted ka ah oo dhan.
Haddii aan isla garanay Role ka Machine learningku ku leeyahay Recommendation systems ka talow Deep learning kuna Role maku leeyahay ? Dabcan haa , kaalay ila arag Role kiisa isna .
Waxaan isla garanaynaa in Deep learning Aigu uu si guud adeegsado hab udhow maskaxda aadmiga ee loogu yeedho Nueral network kaasoo usahla in uu xogta qabto , fahmo kaddibna dhiraandhiriyo oo soo saaro wax udhigma , hadaba iyadoo la adeegsanayo steps kaas ahaa la howl galayaa Layers ka kala duwan ee Neural network kuwaasoo tusaale la kala dhihi karo input layer ka oo uruuriya xogtaada daawashada , saacadaha , waxa aad daawanaysid iwm , Hidden layer oo proccess gareeya xogtii si loo raadiyo wax lamid ah iyo Output layer oo markaas soo saara xulkii laguu soo diyaariyay ee laga soo fakaray si aanad uga dhex bixin platform kaas , tiktok ha ahaado ama Netflix ama Onstreamba ha ahaadee , Deep ka laftiisu laba hab ayuu isticmaalaa si uu usoo saaro recomendation fadhida oo lagu kalsoonaan karo .
Embedding models : shaqada model kani waa urogista xog row ahayd oo vedio ahayd ama Text ama cod loo rogayo numbers system ku fahmi karo dabadeedna systemku numberskaas ayuu kala xulayaa , tusaale flimada action ka ahi waa "0.8 , 0.7, 0.6 iwm "haddii qofku daawado marka aflaam labaradaas loo tarjumay systemku wuxuu soo xuli doonaa aflaam kale oo isla lambaradaas uu uturjuntay kuwaasoo uu usoo xulayo maadaama ay kuwaan aad daawatay lamidyihiin , ujeedku waa in System ka la kala baraa noocyada aflaamta since uu system yahay oo uusan flimka inta daawado garanayn noociisana wuxuu adeegsan doonaa xisaab iyi numbers isagoo flimka dhan loo rogayo lambarro .
Maxaa loo isticmaalaa deep learning ka oo uu kaga duwanyahay machine learning recomendation systemka ku base garaysan ?
jawabata oo fududi deep learning kaliya shaqadiisu maaha " Maadama userkani uu X ka helay Y na wuu ka heli doonaa " , taa baddalkeeda wuxuu aruurinayaa dhammaan xogtaada dabadeedna macal dookh aad leedahay oo aanad iska ogayn ayuu isagu kaa ogaanayaa oo uu kuu recomend garaynayaa , tusaale wuxuu dhahaa Mr muuse wuxuu cabbaar dul taagnaadaa vedios ka voice over ka ah ee color kooduna dark mode ka yahay gaar ahaan xilliga habeenkii ah sidaa daraadeed habeen walba wuxuu kuu soo tixi doonaa muuqaalo noocaasa adiga oo aan ogayn in lagu daraaseeyay .
Ma leeyahay recomendation systemku wax side effect ah oo dadku dhibbane unoqon karaan ?
haaheey! tusaale waxaad mar walba arkaysaa waxa aad ka heshid sidaa daraadeed way kugu adkaanaysaa in aad yeelatid option kale , haddii maalin aad u waabsantid hal sheeko oo conspiracy theory ah like " Dalkeenna adduunkaa utashtay " dabadeedna aad cabbaar daawatid wixii markaa ka dambeeya waxaad arki doontaa Feed kaagii oo isu badalay sheekooyinka noocaasa since aad jeceshahayna waad iska daawan doontaa dabadeedna way kugu sii badan doontaa aragtidaasi wayna adkaan doontaa in aad aragti kale oo lid ku ah aqbashid maadaama aad tan joogtaysay .
sidoo kale xoogaa Privacy gaagana waa loo dhaadhacayaa , dabcan si Ai gu uu shaqadaas badan uqabto wuxuu ubaahanyahay xog adiga kugu saabsan , activities kaaga , historygaaga , clicks kaaga iyo screen time kaaga iyo macal mararka qaar Face interactions kaaga sidaa daraadeed waa khatar waayo xogtaa lagaa aruuriyay siyaabo kalana waa loo adeegsan karaa dabcan .
Ugu dambayntii haddii aad aragtid flimaan isku wada nooca oo shaashadaada saaran , tiktok oo muuqaallo xul ah oo aad ka heshid FYP kaagii kuu soo daadiyay iwm ha cabsan maahan sixir waa xisaab lol .
Xogtaada shaqsiga ah iyo ammaanka internet ka.
Wali ma is waydiisay in xogtaada shaqsiga ahi ay gacantaada ka baxday isla maalinka aad buuxisid Form degital ah ama isticmaashid mobile smartphone ah? Kaalay aan mowduucaan ka sheekaysanno cabbaar e.
Marka koobaad xaqiiqso application walba oo aad lasoo dagtid, website walba oo aad booqatid iyo form degital ah walba oo aad buuxisid oo ay kamidka yihiin kuwa shirkadaha isgaarsiinta ee local ka ahi waxay si toos ah ama dadban u kaydinayaan xog adiga kugu saabsan. Waxay noqon kartaa xog si toos ah kuula xiriidha sida magacaaga, taleefankaaga, location-kaaga, gender-kaaga iyo taariikhda dhalashadaada, ama waxay noqon kartaa xog si dadban kuula xiriidha sida IP address-kaaga, waxyaabaha aad xiisaysid, screen time-kaaga, Email-kaaga iwm. Dhammaan xogtaada shaqsiga ahi waxay gashaa oo gashay almost gacmaha shirkadaha waawayn ee internetka jooga iyo kuwa local-ka ah ee isgaarsiinta bixiya mana jirto cid hubta sida ay u adeegsanayaan arrinka kale ee naxdinta lihina waa in accountigaaga oo aad delete dhahdaa ama appkaas oo aad iska saartaa uusan xogtaas tirtirayn oo mar walba kayd jiro.
Application-ka qaarkii kuma ekaan xogta ay kaaga uruursadaan gudaha Appkooda, laakiin waxayba ugu gudbaan qaybaha kale ee taleefankaaga iyo apps-ka kale, Cross-App tracking ayaana loo yaqaanaa. Waxayna sidaan sameeyaan iyagoo adeegsanaya dhowr hab oo xog xadid ah ama accesses helid ah. Tusaale, Android-ka waxay sameeyaan wax la yiraahdo "Reading Usage Statistics" iyagoo ubaahan kaliya in ay helaan Usage access si ay u ogaadaan dhammaan apps-ka aad isticmaashid, saacadaha aad mid walba isticmaashid iyo waxa aad u isticmaashid. Sidoo kale waxay adeegsadaan technique loo yaqaano notification access-ka oo ma rumaysanaysaa in tusaale Battery optimizer-ka ku jira taleefankaagu uu arki karo, sidoo kalana kaydin karo xogta WhatsApp-kaaga, Gmail-kaaga, xittaa Banking notifications-kaaga isagoo kaliya adeegsanaya notification access-ka uu haysto. Mararka qaarna waxay sameeyaan background activity monitoring iyaga oo gadaal ka daaranaya microphone ama sensor yar oo wax walba ay kula socon karaan, xittaa eavesdropping ayay sameeyaan.
Wareeg nololeed-ka Data-da ama xogta waxaa lagu sheegaa in ay kasoo bilaabato Collection-ka ama ururinta, Storing oo kaydinta ah, Processing-ka oo ah adeegsiga dhabtaa marka ay marto, illaa Deletion-ka oo aan la hubin. Wareegaas nololeed ee xogtu sideedaba marto, taada shaqsiga ahi sidee umartaa? Maxaase ku dhaca inta ay wareegaas ku dhex jirto?
Aan ka bilowno collection-ka, e haddii shirkadaha local-ka ahi ay xogtaada ku helaan form aad adigu buuxisay kuwa platforms-ka ah ee websites iyo apps leh waxay kaliya ubaahanyihiin in aad Sign up tiraahdo ama aad Agree tiraahdo Terms and Conditions kooda ama marka ay ugu darantahay aad aqbashid Cookies-kooda ama aad siisid permissions kaba badan kuwii ay rabaan marka la joogo app-ka. Tusaale, haddii aad app calculator ah siisid permission Files iyo Calls iyo Location, aslan maba jirto wax uu qaybahaas uga baahanyahay in uu fasax uhelo appkani aan ahayn information in uu goobayo. Active collection waxaa la dhahaa xog aad adigu bixisay sida Signup form-ka aad buuxisay halka passive collection la dhaho xog walba oo gadaashaada lagala baxay sida cookies-ka iyo permission furidda kuwa lagula baxo.
Xaggee lagu kaydiiyaa xogtaadii haddaad is waydiinaysid? Badanka jawaabtu waxay noqonaysaa Cloud-based databases (mar ayaan si gaar ah uga hadlaynaa). Laga yaabee storage units-ka lagu kaydinayo xogtaada in ay leedahay shirkadda Google, Amazon ama qolo saddexaad oo third-party ah. Su'aasha imanaysaa haddii ay tahay xogtaasi ma mid la ilaaliyay baa "Encrypted"? Dabcan way ilaaliyaan, laakiin still waa la jabsan karaa. Tan ugu dararani waa in marar badan aan la jabsan oo shirkadaha laftoodu iibiyaan xogtaada shaqsiga ah cidda ay ka iibiyaan iyo waxa lagu falo. Aan ugudubno hadaba.
Xaaladani waa tan saddexaad ee wareega nololeed oo xogta waana tan lagu magacaabo "Data Processing." Waa halka ay xogtii ka noqonayso sida shidaalka oo kale oo macno ku yeelanayso adeegsiga galayso. Badanaa shirkaduhu waxay xogtaada u adeegsadaan si ay u sameeyaan profile adiga kuu gaar ah oo lagu kaydiyo waxa aad xiisaysid ama aad jeceshahay, xilliga aad jeceshahay iyo sida aad waxaas ujeceshahay. Waxaa ka faa'idaysta xogtaas oo adeegsada Recommendation Systems-ka (Hore ayaan uga soo hadalnay sida ay ushaqeeyaan). Waxay sidoo kale u adeegsadaan in iyadoo laga duulayo xogtaadaas lagula wadaago Ads kala duwan, dabcanna adiga oo aan ogayn sida lagu ogaaday waxa aad xiisaynaysid ama aad ka fakaraysid ayaa hal mar lagu tusayaa xayaysiin la xiriidha product aad maalmahaas goobaysay ama waxbarasho aad ka fakaraysay, iwm. Waxaa kale oo loo adeegsadaa in laga iibiyo dayn brokers-ka dadka la yiraahdo ee ka ganacsada xogta, kuwaasoo dib ugu adeegsada info-gaas xayaysiimaha iyo kaambaynada siyaasadeed iwm, iyagoo dabcan kuu soo dirayo emails ama si dadban uga qayb qaadanaya waxa ay tahay in aad aragtid, maqashid ama daawatid. Shirkadaha Meta ayaa lagu eedeeyaa in si kas ah utrack gareeyaan qofka device-kiisa waliba ugudbaan application-ka ka baxsan kuwa ay leeyihiin si ay usoo helaan xog ku saabsan qofka iyo waxa uu xiiseeyo kaddibna xogtaa iyagoo ka duulaya ayay wax ka badali doonaan FYP-kaaga ama Feed page-kaaga si laguugu dhex hayyo Facebook. Tan kale ee xogtaada loo adeegsadaa waa in lagu tababaro mashiinada si ay ugu fakaraan, hadlaan, umuujiyaan facial interaction qofeed, iwm. Local ahaan ama dalka gudihiisa shirkadaha isgaadhsiinta ayaa tusaale u ah ka ganacsiga xogta iyaga oo information-kaaga shaqsiga ah oo uu kamidka yahay Phone number-kaagu ku sameeya xayaysiismo aanad u fasixin ama raalli ka ahayn, mararka qaarna xogtaada shaqsiga ah sida Gender-kaaga ama meesha aad joogtid ayay ku base gareeyaan xayaysiinta lagula wadaagayo taasoo ka dhigan ka ganacsi data.
Xogtaadu stage-ka udambeeya ee ay martaayi waa Deletion-ka. Mase dhacdo badanka oo cidina ma delete taa, baddalkeeda backup ayaa laga haystaa xitaa haddii aad adigu iska saartid account-igaaga ama uninstall-garaysid application-kii.
Yaa dunida ka ilaaliya hadaba dhibaatani adeegsiga xogta shaqsigaa ah?
Caalami ahaan, waxaan jira xeerar lagu ilaaliyo laakiin dadka badankood ma yaqaanaan. Waxaa kale oo jira kambaniyo local ah oo dunida dadka kala shaqeeya ilaalinta xogta shaqsiga ah iyo haddii la adeegsado in maxkamad lala koro shirkaddii kortay oo ay kamid yihiin General Data Protection Regulation - Europe, California Consumer Privacy Act - California USA, Health Insurance Portability and Accountability Act (HIPAA) - US.
Haddii shirkaduhu doonayaan in ay xogtaada shaqsigaa ka ilaaliyaan bannaanka iyo nafahooduba, maxay samayn lahaayeen ama sheegtaan in ay sameeyaan?
1. In xogtii Encryption lagu sameeyo oo la dado ama laga dhigo mid aan la fahmin illaa dib loo Decrypt gareeyo. Xogtaasi marka ay kaydsantahay "At rest" iyo marka ay meelo ukala gudbaysaba "At transit," iyadoo la dadayo oo uusan dabool qaadi karin cid aan haysan decryption key-ga. Mowduuca la xidhiidha dadidda iyo daboolka qaadista xogtu sidiisa ayuu mowduuc dheer u yahay, gaar baan wax uga qori doonaa.
2. In xogtii shaqsiga ahayd laba process lagu sameeyo iyana waxay ka qayb qaadan lahayd ammaanka xogta shaqsiga ah. Mid ka mid ah waa in la "Anonymization" lagu sameeyo, taasoo ka dhigan in xogtii laga saaro waxyaabihii sida saxda ah qof gaar ah ula xidhiidhinayay, sida magaca iyo ID-ga. Sidoo kale, waa in xogtii lagu sameeyo waxa loogu yeero "Pseudonymization," oo ka dhigan in xogtii shaqsiga ahayd meelihii laga saaray lagu badalay Fake info aan cid gaar ah lahayn si ay xog aan qof jira ka tarjumayn dhanka kalana run ah.
Ugu dambayn, waxaa gar ahaan in shirkaduhu soo kala adeegsadaan qodobka ah yaraynta xogta ay raadinayaan, dabcanna taasi waxay ka dhigaysaa xogta baxaysa mid yar oo necessary ah oo aan information badan ku jirin, taasoo ka dhiganaysa in khatarta ay yeelan karto adeegsigeedu uu yaraanayo. Laakiin dhammaan qodobadaa sare ma sameeyaan shirkaduhu, waayo dantoodu kuma jirto.
Ugu dambayn, qof walba oo shaqsi ah waxaan kula talinayaa in uu xogtiisa shaqsiga ah adeegsado isagoo u maraya laba technique oo fudud. Mid ka mid ah waa in uusan permission siin application walba, waliba permission-kaas oo aan qusayn application-kaas. Tan labaadina waa in uusan aqbalin terms and conditions uusan akhriyin, badankana uusan ogolaanba in cookies laga kaydiyo, isagoo diidaya dhufadhada button-ka yar ee yiraahda "Accept all cookies."
By: Fight club 1999
Cimrigu aadmigu aad buu ukoobanyahay oo qofkuba labaatan jir markuu yahay ayuu garowsanayaa dabinka jiraalka dabadeedna toban sano ayay ku qaadanaysaa in uu ka il helo oo uu saldhigto , toban sano oo kale wuxuu is leeyahay saamayn nololeed yeelo oo qoys iyo xigaal ayuu wax tar is leeyahay sidaas ayuuna ku yahay affartan jir, cibaadayso ayuu cindiga galinayaa labaatan sano uun kadibna waa duq lixdan jir ah oo aan cimri la sheegaa ulaabnayn.
Waxa nolosha macnaha uyeelaa waa hadba sida qofi kalsooni ugu qabo caqiidada uu aaminsanyahay iyo rabbiga uu caabudo in uu la baxsan doono nolosha dambe waxaana nasiib daran kuwa aan rabbiba caabudin , si kastaba ha ahaatee waxaa iyana qool nololeed ku jira qolyaha sannadahaas gaaban ee nolosha dambe markii loo eego isu badalaya maalin ama maalin badhkeed isku xiijiya ee halkii ay dan noolaan lahaayeen damac noolaada .
Dan noolaanshiyuhu waa samaynta wixii aad ka badin waydid oo kaliya , waa halka ay dhahaan "Aashaa noolow " waa doorashada ku dhisan maxaaan hayyaa maxaanse karaa halka damac noolaanshiyuhu yahay samaynta wixii ay kula gasho , waa "Adyad noolow" waa doorashada ku dhisan maxaan ubaahnahay oon doonayaa, labadaa falsafad nololeed ma aqaan dhab jiraalkooda se saaka waa labada quraata ee maankayga xulaya, waxaan isku hayyaa ma nolosha ayaad isu dhiibtaa oo dusha mowjadaha qaddarka ma sabbaysaa hirarku meeshay ku geeyaanna ma araagtaa mise waad dabbaalataa oo jidkaaga ayaad falataa bal in aad jasiirad yar kusoo dhacdid.
Akhriste sida noloshu ugaabantahay eeg markaad yarayd sida waalidkaa ahaa , siday udhalinyaraayeen , xoog u ahaayeen , sannado kooban kaddib eeg maanta waa da' , waa ay allaysteen , eeg siday isu dhiibeen ee ay doorasho walbo ajar uga dhex goobeen , haddii lasii noolaado waxa ay sii jiraanba waa sannado kooban , laftaadu is eeg oo ka warran mar ayaad dhudhun le'ekkayd horraadada hooyana calafkaagu saarraa waana ku kaafinayeen, imminkana waa adiga geedkaa le'eg ee danaha iyo duruufuhu kugu xeeranyihiin, haddaad is tiraahdid dib u akhri labaataneeyadaas sano maxaad ahayd ma garan kartid waayo waxaad uun ahayd qayb kamida jiraalkaas iska socda.
Badi dadkii ku ag joogjoogay subaxaad dhalatay saaka ma noola , kuwa aan waagaas jirin oo faro badan ayaa meel walba yaacaya, cidina dan kama laha inta tiro ay dhanyihiin dadka dhinta iyo sababta ay udhintaan mana jiro aadmi quraata oo ka walwalaya daawada geerida , qof walbaa wuxuu u ordayaa sidii uu maalmo kale usii noolaan lahaa dabadeedna u aqbali lahaa qoolka geerida , waxa ugu badan ee uu qofkeen goobayaa waa wuxuu cuni lahaa , hoy uu seexdo iyo oori/sey wanaagsan waxaa usoo raaca haddii alle siiyo ubad khyr qaba, deedna qofkaan si uu uhelo doorashooyinkiisaas kore ayuu ujarmaadayaa , dad uusan jeclayn ayuu ag joogayaa , goob aan laga rabin ayuu joogayaa , meel uusan jeclaysan ayuu kasoo kacayaa, wuxuu wax la cunayaa dad sumayn lahaa hadday karaan , intaa iyo in ka daran oo xaalado nololeed ah ayuu la noolaanayaa si uu uhelo waxa uu doonayo , markuu helana waxaa dhacda in uusan calfanba , subaxii aad dhoofi lahayd ayaad dhiman kartaa , habeenka arooskaaga ayaa xabbadi kugu dhici kartaa , inta seexatid aroor Ciid ah ayaad soo toosi waayi kartaa , xaaskaaga ayaa nin kale iskala seexan karta , curadkaaga ayaaba nin kale yeelan karaa oo aabbe unoqon karaa , ganacsigaaga ayaa guban kara , waa maxay waxa ugu xun ee kugu dhici kara, waxaasina waxay yihiinba waa kugu dhici karaan , dadaalka damac noolaanshiyuha gabagabadiisuna waa sidaas oo malaha oddorros la hubo .
Akhriste ma daawataa muuqaallada laga sameeyo nolosha duur joogta , oa warran waa sidee nolasha ugaadha kala duwan sida garanuugta , sagaarada , deerada , biciidka , goodirka iyo boqollaalka nooc ugaadheed ee aanan wada xusi karin , imisa nooc nololeed ayay leeyihiin , miyaanad arag sida fudud ee ay subax iyagoo iska daaqaya iyagii loo daaqo , deerada yari calaf bay cunaysay ee miyay is lahayd saaka adaa calaf ah oo libaax gaaajaysan ayaad quraacdiis tahay, haddii aan subaxaas libaaxaasi cunin deerada subaxda xigta wax hubanti nololeed ah ma haysato oo barriba waa la cuni karaa , sidaas oo kale annagana waxaa inoo ugaarsanaya qaddarka , adoo is leh maqaaxi kuu dhow kasoo quraaco ayaaba gaari ku jiiri karaa miyaad is lahayd gaaraa ku jiiraya , dabcan may laakiin miyaa lagaala tashanayaaba haddii uusan subaxaa ku jiirinna subaxa ka xiga ayaa xabbadi kula tagi kartaa , in aad dhimatid aad by ufududahay dadkuna waxay heli karaan hal million oo sababood oo ay geeridaada usaariyaan , haddii ay wax kala waayaan oof wareen buu udhintay bay iska oronayaan .
Noolaanshiyuhu waa waxa sida umacnaha yar, waa dhaan dabagaalle , waa dabin waxaana ayaaan daran qofka aan garanayn jiraalka dabinkaas oo sidii uu noolosha door ku leeyahay unoolaada .
Xasuus hore .
Bandhig ayaa jira ma aqaan wuxuu daarnaa magaalada oo aan ku cusbaa rabayna in aan ku dhex socsocdo iyo firaaqayga oo badnaa ayaa igu riixay in aan iska xaadiriyo ujeed la'aan , markaan kasoo baxayay hotelkaan daganaa ayaan wacay halkii saaxiib een ku lahaaba deegaankan daqiiqado kadibna meel ii dhawayd oo meherad shaah ahays ayuu iigu yimi , shaah ayaan usoo qaaday oo gaarigiisii wada raacnay si aan ugaadhno goobta bandhiggu ka jiro saaxiibkey ayaan warsaday waxa uu bandhigani yahay maadaama isagu uu igu casuumay , waa bandhig buugaag , waa bandhig si sannad le ah deegaankan looga qabto , waxay dadkani unoolyihiin ujeed akhriskuna door ayuu noloshooda ku yeeshay ayuu yiri , waa runtii markii loo eego halkaan ka imi oo akhriska la ceebsado waxay noqonayaan laba degmo oo ku kala yaal laba meere warna aan iska hayn , bulshada halkani waa duqoobaan laakiin deegaankayga tiro yar ayaa 60 kor udhaafta , qaar cudurro laayaan iyo qaar baalooto laysaba halkaanse saas maaha , waayeelkooda way miirtaan oo buugaag iyo majallado xadaarad iyo waayo aragnimo ah ayay kala haraan ka hor inta uusan si nabad ah sariirtiisa ugu qudhbixin , waxay noolyihiin nolol ka caagan macno yarida , dagaalada , is qabqabsiga , xattooyada iyo wax walba oo xumaan lagu sheego , sida deegaankayga halkani malaha macbadyo dadkuna cidna ma caabudaan laakiin cidna deegaankaan ma fasahaadiso , dadku waxay noolyihiin nolol aad moodid inay bilow tahay marka loo eego tan deegaankayga ee u eg nolol dhammaad ah , waxay is waydaarsadaan kalmado nabadeed iyo weero naruuro iyo sii jiritaan ka tarjumaya laakiin deegaankaga waxaa la joogteeyaa kalmado quus iyo dhammaad ka tarjumaya oo ay uga horrayso mar walba weedha tiraahda " waa aakhiro sabaan " waxaana weedhan qalbiyada dadka ku kiciya oo danahooda ka dhex arka wadaadada .
Waxaan soo gaarnay goobtii dadkuna si aan safaf ahayn ayay dhowr dhowr isulaa taagnaayeen , goobtu way cammirnayd laakiin badi dadkani waxay ahaayeen kuwo deegaankaan udhashay oo ka ab ab ku noolaa halkan , qofka halkaan ku dhasha waxay ubadantahay in uusan si badan safarro ugalin oo uu halkiisa isaga noolaado intuu doono laakiin taa baddalkeeda dad badan oo ajaanib ah ayaa yimaado sababo kala duwan owgood qaar nabad galyo doon ah iyo kuwo sidayda dalxiisku lasoo galay halkaan , haweenka gobolkani waa kuwa ka dhowrsoon marka loo eego qowmiyadaha ay ku dhex noolyihiin maryo la sheego ma xidhaan se jirkooda intiisa badani way daboolantahay way madax bannaanyiyiin , qurux way udhasheen laakiin tiraba dhowr jeer oo aan is iri haasaawi intaan joogay luqadooda localka ah ayaa igu adkaatay oo bariidada ayaan la dhaafi waayay , ma rabin in ay gartaan in aanan fahmayn luqadoodan hoose oo waxaan iska dhigayay nin luqado badan yaqaana .
Goor uu bandhiggii meel dhexe inoo marayo duqowduna ay hadba buug cusub baalashiisa dul marayaan oo ujeedkiisa qeexayaan taariikhdaa uu sidana daah furayaan ayaan meel iga shishaysa ka maqlay laba qof oo luqad faseex English ah ku wada hadlaya , walow dalka dad badani si wacan ugu hadlaan luqadda misana aniga waxaa isaga kay taagnaa leeb dad saaxiibkey dhaafsiisan oo aan si fiican ula sheekaysto oo dalka jooga ayaan rabay , waan eegay se gabadh ayaa sii jeeday qofka ay la hadlaysa oo ka qaro waynaa ayaan si fiican u arkayay wuxuu ahaa oday waayeel qoraa ah oo kamida ragga halkaan wax kusoo bandhigaya , waxay isula hadlayeen sidii dad xiriir qoto dheeri ka dhaxeeyo oo is fahamsan , inta saaxiibkey jaakadaydii udhiibtay ayaan dhankooda soo aaday illaa aan soo istaagay meel aan si fiican uga fahmi karo waxa ay is leeyihiin gabadhana aan si wacan uga wada arki karo , Ella ayay ugu yeerayeen , waxay ahayd qof furfuran , kaftan badan oo dadka bandhigga jooga oo dhami ay si isku mid ah ula hadlayeen sidiiyoo ay is wada yaqaanaan , markii koobaad ee ay i fahantay in aan iyada daawanayo ayay si wacan ii eegtay , garatay in aan qariib ahay hadalkeedii ayay iska sii wadatay laakiin ma ay joojin eegmadaydii u ekkayd mid ay ila gaadayso mirirada aan kasii jeesto , markii odaygii ka dhaqaaqay ayaan dhankeeda aaday , sidiiyoo ay isugayso ayay utaagnayd , ella dalkii kasoo jeedaa ayaan waydiiyay dalkan ayay iigu jawaabtay , iga daa cayaarta sidee qof madow ahi dalkaan uga soo jeedi karaa ayaan waydiiyay , dalalku in aysan colors lahayn ayay iigu jawabatay way iga saxnayd may e anigaa ka saxnaa laakiin markaas waa in aan saxnaanshaha iyada siiyaa , waa runtaa ayaan iri ee coffee ma wada cabnaa , waan mashquulsanahay hadda hadhow ayaan wada cabbaynaa ayay tiri waxba kama qabo ayaan iri oo kaar lambarkaygu ku qoranyahay ayaan udhiibay lacalla haddaan is wayno isoo wac ayaan iri haddaan ku xasuusto ayay tiri wayna iga dhaqaaqday , hadalkaas dambe quus ayuu ahaa rajo naf lehna ima uu siinayn laakiin tirada yar ee naruurada ah ayaan ku kalsoonaaday oo saaxiibkey inta utagay ayaan usheegay in aan naag helay sidaa darteed uu iska tagi karo , wuu igu qoslay ma naag ayaad utimi mise bandhig buugaag ayuu sii lahaa waanse kasii dhaqaaqay si aan ella iridda ugu sii istaago , hadday i illowdo xittaa anaan illaawayn maahan , ma oga saaxiibkey in buugaagta oo lala sheekaysto ay ka xamaasad badantahay adoo la sheekaysta dadka buugaag akhriya , ella iyada ayaa 8 buug udhigmata ayaan niyadda iska sii lahaa .
Bandhiggii wuu dhammaaday saaxiibkayna wadada ayuu cagta saaray aniguna iridda meel udhow ayaan jaakadaydii la fariistay si aan ella u ilaashado , xilli galabnimo ayay usii hoobatay illaa mugdi yari soo abuurmay oo habeennimo ay soo durugtay Ella na markaas ayuunbay soo baxday. Kaligeed ayay ahayd iyadoon wali halkaan fadhiyay soo gaarin ayay taleefankeedii lasoo baxday dabadeedna lambar wacday , nasiib wanaag anuunbay iwacaysay waan ka qabtay in aan sugayana usheegay way isoo madhay dhankaas iyo meherad coffee oo noo dhawayd ayaynu jaanta urognay , waa gabadh madow casaan ah waxay lahayd midabka hablaha soomaalida ah laakiin lama ay san ahayn , way gaabnayd timaheeduna kuwa jilicsan oo aan aadna ujilicsanayn ayay ahaayeen , indho so baxsan oo sakhradaysan ayay lahayd , cod xabeeba oo qofka dhagaysanayaa muddo dhagta uraaracinayo ayay lahayd , way aamusnayd wayn ihor socotay sidiiyoo aan nahay laba qof oo is dagaalsan , markaan meheraddii soo gaadhnay ee aan wada fariisannay ayay magacayga iwaydiisay waaan usheegay hadalka ayay ku saxanaysay ee wayba haysay magacayga oo kaarka aan udhiibay ayuu ku qornaa , coffee ayaan dalbannay dabadeedna is waraysi galnay , markaan uwarramay ee aan usheegay in aan dalkaan dalxiis u imid dadkana ka dhex waayay qof luqadda si fiican ugu hadlaya oo aan maalmahayga la qaato , in ay iyadu wixii dambe ii joogto ayay ii sheegtay , inay Mix african iyo caddaan iska dhaleen tahay ayay ii sheegtay dalkaanna ay ku dhalatay iyaduun maahee macal aabaheed ku dhashay ayay iiga qissootay , si fiican ayay iigu sharraxday nooca qof ee ay tahay illaa aan dareemay in aan la joogo qof run badan , aad ayay mararka qaar iiga qajjilaysay misana marar kale waxay ii arkaysay qofkii koobaad ee sideeda african ah ee ay dalkaan si fiican isugu bartaan , tiraba dhowr qoys ayay ku joogaan laakiin way kala fogyihiin ismana helaan inta badan walina may arag qof sidayda ugula soo dhiirada kulan wada sheekaysi , waxay ahayd qof sideeda ucajiiba , taariikho badan haysa , af yaqaan ah luqada englishkana si wacan ugu hadlaysa , waxaan waydiiyay sida ay ku baratay iyadoo ku dhalatay dalkaan aan luqaddan looga hadlin , in akhriskii buugaagta localka ahi kasoo dhammaaday oo aad kuwa caalamiga ah doonistooda luqadda ku baratay ayay ii sheegtay , akhriska ayay udhexjibaaxaysay si wayn , waxay ahayd qof baraarugsan mar walbana ku faanaysa afrikaanimadeeda .
Habeen dheer ayaan wada joognay oo dhowr meelood oo aan meheradii hore ahayn ayaan wada marnay habeenkaas si aan sheekada usii wadanno , ugu dambaynna gurigeedii ayaan geeyay walow aynaan kala bogan misana si fiican ayaan isu barannay marar kle in an kulanana ku ballannay , waxaan kasoo tagay anoo la yaaban noolahaas yar caqli badnaantiisa , wacyigiisa iyo sida uu isu yaqaanno , dad jacaylkiisa , ixtiraamkiisa iyo quruxdiisa , Ella walow ay 24 uun jirtay misana qofkii arkaa 21 iyo 20 ayuun buu ku tirin lahaa , nooca dumar ee farxaaninimada udhashay inay ahayd ka sokkow waxay ahayd naag waaqiciya , marar kale ayaan kulannay siyaabo kale oo badanna way iila hadashay marar badanna farriimo in ay ii dirayso aad moodid ayay si hoose iigu sheegaysay , waxay ilahayd africa annaga ayay ina sugaysaa , waxay ixasuusinaysay in aan nahay dad mudan inay la noolaadaan caalamka si caadi ah , jacayl afrikaanimo ayay igu abuurtay illaa galabkii aan kasoo tagayay dalkaas aan si dhaba indhaheeda uga arkayay sida ay ugu faraxsanayd inay maalmo wacan arkaysay qof kusii daysay wixii gubayay sannado badan .
Ella waxay ahayd xasuus hore .
Pintrest
HIBA IYO CUDBI
Haddii taaganta nololeedi ay jaangoyso sida timaadadu u ekkaanayso tiro badan oo dad ahi waxay gali doonaan hubanti la'aan nololeed , Hibana dadkaas ayay mid ka ahayd , in ay iska dhaleen macmiil iyo baayacmushtari maaha dhibaatada kaliya ee nolosheeda taaganta ah ka dhigtay mid aan macno samaynayn , haddii hooyadeed ahayd gabadh dabakaayo ku haysta geeska magaalada iyo halka loo yaqaanno isbaarada aabaheedna wuxuu ahaa igaar isbaaradaas askari ka ah dabakaayadaasna macmiil u ah .
In laga dhasho qoys noocaas ahi dookh maaha , aslan in la dhasho ayaan doorasho ahayn misana waxba waxbay dhaamaane in aad xabsiga dunida kaga soo biidhid qayb villa ahi way dhaantaa in aad cariish kaga soo biidhid , Hiba markay foodley noqotayba hooyadeed waxay iska siisay ayaydeed , in ayaydeed la siiyay ma ahayn nasiib darrada ugu wayn ee ku dhacday ee in la iska siiyay ayaa ahayd masiibo hor leh , assalkaba haddii ay iska dhalatay in cid la iska siiyaayi ma masiibaa? lafteedu waa su'aal kusoo dagdagaysa maanka qofka Hiba arka , waa 9 jir wayd ah , way dhabanno shubantahay oo midab gubantahay , cagteedu way ka ballaarantahay intii laga filayay oo caga caddaanta badan ayaa fidisay , way ilko caddahay , way timo jilicsantahay mana daddo timaheeda , way yadhahay waligeedse umay malayn in ay yadhahay , markay socotayba qaangaadh ayay ahayd oo sidii qof wayn ayaa loogu xisaabtamayay , may haysan wax khibrad caruurnimo ah , tanaasulka ma ay aqoon oo way mayyal adkayd , waxa cusub may xiisayn jirin oo xittaa in gogosheeda laga badalaayi may farxad galin jirin walow aanan laga badali jirinba , waxay sagaalkaas gu' ku gaadhay mudulka yar ee habartu ku leedahay sii jeedka dabakaayada illaa subaxaa saakaa jiho bari looga sii wato .
Ayaydu waa cudbi , waxay sannado dunidan soo joogtaba waxa uharay waa maalmo mase doonayso inay nabad ku dhammaysato , waa dhaqanka aadmiga oo ma ay jecla inay shar yaraadaan , aadmigu ma jecla inay caadiyoobaan , saamaynta ayaa micno usamaysa , jiraalkooda ayaa saamaynta doona , waa sababta waayeelka aadmiga ahi uga calaf jecelyahay saqiirka sannadaha badan taamaya haddii eebbe siiyo .
In foodleydu gafaysay la iskuma seegana se in duqdu ka dabqaadanaysay ayaa ba'a keentay , maalmaha isbuucu waa 7 oo maalinna may kala nasanayn , foodlayduna leexadka ma dayso duqduna ul ku toosinta ma dayso.
Arbaco bil udambaysa , wakhti habeenna aan ahayn maalinna aan ahayn , dadku hoyanayaan se dugaagu markaas uun soo kaceen ayay afka saartay jiho aan lahayn magac dhaafsiisan " kollay maaha gurigii cudbi " waxaa kaloo la sheegaa in jihadaasi magac kale oo la yiraahdo " waa gurigii hooyadaa " , gabadha yar meel walba oo aan ahayn guriga cudbi waa gurigii hooyadeed wax se aysan wali garan in hooyadeedba tahay nasiib xumadeeda .
Laba calaf ayaa tartamaya , calaf aadmi ulaaban iyo calaf dugaag ulaaban , foodleydaasina labadaas calaf ayaa mid uuni ku guulaysan doonaa taas ayaana lagu magacaaba hubanti la'aan nololeed .
Image source : pintrest
Waan ku salaamay hooyyo , waa xilli dambe misana waxaan fadhiyaa miiskii aad mar walba iigu dul iman jirtay sidii ayaan hooyo qalinka ugu dul hayyaa buuggii se waxaan qorayaa wax ka duwan wixii aan qori jiray , hooyo erayadii iyo laxankii aan samayn jiray waa dhammeeyay hadda waxaan sameeyaa warqadaha , waxaan warqado uqoraa dad aanan warqadahaas akhrin doonin waxaanad tahay qofkii udambeeyay , waan kuu xiisay hooyo , waan dareemay firaaqaaga , waan tabay wax walba oo adiga kugu saabsanaa , waan tabay canaaantaadii , waan tabay dhagaysigaagii habboonaa ee kabankayga , waan tabay dhunkashadaadii iyo dhabtaadii , waan tabay hooyo maradii qoyanayd ee aad xummada iika kalkaali jirtay , waan tabay hooyo soo booqashadaadii saqda dhexe si aad uhubisid in aan nabad qabo, indhaha aan leeyahay adiga ayay ahaayeen markaad geeriyootayna waan indho beelay.
Hooyo maan illaawin dardaarankaadii , kama tagin salaadihii , lama murmin wadaadkii masaajidka marka uu masaakiinta afjigo , hooyo kabankaygii ma dhigin se dadka lama dhex tagin , hooyo qalinkii wali ma dhigin gadaashaa se wax naf leh ma qorin , cidna ma dhibin , gabadh qalbiga kama jabin , wiil aniga oo kale ahna adduunka ma keenin , hooyo sigaar ayaan bartay gadaashaa , iftiinkaagii markuu iga damay iftiinka sigaarka ayaan guriga ka dhex shiday , iima uu ifin wax badan sidaadii laakiin waan kugu soo xasuustaa uun waanan ka xumahay hooyo .
Hooyo markaad geeriyootay kadib adduunku wuxuu ii sheegay in aan ahay kali , hooyo imuu ixtiraamin adduunku waanan ku qanacsanahay , waan unoolaa hooyo sidii nin hooyadii dhimatay , waxaad oran jirtay hooyo maad agoomoobin illaa aad rajowdid , dhab ayay ahayd maan agoomoobin illaa maalinkaan ku waayay mooyee , albaabada oo dhan ayay xirteen , ixtiraamkii ayay la laabteen , xiriiradii ayay jareen , booqashadii ayay daayeen , waxaan lamid noqday sida qof aanay waligood arag .
Waxaan is waydiinayaa hooyo maxay dadkoo dhami isu badaleen adiga dabadaa , maxaan uwaayay adeerro iyo abtiyaal , maxaan u arki waayay habaryaro , maxaanan u ahayn sidii shalay , maxaan uwaayay cid aan wax isku nahay , dadka adiga uun miyaad wax isku ahaydeen hooyo .
Hooyoy waan xamuunsaday , muddo ayaan qolkii aad dhex oolli jirtay dhex aallaa , kali ayaan ahay aan haysan cid xittaa biyo usoo shubta , waan xanuunsaday xanuun daran , neefta ayaan waayayaa hooyo , sidaadii ayaa la ii hayyaa , waxaan dareemayaa in aan kuu soo socdo , isoo dhawee hooyo , isoo dhawee .
Igu dul xus dhulka korkiisa .
Image source pintrest : s a v
Waan ku salaamay gacaliso , waad tagtay waan ogahay , waan ogahay waad mudnayd in aad tagtid mana ihi mid uqalma in lala joogo , waan ogahay maahid qof xun iyo qof aniga ineceb midna , waan ogahay waan kuu xiisayaa in badan laakiin kuma celin doono waayo kuma celin karo , khaladaadkaygu way iga kaa fogeeyeen kamana xumi waayo dad kale ayaa iga fogaaday aniga oo aan wax khaladaba samayn .
Gacaliso miyaan kaaga sheekeeyay in hooyaday dhimatay markaan dhashay , hooyaday way iga fogaatay aniga oo aan hal mar xittaa indhaheeda iyo indhahaygu is qaban , gudaheeda ayaan qayb kula jiray qaybna adduunka ayaan la joogay markii ay tagtay , ma garanayo si ay u ekkayd iyo dabeecadeeda , waxaa la ii sheegay in ay sidaada wanaagsanayd , waxaan ka xumahay in aan anigu dilay hooyaday , Gadaasheed dad kale oo badan ayaa iga tagay , aabahay ayaa iga tagay , ayeeyo ayaa iga tagtay kadibna adiga , qof walba oo iga soo ag dhawaadaa wuu tagay illaa aan kali noqday.
Ma ogtahay in aan koray hooyo la’aan , ma ogtahay in dhalinyaroobay aabe la’aan , ma ogtahay in aan 20 jirsaday aniga oo cidda quraata ee dhinacayga taagani ay adiga tahay , ma kula tahay gacaliso in aanan noolaan karin la’aantaa , waan la qabsaday in dadku iga tagaan , sida maalmaha ayayna isu badalaan dadka hareerahayga jooga , mid walboo iyaga kamid ah waxaan udiiwaan galiyaa imaansho qurxoon iyo tagis foolxun , gacaliso in aan doorbiday in aad igula noolaatid xabaalaha agtiisa waa aniga doorashadayda , waa aniga khaladkayga laakiin khaladkayga haddaanad igu raacin saxdayda ha igu raacin , gacaliso la noolow hooyadaa waanan ku qanacsanahay middaas , waan ku faraxsanahay waanan kugu faanaa .
Gacaliso dadkoo dhami way iga tagaan iyagoo aan ila tashan , way tagaan iyagoo aan idan iwaydiin, way tagaan iyagoo aan ogayn waxa aan ku dareemayo tagistooda , kuwaas ayaad ka fiicantahay gacaliso waad iwaydiisatay idan si aad utagtid , waxay iwaydiisay in aan kula noolaado xabsiga hooyadaa ama aan kali ku ahaado xabaalaha agtiisa waxaanan doortay xabaalaha .
Gacaliso ma xasuusataa markii isugu kaaya horraysay , waxaad fadhiday kursiga martida ee xafladdii iskuulka , sida gabadh wasiirad dhashay waad ufadhiday dhabtii , walow aan ardayda baxaysa ahaa misana umaan labbisnayn sidooda , sidii qof xafladda si lama filaana ku yimi ayaan kursi shishe fadhiyay haddii dadku labadeenna na arki lahaayeen adiga ayay ku moodi lahaayeen arday maalinkiisii jooga sida aad ufaraxsanayd , may oga in maalinku uusan farxadda wadan ee hadba qofkii hanti iyo dad haystaa faraxsanyahay, hadba qofkii wasiir dhalay ayaa faraxsan gacaliso , markii la ii yeeray si la ii siiyo hadyad yar iyo shahaado sharaf aan ku mutaystay in aan si fiican wax uxifdiyay sannadadii iskuulka waan soo kacay waxaanan dhex marayay saf dheer oo dad ah garab la’aan , qof walbaa wuxuu gadaashayda ka eegayay waalidkay illaa aan stageka istaagay anigoo kali ah , ammaan yar iyo isla sawirid kadiba waxay ii dhiibeen mikrafoonka si aan cid ugu mahad celiyo , gacaliso dhammaantiin waad shoogteen markaan iri “ Asc yaa ahlal qubuur “ maxaad la shoogteen gacaliso , maxaydaan ufahmin in aniga dadka aan u mahad celinayo oo dhami aanay noolayn , hooyo , aabe iyo ayeeyo ayaan uga mahad celiyay guushaas iyaga oo xabaalan , waxaad ufadhideen safsaf waanad ii sacabinayseen sidii in aan sameeyay wax dheeri ah , miyaanan xaq ulahayn in aaan salaantooda ku salaamo ehelkay , miyaanay mu’mimiinta dhintay ilaahay agtiisa ka noolayn , miyaysan mudnayn in xafladaha looga mahad celiyo , walow aanan ulabbisnayn si uqalanta misana waxaan gacantayda ku salaamay hooyadaa adiguna waad garab fadhiday , hooyadaa lafteeda haddii waayaheeda dib loo raaco dad badan ayaa ka tagay oo ka dhintay laakiin malaha wasiirnimadu way ku illowsiisaa marxuumiinta .
Gacaliso maalinkaa kadib waad igu lammaanayd , waa qiso xidhiidh oo dhex maraysay faqiir , agoon ah oo waliba arday ah iyo gabadh ay dhashay siyaasiyad caan ah oo la ixtiraamo , mar walba hogaanku adiga ayuu ahaa , adiga ayaa ballamaha qabanayay waayo adiga ayaa bixinayay kharashka , gacaliso adiga ayaa ahaa labka xidhiidhkaas waanan ku qanacsanaa , noloshan casrigaa gacaliso wax walbaa waa is badaleen ka warran haddaan hooyo usheego in xidhiidhada hablaha tujjaartu ay ka dhigantahay in wiilku ka noqdo xidhiidhkaas dheddiga kali ah ee ku jira , waa wax lala yaabo sow maaha .
Ma xasuusataa gacaliso maalin aan ku iri aniga lacagtu ima badasho , been ayaan kuu sheegay , sidee ayaysan ii badalin gacaliso lacagtu sow maaha maamulaha jiraalka , in aan ku jeclaa been maaha , in aan ku rumaysnaa been maaha , waan ku doonayay oo been maaha , waan rabay in dhagtaydu xabadkaaga iska saarnaato gacaliso waan rabay in aan kugu marnaado , waan rabay kulkaagii wakhti uu qabowgu adkeeyay farahayga , waan rabay in gacmahaagu timahayga ku ciyaaraan , waan rabay wax walba oo ku saabsan agtaada laakiin ma rabin gacaliso hantida hooyadaa , ma rabin agjooga qoyskiinna , ma rabin gacaliso in aan u ekkaado mid doonaya maciishad , waan noolaa shilimaadkaaga ka hor waan noolaan karaa waanan noolaan doonaa , Usheeg hooyadaa in siyaasaddu tahay wax bulshada isu keena ee aysan ahayn wax bulshada kala kaxeeya , usheeg hooyadaa gacaliso in jacaylkaan kuu qabo uusan waligii nusqaamayn , usheeg gacaliso in laba kasta oo is jecel inay is hantaani aysan ahayn daruuri .
Ha ii walwalin waxaan haystaa buugaagtaydii oo aan iyagu iga tagayn, sheeko faneedyo ayaan haystaa aan lahayn lugo iyo gacmo mana iga tagayaan aniguna ma aasayo waxaan haystaa xabaalaha oo aan guurayn igana fogaanayn , waxaan haystaa qalin gacaliso iyo waraaq aan ku qoro wixii aan doono , Macaan saaka waxaan kasoo kacay gurigaygii udhawaa xabaalaha hooyo , ma taqaanaa waxa ay ahayd saaka , saaka ciid ayay ahayd , dhammaan dadkuna waxay tarab tarab umarayeen dariiqa qof walbaana wuxuu salaamayay ehlu qabuurku se aniga oo kale ayaa la ciidayay .
Gacaliso waan kuu xiisay , waan kuu xiisay ee nabad ii ahow , warqaddaan waxaad akhrin doontaa marka aan kamid noqdo dadka la salaamo ee aan lala joogin , waxaad akhrin doontaa marka aan kamid noqdo dadka aan uqalmin in xafladaha looga dhex mahad celiyo ee aad la yaabtaan.
Gacaliso Igu dul xus dhulka korkiisa waxaan kugu dhex xusi doonaa dhulka hoostiisee .
Image Source : pintrest
Dadka kugu hareeraysan waxay xaq kuugu leeyihiin la dhaqan wanaagsan , kama dhigna in aad nabad galisid oo kaliya ee wax intaa dhaafsiisan oo macaamil wanaagsan ah ayay xaq kuugu leeyihiin , ha ahaadaan qoyskaaga , shaqo wadaagaaga , class wadaagaaga , lammaankaaga iwm cidduu doono ha ahaado qiimkuu doonana agtaada haka lahaado deegaanka ayaa idinku wada xiray dabar ay tahay inta aad ku wada jirtaan in aad caqliga adeegsataan isna ixtiraamtaan .
Noloshu aad bay u adagtahay , waa wax adag noloshu qof walbana wuxuu la harjadayaa caqabado isaga ugaar ah wuxuuna ku jiraa is badbaadin khaas ah , subaxa markuu kaco illaa uu habeenka dhinaca dhulka dhigayo nolosha ayuu la hardamayaa ka warran haddaad ku noqotid caqabad nolosha dhankeeda kasoo safata ! Haddaanad kuba noqon caqabad laakiin aanad harjadkiisa indho wanaagsan ku eegin xittaa maad caawin .
Dhaqan wanaaggu wuxuu noqon karaa dhoollacaddayn qura, wuxuu noqon karaa salaanta wanaagsan ee maxabbada leh , wuxuu noqon karaa ka warqabka iyo ka warhaynta , wuxuu noqon karaa talada wanaagsan marka ay ku waydiistaan , wuxuu noqon karaa wax siinta haddaad wax dheertahay , wuxuu noqon karaa lama filaannada iwm .
Unaxariiso qoyskaaga , unaxariiso saaxiibadaa , unaxariiso gabadha aad xiriirka leedihiin , unaxariiso shaqo wadaagaaga , unaxariiso fasal wadaagaaga , isu naxariista in alle idiin naxariisto .
Badanka waxaan jeclahay in aan kaligay wakhti qaato si aan naftayda wax badan uga barto, maalmahaan dambe waxaan is baray in aan dhagaysto dadka kale sheekooyinkooda si aan uga helo khibrad nololeed .
Waxaan is baray in aan dhagaysto waraysiyada lala yeesho dadka nolosha hoos kasoo bilaabay illaa kor si aan wax uga ogaado sida ay uxalliyeen dhibaatooyinkii soo wajahay intay ay safarka ugu jireen xaqiijinta naftooda, iyo siday ay kali uwajaheen caqabadaha adag ee safarka .
Waxaan si lama filaana iiga soo hor baxay maalin waraysi lala yeeshay cayaartoy caan ah oo cayaara cricketka wuxuu leeyahay waxaa jirta oraah aan ka helay cayaartoy hore oo waano ahayd wakhti aan garbahayga ka waayay cidna , wakhti aan dadaal ugu jiray sidaan udhisi lahaa shaqsiyad cusub oo noolayaasha dhexdooda wax uun ka dhex noqota , waxa uu igu yiri cayaartoygaas hore “ markay dadku doonayaan in aad noqotid mid adag oo guulaysta , waxay illaawaan inay ku waydiiyaan sida aad tahay iyo xaaladaada” waxay ka dhigantahay in marka dadka kugu hareeraysani ay doonayaan in aad guulaysatay ay kugu fasixi doonaan chalangeska nolosha kaligaa si aad uwajahdid .
Si dadban ayay dadku utaageeraan guulaystayaasha waxayna ku taageeraan inay daayaan si uu guulaystuhu unoqdo guulayste dhab ah .