Stories by Cabdiraxiin-Ciideed on Medium
Farriin Ku Socota Da’ Yarta 2
05–10–2026
Cabdiraxiin-Ciideed
“Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto.”
Bisimka Alle ayaan ku bilabayaa si aan barakadiisa u dugsano, waxa aanna naabdgelo iyo amaanba Alle u weydiinayaa nebigeennii sharfanaa Maxammed SCW. taxanaheennii Weedhaha Isniinta waxa aan markan sii wadi doonnaa farrintii da’ yarta ku socotay, qoraalkan aniga iyo idinkuba waxaan rajeenayaa in uu noqdo mid anfaca, si gaarana cid walba oo qoraalkan akhrinaysa waxa aan rabaa in aan dhaho qoraalkan adiga ayuu ku socdaa, fadlan dhugo qoraalkan, ha talana ha noqotee wax uun iga gunud.
1- Nebiga sharfan xadiis laga weriyay ayaa waxa uu leeyahay; “shan hortood shan ka faa’idayso, dhallinyaronimadaada ka hor inta aadan gaboobin, caafimaadkaaga ka hor inta aadan xanuusan, hodantinimadaada inta aadan faqriyoobin, waqti firaaqaaga ka hor inta aadan mashquulin, iyo noloshaada geerida ka hor.”
B) Nebigu waxa uu ka bilaabay dhallinyaranimada ka hor inta aynaan gaboobin, inta aan yarnahay waa waqtiga aynu hayno awood aynu wax walba ku barano kuna fahano, waa waqtiga hanti iyo aqoonba la dhisi karo, waa waqti muhima oo hadda si fudud inooga baxa, waxaana fiican in aynu wax uun kaga faa’idaysano, ha noqoto in aan xirfado isbarno, hanti shaqaysano, bulshada wax ku celino oo wax u qorno.
T) Waxa uu nebigu ku xejiyay caafimaadka, inta aan caafimaadka qabno ma dhuguno qiimaha uu leeyahay, balse si aan taas u fahano waxaa fiican in aan marna ha noqotee aan soo booqano cisbitaallada, si aan u aragno kumanaanka inala midkaa ee cuduri waadhadhka dhex jiifiyay, waa talo uu nebigu ina siinayo oo ah in aan caafimadkaas ilaashano, ka fogaano waxyaabaha cudurro inagu sababi kara, hadday tahay cuntada sonkorta iyo saliidda badan oo si gaara inaga Soomaali ahaan inagu badan, sidoo kalena inaan sameeno jimicsi, biyo badan cabno oo aan caafimaadkeenna ka war hayno.
J) Waxa uu nebigu saddex kaga dhigay hodantinimada ka hor faqri inagu dhaca, si maaddi ah qudhiya inaga oo aan uga fikirin hantidaas waxa aan eegi karnaa inta lixaad ee uu Alle ina siiyay iyo haddii laynaga qaado sida aan faqiriin u noqon karno, asxaabtu waa hanti, faamilku waa hanti, mid walbana in aan ka faa’idaysano weeye, haddii aad lacag heshana in aadan dadka illaawin oo hal doollarna ha noqotee aad wax uun dadka u baahan aad ka gaadhsiiso ayaa wacan, qofkii wax bixiyana Alle waxa uu u balanqaaday in uu siin doono wax ka khayr badan.
X) Waxa uu Nebigu ku afreeyay firaaqada ka hor inta aadan mashquulin, mar waxaa dhici doonta aad waayi doonto jaanis aad qof ku wacdo, buug ku akhrido ama aad wax ku qorto; sidaas daraadeed hadda ayeey inoo habboon tahay in aan ka faa’idaysano oo aan aynaan u arkin waqtigan camal la’aan balse aan u aragno hadyad ay tahay in aan ka faa’idaysano, dadkana uga faa’idayno. Haddii aad shaqo gashid galabkii waa in aad aroortii ka faa’idaysataa buug akhrisatayaa, wardigaagii Qur’aanka sii akhrisataa, adkaartii subaxa iyo galabka akhridayaaba waa in aad firaaqadaadaas aad si wacan uga dheefsataa.
D) Waxa uu nebigu kusoo gabogabeeyay dhammaadka wax kasta inta aysan iman in aan nolosha ka dheefsano, in aad noolaano nolol inoo qalanta, nolol farxadeed, nolol bilaa xisdiya oo bilaa nacayba, nolol aan cid kale barbar ordayn, noolaansuhu waa nimco weyn oo ay tahay in aan ka faa’idaysano oo aynu noolaan nolol cibaado, Alle ku xidhan oo leh qiyam iyo xad. Maalmahan aan adduunyada joogno waa in aan noqono addoomo wanaagsan oo jidka Allena ku sugan, dadkuna ka nabad heleen.
2- Cidna ha is barbardhigin; danbigii ugu horreeyay ee dhacay abuurkii Nebi Aadam kadib waxa uu ahaa isbarbardhig, waa markii Ibliis la tartamay nebi Aadam, danbigii koobaad ee ila Aadam ka dhex dhacayna waxa uu ahaa quudhiwaa, sidaas daraaddeed uma noolin in aan dadka kale isku dhererino waxaa aan nahay qof ka duwan dadka kale, kala duwanaanshahaasna ayaana ah waxa macnaha sameenaya, qofka kaa hanti badan dartii ha u murgin, imtixaan haddii aad dhibco hoose keento qofka ka sarreeya dartii habeenno hurdada ha uga tagin, naftaada aamin, dadaalka wad balse farxaddaada ha u waayin qof kale meel uu gaadhay. Kibirkana iska ilaali iyo haddii aad meelgaadho in aad isku aragto qof dadka kale wax dheer, quudhiwaaguna waa jirro aad u xun yadana iska jir ciddii lehna ka dheeroow yaadan ka qaadine.
3- Haddii qofi kula balamo waqti, waqtigaas ilaali; ka Soomaali ahaan aad baan ballanta ugu xunnahay qof aad 10:00 subaxnimo la balantay ayaan 10:30 u tagnaa waaba haddii aan soo dheereenno, waana caado xun oo ay qumman tahay in aan iska jarno. Haddii aad soo daahayso qofka ogaysii, balse ha doorbidin intii aad adigu wax sugi lahayd in adiga lagu sugo. Ballanta dadka iska saar masuuliyad.
4- Inkasta oo ay fiicnayd in aan goor hore qoro haddana aan ku afreeyo addeecidda waalidka; waalidkeennu waa cidda xaqa ugu weyn inagu leh, yaga sida aan ula dhaqano ayaan dadka kalena ula dhaqmaynaa, waa habeenkii xalay ahaa ee tagay oo kale in la arko waalidul caasi bulshada manfac u leh, waalidkaa ogoow, u samal fal, hadal wanaagsan ku dheh, haddii ay dhinteenna wax u sadaqee, dadkii ay jeclaayeen ka warqab, xidhiidhi, ducadana haka illaawin. Waalidkeen waa dadka dadaal kasta oo aynu samayno abaalka ku leh, siiba hooyada hala ogaado, halaga ducaysto. Waalidkeen inta noolna Alle cimri iyo caafimaad ha siiyo, inta dhimatayna Alle naxariistii janno haka waraabiyo.
5- Baro fanka sharraaxaad yarida; Mawlanaa Jalaaludiin Ruumi ayaa waxa uu yidhi “aqoon kasta lahoow qofka aad la hadlayso inta uu yaqaano uun buu fahmayaa.” Waxaan uga socdaa waa inaan is barnaa qof kasta iyo waxa aynu u sheegayno haddii aad inan tahay saaxiibtaada hablaha kale oo dhan kaaga dhow iyo hablaha uun aad asxaabta tihiin isku wax uma sheegaysid, wiilashuna sidoo kale, waxaa yana jirta in aad fahanto muhim maaha in aad wax kasta cid kasta u sheegto waa in aad garan kartaa cid walba waxaad u sheegayso iyo goorta aad u sheegayso, qof aad maanta isbarateen noloshaada oo dhan ha uga warramin, balse xasuusnoow dadka qaar waxa ay la noolyihiin cudur kaliyoow ah, iyo dhagaysi la’aan waxaana suurre ah in uu qofkaasi rabo in uu helo cid dhagaysata, hadalka haku kala jarin, qofkii aad caawin kartana hal ereyna ha ahaadee wax uun ku caawi.
6- Isbar ereyada wanaagsan, waxyaabaha aan baryahan danbe dadkeenna ku amaano waxaa kamida in aan noqonay bulsho furfuran, qofkii aan wanaag ku aragno waa in aynu u qirnaa, qofki aan ku aragno dadaal waa in aan dhiirrinaa oo garabsiinnaa, ‘waan kugu faanayaa’, ‘waan kuu hanweynahay’, ‘dadaalkaagu ma guuldaraysanayo’, iqk. Ereyadaas iyo kuwa lamidka ah waa in aan dadka aynu ugu laab qaboojinaa, waliba waalalaha inaga yaryar waa in aan kula hadalnaa luuqad ay ku noqdaan dad naxariis leh, marka ay kaalin galaan ama ay wax wanaagsan sameyaan waa inaan hadyad yar siinnaa, ereyo wanaagsanna dhahnaa, haddii aan la joogno waa in aan la sheekaysanaa oo uusan banaanaan gaab inaga iyo iyaga inoo dhaxeeyaa, waa inaan ka war doonnaa haddii aan ka fognahay oo aan warka ka dhurnaa, cid walba oo si wanaagsan loola dhaqmay waa hubaal in ay dadka si wanaagsan ula dhaqmaan.
7- Muhiimad sii xanuunnanada nafsiga; sifda aan aaminsanahay qof kasta oo inaga mid ihi waxa uu la nool yahay xaalad nafsiyadeed, meelbaa walwal ka hayaa, arrinbaa buuq ku haysa, ama wax kale baa haya, sidaas daradeed waa in aan asxaabteenna iyo ehelkeenna ka war haynaa, waa inaan yeelanaa dareen aan ku fahmi karno dadka kale oo aan booskooda isku dhigi karno, inanka ama inanta imtixaankii fasalka afraad ee dugsiga sare ku dhacay ama dhibce hoose keenay qoomamada iyo welwelka haysta waa in aan dareemi karnaa, intii aan dhihi lahayn dadaalkaagaa yaraa iyo eeddu waa adiga waxaa qumman in aan ereyo laab qaboojisa dhahno, waa inaan noqonaa dad asxabtooda iyo ehelkooda u nugul, oo xaaladahaas garab ku siiya. Waa inaan u cudurdaarnaa haddii aan saaxiibbadeen qof kamida oo isbedelay aragno, waana in aan raadino waxa kusoo kordhay, dadka qaar wey ku adag tahay in ay wax sharraxaan sidaas daradeed waa inaan yeelanaa dareenka fahanka, iyo ka warqabka, asxaabta iyo ehelka kaad baryo weydo ka wardoon oo xaalwarayso.
Waxa aan rajeenayaa in toddobadani ay noqdaan toddobo aynu wax uun ka qaadano, qofka ugu horreeya ee qoraalkani ku socdaa waa aniga, aniga ayaana isku wacdiya iskuna waaniya, same ku waara. Isniin wanaagsan.
Farriin Ku Socota Da’ Yarta 1
28–09–2026
Cabdiraxiin Ciideed
“Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin
Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaanee.”
Qallinku waa sida gabayga oo kale, haddii uusan jirin qoraalka ujeed cad oo kugu dhaliyay erey helidda iyo macnaha qoraalkuba wax sii ridan ma noqdaan, waa in qalinka qaadashadiisa ay jirtaa sabab aad u miciinsatay, anna aan arartayda koobee qoraalkan kooban oo laga yaabo in uu taxane noqdo waxa aan qoray xalay, saqdhexe ayaan aniga iyo shaashaddu is weheshanay, waa mar aan dib u eegay boqolaal dhacdo oo aan soo tibaaxay iyo waayo aragnimo yaraantii meelaha qaar igu heshay, sidaas daradeed qoraalkan waxa aan u qorayaa da’ yarta. Bal aan dhahaba cid walba oo iga yar, si gaarana aan u magac dhabo dhallinta jirta 13–19, qoraalkan idinka ayaa leh, waxa aana rabaa in qoraalladani sameeyaan hir wacyi oo dhallintaas oo ku jirta waqtigan ay dhacaan isbeddellada jidheed, fikiradeed iyo hormooneedba ay helaan cid garab u noqota, ani waxa aan bixinayaa waa talooyin guud waxaanse filaya in dad badan isxilqaanka sii wadi doonaan oo hadda kadibna la heli doono qoraallo la hadla da’ walba oo inaga mid. Isku share gareeya oo is gaadhsiiya.
1- Cibaabadada ogoow walaal, Alle SWT xidhiidh wanaagsan la yeelo, isku day in aad noqotid Islaam wacan, diintaada baro; hana u arkin in cidi kaa xigto, samayso caado diimeed oo wanaagsan iyo qiyam aadan ka gudbin, sunnayaal aadan wax kastoo dhaca aad tukato, dadku hakaa amaan heleen, Muslim dhaba waa qofka afkiisa iyo addinkiisa laga nabad galay, ruuxdaada baro, Qur’aanka akhri, ha illaawin in aad Jimce walba akhrido suuratul Kahfi, hal rakcana ha noqotee habeenkii salaatul laylka ogoow, dadka oo idil wajisan kula dhaqan. Akhlaaqdu waa diinta badhkeed, si walba oo aad u cibaado badan tahay haddii aad akhlaaq xuntahay wax badan dheefi maysid, akhlaaqdaada muhiimadsii, wixii aad ku khaldan tahay sidii aad u sixi lahayd folowgeeda gal, kala duwanaashuhu waa qayb kamida iinsaaninimadeena ee qof aad kala caqiido iyo fikir duwan tihiin in aad diinta ka saarto ama wax xun meel walba u dhigto iska ilaali.
2- ha qabatimin isticmaalka baraha bulshada; waxa aynu joognaa 2026 waana uun iska sheeko baraley in la dhaho qof baraha bulshadu in ay caado kuu noqdaan iska ilaali balse waa iga dhab walaalkay iyo walaashayeey, waxa aad filanaysaan in aad baraha bulshada xog ka heshaan, dad ku baranaysaan, ama aad update ku noqonaysaan balse uma baahnidin, khaladaadkii ugu waaweynaa ee noloshayda galay waxaa kamida in aan yaraan baraha bulshada kusoo galay, balse haddiiba aad qabatimto iska ilaali intan;
B- waqtiga aad ku luminayso yaree; iska yaree in aad waqtigaaga oo idil daawashada dadka iyo la hadalkoodu kaa qaato, yeelo waqti aad naftaada dhisto, wax akhrido waxna baadho.
T- mawduuc walba oo baraha bulshada laga hadlo haku dhex milmin, waad yartahay, da’daaduna ma gaadhin waqtigii aad mawduuc walba kalmad ku darsan lahayd, umana baahnid in aad wax kasta ka hadashid, weedhaadu mawduuca la falanqeenayo waxba kuma kordhiso, kamana dhinto sidaas daraadeed iska ilaali in aad noolaatid nolosha mawduuc walba falanqaynta.
J- halagu wadwado waxna ha u sameen. Walaashayeey, walaalkayoow wax walba oo aad halkan ku qortaa waa dhaxal hadhi doona sidaas daraadeed hasoo qorin wax walba, dad maanta qoraalladaas qosol kuu saaray ayaa berri ka maalin eed kaaga dhigi doona, ogoowna cid walba oo aad halkan kawada qososhaan nolol u qarsoon ayaa jirta, adna lahoow nolol kuu qarsoon.
X- wax kastoo dhaca iyo wax walboo jira wax ehelkiinna idin dhex maray baraha bulshada ha keenin, waxa aad lamid noqonaysaa qof ehelkisii dad ajnabi ah uga warramaya.
Kh) fikirkaagu wuu is bedeli waajib maaha wax walba oo aad aaminto in aad baraha bulshada kusoo share garayso, haddii aad buug akhrido oo uu fikir cusub kugu beero waajib maaha in reer Faysbuug oo idili ogaadaan, gaarkaaga u baadh fikirkaas, u taxliili oo horta inta aadan sheegin wax badan ka ogoow kana baadh. Waajib maaha sidoo kale in dadka oo idili ogaadaan caqiidada aad aaminsantahay, falsafadda aad la dhacsan tahay, fikirka dhaqaale ee aad u aragto mid barakaysan, wax walba oo aad aaminsan tahay, iyo wax walba oo aad jeceshahay waajib maaha in cid kastaa oo halkan kuugu jirtaa ogaato.
3- Hal ama labo luuqad ku baro da’dan. Walaashayeey, walaalkayoow da’dan waa da’ aad u howl badan haddana waa marka aad ugu maskaxda iyo fahmada wacan tahay, bal suurayso adiga oo marka aad 23 jir tahay ku hadli kara, ama si wacan wax ugu akhrin kara Carabiga iyo Ingiriisigaba ama midkood, ma wax ka wacanbaa jira? Waxaana kaa xiga uun in aad waqtigan siday tahay aad uga faa’idaysatid sidoo kalena aad samaysid nafhur.
4- Aabbahay ayaa mar aan da’daas ku jiray i siiyay talo, waa mar aan baraha bulshada dhex galay oo aan ku dhex jiray waxa uu i yidhi “isbar sida loogu raaxaysto muuqasho la’aanta”, yacnii sida loo barto nolol aad mustaqbalkaaga dhisayso yada oo aysan jirin meel aad soo dhigto ama dad aad la wadaagto oo baraha bulshada kula jooga, waa muhiim in aad idinna aad barataan sida adiga oo aan caan ahayn, ama faysbuugga hadh iyo habeen wax ku qorayn loogu raxaysto maqnaashahaas, waqti iyo juhdina laysku geliyo.
5- xaalad walba oo aad ku jirtaan waari mayso, walaashayeey ama walaalkayoow haddii aad maanta niyadjab dareemayso wax waaraya maaha isku day in aad maalinkan u noolaato sida ay tahay, ka faa’idayso, in ka badan intaad samaysan lahayd asxaab baraha bulshada kuugu jira samayso asxaab aad si caadiya isku aragtaan, wax wada barataan waxna wada ciyaartaan, in qofku bulshaawi noqdaa eed maaha waa wax wacan, dadkaaga waqti la qaado.
6- isbar wax akhriska, iyo wax dhagaysiga. Walaashayey iyo walaalkayoow, qofku isaga oo aan deegaankiisii ka dhex bixin labo hab ayuu isku badalaa, waa in uu wax badan akhriyo, iyo in uu wax badan oo macno leh dhagaysto. Waqtigan muhimkaa baro sida wax loo akhriyo, akhrisku maankaaga ayuu kobcinayaa, habfikirkaaga ayuu badalayaa, waxa uuna kuu fuurayaa maan kaadsiimo iyo kaydsanba leh, wax dhagaysiguna waa sidoo kale, isbar sida loo dhagaysto boodkaastiyada macnaha leh, muuqaallada mucda leh, wax badan akhriya si aad wax badan u ogaataan, wax badana daawada oo dhagaysta si aad wax badan u barataan.
Intaas ayaan qoraalka ku joojiyay, qoraalkan waxa aan u hadyeeyay walaalahayga da’da yar, iyo qof kasta oo qoraalkani u furayo indho cusub, yar iyo weynba. Waxa uu noqon doonaa qoraal ana kala go’in oo hadba dhan awoodda saara. Isniin wanaagsan.
abdirahimdayib@gmail.com
Axad, 21–12–2025
Diinta Islaamka salaaddu waa tiirka labaad, salaaddu kaliya maaha in qofku lagu dirqinayo in uu shan waqti tukado balse sidoo kale waxay u taagan tahay midnimo bulsho, matalanba, weynu wayso qaadanaa inaga oo leh wax walba oo aan horay usoo hayay waan kasoo jeestay oo biyahan baan jidhkayga ku dhaqayaa aniga oo raacaya sidii ay ahayd in loo wayso qaato, weynu sandaarsanaa inaga oo oo sankeenna wixii khaldanaa ee uu uriyay ama carfiyay ka dahirayna, weynu luqluqanaa inaga oo aan cuntada qudhiya ka luqluqanayn balse sidoo kale hadaladii xumaana ka dahirayna, sidoo kale isla waysadan ayaa la yidhi waa in qofku biyaha tashiilo oo uusan ku israafin xitaa haddii uu webigu ku waysaysanayo, waayo lama rabo in bulshadu noqoto bulsho wax kasta si xad dhaafa u isticmaasha.
Kadib waa la addimaa, aadaankuna waa in bulshadu haysato cid wax kasta oo ay sameenayaan u iclaamisa oo aysan noqon bulsho foodaa oo cid walbaa u yeedho, kadib imaamka ayaa dadka tujiya waxa uuna kusoo celceliyaa safka inoo sima, safka la simayo waxaa meesha laga saarayaa kala sarrayn walba oo bulshada dhexdeeda ahayd, hoggaamiye, shacab, wadaad, caamay, Carab, Cajami, caddaan, madoow, safkaas ayeey ku wada jiraan oo garbo siman yihiin yaga oo uun ka war sugaya ficillada iimaamku sameenayo, haddii aan indhaha siyaasadda ku eegno waa in bulshadu u baahan tahay hoggaamiye haga, safkuna waa safka cadaaladda iyo xaqsoorka oo lama kala sarreeyo.
Sidoo kale masaajidda labo qaybood weeye; waa qayb haweenka ah iyo qayb ragga ah, iyaduna waa in aysan bulshadu isku dhex darsamin oo uusan lumin qiimihii jinsi walbaa waayo jinsi walbaa sida uu yahay ayuu ku qurux badan yaha, ninku inuu yeesho qaabka dumarka waa foolxumo, sidoo kalena in gabadhu yeelato qaabka ninka waa foolxumo, sidoo kale waxaa la tusayaa bulshada in dadku iyaga oo labadaas jinsi kala ah ay hoggaamiyaha dhankiisa iyo xaqsoorka ka siman yihiin, lama odhan marka ay raggu rukuucaan dumarku ha rukuuceen, ama taas cagsigeeda balse waxaa waajiba in ficillada imaamka la raaco yada oo aan laga hor marayn ama laga dib marayn.
Imaamku marka uu sahwiyo oo is moodsiis tiir salaadda kamida ama rakcad uu ka tago ama mid uu ku daro waxaa la amray in jameecadu saxaan iyaga oo leh Alle ayaa ceeb ka nasahan oo macnaha kale ee ay samanayso ah Alle mooyee khalqigiisa oo dhan wuu gafaa. Imaamkuna inta uu ka garaabo waa ta uu ku kabo is moodsiiskaas labo sujuudood oo dhammaadka salaadda ah taas oo iyana aan u macnaystay in ay tahay Aadame ayaan ahay oo gef waa iga dhacayaa ee Rabboow. i hanuuni oo xaqa u tusi.
Ugu danbayna midig iyo bidix ayeeynu u salaamad naqsanaa marka laga yimaado in aynu salaadda ku dhammeeno haddana macnaha kale ee la saari karaa ana ila muuqatay waa in labada qof ee labada dhan inaga xiga aynu salaano si wadajirka bulshadu u jiro, iyada oo aan salaanta lagu xidhayn jinsi, nasab iyo midabtoona.
Ramadaan wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal, bishan barakaysan Alle ha inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’idaysata, Allena ha inaga yeelo kuwii uu u danbi dhaafo. Maadaama bishani ay tahay bil ka duwan bilaha kale waxa aan naftayda iyo nafihiinnaba talo ahaan u siin lahaa:
1- Soonka oo lagu kaabayo dad waxtar: diinteena suubban ee Islaamku waxa ay inagula dardaarantay in dadka la caawiyo oo waxyaabaha ay u baahan yihiin sidii wax looga qaban lahaa lagu dadaalo, qofka sooman ee aan helin karin afur in afur la siiyo, reerka wax uun haysta balse aan afurkoodu dhammayska tirnayn in wixii la tari karo la taro. Sidoo kale in xataa qofkii aqoon wacan lihi bishan uu si gaara iskaga xilsaaro sidii uu aqoontiisaas wax uun kamida u gudbin lahaa, waayeelka oo saaladda laga saxo, weysada laga saxo, suuradaha salaadda lagu tukado oo si wacan loogu tajwiid saxo, aduu si wad uun dhammaan shaqooyinkaas waxtarka leh in lagu dadaalo waa shay mudan bishan barakaysan.
2- Qur’aan akhris lagu kaabayo fahan: Alle Qur’aanka iyo diinta ha ina fahansiiyee Nebigeennii Muxammed SCW waxa uu yidhi “qofkii wanaag uu Alle la doono diinta ayuu fahansiiyaa”, Qur’aanka oo bishan la akhriyo si gaarana layskugu dayo sidii macnihiisa loo baran lahaa waa camal wanaagsan bishan ay tahay in aan ku dadaalno, hal mar dhammee, labo jeer dhammee, saddex jeer dhammee, intaad doonto dhammee balse haddii aad lafdiga uun akhrinayso sawaab mooyee faa’ido kale kama dheefaysid, waayo Qur’aanka looma soo dejin in la akhriyo ee waxaa loosoo dejiyay in la fahmo, laguna camal falo.
3- Salaadaha oo aad loo ilaalinayo laguna kaabayo sunnayaal dheeriya: Nebigu SCW camal la qabto jihaad dabadii waxa uu ka dhigay salaadda oo waqtigeeda lagu tukado, salaadaha shantaa waa waajib uu Alle madaxeena saaray aynana tahay in aynu u gudano sida ugu wacan, bishan waa 30 ama 29 maalmood maalmahan tirsan haddii aynu isku dayno in aynu salaad kasta waqtigeeda tukano waxaa dhici karta in ay inoo noqoto caado aynu Ramadaan kadib laasimno.
Sunnayaashu waa muhim yaguna saxaabigii Nebiga SCW weydiistay in uu jannada kula rafiiqo wuxuu talo ahaan u siiyay isna in uu sujuud badan la yimaado, inaguna haddii aynu rabno (waaba rabnaaye) in Nebiga SCW aynu jannada kula rafiiqno waa in aan sunnayaasha badsanaa. Taraawiixda oo la tukado, tahajudka oo masaajid ama xaafadda lagu tukado, salaatu duxada, sunnayaashaas aan bishan si gaara u qabatinno. Xataa haddii aadan taraawiixda aadan awoodin saddex rakdood cishaha kadib raaci, waa khayr iyo habeen barakaysiye.
4- Duco: Nebigu SCW waxa uu inoo sheegay in qofka sooman uu leeyahay duco maqbuulaa, si gaara waqtiga Iftaarka iyo suxuurka oo aynu ognahay in uu yahay waqti ducada la aqbalo. Culays walba oo ina haysta ayaan Alle u bandhiganaynaa, wax kasta oo aynu rabno baynu fudaydintiisa Alle weydiisanaynaa, weynu ducaysanaynaa una ducaynaynaa cid walba oo aynu jecelnahay iyo gebi ahaan Muslimiinta.
5- Ruuxda oo iyana la soomiyo: soontu maaha oo qudhiya in cuntada iyo cabitaanka laga soomiyo balse sidoo kale nafta oo laga soomiyo wixii xun oo dhan ayaa kamida, cidna in aan la xaman, cidna in aan la caayin, cidna in aan la xasdin, cidna in aan xaqiisa lagu xadgudbin, cidnana in aan caloosha wax loogu qaban ayaa kamida soonka. Nebiguna SCW waxyaabaha uu inoogu digay waxaa kamida in qofku cuntada iyo cabitaanka uun ka soomo balse uu wax kasta iska walaaqdo.
Saaxiibbayaal bishani waa bil ka duwan bilaha kale, xoog iyo xeelad waxaan leenahayna waxaa la rabaa inaan iskugu geyno sidii aynu bishan uga faa’idaysan lahayn. Alle bishan si khayr leh ha inoogu dhammeeyo, cibaadaadkana ha inoo fududeeyo.
Cabdiraxiin C. Mahdi (Ciideed)
Istaanbuul, Oktoobar, 2024
abdirahimdayib@gmail.com
Horudhac
Habdhigaalka Soomaaligu waa xirfad kamida xirfadaha ay tahay in qof kasta oo Soomaali ahi isbaro, dadaalna geliyo sidii uu iskaga dhisi lahaa. Halka dhib ee jirtaa waa in habqoraalka saxda ah ee ay tahay in wax lagu qoraa uusan fadhiyin, aragtiyaha astaamayntana waa lagu kala geddisan yahay, intii aan qoraalkan kooban qorayayna buugta iyo maqaallada aan akhriyay meelo badan way isku khilaafayeen anna waxaa aan isku dayay in aan caddaaladda la kaashado oo wixii ila saxma aan ka qaato dugsi walba. In habqoraalku saldhigi waayana waxaa sababay burburkii kadib lama helin bulsho isku howsha kana doodda horumarinta qoraalka Soomaaliga, balse waxaa illaa waagaas jiray aqoonyahanno dadaal badan geliyay sidii habqoraalku u saldhigan yahay waxaana foolaad u ah dadkaas Alle magaciisa ha raajiyee Proff Cabdalle C. Maansuur.
Qoraalkan kooban waxa aan ku faahfaahin doonaa astaamaynta qoraalka iyo xarfaha labanlaabma, qoraalkan qoriddiisa waxaa igu dhaliyay markii aan arkay baahida loo qabo in la helo qoraal aan dheerayn jeerkaasna qofka in uun ka caawinaya xirfadda hab qoraalka. Haddii Alle idmo qoraalkan waxa aan ku eegi doonaa; xaraf weyneenta, isticmaalka saxan ee hakadka, joogsiga, calaamad su’aasha, calaamad layaabka, labada dhibcood, bilaha, bilaha jibbaran, kolmaha iyo qaybta ugu danbaysa oo aan dul istaag kooban ku samayn doono xarfaha labanlaabma.
1- Xaraf weynaanshaha
Xarfaha waxaa la waynayn karaa:
B) Magacyada gaarkaa sida kuwa dalalka, dadka, badaha, buugta, filimaanta, qoowmiyadaha, qaaradaha, malaa’igta.
Tusaale: Buuhoodle, Kenya, Afrika, Cali, Jibriil CS, Musasalkii Habboon, Badweynta Hindiya.
T) Bilowga xarafka ugu horreeya ereyga, iyo markasta oo julmadi dhammaato mid cusubna bilaabanto.
Tusaale: Hubaashiina qofku waa akhlaaqdiisa iyo sida uu isu ilaaliyo. Qofkii raba in uu sayid noqdo waa in uu akhlaaqdiisa ilaashadaa.
J) Ciwaan, ciwaanku haddii uu ka kooban yahay hal erey waa in bilowgeeda la weyneeyaa, haddiise uu ka kooban yahay dhowr erey waa in mid walba gaarkiisa loo weyneeyaa.
Tusaale: Dugsiga Hoose Dhexe ee Cali Dhuux.
Marka ciwaanku sidan u qoran yahay waa in weedh walba gaarkeeda loo weyneeyaa balse xidhiidhayaashu (Iyo, ama, ee IQK) iyagu weynaan maayaan.
FG: Alle iyo dhammaan sifooyinkiisa waxaa saxan in markasta lagu bilaabo xaraf weyn.
Sidoo kale joogsi kasta, calaamad su’aal iyo layaab walba gadaashii ereyga yimaada xarafkiisa koobaad waa in uu weynaadaa.
Khaladaadka ugu badan ee laga galo xaraf weynaanshaha: dadka qaar waxa ay qoraalkooda ku wada bilaabaan xaraf weyn waana khalad qoraalkana way foolxumaysaa, dadka qaarna meelna ma weyneeyaan magac gaar iyo mid kaleba waa isku qaab, taasina waxa ay sababaysaa in qoraalkii uu u ekaado qoraal caruureed.
2- Hakad ( , )
Hakadu wuxuu galaa:
B) Kala saarka tirinta magacyo haddii uu xidhiidhsami lahaa badali lahaa macnaha.
Tusaale: Saciid, Maxamed ayaan maanta arkay.
Bilaa hakad waxa uu noqon lahaa hal qof oo la dhaho Saciid Maxammed, haddase waa labo qof.
T) Jumlad dheer in lagu kala saaro.
Tusaale: suuqa waxa aan kusoo arkay Najma, balse lama hadal oo way mashquulsanayd.
J) Qofka loo yeedhayo gadaashii.
Tusaale: Sacdiya, koob shaaha ii keen walaal.
X) Tirinta sifooyinka.
Tusaale: Safiya waa gabadh sandheer, indho waaweyn, oo Alle qurux u dhammeeyay.
Kh) Kala sooca magaalo iyo gobolka/dalka ay ka tirsan tahay
Tusaale: waxa uu Axmed ku dhashay Laascaanood, Sool, haddana waxa uu deggan yahay, Nayroobi, Keenya.
D) In lagu kala gooyo taariikhda.
Tusaale: waxa aan dashay Ogos 15-keedii, 1991-kii.
R) Labo tiro oo kala madax banaan balse haddii bilaa hakad la qoro isku hal mid noqon lahaa.
Tusaale: Waxa aan ku lahaa afartan, toban ayuuse i siiyay.
FG: isticmaalka xadka ka baxsan ee sumaddan la isticmaalaa qoraalka way qiimo dishaa, waxa ayna ka dhigta sida qof sheekeenaya oo marba aamusaya. Sidoo kale isticmaal la’aanta summaddani qoraalka way dheeraysiisaa waxa ayna ka dhigtaa sida qof sheekeenaya oo aan mar nasanayn.
3- Joogsiga ( . )
Joogsigu waa ka ugu fudud waxaana la dhigaa jumlad dhammaatay dabadii.
Tusaale: qofku in uu wax tabcado oo uu shaqaysto baa muhima, ayuu yidhi odaygii Ciise.
FG: Dhammaadka su’aasha dadban waxaaa dhigaa joogsi
Tusaale: kii askariga ahaa wuxuu i waydiiyay in aan maanta halkan joogayo iyo in kale.
4- Calaamatu su’aasha (?)
Sumaddan waxaa loo isticmaalaa jumlad su’aaleedda tooskaa.
Tusaale: war kaasi miyuusan ahayn kii Cali-Gaab?
Xasuusin: su’aalaha wada socda ma qurux badna in la kala dhex dhigo calaamatu su’aasha.
Tusaale: qofkii qaylinayay ma adiguu ahaa? Mise Axmed? Waxaase aragti ahaantayda ila saxan in hal calaamatu su’aal laga dhaxaysiiyo. Sidan oo kale: qofkii qaylinayay ma adiguu ahaa, mise Axmed?
FG: looma isticmaali karo sumaddan weydiinta aan tooska ahayn sida kuwa lasoo warinayo oo kale: Maxamuud oo aan suuqa kusoo arkay ayaa i waydiiyay halka aad joogto, garan maayo baan ku idhi.
5- Calaamatu layaabka ( ! )
Calaamat layaabka waxaa loo isticmaalaa:
B) Yeedhmada.
Tusaale: war Jamaaloow!
T) Yaabka.
Tusaale: alla bahalka!
J) Amarka.
Tusaale: war istaag!
6- Dhibic hakadka ( ; )
Waxaa loo isticmaalaa jumlad dheer kala saarkeeda, jumlad jumlad kale lagu sharraxay.
Tusaale: Axmed waa nin dheer oo labis badan, balse; walaalkii Mascuud lama mid aha isaga.
FG: Halka dhibic hakadku galo joogsigu wuu geli karaa. In qofku iska yareeyo isticmaalka dhibic hakadka ayaa wacan inta uu si wacan u fahmayo meelaha ay munaasibka ku tahay.
7- Labada dhibcood ( : )
Labada dhibcood waxaa loo isticmaalaa:
B) Waxaa loo isticmaalaa wax la tirin doono horteed.
Tusaale: kala sooc ereyadan soo socda: B, T, J, X.
T) Hadal la xiganayo hortii.
Tusaale: Ruumi waxa uu yidhi: “boqol sano oo iskuul aad ah, waxaa ka qiimo badan hal daqiiqad oo aad Alle agtiisa ku lumiso.”
Xasuusin: dhammaan sumaddahan waa in la isticmaalaa meel bannaan horteed, weedha iyo sumaddan wax meel bannaan ahi uma dhaxayn karto sidoo kalena marka la isticmaalo waa in hal boos oo bannaan laga baxa kadibna hadalka lasii wadaa sidan oo kale: haddii aad doonaysid in aad noqotid qof waxgala; aqoonta, waxtabcashada, haladayga iyo nafhurnimada ku dadaal.
8- Labada bilood ( )
labada bilood waxaa loo isticmaalaa:
B) Labada biloow waxaa loo isticmaalka weedh la qoray oo u baahatay in la faahfaahiyo.
Tusaale: dagaalkii Soomaalida iyo Xabashida (1977) waxa uu ahaa dagaal ilkaha layskula tagay.
9- Bilaha jibbaaran [ ]
Bilaha jibbaaran waxaa loo isticmaalaa:
B) Muujinta xogta ku dhex jirta labada bilood in ay tahay xogdheeriya oo ka baxsan xogtii la xiginayay.
Tusaale: “waxa ay bileen nolosha Suufiga, Ruumi iyo macallinkiisii [Waxa uu u jeedaa Shamz], iyaga oo aasaasay Suufi mufakira.”
T) Qoraalka la xiganayo in qaybi ka maqan tahay ama in qayb jabnayd la saxay.
Tusaale: “waa in aan nolosheenna dhisnaa oo dhibta ka dhowrsanaa [Dhowrnaa] haddii aynu nolol qurxoon doonayno.”
FG: Isticmaaalka bilahan jibbaarani malaha xeerar qoran balse labadan ayaa asaas u noqon kara.
10- Jiitinta ( — )
Jiitinta waxaa loo isticmaalaa:
B) Si looga fogaado in labo shaqal isku xigaan.
Tusaale: cilmi-afeed.
T) Erey afqalaad ah oo sidiisa loo isticmaalay marka qodob la raaciyo.
Tusaale: Link-iga.
J) In loo isticmaalo ereyada haddii sideeda loo isticmaalo uu macnuhu badalmayo.
Tusaale: Kayd-haye, Mad-hab.
X) Magac sharafeedka ama naaneesta iyo magaca.
Tusaale: Maxammed-Dheere, haddiise la qoro Maxammed Dheere, Dheere waa abbaha dhalay Maxammed.
Kh) In tirada iyo qoraalka lagu kala saaro.
Tusaale: 1991-kii ayaa Soomaaliya burburtay.
D) Ereyada labo dhaca.
Tusaale: Widh-widh, aayar-aayar, tallaabo-tallaabo.
11- Hamsaha ( ‘ )
Hamsaha waxaa loo isticmaalaa:
B) Waxaa loo adeegsadaa ereyada sameeya codka kala jaraya erey una sameenaya cod dhuunta kasoo go’ay sida: go’aan, la’aan, ba’an.
Leday oo hurdo ah iyo le’day oo dhimasho ah hamsaha ayaa kala saaraya.
FG: haddii meesha qurub yaallo lama isticmaali karo hamse sida: ma aha, la isku, dadka qaar ayaa qora ma’aha, la’isku waana khalad. Sidoo kale haddii labo shaqal isku xigayaan waxaa habboon in jiitinta la isticmaalo oo aan la isticmaalin hamsaha sida: waayo-aragnimo, male-awaal.
12- Kolmaha (“ “) iyo (‘ ‘)
Kolmaha waxaa loo isticmaalaa:
B) Labada kolmood (“ “) waxaa loo isticmaalaa hadal la xiganayo sida: “Waxaa laysoo diray dhammaytirta akhlaaqda wanaagsan.” Nebi Maxammed SCW.
T) Hal kolmood (‘ ‘) waxaa loo isticmaalaa hadal la xiganayo oo wax lagusii dhex xigtay sida: Ruumi wuxuu yidhi “Waxaa aan Alle weydiistay in uusan i dilin illaa aan barto, Allena waxa uu iigu jawaabay; ‘qofkii i bartaa ma dhinto.’”
FG: isticmaalka kolmuhu way ka badan yihiin intan balse maadaama qoraalkani kooban yahay intaas ayaan ku dhaafaynaa. Halka joogsigu ka galayo kolmaha waa dood taagan oo lagu kala aragti duwan yahay, balse aniga ahaan waxaan qabaa in waxa ugu danbeeya ee la qoraa uu noqdo kolmaha si qoraalku u qurux badnaado.
Xarfaha labanlaabma
Xarfaha labanlaabmaa waa toddobadan shibbane: B D R G L M N.
Afarta xeer ee labanlaabanka xarfaha:
1- Xarafka labanlaabmayaa waa in uu toddobadan xaraf mid yahay.
2- Xarafka labanlaabmaya waa in dhawaqiisu adag yahay oo carrabku ku dhagayo.
3- Waa in uusan xarafka labanlaabmayaa ahayn xarafka ugu danbeeya ereyga sida: awr.
4- Waa in uu labo shaqal dhexdii yaallaa, si kasta oo xararku u adag yahay haddii shaqalna ka horrayn midna ka danbayn ma labanlaabmi karo.
Haddaba xarfuhu waxa ay u labanlaabmi karaan siyaabahan soo socda:
B) In ereygu asal ahaan uu adagyahay oo labanlaabankiisu dhismaha ereyga ka yimid sida: kubbad, sallaan, carrab, caddaawe, ammaan-darro.
T) In qodob la raaciyo (D, G) sida: Maxkamad-da: maxkamadda, saldhig-ga: saldhigga.
J) Wadaraynta magacyada ku dhammaada shibenayaasha B, D, R, L, N:
B: albaab: albaabbo
D: wadaad: wadaaddo
R: nabar: nabarro
L: qoraal: qoraallo
N: deegaan: deegaanno
M: ma jiro magac Soomaali ah oo M ku dhammaada balse xarfaha ku dhammaada N qaarkood marka la jamcinayo M ayaa jamciya sida: Qaalin: Qaalimmo, kulan: kulammo.
X) Magacyada qaata sifada NIMO haddii ay ku dhammaadaan A iyo I waa laban laabmaan sida:
A: hodannimo
I: Soomaalinnimo
Tusaalayaal dheeriya
Carab carrab la’ ayaa carruurta la cayaarayey markii Cali kubbadda uu Cabdi kubada kaga dhuftay. Carab/carrab, kubbad/kubad.
Sallaan buu fuushanaa markii Cali uu salaan wacan na siiyey. Sallaan/salaan.
Dhammaan caanaha way dhamaan reerkaasi. Dhammaan/dhamaan.
Barre waa bare Afsoomaaliga dhiga. Barre/bare.
Ammaan-darradu meelna caalamka amaan kama aha ee waa xumaan. Ammaan/amaan.
Haddii ereyadan labanlaabkooda laga tago waxaa lumaya macnaha iyo wixi loo jeeday waana ta muhimka ka dhigaysa in laga taxadarro lablaabidda xarfahan toddobada ah.
Tixraacyo
1- Muxammad Yuusuf. (2022). Nuun. Daabacaaddii koobaad. Garanuug.
2- Maxammed Baashe X Xasan. (2019). Afka Hooyo waa Hodan. daabacaddii labaad. Garanuug.
3- Cabdalle Cumar Maansuur. (2024). Habdhigaalka Af Soomaaliga. Daabacaaddii koobaad. Qalinmaal.
4- Nasruddiin M. Axmed. (2024). Adeegsan Saxan ee Astaamaha Qoraalka. Daabacaddii koobaad. Som Press.
5- Mustafe-Feyruus. (2021, June). Astaamaynta qoraalka.
6- Cabdalle Cumar Maansuur. (2019). Midaynta habdhigaalka Af Soomaaliga. Academic Journal for Somali Studies, 4, 136–158.
7- Ismaaciil Cabdi Ubax. (2019). Habqoraalka Toolmoon.
Qofku in uu yeesho han caannimo doon aragti ahaantayda wax xun maaha, balse in qofku sidii loo baran lahaa uu sumcaddiisa ku gato ayaa shay xun ah, waxba ma tarayso haddii uu qofku caan ku noqdo dad cay iyo xume ka warran. Qofkuna in uu caannimo ku raadiyo waxyaabaha laga yaqyaqsado waxa ay qofkaas u horseedi kartaa caannimo bilaa macnaa, sida ragga waalwaalan ee magaalo kasta jooga ee cid kastaa taqaano balse lagu bartay uun waalidaas. Caannimada bilaa sharaftaa qofka waxa ay ka dhigtaa qof han yar, sidoo kalena qof dhuumanaya iyo qof sida uu caanka u yahay aan u caqli badnayn, wax walba oo dhaca qofka sumcaddiisa ayaa kow ah, haddii uu qofku iyada ilaashadana waxba kama dhinna. Qofka dhallinyaradaa ee caannimo doonkaa waa in uu is waydiiyaa, maxaad caan ku noqonaysaa? Iyo halagu bartee sidee lagugu baran? Maalin aniga oo masaajid sii galaya ayaa yar dhallinyaraa i salaamay, dadka FB-ga iigu jira ayuu kamid ahaa, markii uu i gartay ayaan waydiiyay qofka uu yahay, magaciisii ayuu ii sheegay, waana yara garan waayay; waxaase aanan weli illaawin sida uu iskugu kay tacriifiyay ‘WAA HEBELKII REERAHA CAAYI JIRAY’, wallaahi been sheegi maayo ee kalmaddaas weli ma illaawin dabcan waan gartay balse waxaan markasta is waydiiyaa inta qof ee uu sidaas iskugu sharrixi doono iyo iintaas madoow ee aan weligii ka hadhi doonin.
Sidoo kale caannimada bilaa xirfaddaa waa sida caannimadii Shamuuri oo kale, maanta Shamuuri soomaalida baraha bulshada isticmaashaa badi waa taqaanaa balse labo bil gudahood ayuu halkuu ka yimid ku laabtay isaga oo haddana cid walbaa taqaano, qofku haddii uu caan raadis yahay waa in uu leeyahay xirfad iyo wax dadku ku ixtiraamaan. Xirfad maaha reer caygu, xirfad maaha bulsho nacladku, xirfad maaha xume ka warranku, xume maaha been iyo bal ka sheekayntu, qofkii raba caannimo xirfad wadataa waa in uu naftiisa dhiso, samaysto seerayaal lagama gudbaana, iyo xuduud lama dhaafaana. Qiyam yeelo, is dhis, xishood lahoow dabadeedna waad liibaani, haddiise aad view raadis iyo reaction raadis noqoto xirfad yeelan maysid anshaxna yeelan maysid dabadeedna sida AFDHEER ayaad shaqo ka dhiganaysaa hebel waa dhillay, ama sida guruubbada loo samaystay cayda iyo ceebaynta habalah soomaaliyeed ayaad admin ka noqonaysaa balse waxaa is waydiin mudan ma tahay caannimo aad ku dheefi karto?
Dadnimadii Nebiga SCW
Waxa aan caawa faafiyay maqaal kooban oo aan kaga warramayo Dadnimadii Nebi Maxammed SCW, maqaalka waxa aan dulka haadis ku sameenayaa Dadnimo wanaaggii Nebi Maxammed SCW, haddii ay tahay dhaqan akhlaaq wanaaggiisii, naxariistiisii, caddaaladdiisii, iyo isdhuldhiggiisii. Waxa aan ka afeefanayaa in qalin uusan dadnimada Nebiga SCW wada koobi karin, maqaal koobanna warkiisaba daa. Akhris wanaagsan, linkiga hoose ayaa idin gaynaya meesha aad kala degi lahaydeen maqaalka oo PDF ah.
DADNIMADII NEBIGA SCW
Qurayshi waxa ay ahayd qabiil kamida qabiilladii ugu laandheeraysnaa casrigii jaahiliga ee aan diinta Islaamku bilaabmin. Adduunkaas ay markaas joogeen waxa uu ahaa adduun dagaalo iyo gaajo ragaadiyeen, meel walbana waxaa ka baxayay soofaysashada seefaha, billaawayaasha iyo warmaha, ninka faras jaro yaqaana iyo tol ma gabbadayaala haystaa waxa uu ahaa sayidka carbeed, safarka Sanca oo Yemen ah ka yimaada ee Dimishiq soo aadaa rajada badbaadadiisu way koobnayd, dhac iyo mooraduuggu waagaas waxa uu ahaa sharaf. Balse Qurayshi waxa ay ahayd cidda qudha ee ka nabad gashay gaajo iyo cabsi dagaal labadaba. Quraysh waxa ay safar ganacsi u bixi jireen labo wakhti oo kala ahaa diraacda iyo xagaaga, iyaga qudha ayaana ahaa dadka labadaas xilli safra, gebi ahaan dadka kale waxa ay safri jireen afarta bilood ee xurmada leh ee dagaalku mamnuuca yahay, waa afarta bilood ee Islaamkuna sidoodii usii dhowray xurmadoodii waa Dilqacdah, Dilxijah, Muxarram iyo Rajab.
Markii Islaamku soo degay Alle waxa uu Quraysh u sheegay arrimo ay tahay dartood in ay Allaha Makada ay galladda ku heleen leh darteed ku caabudaan, waa kow ee gaajo ayuu Maka darteed kaga quudiyay, oo dhulka oo biyaha iyo baadkuba ku yar yihiin ayuu galladdiisa Maka dhan walba ilo dhaqaale ka dhigay, waa ta labaad ee baqdin oo dhan buu ka ilaaliyay, safarradooda lama taabto sababtoo ah Maka ayeey joogaan oo waxaa loo yaqaanay ilaaliyayaashii baytka xurmada leh, waxaa loo yaqaanay dad habaarkoodu kacayo, wixii laga dhacana aan laga dheefayn. Sidoo kale Maka way ka nabadgashay in col soo duulaa qabsado, halkii isku day ee Abraham ayaa ugu horreeyay waqtigaas uguna dambeeyay isna wixii helay waa tii la ogaa. Labadaas galladood ayuu Alle yidhi dartood reer Maka Alle haku rumeeyeen oo haku caabudeen. Inaguna aan miisaanka isasa saarno intee galladood ayaa Alle inoo galay? Ma tirin karno oo Alle ayaaba inoo sheegay taas, balse si gaara ma jiraan galado uu kuugu galay Alle? Haa weeye, inta badan aadamuhu caafimaadka, lixaadka iyo nolosha waxa ay u yaqanaan wax dabiiciya oo kama soo qaadaan gallad Eebbe. Ma nimco iyo gallad ka weynbaa jirta oo Alle kuu galay in aad Alle kaligii u tukato, una soonto iyada oo balaayiin dunida kugula nool ay dhagaxaan caabudayaan? Ma nimco ka weynbaa jirta in aad caafimaad aad haysato yada oo malaayiin kula da’ ahi ay sariirta dhakhtarka sannado jiifaan? Ma gallad ka weynbaa jirta in aad wax akhrin karto, iyada oo kumanaan kulamid ahi aysan A iyo B kala saari karin? Ma nimco ka weynbaa jirta in maankaagu dhan yahay iyada oo malaayiin kula ayni ah ay silsilado ku xidhan yihiin amaba ay jeelka dadka waalwaalan ku jiraan?
Aadame ayeeynu nahay oo galladaha Alle inoo galay ma garowsano illaa aynu weyno ee sooma aha inta aynu haysano maanta in aan garoowsano Allena ku caabudno. Alleha naxariista badan, Alleha addoon boqol dilay jannada galiyay, Allaha yidhi “I barya waan idin ajiibayaaye”, Alle yidhi “addoonkii isaga oo gurguuranaya ii yimaada orod baan ugu imaadaa”, Alleha yidhi “haddi [Nebi Muxammedoow SCW] addoomahaygu ikaa waydiiyaan [u sheeg] inaan u dhowahay.” Allahaas ina siiyay carrab aynu ku hadalno soo ayaan darro maaha haddii aan carrabkaas maalinkii boqol goor oo qudha in aan ugu mahadnaqno? Ma kari waynay Allahaas ina yidhi wax I waydiista in aan gacmaha u taagan weyno. Galladaha Alle inoo galay inta aynu dhab u milicsano ma kari waayeeynaa inaan maalinkii shan jeer oo isku geygeys noqonaya wax ka yar 30 daqiiqo u tukaanno? Waynu karnaa ee aan Alle ku caabudno galladaha uu inoo galay.
Nolol macno leh
Si aan u gaadhno nolol macno leh waa in aan samaynaa wax macno leh.
Waa maxay nolol macno leh? Maxaad u taqaanaa nolol macno leh? Waa maxayse nolosha macnaha leh ee aad sawiranayso in aad mar uun gaadho?
Hagaag, mar labaad ku laabo waydiimahaas adiga oo si qotodheer u fikiriyana ka jawaab. Jawaabta kuusoo baxda ayaa ah nolosha macnaha leh ee aad doonayso. Haddaba is waydii ma haysaa jidkii jawaabahaas aad ku gaadhi lahayd? Qoraalkan kooban waxa aan dul istaagaya nolosha macnaha leh iyo baraha bulshada.
Nolol macno leh qeexitaan laysla ogol yahay malaha, Matalanba qofbaa nolosha macnaha lehi u tahay helidda hanti ku filan, qof kale helidda mansab iyo magac, mid kale aqoon, mid kale noqoshada ciyaartoyga ugu wacan adduunka, mid kale ku guulaysiga abaalmarino caalamiya, mid kale xil sare in uu qabto. Qofba si ayuu noloshaas macnaha buuxa wadata u arkaa, waxaana qofka saameeya hadba bay’ada uu ku nool yahay iyo habaraggiisa diimeed.
Nolosha macnaha leh waa nolol ka dheer macno la’aan kasta. Macno la’aanta ugu weyn ee maanta ina haysataa waa interneetka, waa dilaaga nolosha macnaha leh ee qofku u hanqal taagayo. Waa wiiqaha dhabbayaasha ina geyn lahaa nolosha aan sawiranayno ee aynu u aragno in ay leedahay macnaha. Qofba waxa uu ka macno badan yahay noloshiisuna ka qiimo badan tahay inta uu baraha bulshada ku yar yahay. Qofba waxa uu ka qiyam sarreeya qof kale hadba inta uu baraha bulshada iska aruuriyo interneetkana uga ceeb qarsado.
Xidhiidhka weyn ayaa ka dhaxeeyaa macno beelka macnaha nolosha iyo baraha bulshada. Markasta oo qofku ku bato baraha bulshada waa markasta oo noloshiisu noqoto mid male-awaal oo lid ku ah bay’ada uu ku nool yahay. Waxa aad arkaysaa qof dhallinyaraa oo waxyaabaha uu xiiseeyo (hobbies) kasoo dheegtay qof kale oo ku nool bay’o aan tiisa ahayn dabadeedna dagaal ku jira dhulkii iyo dadkii kula jira. James Clear (qoraagga buugga Atomic Habits) waa kii lahaa “caado kastaa inay dunto ayeey u dhowdahay haddii ay khilaafto sunnada bay’ada.”
Nolosha macnaha leh waa nolol xishoodku saldhig u yahay kana madhan ma xishoodnimo kasta. Waxa ugu weyn ee xishoodka bulshada wiiqayaa maanta waa baraha bulshada siiba dhallinta soomaaliyeed waxa uu ka dhigan bulsho xishoodkii xoortay. Guruubyo dhan ayaa u samaysan sidii ceeb aadame bannaanka loo keeni lahaa. Dhallinyaro wiilal iyo gabdho lehbaa in ay xume faafiyaan mooyee aan shaqo kale lahayn. Facebook ayaa dhallintii xishood dilay, waxa aad arkaysaa gabadh nin soo mention (wicidda qof laga waco meel) garanayso oo istiigaro dhaqan xumo ah soo dulsaaraysa.
Waxa aad arkaysaa gabadh wixii laga xishoon jiray baraha bulshada la hor imanaysa. Nin ka baafinaysa, mid u miliqsanaysa, mid ‘xabiibi’ leh IQK (Iyo Qaar Kale). Waxaa suuragala in qofku is dhahayo waxaasi waa ka kaftan hablahee maxaad dhab ugu qaadatay? Laakiinse sidaas maaha bidaar sibikh bay kugu gasha ayaa la dhahaa oo xishood darro kaftan ayeey ku bilaabantaa. Inanta baraha bulshada waxaas kusoo qoraysaa dhaqanxumadaas waxa ay kasoo bilowday reply status (marka qof sawir uu soo dhigo qaybta xasuusaha [story-ga] aad faallo ahaan farriin ugu qorto).
Waxaa sii dheer rag ku kaftamaya wixii laga xishoon jiray, rag ‘marwo’ iyo ‘queen’ is haya oo baraha bulshada jooga. Waxaas oo dhan waa dhaqan dhimasho bulsheed iyo macno beel nololeed. Nolosha aynu sawiranayno ee macnaha leh iyo dhaqamadani waa isku lid, waana sida adiga oo libaax iyo ugaadh xero ku wada xareeyay. Qofku si uu nolol macno leh u gaadho waxa uu baahan yahay in uu macno yeesho ugu horraynta. Baraha bulshadu waa macno la’aan aan qabatinnay. Baraha bulshadu waa lidka nolosha macnaha leh aad bilowga qoraalka kusoo niyeeysatay ama waydiimaha kagasoo jawaabtay.
Nolosha macnaha leh waxaa lagu gaadhaa waqti nidaamsan oo qorshaysan ee laguma gaadho waqti iska socda oo macno la’aan iskaga baxa. Maanta dhibaha ugu waaweyn ee ina haysta waxaa ka kow ah waqtigeenna oo aan nidaamsanayn. Qofkuna waxba qof dhintay ma dhaamo haddii maalinkiisa waqtiga inta uu wax macno leh geliyaa ka yar tahay inta uu geliyo wax maalaa yacni ah. Inagu maanta teelefoonka ayaan saacado isticmaalaynaa daqiiqadna buug makala furo karno. Waqtigaas iska baxaya waxa uu caqabad ku yahay jirritaankeenna iyo nolosha macnaha leh ee aan baadigoobayno.
Ugu dambaynta haddii aan rabno in aynu helno nolol macno leh waa in aan ka fogaana macno la’aanta iyo isticmaalka indhaha la’ ee baraha bulshada, sidoo kale waa in aan waqtigeenna nidaaminaa. Waa in aan u diyaargaroownaa nolol ka qurux badan tan aan ku jirno, waa in samaynaa samo kasta oo aan ku gaadhi karno nolosha macnaha leh ee aan sawiranayno.
Markii aan yaryarayn qofkii ku dadaalay xirfad in uu yeesho waxa uu noqday qof xirfad leh. Dadkaas qaarkood waxa ay u shaqeeyaan shirkadaha Buuhoodle qaarkood. Waxa ay is bareen ayeey abaalmarin u heleen in ay deegaankoodii kaga shaqaystaan. Qaar kale waxa ay noqdeen turjumaano iyo qoraayo. Aniga iyo qaar kale waxa aan balwad ka dhiganay interneetka kaas oo naga reebay wax badan oo aan u qalanay. Adigu haddii aad yartahay waxa aad haysataa jaanis. Dadaal, si gaara luuqadaha baro. Qofba qofka uu ka luuqado badan yahay wuu ka aqoon badan yahay. ENGLISH-ku maanta waa furaha adduunka waxa aad ku baadhi kartaa mawduuc kasta oo aad rabto, balse waa in aad is bartaa. Waa in aad hadda bilowdaa, naxwihiisa kala saartaa oo aad isku daydaa in aad fahanto.
Illaa hadda waxa aan ku jiraa English barasho balse haddii aan xilli hore bilaabi lahaa maanta waxa aan ku noqon lahaa macallin. Haa dabcan waxa aad haysataan maanta jaanis aad isku bari karto luuqadaas. Waxaa suuragala in aad is waydiinayso side isku bari karaa luuqadaas? Macallinka kuu dhiga luuqadaas la kaasho, waydii su’aal walba oo aad rabto, ficilada isku day in uu si wacan kuugu kala saaro. Haddii aad awoodo isqor bareefaddada luuqadda lagu barto. Isku day in aad in badan wax ku dhagaysato, saaxibadaas la samayso wada sheekaysi. Macallinkaaga wixii caawimaada waydiiso, wixii aad fahmi waydo adiga oo aan fahmin haka tagin ee illaa aad fahmayso macallinka waydii. Tabtaas oo kalena u samee luuqadda Carabiga oo iyana kaa caawin doonta in aad wax badan barato. Alle dadaalkaaga hakula garabgalo.
Xirfadda labaad ee aad u baahantihiin in aad yeelataan waa in aad ku wacnaataan xisaabta. Waan fahmi karaa xisaabtu maaha maaddo la jecel yahay. Balse waxa ay kaa caawin doontaa in aad si weyn u fakiro. Noqoto qof khilaafaadka xalin kara, wax curin kara oo halabuur samayn kara. Hadda ka biloow in aad xisaabta is barto, inta manhajka laguugu dhigo si wacan u fahanto, fahansiiso asxaabta kale ee aan fahmin. Maanta u diyaargaroow waxa aad baran doonto berri dabcan waan hubaa waxa aad rabtaa in aad kulliyad wacan oo shaqo wacan barato, balse hadda ayeey tahay in aad diyaargarowgeeda biloowdo. Sidoo kale dhis xirfadaada kambiyuurtarka, waxa aad u baahan tahay adduunyadan kala socota in aad wax badan ka taqaano xirafaddaas. Inaad yeelato xirfad aad ku shaqaysan karto adiga oo waxbarashada ku jira waa muhim. Isku day in aad isbarto sida wax loo qoro. Soomaaliga kaga biloow, balse inta aadan wax qorin biloow in aad wax akhrido, waxa aad qori doontaa waxa uu noqon doontaa wax u eeg waxa aad akhrisay, haddii aadan waxba akhrin waxa aad qori doontaa waxba. Isku day inta aad da’dan jirto in aad caado ka dhigato wax akhriska. Habdhigaalka Soomaaliga isku day in aad isbarto waayo waa muhim. Alle hakula garabgalo dadaalkaaga.