Stories by Cali M. Diini on Medium
WELI MA NOQON KENYAN
“Kijana, shuka, shuka wewe. Harakisha bana,” ayuu cod dhiillo iyo handadaad xambaarsan iigu sheegay. Waa erayo aanan fahmin muggaas, balse aan muddo dambe ka baran doono iskool Af Sawaaxiliga lagu barto. Macnaha erayadaasi waa “wiilow soo deg, soo deg, soo deg waryaa, si dhaqso ah.” Waxa uu i farayay in aan ka soo dego Inataree faaruq ah oo aan shalay galab Mandheera ka soo raacay. Darawalkii inatareega ayaa cod nuxuus ah oo aanan fahmin wax ugu sheegay askarigii murqaha iyo feeraha kuusnaa ee i handadayay. Codka darawalku waxa uu u ekaa qof baqaya hadalkiis. Laakiin hadalkiisi daciifnimadu ka muuqatay dhag uma uu dhigin’e daaqaddii aan fadhiyay buu si xooggan u furay asaga oo weli i handadaya sidii uu aabbihiis aabbahay ka adkaan jiray oo kale.
Dabcan, askarigaas Nyeri (Inyeeri waa magaalo ku taal bartamaha Kenya ee qowmiyadda Kikuuyadu degto) ka yimid, galabtaas waa u gaartay oo waxa uu dareemayay in aabbihiis aabbahay labo jirka uga adkaa, asaguna uu galabtaas iga adag yahay oo sidii uu doono iigu handadi karo dhulkaygi. Waxa uu igu handadayaa oo iigu cagajuglaynayaa Ceelwaaq oo ah degmo ka mid ah dhulwaynaha Soomaaliyeed. Yaa nin Nyeri ka yimid awood u siiyay in uu igu cariiqsado gudaha dhulkayga? Haa, Ceelwaaq waa degmo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Haa, Ceelwaaq waa dhul Soomaaliyeed. Haa, Ceelwaaq waa magaalo ka mid ah dalkayga. Haa, Ceelwaaq, Mandheera, Wajeer iyo Gaarisaba waa dhulkayga. Taasina waa mid aanan ka xishoonayn kana tanaasulayn. Balse, ninkaas Nyeri ka soo doolaalo tegay waxa uu igu handadayay awood uu siiyay nin cad oo qudhiisu ka soo doolaalo tegay jasiiradda Britain. Ninkaas Nyeri ka soo doolaalay ee sedka uusan lahayn ka dhaxlay nin ka yimid galbeedka fog ee Yurub waxa uu igu maagay ama igu haystay in aan xudduudka dalkiisa xeer la’aan ku soo galay. Yacni waxa uu iga doonayay in aan Muqdisho iyo Ceelwaaq, ama Gaalkacyo iyo Gaarisa fiise (visa) u kala qaato. Waxa uu iga rabay in u kala socdaalka Muqdisho iyo Ceelwaaq aan asaga oo Nyeri ka yimid oggolaansho uga doonto. Bal cibaaradaas eeg!
Igaarkaan murqaha kuusan ee gudaha dhulkayga igu handadaya miyaan loo sheegin in xudduudkaan uu katallowgiisa oggolaanshaha iiga doonayo aan meegaarkiisi dadka Soomaaliyeed ee dhulka leh laga talagelin? Miyuusan ogayn in xataa Kenyaanka kale (sida asaga oo Nyeri ka yimid) aan caddaankii xudduud-shareedkaan xirriiqay ka talagelin?
Tan kale, miyaan Afrikaanku ka xoroobin gumaystayaashii reer Yurub ee dhulalka Afrika qabsaday? Haddii Afrika ka xorowday gumaystihii ba’a iyo hoogga baday sidee ku dhacday in Afrika weli ku dhaqanto dhaqannadii iyo xeerarkii hagardaamada ahaa ee gumaysigu Afrika uga tegay? Sidee ku dhacday in xeryihii gumaysigu ku kala ooday dadka Soomaaliyeed weli sii oodnaadaan? Sidee Afrika xornimo u sheegan kartaa ayada oo ay weli kala maqan yihiin xigtadii iyo xigaaladii Soomaaliyeed ee gumaysigu xudduudaha baas kala dhexdhigay? Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?
Si kastaba ha ahaatee, sida dadka Soomaaliyeed badankoodu aysan u aqoonsanayn xudduudaha shaydaanku dhexdhigay baanan aniguna u aqoonsanayn xudduudka uu igaarkaan Nyeri ka yimid ka tallaabiddiisa oggolaanshaha iiga doonayo. Waxa aan isu arkayay ama aaminsanaa in ninkaani gardarro igu maagayo dalkayga gudihiisana igu handadayo. Laakiin, nin laga tabar badan yahay baa loo taliyaaye, handadaad iyo cagajuglayn ka dib waxaa la igu qasbay in aan inatareegii ka soo dego.
Markii gaarigii la iga soo dejiyay baa darawalkii inatareega waday ee Mandheera la iiga soo daray iga soo dabadegay oo askarigii i handadayay iyo labo kale oo la socotay af aanan fahmayn kula hadlay asaga oo sidii hore daciifnimo iyo miskiinnimo ka muuqato. Dabadeed si gunnimo ka muuqato ayuu cod dullaysan iigu yiri “saaxiib nimanku kuma dhaafayaan ee raac, marka ay saldhigga boliiska ku geeyaanna dadkaagi waco oo u sheeg in lagu xiray.” Ka dib na inta uu jeebka gacanta geliyay buu ka soo bixiyay lacag aan horay ugu dhiibtay. Aniguna lacagtii ayaan jeebka gashtay. Markii aan lacagtii jeebka gashaday baa mid ka mid ahaa saddexda askari ee i afduubanayay isirkiisuna Soomaali ahaa Af Soomaali igu yiri “waraa lacagta maad iska tirisid?” “Meeqa waaye lacagtu?” ayuu sii dabadhigay. Aniga oo ka caraysan ciiddayda la igu handadayo iyo afduubka la igu qabsaday baan si caro leh ugu jawaabay “lacagta sow anigu ma lihi, maxaa tirinteeda kaa galay?” Jawaabtii oo aan afkayga ka wada dhammaan buu ninkii su’aasha qaldan i waydiiyay dharbaaxo iga soo jiiday. Dabadeedna aniga oo dharbaaxadii la daandaansan bay saddexdoodi inta ay ila boodeen igu tuureen kuraasta dambe ee shirka gaari Cabdibile ah oo ay markii hore nagu soo erayadeen.
Waxa ay naga soo erayadeen Ceelwaaq oo aan ka soo qadaynay meesha ay nagu qabanayaan ama igu afduubteenna waa qiyaastii labaatameeyo kiilo mitir duleedka Ceelwaaq dhanka Wajeer.
Inatareega waxaa Mandheera iiga soo daray qoyskii aan qaraabada ahayn ee Mandheera igu hayay. Sababta ay inatareega iigu dooreen oo baska ii saari waayeenna waxa ay ahayd maadaama aanan Kibaandhe haysan basaskuna baaritaanno badan maraan bay inatareega faaruq-taagga ah iigu dooreen.
Mandheera galab casarliiq ah ayaan ka carrownay, habeenkiina waxa aan ku sii guulnay tuulo Carabiya lagu magacaabo. Jarmaado iyo dhalandhool dheer ka dib duhurkii ayaan Ceelwaaq sii istaagnay. Qado iyo nasasho yar dabadeedna carraabo ayaan ugu jiidnay ilaa Cabdibilaha Ceelwaaq naga soo raacdaystay isbaaro noo dhigtay.
Markii nimankii i afduubtay ay kursiga dambe ee Cabdibilaha igu riteen, waxaa labada gees iga fariistay murqa kuuskii reer Nyeri iyo mid kale oo sidiisa oo kale u kuusan oo asaguna ka mid ahaa kuwa doolaalada ku yimid, halka kii Soomaaliga ahaa baabuurka waday. Labada nin ee dhinacyada iga fariistay waxa ay u ekaayeen in ay si kutalagal ah feerahayga yar-yar u cadaadinayaan, waayo, sida ay isugu kay kuuseen darteed, waxa aan ku dhawaaday in aan neefsan kari waayo. Kuraasta aan ku fadhinnay si waafi ah ayay noogu fillayd ee maxaa ciriiriga keenay? Ma waxa ay ka baqayeen in aan baabuurka ka boodo oo ka fakado oo sidaas bay dhinacyada iiga cadaadinayeen oo isugu kay hiigayeen? Taasi suurogal iima ahayn xataa haddaan fakasho u hollado, waayo, labada dhudhun silsilad baa iiga jabsanayd. Midda se ciriiriga iyo jeebbada iiga darrayd ee aan la gubanayay waxa ay ahayd ciilka aan u qabay kan Soomaaliga ah ee Cabdibilaha waday. Waxaa dhagahayga sida fiinta ka sii foorinayay dharbaaxadii uu sida fulaynimada ah iigu gaaday. Labaatankii daqiiqadood ee aan Ceelwaaq ku soo soconnay ama la iigu soo waday aan iraahdo, illeen anigu khiyaarkayga ku ma socone, waxa aan ku foognaa ninka i dharbaaxay ee gaariga waday. Mar waxa aan fiirinayay labbiskiisa oo waxa aan la yaabbanaa ninka khamiiska cad iyo koofida Barawaaniga ah ku labbisan ee haddana gardarrada ku dharbaaxaya gabanka yar ee socotada ah. Haa, waxa uu xirnaa khamiis iyo koofi cad. Marna waxa aan iswaydiinayay oo aan su’aal gelinayay isirkiisa. Waxa aan niyadda iska waydiinayay Soomaalinimada axadkaan u adeegaya shisheeyaha doolaalada ku yimid ee dadkiisa dhibaataynaya oo weliba asagu u gacanqaadaya ruux Soomaali ah oo dhulkiisu u kala socdaalaya. Waxaa dhaqankiisu i xusuusiyay sheeko fadhikudirireed runteeda iyo beenteeda aanan ogayn oo ahayd sidan:
Cabdirasaaq Xaaji Xuseen baa berigii uu ra’isul wasaarahaa Soomaaliya ahaa yiri “Kenya dhul baa iiga maqan ee dad iigama maqna.” Niyadda ayaan iska iri “bal axmaqaan axmaqu dhalay eega, waa kuwii uu Cabdirasaaq Xaaji sheegay. Wax gumaysi u adeega oo khayr leh ayaan la sheegin. Doqoni walaalkeed bay u xoogwayn tahay. Raganimada uu igu dharbaaxayo muu shisheeyaha dhulkiisa haysta isaga celiyo?”
Waxa aan gocanayay dharbaaxadii uu sida gardarrada ah iigu malaasay.
Yeelkeed’e, ninkaas gardarrada igu dharbaaxay iyo dadka Soomaaliyeed ee Kenya xukunto waxa ay mudan yihiin in loo garaabo, waayo, waa dadka gumaysigii Ingiriisku ku jawrfalay dawladdii Soomaaliyeedna gabtay oo gef wayn ka gashay. Gumaysigii Ingiriisku waxa uu afduubay doonistii dadkan Soomaaliyeed iyo aftidii ay 1963dii ku go’aansadeen in aysan Kenya waxba ku darsan beddalkeedana ay Soomaaliya ku biiraan taas oo Ingiriisku iska indhatiray. Halka dawladdii Soomaaliyeed ay 1968kii Kenya heshiis la gashay ayada oo aan ka talagalin dadkii Soomaaliyeed ee halganka hubaysan Kenya kula jiray. Taas oo sababtay in halgamayaashii Soomaaliyeed iyo shacabkoodiba noqdaan kuwo meel cidlo ah waraabe ku cuno. Heshiiskii ra’isul wasaare Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Caruusha kula galay Jomo Kenyatta waxa uu ahaa nabar dhabarka ka jabiyay halgankii reer NFD. Kenya oo ka faa’iidaysanaysa dayacii dawladdii Soomaaliyeed dadkaas ku dayacdayna waxa ay reer NFD kula dhaqaaqday xasuuqyo foolxun oo ay ka mid ahaayeen xasuuqii Wagalla (1984) ee ay reer Wajeer ku xasuuqday, midkii Gaarisa Gubaay (1980) ee ay reer Gaarisa ku xasuuqday iyo kuwo kale oo badan sida Galamagala, Liboi iyo Madogashe. Xasuuqyada ay Kenya kula kacday dadka Soomaaliyeed ee NFD ku dhaqan waxaa ugu xanuun badnaa xasuuqii Wagalla oo la xaqiijiyay in 5000 oo shacab aan wax galabsan dhagta dhiigga loogu daray, iyo midkii Gaarisa Gubaay oo 300 oo qofood lagu xasuuqay. Dawladda Kenya waxa ay kale oo ay burburisay hanti farabadnayd oo dadkaasi lahaayeen sida guryihii oo ay dab qabadsiisay iyo xoolihii oo ay laysay. Tusaale ahaan waxaa la sheegay in ciidanka Kenya kadin geel ah ku xasuuqeen Meesha la yiraahdo Dhuujis (Dujis Dam).
Waxa kale oo i gubayay in aanan kansho u helin in aan ka falceliyo gardarradii uu ii la bareeray ninkii dharbaaxada igu jiiday. Oo maxaan tolow samayn lahaa haddii jaallayaashiis aysan igu soo qamaami lahayn ee ay aniga iyo asaga isku kaaya dhaafi lahaayeen? Abkowgay Cawl Faarax (hooyaday Nuuro Nuur Cawl awoowgeed) baa gacanfudud iyo dhirif lagu xifaalayn jiray. Abkow Cawl iskadhaaf nin u gacanqaaday in uusan u jawaabine, waxaa la sheegaa in Abkow Cawl uu maalin ku durduriyay hilbo lagu qoondeeynayay madal Alle-bari la isugu yimid. Goobaha Alle-bariga ama siyaarooyinka lagu dhigo ee miyiga waxaa caado ka ah in marka hore la tiriyo dadka madasha u soo hilbaysi doontay dabadeedna arigii la soo qalay hilbihiisa ayaa qaaddimiinta madashu qorsheeyaan oo waslad-waslad u jarjaraan si ay isugu jaangooyaan tirada martida iyo wasladaha hilibka.
Waxaa la sheegaa in Abkow Cawl iyo oday kale maalintaas ay madasha maamulayeen oo hilbaha wasladaynayeen. Dabadeed Abkow Cawl oo toorrey soofaysan hilbihii ku wasladaynaya ayaa waxa uu arkay cad aad u yar oo shilis ah oo ku haray digsi ka mid ah digsidii hilbaha lagu keenay dabadeedna toorreydiisi caaraddeeda ayuu inta ku muday afka galshay. Ka dib odaygii kale ayaa Abkow Cawl kula kaftamay hadal uusan jeclaysan hadalkaas oo Abkow Cawl u qaatay in hunguri xumo odaygu ku tilmaamay, dabadeedna Abkow Cawl oo shalay maahane ay dorraad ka tagtay baa inta kor u booday waxa uu ku durduriyay oo ku tuntay hilbihii Alle-bariga oo ku jira saxuuntii martida loogu gayn lahaa oo halkan safan. Waxa bari idaad iyo garab sabeen shilis ahayd faniinaya maalintaas waa la yaabay.
Dhacdadaasi waxa ay noqotay mid taariikhda gashay oo qosol iyo maad miiran ah. Waxa ayna noqotay tilmaan lagu tusaaleeyo dhirif iyo gacanfudayd reer awoowgay lagu xifaaleeyo.
Gacanfudaydka reer awoowgay lagu xifaaleeyo marka lagu daro oraahda Soomaaliyeed ee tiraahda “doofaarka ficil la’aan baa lagu cadaabaa” darteed waxa ay u badan tahay in aanan gacmaha ka laabteen ninkii gardarrada igu dharbaaxay. Mise waa aan iska bootaynayaaye sida Soomaali badan oo burburkii iyo dagaalladii sokeeye awgood dalkooda uga qaxay hebdo ugu noqdeen nacabka shisheeye ayaan u hogan lahaa oo indhaha ka mirrig-mirrigsiin lahaa?
Foolxumada qaxaha iyo burburku dadka Soomaaliyeed badeen waxaa ka mid ah in Soomaalidu noqdeen qowmiyad dhan oo qab iyo han jabtay oo u nuglaatay askarta bahallada ah ee dalalka dariska, kuwaas oo sidii dugaag baahan ugu qamaamay maatidii Soomaaliyeed ee dalalkooda u soo qaxay, kulana kacay dil, kufsi, boob iyo xarig. Soomaalidii uu Gerald Hanley ku sheegay “the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest....” kolkii ay dalkoodi ka qaxeen waxa ay noqdeen sida uu Ibraahin-Hawd ku tilmaamay “gob jabtay.” Waxa ay noqdeen sida geel maqlay aar libaax oo gurxamaya.
Nimankii kuuskuusnaa ee ka yimid Nyeri iyo meelo ka fogfog iyo dabadhilifkii u adeegayay sidii ay ii sii wadeen bay i geeyeen saldhigga boliiska ee Ceelwaaq ka dib na inta ay igala hareen lacagtii, suunkii, kabihii, moobeelkaygi niiclaha ahaa iyo wax walba oo aan watay bay aniga oo hoosgunti iyo funaanad keliya xiran igu tuureen qol mugdi ah.
Waxa ay ahayd markii iigu horraysay ee aan xabsi galo ama xorriyadda la iga qaado. Intii hore oo dhan waxaa maskaxdaydu ku foognayd ninkii i dharbaaxay iyo shisheeyaha dhulkayga igu afduubtay balse markii qol mugdi ah oo albaab bir ah oo culus leh la igu tuuray baa cabsi iyo argagax igu soo kadiyeen. Afduubka iyo xabbiska waxaa iiga darnaa qolka madow ee haddii isha farta lagaa gelinayo aadan arki karin. Weligayba mugdiga waa aan necbaa oo waa aan ka baqi jiray.
Markii qolkii mugdiga ahaa la igu tuureen ka dib na albaabkii birta ahaa kor la iiga qataaray baan sidii neef maryaad ah qolkii madoobaa hadba gees caasha saaray aniga oo labada gacmood iga horreeyaan sidii qof hurdo ka soo alaalaxay habeen saqdhexe oo nalkii qolka raadinaya. Cabbaar markii aan sidii doorshaankii mugdigii gabgableeyay baan salka la helay walax markii aan taabtay ii la ekaaday jardiinkii ku oolli jiray bannaanka gurigii habo Ardo ee Baarubax. Dhagaxii aan salka la helay baan aniga oo neeftuuraya dulqandoodsaday aniga oo dareemaya cabsi aadna u khalkhalsan. Waxa aan galay feker dheer. Waxa aan xusuustay hooyaday oo aan ahaa wiilkeeda curadka ah dhawr sannadoodna aanan arkin. Waxa aan dib u milicsaday oo qiimayn ku sameeyay go’aankii aan Bendar Qaali uga soo dhuuntay hooyaday oo aan i ogayn. Waxaa ii muuqday hummaag iga nixiyay oo i tusay in go’aankii aan Bendar Qaali uga soo dhuuntay waalidkay oo aan i ogayn ahaa gef aan sameeyay. Waxa aan niyadda iska iri: waalid caasinnimo ayaa aad ku tallaabsatay qolkaan mugdiga ahina waa cidhibxumadii waalid caasinnimadii aad ku kacday. Waxa aan iswaydiiyay waxa ay hooyaday ka dheeftay sagaalkii bilood ee ay caloosha igu sidday iyo fooshii xanuunka badnayd ee ay i foolatay. Waxa aan is iri “bal maxay hooyaday iga dheeftay oo igu xusuusanaysaa haddii caawa qolkaan madow la igu qasho?” Nuuraddiin Faarax ayaa laga hayaa “She [mother] gives great and receives little.”
Aniga oo tallankaas dhexmaquuranaya indhahaygana ay illin kululi ka soo dareertay baa waxaa igu soo duxay ama ii muuqday hummaag aan ka dhex arkay aabbahay oo u muuqday in aysan cajabin xaaladdii aan ku sugnaa. Waxaa aabbe oogo-hadalkiisa (body language) laga dheehan karayay in uu ka xanaaqsanaa daciifnimadayda ama fulaynimadayda. Hummaaggii aabbe inta uu ii soo dhowaaday buu igu yiri “war maxaad la barooranaysaa ma xaniin baa lagaa sarayaa?” “haddii aad dhimanaysid dhareerka waa la iska duwaa,” ayuu ii sii dabadhigay.
“Miyaan barooranayay?” baan naftayda waydiiyay. Waxa aan xusuustay buuggii uu akhrisanayay ninkii ila saarnaa Xaajiyo-Khamsiintii aan Baydhabo ka soo raacay, Long Walk to Freedom oo uu Nelson Mandela ku tebinayay halgankiisi dheeraa ee gobonimodoonkii Koofur Afrika iyo 27dii sannadood ee xabsiga ku jiray.
Markii xusuustaasi igu soo duxday baan u garaabay hadalkii aabbahay uu hummaagga iigu sheegay.
“Maxaan la calaacalayaa rag baa 27 sannadood xabsi ku jiraye?” intaan iswaydiiyay baan dhagaxii shamiitada lagu malaasay ee sariirta maxbuuska ahaa ku dengiigsaday. Xoogaa ka dib na waa aan gam’ay.
Aroortii markii aan indhaha kala qaaday baan dareemay iftiin aad nuxuus u ah oo ka soo dusaya shabaq si bakhiilnimo ah loo sanceeyay oo ku yaallay darbiga qolka aan ku xabbisnaa.
Goor barqo dheer ah ayaa askari inta uu albaabkii soo furay i soo hoos dhigay weel muunad xun oo muharago iyo xabbad rooti ahi ku jiraan. Dabadeedna asaga oo ju’ ii oran buu iska dhaqaaqay albaabkiina igu xiray. Xoogaa ka dib isla askarigii ayaa igu soo noqday dabadeedna waxa uu Af Ingiriisiga oo aan wax yar ka fahmayay igu waydiiyay haddii aan rabo in aan dadkaygi wacdo iyo inkale. Anigu si halhaleel ah ayaan “haa” ku iri. Dabadeed inta uu weelkii qaatay buu iga tegay. Cabbaar ka dib waxa uu igu soo noqday asaga oo sida niiclahaygi iyo labo boqol (200) oo Shilin oo kaarka hadalka ah. Waxa uu ii sheegay in uu kaarka iiga soo gaday lacagtaydi ay shalay galab igala hareen. Waxa uu intaas ii sii raaciyay “u sheeg dadkaaga in Ceelwaaq aysan maxkamad iyo xabsi lahayn oo 24 saacadood gudahood Mandheera laguu gudbin doono, haddii aadan iska afgaran taliyaha.” Taliyaha uu ka hadlayaa waa taliyaha saldhigga Ceelwaaq, afgarashaduna waa in aan madaxfurasho bixiyo si xorriyaddaydi la iigu soo celiyo. Sidaas baa loo afduubtaa dabadeedna madaxfurasho laga ga qaataa dadka Soomaaliyeed.
Yeelkeed’e, aad baan ugu farxay farriintaas yididdiilada leh, iyo sida gobonimada leh ee askarigu iigu adeegay. Weliba waxa aan la yaabay in uu ii sheegay in kaarka hadalka uu lacagtaydi iiga soo gaday. Waxa aan u malaynayay in lacagtaas aanan dib dambe u arkin doonin oo askartu iga dhacday.
Inta aan kaarkii ku shubtay niiclahaygi ayaan wacay ina habreedkay Daahir Yuusuf oo Wajeer joogay u na sheegay sidii wax u dhaceen. Daahir waxa uu la hadlayay rag ay saaxiibbo iyo macriifo ahaayeen oo Ceelwaaq joogay dabadeedna salaaddii duhur intaan la gaarin xor baan ahaa. Weliba raggii Daahir ii soo diray waxa ay taliyihii saldhigga iiga soo qoreen warqad aan jidka dareen la’i ugu mari karo ilaa Nairobi.
WAAQBARI
Erayga “WAAQ” sida aan ognahay waa “Alle,” Allihii Soomaalidu hore caabudi jireen ama magacii ay Alle u yaqaanneen. WAAQ ma ahayn sanam ama wax kale ee waxa uu ahaa imminkana yahay Allaha sarreeya ee awoodda leh.
In uusan WAAQ ahayn sanam iyo Alle qayrkii waxaa u daliil u ah Qur’aanka Kariimka oo Alle ku sheegay erayga Waaq oo la macne ah “Ilaaliye ama gargaare”.
لَّهُمْ عَذَابٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَلَعَذَابُ الآخِرَةِ أَشَقُّ وَمَا لَهُم مِّنَ اللّهِ مِن وَاقٍ. (Suura ar-Racdi – Aayadda 34aad)
Waaq afka Soomaaliya tif buu ku yahay asaga oo horgale ama dibgale u ah magacyo sida: JidWaaq, CaabudWaaq iwm. Sidaa oo kale dhaar ahaan ayuu ugu jiraa. Tusaale: “Waqay iyo Waaqay” = Weligay iyo Allahay.
Beri dhawayd waxa aan akhriyay buug magaciisu yahay DIRKII SACMAALLADA oo uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale. Buuggaas waxa uu qoraagu ku macneeyay erayga “WAQOOYI” oo uu ku sheegay in uu macnihiisu yahay Waaq'ooyi oo la mid ah dhulkii Alle, kaas oo ah magac dhulkaasi (xeebaha waqooyi ee dhulka Soomaalida) lahaa waayihii hore. Masaaridii hore ayaa ka mid ah dadkii dhulka waqooyi ee geyiga Soomaalida u aqoon jiray dhulkii Alle ama dhulkii Ilaahyada. Inkasta oo uusan qoraaga buuggu macnayn ama faahfaahin macnaha eraygu marka uu labo u kala baxo (Waaq Ooyi?) Haddana runtii aniga waxa uu ii noqday bilig cusub oo ii baxay ii na iftiimiyay aqoon iyo ogaal cusub.
Intaas ka dib waxa aan isku dayay in aan baaro macnaha erayada saddexda (3) jiho ee kale: koofur, bari iyo galbeed. Nin aan ku tuhmayay aqoon durugsan oo uu afka iyo dhaqanka Soomaaliga u leeyahay baan xalay is helnay waxa aanan waydiiyay macnaha koofur, bari iyo galbeed. Koofur waa uu garan waayay, galbeedna waxa uu ku macneeyay “halkii qorraxdu u galbanaysay.” Waxa uu se si fiican faahfaahiyay “bari.”
Waxa uu yiri “bari macneheedu waa "Waaqbari." Waaq waa Alle bari na waa bilow. Qorraxdu waxa ay ahayd waxyaabihii Soomaalidii hore caabudi jireen ama ay Alle u sii mari jireen (Awliyo). Sidaas awgeed meesha qorraxdu ka soo baxdo waa WAAQBARI oo la macne ah halkii Alle ka soo muuqanayay. Dabadeed eraygu waa uu isdhalanrogay oo “Q” ayaa qarsoontay sidaasna ku noqday “Waabari.” Ugu dambayn “Waa"-dii ayaa laga tagay oo laga hawlfududaystay oo “bari” ayaa lagu gaabsaday”.
Hadda “Waabari” oo dadka qaar u qoraan “Waaberi” waxa aynnu u naqaan marka habeenka iyo maalintu isdhaafayaan iftiinka qorraxduna bari ka soo muuqdo.
Sidaa oo kale xaafado iyo degmooyi dalka ka mid ah ayaa magacaas loo bixiyay.
Dheeri
Jihada “GALBEED” waxaa gobollada qaar looga yaqaan “Qorraxsin” oo ah “Qorrax iyo Sin”.
Ku celis
QUUD AWLIYAAD
Magaalada waan ku cusbaa oo labo beri ka hor baan Xamar ka imid. Dadka aan ka garanayay farakutiris bay ahaayeen, waalidkay, walaalahay iyo xoogaa qaraabada ah un baan ka garanayay. Maalintii labaadba waxa aan dareemay caajis iyo cidlo. Dadka magaalada jooga ee maqaayada fadhfadhiyaahi reer miyi bay u badan yihiin. Fadhikudirir qabyaalad ka duulaya, ciyaarista jaraha, iska warsiga biyaha iyo baadka, iyo qayilaad bay waqtiga isku dhaafiyaan. Maqaayadaha qaar waxaa fadhfadhiya odayaal mag kala qaadanaya, ama uruurinaya. Hadba maqaaxi baan fadhiistaa wax yar dabadeedna intaan ku caajiso ayaan ka dhaqaaqaa oo mid kale aadaa.
Aniga oo sidaa u caddiban oo laamiga burburay ee siigada iyo busta badan hareertiisa lugaynaya ayuu nin aan Xamar ku arki jiray iga soo hor baxay. Sidii saaxiibbo isku dheer oo waayo badan kala abaadey baan isu salaannay. Xaqiiqdii ninkaa saaxiibbo ma aynnaan ahayn aqoon dheeraad ah na isu ma aynnaan lahayn, keliya xaafadda aan Xamar ka degganaa iyo agagaarkeeda un baan isku arki jirnay. Balse saaka waxa aan isu marxabbaynay sidii labo widaay oo jabka rootiga ah kala goosan jiray.
Waxa aan fadhiisannay balbalo jidka dacalkiisa ka dhakooshay, dabadeedna shaah baynnu dalbannay. "War ninyhow maxay ahayd magaaladan qaabka daran ee bilaa shaleemada ah ee bilaa madadaallada ah?" Ayuu igu yiri. "Ma aragtay saaxiibow? Anigu waaban nacay berri maahane saaddambe waaban isaga tagayaa," anigaa saaxiibkay ku iri. "Xataa barxad kubbadda lagu ciyaaro ma leh," ayuu yiri. "Haa, ma aragtay? Lugihii baa i laabmay sidaan u fadhiyay," baan ugu warceliyay. Asaga ayaan u cammirayaye weligeyba kubbad ma dheelin.
Cabbaar goortii aynnu halkii fadhinnay buu si lama filaan ah inta dhankayga ugu soo jeestay afkana ii soo dhaweeyay yiri "anigaa talo fiican kuu haya, waan qayilaynaa." Qayilaad aa! Ayaan niyadda iska iri, intii aanan u jawaabin. Ma anigaaba weligey qayilay. "Qaad ma cuno," ayaan ku iri. "Aniguba ka cuno, laakiin aynnu maanta tijaabinno, illeen wax kale oo aan qabanno ma naqaane," ayuu yiri. "Lacagna anigaa inoo haya ee ka welwel la'ow," ayuu sii raaciyay.
Isku raacnay in aan qayilno, ha yeeshee waxaa ammuur noqotay halkii aan ku qayili lahayn. Labadeennuba waxa aan ka baqaynnaa waalidkeen oo magaalada jooga, gaar ahaan aabbayaasheen oo ragga maqaayadaha fadhfahdiya ku jira. Xataa haddii aysan ayagu na arkin waxaa halis ah in qof kale oo na bargaranayaahi na arko dabadeedna waalidka u qaylageeyo. Wax kale iskadhaafe, xataa ku ma dhacno in dumarka qaadka iibiya aynnu dulistaagno oo qaad ka gorgorinno.
Cabbaar markii aynnu talo rogrognay baan xusuusannay in magaaladu labo geddi u kala qaybsan tahay (koofur iyo waqooyi). Waqooyi haddii aad tagno sankuneefle naga ma garanayo. Laakiin, mushkiladdu waa in magaaladu colaad ku jirto oo kala aargoosi qabiil ka taagan yahay. "Amaa la idin gartaa in aad koofur ka timaaddeen dabadeed aano qabiil la idiin dilaa" ayaa ahayd welwelkeenna ugu wayn. Yeelkeede, dhaqaaqnay oo waqooyi tagnay dabadeed islaan kabar qaad barraaqda ayaan koristaagnay. Labo nin oo mid walba labada can midkood kuusan yahay baa islaanta kortaagan oo qaad ka gorgorinaya. Mid walbaa marduuf buu labada gacmood kor ugu hayaa oo hadba dhan u geddinayaa. Labada nin midkood baa inta gacantiisa midig ku tufay nuskiilo tabis (taqsiin) ah dhulka ku tuuraya, dabadeedna isla gacantii uu tabiska ku tufay buu marduufkii ku taataabtay oo ku salsalaaxay. Yak! "Nacala weshak!" Ayaan niyadda is iri. Wiswiska weligey waan lahaa, oo iskadhaaf in aan cuno faro tabis iyo calyo leh wax lagu taataabtaye hilibka reerkeennu karsado haddii wax yar oo dheecaan ah ama qoyaan ah aan ka dareemo waan ka wiswisi jiray ma na cuni jirin. Sidaa awgeed baa hooyaday markay hilib kariso cad qallan sida muruqa bawdada ama kan tagoogta i siin jirtay.
Jawaan qoyan oo hoosyiil bay islaantii marduuf ka soo dhifatay dabadeedna saaxiibkay u dhiibtay, asaguna inta uu deg deg u eegeegay buu jaakad uu xirnaa hoosteeda ku hullaabay. Qaabka uu marduufka u meeleeyay markii aan arkay waxa aan aaminay in uu horay u qayili jiray oo marduufyo badan u hullaabtay. Cabbaar goortii aan lugaynay baan luuq ciriiri ah isla laabnay. Anigu asaga un baan dabasocdaa. Buush qaabdaran oo labaataneeyo rag ah dhexfadhiyaan baan dalaq niri. Ragga meesha fadhfadhiya qaar ka mid ah baa na salaamay. Sidi in ay saaxiibkay garanayaan bay inoo salaameen. Mid ka mid ah markii aan gacanta u taagay buu gacanta midig taqsiin ku tufay ka dib na taqsiintii oo kuusan buu hortiisa dhigay, dabadeedna gacantii igu salaamay. Yak! Nacala weshak!
Meel gees ah oo aniga iyo saaxiibkay loo banneeyay baan salka dhignay dabadeedna shaah dalbannay gabadhii meesha lahayd baa nagu tiri "walaal bakeeriyadii ayaa iga go'ay ee kooka koolla ma idin siiyaa aad shaaha ku sii sugtaan?" "Haa, na sii labo kooko ah," saaxiibkay baa yiri. Aniguna juuq iyo jaaq midna la iga ma hayo. Waxa aan ahay neef la iska wato. Waxaa maankaygu ku maqan yahay gacantii taqsiinta lahayd ee la igu salaamay. Taqsiimaha kuuskuusan ee aad mooddid xaar doorshaan daabbuli rabo ee horteenna tuuran, ayaguna lalabbo igu haya. Marduufka aan soo qaadannay ee aan laantii koowaad afka geliyay qudhiisa waa ka shakisan ahay. Kobta aan fadhinno qudheeda iyo ragga indhaha godgodan ayaguna walaac bay igu hayaan.
"Bakeeridii waa bannaanaadeene ma koob-koob baan idin siiyaa mise darmuus dhan?" Gabadhii meesha lahayd baa tiri, ayada oo uruursanaysa bakeeri shaah laga laystay. "Darmuus bigays ah iyo labo bakeeri na sii," saaxiibkay baa yiri.
Labo bakeeri ayay biyo aan nadiifnimadooda shaki ka qabo si shaki i gelisay balaq! Balaq! Inta ugu siisay na soo hoos dhigtay. Ragga bakeerida laga soo hoosqaaday baan afafkooda iyo farahooda eegay. Yak! Nacala washak!
Cabbaar goortii aan qayilnay baa saaxiibkay inta i soo fiiriyay igu "marqaanka ka warran?"
"Wiswis iyo lalabbo maahane sida kale ma xuma," ayaan ku iri.
"Adeer waa Quud Awliyaad laga ma wiswiso laga ma na lalabboodee iska qayil," buu igu yiri.
Yak! Nacala washak! Baan uurka iska iri.