Stories by Faatix Cabdiraxmaan on Medium
Bilaal Sudani mise Baraa raxanwayni?
Dhammaadkii bishii January 2023-kii, waxa ay ciidammada maraykanka ee sida gaarka ah u tababaran godku yaalla gobolka beri oo dhaca deegaanka Hoobad ee ku yaalla Xuduudda degmooyinka Isku-shuban iyo Ballidhidin ku dileen Bilal Al sudani iyo ku dhowaad toban kale oo ka tirsan kooxda Daacish. qoraalkan kagama warramayo nooca hawlgalka iyo qaabka uu udhacay toonna. Se midda fajacisada dhalisay waxa ay tahay warbaahinta maxalliga ah kuwooda uga afka dheer sida Garoowe Online, Hiiraan news, Goobjoog iwm, tan caalamiga ah sida BBC (inkasta oo ay dib ka saxday) Taliska bilayska ee Puntland (walaw ay kiis kale u adeegsadeen oo dilkii Abuu Baraa Al armaani ah. ) Wakaaladda wararka ee heer qaran waa Sonna xarumo amni oo madax bannaan sida "Strategic Intelligence Service" oo looga dambeeyo arrimaha wardoonka iyo amniga si gaar ahna beriga iyo badhtamaha afrika diiraddda usaarta kana mid ah goobaha lafdhabarta u ah la dagaallanka argagixisada Soomaaliya ee xogta siiya ciidammada midowga afrika shirkadaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iwm. iyo "The Jameston Foundation" oo ah xarun Cilmi baadhis oo aasaasan ku dhowaad kontan sano kana shaqaysa talisiinta madaxda maraykanka, la dagaallanka argagixisada iwm ay aqoonsan kari waayaan sawirka qofka la dilay shakhsi illaa heerkaas ahna aan hubanti loo aqoon. Waa ifafaalo muujinaya fashilka dagaalka lagula jiro cid aan la aqoon natiijaduna ay tahay mid aan la hubin lana saadaalin karin. Waxa aynu qoraalkan ku faahfaahin doonnaa Sooyaal nololeedka Bilaal Al-Sudani iyo ka ninka lagu khalday ee sawirkiisa la adeegsaday.
1: Bilaal Al-Sudani.
Suhayl Saalim Cabdiraxmaan (Abuu Faaris) oo loo garan ogyahay Bilal Sudani waxa uu 1984-tii ku dhashay sudan gaar ahaan deegaannada dhaca Xuduudda sudan iyo itoobiya taas oo ka dhigan in uu ahaa barbaar gaashaan qaad ah oo 23 sano baarka ka gooyay xilligii la aasaasay Alshabaab. Barbaar kiisii hore iyo guud ahaan noloshiisa lagama hayo macluumaad sidaas usii ridan. Qaybo yaraantiisii kamid ah waxa uu ku qaatay waddanka Sucuudiga oo uu ku xafiday Qur'aanka. Waxa la sheegaa in uu horraantii 2000-kii soomaaliya yimi oo ku biiray Saldhigyadii Kiyaambooni ee xuduudda Kenya iyo Soomaaliya waxa ay halkaas xilliyo isku dhaw yimaaddeen Ajaanib kol dambe ka dhex muuqday Kooxda Alshabaab oo ay kamid ahaayeen Cumar Xamaami oo loo garan ogaa Abuu Mansuur Al-amriiki, Cabdalla Suudaanj, Abuu Mansuur Al yamani iyo qaarkale. waxa la sheegaa inay walaalkii Suhayb Saalim oo ay mataano ahaayeen mar wada yimaaddeen kolkii hore waxa uu ka tirsanaa ururkii Raaskaambooni ee Sh Xasan Turki Hoggaamin jiray. 2008-dii buu ku biiray kooxda Alshabaab gaar ahaan qaybta warbaahinta ee Alkataa'ib. Sannadkii 2010 ka amiirka kooxda waxa uu ka dhigay xubin golaha shuurada ee kooxda ka tirsan. 2011-kii waxa uu kamid noqday xubnihii maxkamadda loo xulay in ay dhexdhaxaadiso qoorwayntii kooxda iyo Amiir godane. 2012-kii wasaaradda caddaaladda ee maraykanku waxa ay ku dartay liiska dadka la baadi goobayo ee xayiraadda lagu soo rogay. 2013-kii waxa uu ku qancay fikradda Daacish oo uu u baxsaday inta uu kusii jiray dhexda waxa ka war heshay Dawladda Faderaalka se isku day lagu raadiyay laguma guulaysan in la qabto ama la dilo. Muddo uu ka maqnaa saaxadda waxa lagu dhex arkay
Warbixin golaha amniga qaramada midoobay ka sameeyay Soomaaliya iyo Eratrea 2017-kii oo lagu sheegay in uu kaalin firfircoon kaga jiro dhismaha kooxda Daacish Soomaaliya haddii ay ahaado dhanka abaabulka iyo keenidda Dagaalyahanno ajaanib ah iyo haddii ay noqoto dhanka shabakadaha dhaqaalaha.
Bilaal waxa uu isku xidhe ka noqday shabakadaha dhaqaalaha ee kooxda ee ka jira afrika iyo beriga dhexe jeer lagu eedeeyay in uu maalgaliyay qarixii ka dhacay Kabul habeenkii ciidanka maraykanku ka baxayeen galaaftayna 14 askari oo maraykan ah waana sababta loo aanaynayo inay soo dedejisay dilkiisa. Bilaal Al-Sudani kolka la dilayo waxa uu ahaa Hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Daacish Soomaaliya.
2: Cabdiraxmaan Mursal oo loo garan og yahay Abul baraa' Al raxanwayni gadaalna ka noqday dagaalyahan mudhbaxay ay kooxda Daacish Soomaaliya ku tashan jirtay dagaal iyo gaadi madax jabisba waxa uu ku dhashay Horraantii sagaashamaadka deegaannada koonfur galbeed. Taariikhdiisii hore iyo barbaarkiisii waxba lagama oga. 2006-kii waxa uu kamid noqday Kumanaankii dhalinyarada ahaa ee ku biiray cimaamad castii maxaakiimta ee dareenkooda lagaga ganacsaday difaaca dal iyo damiirka diineed aan waxba ka jirin. dagaallo badan uu ka qayb galay kaddib waxa gacanta ku dhigay ciidammada itoobiya oo uu muddo dheer xabsiyadooda ku jiray. Badhtamihii 2016-kii baa laga soo daayay markale waxa uu kamid noqday dhalintii ajiibtay baaqii kooxda Daacish oo markaas baaqoodu ku cusbaa geyiga soomaalida horena baycada ka siiyay. Dirqi iyo tu baas buu ku gaadhay buuraha calkiskaad oo kooxda cusub saldhig u ahayd. Tababarro ciidan iyo kuwa fikir isugu jira uu qaatay kaddib waxa uu kamid noqday Saraakiisha ciidan ee kooxda Dhiirrananaantiisa iyo Hibadiisa hoggaamineedna waxa ay kusoo baxeen dagaalkii kooxdu qandala ku qaadday. Muddo kaddib waxa ay kooxdu u qorshaysay qarax ismiidaamin ah isaga iyo naftii hallige kale oo lagu magiciisa afgarashadu yahay Abuu Quddaama Al marreexaani (waa ninka sawirka ay ku wada jiraan ee geesta midig ka taagan) waxa loo qorsheeyay inay goob ciidan oo magaalada boosaaso ku taalla si talantaalli ah isugu qarxiyaan Al marreexani uu albaabka isku miidaamiyo Mursalna gudaha ugalo oo wixii ku jira galaafto. Ase kolkii uu isqarxiyay kii ka horreeyay bay kooxdu lasoo hadashay oo ku amartay in uu kasoo laabto. Markale kooxdu waxa ay udirtay magaalada boosaaso si uu uga aasaaso unugyo madax jabis iyo qaraxyada qaabilsan tobannaan ruux buu galaaftay oo madax jabis iyo miino meel lagu aasoba ku halligay. Muddo kaddib waxa loo wareejiyay magaalada muqdisho si uu magaalada gudaheeda iyo deegaannada ku teedsan uga abuuro unugyo amniyaad waa shaqo adag laba midkood Alshabaab baa dhanka ugaadhsanaysa oo aan u oggolaan Daacish inay muqdisho iyo koonfurta isku fidiso dhankalena Dawladda ayaa ka ugaadhsanaysa. Kolkii muqdisho cago dhigay waxa uu ka aasaasay koox amniyaad ah oo tobannaan qarax iyo madax jabis ka gaysatay gudaha Muqdisho iyo bannaankeeda. Muddo kaddib waxa ka war helay amniyaadka Alshabaab oo gudaha magaalada iyo bannaankeeda ku daadiyay tobannaan qof oo muuq garanaya si gacanta loogu soo dhigo ama loo dilo. Markii ay adkaatay in la helo waxa ay weerar ku ekeeyeen qoyskiisa oo soonaha afgooye degganaa si uu uga khasbanaado in uu isa soo dhiibo se ma dhicin. Muddo kaddib waxa ay afduubteen walaalkiis oo si adag u ciqaabeen bal in uu sheego meesha uu ku sugan yahay se miyuuba garanayaa iyana natiijo la'aan bay noqotay walaalkii waxa uu u dhintay jidh dilkii oo waxa laga soo tuuray indhaha, carrabkana waa laga gooyay ugu dambaynna inta jawaan lagu cabbeeyay baa wabiga lagu riday. Baryo badan kaddib goor casar liiq ah isaga oo koonaha Muqdisho ku baraya koox dhalinyaro ah isticmaalka baastooladda baa goosan Amniyaadka shabaab ah kasoo kordhaceen la is rasaasee baaskooladdii yarayd na rasaasteedii ka dhammaatay talona faro ka baxday ase waa nin dhagar badan e durba waxa uu isugu muujiyay nin kooxda ah hawl muhiim ah haya oo raac cusub tababaraya. Run uga qaate oo illaa habeenkii la wada joog se xeelad lehna uga baxsay iyaga oo war moog ah. Muddo kaddib bay kooxdu ogaatay ninka sidaas yeelay in uu ahaa ninkii la raacdaynayay hungo iyo fadeexadna laga dhaxal. Muddo badan oo hoggaan u ahaa amniyaadka Daacish ee koonfurta soomaaliya kaddib, waxa uu ku dhintay bishii March 2019-kii is rasaasayn dhexmartay koox uu hoggaaminayay oo duullaan ku ahayd saldhig ciidan oo magaalada muqdisho ku yaal iyo ciidanka Dawladda Soomaaliya.
1:Wargayska Afka Daacish ku hadla ee Al-Naba'.
2:Warbixinta Golaha amniga qaramada midoobay ka diyaarisay Soomaaliya iyo Eratrea ee ku tusmaysan (7511999) iyo
(19072009)
3:Senior ISIS Leader in Somalia Killed in U.S. Special Operations Raid. The Newyork Times
4:Treasury Targets Regional Actors Fueling Violence and Instability in Somalia 2012.
5: waraysiyo
Sawirka Cabdiraxmaan Mursal ee la baahiyay. Mursal waa ninka Baasha bidix taagan. Ninka la sawiran waa saaxiibkiisii ismiidaaminta loo wada qorsheeyay ee Al-Marreexaani
Sawirka Bilaal Al-Sudani..
Sawirka Bilaal Al-Sudani.
Sawirka ninka lagu khalday ee Abuu Baraa' Al Raxanwayni iyo saaxiibkiisii ay is wada miidaamin lahaayeen uu ka hadhay ee Abuu Quddaama Al marreexaani waa ninka baasha midig ka xiga.
يا أمني في غيابك كل شيء يبدو ناقصاً. السماء تفقد زرقاءها، والشمس تعدم نورها والهواء تغدو ثقيلاً على صدري و أحيانا يصعب التنفس، حتى اللحظات التي كنتُ أعتقد أنها بسيطة أصبحت فجأة مليئة بالشوق إليك. أحن إلى صوتك الذي يمنحيني الطمأنينة حتى في أحلك الظروف، إلى ضحكتك التي تجعلني سعيدا، وإلى تلك الكلمات التي تهمسين بها فأجد فيها سلامتي
الشوق إليكِ لا يشبه أي حنين. إنه نار تشتعل في داخلي وحريق ما بداخلي من شعور ويغير إلى رماد! االحنين إليك نسيم هادئ يشعرني أنكِ مهما بالغت في العناد فأنتِ حاضرة في حياتي. في كل صباح، حين أرى الشمس تشرق، أراكِ. وفي كل ليلة حين أنظر إلى القمر أتساءل هل تنظرين إليها بنفس اللحظة؟ اه اه أتمنى أن أكون معاك وأشاهدك المنظر
أنتِ لستِ مجرد غائبة، بل أنتِ موجودة في زوايا ذاكرتي أتذكركِ في حديثنا الذي لم ينتهِ بعد في لمساتك الرقيقة التي كانت تدوي جراحي، في ضحكتك التي تملأ قلبي بالسرور. أحن إلى تلك اللحظات التي كنتِ فيها قريبة جداً والى تنفسك الحار، حتى اشعر أن العالم كله يحتضنني.
يا حبيبتي، الشوق إليكِ ليس وهنا ولا صعفا بل هو جزء من الحب الذي يغمرني كلما تذكرتكِ وهل أذكرك حتى أنساك!
من حجر إلى إنسان يحس. رسالة قصيرة إلى الأمان!
قبل أن ألقاك، كنت أسيرًا وراء المادة، ألهث خلف القوة والمال والمكانة الاجتماعية، غير آبه بمشاعر الحب أو العواطف. كنت أظن أن تلك المشاعر ليست سوى ترفٍ للتعساء والأغبياء الذين لا ملاذ لهم إلا تلك "البضاعة الشنعاء". لكنك، يا من أضأت حياتي، منحتيني ذوق الحياة الحقيقي، وعلمتيني كيف أشعر بكل ما يجري في صدري وما يسري في عروقي من نبض.
لقد أيقظتِ في داخلي جرس الوعي، وشجعتِني على السير في درب الجد. من خلال وجودك، تعلمت كيف أحب، وكيف أعبر عن مشاعري لجنس آخر، ألا وهو أنتِ. بدأ قلبي يستعيد حيويته ببطء، وعادت لي أنوار الحياة مع كل لحظة معك، حتى تعمق عشقي لك، فأشعلتِ في داخلي نارًا تلظى، وأحرقت كبريائي وغطرستي مرارًا وتكرارًا.
وماذا حدث بعد ذلك؟ حقًا، أصبتني دون سابق إنذار، وأغرقتني في قاع بحر الحب. أُقر لك من أعماق قلبي، أنني كنت في الماضي حجرًا أصم، لكنك جعلتيني إنسانًا يشعر، بقلب ينبض بحب الحياة. أمطرتِ الأرض القاحلة، وأنعشتِ فيها زهورًا يانعة تتلألأ. أحيتِ مشاعري التي كانت على وشك الانهيار، فأنا اليوم إنسان حي يرزق، أستمتع بأجمل المشاعر.
أكن لك الامتنان والوفاء، يا أمان . أقول لك بصوت ينبع من أعماق روحي، سأحبك حتى وإن ساءت الأمور بيننا
Farriin wakhtigeedu dhacay
Dhambaal wakhtigiisu dhacay.
Waan ku jeclaa! Jacayl aan gobo’diisu ahayn gubasho jidheed oo holaceeda galmo iyo gogol la wadaago uun lagu bakhtiiyo... GALMO! haah, Waa run oo taas lab ayaan u ahay, waana abuurteenna aan iska-yeelyeelka ahayn ee aadananinmadeennu keensanayso.. Gacalladaydaay, ogoow oo dareenka galmada haween kasta hoosgeeda waa lagu gudan karaa, kulka dareeenkana waa la iskaga kaar jabin karaa. Se, busaylka iyo kalgacalaylka runta ah bog kasta oo dumar ah bogsiimo ha joogtee xitaa inyarna lagu ma baxnaanin karo.
Kalgacaylka aan kuu qabo eray kuma qeexi karo dareen kugu ma taabsiin karo halbeeg aan ku cabbirona warkiisaba daa! Jacaylka ay labada ruux is janteem oo ay labada jidhna isku milmi og yihiin, isuna damqanayaan ayuu ahaa. Codkaagu waxa uu ii ahaa yahay waxa qaabeeya isku qubnaanta gudahayga ee qulubka ka korqaada. Ruuxa dareenka faneed leh ee waliba baarkiisa sare inta uu xusho codka iyo cuudka Ina Dhuulle uu beerqaado, sakhrad awgeed samada ugu mirkaco si ka daran ayuu laxawga caashaqa ii mayracsiin jiray.
Ama sida ruuxa bunka madaw ku takhlan sida uu u dareen qaado oo dunidaba balanbalkeeda iyo diihaalkeeda u dhaafiyo daqiiqadana uu u illowsiiyo ayaa uu ii ahaa. Dawadayda ayaa uu ahaa.. .Ma xasuusataa inta goor aan ku idhi amnigayga ayaad tahay badbaadadayda ayaad tahay. badbaado iyo amni kasta ma tihid ee ka gudahayga ayaad tahay! Mid ii khaas ah baad tahay oo aan muddo badan baadigoobayey.
Sidii ayaan kuugu jeelqabaa, sidii ayuu u diryamahaa wadnahaygu oo ay halbawlayaashu ii haw leeyihiin.. wanaaggaagii oo dhan baan hibanayaa, sidii ayay wali xasuusahaagu maankayga ugu soo laba kaclaynayaan, sida hirka badda oo kale ayay xusuusiba xusuus ii xigtaa, dareen walbana mid kale oo la ayni ah baa daba socda oo waxaan tebayaa; haasawaheennii bilnaa dhoollacaddayntaadii baraa’ada lahayd, laabgalintaadii dugsoonayd, uduggaagii i saaqi ogaa, iyo muuqaagii aan gaclooday. cawaysyadeennii bilnaa socodkeenii aan habeenbadhka waddooyinka waaweyn daanshadaanshoon jirnay, Kaftankeennii gacalnimo iyo Saaxiibtinnimadeennii raandhiiska lahayd baan xasuusanayaa. Xusuus keliya ma aha ee waan muhanayaa. Sidii ayaan hilow kuugu qabaa, sidii iyo si ka badan ayaan wanaaggaagii uhibinayaa.
Walaw aan hore ujibaaxay mugdiga madhnaanta foolkiisa jiqda ahna aan dhex muquurtay, intii an dheehiisa foosha xunna hore udhugtay si diirranna aan kuu sagootiyay sagootis kumeelgaadh ah oo rejo weheliso. Sagootin uu wadnuhu la taahayo, afkuna uu juuqda gabay, gacmuhuna ay lulayaan salaamaadkaaga. Haddana kaa ma hi’yi dhigin helitaankaaga si kasto oo aan u maarmi karo ma rabo in aan ku illaawo oo iyada ayaa igaga daran gumurada jacaylka. Hadda jacaylkaaga uma Jacaylkayga uma qabo masiibo jiraaleed iyo wahan igu habsaday. cagsiga raynrayn ayaan ku dareemaayaa waa waxa kali ah aan ku garan karo inaan ahay bashar mashaa’cir leh waa aan la noolaan doonaa haddii ay waayuhu igu kaa siminna ma qabo caloolyoow wax aan ka qoomamaynayaana ma jiraana. Sidii ayaan kuu sugayaa sidii ayaan kuugu sacabba tumayaa oo cod luxdan oo laabaha lulaya kuugu luuqaynaya:
Waxaad tahay bil dhalatiyo
Cadceed soo baxaysiyo
Biligtii hillaacoo
Bidhaantaada weeyaan.
Il jacayl ku beertee.
Bidixdiyo waxaan nahay
Midigtay isku baahdoo
Illeen ways ku booyaan
Haddii midi bukootee
Ha burburinin wacadkoo
Haka baqan dhankaygoo
Haka baqan dhankoow
Ha baylihin kalgacalaylkee.
Dawladda Sawir xaqiijin wayday, Amni ma sugi kartaa?
Dhammaadkii bishii January 2023-kii, waxa ay ciidammada maraykanka ee sida gaarka ah u tababaran godku yaalla gobolka beri oo dhaca deegaanka Hoobad ee ku yaalla Xuduudda degmooyinka Isku-shuban iyo Ballidhidin ku dileen Bilal Al sudani iyo ku dhowaad toban kale oo ka tirsan kooxda Daacish. qoraalkan kagama warramayo nooca hawlgalka iyo qaabka uu udhacay toonna. Se midda fajacisada dhalisay waxa ay tahay warbaahinta maxalliga ah kuwooda uga afka dheer sida Garoowe Online, Hiiraan news, Goobjoog iwm, tan caalamiga ah sida BBC (inkasta oo ay dib ka saxday) Taliska bilayska ee Puntland (walaw ay kiis kale u adeegsadeen oo dilkii Abuu Baraa Al armaani ah. ) Wakaaladda wararka ee heer qaran waa Sonna xarumo amni oo madax bannaan sida "Strategic Intelligence Service" oo looga dambeeyo arrimaha wardoonka iyo amniga si gaar ahna beriga iyo badhtamaha afrika diiraddda usaarta kana mid ah goobaha lafdhabarta u ah la dagaallanka argagixisada Soomaaliya ee xogta siiya ciidammada midowga afrika shirkadaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iwm. iyo "The Jameston Foundation" oo ah xarun Cilmi baadhis oo aasaasan ku dhowaad kontan sano kana shaqaysa talisiinta madaxda maraykanka, la dagaallanka argagixisada iwm ay aqoonsan kari waayaan sawirka qofka la dilay shakhsi illaa heerkaas ahna aan hubanti loo aqoon. Waa ifafaalo muujinaya fashilka dagaalka lagula jiro cid aan la aqoon natiijaduna ay tahay mid aan la hubin lana saadaalin karin. Waxa aynu qoraalkan ku faahfaahin doonnaa Sooyaal nololeedka Bilaal Al-Sudani iyo ka ninka lagu khalday ee sawirkiisa la adeegsaday.
1: Bilaal Al-Sudani.
Suhayl Saalim Cabdiraxmaan (Abuu Faaris) oo loo garan ogyahay Bilal Sudani waxa uu 1984-tii ku dhashay sudan gaar ahaan deegaannada dhaca Xuduudda sudan iyo itoobiya taas oo ka dhigan in uu ahaa barbaar gaashaan qaad ah oo 23 sano baarka ka gooyay xilligii la aasaasay Alshabaab. Barbaar kiisii hore iyo guud ahaan noloshiisa lagama hayo macluumaad sidaas usii ridan. Qaybo yaraantiisii kamid ah waxa uu ku qaatay waddanka Sucuudiga oo uu ku xafiday Qur'aanka. Waxa la sheegaa in uu horraantii 2000-kii soomaaliya yimi oo ku biiray Saldhigyadii Kiyaambooni ee xuduudda Kenya iyo Soomaaliya waxa ay halkaas xilliyo isku dhaw yimaaddeen Ajaanib kol dambe ka dhex muuqday Kooxda Alshabaab oo ay kamid ahaayeen Cumar Xamaami oo loo garan ogaa Abuu Mansuur Al-amriiki, Cabdalla Suudaanj, Abuu Mansuur Al yamani iyo qaarkale. waxa la sheegaa inay walaalkii Suhayb Saalim oo ay mataano ahaayeen mar wada yimaaddeen kolkii hore waxa uu ka tirsanaa ururkii Raaskaambooni ee Sh Xasan Turki Hoggaamin jiray. 2008-dii buu ku biiray kooxda Alshabaab gaar ahaan qaybta warbaahinta ee Alkataa'ib. Sannadkii 2010 ka amiirka kooxda waxa uu ka dhigay xubin golaha shuurada ee kooxda ka tirsan. 2011-kii waxa uu kamid noqday xubnihii maxkamadda loo xulay in ay dhexdhaxaadiso qoorwayntii kooxda iyo Amiir godane. 2012-kii wasaaradda caddaaladda ee maraykanku waxa ay ku dartay liiska dadka la baadi goobayo ee xayiraadda lagu soo rogay. 2013-kii waxa uu ku qancay fikradda Daacish oo uu u baxsaday inta uu kusii jiray dhexda waxa ka war heshay Dawladda Faderaalka se isku day lagu raadiyay laguma guulaysan in la qabto ama la dilo. Muddo uu ka maqnaa saaxadda waxa lagu dhex arkay
Warbixin golaha amniga qaramada midoobay ka sameeyay Soomaaliya iyo Eratrea 2017-kii oo lagu sheegay in uu kaalin firfircoon kaga jiro dhismaha kooxda Daacish Soomaaliya haddii ay ahaado dhanka abaabulka iyo keenidda Dagaalyahanno ajaanib ah iyo haddii ay noqoto dhanka shabakadaha dhaqaalaha.
Bilaal waxa uu isku xidhe ka noqday shabakadaha dhaqaalaha ee kooxda ee ka jira afrika iyo beriga dhexe jeer lagu eedeeyay in uu maalgaliyay qarixii ka dhacay Kabul habeenkii ciidanka maraykanku ka baxayeen galaaftayna 14 askari oo maraykan ah waana sababta loo aanaynayo inay soo dedejisay dilkiisa. Bilaal Al-Sudani kolka la dilayo waxa uu ahaa Hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Daacish Soomaaliya.
2: Cabdiraxmaan Mursal oo loo garan og yahay Abul baraa' Al raxanwayni gadaalna ka noqday dagaalyahan mudhbaxay ay kooxda Daacish Soomaaliya ku tashan jirtay dagaal iyo gaadi madax jabisba waxa uu ku dhashay Horraantii sagaashamaadka deegaannada koonfur galbeed. Taariikhdiisii hore iyo barbaarkiisii waxba lagama oga. 2006-kii waxa uu kamid noqday Kumanaankii dhalinyarada ahaa ee ku biiray cimaamad castii maxaakiimta ee dareenkooda lagaga ganacsaday difaaca dal iyo damiirka diineed aan waxba ka jirin. dagaallo badan uu ka qayb galay kaddib waxa gacanta ku dhigay ciidammada itoobiya oo uu muddo dheer xabsiyadooda ku jiray. Badhtamihii 2016-kii baa laga soo daayay markale waxa uu kamid noqday dhalintii ajiibtay baaqii kooxda Daacish oo markaas baaqoodu ku cusbaa geyiga soomaalida horena baycada ka siiyay. Dirqi iyo tu baas buu ku gaadhay buuraha calkiskaad oo kooxda cusub saldhig u ahayd. Tababarro ciidan iyo kuwa fikir isugu jira uu qaatay kaddib waxa uu kamid noqday Saraakiisha ciidan ee kooxda Dhiirrananaantiisa iyo Hibadiisa hoggaamineedna waxa ay kusoo baxeen dagaalkii kooxdu qandala ku qaadday. Muddo kaddib waxa ay kooxdu u qorshaysay qarax ismiidaamin ah isaga iyo naftii hallige kale oo lagu magiciisa afgarashadu yahay Abuu Quddaama Al marreexaani (waa ninka sawirka ay ku wada jiraan ee geesta midig ka taagan) waxa loo qorsheeyay inay goob ciidan oo magaalada boosaaso ku taalla si talantaalli ah isugu qarxiyaan Al marreexani uu albaabka isku miidaamiyo Mursalna gudaha ugalo oo wixii ku jira galaafto. Ase kolkii uu isqarxiyay kii ka horreeyay bay kooxdu lasoo hadashay oo ku amartay in uu kasoo laabto. Markale kooxdu waxa ay udirtay magaalada boosaaso si uu uga aasaaso unugyo madax jabis iyo qaraxyada qaabilsan tobannaan ruux buu galaaftay oo madax jabis iyo miino meel lagu aasoba ku halligay. Muddo kaddib waxa loo wareejiyay magaalada muqdisho si uu magaalada gudaheeda iyo deegaannada ku teedsan uga abuuro unugyo amniyaad waa shaqo adag laba midkood Alshabaab baa dhanka ugaadhsanaysa oo aan u oggolaan Daacish inay muqdisho iyo koonfurta isku fidiso dhankalena Dawladda ayaa ka ugaadhsanaysa. Kolkii muqdisho cago dhigay waxa uu ka aasaasay koox amniyaad ah oo tobannaan qarax iyo madax jabis ka gaysatay gudaha Muqdisho iyo bannaankeeda. Muddo kaddib waxa ka war helay amniyaadka Alshabaab oo gudaha magaalada iyo bannaankeeda ku daadiyay tobannaan qof oo muuq garanaya si gacanta loogu soo dhigo ama loo dilo. Markii ay adkaatay in la helo waxa ay weerar ku ekeeyeen qoyskiisa oo soonaha afgooye degganaa si uu uga khasbanaado in uu isa soo dhiibo se ma dhicin. Muddo kaddib waxa ay afduubteen walaalkiis oo si adag u ciqaabeen bal in uu sheego meesha uu ku sugan yahay se miyuuba garanayaa iyana natiijo la'aan bay noqotay walaalkii waxa uu u dhintay jidh dilkii oo waxa laga soo tuuray indhaha, carrabkana waa laga gooyay ugu dambaynna inta jawaan lagu cabbeeyay baa wabiga lagu riday. Baryo badan kaddib goor casar liiq ah isaga oo koonaha Muqdisho ku baraya koox dhalinyaro ah isticmaalka baastooladda baa goosan Amniyaadka shabaab ah kasoo kordhaceen la is rasaasee baaskooladdii yarayd na rasaasteedii ka dhammaatay talona faro ka baxday ase waa nin dhagar badan e durba waxa uu isugu muujiyay nin kooxda ah hawl muhiim ah haya oo raac cusub tababaraya. Run uga qaate oo illaa habeenkii la wada joog se xeelad lehna uga baxsay iyaga oo war moog ah. Muddo kaddib bay kooxdu ogaatay ninka sidaas yeelay in uu ahaa ninkii la raacdaynayay hungo iyo fadeexadna laga dhaxal. Muddo badan oo hoggaan u ahaa amniyaadka Daacish ee koonfurta soomaaliya kaddib, waxa uu ku dhintay bishii March 2019-kii is rasaasayn dhexmartay koox uu hoggaaminayay oo duullaan ku ahayd saldhig ciidan oo magaalada muqdisho ku yaal iyo ciidanka Dawladda Soomaaliya.
Tixraacyo:
1:Wargayska Afka Daacish ku hadla ee Al-Naba'.
2:Warbixinta Golaha amniga qaramada midoobay ka diyaarisay Soomaaliya iyo Eratrea ee ku tusmaysan (7511999) iyo
(19072009)
3:Senior ISIS Leader in Somalia Killed in U.S. Special Operations Raid. The Newyork Times
4:Treasury Targets Regional Actors Fueling Violence and Instability in Somalia 2012.
5:Galka-baarista.
Sawirka Cabdiraxmaan Mursal iyo Saaxiibkii Abuu Quddaama Al-Marreexaani. Mursal waa ninka baasha bidix taagan..
Sawirka Bilaal Al-Sudani.
Sudan iyo fufka Xagjirka.
Bilawgii 2022-ka waxa buugyare ladhkiisu yahay "Amiirkii la illaaway" “الأمير المنسي” soo saaray Abuu Xudayfa Al-Suudaani. Abuu Xudayfa waa ruug caddaa jihaadi ah maya dadka jihadu ka luntay ku tirsan. waxa uu kamid yahay raggii usaame iyo raacii koowaad ee Alqaacida. Dhammaadkii sagaashanaadka iyo bilawgii 2000 dunida ololiyay dalal badan buu isku maray oo yemen Afganistan iyo sucuudiga leh. Kan dambe waxa loogu diray hawlgal khatar ah oo uu xabsi dheer ku mutay. Waxa loo xilsaaray in uu ololiyo saldhig ciidan oo maraykanku sucuudiga ku lahaa ase qorshihii waa fashilmay dhuumasho badan kaddibna waddankiisa suudaan buu usoo cararay balse Dawladd Sucuudiga baa ka codsatay Albashiir in loo soo dhiibo. la dhiib sannado badan oo xabsi ahna soo liq. waayadan dambe se baalku ka qoyay oo idlib,Syria go’doon ku ah. Saaxiibkiisii berisamaadka Jawlaani ee ay hadda kala wadiiqa noqdeenna magan u ah. Waa baaq hubka qaata oo dagaallama ah oo ku waajahan unugyada naban ee uu ogyahay iyo Hoggaankooda. Amiirka la illaaway ee uu sheegayo kol kalena Sarqaawiga suudaan ugu yeedhaan waa gadhcaddaa lodkiisa ah soo gubtay oo meelo badan kasoo dagaallamay haba ugu horrayso afganistan waa nin koobsaday da’dii loogu soo hiran lahaa waayo aragnimadii lagu hinqan lahaa iyo kudhicii hawl caynkan ookale hormuud looga noqon lahaa. Waa nin uu qudh ahaan ugaranayo ase carabka ka duwayo mar wuu canaanayaa, marna wuu caraynayaa mar kale talooyin buu siinayaa. Waxa u xasuusinayaa dhacdo dhex martay isaga dhawr nin ookale waa ay utageen shiikh ay kasoo loox jiiteen oo Abuu Burhaan la odhan jiray. Waxa uu leeyahay subax ayaan utagnay si uu noo waaniyo cabbaar markii uu waanada waday (oo dabcan dabka qaata ahayd) buu eegay isaga (ninka farriintu ku socoto) deedna waxa uu yidhi adigaa ugu khatarsan! Abuu xudayfa waxa uu taxayaa tajaarib hore oo la isku dayay iyo waxa laga baran karo oo ay ugu muhiimsan yihiin Jabhaddii Dandar, Unuggii muslimiinta caqabadihii ugu waawaynaa ee lala kulmay sida hoggaaminta la’aanta iyo qorshe xumadana wuu ku talinayaa. Waxa uu soo jeedinayaa habraac dhan oo ay tahay inay raacdo cidda rabta dhismaha Jabhad laba qodob buu ukala qaadaa:
1:unugyo magaalooyinka gudahooda ka shaqeeya oo qaabilsan madaxjabiska iyo hawlaha kale. 2: Saldhig qorfaha ah nusdambeed unoqda hawlaha Kawaadirta jabhadda iyo ciidanka duurgal ahi joogaan oo laga soo duullaan tago jidgooyooyinka, weerarrada ku dhufo oo dhaqaaqda ahna laga soo abaabulo. Waxa uu ku talinayaa saldhiggu in uu yeesho arrimahan soo socdo haddii kale masii waari karo: A: In uu ku yaallo mandiqad aan caadi ahayn oo aan si kedo ah lagu weerari karin. B: In ceel biyood ka agdhaw yahay. C: In uu dhaco meel la difaacan karo oo qabsashadeedu adag tahay.D: In si fudud looga bixi karo isla si fudud loogu soo noqon karo iwm. Dhambaalka Abuu Xudayfa waa barnaamij iska dhan oo Strategic-gii wax lagu dhisi lahaa wacyigalintii loo baahnaa Taariikhdii lasoo maray iyo dhiirrigalintii lagu kicin lahaa da’yarta iyo hoggaankooduba ku dhan tahay. Isla sannadkaas Abuu Xudayfa waxa uu soosaaray buug kale oo kan ka wayn xajmi ahaan ladhkiisuna yahay
الان جاء القتال رسائل الحرب إلى المجاهدين"
في السودان"
Ase kan aynu guudmarka ku samaynay ayaa ka nuxur badan kan kale waxa uu dheeryahay dhanka ideology ga uu awoodda saarayo. Sida ay aaminsan yihiin dad badan oo arrimaha amniga ka fallooda Sudan waa arlo unugul afkaarta xagjirka islaamiyiinta dagaallamaana raadwayn ku leeyihiin dagaallada ka socdana ay fursad siin karaan. Waxyaabaha xusidda mudan waxa kamid ah jabhadihii mintidka ahaa ee dawladdu martigalisay sida JabhaddiiI "slamic Salvation Front" ee Algeria ka dagaallami jirtay horraantii Sagaashanaadkii. Alqaacida oo illaa hoggaankeedu gabbaad u ahayd Afghanistan na lagu geeyay diyaarad ciidanka Cirka Sudan leeyahay kaddib markii uu fashilmay iskudaygii lagu doonayay in lagu khaarijiyo madaxwaynaha Masar kaddib markii uu soo Taliyihii Sirdoonka ee wagaas waa Cusmaan Daaha ee uu in Usaama waddanka la dhaafiyo. Sida ookale waxa uu Taliskii hore ka qayb qaatay Isfahamsiinta dhaqdhaqaaqyadii jiray oo heshiiskaas la dhex dhigay wax badan oo seegi lahaa usuuragaliyay tusaale ahaan isfahamkii wada shaqaynta ahaa ee Alqaacida iyo Xisbullaah dhex maray ee Hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Taliska waa Dr Xasan Alturaabi uu ka shaqeeyay alqaacidana unoqday fursad lama helaan badi kawaadirteeda ciidanna tababar sare kusoo qaateen.. Inqilaabkii Masar ee Siisi kaddibna talisku waxa uu martigaliyay mintidiin badan oo gudaha masar shaqaaqooyinka ka gaystay codsiyadii dawladda masar na wuu iska dhego maray.
Su’aasha mixwariga ah ee miiska taallaa waxa ay tahay waayo kooxda dheefsanaysaa (waa haddii ay fursaddaasu badka timaaddo ee) Ma Alqaacidada hashka ah baa? Mise waa Daacish ta aan tugtug dhaamin tamar ahaan, balse waallidoodu cusub tahay ee carcarta uqabta dhiig badan oo ay malafsato. Si kale haddii aan udhigo Diiriye iyo Mu’min kee isfidin doona oo dhaqdhaqaaqa uu beriga afrika wakiilka uga yahay saldhigan doonaa? Haddii aad soomaaliya ku ogaydeen meel loo soo dhoofiyo Afkaarta xagjirka dagaalyahannona loo soo diro imminka iyadaa dhoofisa! dalka Sudan berisamaadkii abaal buu ina gashtay burbur ah oo barbar socday kii kale ee deeqaha waxbarasho iyo arrimaha kaleba lahaa. Tobannaan dagaalyahan oo dhiig cusub ku shubay argagixisada waddanka ka jirta baa inooga yimid haba ugu caansanaayeen Abuu Dalxa Al-Suudaani oo 1998- 2006-dii Alqaeda wakiil uga ahaa beriga afrika. mucaskarkii Kiyambooni ama raaskaambooni hadba sida loo yaqaan dhidibbada utaagey oo ahaa isku xidhihii Shiikh Xasan-Turki iyo alqaacida. Abuu Muxammad Alsuudaani oo mar sigay in uu noqdo hoggaanka guud ee Alshabaab. Bilaal Al-Sudani aan ka dhicin Daacish soomaaliyana dhisay hay’adaheeda maaliyadda iyo wardoon ba. Xasan Al Suudaani oo sarkaal Sirdoonka Sudan kamid ahaa dagaalkii muqdisho ee 93-dii(Hawlgalkii Black Hawk Down) kaalin firfircoon ka qaatay iyo tobannaan kale oo duurka jubbooyinka iyo meelo kale oo dalka ah ku sugan.
Aan usoo laabto mawduuca. Marka qiimayn lagu sameeyo labada qolo midwalba fursad bay haysataa aan ta kale heli karin. Aynu eegno Alqaacida. waddanka saamayn badan bay ku leedahay kawaadir badan oo ay si fudud ku hawlgalin karto bay haysataa oo ciidanka iyo meel walba ku jira waayihii suudan saldhigga u ahaana ay isla jaadqaadeen. iskudayo hore oo wax uun ka hirgaleen bay dugsanaysaa oo carcarteeda wax ka tari kara caqabadda horyaalla waa ay badan yihiin oo hadda ma iibgayn karto Jihaad Caalami ah.
ISIS waxa ay fursad wayn uhaysataa iibgaynta fikirka Jihaadka caalamiga ah, firfircooni iyo waayo aragnimo ka badan ta hooyadeed bay wadataa khibrado horena way ka dabqaadanaysaa oo kooxo marar badan bayco la galay ayaa jira haba ugu caansanaato Kooxda "Al Ictisaam" la odhan jiray. Waxa udheer inay durba isku dhigtay cidda calanka dagaalka qaadaysa ee fikirka xagjirka ah ku matalaysa carriga Sudan. Laba dhinac bayna awoodda saartay oo lafdhabar u ah Jabhad kasta oo doonaysa inay dagaal gasho:
1: dhinaca amniyaarka oo durba ugaadhsi ku bilaabay Saraakiisha hay’adaha amniga si loo naafeeyo jihaaskaas. waxa jira tobannaan dhacdo oo ay ka gaysteen Sudan inta dagaalka ciidanka Dawladda iyo fallaagada Dacmul Sariic udhaxeeyaa socday iyo ka horba dhawr mid aynu ka xusno waliba laba bilood iyo hal sano tusaale usoo qaadanno. October 2021-kii waxa ay kooxdu ku dishay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum 5 kamid ah ciidanka wardoonka is rasaasayn dhexmartay dagaalyahanno ka tirsan kooxda.
Afartii October isla bishaas iyo sannadkaas Dawladda Sudan waxa ay shaacisay inay dishay afar dagaalyahan oo kooxda ka tirsan. Is rasaasayn kale oo dhexmartay kooxda iyo ciidanka Dawladda 30 Sept 2021 waxa ku dhintay 2 sarkaal oo wardoonka ka tirsan. Bilihii sept iyo October ee isla sannadkaas dawladdu waxa ay sheegtay inay xidhxidhay dad isu gayntoodu gaadhay 30 qof oo dagaalyahanno kooxdaas ah waddamo kala duwanna kasoo kala jeeda sida Masar, Chad, Libya iyo Sudan iwm
2:Dhanka dhaqaalaha: Report-ka lix bilood laha ah golaha amniga ee ku saabsan DI iyo kobaceeda warbixintii soo baxday July 2023-kii waxa lagu xusay in uu Sudan ka jiro koox taabacsan kooxda oo qiyaas ahaan gaadhaya 100-200 oo waayo aragnimo dagaal leh haystana ilo-dhaqaale oo ku filan hormuudna u yahay shakhsi lagu magacaabo Abuubakar Al-Ciraaqi oo ruugcaddaa in badan kooxda kusoo jiray ah. Waxa uu ilo dhaqaale oo isugu jira xawaalado, Shirkado dalxiis iyo Apartment isugu jira uga sameeyay waddamada turkiga iyo Sudan. Hadba marka kasii dambeeya waa ay sii kordhaysaa fursadaha ay ka helaan karaan dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah colaadda Sudan. Waxa saacidaya arrimo badan oo leh bay’adda, dumitaanka hay’adaha amni, abaabulka shacabka iyo hubka gacanta u galay bulsha waynta oo usahli kara inay si fudud boqollaal dagaalyahan tababar iyo hubayn ugu fidiyaan
Tixraacyo:
1:Warbixin ay qortay Xarunta European Eyes on Radicalization
2:Analysis: Islamic State calls for jihad in Sudan. by Caleb Weiss Long war Journal.
3:السودان مهدد بالتحول إلى مركز للإرهاب. هاشم النجار.
من الذاكرة السودانية: .. هل يشهد الإرهاب 4:انحسارًا. محمد المبروك. مركز المسبار للبحوث والدرسات
5:UN Security Council Report on ISIL and Al-Qaida (July 2023)"
Sawirka buuggiisa kale.
Sawirka Buugga aynu faallada ka bixinnay.
Sawirka Abuu Xudayfa.
Warbixinta Qaramada midoobay.
Hawlgalkii Alqaacida geeska afrika ee Al-MSK Q2aad.
Shantii iyo labaatan daqiiqo galabnimo khamiis ah, 18-kii bishii February 1993-dii ayaan ka degnay garoon yar oo habaas wayn, wada dhagax ah oo aan lahayn tilmaamo iyo hagitaan tonna. Waxa aan saarnayn diyaarad yar oo nooca Y515 oo loogu talogalay toddoba ruux ase waxa aan ku raacnay 9 qof. Waxaan tagnay tuulo yar oo luuq la dhaho oo dhacda wabiga daafihiisa oo uu uga wareegsan yahay si aan dhammays ahayn. Garoonka cidna naguma sugayn. Diyaaradda yari waxa ay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi kasoo duushay 2:25 Duhurnimo waxa ay hawada kusoo jirtay laba saacadood iyo shan iyo afartan daqiiqo.
Duuliyuhu marka uu hawada soomaaliya soo galay waxa uu damiyay agabkii isgaadhiinta (waayo maba jirto isgaadhiin) waxa uu himbiriirsi ku raadinayay tuulada aan usoconno waxana fure ugu noqonayay wabiga annagana waxa uu naga codsaday inaan la doondoonno. Markaan diyaaradda kasoo degnay nin kaliya ayaa ku sugnaa garoonka. Cabdisalaam iyo Sayful Islaam ayaa aaday si ay uwaydiiyaan bal cid uun Ittixaad ka tirsan in ay joogto. Ase si kedis ah waxa usoo mudhyidhi gaadhi nooca Bekaso ew talyaanigu sanceeyo ah oo mu gaashaaman qoriga S.G. M ee ay soomaalidu utaqaan SK-43-ga. Greenhoff waxa saarnaa koox dhalinyaro oo dirays ciidan ku labbisan. Waxa kasoo degay rag kala da' ah waxa ay bilaabeen inay na salaamaan waxana halkaas ka bilaabmay isbarasho.
Tusaale ahaan waxa aan ka xasuustaa 1: Cabdiraxmaan Saylici. Waa nin dhalinyaro ah oo ku jira bilawga afartameeyada waa nin firfircoon oo si fasiix ah ugu hadlaya afcarabiga waliba lahjadda lagaga hadlo jasiiradda carabta. Waa nin dherar meel dhexaad ah jidh isku jira leh waxa uu isugu kaayo sheegay in uu yahay ninka Ittixaad ogaadeeniya uqaabilsan wax soo iibinta. 2:Shiikh Cabdilaahi Axmed Sahal waa nin caato wayd ah ase firfircoon. Da' ahaan kontomeeyada buu ku jiraa. Waxa uu ku hadlayaa af carabiga ase si ka hoosaysa Saylici. Waxa uu uqaabilsanaa IT Ogaadeniya Gaadiidka. Waxa aan umahadcelinnay Kabtan kii Diyaaradda. Waxa uu ku mashquulsanaa shidaalinta diyaaradda. Waxa aan siinnay 5K shiling Kenyan ah. Waxa uu garoonka ka helay laba rikaab ah. Waxa aan fuulnay gaadhiga waxa aan ujihaysannay dhanka luuq waxa aan ku dhaafnay degdeg annaga oo wajiyada qarsanayna. Waxa aan buundada uga tallawnay galbeed haddana waxa aan ukacnay waqooyi oo aan soconnay masaafo toban Km ku dhaw halkaas waxa ku yaallay xero ay walaalaha IT ogaadeniya lahaayeen oo qarka wabiga jubba saaran.
Waxyaabaha qosolka ee dhacay kolkaan xerada gaadhnay waxa ka mid ah soo dhowaynta digtoonida iyo shakiga leh ee walaalaha illaa hoggaanku naga warbixiyay. waxana kalliftay dharka Faranjiga aan qabno, gadhka aan xiirnay si aan marin habaabin u samayno intaan safarka ku gudo jirno. Halkaas waxa aan isku barannay oo ku sugnaa madaxda Ittixaad soomaali galbeed qaybtood sida Shiikh Dayyib oo ahaa Amiir ku xigeenka ITTIXAAD-ka Ogaadeeniya sida ookale Shiikh Cabdullaahi Raabbi oo nin firfircoon ah oo jaamacadda qaybta xadiiska ka baxay ah ase aad caadifi u ah. Sida ookale waxaan isbarannay Maxamed Axmed Cumar oo xidhiidhka arrimaha dibedda uqaabilsanaa Ittixaad Ogaadeeniya iyo walaalkiis Cabdiwali. Goobta waxa jooga dhaawac badan oo kusoo waxyeelloobay dagaallada cadawga tigreega ee itoobiya xukuma.
Waxa aan halkaas joognay afar cisho. Waxa nagu soo booqday walaal Axmed Kuwaiti oo ah horjoogaha koox kale oo laba maalmood hortayo mandera soo gaadhay. Kaddib xuduudda ayay lug kaga soo tallaabeen illaa ay magaalada luuq yimaaddeen si ay halkaas uga furaan xero tababar. Waxa uu naga watay Maxamed Al Saudi oo kooxdiisa ka tirsanaa se annaga nala soo safray. Sidaas ayayna kooxdiisuna 8 baarka kaga goysay annana 8 ku soo hadhnay.
Turjumaad.
Hawlgalkii Alqaacida Geeska Afrika MSK. Q:1aad.
Maalin Arbaca ah taariikhduna tahay 20-kii January 1993-dii, kuna beegan 26-da Rejeb 1413-kii; waxa bacdal makhrib gurigiisa magaalada Bishwar noogu yeedhay walaal Abuu Xafsa Al-Masri.
Dhammaantayana waxa uu naga codsaday in aan hakinno hawlahayaga gaarka ah sida guurka iyo wixii la mid ah una diyaar garowno safar Kenya ah ugana sii gudbi doonno Soomaaliya. Hawlgalka safarka waxa lagu soo koobay xarfaha MSK. Kulanka waxa ka soo qaybgalay aniga, Sayfal Adel, Abu Qutayba Al-Maqribi, Abu Jihad Al-Nuubi, Abu Khalid Al-Masri, Abu Yusuf Al-Maqribi, Abu Islam As-saqiir iyo Abuu Xafsa. Ka Sayful Islaam ahaan waxa hoggaan la iiga dhigay safarka waayo Sayfal Adel muddo ayaa uu ku sii negaanayay Pakistan. Waxaan Abu Xafsa ka codsaday dhawr dalab oo kala ah:
1. In kooxda guri gaar ah la isugu keeno si aan hawlaha diyaargarowga ugu qabsanno sida gadhxiirista, saraawiil gadashada, safarrada aan ugu baxayno Islamabad si aan visa u helno ugana fogaanno faduusha dadka.
2. In kooxda loo qabto casharro degdeg ah oo ku saabsan qaabka safarka iyo guurguurka waxana jeedinaya Xaydar Al-Argentini, casharro ku saabsan sahanka iyo luuqadda English-ka oo uu jeedinayo Abu Walid.
3. In kooxda awood loo siiyo in ay qabsato dhammaan hawlaha safarka, si ay ula qabsato in ay isku tiirsanaato oo aysan u baahan kaalmo kale.
Waa uu iga aqbalay Abu Xafsa. Maalintii labaad ayaan bilawnay diyaargarowga annaga oo ku tiirsan Alle, ka sokow dedaallada ay bixinayaan walaaluhu. Ku dhowaad isbuuc ka dib waxa nagu soo biiray Sakariye Al-Tuunisi iyo Abu Fadli Al-Qamari oo xabsiga ka soo baxay sidaasna kooxdu waxa ay ku noqotay sagaal. Eebbe galladdii waxa aan u soo saarnay Visa-yaasha badi kooxda inta kalena waxa aannu isaga dhaafnay si aannan u soo jeedin dhugmada safaaradda. Waxa aan u qaybinnay kooxda laba qaybood annaga oo tixgalinayna in koox walba uu ku jiro mid garanaya luuqadda ingiriisiga. Tikidhada waxa aan ku helnay muddo isbuuc ah diyaarado kala duwanna waa aan raacnay.
Safarkii koowaad waxa uu ahaa maalin khamiis ah, 4/February/1993. Kooxdaas ayaan raacay si aan hawlaha u sii dabbaro walaalaha kalena u soo dhaweeyo. Nairobi waxa joogay walaal Saalim. Maalin Talaada ah, 9-kii bisha, ka dib marka ay soo gaadheen labadii kooxoodba waxa aan kulan la yeelannay Abuu Cubayda kaas oo ka dhacay guriga Tawfiiq iyo Saalim ee ku yaalla bannaanka magaalada Nairobi. Waxa uu nooga warramay mandiqadda iyo sida ay muhiim u tahay inaan joogno. Waxa uu noo raaciyay sahanka uu sameeyay Cismaan Al-Siini oo uu yoolkiisa noogu koobay saddex qodob oo kale ah.
1. In aan helno aag beddel walaalaha Afghanistan uga noqda oo hawlgallada militari laga fuliyo.
2. U dhawaanshaha dhulalka Carabta.
3. U kaalmaynta walaalaheenna Somalia iyo Ogaadeniya wixii aan u awoodno.
Waxa uu noo sheegay in ay jamaacada Al Ittixaad Al-Islam la galeen heshiis lagu aasaasayo labo xero oo tababar. Mid waxa laga furayaa magaalada Boosaaso ee waqooyi-bari, Puntland; tan kalena magaalada Luuq ee Koonfur Galbeed. Sida oo kale waxa uu noo sheegay heshiis ka madaxbannaan Ittixaad oo aan la galnay faraca Ittixaad ee Ogaadeeniya oo lagu samaynayo mucaskar carrigaas oo noqonaya meesha ay
Mabda' ahaan waxa na laga rabaa labo kooxood oo tababarrada bixisa; midkood Soomaaliya ka hawlgasha, tan kalena Ogaadeeniya u jihaysata.
Waxaan kala dooday Abuu Cubayda fadhi muddo dheer qaatay qorshaha shaqo ee Ogaadeeniyada lamagalaanka ah, jidadka dhaadheer ee bahgooyada ah leh, saldhiggeeduna uusan lahayn gabbaad dambe oo dhabarkaagu bannaan yahay. Waxaan u sheegay in arrinku u baahan yahay barnaamij dhammaystiran oo Geeska Afrika ah, aragtidayduna sidaas ayaa ay ahayd, se Abuu Cubayda ballan ayaa uu galay waxana lagamamaarmaan ah in la fuliyo waana uu igu waafaqsanaa soo jeedimaha. Waxa aan nasiib u helay in aan ka mid noqdo Kooxda Cagaaran ee Ogaadeeniya ka hawlgalaysa, halkaas ayayna ka bilaabantay waayo aragnimadii ugu layaabka badnayd ee aan nolosheenna marno.
Shantii iyo labaatan daqiiqo galabnimo khamiis ah, 18-kii bishii February 1993-dii ayaan ka degnay garoon yar oo habaas wayn, wada dhagax ah oo aan lahayn tilmaamo iyo hagitaan tonna. Waxa aan saarnayn diyaarad yar oo nooca Y515 oo loogu talogalay toddoba ruux ase waxa aan ku raacnay 9 qof. Waxaan tagnay tuulo yar oo luuq la dhaho oo dhacda wabiga daafihiisa oo uu uga wareegsan yahay si aan dhammays ahayn. Garoonka cidna naguma sugayn. Diyaaradda yari waxa ay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi kasoo duushay 2:25 Duhurnimo waxa ay hawada kusoo jirtay laba saacadood iyo shan iyo afartan daqiiqo.
Duuliyuhu marka uu hawada soomaaliya soo galay waxa uu damiyay agabkii isgaadhiinta (waayo maba jirto isgaadhiin) waxa uu himbiriirsi ku raadinayay tuulada aan usoconno waxana fure ugu noqonayay wabiga annagana waxa uu naga codsaday inaan la doondoonno. Markaan diyaaradda kasoo degnay nin kaliya ayaa ku sugnaa garoonka. Cabdisalaam iyo Sayful Islaam ayaa aaday si ay uwaydiiyaan bal cid uun Ittixaad ka tirsan in ay joogto. Ase si kedis ah waxa usoo mudhyidhi gaadhi nooca Bekaso ew talyaanigu sanceeyo ah oo mu gaashaaman qoriga S.G. M ee ay soomaalidu utaqaan SK-43-ga. Greenhoff waxa saarnaa koox dhalinyaro oo dirays ciidan ku labbisan. Waxa kasoo degay rag kala da' ah waxa ay bilaabeen inay na salaamaan waxana halkaas ka bilaabmay isbarasho.
Tusaale ahaan waxa aan ka xasuustaa 1: Cabdiraxmaan Saylici. Waa nin dhalinyaro ah oo ku jira bilawga afartameeyada waa nin firfircoon oo si fasiix ah ugu hadlaya afcarabiga waliba lahjadda lagaga hadlo jasiiradda carabta. Waa nin dherar meel dhexaad ah jidh isku jira leh waxa uu isugu kaayo sheegay in uu yahay ninka Ittixaad ogaadeeniya uqaabilsan wax soo iibinta. 2:Shiikh Cabdilaahi Axmed Sahal waa nin caato wayd ah ase firfircoon. Da' ahaan kontomeeyada buu ku jiraa. Waxa uu ku hadlayaa af carabiga ase si ka hoosaysa Saylici. Waxa uu uqaabilsanaa IT Ogaadeniya Gaadiidka. Waxa aan umahadcelinnay Kabtan kii Diyaaradda. Waxa uu ku mashquulsanaa shidaalinta diyaaradda. Waxa aan siinnay 5K shiling Kenyan ah. Waxa uu garoonka ka helay laba rikaab ah. Waxa aan fuulnay gaadhiga waxa aan ujihaysannay dhanka luuq waxa aan ku dhaafnay degdeg annaga oo wajiyada qarsanayna. Waxa aan buundada uga tallawnay galbeed haddana waxa aan ukacnay waqooyi oo aan soconnay masaafo toban Km ku dhaw halkaas waxa ku yaallay xero ay walaalaha IT ogaadeniya lahaayeen oo qarka wabiga jubba saaran.
Waxyaabaha qosolka ee dhacay kolkaan xerada gaadhnay waxa ka mid ah soo dhowaynta digtoonida iyo shakiga leh ee walaalaha illaa hoggaanku naga warbixiyay. waxana kalliftay dharka Faranjiga aan qabno, gadhka aan xiirnay si aan marin habaabin u samayno intaan safarka ku gudo jirno. Halkaas waxa aan isku barannay oo ku sugnaa madaxda Ittixaad soomaali galbeed qaybtood sida Shiikh Dayyib oo ahaa Amiir ku xigeenka ITTIXAAD-ka Ogaadeeniya sida ookale Shiikh Cabdullaahi Raabbi oo nin firfircoon ah oo jaamacadda qaybta xadiiska ka baxay ah ase aad caadifi u ah. Sida ookale waxaan isbarannay Maxamed Axmed Cumar oo xidhiidhka arrimaha dibedda uqaabilsanaa Ittixaad Ogaadeeniya iyo walaalkiis Cabdiwali. Goobta waxa jooga dhaawac badan oo kusoo waxyeelloobay dagaallada cadawga tigreega ee itoobiya xukuma.
Waxa aan halkaas joognay afar cisho. Waxa nagu soo booqday walaal Axmed Kuwaiti oo ah horjoogaha koox kale oo laba maalmood hortayo mandera soo gaadhay. Kaddib xuduudda ayay lug kaga soo tallaabeen illaa ay magaalada luuq yimaaddeen si ay halkaas uga furaan xero tababar. Waxa uu naga watay Maxamed Al Saudi oo kooxdiisa ka tirsanaa se annaga nala soo safray. Sidaas ayayna kooxdiisuna 8 baarka kaga goysay annana 8 ku soo hadhnay.
Shantii iyo labaatan daqiiqo galabnimo khamiis ah, 18-kii bishii February 1993-dii ayaan ka degnay garoon yar oo habaas wayn, wada dhagax ah oo aan lahayn tilmaamo iyo hagitaan tonna. Waxa aan saarnayn diyaarad yar oo nooca Y515 oo loogu talogalay toddoba ruux ase waxa aan ku raacnay 9 qof. Waxaan tagnay tuulo yar oo luuq la dhaho oo dhacda wabiga daafihiisa oo uu uga wareegsan yahay si aan dhammays ahayn. Garoonka cidna naguma sugayn. Diyaaradda yari waxa ay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi kasoo duushay 2:25 Duhurnimo waxa ay hawada kusoo jirtay laba saacadood iyo shan iyo afartan daqiiqo.
Duuliyuhu marka uu hawada soomaaliya soo galay waxa uu damiyay agabkii isgaadhiinta (waayo maba jirto isgaadhiin) waxa uu himbiriirsi ku raadinayay tuulada aan usoconno waxana fure ugu noqonayay wabiga annagana waxa uu naga codsaday inaan la doondoonno. Markaan diyaaradda kasoo degnay nin kaliya ayaa ku sugnaa garoonka. Cabdisalaam iyo Sayful Islaam ayaa aaday si ay uwaydiiyaan bal cid uun Ittixaad ka tirsan in ay joogto. Ase si kedis ah waxa usoo mudhyidhi gaadhi nooca Bekaso ew talyaanigu sanceeyo ah oo mu gaashaaman qoriga S.G. M ee ay soomaalidu utaqaan SK-43-ga. Greenhoff waxa saarnaa koox dhalinyaro oo dirays ciidan ku labbisan. Waxa kasoo degay rag kala da' ah waxa ay bilaabeen inay na salaamaan waxana halkaas ka bilaabmay isbarasho.
Tusaale ahaan waxa aan ka xasuustaa 1: Cabdiraxmaan Saylici. Waa nin dhalinyaro ah oo ku jira bilawga afartameeyada waa nin firfircoon oo si fasiix ah ugu hadlaya afcarabiga waliba lahjadda lagaga hadlo jasiiradda carabta. Waa nin dherar meel dhexaad ah jidh isku jira leh waxa uu isugu kaayo sheegay in uu yahay ninka Ittixaad ogaadeeniya uqaabilsan wax soo iibinta. 2:Shiikh Cabdilaahi Axmed Sahal waa nin caato wayd ah ase firfircoon. Da' ahaan kontomeeyada buu ku jiraa. Waxa uu ku hadlayaa af carabiga ase si ka hoosaysa Saylici. Waxa uu uqaabilsanaa IT Ogaadeniya Gaadiidka. Waxa aan umahadcelinnay Kabtan kii Diyaaradda. Waxa uu ku mashquulsanaa shidaalinta diyaaradda. Waxa aan siinnay 5K shiling Kenyan ah. Waxa uu garoonka ka helay laba rikaab ah. Waxa aan fuulnay gaadhiga waxa aan ujihaysannay dhanka luuq waxa aan ku dhaafnay degdeg annaga oo wajiyada qarsanayna. Waxa aan buundada uga tallawnay galbeed haddana waxa aan ukacnay waqooyi oo aan soconnay masaafo toban Km ku dhaw halkaas waxa ku yaallay xero ay walaalaha IT ogaadeniya lahaayeen oo qarka wabiga jubba saaran.
Waxyaabaha qosolka ee dhacay kolkaan xerada gaadhnay waxa ka mid ah soo dhowaynta digtoonida iyo shakiga leh ee walaalaha illaa hoggaanku naga warbixiyay. waxana kalliftay dharka Faranjiga aan qabno, gadhka aan xiirnay si aan marin habaabin u samayno intaan safarka ku gudo jirno. Halkaas waxa aan isku barannay oo ku sugnaa madaxda Ittixaad soomaali galbeed qaybtood sida Shiikh Dayyib oo ahaa Amiir ku xigeenka ITTIXAAD-ka Ogaadeeniya sida ookale Shiikh Cabdullaahi Raabbi oo nin firfircoon ah oo jaamacadda qaybta xadiiska ka baxay ah ase aad caadifi u ah. Sida ookale waxaan isbarannay Maxamed Axmed Cumar oo xidhiidhka arrimaha dibedda uqaabilsanaa Ittixaad Ogaadeeniya iyo walaalkiis Cabdiwali. Goobta waxa jooga dhaawac badan oo kusoo waxyeelloobay dagaallada cadawga tigreega ee itoobiya xukuma.
Waxa aan halkaas joognay afar cisho. Waxa nagu soo booqday walaal Axmed Kuwaiti oo ah horjoogaha koox kale oo laba maalmood hortayo mandera soo gaadhay. Kaddib xuduudda ayay lug kaga soo tallaabeen illaa ay magaalada luuq yimaaddeen si ay halkaas uga furaan xero tababar. Waxa uu naga watay Maxamed Al Saudi oo kooxdiisa ka tirsanaa se annaga nala soo safray. Sidaas ayayna kooxdiisuna 8 baarka kaga goysay annana 8 ku soo hadhnay.
Turjumaad.
Maama Tareesadii Soomaaliya.
Magacaygu waa Annalena waxa aan ku dhashay Florida waxa aan ka shaqeeyay in ka badan 30 sano arrimaha caafimaadka hase yeeshee ma ihi dhakhtarad. Yaraantaydii waxa go'aansaday in aan unoolaado dadka kale dartood in aan unoolaado kuwa tabaalaysan kuwa dhibban kuwa cidla'aantu hayso iyo kuwa aan cidi jeclayn. Waxa aan rajaynayaa in aan wado illaa aan ka dhimanayo
Kaliya waxa aan rabaa in aan jidka masiix raaco, waxa aan ku foognahay ku dayashada masiix iyo daryeelka masaakiinta ma rabo waxkale. Iyada dartood baan udoortay in aan noqdo caydh faramadaw..."
2001 Congress organized by the Pontifical Council for sanitary pastoral work.
Dr Annalena Tonelli. (2 April-1943-dii- October 5 2003) Garyaqaanad, Dirane bulsho, iyo Daaciyad Kiristaan ah oo udhalatay Talyaaniga.Waxa ay ku dhalatay magaalada Florida ee talyaaniga. Waxa dhalay aabbe ku xeeldheer culuumta dhaqaalaha iyo hooyo guri joog ah oo guri hagaajin iyo korintooda ku qaybsan. waa curad xigeenka qoyska. Waxa ay la dhalatay shan carruur ah19 jirkeedii waxa ay qabatay waddanka maraykanka oo deeq waxbarasho Waxa ay bilawday kulliyadda qaanuunka. Wakhtiyada firaaqa iyo fasaxyada gaagaaban waxa ay caawin jirtay masaakiinta, bukaanka, darbi jiifka iyo naagaha jidhkooda ka ganacsada.
Dhaqaale raadin iyo waji dhigasho kama ahayn waxay ufalaysay hor alle iyo habeen aakhiraad oo diinteeda masiixiyadda mabaadi'deeda caawimaadda iyo tudhaalaha ku dhisan bay raacaysay. Feker iyo wax iswaydiin badan kaddib waxa go'aansatay in ay hindiya qabatoase aabbaheed iyo hooyadeed baa uga dhaartay. Jihadii ay usocotay bay baddashay oo iyada iyo saaxiibteed bilawgii 70aad ka waxa ay usoo kicitimeen qaaradda madaw. NFD yimaadde, wajeer soo cago dhigte oo dhibaatada dhakhtar la'aan arke tiindhooyin yaryar dhise oo ay dadka TB qaba ku daweeyaan. Intii ay hawlahaas wadday waxa ay dhigatay Diploma culuumta caafimaadka ah. Muddo yar kaddib waxa bilaabmay xasuuqii ay kenya kula kacday soomaalida NFD ku nool.
Annalena iyo saaxiibteed waxa ay noqdeen makhraatiyada dunida uga warrama waxa dhacaya. Dhaawaca bay daad gurayn jireen oo dawayn jireen. Waxa ay ku hagoogatay nafo badan. Waxa ay ugudbisay dhambaal ku saabsan xasuuqa meesha ka socda xaaska safiirka maraykanka ee kenya. Waxa la sheegaa haddii aysan joogi lahayd deeganka oo qayladhaanteedu jiri lahayn in 50 Kun la mooroduugi lahaa halka 1000 laga dilay. Dawladda Kenya waxa ay qoonsatay dhaqdhaqaaqeeda iyo wararka ay gudbinayso oo way masaafurisay. Waxa ay ukicintay dalka ingiriiska. Waxa ay dawro ku saabsan xanuunnada waddamada Dhulbadhaha ka hooseeya ku qaadatay magaalada Liverpool.
Sannad ka dibna waxa ay kusoo laabatay Soomaaliya. Waa xilligii qaranjabku bilaabmay dad badan baa usoo qaxay caasimadda oo hu' iyo hoy la'aan ah wax se aanay filayn baa qabsatay gaadhigedii baa la dhacay. Ma argagax galin dhaca gaadhigeedu kama baajin taakuladii ay fidin jirtay. waxa ay soo gadatay oo cuntada ugu qaadi jirtay dadka baahan. Muddo kaddib waxa ay usoo wareegtay magaalada marka. Waxa ay ka shaqo bilawday dhakhtarka Caritas. maalinle waxa ay masaakiinta ugu daryeeli jirtay lacag dhan 1 Million oo Italian liras ah. Waxa ay ka heli jirtay lacagta dadyow samafalayaal ah oo dunida daafaheeda kale jooga. Marar badan ayaa ay khatar gashay nolosheedu Waa ay ogayd in la doonayo in la dilo ase isuma lurin.
Marar badan masaakiintii ay daryeeli jirtay baa isku soo baxyo sameeyay oo masuuliyiinta degmada ka codsadeen in nolosha Annalena la badbaadiyo. Dhammaan shaqaalihii hay'adaha gargaar ka ee waddanka joogay waa ay ka baxeen soomaaliya iyada kaliya baa kusii nagaatay. Muddo kaddib waxa laga baaciyay dhakhtarkii waxa ay yabyabatay kaniisad aan shaqayn iyana waa laga baaciyay. Waxa ay usoo digo rogatay magaalada boorame. Waxa ay ka dhistay Dhakhtar lagu daryeelo bukaannada TB da, waxa ay ku dhistay lacag looga soo qadheemay magaaladeedii Florida iyo taakulo ay hay'addo. Muddo kooban kaddib waa uu kobcay dhakhtarku waxa lagu dabiibi jiray boqollaal bukaan ah. Waxa ka hawl gali jiray in ka badan 70 Hawlwadeen caafimaad oo isugu jira Kalkaaliyayaal iyo Dhakhaatiir. Ehelkeeda iyo asxaabteedu waxa ay bille ugu taageeri jireen Labaatan kun oo dollar ay ku kala socodsiiso hawlaha Dhakhtarka. Waxa kale oo ay magaalada Boorame ka aasaastay Iskuul wax lagu baro dadka dhegaha la' 1 June 2003-da waxa ay ku guulaysatay abaalmarinta "Nansen Refugee Award" ee UNHCR bixiso.
5 October 2003 baa lagu dilay Boorame mar waxa la yidhi waxa dilay shaqaale gadooday. Markalena xubno ka tirsan ururrada islaamiga ah. Markalena shacab ku tuhmay in ay HIV ku faafiso magaalada.