Stories by Hamse Hassan Farah on Medium
Dhakhaatiirta wadanka faransiiska oo doonaya in talaalka xanuunka covid-19 marka hore lagu tijaabiyo qaarada Africa
Laba dhakhtar oo Faransiis ah ayaa leh Afrika waa inay noqotaa meesha ugu horeysa ee lagu tijaabiyo talaalka coronavirus.
Faallooyinka iyo aragti is weydaarsi uu u sameyey telefishan oo toos (live) ayan runtii si fiican uga dhex dhicin dadka madowga ah ee ku nool Faransiiska taas oo keentay in cadho ka dhex dhalato dadka madowga ah e u dhashay faransiska.
Wareysi uu la yeeshay telefishanka maxalliga ah ee LCI e wadanka faransiisku, mid ka mid ah labada dhakhtar oo loo magacaabo Dr Jean-Paul Mira ayaa yidhi “Haddii aan kadeedi karno, miyaanay ahayn inaan ku samaynno daraasaddan Afrika, halkaas oo aan lahayn maaskaro ( masks), aan lahayn daweyn, ama dib usoo kabashoba., sidan o kale si la mid ah ayaa loogu sameeyay xooga ka mid ah daraasadaha AIDS-ka, halkaas oo ay ku nool yihiin dumar iyo rag badan o jidhkooda ka ganacsada, oo aanu wax ku tijaabinno, sababtoo ah way lasoo shaac baxeen oo ma anay qarsanin , si iskood ahna umq ilashan naftooda o ma daryeelan, maxaad u malayn?
Dhakhtarka kale ee loo yaqaan Dr Camille Locht ayaa ku soo biirey wadahadalka isagoo leh “Marka waad saxsan tahay […] hadalkisa wuxu ku sii daray, "waxa aanu ka fekeraya daraasada mid la mid ah inan Afrika si sax uga samaynayno isla habka noocan ah w / BCG [tallaalka] placebo.
Xiddiga reer Ivory Coast Didier Drogba oo ka mid ah shaqsiyaadka kale e ka qayb galay ayaa muujiyay sida aanay ugu qanacsanayn hadalada laga soo saaray dacwad ah in dadka Afrikaanka ah aan loogu talagalin tijaabooyin caafimaad.
Wadanka DRC ( democratic republic of Congo) oo dhaca qaarada Africa ayaa sameyey mucjiso kale marki u todobadkan sheegay in dalkoodu diyaar u yahay in lagu tijabiyo talaalka xanuunka safmarka ah Covid 19.
Aragtida ah in talalka lagu tijabiyo qaarada Africa ayaa abuurtay Dood adag.
Mataanaha( Dhaqaalaha & Cafimaadka) Iyo COVID-19
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa wadamada G20 ugu baaqaya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka mataanaha ah ee caafimaadka iyo dhaqaalaha.
Warqadd loo diray wadamada G20 oo ay saxeexen Koox ka kooban 165 hoggaamiyeyaal caalami oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin hore iyo kuwa hada jooga - oo ay ku jiraan seddex raysalwasarayaal hore oo Boqortooyada Ingriiska ah waa Gordon Brown, Tony Blair iyo John Major eh, madaxweynihii hore ee Bangiga Dhexe ee Yurub Jean-Claude Trichet, ra'iisul wasaarihii hore ee Australia Kevin Rudd, Xoghayahi guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, maalqabeeno , dhakhaatiir, aqoonyahano iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka ayaa ku baaqay in si deg deg ah oo isku dubbaridan tallaabo caalami ah logu wajaho xaaladaha degdegga ah e so wajahay dhaqalaha iyo caafimaadka ee uu sababay cudurka Covid-19.
waxay uga digeen G20 in viruska uu soo laaban doono hadii aan talaabo deg deg ah laga qaadin xoojinta nidaamyada caafimaadka ee wadamada faqiirka ah ee Afrika iyo Latin America, Ayadoo laga walaacsan yahay in dagaalka ka dhanka ah Covid-19 ay caqabad ku tahay la'aanta tallaabo mideysan oo ay sameyso hay'ad mataleysa hogaaminta wadamada horumarey iyo kuwa soo koraya, hogaamiyaasha caalamka ayaa sheegay in $ 8billion (£ 6.4billion) ee maalgalinta caafimaadka degdega ah la meelmariyo si looga hortago wajiga labaad ee cudurka.
Warqada ka soo baxday kooxdan ayaa ku boorisay G20 in ay aasaasto guddi xoogan oo leh awoodo fulineed oo gacan ka geysata isku dubaridka dagaalka ka dhanka ah Covid-19.
Waxay ku baaqday in laga cafiyo deynta wadamada saboolka ah iyo kordhinta lacagaha ay heli karaan Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bangiga Adduunka.
Warqadan ayaa waxaa lagu yiri "Waxaan u qornay warqadan inaan ku baaqno wax ka qabasho deg deg ah oo caalami ah - maalmaha soosocda - si wax looga qabto xaaladeheena qotada dheer ee caafimaadka iyo dhaqaalaha ee Covid-19".
Waxay intaas ku dartay: “Sanadkii 2008-10, qalalaasihi dhaqaale ee degdega ahaa waa la beddeli karayey markii la xaliyo khaladka dhaqaale - ee hoos yimaada hannaanka bangiyada adduunka – waana la xalliyey. Hadda, si kastaba ha noqotee, xaaladda degdegga ah ee dhaqaalaha lama xallin doono illaa xaaladda degdegga ah ee caafimaad si wax ku ool ah wax looga qabto: xaaladda degdegga ah ee caafimaad looma dhamayn doono si fudud iyadoo looga adkaanayo cudurka hal-hal waddan oo keliya, laakiin waxa lagaga so kaban karaa iyadoo la xaqiijiyo ka soo kabashada Covid-19 ee dhammaan waddammada caalamka oo isku tiirsan.
Waraaqda ayaa lagu sheegay in marka lagu daro $ 8bn ee qarash garaynta caafimaad ee degdegga ah, wadamada soo koraya ay u baahan doonaan $150 billion si loola dagaallamo caqabadaha so wajahay mataanaha dhaqalaha iyo caafimaadka.
IMF iyo Bangiga Adduunka labadaba waxay ku boorinayeen dalalka deynta bixiya inay ka laabtaan bixinta dulsaarka deynta dalalka saboolka ah, iyagoo badbaadiyay $ 14billion, laakiin kooxdii 165 hoggaamiye ayaa sheegay in bulshada caalamku ay tahay inay ka sii baxdo oo ay ogolaato xirmo caawimoyin ama gargaar ah oo gadhaya $ 44 bilyan oo Africa keliya lagu caawiyo.
Iyadoo la tixraacayo daraasad ay sameysay jaamacadda 'Imperial College London', warqaddu waxay ku sheegtay in 1.2 milyan oo ah dhimashada 'Covid-19' ay suurta gal ka tahay qaaradda Afrika iyo wadamada ugu saboolsan Aasiya.
Waxay tiri "xitaa nidaamyada caafimaad ee ugu maalgalinta badan waxay la halgamayeen sidii ay ula tacaali lahaayeen cudurka faafa. Hase yeeshe, haddii aannan wax ka qaban maadaama uu cudurku ku faafayo magaalooyinka liita ee Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika iyo bulshooyinka kale ee jilicsan aana haysan qalabka tijabada ama shaybadhka, qalabka ogsajiinta iyo so kale sahayda caafimaad e kalena ku yar tahay ; aan so kale lahayn meelo lagu karatimeyo bulshada, meelo ay ku kala fogaadan iyo xitaa gacmo dhaqista ay ku adag tahay in la helo weliba, Covid-19 wuu ka sii jiri doonaa halkaas o weliba dib buu uga soo bixi doonaa wuxuna ku dhufan dunida inteeda kale wareegyo dheeri ah oo sii dheerayn doona xiisadda.
Waxay intaas raacisay: “Wax badan ayay qabteen dowladuhu si ay uga hortagaan hoos u dhaca ku yimid dhaqaalahooda. Laakiin dhibaato dhaqaale oo caalami ahi waxay u baahan tahay jawaab caalami ah oo xagga dhaqaalaha ah. ”
Turjmid: Hamse Hassan Farah
W/Q: Wargayska The Guardian