Stories by Hassan Mataan on Medium
Hal-abuur ku Hadlaya Qalin iyo Kaamirad
(Qoraa Faadumo Calimaad)
Qoraalkan kooban waxaan ku faaqidi doonaa wada-sheekaysi aan yeelanayno Qoraa Faaduma Calimaad oo ah gabadh wax qorta sidoo kalana soo saarta filimaanta. Haddaba Faaduma waxaan waydiiyey su’aalo kooban oo ku saabsan safarkeeda qoraalka iyo filimaanta. Akhris wacan.
Xasan Mataan (HM): Faadumo soo dhowoow, dadku waxay kugu barteen inaad adigoo qoraa iyo hal-abuur ah, laakiin hadda waxaan rabnaa inaan akhrino sheekada noloshaada. Halkee ayay ka bilaabatay qofka aad maanta tahay?
Faadimo Calimaad: (FC): Walaal, aad baan kaaga mahadcelinayaa waraysigaan. Haddii aan ku bilaabo sida uu safarkayga hal-abuurku ku bilowday waxa aan dhihi karaa waan la dhashay. Illaa iyo yaraantaydii waxa aan aad u jeclaa sheekooyinka, marwalba waxaan ahaa qofka agtiisa ciyaalka iyo dhalinyaradu ku soo xoomaan oo dhagaystaan balse waxa aan si qoto dheer u gudo galay markii aan dalka Turkiga waxbarasho u aaday ee aan jaanis badan oo kelinimo ah naftayda ku helay, sidoo kalana dhaqamo kala duwan dhex galay ayay aad usoo baxday hibadayda qoraanimo oo aan ku baraarugay in aan majaalkaan dhex gali karo. Magacaygu waa Fadumo Alimaad, waxa aan bartay Xiriirka Caalamiga ah haddase waxa aan ku shaqeeyaa mihnadda film samaynta.
HM: Maxaa kugu dhiirrigeliyey inaad gasho dhinacyada qoraalka iyo filim-soosaarka?
FC: Waxyaabaha ugu muhiimsan ee igu dhiirrigaliyay, waxaa ugu wayn in aan aad u jeclahay in aan bulshada wax ku soo kordhiyo, wacyigoodana wax ku darsado. Waxaa tamar faro badan u hayaa arrimaha bulshada waxaan ogaaday in majaalka ugu fudud ee si wayn dadkaaga wax looga baddali karo adiga oo adeegsanaya wax aad jeceshahay ay kow ka tahay hal-abuurku sida qoraalka iyo filim samaynta.
HM: Sidee ayaad u qeexaysaa naftaada marka aad wax qorayso, qoraa ka sheekeeya xaqiiqda mise mid hal-abuur ah?
FC: Badanaa waxa aan u badanahay in aan wax ka qoro mawduucyada la xiriira arrimaha nafta, sida saykoolojiga. Waxaan aaminsanahay dhibaatooyinka bannaanka dadka ka haysta waxaa marwalba ka awood badan kuwa gudaha ka haysta. Qofku haddii uu gudaha ka xasilloon yahay, waa uu u babac dhigi karaa adaygyada uga imaanaya dibadda. Badanaa fanka ama sheekooyinka Carabta, African ka Hindida waxa ay ku qotomaan dhibaatooyinka qofka bulshada ka haysta aniguse waxa aan aad ugu raaxaystaa akhrinta sheekooyinka ku saabsan qof la tacaalaya dhibaatooyin nafsiyan ah sheekooyinka iyo filimaanta ku qotoma. Waxaa u badan filimaanta iyo sheekooyinka Japanese ka iyo South Korean ka.
HM: Japanese iyo sheekooyinkoodda! Qoraalkee ama shaqo kee ayaad si gaar ah ugu faantaa, maxaase ka dhigay mid kuu gaar ah?.
FC: Badanaa waxaan ahay dadka aan sida fudud u qancin. Shaqo kasta oo aan qabto waxa aan is dhahaa mid ka sii fiican ayaad samayn kartaa balse musalsalka Dabin ayaa ah halkii aan ka soo bilaabay film samaynta marwalbana saamayn igu leh.
HM: Sidee ayuu xiisaha filim-soosaarku kuugu bilowday markaagii hore?
FC: Wuxuu ku bilowday in aan anigoo aad u yar bilaabay film daawashada. Marwalba oo aan films badan daawanayay waxaa igu sii siyaadaysay in aan maalin un aniguna majaalkaas ku biiro oo waxqabadkayga dadku daawadaan.
HM: Maxay yihiin fariimaha aad inta badan rabto in filimadaadu gudbiyaan?
FC: Farriinta ugu muhiimsan oo ay tahay in filimaantaydu u gudbiyaan waa in la arko in aynaan ahayn bulsho dagaal ragaadiyay oo kaliya ee aan noolnahay, waxyaabo badan oo qurux badanna nolosheenna ka socdaan.
HM: Ma jiraa filim ama mashruuc kuu gaar ah oo kugu reebay xusuus qoto dheer?
FC: Maadaama aanan sanado aad u faro badan ku jirin majaalkaan waxaan filayaa in aan weli la gaarin waqtigii aan su’aashaan si sax ah uga jawaabi lahaa, haddiise aan isku dayo documentary ku saabsan tahriibka oo aan howshiisa weli ku howlanahay intii aan ku jiray, waxa aan la kulmay sheekooyin badan oo qalbigayga aad u taabtay.
HM: Sidee ayay dumarku maanta ugu jiraan suugaanta, turjumaadda, iyo filimada?
FC: Si kooban dumarku aad ayay ugu yaryihiin waa se rajaynayaa in ay ku soo bataan oo caqligooda iyo aragtiyahooda laga faa’iido.
HM: Maxaad kula talin lahayd hablaha Soomaaliyeed ee raba inay ku biiraan hal-abuurka iyo warbaahinta?
FC: In ay ku dhiirradaan caqabadahana aysan u joojin. Qofku waxa uu jecel yahay ayuu horumarka ugu badan ka gaari karaa, waxaa yaalla fursado badan oo u baahan in laga faa’iidaysto mana aha in majaalkaan loo arko madadaalo oo kaliya waxa uu qeyb ka yahay samatabixinta waddanka.
HM: Maxay ahaayeen caqabadihii ugu waaweynaa ee aad la kulantay safarkaaga?
FC: Caqabadda ugu wayn waa in dumar ahaan laguu yaso, oo marar badan dadku iska dhaadhiciyaan in waxaan aadan qaban karin. Ayada oo film samaynta iyo qoraalka Soomaaliduba hooseeyo ayaa haddana gabdhaha loo sii arkaa in aysan waxba ku darsan karin.
HM: Casharka ugu muhiimsan ee aad ka baratay waayo-aragnimadaada muxuu yahay?
FC: In noloshu safar dheer tahay, marwalbana wax cusub oo indhaha kuu fura ay kaasoo horbaxayaan.
HM: Maxaa kuu qorshaysan mustaqbalka dhow iyo kan fog?
FC: Waxyaabo badan ayaa ii qorshaysan, waxa aanse rajaynayaa in ay iigu suurtogalaan sida aan filayo. Waxyaabaha aan ka shaqeeyo kaliya kuma koobna film samaynta oo hadda waxa aan aniga iyo asxaabtaydu soo kordhinnay madal Arlo Art Space la dhaho, oo aan ugu talo galnay in aan dhalinyarada kale ee hal-abuurka leh ku caawinno, hibooyinkoodana ku soo bandhigno, taas ayaan rajaynayaa in ay meel fog gaarto oo dhalinyaro badan ka faa’iidaan.
HM: Ma jiraan mashruucyo cusub oo aad hadda ku hawlan tahay ama aad qorshaynayso?
FC: Haa, waxa aan ka shaqaynayay documentary cusub oo la dhaho Path of Her Own. Waxaa igala shaqaynayay labo hay’adood oo midna African leeyahay oo la dhaho Docubox, iyo mid European ah oo la dhaho Why Foundation. Dhawaan ayaa la soo daynayaa sida aan filayno.
HM: Guntii iyo gunaanadkii wareysiga ayaan mareynaa, waxaan ugu danbeyn ku weydiinaya, maxay tahay soojeedintaada u danbeysa ee dhalinyarada Soomaaliyeed aad farayso?
FC: Walaahi Xasanoow waxaan oran lahaa si kooban, in qof walba dadaalo hankiisa ka miro dhaliyo hadalka dadkana uusan dheg u dhigin. Hal ku dhigaygu waa “Qofku wuxuu jecel yahay buu wax ka keenaa.”
Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Doorashada Kulliyadda Sharciga
Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Doorashada Kulliyadda Sharciga
Sanadihii u dambeeyey waxaa si wayn isku badalay fahamka iyo wacyiga dadka Soomaaliyeed ee la xiriira barashadda sharciga. Dowladdii ay askartu hogaaminnaysay sidii ay u burburtay waxaa meesha ka baxay faham-kii dadka Soomaaliyeed ee ku aadan kala dambaynta iyo sarraynta sharciga, waxaa hoos u dhac wayn ku yimid kalsoonida ay ku qabaan shacabku garsoorka dowladda.
Kuliyadaha sharcigu si ka duwan kulliyadaha kale ee dalka baraarug bulsho oo dhawaangal-ah iyo koritaan aqooneed oo wayn ayey sameeyeen tobban-kii sanno ee u dambeeyey. Waxaa si wayn u sii xoogaysanayey tiradda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraysa ama kasoo baxaysa kulliyadaha sharciga ee gudaha dalka iyo dibadda.
Doorashadan ma aha mid iska timid, balse waa natiijo ka dhalatay isbadal iyo horumar aqooneed oo ku yimid bulsha waynta Soomaaliyeed ee la xariira inuu isbadalay fahamkooda ku aadan dowladdnimadda, caddaaladda iyo garsoorka.
Muhiimadda Caddaaladda iyo Garsoorka Bulshada
Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la tacaalaysay caqabado la xiriira garsoorka, xalinta khilaafaadka iyo faham la’aanta sharciga. Dhalinyarada baratay ama kuwa hadda galaya kuliyadaha sharciga waxay u arkaan inuu yahay mid wax lagu saxo laguna ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
khilaafaadka iyo murannada waxaa lagu xallin jiray habab kala duwan sida xeer dhaqameedyada soo jireenka ah. Maxkamaduhu waxay xaqiijiyaan in qof walba helo caddaalad iyagoo si siman u eegaya dacwadaha kana fog eex, qabyaalad, iyo awood gaar ah.
Sameynta Khibrad Shakhsiyeed
Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradda doortay ku biirista kulliyadaha sharciga waxay u arkaan fursad ay ku samayn karaan khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ku dhisan caddaalad iyo aqoon ay ku hogaamiyaan hay’adaha ay ka shaqeeyaan ama hogaamiyaan.
Khibradaan waxay abuuratay xiise iyo rabitaan aqooneed oo sharciga ah si ay u xalliyaan khilaafaadka bulshadeenna Soomaaliyeed ragaadiyey. Sidaas darteed, sharcigu wuxuu noqday halbeeg cadaaladeed oo ilaaliya inaysan bulshadu isku xadgudbin.
Doorka Barashadda Sharciga
Jaamacadaha gudaha dalka gaar ahaan kuwa bixiya kulliyadaha sharciga ayaa door weyn ka qaatay dhiirrigelinta dhalinyarada. Helitaanka waxbarasho sharci oo gudaha ah kuwaas oo xooga saaraya barashada sharciyada dalka, iyo kuwa caalamiga ah ayaa sahashay in dhalinyaro badan galaan ama ku biiraan kulliyada sharciga ee dalka.
Sidoo kale, manhajka waxbarashada sharciga ee dalka oo isku dara barashada Shareecada Islaamka, sharciga caalamiga ah, iyo fahamka qawaaniinta iyo nidaamyada dowladnimada ayaa si weyn u kordhiyay xiisaha ardaydu u qabaan barashada sharciga. Isku-dhafka aqooneed wuxuu siinayaa ardayda aragti ballaaran oo ku saabsan sida sharciyada kala duwan isu waafaqaan, isla markaana uga shaqeeyaan horumarinta caddaaladda iyo dowladnimada.
Awoodda iyo Saameynta Sharciga
Dhalinyarada Soomaaliyeed badankood waxay sharciga u arkaan xirfad leh miisaan iyo saameyn bulsho. Qareen, garsoore, Xeer-ilaaliye, dambi-baare, Nootayiiste, ama la-taliye sharci oo madax banaan oo la noqdo waxaa lala xiriiriyaa in ay tahay ixtiraam, hoggaan, iyo cod la maqlo oo wax badan oo bulshadda dhexdeeda ah lagu hagaajin-karo.
Tani waxay dhalinyarada ku dhiirrigelisaa inay doortaan kulliyadaha sharciga si ay u hogaamiyaan oo isbadal la taaban-karo ku sameeyaan xarumaha ay ka shaqeeyaan. Sidaas daraadeed qofka dhalinyaradda-ah waxaa riixaya ama ka dhex guuxaaya inuu isbadaladaas muuqda uu qaybta ugu muhiimsan ka ciyaaro.
Sharciga iyo Doorka Maxkamadaha Dalka
Maxkamaduhu waa hay’adaha loo igmaday fasiraadda iyo fulinta sharciga. Doorkooda ugu weyn waa xallinta khilaafaadka, dhageysiga iyo go’aan ka gaaridda dacwadaha iyo hubinta in caddaaladdu si siman u gaarto dhammaan muwaadiniinta. Waxay sidoo kale ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, ka hortagaan ku-takrifalka awoodda, kana shaqeeyaan in sharcigu ka sarreeyo qof walba.
Qareenno aqoon leh, garsoorayaal hufan iyo kaaliyeyaal sharci oo xirfad iyo anshax ku dhisan leh ayaa ah laf-dhabarta nidaam maxkamadeed oo lagu kalsoonaan karo. Sidaas darteed, marka dhalinyaradu ku biiraan kulliyadaha sharciga, ma aha oo kaliya inay dooranayaan mihnad, balse waxay qaadanayaan masuuliyad qaran.
Xeer Ilaalinta iyo Mas’uuliyadda Dacwad Oogista
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waa mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee nidaamka caddaaladda. Waa hay’adda dowladeed ee u xilsaaran ilaalinta danaha guud iyo fulinta dacwadaha ciqaabta ee magaca qaranka. Waa tiir muhiim ah oo ka mid ah nidaamka caddaaladda iyo dowladnimada.
Xafiisku wuxuu magaca Qaranka ku soo oogayaa dacwadaha dembiyada maxkamadaha hortooda isagoo hubinaya in sharcigu si sax ah u fulayo. Wuxuu la shaqeeyaa hay’adaha amniga iyo booliska si loo xaqiijiyo in baaritaannadu waafaqsan yihiin sharciga, isla markaana xuquuqda eedeysanaha iyo dhibbanaha la dhowro.
Ku biiritaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee kulliyadaha sharciga ma aha oo kaliya doorasho waxbarasho, balse waa go’aan mas’uuliyadeed oo saameyn qaran leh. Jiilka maanta bartay sharciga ayaa noqon doona garsoorayaasha, xeer ilaaliyeyaasha, qareennada, iyo sharci yaqaannada berri hoggaamin doona jihada caddaaladda dalka.
Sidaas darteed, barashada sharcigu waa waddo lagu gaari karo saameyn togan, hoggaan aqooneed iyo dib u-dhis qaran. Jiilka ku biiraya kulliyadaha sharciga maanta waa iftiinka caddaaladda berri.
Sawirkan waxa ku wada jira Yoonis Maxamed Shariif (bidix), Hassan Mataan (dhexda), iyo Ibraahim Maxamuud Caraale (midig), iyagoo ka qayb-galaya shirka xeer-ilaalinta ee dalka.
Childhood Memories: Where My Story Began
This photo was taken in 2010, during a morning assembly for my class 5th grade.
I was born in the late 90s with a traditional midwife in Bosaaso, Puntland, Somalia. I was fortunate to be one of the first two sons of my mother’s side, but my father had three children.
My mother was the eldest in her family, with 4 sons and 6 daughters. My mother was born in the Sanaag region and grew up in the capital, Erigavo, while my father was born in the Mudug region and grew up in Galkayo, before eventually moving to Bosaso.
Being born as twins is a great blessing. I was born as one of twin brothers, together with my brother Hussein, who now lives in Germany. Growing up as a twin taught me the importance of companionship and supporting one another from an early age.
I was enrolled in a Qur’anic madrasa, and I memorised the Quran when I was young. After a year, my formal education began at the Nawawi primary school branch located near the Rahmo Mosque, where I attended classes one to four. After completing my primary school, I attended intermediate school at Nawawi School, located in Ridwan. After completing Grade eight and taking a centralised exam, I later completed my secondary education at Al-Nawawi High School, near the Bosaaso International airport.
These schools were instrumental in my basic education, and I also learned leadership skills and discipline.
Bosaaso: The place I call home
For those who don’t know, let me give you a brief. Bosaaso is a coastal city which is the capital city of the Bari region of Puntland, Somalia; it is alongside the Gulf of Aden. The city is widely known for its port, commercial activity, and dynamic social life, making it a cornerstone of the economy of Puntland and Somalia as a whole.
Bosaso is considered one of the oldest cities in Somalia, but it was rebuilt extensively after the collapse of the military regime in 1991, which ruled Somalia for 21 years. It welcomed Somalis who had been displaced within the country. It is also considered one of the few cities in Somalia where people from all the pre-1991 eighteen regions of Somalia can be found.
Bosaso is a city with a tropical climate and little rainfall. From April to mid-October, it is considered a tropical city, with the hottest months, but the beginning of November to the end of April are relatively cooler. The city’s famous port has attracted many Somali businessmen, and the city is home to large commercial companies.
However, during the summer months, most people, especially children and wives, leave for the cooler cities and villages. Growing up in this wonderful city with its diverse population has helped me to understand the different dialects of the Somali regions better, and I discovered a greater sense of civility when I joined the university.
Learning Leadership at a Young Age
While I was in school, I made great progress in both Islamic and academic studies, as well as general knowledge of history and philosophy. I also made great progress in my knowledge of the Arabic language, and I completed computer basics. Not only did I improve my academic skills, but I also made progress in my leadership skills, which started when I was in class 3. I actively participated in school activities, particularly morning assemblies.
When I was in class eight, I was the leader of my class at a very young age. This early experience of leadership prepared me to lead a large class of nearly 100 students with confidence and responsibility.
When I was in form three of high school, I became the class leader of my class. I was also a key member of the founding of the Naharso Somali Students Club (NAHARSO), which was a movement that supported students and empowered young people.
At Naharso, we opened a school where we provided free education to Somali students, and I became one of the teachers at that school. I held various roles in the organisation, including the head of finance and the head of external relations; both roles I guided with great enthusiasm.
This photo brings together the NAHARSO team and our mentor Saki Rabiica, as we visited Biyo-Kulule Bosaaso.
Summer journeys beyond Bosaso
When I look back at my childhood memories, the summer season was not just a time for school break, but also an opportunity for learning and travel new environments and interesting trips to cities that hold great childhood memories for me, such as Eergavo, Burtinle and Galkacyo, as well as the nearby villages that I had visited several times.
Erigavo, the capital city of the Sanaag region, which is also the hometown of both my mother and grandmother, brings back great childhood memories for me.
I also have great memories of travel and visit in Burtinle, which is located in the Nugaal region, but culturally and traditionally of politics considered Mudug. I also had the opportunity to visit the famous city of Gaalkayo on several occasions, the capital city of the Mudug region where I often spent my vacations and the summer seasons in the nearby countryside. I often visited the area between Gaalkayo and Buurtinle, as I have great memories of being there, because my father was born here and raised up, which holds great memories for us as a family and for me, as I spent many summers there.
This photo was taken in 2025, during my participation in the Annual Judiciary Conference held at Jasiira Hotel, Mogadisho.