Stories by Maxammed-Raage on Medium
Qofka Soomaaliga ahi miyuu ku qasban yahay inuu maalmaha xorriyadda u dabbaaldego, mise xorriyadda lafteeda ayaa laga doonayaa maalintaas inay iyadu u dabbaaldegto isaga?
Su’aashani ma aha diidmo ka dhan ah xorriyadda, mana aha yasid taariikh. Waa su’aal ka dhalatay waayo-aragnimo dheer oo uu qofku ku waayay kalsoonidii uu ku qabay qarankiisa. Waa su’aasha qof dareemaya in wixii loo ballanqaaday aanay weli u soo gaarin.
Abtirsiintiisu waa ilmo-Aadan. Waa qayb ka mid ah ummaddii Eebbe ku beeray Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Haddana wuxuu isu arkaa bar madow oo dunidu jeclaan lahayd inay iska tirtirto. Waa ruux ay ayaan-darro daba socoto, oo dhibtiisa laga sheekeeyo muddo ka badan lixdan sano, sidii iyadoo taariikhdiisu ku bilaabatay musiibo oo keliya.
Waa bukaan-socod joogto ah; dhinac kasta oo nolosha laga eego wuu ku dulman yahay. Deriskiisu ma ixtiraamaan dhaawaciisa, isaguna mararka qaar ma ixtiraamo dhaawacooda. Dunidu waxay u aragtaa qaran u dhexeeya musiibo iyo gargaar joogto ah, halka dadkii uu ka dhashayna ay iyaguna ku kala qaybsan yihiin hayb, dano iyo eedaymo. Wuxuu dhex taagan yahay qolfoof qaran oo dhinac walba laga jiidayo.
Iyadoo xaaladdaasi jirto, sannad kasta wuxuu maqlaa 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo si weyn loo xusayo. Wuxuu is weydiiyaa: maxaa loo dabaaldegayaa? Markuu taariikhda dib u baadhayna, wuxuu la kulmaa su’aal ka culus dabaaldegga laftiisa.
Labadan dan kee mudan? Ma inaan u adeego danta dalka iyo dadka, mise inaan u adeego dantayda gaarka ah?
Haddii aan qaranka u adeego, yaa ilaalinaya dantayda? Haddii aan dantayda gaarka ah u ordo, yaase u hadhaya danta guud?
Su’aalahan ma aha kuwo cusub. Thomas Hobbes wuxuu ku dooday in qofku qayb ka mid ah xorriyaddiisa ku wareejiyo dowlad ilaalisa naftiisa, hantidiisa iyo karaamadiisa. Jean-Jacques Rousseau isaguna wuxuu sheegay in dowladdu sharciyad leedahay oo keliya marka ay matasho rabitaanka guud, ee aanay noqon aalad ay kooxo gaar ahi ku ilaashadaan danahooda.
Laakiin falsafaddu waxay qiimo leedahay oo keliya marka ay ku shaqayso nolosha dhabta ah.
Intuu fikirkaas dhex dabaalanayo ayuu indhihiisu qabtaan oday da’ ah oo diif iyo darxumo ka muuqato, gacantana taagay. Wuxuu u dhaqaaqaa dhankiisa. Is-xaalwaraysi dheer kadib, odaygii wuxuu u sheegay inuu ka mid ahaa askartii dagaalkii 1977, isla markaana uu ahaa askari daacad ugu adeegay dalkiisa, kana fogaaday musuqii waagaas jiray.
Odaygii wuxuu yiri:
“Markii aan qaranka u shaqaynayay waxaan isu haystay halyeey. Maanta ayaan ogaaday inaan qoyskaygii ka maqnaa anigoo qaranka u adeegaya. Ugu dambaynna isla qarankii ayaan u adeegayay ayaa i illaaway. Maanta qaranna ma hayo, qoyskii aan dayacayna ma hayo.”
Hadalkaasi wuxuu ka cuslaa kutub badan oo taariikh iyo falsafad laga qoray. Wuxuu xambaarsanaa su’aasha ugu adag ee muwaadin kastaa is weydiin karo: qaranku muxuu ku leeyahay qofkii naftiisa u huray?
Waa halkii uu Frantz Fanon ka digayay in madaxbannaanidu noqoto astaan madhan haddii aanay qofka caadiga ah u horseedin sharaf, nolol iyo caddaalad. Nelson Mandela wuxuu yiri: “Inaad xor noqoto ma aha oo keliya inaad jebiso silsiladahaaga; waa inaad u noolaato si xorriyadda dadka kalena u kobocdo.” Julius Nyerere isaguna wuxuu ku celcelin jiray in madaxbannaanidu tahay bilowga waajibaadka, ee aanay ahayn dhammaadka halganka.
Laakiin ninkeennii hadalkaasi ma beddelin. Wuxuu sii adkeeyay mowqifkiisii.
Wuxuu yiri:
“Wax aan tayda ahayn uma tudhayo dan qaran. Horta qaranku sow ma aha kii aan aqoontayda ku doonay inaan shaqo kaga helo, dabadeedna la i diiday anigoo buuxiyey shuruud kasta, balse la igu reebay haybtayda darteed? Haddii jiritaankayga la diidayo, maxaan ugu dabaaldegayaa wax aanan ka dhex muuqan?”
Su’aashiisu waxay ahayd mid qadhaadh, balse aan sahlanayn in la iska indho tiro.
Dhanka kale, waxaa jirta dood aan iyaduna la dafiri karin.
Qaran kasta wuxuu ku dhismaa muwaadiniin mararka qaar dantooda gaarka ah dib u dhigta si danta guud u sii noolaato. Haddii qof walba yiraahdo, “Aniga ayaa iga horreeya qaranka,” qaran ma sii jiro. Haddii qarankuna dumanaado, ugu dambayn qofna ma badbaado.
Haddaba iskahorimaadka dhabta ahi ma aha qaran iyo qof.
Waa su’aasha ah:
Qaranku miyuu u adeegayaa muwaadinka, mise muwaadinku weligiis ayuu u adeegayaa qaran aan isaga u adeegin?
26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay xusuusinayaan maalmo gumeysi laga baxay, calan la taagay iyo qaran dhashay. Taasi waa taariikh aan muran ku jirin.
Laakiin qaran taariikhdiisa kuma noola wixii shalay dhacay; wuxuu ku noolaadaa waxa muwaadiniintiisu maanta dareemayaan.
Haddii qofku gaajo la seexdo, caddaalad la’aan ku tooso, shaqo loogu diido haybtiisa, ama uu aamino in karaamadiisu ka jaban tahay tan qof kale, su’aashu ma noqonayso inuu calanka ixtiraamo iyo in kale. Su’aashu waxay noqonaysaa:
Calankaasi muxuu u qabtay qofka sita?
Taasi ma aha su’aal dhaawacaysa qaranka.
Waa su’aasha keliya ee qaran kastaa ku cabbiro heerka uu gaadhay.
Qaranku ma xoogaysto marka muwaadiniintu aamusan yihiin. Wuxuu xoogaystaa marka uu leeyahay geesinimada uu ku maqlo cabashadooda, kuna saxo khaladaadkiisa.
Sidaas darteed, dooddu ma aha in la dabaaldego iyo in kale.
Dooddu waa tan:
Qofka Soomaaliyeed maanta miyuu xorriyadda leeyahay, mise xorriyadda ayuu weli sugayaa?
Haddii jawaabtu tahay inuu weli sugayo, markaa dabaaldeggu wuxuu ahaanayaa xusuus taariikheed oo keliya.
Haddii jawaabtu noqoto inuu dhab ahaan xor u yahay noloshiisa, caddaaladdiisa, fursaddiisa iyo karaamadiisa, markaas looma baahnaan doono in qof lagu qanciyo jacaylka qaranka.
Waayo waddaniyaddu ma dhalato marka calanka la taago.
Waxay dhalataa marka muwaadinku dareemo inuusan dalkiisa marti ku ahayn.
Maalintaas, 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ma ahaan doonaan laba maalmood oo ku qoran kalandarka.
Waxay noqon doonaan laba maalmood oo ku qoran qalbiga qof kasta oo Soomaaliyeed.
Maalintaasna, qofna looma sheegi doono inuu u dabaaldego xorriyadda.
Xorriyadda lafteeda ayaa u dabaaldegi doonta isaga.
Dhulka soomaalidda waa caddaabta caruurta.
Hadalka meel aan ka bilaabo ma sahlana. Bulshadeennu waxay maraysaa xaalad murugo leh oo dhinac walba ka dhaawacan – si gaar ah xagga akhlaaqda, ilaalinta qiyamka, iyo ka hortagga dambiyada xunxun ee ka dhanka ah dadka nugul.
Haddii aan hore ugu caansanayn burbur siyaasadeed iyo hoggaan-xumo ay ummadaha kale tusaale xun inooga dhigaan, maanta waxaan kusii daraynaa ceeb kale oo aan laga indho laaban karin: anshax-xumo baahsan. Waxay noqotay arrin ummadaha kale ay markhaati inooga noqdaan – “bulsho dhaqankii dhulka la dhacay.”
Dhacdadii ugu dambeysay ee dad badan gilgishay ayaa ah fal kufsi ah oo uu wiil yar kula kacay walaashiis. Inkastoo baraha bulshada qaar lagu tilmaamay in ay ahayd galmo raalli ah, haddana xaqiiqdu waa mid kale: waa tacaddi muuqda oo awood ku dhisan, iyadoo gabadha loo cabsi-geliyay hadal ah: “Hooyo ayaan kuu sheegayaa.”
Waa dhacdo naxdin leh oo maskaxda kusoo celisay odhaahdii qoraaga Ibraahin Hawd: “Dhulka Soomaalida waa cadaabta carruurta.” Maanta si dhab ah ayay weedhaasi u muuqataa. Horey waxaynu uga warqabnay in haweenka – da’dii ay doonaanba ha ahaadeene – lagu xadgudbo, balse maanta waxa aan aragnaa in xitaa carruurtii ay qoyska u dhaxeeyaan, la iskaga xadgudbayo. Waa dhacdo suurtagal ah in ay hore u jirtay balse hadda sidaa usoo shaac baxday.
Sidaas darteed, waxa muuqata in uu jiro nidaam awood u janjeera wiilasha, halka gabdhaha lagu cabburiyo, laguna aamusiyo. Taasi waa dhibaato si cad u taagan maanta. Waxaa kasii daran, haddii waalidku uu noqdo mid kala hiiliya carruurtiisa – midna garab istaaga, midna ka aamusa – ciqaabta ugu horraysa isaga ayay tahay in lagu bilaabo.
Ma aha oo keliya in wiilkii dambiga galay lala xisaabtamo, balse sidoo kale waxaa lama huraan ah in la helo xabsiyo gaar ah oo loogu talagalay carruurta dambi-falka ah, iyo xeerar adag oo si toos ah ula tacaala dambiyada noocan oo kale ah ee ay gaystaan dadka da’da yar. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in waalidiinta – kuwa hadda waalidka ah iyo kuwa mustaqbalka – la siiyo wacyigelin adag oo ku saabsan masuuliyadda ay ka saaran tahay ilaalinta iyo edbinta ubadkooda.
Waxaan sidoo kale xasuusineynaa in dawladdu leedahay xil culus: in ay xaqeeda siiso gabadha dhibbanaha ah, isla markaana ay abuurto nidaam sharci iyo bulsho u diyaarsan ilaalinta carruurta – gaar ahaan gabdhaha nugul ee lagu cabburo derbiyada guriga dhexdiisa.
Gunaanad:
Waxaan baaq u dirayaa dhammaan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka, culimada, aqoonyahanka, waalidiinta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed: Ha la edbo, ha la wacyigeliyo, ha la ciqaabo, ha la badbaadiyo gabdhaha Soomaaliyeed. Haddii kale, waxa aynu noqonay bulsho aan innaba ka maarmin ceeb iyo cadaab ubadkeedu ku dhimanayo.
Wareysiga Ka Baxay Caadiga: Aragti Qoto Dheer oo Prof. Axmed I. Samatar iyo Khadar M. Muuse Ay Ku Muujiyeen Wada Sheekeysi Aan La Hilmaami Karin
Wareysigu mararka qaar wuxuu noqon karaa xog-ururin, mararka qaarna wuxuu isu beddelaa aragti-dhisme. Qof waraysanaya iyo qof la waraysanayo – haddii ay labadaasi yeeshaan faham wadaag, diyaar garow maskaxeed, iyo isu furfanaan – waxaa dhalan kara dood wax dhisaysa oo taariikhi ah. Waa taas waxa laga dhaxlay wareysigii Khadar M. Muuse uu la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo lagu daawaday YouTube-ka Geeska-چيسكا.
Hab Cusub oo Wareysi Loo Dhigo
Wareysigan wuxuu si weyn uga duwanaa wareysiyadii hore ee Prof. Samatar. Intii badnayd, wareysiyadii hore waxay ahaayeen kuwo u muuqda in ay ku wajahnaayeen dhinac siyaasadeed ama cilmiyeed kali ah. Laakiin wareysigan cusub, Khadar wuxuu qaatay hab sheekeysi saaxiibtinimo leh, su’aalihiisuna waxay ahaayeen kuwo si xeel dheer u taabanaya dareenka, maanka, iyo aqoonta labadaba. Waxa uu si qoto dheer u fahmay in dhagaystaha Soomaaliyeed u baahan yahay in uu dareemo inuu qeyb ka yahay sheekada – taasina waa sababta wareysigu u noqday mid aan ahayn “su’aal iyo jawaab” balse wada hadal dhisaya.
2. Aqoonsi, Aqoon, iyo Aragti
Mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee wareysigan uu taabanayey waxay ahayd: “Yaa nahay, maxaynu nahay, xaggee baynu u soconaa?”. Prof. Samatar waxa uu iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay dib u eegto aqoonsigeeda – si ay ugu dhaqaaqdo mustaqbal ay isleedahay waa mid ifaya.
Wuxuu sharaxaad ka bixiyey:
•	Sida ay aqoontu u tahay laf-dhabarta horumarka.
•	In aan la dhisin qaran, ilaa la dhiso maskax.
•	In dhallinyarada Soomaaliyeed loo huro aragti casri ah oo aqoon iyo akhlaaq ku dhisan.
3. Khibrad Nololeed oo U Badan Xikmad
Inta uu wareysigu socday, Prof. Samatar wuxuu marar badan dib u milicsaday noloshiisii hore – xilligii Hargeysa, halgankii waxbarasho, iyo kulamadii uu la yeeshay dad caalami ah. Laakiin halkii ay noqon lahayd faan ama sheegasho, wuxuu u adeegsaday xikmad iyo tusaale. Wuxuu tusay in qofku uusan sare u kici karin adigoon hoos u eegin. In mustaqbal wanaagsan la gaari karo haddii laga duulo xasuus wanaag iyo qiimeyn dhab ah oo wixii la soo maray.
4. Khadar M. Muuse: Suxufi Aragti Leh
Dhibaatada ugu weyn ee haysata warbaahinta Soomaaliyeed waa in su’aalaha ay suxufiyiintu waydiinayaan dadka caanka ah aysan inta badan dhaafin heer aan wax tar badan lahayn. Laakiin Khadar M. Muuse wuxuu qaaday waddo kale. Wuxuu isku dayay inuu wax fahmo, si uu wax u weydiiyo. Wuxuu si cad u muujiyey in waraysigu uusan ahayn buuxinta daqiiqado, balse uu yahay dhisidda xusuus iyo iftiimin maskaxeed.
Wuxuu weydiiyey su’aalo aan hore loo arag: su’aalo la xiriira nafta bini’aadamka, dareenka bulshada, iyo waxyaabaha dadka ku abuura is-beddel.
5. Maxaa Ka Soo Baxay?
Wareysigan wuxuu ahaa hordhac. Wuxuu ahaa albaab furan oo u baahan in laga sii gudbo. Waa bilow taxane cusub oo laga fili karo dood cilmiyeedyo qoto dheer. Wuxuu dhagaystaha Soomaaliyeed tusay in la hadli karo, la dhagaysto, la fahmi karo – iyadoo aan wax lagu buunbuunin.
6. Bahda Geeska-چيسكا: Madal Lagu Xasuusan Doono
Ugu dambeyn, mahad gaar ah ayaa u sugnaatay bahda Geeska-چيسكا, kuwaas oo abuuray madal ay ka dhex muuqdaan doodaha tayada leh, halkaas oo la isku waydiinayo su’aalo dhab ah, si deggan, oo xor ah. Waxaa la arkaa in waqti iyo maskax lagu bixiyay diyaarinta wareysigan, laga bilaabo goobta ilaa qaabka wax loo weydiiyey.
Gunaanad
Wareysigan waxa uu ahaa kalgacal afka ah. Waa tusaale togan oo muujinaya sida hadal la isku fahmay uu u noqon karo iftiin maskaxeed. Waa tusaale muujinaya in waraysi uu noqon karo maqal wax dhisaya – ee uusan ahaan kaliya wax lagu madadaasho.
Khadar M. Muuse iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar labadooduba waxay muujiyeen in marka la helo suxufi su’aal wanaagsan weydiin kara, iyo aqoonyahan si qoto dheer uga jawaabi kara, ay suurto gal tahay in la helo wax la dhageysan karo, lana xasuusan karo.
⸻ Halkaan hoose ka dhagayso waraysiga
https://youtu.be/HADQ6Nu1fqw?si=vra5ukV7_ITkdvD6
| #MadalBulsho | #AragtidaSoomaaliyeed
Maanta oo kale afar bilood kahor, ayaa la ii soo sheegay geerridaadii. Waxay aheed maalin jimco ah, waqtiguna ay ku beegneed sagaalkii iyo badh subaxnimo waqtiga dalka Ingariiska. Wicitaan baa iiga yimid walaal, kaasoo i xaalwareystay, hadaladiisa markii hore kama aanan shakin oo dareen iima muujin. Xoogay yar oo uu aamusay ayaa farriin maskaxdeyda iiga timid, oo ii sheegeyso war dhiillo leh balse waxaan is idhi ha degdegin. Waxaan iri “walaal maxaa jiro, oo Aabbo iiga waran?” Walaal is deji marka hore, Aabbaheena wuu dhintay. Hadalkaas markii aan maqlay si aan ahay waan garan waayay. Waayo geerri xanuun badan hore uma aanan dhadhamin, ruux ii dhow ilaa iyo xad maan maqal geerridiisa markaa kahor. Wicitaankii markaan dhigay kadib ilmo ayaa iga soo daadatay muddo dhowr iyo tobban sano kadib. Ilmo yar oo imika dhashay sidii oo u ilmayn lahaa oo kale baan u ilmeeyay.
Waxaan dib u millicsaday, xilligii anigoo yar oo aan labo sano buuxin ee aan koomo galay, waliba iyada oo Gabadhii iga wayned ay xanuunsaneed bilooyin. Labadeenii isbitaalkii nala dhigay, labo maalin kadib ne ay iyadu sidaas ku geeriyootay, ana aan labo maalmood kale kusii jiray koomo adna aad habeen iyo maalin i dul taagneed. Iyada oo la iga sabray, isbitaalkii aad iga soo saarteen, culumadii la heli karay markaa aad ii balamiseen iyadoo dhowr jeer 114 la igu dhameeyay salaadii subax kadib ilaa iyo salaadii cishaay kadib, balse aan kusoo baraarugi waayay. Mar kale iyadoo la iga sabray oo lagu tashtay in waaga marka oo dilaaco la i aaso, aan mudo kadib eebbe swt nafta dib iigu soo celiyay, kadib ne ay xigtay mahadnaq alle iyo ooyin ay weheliso farxad.
Waa dambe oo aan garaadsaday, waxaan kuugu bartay jacaylka aad u qabto iyo sida aad u xifdisaneed gabayo badan oo uu leeyahay Aun Maxammed Warsame Hadraawi iyo Aun Maxammed Xaashi Gaarriye. Marar badan aad labadooda iigu hal qabsan jirtay sidoo kale waxaan meesha ka marneen fankii Aun Maxammed Mooge, marar badan ne aan is idhi waa halka oo Magaca kaaga yimid malahaa. Marar badan waad iga caawiso Inaad ii sharaxdo meerisyadooda iyo kaalinta ay ka qaateen noloshaada.
Haddii aan ogaan lahaa geerridaada ka gadaal in nolosha sidaan iyo ka daran iigu adkaaneyso, waxaan doorbidi lahaa inaan badalkaaga annigu dhinto amaba xilliga aan kuu sii kordhiyo si aan ayaamo kale kuula sii qaato, oo aan waxyaabo kale kaa kale sii sheekeysto. Haddii oosan eebbe iga xumaan laheen qabri kumaan dhagax-dhigeen. Nasiib uma aanan yeellan inaan naxashkaaga garabkeyga ku qaado. Nolosha way igu sii cuslaatay, iyadoo maalin lagu jiro ayay mugdi ii tahay. Culeysyo aan markii hore ii muuqan jirin baa imika ii muuqdo. Cabsi badan oo aan markii hore nolosha ka qaban baa imika ka qabaa.
Halka aad iigu cidleysay waliba habkii aan u jiifay markii aan warkaaga maqlaayay ayaan hada u jiifaa. Haddii aan ku xumeeyay iga raali noqo aabbo. Waan ogahay in aadan uurka wax iigu hayn haddane Waan jeclaan lahaa inaan hada kula sheekeysto si aan afkaaga uga maqlo “cafis” waloow waalidku aanu ubadkiis waxba uurka ugu qaban haddane Waan jeclahay inaan ku waydiisto.
Dhibka aad iga soo martay, maaha mid aan gudi karo. Si kaste oo aan iskuugu dayaayo oo aad booskaaga ugu jiro reerka, haddane uma noqon karo halkaad ugu jirtay iyaga iyo mid u dhow. Waxkaste oo INNAGA darteen kuu soo gaaray, waan kaa raali galinayaa aabbo. Markaste waxaan ku leeyahay waad mahadsan tahay aabbo.
Waxaan filayaa in aad i maqlayso hada misne aad dhoolacayneyso. Waxaan sidoo kale filayaa in aad janadii carafta badneed dhex jiifto, dhinacyadaadune ay qolqolayaan wabiyadii kale jaadka badnaa. Adeegayaal aan kaa caajiseen in aad heysato ayaan dareemayaa. Noloshii ifka mid ka qurux badan kane furfuran inaad ku nooshahay baan arkaa. Waan jeclaan lahaa inaan kuugula midowbo, si aan anigu kuugu adeego halkaas sidee aan ifkaba kuugu adeegi jiray.
Ilaahayoow farriintaan iga gaarsii aabbahey.
Ilaahayoow aabbahey ka waraabi janooyinkaaga.
Ilaahayoow rasuulkaaga suubban la jaal dhig.
Ilaahayoow ajasheyda kadib, aabbahey ila jaal dhig.
26–07–2024, Aabbo. 👏
Kadib natiijooyinkii kasoo baxay coddeyntii doorasho ee dalka mareykanka, waxaa mar kale talada dib ugu soo laabtay Donald Trump. Dib u doorashad Donald Trump markale loo doortay xilka madaxweynimo waxay kusoo beegmeysaa xilli uu adduunku xaalado amni iyo mid dhaqaalo xumo uu la ciirciirayo. Dhanka kale waxaa walaac weyn laga qabaa go’aanada masiiriga ah ee Trump uu qaadan doono, kuwaaso oo dawlado badan galaafan kara, dawladaha ugu horeeya ee halista daaqayana waxa kamid ah ama ugu horeeyo boqortooyada Ingariiska, maadama oo Xoghayaha arimaha dibbada ee dalka Ingariiska waa ninka lagu magacaabo David Lammy’e uu si shaqsi ah oo aan gabasho lahayn uu Trump uga aflagaadeeyay dhowrkii sano u dambeeyay barta uu ku leeyahay X (Twitter). Arinkaan oo ah arin xasaasi ah marka la joogo siyaasada caalamka oo keeni kara in labada dowladood xiriirkoodu aanu noqon mid mug iyo miisaan kusii fadhiyi doono. Kier, ra’isal wasaaraha Ingariiska ayaa laga doonayaa arrinkan in uu xal u helo inta aysan taladu faraha ka kabixin.
Trump, ayaa la saadaalinayaa in uu kabaxo heshiiskii lagu caawinaayay dalka Yukreeyn, kaasoo oo dagaal sannadkii saddexaad madaxa la sii galaya kula jira dalka Ruushka. Haddii arrinkaasi uu dhaqan galo oo heshiiska uu oa baxo, waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa xukuumadda cusub ee dalka Ingariiska, taas oo uu hoggaaminayo Mudane Kier Starmer. Sababtoo ah, dalka Ingariiska meel aanu Mareykan ku jirrin kuma sii jirri karo, sidoo kale sanadihii u dambeeyay dhaqaalaha dalka Ingariiska waxa in badan wiiqay dagaalka Yukreeyn. Labada xukuumadood ee isku cusub xiriirkoodu iskuma wacna, balse waxa ay u badan tahay in ay iskaashi hal dhinac ah ka yeellan karaan taageeridda indho la’aanta ee ay u hayaan Benjamin Netanyahu.
Trump, muddo xileedkiisii hore waxyaabihii uu ku dhaqaaqay waxaa kamid ahaa, in uu jaro amaba uu yareeyo lacagaha ay dowladiisu ku bixiso gaashaabuurta NATO, haddii uu markale arrinkaan uu ku dhaqaaqo waxay ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa mar kale dalka Ingariiska iyo wadamada Yurub, taas oo Vladimir Putin ka caawin doonto dabka kaga shidab Yukreeyn inoo si fudud kusoo afjaro.
Inkasta oo ay suuragal tahay in aanay dhab ahayn, hadaba. Trump waa nin markaste ku sheegan dal iyo dad jaceyl, taas oo u fududaynaysa in aanu isku hawlin oo xoog aanu saarin arrimaha dibbada ee ku saabsan gaashaanbuurta NATO, isku hawlid la’aantaasina waa mid si mug leh uga soo muuqatay muddo xilleedkiisii hore, sidoo kale waa isla madaxweynihii ugu mudnaa ee aan wax dagaalo ku saabsan qaadin intii uu xilka hayay. Balse doorkaan doorkiise hore waa uu ka duwan yahay, sababta oo ah waxa uu ku soo beegmay xilli xaalada adduunka cakirnaan siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ay ka jirto, sidaa awgeed lama saadaalinayo sidii hore in uu gacmaha u laaban doono.
Waxa aynu sugnaaba waa siyaasadda cusub ee oo markaan uu lasoo bixi doono madaxweyne Donald Trump.
Qoraalkaan hoose (Xoghayaha arimaha dibada, UK) ayaa kamid ah kuwa oo ku aflagaadeeyay Donald Trump.
Bal labaddaan kalmaddood ee afka qalaad kala ah, aan micneeyo.
1: Patriotism: waa ruux yar furfuran oo ogol in waxii wanaag ku jira ee dalkiisa anfacaayo jaceyl in lala qaybsado.
2: Nationalism: waa qof aanan waxba u ogoleen ummad ka gedisan oo idil sidoo kale waxa oo isagu leeyahay ne aanu dood ka gelin ee awood sheegasho ku qabsado.
Balse labadduba dalkooda way jaceyl yihiin ee waxay ku kala duwan yihiin, mid baa si xag jir ah wax u jaceyl waana Nationalism-ka, tusaale ugu wacan waa Benito Mussolini-gii intii u dhaxeysay dagaalkii kowaad iyo kii labaad ra’isal wasaare ka ahaa talyaaniga, sidoo kale gabadha imika isla dalkaas ka ah ra’isal wasaaraha ay isla aragtidaas dooneyso iyo qabkii Talyaaniga dib ugu celin laheed waayihii Mussolini.
Ka Soomaali ahaan labaddaan kalmadood hal macno ayaynu u adeegsanaa oo ah “Waddani” balse kolka lagu kala qeexaayo Ingiriisiga waa kala macno iyo kala qeexid balse iska yar agdhow.
Siyaasad ahaan innagu (Soomaalida) waxaynu nahay sida aan qabo NATIONALISM, waxaadna ka arki karnaa in markii la inoo dhisay “DOWLADNNIMADII” 1960kii, in aynu awood iyo dhaqaalaba iskugu geynay sidii aan usoo ceshan laheen dhulkii “HAWD IYO RESERVE AREA” ee lagu war helay in gacanta Soomaalida oo ka baxay 1952kii. Sagaalkii sano ee dowladnnimada koonfur iyo Waqooye ee la isku odhan jiray “JAMHUURIYADII SOOMAALIYEED” ay dhaqaalaheedii ugu badnaa ku bixisay hab u dhiska ciidanka. Marka la fiiriyo xeerarka iyo marxaladdaha ay maraan ummadaha dib u hantay xorriyadooda, waxay marka hore ka taliyaan sidii ay dhaqaalahooda ugu badan ku bixin lahaayeen arimmaha bulshada, sida caafimaadka, shaqo abuur, wax barasho iwm. Balse taa lidkeeda ayaynu qaadnay oo ah in dalku yeesho ciidan awood badan, waana halka ay iskuugu dhaceen MADAXWEYNIHII XILLIGAA IYO RA’ISAL WASAARIHIISI iyo dowlada Mareykanka oo ay Soomaalidu ka dooneysay inoo ka caawiyo dib-u-dhiska dowladnnimadooda balse kaliya oo ka caawiyo CIIDANKA, MAREYKAN ne oo taa ka biyo diiday Soomaalida. Waxaynu noqonay waxa loogu yeedho “MIDIGTA FOG” taasoo tibaaxeyso in ummadaas aysan sinaba u aqbali karin ummad ka duwan dhaqan ahaan, af ahaan, diin ahaan, isir ahaan iwm. Innagu ne sidii ayaynu ku dhaqaaqnay oo waxaan meel walbo lasoo istaagnay dhulkii hawdka ahaa baa innaga maqan ee hanala soo celiyo. 1964kii, dagaalkii kowaad ee innaga iyo Xabashi baa dhacay, iyada oo ay sababteedu iyaga lahaayeen balse si kaste ha noqoto innagu siyaasadeena iyo qaab nololeedkeena ayaa u sameysan in aynu noqono “XAG-JIR MIDIGTA FOG” ee aanan sinaba wax kale u aqbali karin. Bal kawaran ruuxa Soomaaliga haddii oo noqon lahaa weedha kale ee ah “Patriotism” soo maanta ma noqon laheen awood ka muuqata gobolka geeska Afrika iyo Afrika oo idil. Dabcan, haa, ruuxa Soomaaliga ah waa ruux hawl gar ah markaa haddii ay noqon lahaayeen kuwa dhex dhexaad ah oo aanan xag jir aheen waa hubaal in halkii dhaqaalaha ugu badan ku bixin laheen dib-u-dhiska ciidanka, lidkeed waxaynu soo dhisi laheen aas-aaska bulshada.
Sida aan qabo ahaanshiyaha aan ahaanay “Nationalism” waa tan sababtay in sagaal sano wax loogu yeedhi karo dowlad-u-eko yeelano sidoo kale ne oo dhaco dilkii madaxweynihii labaad ee dalka, kaasoo ilaa iyo aminkaan aanan loo cadaalad falin iyo sidoo kale 21 sano oo kelitalisnnimo iyo dhowr iyo soddon sano oo ka dambeysay oo wax magac ama shuruudo “DOWLADNNIMO” lagu qeexi karo aanu ka jirrin dhalka oo idil. Maanta haddii aad eegto isla NATIONALISM-kii baynu ku dhaqanaa oo dhaqaalaha ugu badan waxaynu ku bixinaa ciidamka hadda ne ciidan la sheego malihin, Tusaale dowlada Soomaaliya deeqbixiyaasho daymahana ugu badan ay ku leeyihiin waxaa sabab u ah waxaan loogu yeedhay “dib-u-dhiska” ciidanka iyo kuwa nabad ilaalinta ku joogo oo isaga ne ah culays lixaad leh. Bulshada iyo siyaasadiina haddii aanan laga dhex saarin “Nationalism” waa loo yaabi doona wlhi, adduunka maanta lagu nool yahay waa ay adag tahay in nidaamka ummadi ku hori marto.
Siyaasad furfuran oo bilaa turxaan ah aan la imaadno, si deriska aan wax ula qaybsano. Micnaheedu ma ahan in aynu ka tanaasulno dhulkii maqnaa balse yaanan awood oo idil la iskuugu geynin si aanan mar kale qaladaadkii hore usoo noqonin.
Mar aan xalay wada sheekeysaneysay aniga iyo saaxiibkey marne waalid Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon [Qoraaga buuga 1969] ayaa igu yidhi waxaynu nahay “Nationalism” wali ne hore qof kale uguma aanan maqal sidoo kale waxuu ii raaciyay in nasiibdaro aynu isku macno ku qeexno labadaan kalmadood [ee aan kor kusoo sheegay.]
Tacaddiyadii loo geystay waxsoosaarkii warshaddii kartoommada iyo muuskii Soomaaliya laga dhoofin jiray oo ay xarunteeda ahayd magaalada Marka.
Waxa jiray heshiis u dhexeeyey dawladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya iyo Ururka Beeraleyda Talyaaniga. Heshiisku waxa oo dhigayey in uu Talyaanigu ahaado iibgeeyaha Muuska Soomaaliya ka soo baxa keligii, isaga oo qaadanaya qayb dhan boqolkiiba lixdan (60%) lacagta ka soo baxda moodska, boqolkiiba afartan (40%) harayna uu ku soo celiyo dalka Soomaaliya, taas oo aan ku filnayn baahida ay beeraleyda mooska u qabtay. Bangiga Horumarinta ayaa loo xilsaaray in uu ka caawiyo beeraleyda baahida la soo deristay. Dalagga muuska oo marka hore lagu cabbeyo kartoommada ay soo saari jirtay warshadda kartoommada, ayaa marka la geeyo dalka Talyaaniga, dib looga beddeli jiray, laguna cabbayn jiray kuwo cusub oo ay lahayd Somalita.
Taasi oo abuurtay tuhun ah in ay jirtay badeecad kale oo dalka laga dhoofin jiray, loona malaynaayo in ay ahayd Maandooriye.
Shaqaalaha beeri jiray muuska ayaa Talyaanigu ka soo raray Tansaaniya, waxaana la oran jiray “Mushunguli,” inkasta oo Soomaalidu ugu yeeri jirtay “Doonfuul.” Waxa ay dhaqan u lahaayeen in aan ubadkoodu waxbarashada tegin oo sida waalidkood ay beeraha uga shaqayn jireen.
Oday Cumar waxaa uu kale oo xusay in beerihii waaweynaa ee dawladda lagu wareejiyey dad gaar ah oo Soomaaliyeed, lagana qaaday dadkii lahaa, taasi oo keentay in waxsoosaarkii muusku iyo iibgeyntiiba hoos u dhacdo. Dawladdii Talyaaniguna waxa ay joojisay lacagtii ay ku kabi jirtay miidaaniyadda dawladda (Soomaaliya.) Taasoo inta badan loo siin jiray dawladda Soomaaliyeed deeq.
Hade yeeshee waxa ay ahayd maqaarsaar Talyaanigu u samaynayey Beeraleyda Muuska ee dalkiisa (Talyaaniga.)
Faarax Wacays Duule oo ka mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka ayaa ku dhaqaaqay iibgeyntii Muuska. Waxaa dhacday in Muuskii ka soo bixi jiray dunida inteedii kale lagaga iibiyo dalalka Carabta in uu yahay Muuskii ka soo baxay dalka Soomaaliya.
Fg: xogtaan waxaa laga qoray nin ka shaqeyn jiray Bangigii dhexe ee Soomaaliya, kaasoo magaciisa ahaa Cumar Jaamac Biyoole.
Xigasho buugga RUN SHEEG IYO XOGTII CUMAR JAAMAC BIYOOLE.
Intii u dhaxeyay 1967–1969, miisaaniyaddii dalka sidee ayaa loo kala qaybiyay? Imisaa ku aaday waxbarashada miisaaniyadda dalka oo idil? Caafimaadka imisaa kaga beegantay miisaaniyaddaas?
Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu ugu yeeray wasiirkii Kowaad in uu xukuumad cusub oo dhiso, taasoo horraantii bishii Juun kalsooni ka heshay baarlamaanka kadib markuu Maxammed Ibraahim Cigaal sheegay in uu sii wadayo hawshii uu horay u bilaabay ee furfurnaanta iyo horumarka dhaqaalaha iyo weliba dejinta xiisadda dalka kala dhexeysay kuwa aan deriska nahay ee Kiinya iyo Itoobiya.
Intaa waxii ka dambeeyey, waxaa hoos u dhac weyn ku yimid kalsoonidii shacabka oo is lahaa khaladaadkii jiray ayaa dib loo sixi doonaa. Dhaqaalihii taagta darnaa ayaa sii xumaaday iyadoo hantidii qaranka lagu tagri falay. Hay’adihii dawladda ayaa loo adeegsaday dano gaar ah. Iyadoo dawladihii is xigay ay culeys weyn saarayeen dhulalka maqan ee ku jiray gacanta dalalka deriska ayaa dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda la gelinayey dhanka militeriga. Sanadkii 1967kii miisaaniyaddu waxay u qornayd sidaan:
19.95% difaaca, 6.99% caafimaadka iyo 7.02% waxbarashada. Inkastoo qabyaaladdii, musuqii iyo laaluushkii siyaasadeysnaa ay socdeen sagaalkii sano ee dawladihii rayidka ahaa, haddana waxay aqoonyahanno badani aad ugu doodaan in xaalku aad u xumaaday intii u dhexeysay 1967 ilaa 1969 (waa xukuumadihii ay garwadeenka ka ahaayeen madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Ibraahim Cigaal.)
Waxaa dawladihii lixdamaadkii lagu eedeeyaa in si aan habboonayn ay u adeegsan jireen dhaqaalihii dalka. Waxbarashada oo ah halka laga eego horumarka uu dal hiigsan karo ayaa 1966kii waxaa dalka ka jiray 233 DUGSI HOOSE oo ay DHIGANAYEEN 20,000 oo ARDAY, halka DUGSIYADA DHEXENA ay ahaayeen 32 oo ay DHIGANAYEEN 600 oo ARDAY. Boqolkii arday ee dugsi hoose dhigan jirtay waxaa mid dhexe u gudbi jiray 30 keliya, halka 100 dugsi dhexe ku jirtayna ay toddoba kaliya u gudbi jireen dugsi sare. Sababta ugu weyn ayaa ahayd dugsiyada iyo macallimiinta oo aad u yaraa. Dawladda ayaa uga qoondeysay oo keliya 6.5% miisaaniyadda dalka.
Xigasho buugga 1969.
Waxaan kusoo daabbacay barteyda Faysbuuga ah, 11–02–2023.
Marka laga yimmaado qasaarihii ka dhashay dhul gariirkii xooganaa ee cabirkiisa lagu sheegay 7.7, taasoo u dhigan dhowr iyo soddon bambo niyukleer oo lagu dhufto dawlad ama dawlado. Turkiga waxuu sameeyay wax aanan horray loo arag, taasoo aheed isku keenida dawladihii caalamka siyaasada, dhaqaalaha iyo talada ku loollamaayay in oo isku meel ku kulansiiyay. Waxaa aad loo arkaayay diyaaradihii ciidamada gaar ah ee kala lahaayeen dawlad ku sheegtay Israa’il iyo Iiraan oo isbarbar yaalo, taasoo aanan horray looga baran. Dhanka kale waxaa iyana la arkaayay dawladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo iyagana iska kaashanaayo caawinta walaalaha ay waxyeelada soo gaadhay, Türkiga iyo Siiriya.
Dhanka kale wadamadii dagaalada isku hayay muddadii sanadka ee kala ahaa Ruushka iyo Yukreeyn ayaa iyana la arkaayay in ay gurmad u fidinaayeen dawlada Turkiga, taasoo waxyeelada ugu badan kasoo gaadhay dhul gariirkii ku dhuftay dhulkooda iyo Siiriya.
Dhulka oo kaga dhuftay Turkiga waxuu ka baaxad weyn yahay dawlado badan oo reer Yurub ah kuwaa oo kala ah, dalka Burtuqaal (Portugal), dalka Holland, Hungary, Ingariiska iyo kuwa kale.
Turkiga oo loo aqoonsan kaliya dalka kaliya ee middeyn karo caalamka, maadama dhowr jeer horray loo arkay. Waxaa si rasmi ah loo bartay dagaalka ka socdo Yukreeyn sida oo dhex dhexaad iyo ugaas uga noqday, isagoo hadda ne labada dhinac ne hub ahaan ku taageeray.
Xifaaltanka siyaasadeed ee dawlado badane oo ka dhaxeeyay ayaa waxay qasab ku wada noqotay in ay garab iyo gaashaan u noqdaan dalka Turkiga musiibaddii dhacday awgeed, taasoo mar kale summcadii iyo ka haybsiga dawlada Turkiga ay caalamka ku heysato cirka isku sii shareeray markale.
Waxaa laga baran karaa in aanad colaadin dawladaha deriska kula ah iyo siyaasadaha arrimahda dibada, si berri kamaalin haddii ay waxyeelo kusoo gaadhaan ay garab iyo gaashaan kugu noqdaan. U fiirso Yukreeyn marka oo dagaaladii ka qarxay dawladihii caalamka waa ay ku kala duwanaadeen caawinaadaha, ase Turkiga waa loo soo kala dheereeyay iyagoo aanan labada dhacdo isku mid aheen, ase waa tusaale nool.
Ilaahey ha u naxariisto intii ku dhimatay dhul gariirkaas murugada iyo naxdinta leh, sidoo kale intii oo dhaawacyada kasoo gaadhay alla ha booga dhayo. 🙏 aan u duceyno walaalaheen Turkiga iyo Siiriya ba!
1: Ma ogtahay Akhristoow, in markii ugu horreysan tan iyo xilligii la daah furay koobka kubada cagta adduunka lagu qabtay dal Carbeed ahna dal Islaam ah. Mase ogtahay in xulkii ugu horreyay ee marti geliyo koobkaan ee afartii sano mar la qabto ay guul daro ku bilaabatay ay noqotay Dalka Gadar (Qatar) oo marti geliyay.
2: Ma ogtahay Akhristoow, in markii ugu horreysay iba furka koobka adduunka ee afartii sano mar la qabto lagu ibo furay Aayadaha Qur’aanka kariimka.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ [سورة الحجرات:13
3: Ma ogtahay akhristoow, in markii ugu horreysay koobkaan la qabtay xilli aanan aheen xilliyadii looga bartay in oo qabsoomo. Had iyo jeeraale waxuu qabsoomi jiray xilliyada “Xagaaga” se maadama dhulka lagu qabanaayo oo ahaa Jasiirada Carabta, xilliga kan aad buu u kulul yahay. Waxaa la isku af gartay xilliga ugu macquulsan in la qabto, taasoo kusoo beegantay xilliga “Jiilaalka” dhanka kale waa xilli ay horyaalada adduun weynuhu oo socdo, ase hakad la geliyay koobkaan dartii.
4: Ma ogtahay Akhristoow, in xulalkii ka socdo wadamada la isku Yidhaahdo reer Galbeedka iyo Mareykan, kuwaa oo kala ah Waales (Wales) Iglan (England) Biljimka (Belgium) Netherland, Faransiiska (France) Kanadan (Canada) Jarmalka (Germany) iyo Mareykan (USA) ay cadaadis ku saareen xidhiidhka kubada cagta adduunka iyo kan Gadar, in ay aqbaleen qolyaha “Aadane xigeenka” ama Qowmlu luudka, in ay kasoo qayb galaan tartankaan sidoo kale sida ay doonan ne ay ugu laafyoodaan wadooyinka.
5: Ma ogtahay akhristoow, in markii ugu horreysay tan iyo burburkii midoowga suufiyeed 1991, oo awood weynuhu u afduubnaa Reer Galbeed, misne casharadiisa la qaadan jiray, ase Gadar noqotay Dalkii ugu horreysay oo si badheedh ah ugu hortimaaday cashiradii ay yeedhin jireen reer galbeedka, iyadoo kaashaneyso awooda xidhiidhka kubada cagta.
6: Ma ogtahay Akhristoow, in xulka Jabaan (Japan) ay wacdaro aad u weyn ah ay kusoo bandhigtay fagaarayaashada garoonka dhexdiisa haddii ay ahaan laheed dheelida kubad qurux badan, balse cajabta waxay aheed in qolalkooda labiska iyo koraasta lagu fadhiisto ay nadhiifin jireen, haddii laga badiyo iyo haddii ay badiyaan.
7: Ma ogtahay Akhristoow, in markii ugu horreysay dal kasoo jeeda qaaradeena hodanka ah ee Afrika, oo usoo gudbay nus dhamaadka ee wareega afaraad ama Semifinal-ka loo yaqaan.
8: Ma ogtahay Akhristoow, in xulka Maghreb ama Morooko ay noqotay kooxdii shabageeda ugu ilaashiga badan noqotay, ka hor kulankii ay la ciyaartay Faransiiska. Dhanka kale Morooko waa xulka kaliya ee caalamul Islaam iyo qaaradeena Hodanka ah ku matashay nus dhamaadka tartanka.
9: Ma Ogtahay Akhristoow, in xulka Jarmalka isagoo kibir, yasid iyo dhaqan xumoo idin u sugnaatay lagu bahdilay tartanka koobka, isagoo aanan kasoo bixin guroobyada lagu reebay.
10: Ma Ogtahay Akhristoow, in taageryaashii kala jaadka ahaa ee kasoo qayb galay tartanka koobka ay la dhaceen “Aadaanka Salaada” iyo codadka Cabqariga ah, taasoo aysan horay u maqlin.
11: Ma ogtahay Akhristoow, in Dawlada Gadar ay u diyaarisay dad badan oo “Diin Faafiyaal” ah, sidee ay usoo Islaamin lahaayeen dadkaan kala duwan ee meesha iskugu yimaaday. Iyadoo xitaa la sameeyay meelaha lagu kulmo in aayado Qu’raana ama Xadiisyo afaf kala duwan lagu Turjumay gidaarada wadooyinka. hudheelada iwm in lagu qoray.
12: Ma Ogtahay Akhristoow, in Faransiiska oo muddo Labaatan sano ah kadib noqday, xulkii labo jeer oo isku xiga tago ciyaaraha kama dambeysta ah.
13: Ma Ogtahay Akhristoow, in xulka Morooko ay noqotay xulka kaliya ee kooxaha loo saadaalinaayay hanashada kooxda ay dhegta dhiiga u dartay, sida Biljim, Isbayn iyo Burtuqaal.
14: Ma ogtahay akhristoow, in labada xul ee iskugu soo hadhay dhamadka ciyaaraha ay min labo jeer oo hore oo midkiiba ku guulleystay tartaanka koobka adduunka.
15: Ma ogtahay akhristoow, in laacibka adduunka ee Lionel Messi oo ciyaari doono kulankii ugu dambeyay ee tartanka koobka adduunka, isagoo loo saadaalin doono in si sharaf leh oo kaga fadhiisan doono tartanka.
Dhamaadkii
16: Ma ogtahay Akhristoow, in markii ugu horreysay xul marti galinaayo koobkaan ay kaga baxdo adduun dhan $220Bilyan oo dollar, waana lacagtii abid ugu badnaa ee lagu qarash gareyo koob adduun.