Stories by Ina Caddaawe on Medium
“Si waliba oo uu Muuse argagax u yahay haddana Nuur baa iigaga cabsi badan" waa ugu yaraan sida ay la tahay Kabtanka ayaga u af-duubban. Alla maxay bahalnimo jilayeen, Maya e bahalo ahaayeenba. Ha ku sheegin! baddooda bay si geesinnimo leh u ilaashanayeen e. Waa niman san-ku-neefle u sarreeya. Wuxu horta uultimadiisa qaabdarranaa! Maanay filim hindiya oo kale ahayn. Maxay ahayd atoore maxkamad la saarayo oo sannado da’adiis ka badan lagu xukumayo oo loogu dhabaynayo. Kuwo gun ah oo aan filim hindi iyo shaneemo waxba ka aqoon baa heley ninkaa Muuse ee burcadda ah.
Waxaa halmar isoo wada gaaray hirka biyaha badda oo lugahayga qoyay iyo erayada heesta ka shanqaraysa sameecad hortayda dangiigta " Baddu leyr qabooba, hirku boota dheera". Waxaan dib ugu baraarugay halka aan joogo iyo siday daawashada doomaha iyo mugdiga badda ii dhexgeeyeen dhacdooyinka filimka Captain Phillips oo aan mudo dhaw daawaday. Maskaxdu waxay ii sawirraysay muuqaalada dhacdooyinkii filimka oo badda ka dhacayey. Waa muuqaalka jiliin cajiib ah oo qurux badan iyo falal cabsi cabsi ah.
Goorsheegtadu waa seddaxdii habeennimo oo daqiiqado la', waxaan yuururnaa gambaro yaryar oo taxan huteel weyn dhismihiisa hore, hirarka badda iyo neecawda qabow ee la socota waxaad moodaysaa in ay usoo tartamayaan sidii ay inooga bi'in lahaayeen habaaska iyo boorka ay waayaha noloshu inoo geystaan maalin walba. Hirarku Waxay u muuqdeen sidii in ay inoo sidaan casuumado inooga yimi halkii aan jeclaan lahayn in waayaheena ugu badan aan ku noolaano.
Su'aal ahayd "Magaaladaan ma tii aan rabnay baa in aan weligeen ku noolaano?" Oo aan rabay in aan si hoose isu weydiiyo baan ka warheley anigoo si qayaxan u weydiinaya saaxibkeyga oo i garab fadhiyay. " Maya saaxiib" buu ku warceliyay asiga oo la fajacsan weydiintaan lamafilaanka ah. Haa waa sax ma ahan meeshii aan jeclaan lahayn se waxaan hubaa in jawigaan uu yahay kii aan rabay in aan weligay dareemmo.
"Amminkan oo kale bay dareenada jaceyl ee kalajaadka ah igu soo maaxdaan sidii in ay baratan kula jiraan jawigaan sidiisa ashaqaraarka u leh" buu saaxibkey ku warramay asigoo ka shidaalqaadanaya heesaha isbe-beddelaya ee jaceylka ah ee inoo daarran iyo jawiga aan la maleysan karin ee cajabta leh ee aan marqaatida u nahay.
W/Q: Ina Caddaawe
31-April-2025
“ In uu habqamaayo dhiiggu
In aad halista iyo wadnaha
HALBOWLE in aad ku taallo
Miyaad Hanadoow Ogtahay.”
Waa Hummaag cajiib ah iyo tusaaleyn ashqaraar leh, oo miirkeyga iyo maskaxdeyda aan suureysan karin in erayadani ay kasoo maaxan karaan maanka abwaan iyo bishimaha ruux aan wax badan ka ogeyn bilanaanta iyo qaabdhameyska amakaaga leh ee uu eebe u abuurray Aadanaha.
Erayadani waxay xambaarsanyihiin micna ka mug weyn inta ay erayadu xadidayaan taasoo ah; habsami u socodka jirka noolahan ilaahey u qaabeey qaabka ugu cajiibsan uguna nidaamsan.
:قال تعالى- ( لَقَدْ خَلَقْنَا الإنْسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ.. )
Habqamida dhiigga(Blood flow) iyo wareegga ay dareerayaasha ku meereystaan noolaha Aadanaha jirkiisa, waxay dhex maraan marino-dhiig(Blood Vessels) sida Halbowle(Artery) kaasoo ah midka ugu weyn xididada dhiigga gudbiya kuwaasoo intooda badan dhiigga kasoo masaafeeya wadnaha(Heart) si ay ugu simaan Nudayaasha jirka(Tissues) waxayna ugudbin doonaan wax loo yaqaano Tiftaaf(Capillaries), kuwaaso u suurtagelinaya in ay nudayaashu ka dheefsadaan wixii nafaqa ah ee uu dhiiggu sido.
Sidoo kale waxaa jira marino-dhiig oo loo garan ogyahay magaca Aroore(Vein) kuwaasoo shuqulkooda uu yahay soo celinta dhiigii laga soo dheefsadey si mar labaad dib loogu celiyo wadnaha
Ayadoo intaasi aynu ognahay haddana Halbowlayaashu(Arteries) waxay leeyihiin Cadaadis(Pressure) u asteysan si uu habsami ugu socdo dhiigga(Blood flow) kaasoo ku dhisan awood(force) iyo bed(Area) kaasoo ay ku dardar-geliyaan dhiiga siduu u gaari lahaa meelihii loogu talagaley.
sidaa awgeed marinadaan-dhiiga(Blood Vessels) waxay ubaahanyihiin kawarqab joogta ah si loo joogteeyo cadaadiska(pressure) loo muuneeyey in uu ku socdo dareerahan dhiigga ah, haddii kale halbowlaha(Artery e.g- Aortic Arch) waxaa ku naban gidaaradiisa oo eebe u yeeley dareentebiye(rececptors) loo garan ogyahahay(Baroreceptors), kuwaaso shuqulkooda iyo sha’anigoodaba uu yahay la jaanqaadida heerka diiqsanaanta bedka marinka(Area of distension), taasoo muhiim u ah joogteynta la socoshada isbedellada ku imaanaya caadiska halbowlaha(pressure).
Ugu danbeyn farriinta waxaa loo tebin doonaa dareenwade(Nerve) kuwaasoo ugu danbeyn maskaxda ula degdegaya si falcelin hu haboon looga bixiyo isbeddalka dhacay.
Hagaag. Bal malee oo suureyso ,ruuxa lagu maamuusey la guna tilmaamey in uu ku nabanyahay halbowle sow ashqaraar iyo cajaa’ib ma aha!.
Erayadani waxay gudbinayaan farriin iyo hummaag ka mug iyo miisan culus tiraabyada maalin kasta aynu maqalno.
Waa taa Uu Abwaanku leeyahay:
“In uu habqamaayo dhiiggu
In aad halista iyo wadnaha
HALBOWLE in aad ku taallo!
Miyaad Hanadoow Ogtahay”.!!!"
*Linkiga hoose guji si aad heesta u dhagaysato.
https://youtu.be/1zOsOQ961-o
W/Q: Ina Caddaawe
26-Aug-2021
HAARAANG MY-DAARY(Xaaraan Ma-daare)
Xaaraan Ma-daare Waa mid kamid ah Owliyaddii hore ee diinta Islaamka soo gaarsiiyay goobaha la isku dhaho DOOY oo ka tirsan gobolada u dhexeeya labadda webi(inter-riverine regions) oo kala ah Baay, Bakool, Gedo iyo kuwa la derriska ah.
Xaaraan Ma-daare Waxa uu qeyb lixaad leh ka qaatay fidintii iyo gaarsiinta islaamka goobahaasi ayadoo uu dad badan u horseeday in ay diinta qaataan. Sidoo kale Xaaraan Ma-daare waxa uu goobihii howlaha guud loo asteeyay ka dhigay goobo loo isticmaalo danaha diinta islaamka.
Goobihii islaamka hortii(Pre-islamic sites) ee ay dadka deegaanku siyaarran jirreen sanad waliba ayna gayn jireeen xoolo iyo maalba, Xaaraan Ma-daare waxa uu ka beddelay magacyadii ay hore u lahaayeen waxa uuna siiyay magacyo islaami ah, halka maalmihii farxadeed ee la isku soo bixi jirray uu ku asteeyay maalmo ku suntan dhacdooyinka taariikhda islaamka.
Waxaa jira 114 buurrood oo taariikhi ah oo ku teedsan geyiga DOOY kuwaas oo noqday goobo hore oo taariikh islaami ah ka tarjumaya, waxaana kamid ah BUUR-HEYBE, BUUR-HAKABA iyo BUUR-GERWIINY.
Xaaraan Ma-daare waxa uu gacan siiyay ama uu ku taageeray qabiilka Eelaay say ugu fidi lahaayeen deegaanada DOOY. Waxa uu sidoo kaleeto gacan ku lahaa duminta taliskii ama boqortooyadii - inta aan Islaamka soo gaarin ka hor ka tallin jirtay dhulkaas- ee uu hoggaaminanayey GEEDI-SHAANGBOW(Geedi Baabow).
Geedi Shaangbow waxa uu xarrun ku lahaa Buur-Hakaba. Waxaana fadhiisankiisa uu ahaa figta sarre ee buurta, halkaas oo illaa iyo hadda ay raadadkeedii muuqdaan.
Xaaraan Ma-daare waxa uu ku aasan yahay degmada Buur-Hakaba meel udhow qabriga Sheekh Muumin oo ah welli uu Xaaraan Ma-daare hore usaadaaliyey in uu imaan doonno.
SHEEK MUUMING(Sheekh Muumin)
Sheekh Muumin Waa welli ku dhashay Magaalada Moqdisho. Waxaana dhalay Caasha Cusmaan oo kasoo jeeda qabiilka Iskaashato ee reer Xamar-ka.
Reer Xamar-ka iyo Eeley-daba waxa ay sheegaan in Ruux rabbaani ah ay uureysay Sheekh Muumin hooyadii. Sheekh Muumun waxaa soo barbaariyay qoyska hooyadii oo ku noolaa Xamar. Sheekha marka uu dhammeeyey Culuumta qur'aanka waxa uu isu beddelay Shimbir, waxa uuna u duullay dhinacaas iyo Koonfur-galbeed gaar ahaan dhulka Eelaay-da degto halkaas oo uu Xaaraan Ma-daare ku riyoon jirray in Welligaan mar uun imaan doonno.
Owliyadda iskuma jirto e, Sheekh Muumin waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Buur-Hakaba, sababtoo ah Eelay-du waxay ku faraxsanaayeen oo ay u arkayeen riyo ay ku taami jirreen oo rummowday.
Waxay ay Sheekha siiyeen xoolo aad u tira badan iyo meel uu dago oo uu ku noolaado.
Taas beddelkeed Sheekha waxa uu Eeley-da u ballanqaaday in uu ku caawin doonno awooddiisa rabbaaniga ah, waxayna usoo jeediyeen codsiyo farabadan. Waxa ugu waaweynaa seddax codsi; in uu ka caawiyo sidii ay mar waliba uga guulleysan lahaayeen cadowgooda si ay ugu fududaato dhul-balaarsiga ay rabaan; in ceelashooda oo cusbada ku badan uu cusbada uga yarreeyo iyo midka ugu danbeeya oo ah; in dalagooda uu shimbiraha uga dhowro.
Sheekh Muumin waxaa lagu xasuustaa in u ku guullaystay codsiyadii loo soo bandhigay uuna ku mutaytsay magaca (Shingbir dhoory;Shimbir Dhowre).
Geerida Sheekha kadib, sannad kasta waxaa la samayn jirray baroordiiq lagu xusayo camalkiisa wacnaa. Si dalaga shimbiraha looga dhowro, sheekha faraciisa ayaa meel la isugu keeni jirray waxayna Aqal-soomaaliga(Ming-hoorry) gudihiisa ku akhrin jirreen Qur'aan, muddo seddax bilood oo is xigta ah, waxaana loo yaqaan KHALAAWA. Inta lagu gudo jiro muddadaas waxaa qur'aanka la dhammeeyaa toddobo jeer.
Xoolo ayaa la bixiyaa. Marka la billaabayo dhismaha Aqal-soomaaliga waxaa la qallaa Dibi iyo Ido, marka la dhammeeyana toddobo Dibi ayaa sidoo kaleeta la qallaa. Dadka Qur'aanka akhrinaya waxa abaalgud ahaan loo siiyaa seddax neef oo lo' ah midkiiba. Dadka Qu'aanka akhrinaya, inta lagu gudo jiro Muddada Khalaawa-ha, waxaa la siiya baahiyahooda aasaasiga ah ee maalinlaha ah.
Haddii ay shimbiraha weli cunayaan dalaga, waxaa la isku eedeeya in aan howsha si sax ah loo qaban, qaladka waxaa la saarraa bulshada marna lama eedeeyo culimada.
Reference : Historical Dictionary of Somalia
W/Q: Ina Caddaawe
3-Feb-2022