Stories by Jaabir Ali on Medium
Adduun dhaymo la'
sawirka waxaan kasoo qaatay, Pinterest.
Isagoo taabacaya buu qolkiisa soo galay . Labadii kabood buu albaabka laabkisa ku hubsaday. Shaarkii iyo surweelki buu iska bixiyay oo gadow janbiga irridda ku mudan la tiigsaday. Buug daaqada saaran buu tiigsaday oo furaash dhulka yaal salka dhigay. Firaash awal buu ahaa se iminka waa cudbi miiday oo hadana uskag miiran ah. Waxaa u dul taal barkin, fagantay oo dhamaatay. Intaa waxaa u weheliya go' cawlan oo gibil madoobaaday. Afarta gidaar ee qolka waxaa si teel teel ah ugu dhegan laxwado ka samaysan qoryo.
Guudka waxaa kaga dhaggan sawiro laga qaaday dad xoolo dhaqato ah oo xilli walba ku sugan. Gu’, xagaa, dayr, wajiine iyo kaliil. Wuu la jidboodaa marku qolkiisa dhex yururo oo jirkaa ku dubaaxiya daawasha noolaha kala duwan ee dushiisa sudhan maalin iyo habeenba.
Faahiye, qaab ahaan waa hooyadii oo halka soo taagan. Aad buu u dheeryahay, waa tabta loogu bixiyay "AW DHEERE", midabkiisu waa modow casaan xiga. Madaxiisu maleh tin humbulan waase salxoolle. Siduu uurka uga gubanayay baa labadii indhood god ka soo jeesteen. Akhlaaqdiisa waxaa bedelay waayihiisa ciriiriga ah. Horay uma xanaaqo mana dulqaad badna, inta badan erayga qadaf leh lugu lama kaftamo. Aaminaaddiisu waa fogtahay oo wax kasta duuduub kuma liqo. Fiira dheer buu u leeyahay dixriga, goodka, iyo wax kastoo ka agdhow. Daray niman gacmaha kusoo qaadeen.
caawa, wuxuu dul la fadhiyaa furaashkiisa uurkutaalo iyo qoomamo u mataanoobay.
waxaa sababay muran maskaxeed oo noloshan jiraalku ku dhalisay, caqaynimadiisi, kuray nimadiisa gaashan- qaadnimadiisan iyo wax la'aantiisa jeeb. Oo muxuu ka fekeri lahaa qof soomaliyeed ee noloshiisa saxariir, busaarad iyo gaajada ku shaacbaxday haddana ku dhex nool? Runtu waa waxba. Dhawr xabo oo beensal ah oo agtiisa tiillay buu xabad ka tiigsaday oo kaga bulsiiyay. Gadaal buu umilicsaday hilow iyo gocosho is weheliya iyo sida dhallanimadiisi u dayac badnayd. Rafaadkii bilaa rafiiqa ahaa—hadday tahay dhinac waalid, tol iyo muslin kaloo dhan aanay jalleeci jirin. Intaa iyo inkaloo murre iyo dhunkaal ka kharaar buu gocday. Waakaas sida tanaagada leh ugu calaacalaya "ma helin mana hiigsan dufan aan ka dhadhansado dhabtii waalidkay!"
'Waa gar oo waalidka Soomaliyeed ilmaha sida dhab ah uma koriyaan, iskadaa inay u koriyaan iskadaa dhibaatada ma baraan siduu uga bixi lahaa, waxay baraan siduu ugu adkaysan lahaa oo ugu dhex noolaan lahaa. Bedqabkiisa nafsadeed ma daneeyan, isagoo yar baa lagu canqariyaa dhibta; waanna inuu waxkasta dilaa, cayaa oo bahdilaa. Wax walba oo quudhsi iyo liidid ah baa la garansiiyaa inta uu yar yahay–waxaa laga murxiyaa dubka sare. waxaa la baraa wax loogu yeedhay "TARBIYAD" hase ahaate raga iyo dumar waa sii kala hooseeyaan, ninku marka uu u adkaysan waayo wuxuu noqdaa dibadwareeg wuxuu fooda saara dhamacda kaliileed iyo gabadana dhaxameed. dumarku se waxay ku dhex noolaadan nolooshooda oo qaayibaan intay helayso wiil kasaara noloshan mara kudhegta ah. bal inay ka hesho naxariisti ay dhallaanimadeedi seegtay. se ragu iyo dumarkuba waxay la noolaadan "doog" ilaa intay ka iilanayaan.....
dib buu u xasuustay weedhihii afka hooyaddii kasoo bixi jiray " hooyo waxbarasha dedaal si-aad aniga ii anfacdo oo laydhaho wiilkaagi baa kaalin galay adiguna u guulaysato, waa kugu faanayaa quraanka hasii dayn si’aad u gasho janadii rabigeen inoogu yaboohay iyo durduradii qaboobaa. Waxkasta diintu ha ugu horayso
cilmi gaaleedkana ku shaqayso keliya. se waxaa mudnaanta leh diinteena qudha.
haddaladaasi waran bay ku noqdeen. Oo maxay ugu noqon waayeen? qofka in wacnaan laga fisho waxaa ka horaysa in loo sameeyo xasuuso mahadho ka reeban.
Madaxu gacanta saaray, oo timiisi marba koox yar dhinac u jiiday. midh beensal ah buu daaray, oo qiiq kulul laabta usii daayay, oo fekerkiisi iska sii watay. Hagar-daamadii aabahii buu laabta ka dareemyay iyo hadaladiisi tororogta ahaa. " Aabbe aniga dhar kuu iibinaya haddaa kaalinta kowaad gasho iyo waxkastoo aad tabanayso" waa dedaala waa galaa dabadeed dhabarku u jeediyaa aabbihii, markii ugu danbaysay waxay ahayd mar wacad loogu maray in jaamacad laga bixinayo hadduu dugsiga sanadkan dhiggii ugu sareeyo. Waa ku guulaystay, se aabihii waa ka sii jeestay.
Badanka waxaa dhalinyarada soomaliyeed loxodka jiifiyay dhib uga yimi, waalidkooda dhalay, iyo kuwa ugu dhow dadka ee magaca "ehello" saraftiray. Wacadka gelitaankiisu waa in la oofiyo, ee maaha in laga baxo. Se asluubta waalidka iyo qaraabada soomaliyeed ayaa sidaa ugu abuuran, baaba’a nafeed ee ilmaha waxay dhaxalsiisa burbur fekereed iyo inuu waxkasta u nuglaado dabadeed timaadadiisu ay hoos u shiiqdo iyo sidii la doono laga yeelo fekerkiisa hadduu argagixiso noqonayo iyo hadduu dhaqankii abkasoogaarnimadda ahaa ku gacan sayrayo. waana sabab ka dhalatay "Doogti" dhallaanimo ee u la madaxqaaday.
Diirimaad gacantiisa soo gaaray buu ka warhelay, intuu gacantii madaxa kasoo rogay buu sigaarki dhulka ku demiyay.
Faahiye, laba iyo labaatan gu' buu madaxa ka jaray, waa sanado iskugu mid ah isaga.
Busaarad iyo shaqa la’aan buu ku jooga gurigan. Wuxuu la noolyahay aabbihii caynaanshe, oo lagu naanayso "DUBAD", iyo hooyaddii BARNI. Hanti ahaan waxaa guriga leh hooyadiis Barni oo aabbeheed uga godgalay maddaama uu iyada qudha dhalay waa dhaxalkeedi. ilaa sabankii ay barbaareen tan iyo guurkoodu waxay deegaan ku yihiin magaaladooda "GALGAAL" . Dubad, waa wastaad marka shaaca waaberi soo daahiro buu qalabkiisa dhismaha tuurta saarta isaga iyo noloshu waa isku kadeedanyihiin. se mar hore ayuu balan ku qaaday inuu nolosha sideeda ugu noolaanayo, far isbedel ahna aanu samaynayn kuna qanacsanyahay.
Lacagta uu maalintii soo shaqeeyo laba qaybood buu ka dhigaa. qaar reerku siiya si’ay gasiin usiistaan qaarna waa ku qayilaa oo barjuhu siista.
Dhowr jeer oo niman qaraabadiisa asxaabtiisa isku dayeen inay talo usoo jeediyaan oo la hadleen lama tirin karo, waxay usheegaan, " insaanku marwalba inaanu ku jiri karin xoogsi, qaad, galmo, qaadiro, oo uu ugu yaraan wiilkiisa garab qabto bal inuu si'uun ugu aayo"
hase ahaate cidna uma joojin, soo dhacsashada qaadkiisu usii xusul duubtay. Caynkaasu ula noolaa ooridiisa iyo curadkaba. Faahiye, waa ayidsan-yahay inuu aabbihii nolol bilaa macna ah ku noolyahay, se waxa uu naftiisa kula faqay eelku inuu yahay tacliin la'aanta, wuxu xasuustay inuu aabihii nin diimeed yahay, eelka nololeedna uu u tiirinayo xaga alle, oo noloshun ula muuqato waxaan sidaa usii rognayn, Se gurigiisi dhabta ahaa uu u danbeeyo. Wuxuu hoosta kaga gurxamay haddii aabihii dhibkasta oo masuuliyadeed isagu qaadan cidna aanu utiiriyeen ay noloshoodu sidan dhaami lahayn.
Faahiye, sadexdii sano oo udanbaysay mahaysan cid nolosha garab iyo gaashan u noqota. walaal, wadaad, walhaan, xaas iyo xilletoona. Waa laba iyo labaatan jir noloshu ku tahay dhinbil dab ah oo u ku taagan yahay, Danse kama gelin, ayaamihiisi sida naarta ula kululaa buu oo u jilba aastay, intuu isku hawli lahaa nolol jaan legdankeeda. Oo muxu la harjadayaa noloshu haddaanay dhibaato ka sifoobayn? Wuxuu ku sheega. inaad nolaato inay ka dhigantahay inaad dhib u joog ahaato, noloshu aanay dhibaato kal lug bixin, haddii aad mid moosto midkale kugu furmayso iyadoo idilna ay sidaa tahay. Qofku dabaqad walba uu kunool yahay inuu dhib la noole yahay. oo noloshuba ku wacan tahay inaan insaanku is hawlin ee iska noolaado. Marar badan wuxu macnaha nolosha ka raadinayay . falsafada, diimahan, dhaqanada, iwm. dhamaantood wax uu ku qanco kama helin.
Marleyba, siduu faahiye garwaaq-sanyahay
waa in insaanku nolosha waaqica ah iskaga noolaado intuu tamar u hayo.
Fadhigii buu ku daalay, lugtii bidix buu dhiibiyay, baakad sigaar ah buu mar kale haabtay oo xabad ka halabsaday oo si miliqsi leh laytartii ku bulsiiyay. Isagoo tiiradii labaad nuugaya ayay daaqaddii walaahowgu mar kale ku biyo keentay–sidii roob tumay ah! sadex sano oo soo dhaafay buu gadaal u gocday, bayhoofkii iyo baabi'ii mataanaha ahaa. waa dharaarihii uu ardayga jaamacadeed ka ahaa Xamar. Waa maalmihii uu daraasaynayay kuliyada "xiriirada caalamiga ah iyo diblomaasiyadda" waayo aragnimo horleh bay u ahaayen. Wuxuu xasuustay jaallayaashi qiimaha badnaa. Waa raggii ay jidiinka qaybsan jireen iyo tamashlihii shaaracyadii caasimada. Goobihii uu ku cawayn jiray habeen-samaadka... sigaarkii oo sii dhamaanaya buu naqas wayn jiiday oo laabta usii daayay. Fadhigii buu ka kacay oo kor isu taagay oo qol ka soo horjeedu galay oo Buntukh kala soo baxay! Oo qolkiisii ku soo laabtay oo si hal haleel ah kaanada habaddii u geeyay oo gacanta bidix ku qabsaday.
Qalin dhinac yaal furaashka buu kor usoo qaatay, far-waawayn buu ku qoray gidaarka: "JAALLAYAAL WAXA AAN IDIIN REJEEYAY BADBAADO! haddaad aragtaan fariintayda haka nixinina, anigaa doortay inaan ka tago cadaabtaan oo bal tan kale nafis ka raadiyo! Maadaama aan in dhowaydba u dhimanayay qunyar-qunyar. Waxaan ahaa UBAX ka baxay meel oomane ah. Marka aad qolkayga soo gashaanna aniga dabaday; isoo barya ilaahyadiina"
Qorigii buu midigta ku qabsaday, dhegta midig dusheedu dhuunta saaray , dabadeed qunyar u taabtay keebka. Bul. Hinraag, rafasho iyo wallahay waa MAYD!
W/Q: Jaabir Cali
25/12/2024..
Geeridii Guhaad...
sawirka waxaa leh. van cogh
Horaanti kontomeeyadii buu ku dhashay baadiyaha fog ee Geed-dheer. Guhaad waa rajay iyo agoon, hooyaddii iyo aabbihina waxaa dilay xanuunka daacuunka oo baadiyaha ka dilaacay abbaarti siiga case. muuq ahaan waa nin madow, dherer ahaan waa nin gaaban, timo hunbulan, oo sidii geed Higlo ah aad moodid. Indho yaryar oo guran iyo suuniyo kamid noqday wejigiisa gibilka madow ahina waa sifada muuqiisa. Dabeecad ahaan waa nin dhibyar, daandaansi iyo faduulna ka dheer. Waxbarasho diin iyo maadi waa iskaga mid oo xarafna masoo soo rogo, dhaqanna waa u intii uu ab ka soo gaaray. nolosha adduun ee ka maqan iyo aakhirada uu dhegta ka maqlo midna sawir fiican ka ma haysto.
wuxu la noolyahay ayeeyadii Timiro. waa lixdan iyo shan jir la xoog ah gashaanti aan weli curan.
madaxeedu malahan tin madow. waa mariin dhalaal, joog aan aad u dheeray bay leedahay. Waa shilis qurux iyo haybad u dhalatay, da'duna aanay weli ka daba imaan. ma cara badna–sida wayeelka soomaliyeed markay gabooban u cara bataan– oo basharkanba isku dabeecad ahayn. waxay kamid tahay beelaha deggan baadiyaha Geed-dheer. (Beel waa eray micnihii uu lahaa laga quweeyay jeer loo adeegsaday macnihii uu lahaa erayga "qabiil". Kolka laga hadlayo erayga beel waxaa loo adeegsan karaa sidaa guud laba hab waa dad meel wada yaal oo kala abtirsiimo ah waxaa mideeyayna ah tahay baad ama biyo iwm. Habka labaadna waa cid inta aysoo duushay dad ama reero kala duwan oo meel yar xoog ku qabsatay oo beelaysatay. labadaas macne buu leeyahay. wa ka duwanyahay erayga qabiil oo leh macne hayb ama abtirsiimo).
muddo badan bay degalkan yaalleen. Oo ahaayeen beel degsiimo ah. waxay haysteen xayn ari ah. 16-sanuu jiray markuu xoolaha holaday inuu soo daaq geeyo. Waxay si kedis ah isugu milmeen reer ay oodwadaag ahaayeen, oo xoolaha marka xerada laga sii daayaba ay iskaga darsami jireen–intaanay dooxada gaarin. Aad bay iskugu fiicnaadeen. maalin na waxaa la raaci jiray Aflow oo odayga reerka ah, maalinna Cambaro oo curadda reerka ah. Curadda waxaa ka yaryar laba wiil iyo gabadh. wiilka fil ahaan ugu xigay waxaa lageeyay tuulada, si uu ardaaga quraanka ugu biiro oo wax u barto. Cambaro waa gashaanti ugub ah. Waa gabadh dhaban iyo dheeh leh. Waana midab aan casayn aad na u madoobayn. dhex soohan, naaso yaryaroo ibbo mucada leh iyo bari illanna leh. Waa naag dabeecad cuddoon. gobanimada waa gayaan la majeerto. Waa is sheeko barteen Guhaad iyo curaddii–jeer ay dharaartii danbe Canbaro u sheegtay in ay subax walba xoolaha raacayso iyadu, odayguna nasto. waxaa dhex marijiray kaftandhable. maalin bay si kedis ah ugu tiri Cambaro, "waryaa Guhaad kawaran hadaynu inagu isguursano! Oo xoolahan tirada iyo quruxda badan oo kale inagu dhaqano?"
Guhaad yaab iyo argagax bay ku noqotay in hadalkaasi si fudud uga soo yeeray Canbaro! waxuu dareemay galgacal iyo naxariis markalena sibuu u shoogay oo anfariiray! Haddana dhiiranaan baa gashay uu ku jawaab celiyo. Intuu dhagaxyar salka la helay gacmahana labada ruug saaray, buu si tanaagale u yiri: waa caadi. Alla maxaan u jeellanahay qof ii buuxiya kaalmihii jacaylka iyo hooyanimada.
Maalintaa wixii ka danbeeyay waxay ahaayeen,
sheeko wadaag iyo laba qof oo sheedda sare iska ilaashada. markii ay muddo ruumankii wada yiilleen bay ku hishiiyeen inay isguursadaan.
midkastana uu barbarkiisa kasoo dhalaalo. Axdina waa oofin. Hawraarsan iyo hayeh bay arrin ku gooyeen. Xilligu waa gu' dabadii, rayskiina dhulka oogadiisa waa ka qalaley. Caleentiina Kabajaa baa ku kaajay oo waa sii caddaanaysaa. Waxaa bilaabanaya fooridii xagaaga iyo hanfigiisii. Waa kalhoraad se duunyadu ma guusho oo meel gelin u jirtaa loo waraab geeyaa.
Subax iyaga oo waarakow (shaah sonkor yar) iska karsanaya oo fadhiya ardaaga aqalka hortiisa ah, buu hadal gurxan iyo gunuunuc loo kala garahayn ku yiri: ayeeyo waxaan rabaa inaan guursado dayrta inagu soo aadan gabadhii Cambaro Aflow ahayd. Guhaad, ayeeydi si gooni ah bay u jeclayd. Maxaa wacay, wax ubad iyo aayo ahba isagay ka haysatay, intaysan iishanna waa ay jeclayd inuu oori helo. Intay go'eedi madaxa saaratay oo dhanka cadceeda u jeensatay bay ku tiri, "waa oraah san; haddaa la xididayso reer aflow waa dad dhaqan yaqaan ah–maqaadiirtu se waa halkeeda! Nin karti leh baa tahay oo reerkiisa dhaqankara, muddo badanna guriga waxaad ku ahayd baxdow.
Isaga waa u farxad inay ayeeyadii aqbashay arjigiisi. se, waa inuu dhexda u guntadaa siduu gashaantidaa u hanan lahaa.
laba dharaarood intaanay kasoo wareegin buu subax si kaftan dhable ah ugu yiri odaygii Aflow ahaa: saaka inagu aynu ariga foofino e, Canbaro xerada hiisha haka gurto. Odaygii baa ugu jawaabay "run ahaanti nin garasha leh baa tahay, aniguna waan. Curqay oo saaka socod waa rabay e ina keen". Intuu aqalka guradiisa galay buu laab kibis ah iyo buraashadii biyaha ahayd soo qaatay. Cambarana waxuu u sheegay inay arrimaha guriga kala agaasinto. Guhaad oo xerada afaafkeeda taagan baa farxad yar si un u dareemay. Isaga iyo odaygii sodogga u noqon lahaa saaka waa israaci doonan, qarkana waa aadi donan. Aflow se waa warmooge. Guhaad dharaartani waa uga duwan tahay kuwii hore. Cagtay wadada saareen oo xoolihii sii ekeeyeen. Kolkay dooxadii soo gareen oo arigii xasilay bay geed wayn oo har leh hooski fariisteen. Guhaad meel uu hadalka ka bilaabu goorahanba eeggaya e, waa kan halmar odaygii jaleecay oo si kedis ah kaga gabgab siiyay hadal oo si bakad ah ku yiri: anigu in aan inantaada Cambaro dayrta soo socota ayaan rabaa. Iyana waa ku balansanayn inaanu is guursano. Odaygii oo awal tuhun ku jiray baa ku yiri, "geyaan baa tihiin haddaad is gursataan iyaduna kugu qanacsanhay, anigu waa isku kiin darayaa wixii gamaan iyo geel ahna waa u gashaanti curad ah. Tolkeed wuxuu damco mooyee anigu inaan hablaha inamada ku dhibana dabci uma lihi"
Guhaad oo farxadii is hayn kari la' baa kor u istaagay oo madaxa gacanta ka saaray Aflow, isagoo markii ugu horraysay ADEER ugu yeerayana yiri, "waa ogaa inaad nin gob ah oo dunxariira leh tahay. mar haddaadba aniga iyo Cambaro iskaaya mudday, waa gudanayaa dhaqashada reerkayga."
Habeenkii markii uu soo gurya noqday oo xoolihii la lisay, cawaysinkiina ay tahay buu wixii soo cid galay caawa u sheegay; inay maanta odaygii deriskiisa ahaa is raaceen, gabadhii uu mudaba ku taamayay uu waydiistay, isaguna siiyay. Way muusootay, oo qososhay, oo u hanbalyaysay islaantii Timiro ahayd. Waxay isu diyaarisay inay dhisto. Isla jeerkii dayrtu curatay baana halkaa loogu dhisay, oo looga ciyaar tumay labadi qoys ee xididay.
Intii lagu guda jiray wajiinihii dayrta ka danbeeyay waxa deegaankii ka olaasmay dagaal beeleed u dhexeyee qoyskii cusbaa rerahay kala ahaayeen. Labada dhinacba waa isku riiqmeen. Nin ugu tunka waynaa oo meesha lagu dilay waxa uu ahaa caaqilkii xukumayay beesha Aflow ka dhashay
(Soomaalidu waa dad ku nool dhul saxara xigeen ah, omos iyo abaar ah, hab nololeedka bulshada waxa uu u dhisnaa qaab reer guuraanimo ah. Carada ay bulshadu degantahay waxa uu ahaa dhul wax walbaa ay adag-yihiin in la helo. dhulka jaad kaas ah waxa mar walba ka qarxi jiray colaadaha, khilaafka qabaa'ilka oo aan dhayal ku is taagi jirin. xididka dagaaladuna inta badan waxay salka ku hayn jireen laba hab waana "baad iyo biyo" nolosha noocaas ah qof kasta wuxu ku jiri jiray halgan iyo wax iska dhicis, gobanimo iyo gunimo midna ma jirin dhamaan waxaa la iska asli jiray birta. la ma xeerin jirin dadka loo yaqaan bir ma gaydada. Imisaa la dilay wiil gaashaan qaad ah oo cayiraaraya ooridisa? imisaa la dily wiil abti loo yahay oo godob aanu waxba ka ogayn godka ugalay? ma jirto gunimo ka wayn inaad qof u disho soor adiga oo la qayb- sankara, iyo inaad qof u diido inuu soor kula qayb-sado dabadeed aad ku ajalantid–mid xoolaad iyo bani-aadanimo.)
Guhaad intii uu aroostayba ma aadin tuulada, awal waxa uu kasoo qaadi jiray nooliga. Se, aroortan u jarmaada yahay waxa uu usocdaa tuuladii oo u jirta maalin socod. Bartaa foolka ah bay qoraxdu ka qabatay oo waxaaba lamooda inay kasoo debecday meeshii ay fadhiday. Macawista qoora soofaysta ah waxaa u weheliya shaar cadaan ah iyo go' cawlan oo garabka u saarnaa, se markan uu madaxa saartay. Xilligu waa dhamaanki dayrta waxaa weli baliyada kasii qoyan biyihii roobka, dhirta tigaadi iyo geed gaabki waxaa saaran caleen dooga. Duunyadu waa barqa dhereg. Maqashu waxay ku faclaynaysaa sabada aqalka. Dabcan, weli waxaa calooshooda ku jira caanihii hooyadood ay ka jaqeen. Muddaa ugu danbaysay dooxoyinkan oo sidaa u doogan. sidaas oo uu u niyad-sanyahay waxaa jira dareen dhiilo xanbaarsan oo uu soo mirkacanayo. Wa dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka oo reerkoodu ku dileen caaqilka. dhacdadaas waxaa kasoo wareegtay muddo bil ah. Waxaa qoyan dhiigii caaqilka. Dhacdadaas aad buu uga xumaaday waxayna ku reebtay uurkutaalo. waayo? Isaga iyo caaqilka dhintayi waxay ahaayeen xidid. Haddana waa kaa ka welwel qabaa in noloshiisa ama nolol kale oo uu garanayaahi ay go'do–iyadoo loo aanaynayo godobtii reerkiisa.
casargaab qoraxdu baalka dhigatay ayuu magaaladii soo gaaray. Meheraddii uu soo galay ayuu kursi geesyaal oo caag ahaa dabada dhigay. durbadiiba waxaa loo keenay koob bigays ah iyo xabad kibis ah. sibuu u dareemaya gaajo, se wuxuu ogyahay inay kibistu gaashada bi'iso.
raggii meherada fadhiyay bay indhaha isla raaceen, waa isa salaameen. Nin buu arkay koonahaas fadhiya oo buntukh sita. Waa uu gartay waa nin ay xidid yihiin, oo kasoo jeeda beeshii ay dhowaan reerkiisa is dagaaleen. Ismase ay salaamin labadoodu–sidii dhiillo colaadeed ugashay. degdeg buu meheradii ugu illaday. meel waabka wejiga kaga beegaan buu toos ugu dhaqaaqay. ninkii meherada fadhiyay ee buntukha sitay baa banaanka usoo kacay isagoo dadka si iskaga dadbaya, isagana iska eegaya. Meel meheradda dadabkeeda ah buu yaraha fariistay oo buntukhii garabka kasoo rogtay oo midigaystay oo dhinica guhaad utaagay. faryaradii buu keebka ku soo xooday oo dhuunta u fiiqay dhinacii Guhaad, dabadeed ku riday. Qaw . waxay ka haleeshay kelida bidix ee dhinaca dhabarka xiga. Dadkii waa hanbabareen. Dhankii dhugtu ka yeertay baa la wada eegeen. Waa qayliyay oo haddana cirka eegay oo bari iyo galbeed eegay, xabadii labaadna waxay ka haleeshay madaxa. dhiig baa kasoo daatay madaxa sidii il burqatay, halmar buu dhaqaaqi joojiyay!
W/Q: Jaabir cali
13/12/ 2024
Soo kabasho…
Sawirka waxaa leh. Vincent van Gogh
Goortii sagalka waaberi mugdiga ka soo mudho ee ay moodda guduudan cirka daanta bari sibaaqdo ayaa uu hurdada ka soo kacay, furaash calalcal ah oo sidii ugu jiifay dhulka ka mid noqday ayaa uu si dedaal leh naftiisa uga soo dhex qaaday. Cududaha inta uu dhereriyay oo calaacasha ku cadaadiyay barkin uskaga ku deylan yahay ayuu kor isu soo qaaday, sidii islaan raqayo ayuu jilbaha cuskaday oo adhaxda ayuu cabbaar godayay, kadib ayuu si quman isu taagay, weli gogoshii uu ku hurday ayuu dusheeda ku taagan yahay isaga oo cagacad, gacmaha ayuu kala bixiyay, indhahan xabajadii ayuu ka marmaryay isaga oo hamaansanaya oo qoorta weecweecinaya. Si dhib leh ayuu afka u kala qaadayay, tamar uu cod ku yeedhana kuma jirin oo diihaal naftiisa dilooday ayaa muuqiisa ku yaallay. Raage waa barbaar qoyskoodu sabool yahay, laba gabdhood ayaa la dhashay, aabbihii Xaamud na nin iska itaalxun oo caydh ah, xammaali uu maalinta galinkeeda hore u kaco ayuu muddadaas ku soo koriyay, hadda se waa uu waayeelay oo ma tahli karayo, xaaska qudheeda wax badan ma dhaanto, balse weli waa ay dedaalaysaa, qoyskuna iyada ayuu haddeer ku dhaqan yahay, waa hilible oo kaaryoonkeeda ay kartoonnada korka ka saartay ayay hilibka ku gaddaa, aroortii ayayna guriga hortiisa la fadhiisataa oo deriska iyo xaafadda ayay ka iibisaa, gabdhuhu guriga ayay iska joogaan oo waxbarasho tii dugsi quraanka ayaa ugu dambaysay, beryahaas ay malcaamadda dhiganayeen ayaa xagaagii miyiga loo diray, dabadeed waa laga soo celiyay si aysan aydaas ugu silican, haddii ay jeclaayeen inay waxbarashada sii wataanna, aabbahood waxa uu u sheegay inuusan kharashkaas hayn oo ay gurigooda iska dhex joogaan.
Raage, nin han weyn ayuu ahaa, duruuftii gurigoodii ka jirtayna uma uusan hakan. Dugsigii sare kolkii uu dhiganayay aabbihii ayuu ku tiirsanaa, hadda se ma uu helayo taageeradii odayga. waxa gashay inuu dedaalka sii wado oo naftiisa sidii uu u maarayn laha hawsheeda galo, danta ayaa u run sheegtay oo cid xigtadiisa ah oo taakulaysay ma ay jirin, goortaas ayuu si run ah u sii garwaaqsaday..
Dabeecad ahaan waa gooni socod oo dadka ma uu dhex galo, waa nin dhaqan wacan ku dhashay balse uu wakhtigu hayo, karti se kuma ay yara oo intii uu itaalkiisu yahay waa uu halgamayaa si uu u samataxo. haddii uu aroorti shaqo helana ma ay dhaafto, waxana uu u heellan yahay sidii uu naftiisa uga goyn lahaa qodxaha ku mudan iyo miciyaha gaajada e bogga ka qaniinsan. Noloshu waxay ula muuqataa mure qadhaadh oo qof adagi ka bixi karo, wuxu saaran yahay doonta samirka. rajadiisu waa inuu maalin uun iska rogidoono heeryada gaajada, bayhoof, silica iyo saxariirka.
Wuxu galabta fadhiyaa meheradi sareedo. oo ay deris dhowyihiin waa naag dheer oo madow asalkeedu waa reerguura hadalkeedu waa qalafsan yahay oo gacansiga weli sifiican uma baran waa abbaari keentay ninkaan jeebka wax ku haysanna ma fariisto. Oo intaanu kursiga qaadan bay meherada dhexdeeda kaga qaylisaa. waxay haystaa laba caruura oo abahood dagaal dhowaan degaanka ka dhacay ku dhintay, waxay samaysaa kibis iyo shaab meheraddan yar bay carruuta ka masruuftaa. Awrkii ay raran jireen bay iibisay markay soo gelaysay tuulada oo muttulkan ku dhisatay mar waa hoy marna waa meherad, deriskuna iyaday ka adeegtan. laakin raage waxay ku xeerisaa derisnimada, oo dhaqanka reerguuranimada ay ka baratay in deriska la ilaaliyo . In mudo ah haddii uu meeshi fadhiyay waxaa kursaanti soo fariistay dad xamaalato ubadan oo duruuftu midaysay. Waxaa isaguna meel koone ah fadhiya xaaji warfaa oo macallinka tuulada ah oo markaas loo keenay shaah bigays ah.
Dadka meherada fadhiyaa waa is yaqaaniin
Oo inta badani waa deriska meherada waxay meesha kaga nastaan daalkii maalintooda ka soo racay. Halkaasay ka bilaaben kaftankoodi, inta badan waxay ka sheekeyan dhaqankii baadiyaha iyo siday ahayd noloshii miigu. Marmar waxay dhegaystaan rikoodhkooda oo meherada ka baxa casarkii.
Sidii loo fadhiyay meheradii baa cadceedi godka baal lagashay xiligu waa makhrib hortii.
himahimow baa lagalayaa oo mooddi guduudnayn baa soo baxaysa markaas.
halmar bay u kaceen dhinaca masaajidka si ay ugutaan faralkii salaadooda . Kadib waxay boobeen weesadi markay biyihii ismariyeen bay salaadi galeen , imaamki oo ah macallin xaaji warfaa baa tujiyay, Markii salaadi makhrib la tukaday baa raage iyo xaaji warfaa wadaadki malcaamadu wada sheekaysteen inta badan waxay ahaayen dad is fahmaya oo kaftan wadaag ah. deris dhowna ah , Laakin markan xaalku waa ka duwan yahay kaftankii , raage macalinka waxu ugu yimi siduu malcaamada shaqo uga siin lahaa, siday ahaataba markay sheekadoodi dhamaysteen waxay isku af garteen inuu raage malcaamada macalin ka noqdo oo wadaadkana la dhigo, muddo labo sano ah haddii uu la dhigayay, waxuu ka helay xoogaa lacag ah oo noloshiisa kafayn kara iyo raasumaal yar uu meel dhigan jiray. Raage wuxu bilaabay inuu safro oo ka tago magaaladii ay reerkiisu deganaayeen si uu jaamac u bilaabo oo wax barashadiisa u sii wato. Waxuu tagay magaalada boorame oo ka bilaabay jaamacadii, in muddo ah haddii uu halkaa joogay wuxu helay shaqo yar, habeenki wuxuu ahaa macallin maalintiina arday. Markuu jaamacadii dhameeyay wuxuu fursad ka helay jaamacadii uu dhigan jiray oo macallinimo siiday. Wuxuu abaabulkeeda galay siduu labadii gashaantiyood ee walaalihi ahaa waxbarashada ugu celin lahaa, hooyadii kaariyoonaha uga nasin lahaa, odaygii abbihii ahaana noloshiisa gacanta ugu qaban lahaa, sideedaba qofka waxka yaqaana gunimada gaajada ma ilaawo gurigooda iyo asxaabtiisi ay soo wada bayhoofeen, dadkii ay wada saxariiri jireena wuxu u xirtaa guntiga siduu ubadbaadin lahaa, taasina waxay timaada noolanshiyaha- damiireed. sanado badan buu halkaa ku abaaday oo reerka kala samata baxayay inay ku noqdaan noloshii uu kusoo koray…
W/Q: jaabir cali
August/2024..