Stories by jaabir arab on Medium
Sharciga sadexda heer ee garaadka bulshada "law of three stages of Auguste Comte."
Sharciga sadexda heer ee garaadka bulshada waa fikrad uu dhigay faylasoofka caanka ka ah cilmiga bulshada "sociology" ee Auguste Comte buugiisa la yiraahdo "دورة الفلسفة الايجابية" "The Course in Positive Philosophy."
Fikradaas waxay daarantahay bulsho kasta waxay martaa sadex heer oo tadawar fikir ah waxayna kala yihiin; (1) heerka fiqiga. "المرحلة اللاهوتية" "the theological stage" (2) heerka ruuxiga ah. "المرحلة الميتافيزيقية" "metaphysical stage" (3) heerka Sayniska. "المرحلة الإيجابية" "positive stage."
B; Heerka fiqiga.
Waa marka garaadka bulshadu ay joogto awood sarre ayaa wax kasta keenta; bulshada heerkaan joogta eebbe ayaa masuul ka ah wax kasta faqriga, gaajada, abaarta, cudurada, colaada, iyo wax kasta oo dhibaato ah awood kale ayaa keentay ayey bulshadaas ay ku qancadda. Bulshada heerkaan joogta iskuma hawsho in ay faro-galiso waxa ka dhacaya hareerahooda waxayna aaminsan yihiin awood sare in ay maamulayso dhulka wax kastana jaan-goysay. Bulshadaan waxay meel iska dhigtaa sabab iyo natiijo "السبب والتأثير" "cause and affect" waxayna aamisanyahiin kutubta "holy books" ku qoran oo macanayaal kala duwan la ga bixiyay. Tusaale ahaan bulshadeyna qaar ba amisan dalkeenna somaliya waxa uu burburtay gabdhihii markay xijaabkii ka tageen. Waxaa ka mid ah bulshadaan garaadkooda in uu joogo in ay aaminsan yihiin dhacdooyinka dabiiciga ah in ay ka danbayso caro awood sarre sida dayax madoobaadka, foolkaanada, abaarta, fatahaadooyinka iyo iwm. Heerkaan dhamman waxaa soo hoos galaya bulsho walba oo u tirisa in wax kasta ay maamusho awoodo baddan "الشرك" "polytheism" ama awood keli ah "التوحيد" "monotheism" ee aan isku dayin sidda ay aamisanyahiin aan aheen is ka duwan in ay aduunka u fahmaan oo si maadi ah.
T: Heerka ruuxiga.
Bulshadaan waa mid ka ag-dhow midda kowaad waa marka bulshada ay wax kasta oo ka dhex socda u tiriyaan in ay masuul ka tahay wax yaabo aan muuqan ayna fara-galin joogto ah ku hayaan waxyaabahaas aan la arkin ee nolol maalmeedkooda waxyaabahaas waxaa ka mid ah bulsha walbo waxa ay aamisantahay alle, malaa'ig' jini, shaydaan.
Bulshada garaadkeedu heerkaan yahay sidii tii hore iskuma hawlaan in ay faro-galiyaan waxa ku dhacaya waxayna u daayaan in awoodo ka xoog badan ay maamulanayaan. Bulshada noocaan ah qofkii xanuunsada jin baa ku jira, kii faqriya waa caasi ama imtixaan baa ku socda, midka jaba waa loo qadaray, kii dhintanna tiisaa soo dhamaatay.
J: Heerka tijaabada iyo sayniska.
Heerkaan waxaa aad loogu yaqaan heerka sayniska waxa uuna ku saabsan yahay in wax kasta lagu sharaxo sayniska ayada oo la marayo indho-indhayn, tijaabo iyo isbarbardhig. Bulshadaan cilmiga ayey u daysaa in ay jawaab ka bixiyaan waxa keenay waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda; sidda loo ga hortagi karo ama lagu daawayn karo.
Bulshadaan si caqli ah ayey u daristaa waxa socda ayada oo shaqaalaynaysa maan-galnimada, khibradda, xirriirka ka dhexeeya sababta iyo natiijada, heerkaan waa midka ugu sareeya ee aduunka la gu fiirriyo ayada oo la adkaynayo dabo-galka, aruurinta, iyo kala-saarida xogta.
Bulshadaan kuma halayso awoodo aan muuqan in ay warceliso dhibaatooyinka haysta ee waxay isku howshaa in ay maamusho deegaanka ay ku noolyihiin ayaga oo kormeer ku barta sidda uu aduunka u shaqeeyo. Bulshadaan waxay xaqiiqo u taqaan kuma xirrna in ay ku qoran yihiin buugta barakaysan ee bulshooyinka kala duwan ay rumeysanyahiin ee waxay ku qiimeeyaan wixii la arkayo.
Soomaliya Hogaamiye Nooce ah ayeey mudantahay 2021.? Omar A. Basha waxaan isku dayaa in aan qeexo "hoggaamiyah" anigo ka warcelinnayo weydiinta ah soomaliya hoggaamiye nooce ah ayeey u bahantahay.?
Qeexidda “Hoogaamiyuhu” inuu yahay ruux la mid ah shakhsiyaadka kale ee kooxda, iyadoo cidkasta ay qaadi karto masuuliyada uu qaadi karo hogaamiyuhu waa qeexid macno maran, waana mala-awaal inuu qof kasta hogaan noqon karo taasina ay keento inay cid kasta usoo dhiirato hogaaminta bulshada, waana arin musiibo ah.
Koox kasta, ha noqoto kooxdaasi qoys, sharikad ama Dawlade - waxa loo abaabula si ay u hirgaliyaan ujeedo midaysan, hadii la waayo ujeedadaasna qiimo ma laha abaabulidoodu. Sida ay u kala duwanyihiin kooxuhu ayay u kala duwanyihiin ujeedooyinkuna, farsamooyinka loo baahan yahayna ay yihiin qaar kala gadisan kuna tiirsan hadba ujeedada la rabo, halkana waxaan kala soo dhex bixi karnaa “Shardiga” la ga rabo Hogaamiyaha.
Hogaamiyuhu waa ruux ka indheer garadsan cida u hooganka u yahay lehna sifooyin iyo farsamooyin u gaar ah, waxaan si toos ah ka caawiyaan sifooyinkaasi hirgelinta ujeedada kooxda iyo kordhinta danaha shakhsiyaadka kooxda.
Hogaamiyuhu wuxu ka horeeya u gu yaran hal talaabo shakhsiyaadka kooxda, talaabadani waa ta u horseeday in uu noqdo hogaamiye, si fudud la gu ma badali karo hogaamiyaha, hadii u dhinto waxa ku dhaca isbadal dareen leh kooxda, hadii la badali karo hogamiyaha wakhti kasta iyadoo isbadal la dareemo aanu dhacayn, taas macnaheedu waxay tahay inaanu hogaamiyuhu xaq u lahayn inuu hogaan qabto, ama koox marka horeba baahi aanay u qabin hogaamiye, waana oddorisid "hypothesis" "فرضية" sax noqon karta marka la ga hadlayo ururada yaryar lkn aan suuro gal ahayn ururada Waawayn sida dawladaha.
Awooda iyo qiimaha dowlada waxay ku tiirsan yihiin hadba hogaamiyaha hogaanka u haya, jabka ama kor u kaca bulshooyinka kuwii hore iyo kuwa hada jooga waxa sabab u ah Hogaanka, hogaamiyuhu wuxu u horseedaa bulshadiisa baraare, kana dhigaa umaddiisa mid la gu hirto halka ruuxa hogaamiye la ga dhigto isagoon mutaysan hogaanka uu bulshadaas ku rido god abees iyo fool xumo ku reeba tariikhada noolashooda.
Caburinta Xorriyatul-qawlku waxa ay la mid tahay in xorriyaadka aas-aasiga ah oo dhan la diiday.
Dad badan baa aaminsan in saxaafaddu khatar Ku tahay ammaanka iyo midnimada shacabka. Sidaa darteed la xakameeyo xorriyadda saxaafadda oo ay Ku jiraan xorriyadda ray ku cabirista sida hadal, muqaal ama qoraal.
Xorriyadahan waa kuwo aasaasi (Freedom of Expression/Press or Media). حرية التعبير / الصحافة أو الإعلام. Bales waxa jira dooddo badan oo is burinaya oo sheegaya ma la hakin karaa xuquuqahan, mise waa kuwo mudlaq ah oon xuduud lahayn.?
Aragtida dambe oo ah mid uu ku dhaqmo dalka Maraykanka (Pure Liberal) oo waxa ay xorriyaadkan ka dhigeen kuwo mudlaq ah (absolute). Macnaw qofku waxa uu xaq u leeyahay inuu raygiisa sida uu doono u cabiro.
Maxkamadda Sare ee Maraykanku ayaa go'aanno ay ka soo saartay kiisas ay xalisay waxa ay sharci ka dhigeen in xorriyadda saxaafaddu amma ray cabirku ay tahay mid aan la xakamayn karin marka laga reebo;
B. Dhiirigelinta sharci darrada "Incitement" "التحريض" sida in qof lagu dhiirigeliyo inuu is dilo.
T. Been ka sheegida xaqiiqada "False statement of fact" "بيان حقيقة زائف"
J. In la gu xadgudbo qof gurigiisa isaga jira, lagana duubo muqaal aanu raalli ka ahayn "Obscenity" "الجنون"
Kh. Muqaaladda ama galmada carruurta wax muujinaya "Child pornography" "استغلال الأطفال في المواد الإباحية"
Afar taas qodob waxa ay ka dhasheen tafsiirid garsoor "Judicial Interpretation" waxaanay noqdeen kuwo ka reeban xaqa xorriyatul Qawlka.
Doodda kale waa mid xataa Sharciyadda caalamiga ah ee sida ICCPR ay qabaan oo ah in sharciga lagu xakameeyo haddii rayga cabiriska amma saxaafaddu ay sababayaan colaad ama ay dhiirigelinayaan hadallo nacayb ah oo hurin colaadeed ah sida dhacdooyinkii dalalka Rwanda iyo Kenya ka dhacay oo ah kuwa u caansan ee tusaalaha loo soo qaato.
Waxa jira gaar ah oo xorriyado ama xuquuqo badan la hakiyo sida xaaladaha deg dega sida dagaalo "Emergency situations" "حالات طارئة" waddamo badan waxa ay xakameeyaan oo dastuurkooda Ku daraan qodobo la gu hakinaayo xorriyaad badan "Derogation clause" sida xorriyatul-qawlka, halka dalalka qaar gaarsiiyaan hakinta 'xaqa noolaanshaha' inkastoo shuruucda caalamiga ah diidaan hakinta xuquuqahan iyo xorriyaadkan haddana waa wax jira in sharci-dejiyayaashu ka faa'iidaystaan arrintan.
Dastuurka dalka waxa oo si cad u qeexa xoriyada haddalka Qodobka 18aad. Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo
oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
(2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya
warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.
(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo
xorriyadda cilmi-baarista.
Waxa aad loo ga xumado in dowladii geysaneyso tacaddiyo lagula kacayo saxaafadda madaxbannaan. Waxaan la soconaa in weriyeyaashu ay la kulmaan dil, xabsi, handadaad iyo is-hor istaag shaqadooda. Waxaa kale oo aan ognahay in Maamulada Dawlad goboleedyadu ay sidoo kale tacadiyo u geysanayaan saxaafadda. Waa dhaqan keli-talisnimo iyo kalsooni darro ah in dhaliilahaaga aad dhageysan waydo waana astaamaha aan ku aragno Maamulada heer federaal iyo heer dawlad goboleedba, oo saxafiyiinta iyo warbaahinta madax banaan la gu la kaco.
Haddaba, xorriyatul-qawlku waa muhiim sababtoo ah haddii la diidi helideeda xorriyaadkan kale oo dhana ma jiraan. In muwaadinka codkiisa la maqlo, xogna uu helo waxa ay sabab u noqonaysaa in xorriyaad ka aasaasiga ah oo dhan uu helo.
In la caburiyo saxaafadda waxa ka dhigan tahay iyadoo xorriyaadka aasaasiga ah oo dhan la diiday. Haddii khaladaad dhinaca warbaahinta ah jiraan waxa lagu sixi kara waxbaris. Tusaale ahaan, waxa inaga maqan warbaahin arrimaha nabadda ka hadasha "Peace Journalism" sidaa darteed ha looga faa'iidaysto kibcinta aqoonta hawlwadeenada warbaahinta oo maan-koboc ha lagu sameeyo.
Xorriyatul-qawlku Waa xuquuq oo dhan.
Waa maxay xaqiiqad geerida.? Maxay tahay falsafada ama nadariyada ka dambaysa nolaansha iyo geerida.
Si haddaba loo ga warceliyo weydiimaha, marka hore waa in aan caddayna aragtida aan ka aamisanahay geerida. Haddaan dhinaca kale ka istaago si aan iskula aragano sida dhab ahaan geeridu u dha-dhanto ama tahay.
Alaaba, dadka badankooda waxa ay sas ka qabaan ama ka cabsadaan soo hadal qaadka iyo maqalka kalmada geeri. Dhimashadu waxay inoola muuqata shay argagax iyo naxadin ku lammaan tahay, bales islaam ahaan eray-bixinta ama mawduucan wax uu leeyahay muqaallo kala duwan, waxaana loo macnayn kara siyaabo kala duwan. Aragtida iyo indheergaradnimada islaamka marka aan ku fiirino; geerida waa dhammadka nolasha noole ama waqtiga qof jismigiisa iyo ruuxdiisa kala xorooban. Waxa ay aamisan-yahiin in dhimashadu tahay; in jirka qofka iyo ruuxdu kala baxaan, kadibna qofku u noqdo dabiiciyan halkii u ka yimid, sidaa darteed dhimashadu waa in nolasha adduunyo dhammaato iyadoo aan rajo la ga qabin in dib dunida loo gu soo laabto.
Xaqiidii marka la ga fiiriyo aragtidan falsafada dhimashadu waxa ay noqonaysa mid mugdi iyo cabsi leh, taasna macnaheedu waa in aanay jirin dhibaato ka xannuun, murugo iyo musiibo ka xun geerida. sababtoo ah geerida macnaheedu waa in qofka lala aaso dhamman hamigiisa, rajadii cimrigiis, soon gaabtaan ama dhamman fikiradiihiisa kuwaasoo uu u jacel aadna u gu han waynaa nolasha iyo joogida adduunyada. Se islaamku murugadan iyo mugdigaan ma aamisana, kamana cabsado geerida, sababtoo ah iimaanka iyo aaminsanaanta in geeri jirta. Waqtiga qofku dhinto waa dib u curashada ama dib u dhalashadiisa iyo inuu qofku ka guuro adduunka oo duni kale tago, taasoo ka ballaran, ka qiima baddan kana nolal sarraysa. Waa adduun qofna dhibaato ku arkayn, se waa qofka u shaqaysta ee adduunyada korkeeda u sahay qaata dunida kale.
Aragtida islaamiga ah marka la ga fiiriyo dhimashadu ma ahan cirb-tirka aadamah, bales waa xaalad dhaxal keenay ah oo horumar iyo horusocadka bina-aadamka ah. Tusaale ahaan, ilmaha sabiga ah ee ku jiro uur ku-jirta mugdiga ah iyo inu nafaqo iyo quudin ka helo dhiiga hooyada, bales wuxuu u soo baxa adduunyada, koritaankiisun wuu u bilaabma oo hormarka nolaleed ay ambaqaad u noqoda, sida si la mid ah waxaa uu ka xorrooba adduunyada kooban ee xayndaabkeeda uu ku xiran yahay oo wuxuu taga duni kale oo muhiim u ah ruuxdiisa, asal ahaana halkas ka timid.
Nolasha aadamuhu waxa ay ku degtaa dhimashada, murugo oo kaliya kuma lamaana geerida, bales waxa ruuxdu ka xorrowda murugada, nasiib darrada iyo xakamah adduunyada haddii geeridiisu tahay mid si habboon u dhacada. Macnaw qofkaas uu ah nin qof gartay sababta marka hore loo abuuray oo uu horyaal u noqday ama ku guulaystay shurudah adduunka loo socado loo go bahanyahay, waa geesi waana hubaal oo muran kuma jiro in farxad iyo wanaag ka horeeyo. Qof kasto wuxuu u bahan yahay farxad geerida kadib uu arko doono inu qeexdo oo uu garto sidda la gu hanan karro. Sida loo gu guulaysto faraxad adduunyada.
Muqdisho way xaqiran tahay waxayna rabtaa in loo istaago.
Marxalada muqdisho ku sugantahay ma ahan mid loo sii dul qaadan karo, Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ee sida aadka ah u jecel Soomaalinimada iyo qarannimada ummaddan waxaa loo hagraday si hagarla,aaneed. Shacabka Muqdisho waxaa laga galay xaqdaradii u gu wayn abid ee ummad magaalo ku nool laga galo. Waxbadan ayaan dul qaadanay oo aamusnay sugay maalin ay caddaalad timaado. Bales maanta waan hadlayaa waliba kor ayaan u hadlayaa waxaan ku qaylinayaa caddaalad. Waxaan u haddalayaa shacabka masaakiinta ah ee daacada ah ee dulmiga laga galay. Waxaan u istaagayaa raadinta xaqan maqan iyo xuquuqdan la gu xadgubay. Waxaan jeclahay in aad dareenkaaga si dhameystiran u siiso dhowr kan qodob ee aan ku sharaxayo xaqdarada iyo xuquuqduudsiinta ee bulshada reer moqdishu la ga galay
Amniga
Muqdisho waxaa ku sugan in ka badan 30,000 kun oo ciidan Ajnabi ah oo kan u gu yar bishii mushaar ahaan u qaato in ka badan 1200 oo dollar. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidan Soomaaliyeed oo nooc kasta leh, Inkasta oo aan tiro rasmi ah la ga hayn hadana qiyaas ahaan markii la isku dar daro ciidamada Soomaaliyeed ee kaliya ka howl gala Muqdisho kama yara 10,000 ilaa 15,000 kun oo nooc kasta leh. Intaa waxaa usii dheer ciidmado aan si toos ah u hoos tagin Dowlada oo si yaabo gaar gaar ah loo leeyahay. Hadana maalinkasta shacabka Muqdisho waxay ku soo toosaan Argagax, Qarax, Dil iyo dhibaatooyin kale haba ugu badnaadeen kuwa ka ga yimaada ciidamada Ajnabiga ah, ururka Shabaab, iyo ciidaanka dowlada iyo codowga kale ee ku dhex qarsoon. Runtu waxay tahay magaalada intaas oo ciidan ah ku sugantahay amnigeeda lama sugi waayine ee waxaa jirta hagrasho hagar la,aaneed.
Dalka waa fedral.
Canshuurta dalka.
Dowladda dhaxe ilaa madaxa u gu sareeya iyo ilaa shaqaalaha u gu hooseeyaa dhamaantood waxay ku dhaq-dhaqaaqaan oo kaliya canshuurta ka soo baxda magaalada Muqdisho markii la ga reebo xoogaaga deeqah dunida la ga helo. Wadankeena waxaa ku yaal Garoomo shaqeeya oo maalinkasta Diyaarado ku soo dagaan lagana helo dhaqaalo xoog leh. Sida Garoonka Muqdisho, Garoonka Hargaysa, Garoonka Boosaaso, Garoonka Kismaayo, Garoonka Berbera, Kan Baydhabo iyo kuwa kale oo iska yar yar. Dhamaan Garoomadaas waxaa ka soo xaroota lacag badan haba sii kala badnaadeene. Laakiin ma ogtahay markii laga reebo Garoonka Muqdisho, Inta kale Dowlada Soomaaliyeed hal dollar kama soo gasho, Dhamaan lacagaha ka soo baxa waxaa qaadata mamaamulada magaalooyinkaas ka arimiya. Sidoo kale dalkeenu waxaa u leeyahay Dakado shaqeeya oo bishii soo xareeya lacago xoog leh, Sida Dakada Muqdisho Tan Kismaayo Tan Berbera iyo Tan Boosaaso. Dhamaan dakadahaas canshuurta iyo dhaqaalaha ka soo xarooda markii laga reebo tan Muqdisho hal dollar Dowlada dhexe kama hesho ee waxaa qaata oo si gaar ah u gu daneysta maamulada maamula.
Magaalooyinka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa waa wayn waxaa ka jira ganacsiyo aad u badan iyo shirkado waa wayn oo bixiya lacago canshuuro ah oo xoog leh. Markii laga reebo Ganacsatada Muqdisho ku nool iyo shirkadaha Muqdisho ka dhex jira canshuurta ay bixiyaan inta kale canshuuraadka laga qaado hal dollar Dowlada dhexe kama soo gaarto, ee waxaa si gaar ah ugu daneysta maamulada maamula magaalooyinka ganacsiyadaasi ka jiraan.
Hadaba waxaa is waydiin mudan miyaan la wada dhisan dowlada dhexe.? Sidee xaq ku tahay in maamulkastaa dhaqaalihiisa isku koobo laakiin dhaqaalaha Muqdisho lagu kala wado dhamaan hay,adaha Dowlada dhexe. Sidee xaq ku noqon kartaa in shacabka Muqdisho la nool yahay dhibaatada intaas le eg oo uu maalinkasta ku waabiriisto Qarax, Dil iyo dhibaatooyin kale.? Halka canshuurta iyo dhaqaalaha kaliya ee Dowlada dhexe siday doonto u isticmaashaa yahay kan Muqdisho oo kaliye. Malaha muqdishu sad dheeraad ah ayay ku qabtaa dowlada dhexe.?
Hadaba aan si fiican kugu warceliyee ogow Baarlamanka Soomaaliyeed ee dhisan oo dhameystiran kuma jiro hal qof oo matala magaalada Muqdisho. Aqalka sarre hal qof oo matala Muqdisho kuma jiro. Intaas waxaa sii dheer hadii maamulkii gobolka iyo madaxdii magaaladu u istaagi lahaayeen in ay Muqdisho xaqeeda u dhiciyaan kuma dhacaan waayo shacabku ma soo dooran ee waxaa soo magacaaba Madaxwaynaha Dowlada dhexe oo kuma dhacaan in ay ka hadlaan dan shacab waayo hadii aysan ka shaqeyn danta madaxda Dowlada dhexe waxaa hubaal ah in si dhaqso ah looga badal qaadanayo.
Hadii aad fiiriso dhanka dhismayaasha iyo kaabayasha kale ee dhaqaalaha haba yaraatee ma jirta sad dheeri ah oo ay si gaar ah Muqdisho u gu qabto Dowlada dhexe. Wadooyinka dhismay waxaa lagu dhisay mashruuc maamulka gobolku dhaqaalo kaga aruuriyay shacabka magaalada, Qaarka kalana waxa dhisa dowaladda turkey. Ma jirto meel magac ama miisaaniyad leh oo shacabka dani u gu jirto oo Dowladu ka dhistay Muqdisho. Ma jirto Warshad ama goob kale oo ay shacabku ka heli karaan shaqooyin oo ay Dowlada dhexe hirgalisay, ma jirto kolay ogaalkay hal Mashruuc oo shacabka Muqdisho dani ugu jirto oo ay Dowlade dhexe hirgalisay, Bal iskaba dhaaf wax kalee Dowlada Soomaaliyeed waxaa ay ku guul daraysatay in caasimada dhan ee dalka ay ka hirgaliso traffic light.
Dhalinyarada Muqdisho shaqooyinka dowlada dhexe ka banaanaada helitaan koowada waxaa uga badan kuwa ka yimaada qurbaha, Taas waxaaba sii dheer masuul kasta oo ka tirsan dowlada dhexe dadka la shaqeeya waa dad uun ay isku ehel yihiin oo dabcan kala yimid deegaankii uu ka yimid.
Ugu danbeyntii qofkasta oo Soomaaliyeed oo neceb caddaalad darada, Qofkasta oo Soomaaliyeed oo dagan Muqdisho ama u naxaya waxaan ugu baaqayaa in aad igala soo qeyb gashaan, ila doontaan sidii magaaladaani ku heli laheyd xaqa ay xaquuqda u leedahay. Iidinkuma baaqayo in aad mucaarad noqotaan ama dhibaato gaystaaan waxaan rabaa in aan magaaladan xaqeeda usoo dhicino iyo waxa ayaa caddaalada u leedahay, anaga oo adeegsanayna, dhowrayna, ka shaqeynayna, ilaalinayna Hanaanka Dowladnimo ee dalkeena iyo anaga oo kor u sidna Qarankeena.
Saxaafaddu Weel Wax Lagu Shubto Maaha.?
Anigaa dadkaba u talinayee, cidina yay doodin.
Waxaan uga dan leeyahay nin kale, yuu dankaadhiyine.
Hadalkay damqaayee yaan la oran taa ha laga daayo.
-Aw cabdi muuse.
Saxaafadda waxa saaran waajibad ah in ay shacabkooda macluumaad dhammaaystiran oo dheelitiran, lagana jaahil saaray qof kasta oo mad madaw ka galo shay, sharci iyo niyada wanaagsan waxay faraysa in ay warka iska shaandhayso. Dastuurka, xeerka saxaafadda iyo shuruucda caalmiga ah waxay shardi ka dhigayaan in shacabka helaan macluumad"الحق في الحصول على المعلومات" "Right to have information." Gaar ahan in ay madaxdooda ay ka helaan saxaafada iyo shacabka maclumaad ku saabsan waajibaadka ay qaranka u hayaan, xorna loo yahay in weydiimo muhiimka ah ee u bahan in shacabka ka jahil baxaan la waydiiyo.
kaddib markii ay soo baxday fadeexad musuq maasuqa ee hareeyay Wasaraad cafimadka oo arimah musuq maasuq soo galay iyo tuhuno ila heer xabsi gaarayo 4-tii bishan ciidamada booliska xilli habeen ah gurigiisa ka xireen agaasimaha maaliyada wasaaradda caafimaadka oo loo heysto arrimo musuq maasuq ayaa waxaa soo baxayay in kiiskaas musuq maasuqa ku lug yeesheen mas'uuliyiin kale, waxaana oo ku jir maasuliyintas la xiray agaasimihii guud ee wasaaradda Caafimaadka. Suxufiyiinta warbaahinta madaxbannaan ayago xaq u leh arimahas oo dhan oo weydiimo ka qabo xiligan adag ee la gu jira ee cudurkas covid19 bulshada xogah u gu muhiimsan la socad siiye yaa waxa soo baxaday in la xiray saxafiga abdiaziiz gurbiye. Xeerka warbaahinta soomaaliya oo baarlamanka ansixiyay, qodobka 29aad ee xeerka warbaahinta soomaaliya oo sheegaaya dariiqa loo marayo saxafiga xog aan la hubin ama been ah faafiyo, aan la caddayn weli xogta oo saxafi abdiaziiz gurbiye ina ay run ama been tahay, xoogtii oo faafiyay ayadoo la caddayn ba la iska xiray, Marka la fiiriyo xeerka warbaahinta soomaliya saxafiga abdiaziiz gurbiye sharci-darro bay dowlada ku xirtay.
Xeerka Saxaafada dalka.
Qodobka 2aad ee Xoriyadda Saxaafadda farqooyinkiisa 2&3 wexey leeyihiin.
2. Xoriyadda hadalka iyo fikirka waxaa loo fulinayaa sida ku xusan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya (Qod. 18aad).
3. Warbaahinta gaarka ah laguma sameyn karo faaf-reeb wararkeeda, laguma khasbi karo sii-deynta warar u daneynaya dhinac gaar ah.
Xeerka isla saxaafada dalka qodobkiisa 28aad ee xeer ilaalinta wuxuu leeyahay
Dembiyada la xiriira warbaahinta waxaa Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ka gacansiinaya Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ), Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Warfaafinta, waxaana dacwada la horgeynayaa maxkamadda awoodda u leh. Wariyah qalad warbaahineed waa gali kar wanna la marsiin kara sharciga. Bales in sifo aan sharci aheen la gu xiro ma ahan. Ayado loo marin wariyah hanan dacwadeed ee hufaan.
Warbaahintu waxay awood u leedahay in aanay baahin waxyaabaha aan war u noqon karin bulshada ka sugaysa wararka tayada iyo dheelitiranka leh, maadaama aan wax la gu qanco aan la waydiin. waxa muhiim ah in ay warka iska shaandheeyaan ama ay ku heshiyaan in aanay baahin wararka sidaas oo kale ah, ee masuuliyiinta xilka ilaashanaysa ka hor istagaan waajibaadkii suxufiga saarna.
Tallaabooyinka noocaas ah waxay muujinayaan kalsooni darrada iyo in ay wax jiraan la doonaayo in daaha la saaro, lagana ilaalinaayo inay soo shaac baxaan, sababtoo ah Soomaalidu waxay ku maahmaahda ‘Nin gunti xun inuu wax qarsanayaad mooda’ su’aal diid maha ee waxba jira, warbaahintuna ha ka fiirsato, hana baarto, sababtoo ah saxaafaddu waa ta dawlad baabiisa ama dhista, awoodda warbaahintuna waa mid shacabku ka faa’iidaan.
Buugga Badbaadada (xirsi-xirka) Marxuumka. The Egyptian's Book Of The Dead. Xagge qabanaa markaa dhimano.?
Maxey Masaaridii hore ka aaminsanaayeen qofka marka uu dhinto meesha uu tagayo.? Masaaridii hore waxey aaminsanaayeen qofku markuu dhinto inuu u gudbayo nolol kale oo hor leh oo wanaagsan balse qofka dhinto inta uusan noloshaas wanaagsan gaarrin waa inuu marka hore ka gudbaa caqabado iyo imtixaano kala duwan si uu u gaaro Ilaah Osiris hortiisa, Ilaaha weyn.
Masaaridii hore aakhiro waxey u aheyd nolol hor leh balse marxuumku inta uusan gaarin noloshaas. ruuxaddiisa "spirit" waa iney martaa imtixaano iyo caqabado is-daba joog ah oo hadey ku guuleysatana u sahleysa iney gaarto noloshaas. Caqabadahaas iyo imtixaanadaas uu marayo marxuumku waxaa u gu dambeeya hor istaagista Ilaah Osiris oo go'aan kama dembeysa ka gaaraya haddii uu marxuumkaasi u gudbayo Janada iyo haddii kaleba.
Sida buuggaagta taaiikhda ku xusan, diinta Masaaridii hore waxey ku salaysnayd cibaadada ilaahyo gaaraya ilaa 2000 oo ilaah isuguna jirrey lab iyo dheddig. Labada ilaah ee ugu sarreeya Ilaahyadaas waxaa la gu kala magacaabayey Amun Ra iyo Osiris. Amun "boqorka ilaahyada" iyo Ra oo ah "ilaaha qoraxda" ayaa laga dhigey hal ilaah. Osiris isagana wuxuu ahaa "ilaahii dhulka hoose ama aakhiro" kaa soo ugu dambeynta go'aaminayey qaddarka ruuxa soo dhinta.
Masaaridii hore waxaa kale oo ay lahaayeen kitaab la yiraa Kitaabka xirsi-xirka Marxuumka "The book of the dead" Dadka intooda badan waxay doonayeen inay haystaan kitaabkaas si ay u gaaraan nolosha dambe. Kitaabkaasi waxaa ku qoran qoraalo kala geddisan oo duco, baryo iyo xirsi-xirba isu gu jirra. Qoraaladaasi waxaa la gu qorayey buug bardi ah ama kitaab ah oo la raaciynayey marxuumka marka uu dhinto si uu uga caawiyo safarkiisa aakhiro uuna marxuumku u gu guuleysto imtixaanka. Kitaabka xirsi-xirku wuxuu ka kooban yahey 200 oo qeybood, qeyb walbana waxaa ku qorran duco ama xersi-xir qaas u ah halaq-mareenada uu marayo marxuumka ruuxiisa, harrooyin dabka ah ee ka gudbayo, albaabo indho-sarcaad ah oo ay waardiyeynayaan bahalo cabsi badan sida masas, yaxaaso, mas la yiraa Abfas loona yaqaan ilaahii jejebiska kaa soo liqa naf walba oo meesha soo marta. Marxuumka intaa marka uu ka soo gudbo wuxuu soo gaarayaa Ilaaha Macaadka, Ilaahaddii xaqa iyo caddaaldda taasoo u gudbineysa marxuumka labadii imtixaan oo ugu dembeeyey, "final judgement"
Sida aan annaguba u jecel nahey inaan aakhiro janno u galno ayey Masaaridii hore iyaguna jannadu waxey u aaminsanaayeen iney tahey meel dhab ah oo jirta. Waxay ahayd meesha uu qof walba ku haminayey inuu tago markuu uu dhinto, waayo janadu waxey u aheyd meel la shaqeysanayo oo aan la dhimaneyn, la gaboobeyn, la jireyneyn ehelka adduunka loo ga tageyna kor laga ilaalin karro. Hadaba iska aad ma ahayn janaduye ee waxey aheyd mid uu qofku shaqeysto inta uu nool yahey isagoo samaysanaya camal wanaagsan markas uu dhintana in uu ka gudbo ay tahey imtixaan adag, marriin waddooyin halaq mareeno ah, miisaamin wadnaha iyo u gu dembeyn hor istaagis Ilaaha ugu weyn Aakhiro, Osiris.
Qoraalkaan waxaan tusaale u soo qaadaneynaa kitaabkii Ani.
Buuggii Badbaadada ama Xersi-xirka Ani - The Papyrus of Ani.
Ani wuxuu ahaa shaqaale u shaqeeya boqortooyada qaasatan kuwooda wax qora wuxuuna noolaa qarnigii 13-aad ka hor dhalashadii Ciise, kuna noolaa magaaladii loo yiqiin Thebes ee dalka Masar. Halkaan waxaan ka soo gudbinayaa kitaabkiisii badbaadinta ee uu u qortey inuu ku badbaadiyo ruuxiisa "naftiisa" kadib marka uu dhinto si uu u helo nolol joogto ah "khuluud" Kitaabka Ani wuxuu sawirey aragtida halka ay naftiisa mareyso bilow ilaa dhamaad waxaana kitaabkan la ga heley qabrigiisii.
Ani safarkiisa aakhiro wuxuu bilaabmayaa marka uu dhinto. Jirkiisa waxaa mummyfied gareynaya wadaado kuwaas oo ka bixinaya xubnihiisa gudaha oo dhan aan ka aheyn "wadnaha", maxaa yeeley Masaaridii hore waxey aaminsanaayeen in wadnuhu yahey hooyga dareenka, xusuusta iyo caqliga. Hadaba qeybta ugu muhiimsan imtixaankan Ani marayo ayaa ah miisaamidda wadnaha. Maadaama wadnahu uu xasuusan karro falal dembiyadii iyo wannaagii marxuunka soo sameeyey intii uu noolaa kuna marqaati furri karro ayaa keentey inuu Ani Bardiga ama kitaabka badbaadinta Marxuumka u sameysto si uu wadnahu uusan u sheegin ama uusan u ga hor imaan is difaaciddiisa marka uu ilaaha weyn hor tagayo.
Halkan waxaanu soo qaadaneynaa maxkamadda weyn ee Ani marayo taa soo ka kooban labo qeybood kadib hor istaagista 42 ilaahyo yaryar oo mid walba Ani uu ku hor sheegayo inuusan sameyn dembiyo ilaa 42 nooc ah loona yaqaan declaration of innocence iyadoo u qoran nooca "ma sameyn sidaas" "negative confession"
Taa kadib, sida sawirka bardiga ama buugga xirsi xirka ka muuqda, waxaanu aragnaa ilaah Anubis oo gacanta haaya marxuum Ani. Anubis waa ilaaha marxuumyada hagga. Kadib Ilaah Anubis wuxuu bilaabayaa misaamidda acmaashii marxuumka isagoo saaraya qalbiga marxuumka dhinac ka mid ah miisaanka, dhanka kalena wuxuu saarayaa baal shimbireed oo matalaya Ilaaha Caddaalladda. Miisaanka hoostiisana waxaa ahaadey xayawaan aad u cabsi badan oo isugu dhaffan yaxaas, libaax iyo jeer wuxuuna meesha u fadhiyaa si uu u cuno qalbiga la miisaamayo haddii uu qalbigaa ku raran yahey dunuub badan. Misaanka dhinaciisa kale waxaanu aragnaa Ilaah Taxuut(Thoth) oo gacanta ku haya qalin iyo waraaq si uu u qoro acmaasha marxuumka. Hadaba haddii ay acmaasha marxuumka wanaagsanaato wuxuu u gudbinayaa Ilaah Xuuris (Horus) oo ah wiilka Ilaah Osiris. Haddii ay acmaashiisu xumaato oo uu wadnihiisu cuslaado miisaankana hoos u dejiyo waxaa cunaya xayawaan foosha xummaa ee hoos fadhiyey miisaanka, Sida meesha ku cad, marxuum Ani wuu ku guuleystey miisaankii wadnaha, Ilaah Taxuutna wuxuu marxuumka u gudbiyey Ilaah Horus oo ah wiilka Ilaah Osiris.
Sida aanu ka aragno bardiyada ama farshaxan-gacmeedka buuga dhimashada, Osiris waa nin korkiisu cagaaran yahey, xiran dhar cad kursina ku fadhiya. Sida muuqata Ilaah Osiris waxaa gadaashiisa taagan naagtiisa Isis ahna walaashiis iyo gabar kale oo la yiraa Naftis. Waa imtixaankii ugu dembeeyey oo lagu go'aaminayo halka uu marxuum Ani ku dembeyn doonno.
Marxuum Ani markuu hor yimaado Ilaah Osiris isaga oo khushuucsan ayuu wuxuu bilaabayaa amaanta iyo weyneynsiinta Ilaaha Osiris. Wuxuu leeyahey marxuumku "Nabadi korkaada ha ahaato ilaahii weynaayow, Ilaahii runta ahaayow. Ilaahow hortaada waxaan soo istaagey anigoo khushuucsan si aan naxariis u ga helo darajadaada weyn, waxaan kuu gu imid inaan halkaan ka caddeeyo inaan raacey xaqqii kana fogaadey baaddilkii, cidna ma dulmin daalimiina miciin ma siinin, Rabbiyow sinno kuma dhicin, indhaheygana iima geynin inaan u shahwoodo dumarka qaraabadeyda, Rabbigeygii Osirisow, weligey gacanteyda iima geynin inaan wax xado, beenlow ma noqon, qayaano ma sameyn, Ilaaheygii weynaayow dad ma aan dilin mana ka shaqeyn inaan qof dilo, Macaabidyada kama xadin cunto, faaxisho ma sameyn, muqaddasaadkana ma burburin, misaan dad kuma dhicin. Rabbiyow waxaan ahey qof daahir ah oo ceeb kasliin ah wax walbana waxaan ka ahey dembilaawe ee Ilaahow ii oggolow in aan noqdo sida kuwa la jecel yahay ee ku jira sugnaantaada, Ilaaahow, rabbigii aad loo jeclaayow, naxariistaada i gelli".
Halkaa waxaa ku dhamaanaya Maxkamaddii Ani iyo isagoo loo oggolaanayo inuu u gudbo noloshii daa'inka aheyd ama jannada.
Maxaa idiinka baxey?
Aniga dhowr arimood ayaa iiga baxey oo ay diintii Masaaridii hore ay isa ga mid yihiin diinteena Islaamka iyo midda Masiixiyaddaba. Aan xasuusnaano in diintii hore ee Masaarida ay aad u ga fac weyn tahey diimanka Abraahiimiyada sida Yuhuudda, Misiixiga iyo Islaamka. Waxaa taariikhda ku xusan in qoraalkii u gu horeeyey buugga dhimashada the book of the dead la heley 3150 BCE yacni ciisa hortiis. U gu dembeyn, garan maayo haddii qof iiga horeeyey oo heley isku ekaanshahaan diimanka qaasatan tan islaamka.
Islaamka iyo diinta masaaridii hore - labadaba waxey isaga eg yihiin in
B- Nolol dembe ay jirto -
T- In leys xisaabinayo oo Ilaah la hortagayo
J- Weyneynta iyo amaanista Ilaah iyo u qushuucsanaantiisa
X- Camalka wanaagsan in janno la gu galayo sida quraankuna sheegeyo kan xun-na naar
إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات كانت لهم جنات الفردوس.
Q- In wadnuhu ama qalbigu uu muhiim u yahey labada diimoodba -quraanku wuxuu leeyahey aakhiro jannada waxaa galaya ciddii qalbi nadiif ah la timaad... إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
Sidoo kale waxaa jirey xaddiis uu rasuulku cs la ga wariyay Ilaahey ma fiirinayo sidaad u eg tihiin iyo xoolahaad haysatiin laakiin wuxuu fiirinayaa qalbiyadiina iyo acmaashiina.
((عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ اللَّهَ لا يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ )). [ متفق عليه ].
Sidoo kale Ilaah ciddii uu doono inuu haddeeyo qalbigiisa ayuu u furraa
فَمَنْ يُرِدِ اللَّهُ أَنْ يَهْدِيَهُ يَشْرَحْ صَدْرَهُ لِلْإِسْلَامِ ﴿١٢٥ الأنعام﴾
Ilahow qalbiga noo fur ama noo hagaaji قَالَ رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي ﴿٢٥ طه﴾
iyo kuwo kale oo badan oo ka hadlaya muhiimadda qalbigu uu leeyahey maalinta aakhiro
D- in acmaashaada maaalinta qiyaamo la miisaamayo... waanu aragney miisaankii wadnaha marxuum Ani oo lala miisaamey Ilaaha caddaaladda, hadaba quraanka iyo axaadiista maxey ka yiraahdeen miisaanka acmaasha....
Quraanka...
sura Qaarica
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ (6) فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَة(7) وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ (8) فَأُمُّهُ هَاوِيَةٌ (9)
qofkii acmaashiisa wanaagsan cuslaato nolol wanaagsan buu galayaa (janno) kii ay acmaashiisa qafiif noqotana naar buu galayaa
وَنَضَعُ الْمَوَزِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَمَةِ
And We will set up a just balance on the day of resurrection… (21:47)
Misiixiga iyo Diintii Masaaridii Hore - Labadaba
1 - Nolol dembe iney jirto
2 - In Ilaah la hortagayo iyo rumeyntiisa
3 - Weyneynta iyo amaanista Ilaah iyo u qushuucsanaantiisa
4 - Camalka wanaagsan in janno lagu galayo kan xun-na naar
5 - Misiixiyiinta iyo Masaaridii horeba waxey iska shabahaan:
Ilaaha Aabaha - masiixiyiintu waa "The Father" Masaaridii Horena waxaa la mid ah Osiris oo ah aabihii wiilka Ilaah Horus.
- Ilaaha Masiixiyiinta wuxuu soo direy wiilkiisa Jesus, halka Ilaaha Masaaridii uu soo direy wiilkiisa Horus.
6 - Labaduba aabaha iyo wiilku waa isku mid (hal Ilaah)
7- Labaduba aabaha lama gaari karro iyadoon wiilasha la soo marin sida kitaabka xersi-xirka marxuumada ka muuqdey naf walbaba markey ka soo gudubto imtixaanada kale oo ay soo gaarto kii u dembeeyey (final judgement) wiilka Ilaah Horus ayaa uun u gudbin karra Ilaah Osiris...
Bibleka wuxuu leeyahey ama uu Jesus leeyahey annigaa jidkii ah, annigaa runtii iyo noloshii ah, cidna aabaha uma tegi karto iyada oo aan aniga i soo marrin...
John 14:6 Jesus answered, "I am the way and the truth and the life. No one comes to the Father except through me.
- Taariikha Horus aad ayey u shabahdaa taariikhdii dhalasho ee nabi Jesus cs adinkaba bal baara ee arka sida ba'an ay isugu dhow yihiin...
8 -Maxkamadda u dembeyso ee Ani isku isdifaacayo Ilaah Isiris hortiisa waxaa nooga cad hadalada uu marxuum Ani isku difaacayo iney ku jiraan dhamaan tobankii dhaxal ee Nabi Muuse u keeney reer Bani Israa'iil ama the Ten Commandments...
Raad-raac:
https://www.youtube.com/watch?v=v59VgNJS4Cs&feature=share
https://en.wikipedia.org/wiki/Book_of_the_Deadpp
http://www.bardo.org/ani/
Papyrus of Ani
Egyptian Book of the Dead
240 BC
THE PAPYRUS OF ANI
(THE EGYPTIAN BOOK OF THE DEAD)
Translated by E.A. Wallis Budge
Book of the Dead: Becoming God in Ancient Egypt
Edited by Foy Scalf
Isku halaynta beenta ah ee qofku uu dareemo marka uu istimcaalayo Baraha bulshada, taas oo uu ka talaabo xuduudo aan ka talaabi Karin sida caadiga ah, dhiranaaan taasina ay ku kalifto waxyabo aan la mahadin.
Labada xad gudub ee u gu badan ee ay samayn waxay yihiin.
B. Macluumaadka shakhsiga ah.
T. Iska hadalka aan ku dhisnayn fikirka.
Baraha bulshadu marnaba ma turjumaan nolosha dhabta ah ee qofka, dadkuna way aaminsan yihiin inay tahay xaqiiqo, balse sawirada, muuqaalada, iyo qoraalada, ayaa sida aadka u faafo aaminsanaantaas.
Dadka aad sida fiican u garanayso ee tafaasiisha noloshooda ay hareeraysay Rafaadka, kadeedka iyo loolalka noloshu, marka uu soo dhigo muuqaalo iyo qoraal dhal dhalaal badan way ku khiyaameeyaan waxyaabahan ay kusoo faafiyeen baraha bulshada iyagoo xambaarsan fariin ka gaddisan noloshooda dhabta ah.
Arintoo sidaas ah ayaynu dhex dabaalanaa, hambalyooyinka, tamashlaynta, guulaha nolosha, muuqaalada iyo erayada aad ka u baaha, nafateenana uma sheegno noloshu inay sidan ka gaddisan tahay.
Dareenka koobaad wuxuu naftaada galiyaa tartan bulsho oo been ah halka dareenka kalena uu ku dareensiiyo inaad tahay qof liita ama aan dadka la jeclayn wax wanaagsan, adigoo leh waxaas oo “post” ahi suuro gal maaha inay been noqdaan. Labadan dareenba waxay qalalaase iyo saamayn xun ku yeelata nafta.
Qofkan daba cararaya Postiyada beenta ah, waxa kala fogaanaya shakhsiyada uu u soo bandhigo bulshada, iyadoo inteeda baddanina ay rumaystaan iyo shakhsiyada dhabta ah ee uu isagu garanayo, markasta oo ay kala fogaadaan labadan shakhsiyadoodna, waxa adkaata inuu ka noqdo shakhsiyada beenta ah ee uu soo gudbinayo, taasina ay ku beerto murugo hor leh. Waxaanu ehelkiisa iyo saxiibadii ka door-bidaa dadka kale een aqoonta u lahayn si u u xoojiyo dareenka uu ka qabo naftiisa ku dhisan beenta.
Waxa jira dabin lagu dhaco oo ah; wax ka qoridda nafta, wax-yaabo farxad leh adigoo ku jira xaalad addag ama cakiran inay kor u qaado macnawiyaadkaaga, faalooyinka dhiiri galinta ah iyo Likes faraha badanina inay siinayaan Tamar kor u qaada. Xaqiiqaduna waxay tahay inay boogtii kusii damqato.
Wuxuu ka qorayaa naftiisa waxyaabo farxad leh, markaas ayuu kala kulmaya bulshadii ammaan iyo dhiiri galin baddan taas oo kor u qaadaysa “Dopamineta”, daqiiqaddo ka dibna wuxu ogaanaya xaalka uu ku jira inuu ka gaddisan yahay kan ay bulshadu ku dhiiri galinayso. Markaas ayuu kordhayaa dareenkiisa ah inuu naftiisa khiyaamaynayo, faalooyiinkan ammaanta ah iyo Likes kan badanina waxay ku noqonayaan Culays, murugona way ku abuuraysa, isagoo dareemaya in aan dadkani fahmaynin lana soconina xanuunka u dareemayo. Isagoo naftiisa ka gudbinaya fikrad khaldan taasina ay keentay inayna la wadaagin xanuunka uu qabo.
Baraha bulshadu waxay inta badan yihiin goobo la isku difaaco ama lagu gudbiyo tabo/xeeladu nafta lagu difaaco iyagoo leh halistooda. Tusaale ahaan; shaqaalaha shaqadiisa ka gaabiyay kadibna hadal kulul kala kulmay maamulihiisii, waayayna daliil uu cuskado. Qofkaasi galabtii wuxuu ku soo qorayaa Facebook “ Shaqadu waa Addoosiga casriga ah” sida dhabta ah qofkaasi wuxu rabaa inuu soo qoro Maanta waan is difaaci kari waayay. mana aqoosani gafkaan galay.
Sida dhabta ah dadka inta badan ogaal uma laha waxa ka danbeeya. Sidaas darteed halkii u ka sixi lahaa gafkiisa wuxu isku ilawsiinayaa faalooyinka fiican iyo “LIKE” faraha badan.
Gabadha ay isku dhaceen ninkeedii, ayay soo galinaysaa Facebook sawir, inta ay Make-Up lagu faro yaraystay soo marsatay ayay iska qaaday ku dhawaad konton sawir iyadoo la gu galayo goobo iyo xaglo "anagles" ka la duwan ka dibna la gu qurxiyay Filters, kalana tashatay dhawr haween sawirka ay soo galin lahayd Facebook, kuna soo qortay “Raggu, gabadha uma qadariyo sidii loo baahnaa. ragga soomaaliyeed Romance ma aha”, dhalintu ma oga ujeeedka la ga leeyahay. Isla markaana sawirkii la ga bixiyo hadalo amaanaya quruxdeeda iyaduna is dareensiiso faxad mala-awaal ah, taasina xal uma noqonayso khilaafki dhexyaalay iyada iyo ninkeeda.
Waxaas oo dhami waxay abuurayaan inuu qofku ka xuubsiibmo Runta, qiimaha, qadarinta, xallinta caqabadaha iyo hal karnimada iyadoo baraha bulshadu ay ku siinayaan xumad jabin wakhti yar ah.
Waa fagaare qof waliba qofka kale uu been u sheegayo, maalintii imisa jeer ayaad aragtaa dad dhaleecaynaya Jacaylka, aragtida guurka, aragtida dhalmada iyo kala duwaanshiyaha bulsho.
Noloshan ay abuurtay Baraha bulshadu waxay keentay inuu kordho nacaybka qofku uu u qabo naftiisa, mida uu u qabo ehelka iyo bulshadaba iyadoo taasina ay tahay dhimasho wadareed, waayo waxa dhimanaya Mabadi’dii bulshada taasina ay keenayso in bulshadu ay noqoto mid tiro ahaan nolaata balse aan wax saamayn ah ku yeelanin deeganka iyo dunidaba.
Habeenka u gu horeeya, waxaad dareeemi inuu-san habeenkani kuu dhaafayn si dhib yar, noloshuna kaligaa kusoo wajahayso, habeenkuna aanu u madoobayn sidii caadadiis ahayd, xasiloonida laftigeedu ay tahay buuq, gogoshaaduna u eegtahay iil qabri bustaahaguna sidii karfan yahay, qalbigaaguna lurmi doono, oohintaaduna holac ayay ka dhigantahay, waxaad nici-doonta iftiinka dayaxa iyo canaanta waalidkaa, cunada kuma dha-dhami doonto, biyuhuna haraad kaama bi’yaan. Waxa kuu muuqan doonta in cirka kuu dhawyahay, afarta dhinac ee qolkaa gu ka kooban yahay ma qaadi karaan waxan oo buuq iyo sawaxanna ah. waa buuqa iyo sawaxanka kaa dhex guuxayee waxaad dareemi inaad kali tahay, bales se cidna ha miciin bidin, gaar ahaan habeenka u gu horeeya, hana seexan goor hore, waayo waa halka uu is-dhiibku ka bilaabmo, hana dhihin waan badd-qaba, hana akhrisan waraaqihii hore, sababto ah baali-yoobeen. Ha dhagaysan hees, god bay ku gu ridayaane, hana daawan filim, waayo dhamaadkoodu waa mala-awaal, hana akhrisan buug, waayo dhibta ku saaran ayaa ka wayn, hana cunin dawo, ileen xanuunkani maha mid la garanayo boogtiisa ee.
Xariirku maha sida Guluf dagaal, hana isku diyaarin inaad eray tiraahado, ha dhihin eray. Aamus, aamusnaanta ayaa wax kasto ku filan.
Bales habeenku wuu ku dhaafi doona, noloshuna maaha cadowgaaga kobaad, habeenkuna sidiisaba waa madow, xasilooduna waa daganaanshiyo, bustahaaguna waa diirimaad. Qalbigaaguna dar-dar galin ayuu u baahan yahay, ilma-daaduna si kasta oo ay u kululaato kuma gubayso, canaanta hooyadana waa jacaylka dhabta ah, cunaduna waa macaan, biyo moyaane wax kalena ma bi’yaan haraadka, qolkaagga waa ka balaaran yahay adiga iyo sawaxanka ku gu gadamaanba. waanada badd-qabtaa, nabadna waad ku naaloonaysaa. Habeenka u gu horeeya qaar baddan oo nabad galay ayaa jirra. Aad bay u baddan yaniin.
Waa maxay xijaab.? Nafisa isse abbaayo halkan ba weydiimahii iyo doodda xijaabka ku gu soo fur-furay si aad u fahamto quranka waxa oo xijaabka u yaqanno iyo raga culumo ah waxay u yaqanaan ka bog.
Marka koowad aad erayga xijaab isaga oo lebis ku saabsan kuma soo aroorin quraanka, in culimadu marka ay ka hadlayaan lebbiska gabdhaha ay cinwaan u ga dhigeen erayga xijaabna waxay keentay inay fidiyaan fahan aan quraanku qabin oo ah in gabdhaha nuurka laga qariyo ragguna sidii uu doono u lebbisto.
Hadi aan dib u fiirinno aayadaha ku soo arooray asturaadda, aayadda 31ee suuradda al-nuur waxay xaddidey in dumarku dharka ka xirtaan inta u dhaxaysa garbaha iyo canqawyada cirbaha korkooda. وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ (31
Aayadda 59 ee suuradda al-axsaabna waxay amartay dumarka inay dharka u dhoweeyaan korka macnaha inaan la xirran dhar balaf-balaf ah oo qofka cawradiisu ay faydmayso hadi dabayli timaado ama aan dhaxanta celinayn.
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لِأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِنْ جَلَابِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَنْ يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا
Aayadda 6aad ee suuradda al-maa’idana waxay caddaysay inta la ga waysaysano rag iyo dumarba sida wejiga, madaxa, gacmaha ilaa suxullada iyo lugaha ilaa canqawyada oo ah inta aan la amrin in dumarku qariyaan, taasoo la ga qaadanayo arrimaha soo socda;
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ ۚ وَإِنْ كُنْتُمْ جُنُبًا فَاطَّهَّرُوا ۚ وَإِنْ كُنْتُمْ مَرْضَىٰ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَاءَ أَحَدٌ مِنْكُمْ مِنَ الْغَائِطِ أَوْ لَامَسْتُمُ النِّسَاءَ فَلَمْ تَجِدُوا مَاءً فَتَيَمَّمُوا صَعِيدًا طَيِّبًا فَامْسَحُوا بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُمْ مِنْهُ ۚ مَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ حَرَجٍ وَلَٰكِنْ يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمْ وَلِيُتِمَّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ﴿٦﴾
B. in raggu asturayaan inta dumarku asturayo in la mida.
T. in dumarku bannaynayaan in le'eg inta raggu banneeyo.
J. in aayadda 31 ee suuradda al-nuur iyo aayadda 6aad ee suuradda al-maa'ida yihiin laba aayad oo is kamilaya oo midi ku tusayso inta la asturayo midna inta la bannaynayo, taasoo ka dhigan inaan la kala saarin ragga iyo dumarka marka laga hadlayo xagga dhar xirashada.
X. in xadiiska ka hadlaya in dumarku qariyaan korka oo dhan marka laga reebo wejiga iyo calaacalaha (gacanta inta wax lagu qabto) inuu yahay xadiis daciif ah oo ka hor imanaya quraanka.
Gunaanad;
In ragga la ga xarrimo wax u bannaan ama dumarka laga xarrimo wax quraanku u banneeyey waxay daliil u tahay in farqi u dhexeeyo fiqiga inoo qoran iyo quraanka, taasoo ay ka dhalanayso su’aalaha soo socda sida ma fiqigaan raacnaa mise quraanka?, maxaa se keenay inay is khilaafaan?, sidee uga xoroobi karnaa fiqi khilaafsan quraanka iyo kuwa kale, waana mas’uuliyad qof kasta saaran loona baahan yahay inuu ka qaato wixi uu awoodo.
صدَّع أهل التناقض رؤوسنا بقولهم أنّ الحكمة من غطاء الرأس ( الحجاب ) هو العِفَّة والحشمة.
ولم يقولوا لنا لماذا كانت الإماء خلال 14 قرنا في العالم الإسلامي لا يضعنه اطلاقاً
وهل بنات الروم والفرس والترك لا يثرن الفتنة وغير مطلوب منهنّ الحشمة والعفة !!!
"وَالْحِجَابُ مُخْتَصٌّ بِالْحَرَائِرِ دُونَ الْإِمَاءِ كَمَا كَانَتْ سُنَّةُ الْمُؤْمِنِينَ فِي زَمَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَخُلَفَائِهِ أَنَّ الْحُرَّةَ تَحْتَجِبُ وَالْأَمَةُ تَبْرُزُ " انتهى من " مجموع الفتاوى " (15/372) .
"وَكَانَ عُمَرُ إذَا رَأَى أَمَةً مُخْتَمِرَةً ضَرَبَهَا وَقَالَ : " أَتَتَشَبَّهِينَ بِالْحَرَائِرِ أَيْ لَكَاع ؟ " فَيَظْهَرُ مِنْ الْأَمَةِ : رَأْسُهَا ، وَيَدَاهَا ، وَوَجْهُهَا " انتهى من "مجموع الفتاوى" (15 /372) .
قال ابن عثيمين في شرحه على زاد المستنقع : " الأَمَةُ - ولو بالغة - وهي المملوكة، فعورتها من السُّرَّة إلى الرُّكبة، فلو صلَّت الأَمَةُ مكشوفة البدن ما عدا ما بين السُّرَّة والرُّكبة، فصلاتها صحيحة، لأنَّها سترت ما يجب عليها سَتْرُه في الصَّلاة. وأما في باب النَّظر: فقد ذكر الفقهاءُ رحمهم الله تعالى أن عورة الأَمَة أيضاً ما بين السُّرَّة والرُّكبة"