Stories by Kawthar Ahmed on Medium
Erigavo General Hospital-Maternaty ward, Photo credit: Kawthar.
Waa casar liiq maalin arbaca ah bilowgii maarso ee 2023. Waa waddada beerta xorriyadda. Waddada ugu dhirta dhaadheer uguna quruxda badan magaaladda. Iftiinka qoraxda ee dahabiga ah ayaa ku baahay dhirta dhaadheer ee cagaaran ee ay waddadani leedahay. Dhirtaan qadiimiga ah ee aan isbeddelin gu’ iyo jilaalba. Galabta hooyo Hagarla ayaa hoos lugaynaysa waddadan quruxdan leh dhirteeduna waxay u samaynay hoos iyo hadh.Neecaw qabow ayaa dhacaysa oo caleemaha dhaadheer ee dhirtan isku garaacaysa, qabow maaha, kulna maaha se waa jawi diiran oo aad u macaan.
Had iyo jeer, habeen iyo maalin waddadani waxay u muuqataa mid nool oo kale iyadoo aanay ka dhamaan dhawaaqa shinbiraha, ciyaarta iyo qosolka caruurta waddada dhinaceeda deggan ee aan waxba ka ogayn xilalka nolosha ee kala duwan. Waddadani waxay la jaal tahay caruurta dugsiga iyo malcaamadda ku socta ee had iyo jeer jidka kusii qayba casharadd iyagoo uwada socda si talan-taalli ah, waxay la jaal tahay waayeelka had iyo jeer masjidka geeskeeda ku yaal u socda. Waxay la jaal tahay ciidamada kala duwan ee ay halbowlaha ay u tahay. Galabta se waxay jaal la tahay hooyo Hagarla. Waxay si qunyar ah oo miisaaman u soo socotoba saacaddu waa shantii galabnimo wax badan ma dheera waxay soo gaadhay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo gaar ahaan waadhka umulaha, waxayna siddaa uurkeedii siddeeddaad ilaa shalayna waxay dareemaysaa in loo hayo sidii fool oo kale.
Hooyo hagarla indhaheeda qotada dheer ee naxariista leh waxa ka muuqda daal iyo soo jeed badan, jidhkeedana waxa ka muuqda qalayl iyo midabkiisa oo cawlalaad noqday. Wejigeeda waxa ku xardhan liidadka adkaysiga iyo hooyonimadda haweenayda soomaaliyeed u gaarka ah. Waa haweenayda ku nool nololo badan hal wakhti, wejigeedu wuxuu xanbaarsan yahay deganaansho ay ku hoos jiraan badwayn dareeno ah sida; welwel, rejo, amusnaan, jacayl aan weli la muujin, adkaysi aan la loodin karayn iyo sheekooyin aan weli la sheegin. Run ahaantii dhabta foolkeeda waxa ugu wayn ee laga akhrisan karayey waxa ay ahayd dareenka jacaylka ee hooyonimadda. Waxay sugaysaa shaybaadhada kala duwan ee laga qaaday waxay soo fadhida sariirta waadhka dhalmada iyo dhalaanka. Waadhkan waxa ka hawl gala astaanta naxariista, dadka duruuf iyo culays kasta oo haysta laga oolin, dadka dhexdeenna xaquuq badan ku lahayn, xaquuqda ay leeyihiinna siyaabo badan oo kala duwan loo lunsado badankeeda, dadkaasi waa iridda jiritaanka waa hooyada aan la aqoonsanayn, waa umulisada:
*Hooyo aan la aqoonsanayn Hooyo aan la ogayn
*Hooyo aan la astayn haddana aan laga oolin Umulisooy adigaa ah,
*Ooridii dihaneysaa Markay foosha eryayso tay ku eeraneysaay,
*Astaantii naxariista Umulisooy adigaa ah…
Hubin dheer iyo shaybaadhadii kala duwanaa ee laga rabay waxa hooyo hagarla u soo dhamaysay umulisada, natiijadiii shaybadhadeedu waxay noqdeen in la dhigo waadhka, maadama juuc juucani fool horteed yahay, garaamka dhiiga jidhkeeda ku jiraana uu hooseeyo. Habeenkii waa dumay, waa habeenkii ugu horaysay waadhka hooyo Hagarla shaqaalaha umulisooyinku aad ayey uga werwersan yihiin oo ugu baqayaan in uu caqabad ku keeno garaamka dhigeeda ee hooseeya. Waa ay u ducaynayaan una dedaalayaan marwalbana xaalkeeda ayey hubin ku samaynayaan, Waadhka waxa iyana ku foolanaya bukaano kala duwan oo kala dabaqado ah balse hooyo Hagarla ayaa ugu tamar yar.
Dumarka waadhka isagu yimi mid uurley ah, mid xaalad caafimaad oo kale u jiifta iyo mid caawinaysa dumarka uurlaydda ahba sheekadoodu waxay ku saabsan tahay uurleyda iyo khibradaha kala duwan ee ay u leeyihiin arrimahan, waxa sheekadooda ku lammaan oo meesha ka maqnayn dhaqankooda gobonnimada leh ee kasoo dhexeeyey ilaa quruumo sabaan hooyooyinka soomaaliyeed oo ah is cawinta, si gaar ah ayey isku caawiyaan mararkan, dareen iyo dufan toona iska lama bakhaylaan, ta keligeed foolata mid waadhka in ay bukaan kale hayso u timi ayaa caawisa,waa caawimaad kasoo dhexaysay ayeeyo ka ayeeyo waa halka marka ay goobaha sitaadka iskuugu yimaadaan iskaga boorin jireen qasiidooyin ku saabsan cawimaada iyo tooda tamar darran in la caawiyo:
*Naa tiina xaaska ah ku xurmeeya baa la yidhi,
*Middiina dhali wayda u dhabreeya baa la yidhi,
*Dhallaankiina u diroo dhawra baa la yidhi,
*Oo naa waa is dhaantaane, isu dhiiba baa la yidhi.
Dumarku waa isku dareen uun meel kasta iyo xaal kasta haku sugnaadeene, iyaga uun baa is dareema. Waxay noqotay saqdhaxe abaaro 1:30am habeenimo waadhka waxa laga dhex maqlayey jaanta shaqaalaha umulisooyinka iyo dihashada hooyo Hagarla se intaasba waxa maqlayey haweenka fool nacastu hayso ee waadhka jooga mid weliba sariirteeda ayey madaxa kala soo jeeday oo aragtaa in hooyo Hagarla fool dhab ahi hayso, mid waliba gaarkeeda ayey ugu ducaynaysaa. Halkan markay soo gaadho ducadu waa shayga ugu wayn ay isu huri karaan.
Tabcaan, daal, soojeed iyo hawl adag kadib abaaro 2:30am habeenimo waxa dunida si caafimaad leh u yimi ilmihi siddedaad ee hooyo Hagarla. Waa Cawad, hooyo wahelkeeda u wayni ahaayeen umulisooyinka waxa hadda wehelinaya wiilkeeda Cawed, intaanay ka fekerin nafteeda ayey isaga ka fekeraysaa, iyadoo weli madheertii ku jirto ayey xaalkiisa wersanysaa waa summad hooyo walba oo qolka dhalmadda soo martaa caan ku tahay. Si nabad iyo caafmaad ah ayaa Hagarla iyo wiilkeedii Cawed ugu noqdeen sariirtoodii iyagoo labo ah, hooyooyinka waadhku hore ayey ula socdeen ilmadii kowaad ee Cawed aad ayey hooyo Hagarla ula faraxsan yihiin.
Waadhkan iyo sariirihiisu waxa ay kulansadaan kumanaan sheeko iyo dareen oo aan la sheegin, dareeno faraxadeed iyo kuwo murogaba wata, dareeno ay ugu wayn yihiin hooyo ilmaheedii ka saqiiray,mid uu ka qubtay mid madheertu ka dabcacday, mid dhiig bax ku yimi, mid dhowr cisho foolanaysay intanba iyo in ka badanba dugsigooda weeye waadhkani, dareemaha kala duwan ee aadamaha ayaa qurux u yeela nolosha se waxa ugu macno wayn dareenadaas dareenka hooyada soomaaliyeed,saakana waxay dugsi u yihiin dareenka hooyo hagarla iyo wiilkeeda cawed!
Subaxnimadii horeba hooyo hagarla waxay bushaarada wiilkeeda la wadaagaysaa ehelkeeda iyo jaarkeedii iyagoo telefoono kala duwan u soo diraya lana wadaagaya hambalyada,farxadiyo rejo ayaa ka muuqda indhahedii daalanaa ee aan seexan,Cawedna saakaba waxa uu dugsanayaa tafta hooyadii, dirac dugaal iyo dugsiba hooyo tafteeda ayey ahaatay;
*Hooyoy taftaadaa,
*Dugsi laga helaayoo
*Hooyoy dhabtaadaa,
*Hurda lagu gam’aayoo
*Hooyoy dushaadaa,
*Nabad lagu helaayoo
*Waxa lagu halmaalaa,
*Hooyo ababintaadee
*Hayin lagu badhaadhaay,
*Hogol lagu qaboobaay
*Gogol lama huraaney
Postpartum depression
Illustration by Jaume Vilardell for Yahoo Style
Hooyada waxa soo food saari kara xaalado nafsadeed oo ku iman kara dhalmadda kadib ama inta ay uurka leedahay xaaladdahaas waxa kamid ah niyad jabka ama qulubka dhalmada kadib.Depressionka ama qulubka dhalmada dibadeed waa xaalad ku timaadda hooyada xilliga uurka ama dhalmada kadib saddex usbuuc ilaa afar usbuuc kadib dhalmada,qulubka dhalmadda kadib Waxay daraasaduhu sheegaan 7 — 10-kii hooyo ee ilma dhalaa in ay mid kamida ah la tacaalayso.
Xaaladdani badanka hooyooyinka cusub ayaa la kulma sideedabana waa xaalad iyo dareen cusub oo farxadeed sugista iyo soo biirista ilme cusub,xilliyadaas hooyada waxa ku iman kara culaysyo nafsadeed maadama ay ku jirto xaalad kala guur (transition stage) una guurayso marxalad cusub oo hooyonimo, hooyada isbeddelo dhowr ah ayaa ku dhaca waxana kamid ah isbedelka Dheecanadeeda jidheed (estrogen and progesterone) oo si degdega hoos ugu dhacaya,waana xaalad saamaynaysa hooyada dhimirkeeda iyadoo luminaysa caadi ahaanteedii ama guud ahaanba habdhaqankeediibam.
Calaamadaha lagu arkayo hooyadda ama ay dareemayso marka xaaladdani ku timaaddo:
· Isbeddel dareemeed, hooyada dareemadeeda oo noqdo kuwo aan meel lagu soo hagaago lahayn sida oohin badan ama qosol badan.
· Inay lumiso hooyadu xiisaha iyo rabitaanka wax kasta.
· Waxay dareemay hooyadu nugayl, karti iyo tamar la’aan.
· Waxay dareemay Cabsi ay ka baqayso wax aan lagaranayn,
· Hurdo badan ama hurdo la’aan ba’an.
· Abateed la’aan darran ama cuntada oo ay saa’id u cunto.
· Waxay dareemay Murug badan.
· Awood uma laha inay ilmaheeda caadi ula dhaqanto sidii qof wayn oo kale ayey ula dhaqmay .
· Shaki badan iyo cabasho aan la garanayn.
· In ay ku fekerto in ay doonayso in nafteeda wax yeelayso ama ilmaheedda.
Inahaas iyo qaar kaloo badan ayaa lagu arkaa hooyadaas xanuunkaasi haleelo.
Maxaa ku keenni kara xaaladdan hooyada:
· Daraasaadka laga sameeyey xanuunkan waxay sheegaan Dheecannada jidheed ee hooyada oo isbeddela xilliga dhalmada (estrogen and progesterone) si degdegana hooyada dheecanadeedii dumarnimo hoos ugu soo dhacaan.
· Hooyadu in ay balwad leedahay waa keeni kartaa
· Hore haday hooyadu u lahayd ama u haleelay xanuunka qulubku.
· Habdhaqankeeda oo isbedelaya oo dadka ku xeerani ku adkaanayso inay la dhaqmaan.
· Dheecaanka qanjidhka loo yaqaan tyroid-ku in uu hoos u dhaco ama sarre u kaco.
· Xanuun ama dhibaato soo gaadhay jidh ahaan sida hooyadu xiliga ay umulay inay meel cidla ah ku umusho ama cid khibrad leh iyad oo la joogin kadib dhaawac soo gaadho kaas oo maskax ahaan saameeya.
· Khalkhal ku yimaadda hurdadda hooyada.
· Inay hooyadu weydo caawimaad, duruufo nololeed haystaan sida mid dhaqaale inay lammaanaheedii dhib kala hayto.
· Ilme aan qorshaysnayn ama ilme sharci la’aan ku dhasha
Side loola dhaqmaa xanuunkan:
· In hooyo walba wacyi iyo warqab u leedahay qulubka dhalmada dabadeed.
· In lammaanaheeda iyo dadka ku xeeranni ku baraarugsan yihiin xaaladdan jirritaankeeda, lana dhayalsan saameynteeda.
· Bilowga hooyadu haday xaaladdan isku aragto waa in ay caawimo dalbataa.
· In hooyada la caawiyo hadii culays jiro sida in hawlaha maalinlaha ah laga caawiyo.
· Hooyadu waa in ay nafteeda daryeeshaa, cunto nafaqo leh qaadataa, hurdo ku filanna seexataa, nasasho ku filana qadataa.
· Hooyadu waa in ay la kulantaa cid aqoon u leh caafimaadka dhimirka ama maanka.
· Taageero iyo garab istaag wayn oo dhinac kasta waa in loo muujiyaa hooyada hadii xaaladani ku timaado.
· Markastoo xanuunkan hore loo ogaado waa markastoo qofku hore uga soo kaban karo bogsanna karo loogana baaqsado khatar maskaxiyan ah.
Waa Galab axad ah oo tariikhdu tahay 24\3/2024. 14 .ramadan .1445AH.
Waa duhur laga joogo dhowr iyo toban sanno oo aanay faadumo buugg iyo qalin is dulqaban, Qolkayaga shaqaalaha ayey ila fadhidaa. Dhakhtarku waa juuq iyo jaaqla, dhamaan waadhkayaga waa laga hurdaa labaddayada mooyee.
“Faadumo waxay ahayd Qof waxbaratay ganacsan jirtay, shaqaysan jirtay, illaa uu xanuun xagga maanka ka halleelay lasoo dersay kartideedii iyo nadaafad jacaylkeedii waa laga sii dheehan karaa illaa iyo hadda.Waxay baratay culuumta diiniga waana xaafidul qur’aanka, dhamaan waxa jidka geeddigeedaas joojiyey jirrada kala soo deristay xagga maanka.”Waxay leedahay dhowr sifo iyo dhaqan oo ay kaga duwan tahay baddiba bukaanadda kale.
Waxa kamidna ah:
1:Shay kasta waxay ku bilowdaa magaca
illaahay, kamana ay tegin ku dhaqanka bisinka iyadoo xataa xanuunsanay.
2:Waa qof ducaysa ilaa bukaanada kale kuu sheegayaan in ay duco la fadhido.
3:Way naxariis badan tahay heer ay ka fakarto bukaanadda kale.
4:Wax-bixinta — aad ayey wax u bixisaa waxa loo keeno waxay damacdaa in shaqaalaha iyo bukaanka ay wada gaadhsiiso.
5:Waa qof afgaaban way yartahay faadumo in aad afkeeda ka maqasho aflagaado.
6:Waa qof nadaafad miidhan intaas waxay amray in waxkasta la nadiifiyo.
7:Mararka ay khalad gasho cafis ayey dalbataa.
Intan iyo badan oo kaleba waa sifooyinka faadumo.
Galabta faadumo waxay u muuqataa qof Fool- debecsan marka xaaladeedu kacsan tahay waa qof fool-adag oo aan hadlin jawaabna bixin sideedaba xanuunka haya ayaa ku sababa rayn-rayn iyo farxad aan sababaysnayn halka wakhti yar ka bacdi uu bilcagsi isu bedeli karo.Caafimaad ayaa ka muuqda, socodkii badnaa waa uu ka yaryahay se hadalkii aan is haysan wey leedahay.Markay ii sheekeynaysay waxa aan si dhugmo badan leh ula socday sheekadeeda iyo caadifadeeda kun sheeko ayey iga sheekaysaa se hal mid uu baan ka fahmaa waa ducadda ay xifdisan tahay iyo aayadaha qur’aanka qaarkood marka loo laqimo, waxaan ku dirqiyeyey in ay mawduucaas iyo waxbarashadeedii uun iga warranto se marar badan ayey sheekooyin kale ka warramaysay.
Waxa ay faadumo ku libidhay Dunidaas Ducada, waxa ay qabatintay ducada ilaa iyo iyadoo la nool xanuunka dhimirka.“Waxa ay, aniga oo kasoo horjeedkeeda fadhiya ii akhriday ducooyin badan”waxaanan u sheegay intooda badan in aan garanayo se ducaddan hoos ku qorran annan aqoonin markaas ayaan ka qortay aniga oo buugga iyo qalinka iskor haya.
‎اللهمَّ ربَّ جِبرائيل، ومِيكائيل، وإسرافيل، فاطرَ السماوات والأرض، عالمَ الغيب والشهادة، أنت تحكم بين عبادك فيما كانوا فيه يختلفون، اهدني لما اختُلِف فيه من الحق بإذنك، إنَّك تهدي مَن تشاء إلى صراطٍ مستقيمٍ».
Waxa ay ii faahfaahisay ducaddan iyo xiligga la akhriyaa in ay tahay markaad salaada xidhanay in lagu ibo-furto ka hor inta aadan faatixada bilaabin.Baddanka dadka maanka ka jirran waxa lagula hadlaa afka amarrada: ‘’seexo.. fadhiiso…maydho.. qolkaaga gal.. liq dawda…Cun cuntada…iwm’’
Mararka qaar waa in la tusaa in ay muhiim tahay sheekadoodu iyadoo laga yaraynayo luuqadda amarrada xataa hadaadan hadalkooda fahmayn.Sawirkan hoose waa ereyo aan u yeedhiyey faadumo dhowr iyo toban sanno oo aanay buugg iyo qalin is dulqaban. Si dhugmo leh ayey wax u qoraysay oo ka fiirsi leh, eebbe caafimaad taam ah ha siiyo qof kastoo ka jirran maanka.
My ramadaan note 2024.🌙✍️
Dhakhaatiir cilmi nafsiga ku takhasusay ayaa sameeyey Daraasado kala duwan oo isku dhafan kuwaas oo lagu cabbiray doorka aragtida maaddiga, iyo doorka aragtida ruuxiga ee la xidhiidha farxadda qofka.
Taasoo ay ku sheegeen labada dhinac ilaha farxadda qofka aadanaha ah inay yihiin u jiritaanka maadi-nimada (Materialism) ama qofku in uu ujadadiisa kowaad ka dhigo helida lacag, hanti iwm una noolaado.
Iyo ruuxiniyadda(Spirituality).
Oo innaga inoo noqonaysa cibaadada oo ah shayga u sarreeya oo ah inaad wax kasta ujeedu cibaado u qabato iyo u dhowaansho illaahay swt.
Waana waxkastoo lagu kala saaro waxsan iyo wax xun waa meesha laga dareemo ruuxdu dadnimada iyo damiirka.
Daraasadan ayaa lagu sameeyey labo da’ oo kala duwan oo ah 1, 210 qof oo qaan gaadha. Da’ahaas oo kala ah.
(25–39years iyo 40–60years).
Natiijooyinka ka soo baxay ayaa soo jeedinaya in ruuxanimadu ay kobciso wacyiga shakhsi ahaaneed, oo ay ku dhiirigeliso inay qiimeeyaan oo caawiyaan dadka kale.
Waraysiyadu waxay sii sheegeen inaad ahaato qof maadiga uun u jira ama qiimeeyaa ay kuu keenayso maadigaaga maalinimo ama nololeed inuu dhisnaado se ay dhaliso ku qanacsanaan la’aan.
natiijooyinka ka soo baxay daraasaddan hababka isku dhafan ayaa tilmaamaya in iyada oo qiyamka maadiga ahi ay ka qayb qaataan farxadda, qiyamka noocan oo kale ah ma sii kordhinayaan farxadda shakhsi ahaaneed ee ka baxsan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolol-maalmeedka, taasoo ay xataa samayn ku yeelan karto aragtida mustaqbalka iyo farxadda ee fog.
Halka daraasadda ku ogaatay dadka waawayn ee hab ruuxiya wax u eega in ay ka farxad badan yihiin waliba farxad joogta ah oo aan ku meel gaadh ahayn.
Daarasaddu waxay sii dhex galay oo cadaynay tijaabooyinka ee aynu soo xusnay iyadoo aad uga sii sheekaynay farxada maadi-nimadda iyo ruux-nimadda ama ruuxiniyadda(Spirituality)
Kuwaas ay isla kasoo xigganay daraasaddo kala duwan oo qarnigii u danbeeyey la sameeyey.
Hadaynu si goos-goos ah wax uga xusno daraasaddan iyo kuwo kaleba waxay ka sheekaynay ruuxiniyadda(Spirituality) iyo
Maadi-nimadda meelaha ay xidhiidhka kala leedahay farxadda, ama inuu qofku ahaado qof bed qaba(well-being).
Waxay sameeyeen cilmi baaris ballaadhan oo ku saabsan maaddiga iyo bedqabka nafsada (psychological well-being) waxay sidoo kale xuseen dadka maaddiga oo keliya ku guulaysta kuna qiimeeya nolosha inay hoosayso badqabka nafsadoodu.
Kasoo qayb galayaashii daraasadda ku qiimeeyey guusha maaddiga oo keliya aad ayuu u hoseeyey hab dhaqankoodu bulsho ahaan iyo guud ahaanba.
Xogta laga soo ururiyey labada da’ood ba kuwa doorbidayey mar walba maadiga waxa la ogaaday inay aad u hosayso xakamaynta naftoodu ayna sarrayso heerka xaddiga qulubka iyo walaaca. Sidoo kale qoraagu wuxuu xusay dhalinyarada doorbiday marwalba guusha keliyee maaddiga ah inay leeyihiin dabeecado aan wanaagsanayn sida inay bulshadii dhexgalaan ayna adagtahay inay la qabsadaan.
Isla markale ayaa daraasado laga soo xignaya in dadka qaangaadhka ah ee qiimeeya lacagta, caanimadda, iyo muuqaalka inay leeyihiin xanuuno maskaxeed iyo kuwo jidheed.
Markale ayaa. (Tim Kasser) oo ku takhasusay cilmi nafsiga wax badana ka qoray maadiga uu cadaynayaa in farxadda shakhsi ahaaned ay hoos u dhacdo marka qofku aaminsan yahay waxa nolosha muhiimka u ah in ay ku wareegsantahay oo keliya maaddigga.
Shakhsiyaadka u nool maadiga oo keliya waxay la kulmaan natiijooyin xun.
Waxa laga qoray mawduucan maadiga oo aynu u soconay buug badan iyo maqaalo kala duwan oo lagu darsay maadiga iyo insaanka lana tijaabo geliyey.
Inagoo ka shidaal qadanayna darasadahaas kala duwan iyo kuwo badan oo lagu darsay nafsada aadanaha ,shakhsinimadiisa iyo xidhiidhka maaddiga ayaa lagu ogaaday u noolaanshaha maaddiga aanay ahayn macne uu loo noolaan karo.
Insaanku halka u sarraysa ee uu wax ka qaataa waa waygiga; qur’aanka iyo sunnada nabbigeena muxammed (NNKH). Wuxuu si toosa ula hadlayaa aadanaha isagoo qiyamkiisa iyo akhlaaqdiisa dhisaya una sheegaya u jeedada nolosha ee aadanuhu intuu jirayba raadinayey tijaabo galinayeyna.
Sidoo kalena meesha u hoosaysa ee uu wax ka qaadan karaa waa tijaabooyinkii kala duwanaa ee aadanuhu soo maray intuu dunida ku uumanaa tasoo uu ku daraasaynayey jaanib kasta oo nolosha ah. Isla halkaa hadaynu ku noqona marar badan ayuu illaahay swt inooga waramayaa quruuma hore iyo camaladoodii. Taas oo ah fariin kale oo ina baraysa tijaabooyinka iyo raadinta aadamuhu raadinayey nolol micne leh in aynu ka dheehano.
Haadaynu ku noqono meesha u sarraysa ee aynu wax ka qaadano oo ah qur’aanka kariimka ah iyo sunnada rasuulkeena NNKH marar badan ayaa u jeedada maadiga laynoogu tibaaxayaa qur’aanka iyo sunnada iyadoo hal maqaal lagu soo koobi karin hal aayad ayaan qayb kamid ah kasoo qadanaynaa.
Aayad qur’aanka kamid ah ayaa illaahay swt inoogu sheegaaya in dadka loo qurxiyey jacaylka shahwaadka laakiin aanay ahayn macnaha nolosha ee dhabta ah se ay tahay raaxada aduunyada.
Nolosha qofku uma noolaan karo, maaddiyaadka sida hantida, guurka,caruurta, isku faanka nimcooyinka kala duwan ee illaahay siiyey se waa in lagu gaadho nolosha dhabta ah ee danbe hadii aynu iyaga u noolaano waa ay macno beelayaan. In badan ayeynu aragnaa qof la waydiinayo oo inaga mid ah ujeedada uu u nool yahay ee uu halganka iyo hawlaha ugu jiro waxaynu ku soo koobnaa cilmi korodhsi, guur, caruur, hanti iwm.
Si taa lamida baraha bulshada iyo isgaadhsiinta kaleba waxaynu si joogta ah uga daalacanaa dadyow iska badiyey wixii lagu qurxiyey nolosha misna aan dhadhamin dharaar waaxida farxadda dhabta ah ee gudaha iyo qanacsanaanta.
Duniddu maanta waxa ay u jirtaa hab maaddi ah oo keliya, heer maanta uu noqday aadanuhu wax laga hago niyadiisa ama moodkiisa baraha bulshada iyo meelaha kale ee lamidka ah ilaa laga jaangooyey qaabku qofku u eekanayo,qaabkuu dhaqmayo, qaabka uu wax u doonayo iyo qaabka uu jirayoba.
Markasta oo aynu caalamka walaxaha(world of things) usii dhowaaano ama aynu jirno waa markasta oo aynu caalamka micnaha (world of meaning) aynu ka fogaanayno ayna inagu badanayaan xanuunada maanka iyo ruuxda haleela kuwaas oo aynu ka dhaxlayno in ayno arki wayno u jeedada dhabta ah ee aynu u nool nahay.
Markasta oo aynu u noolaano hab u jeedo dhisanano ruuxaaniyaadkeena, fikirkeena aduun arag aynuna iskuna badhax tirno maaddigeena iyo macnawigeena waa markasta oo aynu ka badbaadi karno caalamka intiisa macnaha iyo ujeeddada beeshay.
Buugga baro cudurkaaga.
astaamihiisa iyo maarayntiisa.
Qoraaga buugga:
Dr maxamed xaashi shire (MD)
AIDS/TB co-infection clinician.
Member of IUATLD(international union against tuberculosis and lung diseases.
And SSRA(Somali-Swedish Research Association)
Dr Buugga baro cudurkaaga wuxuu bilaabay 2009 waxaa dabacadiisa kowaad la daabay 2015. Buuggu wuxuu ka kooban yahay lix cutub oo uu kaga hadlayo cuduradda iyo hal cutub uu kula hadlayo dhakhaatiirta iyo bahda cafimaadka. Waana buuggii u horeeyey ee sidan u faahfaahiya cilmigga caafimaadka oo afka soomaaliga ku qoran.
Wuxuu ka kooban yahay 309bog.
1-Cutubka kowbaad: waa taariikhda Cudurrada
Cutubkani wuxuu si qoto dheer uga hadlaya hal qarni ka hor tariikhda dunida ee caafimaadka. Cuduradii saf-mareenada ahaa iyo dadka dunidu siday ugu dhiman jireen iyo waxyabaha cudurrada keena oo si fiican loo dersay lana kala qayb qaybiyey.
Waxa ugu muhiimsan ee laga baran karo taariikhdaa waxa kamid ah in wax laga ogaado khaladaadkii ay ku dhaceen dadkii hore si aan loogu dhicin kuwo lamid ah. Sidoo kale waxa laga baran qaabkii dadkii hore uga samatabaxeen dhibaatooyinkii soo maray.
Wixii ka danbeeyey qarniyadii dhexe (medieval period), Cudurada ay dadku u dhiman jireen waxay u badnaayeen. Kuwo aan kala go’in sanadkoo dhan (Endemic) iyo kuwo dillaaci jiray xilliyada qaarkood oo ku fidi jiray dunida inteeda kale, waxaan u dhiman jiray dad badan (pandemic).
Cudurrada ay dadku u dhiman jireen waxay u badnaayeen kuwa faafa (infectious diseases) Sida duumada, jadeecada, tiifawga, qaaxada( tiibishada), Juudaanka, shuban biyoodka, furuqa iyo dabaysha.
Waxay 75% caruurta dhalataa dhiman jireen inta aanay gaadhin 5 sanno. Waxa sidoo kale saraysay dhimashada ku timaada hooyada uurka leh iyo tan umusha.
Intii u dhaxaysay qarniyadii 11–13aad waxa ka dillaacay dunida cudur ka soo bilaabmay dalka mongooliya oo ah dal u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushaka. Cudurkaas oo afka qalaad loo yaqaan plague waxaana keena bakteeriya, waxa dadka usoo gudbiya cudurka jiirka(dooliga). Wuxuu ku dhacaa cudurkan 90% qanjaha (qanjidhada), wuxuu u keena qofka qanjo barar(bubonic plague).
Wuxuu cudurkan ku fiday markii danbe dalka shiinaha markay ku soo duuleen ciidamada (Mongooliyiintu Tataarku), waxa u dhintay cudurkii kala badh dadkii ku noolaa shiinaha.
Markii uu kordhay isu socodkii dunidu wuxuu cudurkii ku fiday yurub intii u dhexeysay 1340–1350.
Waxa u dhintay dad gaadhaya 24–50 malyan oo qof oo ahaa 1/3 (saddex meelood meel ahaan) dadkii ku nolaa yurub waqtigaas.
Waxa markii danbe cudurkii loo bixiyey ‘’ The black Death’’.
Waxa sanadihii 1825 ilaa 1854kii ka dilaacay dunida shuban biyood (cholera) ka bilaabmay dalka hindiya kadibna ku fiday yurub iyo ameerika. Magaalada moscow (moosko) keligeed waxa u dhintay shuban biyoodka dad lagu qiyaasay 33,000 qof markuu sanadku ahaa 1828kii. Waxa magaalada baariis(paris) keligeed u dhintay shuban biyood dad lagu qiyaasay 18,000 oo qof lix bilood gudahood, tiradaasi waxay wakhtigaas ka dhignayd 2%.
Intii u dhaxaysay 1848–1854 dad badan oo magaalada london ku noolaa ayaa u dhintey.
Cudurradii kale ee dhibaatada ku ba’an ku hayey qarniyadii hore bulshadii ku noolayd qaarada yurub iyo waqooyiga ameerika waxa kamid ahaa furuqa, dabaysha (polio) oo curyaamin jirtay caruur badan iyo cudurka waraabowga soomaalidu u taqaano isfiilato(syphilis)
Dagaalkii koowaad ee dunida kadib waxa ka dillaacay meelo badan oo kamid ah dunida Hargab.
Waxa u dhintay hargabkaas dad lagu qiyaaso 20 malyan oo qof. Waxa isla wakhtigaas ka dillaacay dalka ruushka cudur laga waadi jiray injirta .
Halkaas wuxuu akhristuhu ka fahmi karaa in dalalka maanta horumaray tiknoolijiyadu ay qarni iyo badh ka hor ku sugnaayeen xaalad la mid ah tan ay maanta ku sugan yihiin dalalka soo koraya oo malaayiin qof u dhintaan sannad walba cudurro iyo nafaqaddaro.
Dadaal aan kala go’ lahayn kadib baa illaahay idankii loogaga guuleystay cudurradii dilaaga ahaa.
Waxa oo loo helaya talaal lagaga hortago cudurrada.
Waxa sidoo kale la helay daawo disha bakteeriyada oo loo bixiyey antibiyootig (Antibiotic) oo lagu daweeyn jiray cudurradii ay baktiiriyadu keeni jirtay.
Waxa kaloo la hagaajiyey nadaafadii guud sida kudaafaddii ( qashinkii) oo layska fogeeyey. Waxa loo sameeyey bulaacadihii dhuumo ay maraan ( swerage drain) iyo dadkii oo helay shaqooyin ay ka helaan dhaqaale.
Dhaqaalihii soo kordhay wuxuu u horseeday dadkii inay helaan nafaqo wacan iyo guryo nadiif ah oo ay degaan. Arrimahanoo dhami waxay kor u qaadeen cafimaadkii bulshada, waxaana kordhay dadka cimrigoodii.
Markii bulshada ku nool dalalka horumaray ka badbaadeen cudurradii ay u dhiman jireen qarniyadii hore, waxaa la soo dersay cudurro cusub oo aan laga bogsan (chronic diseases) oo la xidhiidha horumarka dalalku gaadheen. Cudurradaa cusub waxaa kamid ah wadna xanuunka, kansarka, cudurka macaanka, cudurrdada dhinaca dhimirka, cudurrada ku dhaca dhimirku waxay keeneen inay sanad walba is dilaan dad badan oo ku nool dalalka horumaray.
Horumarkii ay gaadheen dalalka horumaray wuxuu kaloo soo kordhiyay in dadkii cimrigoodii dheeraaday, waxay dadkan cimrigoodu dheeraaday u baahdeen in loo helo dhaqaale dheeraad ah si ay u helaan daryeelo wacan, sida guryo ay degaan iyo in loo qabto shaqaale gaar ah oo siiya daryeelka ay u baahan yihiin dadkaa gaboobay.
Sidoo kale cutubka kowaad wuxuu qaada dhigayaa oo si farshaxamaysan uga hadlayaa ciwaanadan soo socda :
1: Taariikhdii cilmiga dhakhtarnimada:
Ciwaankaas oo uu kaga hadlayo xadaradii iyo ilbaxnimadii sayniska iyo dhakhtarnimadu inay kasoo jeeday giiriiga tasoo aynu ka arki karno erey bixinadda kala duwan ee laga soo xigto afka giriigga.
Jaamacaddii ugu horraysay ee lagu barto cilmiga caafimaadka ee qaaradda Yurub waxaa laga dhisay magaalada Qurduba ee dalka Spain (Cordova Medical Academy). Kulliyaddan oo noqotay meeshii loo soo doonan jiray cilmiga dhakhtarnimada iyo dawada waxaa la dhisay intii uu islaamku ka talinayay Andalus. Dhakhaatiirtii wax ka dhigi jiray kulliyadda caafimaaka ee Qurduba waxaa ugu caansanaa oo hormood ka ahaa Ibn Siina (Abu Cali al-Xusseen ibn Cabdallah ibn Siina) oo reer galbeedku u yaqaanaan Avicenna. Wuxuu ku dhashay dalka Uzbekistan markay taariikhdu ahayd sida lagu qiyaaso 980–1037.
Yaraantiisii wuxu ibnu siina wax ku bartay maagaalada bukhaara oo ku bartay qur’aanka, luuqada carabiga iyo naxwaha, xisaabta, cilmiga dhakhtarnimada iyo maadooyin kale. Wuxuu buug badan oo ay ugu muhiimsanaayeen kuwa dhakhtarnimadu.
Ibn Siina wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan u ogaada cudurka Soomaalidu u taqaan qoorgooye (meningitis). Wuxuu aaminsanaa Ibn Siina in cudurrada ku dhaca ruuxa (psychological) ay saamayn wayn ku leeyihiin oo u keeni karaan qofka cudurro ku dhaca jidhka (somatic). Wuxuu isugu geeyay cilmigiisa dhakhtarnimada hal buug oo loo bixiyay canon medicinae waxana loo tutjumay afka laatiinka qarnigii 11aad wuxuuna noqday buugga keliya ee laga baran jiray dhakhtarnimada qaarada yurub muddo ku dhow dhawr boqol oo sanno. Buugiisii wuxuu soo gaadhay qarniyadii 17aad iyo 18aad.
Cilmigni laga faa’idaystay muslimiintii soo galay Andalus waxaa ka mid ahaa nadaafadda iyo doorkaay ka qaadato dhimista cudurrada la kala qaado. Waxaa kaloo laga faa’idaystay habka ugu toosan ee loo hakin karo shuban biyoodka si aanu u fidin. Waxaa jiray xadiis laga wariyay nebigeenna (NNKH)oo ahaa “haddii shuban biyood ka dillaaco meel in aan la gelin, dadka deggan degmada shubanku ka dillacayna aanay kasoo bixin degmadooda.”Waa habka qarnigan 21aad oo dunidu gaadhay tiknoolojiyad heer sare ah weli lafdhabar u ah xakamaynta cudurka shuban biyooddka. Markii muslimiintii laga qabsaday Andalus waxaa maamulkii kulliyadda caafimaadka ee Qurduba la wareegay reer Yurub. Waxaa halkii laga sii waday in la ballaadhiyo barashadii habdhiska jidhka dadka (human anatomy) iyo qaabka xubnaha jidhku u shaqeeyaan (human physiology). Aqoontan soo korodhay waxay fududaysay in wax badan laga fahmo cudurrada, calaamadahooda iyo qaabka loo qaado.
Intii u dhexaysay qarnigii 11aad iyo kii 12aad waxay boqorradii xukumi jiray qaaradda Yurub fasaxeen in la joogo xilligii la furi lahaa kulliyado caafimaad (medical academies) si loo helo dhakhaatiir la guddoonsiin karo ruqsad ay wax ku dawayn karaan (licensure). Tallabadan waxaa soo dedejiyay oo ay ka dhalatay kadib markii dad badan oo aan cilmiga dhakhtarnimada ehel u ahayn ku shaqaysan jireen xirfad dhakhtarnimo sida maanta ka jirta Soomaaliya.
Waxaad degmo ama gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah ku arkaysaa dad furtay farmasiyo iyo xarumo caafimaad oo aanay cilmigeeda lahayn (Quackery). Arrintaa ka dhacday dalka Ingiriiska ee aynu soo xusnay, waxaa ka damqaday dhakhaatiirtii Ingiriiska oo si wada jir ah ugu qoray codsi boqorkii xukumi jiray Boqortooyada Ingiriiska qarnigii 15-aad Henry VIII.
Waxay ka codsadeen boqorka in laga hirgeliyo dalka Ingiriiska waxbarasho rasmi ah (formal education) oo ku saabsan cilmiga dhakhtarnimada, si qofkii dhamaysta waxbarashada loo siiyo shahaado la aqoonsan yahay iyo ruqsad dhakhtarnimo.
Qarnigii 15d waxaa si rasmi ah looga hirgeliyaydalka Ingiriiska kulliyad caafimaad oo ardayga ka qalinjebiya la siin jiray shahaado caddaynaysa inuu xubin ka yahay dhakhaatiirta boqortooyada Ingiriiska -MRCP (Member of Royal College of Physicians). Shahaadadan MRCP waa mid ilaa iminka laga bixiyo dalka Ingiriiiska oo la siiyo ardayda ka baxda kulliyadaha caafimaad ee dalkaas iyo sidoo kale dhakhaatiirta aan wax ku baran dalka Ingiriiska laakin gudba imtixaanka laga qaado.
2:Taariikhda tirokoobka cafimaadka:
Dhibaatadii caafimaad ee kusoo korodhay bulshadii noolayd qarnigii 16- 18and, waxay ku dhalisay dawladihii inay tiro koobaan oo diiwaan geliyaan dadkii si loo ogaado inta dhalata, inta dhimata, inta shaqaysa iwm (statistics and demography)
Mawduucan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa darasaynta cudurrada waxa sababa iyo cilmi la xidhiidha cudurada qaabka ay cuduradu u fidi jireen, dadkii u nuglaa cudurrada, tirada dadka u dhiman jiray, wixii lab ah iyo wixii dhedig ah, gobolada ay ku badnaayeen iyo xilliyada ay cudurradu faafi jireen (epidemiology). Barashada cilmigani waxay bilaabatay qarnigii 16aad markii ragg badan oo bad mareen ahaa ku dhinteen badaha lana garan waayey sababta.
Mardanbe ayaa la ogaaday in ay feytamiin C la’aan ay ku dhici jirtay baadmaaxiinta.
150 sanno kadib markii la bartay cilmiga kimisteriga iyo faytamiinada (vatamines) baa la ogaaday in ay khudaarta ku jirto maado loo yaqaan faytamiin C. Waxa markii danbe loo bixiyey scurvey cudurka ka dhasha feytamiin C la’aanta.
1917 dhakhtar ahaa ciidamada badda ayaa ku taliyey in la siiyo bad mareennada liinta oo la ogaaday inay yarayso cudurka feytamiin la’aanta.
1722 ninkii la odhan jirey peter the Great oo xukumi jiray dalka ruushka intii u dhexeysay 1682–1725 kii ayaa ku soo rogay in laga diwaangeliyo caruurta dhalata gaar ahaan wiilasha si loo xisaabiyo inta gaashaan noqon karta ee ku soo biiri doonta mustaqbalka ciidamada ruushaka.
1755 kii nin la odhan jiray M.V. Lomondov ayaa keenay nidaam cusub oo lagu ogaanayo guud ahaan dadka ku nool ruushka (demography) sida caruurt dhalata, caruurta dhimata, tayada daryeelka cafimaadka, dadka khamriga caba, tirada shaqaalaha ka hawl gala xarumaha caafimaadka iwm.
Natiijadii kasoo baxday darasdii uu sameeyey lomonsov hordhigay dawladii ruushka. Waxaana kasoo baxay go’aano dhaxal gal ah tasoo ay kamid ahaayeen in la tayeeyo aqoonta dhakhaatiirta iyo ummulisooyinka iyo in jaamacaddii moscow lagu kordhiyo kuulliyad lagu barto cilmiga caafimaadka iyo daawada sanadkii 1765. Tirakoobka cafimaadku wuxuu horseeday in ay dawladuhu yeeshaan siyaasad caafimaad. Qorshahaas caafimaad waa ka maanta kala horumariyey dawladaha dunida gaadhsiyeyna bulshada daryeel caafimaad oo loo siman yahay.
Waxa uu Drku ciwaankaas tirokoobka caafimaadka kusoo gabagebaynayaa taariikhdii ninkii la odhan jiray john snow ee u dhashay dalka ingiriiska iyo darasadii uu baadhay waxa dadka magaalda london ku nolaa wixii ku keeni jiray shuban biyoodka isagoo guul ka gaadhay kadib darsadiisii waxa 1857 dawladii ingiriiska amar ku siisay wakaaladaha biyo gelinta inay soo sifeeyaan biyaha ag dadka siinayaan.
John snow ma ahayn dhakhtar wax ka yaqaan cilmiga caafimaadka se wuxuu baal dahabiya ka galay tariikhda caafimaadka maadama fikradii uu kusoo kordhiyey cilmiga caafimaadka ay soo dedejisay in la barto waxa keena cudurrada iyo sida looga hortago gaar ahaan kuwa faafa ee la kala qaado iyo caafimaadka bulshada ( Public health).
Inta ayuu Drku ciwaankaas kusoo gababaynayaa.
Waxaa laga rabaa dhakhtarka Soomaaliyeed inuu mar walba ku hamiyo isagoo aqoontiisa iyo khibardiisa dhakhtarnimo la kaashanaya sidii uu xal ugu heli lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee aan dhammaadka lahayn ee haysta bulshada Soomaaliyeed. Maaha inuu mar walba ku fekro sidii uu dhaqaale badan uga samayn lahaa dadka buka ee u soo doonta daryeel caafimaad, waa in dhakhtarku mar walba maskaxda ku hayaa in cilmigu amaano ku yahay korkiisa oo laga rabo inuu guto sida ugu haboon.
3: Tariikhdii jeermisku soo maray.
Ciwaankani waxuu isna ka hadlayaa labo nin ok taariikhda caafimaadka wax ku soo kordhiyey.
Qarnigii 17and waxaa la ogaaday in cudurrada intooda badan ay keenaan noole yar oo aan isha caadiga ah lagu arag, micro-organism. Waxaa si fiican loo arkay noolahaas markii aqoonyahan la odhan jiray Anton Van oo u dhashay dalka Holland uu helay qalabka wax wayneeya -microsope. Louis Pasteur oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Faransiiska ayaa u bixiyay noolahaas bakteeriyo (bacteria).
L. Posteur waxa uu baadhay sababta caanaha dhayda ah u dhanaan ilaa uu karkariyey ogaadayna in bakteeriyadu ka dhimanay kuwa la karkariyo oo ay muddo dheer ooli karaan ilaa iyo maantana habkan dunida waa laga adeegsadaa ( pasteurisation) waxana loogu magac daray paster. Wuxuu sii bartay cilmiga difaaca jidhka (immunology)
Wuxuu pasteur sameeyey talaal kaaso oo lidi ku ah xanuun laga qaadi jiray qaniinyadda eyga wixuuna sameeyey maado liddi ku ah noolaha fayraska ku dhex jira calyada eyga antibody. Ilaa tijaabadiisaasii guuleysatay oo laga badnaaday cudurkii dilaaga ahaa rabbies illaahay idankii.
Waxa ninkaas loogu magac daray jaamacadda ugu weyn ee ku taal maagalada paris ee dalka faransiiska (pasteur institute).
Robert Koch oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Jarmalka ayaa wuxuu ogaaday 24 march 1882 in waxa keena cudurka qaaxada (tiibishada) ay tahay bakteeriyo, wuxuu u bixiyay oo ilaa qarnigan la joogo loo yaqaan tubercle bacillus. 24 march waxaa loo aqoonsaday maalinta caalamiga ee cudurka qaaxada. Robert Koch sidoo kale waxa uu ogaaday in shuban biyoodka ay bakteeriya sababto kaas oo markii hore loo malayn jiray in lagu kala qaado neefta sida hargabka wuxuuna arinkaas ki qaatay abaal marinta caalamiga ah ee noobel (nobel prize) sannadkii 1905.
4: Marxaladihii qaliinku soo maray.
Bilawgii qarnigii 15aad waxay dhakhaatiirtu iyo ardayaduba ku baran jireen qalliinka xayawaanka. Laakiin wixii ka dambeeyay qarnigii 15aad waxaa la bilaabay in dadka dhinta lagu barto qalliinka iyo cilmiga la xidhiidha barashada habdhiska xubnaha jidhka ee qofka (Human anatomy).
Waxa xilligaas jiray rag ku caan baxay farshaxanka ama sawir gacmeedka, waxa kamid ahaa leonardo de vinci oo soo bandhigay qaybi kamid ahaa qaab dhismeedka jidhka waxayna fududaysay in la daabaco buuggii ugu horeeyay ee ka hadla dhismaha jidhka (Anotomy) qarnigii 18aad. oo uu qoray dhakhtar la odhan jiray Henry grey
Buuggiisii wuxuu noqday buugta laga barto jidhmaha jidhka ee ardayda iyo dhakhaatiirta caafimaadkuba ugu jecel yihiin ilaa maanta. Grey anotomy wuxuu maryaa daabacadii 25aad.
Cilmiga qaliinka markii u horeysay ee ay guuli u soo houatay waxay ahad markii aqoon yahayn la odhan jiray Hhumphery Davy uu helay daawo lagu suuxiyo qofka la qalayo sannadkii 1846. Dawadaas oo la idhan jiray nitrous oxide. Taas oo buuggu si faahfaahsan uga sheekaynayo.
Waxa kale oo jirtay daawo loo bixiyey ether oo loo isticmaali jiray suuxitaanka, waxaana helay Sannadkii 1846 dhakhtar la odhan jiray william morton oo ahaa dhakhtar ilkaha saari jiray oo ku guuleystay in u isticmaalo dadkuu ilkaha ka saarayo.
Sannad kadib waxa soo baxday daawo loo yaqaan choloroform. waxa helay dawadan dhakhtar la odhan jiray james young simpson oo jaamacada. glasgow ka dhigi jiray cudurrada haweenka iyo dhalmada wuxuuna siin jiray dumarka dhalaya si aanay u dareemin xanuunka foosha waxaana kamid ahaa dumarkuu siiyey boqoradii ingiriiska ee Quen victoria. Waxay choloroform noqotay daawadii ugu badnayd ee muddo ku simman hal qarni loo isticmaalo suuxitaanka.
Wuxuu si faahfaahsan buuggu uga sii hadlayaa markii marxaladii qalliinka lagu guuleystay in ay adkaatay sidii xal loogu heli lahaa nabarradii malaxaysan jiray qallinka kadib iyo xummad dilaysa dumarka umula qaarkood ilaa markii danbe la ogaaday in gacmaha wasakhaysan ee ay ardayda iyo dhakhtaradu ku soo taataban jireen. maydka ay baadhayaan (autopsy) ay ka dhalan jirtay. Dr semmelweis Markii danbe soo jeediyey in ay ku falaxashaan biyo lagu milay maadada kimikada ah ee loo yaqaan chlorine ka hor inta aanay umulin dumarku. Dr joseph lister ayaa ugu danbayn soo bandhigay aragti cusub oo u bixiyey lidka caabuqa “antisepsis”
Wuxuu soo saaray maaddo uu ku buufiyo qolka qalliinka la odhan jiray carbolic acid.
Wuxuu daabacay Lister sannadkii 1865 buug uu ku qeexay waxtarkii ay dawadii lidka caabuqu ku soo kordhisay qalliinka “On the Antiseptic Principle in the practice of Surgery.” Fikraddan cusub ee uu keenay Dr Lister waxay horumar kusoo kordhisay cilmiga qalliinka. Waxaa yaraaday nabaradii malaxaysan jiray iyo dadkii u dhiman jiray caabuqa. Waxaa kaloo horumarkii cilmiga qalliinka soo dedejiyay markii lagu guulaystay in la helo qaab loo dilo jeermiska ku sugan goobta wax lagu qalo, qalabka wax lagu qalo, dharka la gashado ama la goglo iwm (sterilisation). Waxaa xasuus mudan in antibiyootiggii la helay oo ah dawo disha bakteeriyada keenta caabuqa iyo nabarrada malaxaysta ay door laxaad leh ka qaatay horumarkii cilmiga qalliinka.
Guulihii laga gaadhay dhinaca qalliinka waxaa kamid ahaa qalliinka wadnaha oo lagu guulaystay in qof lagu rakibay wadne laga soo qaaday qof kale (heart transplantation) bishii December 1967 kii. Dhakhtarkii ugu horreeyay ce qof ku rakiba wadne qof kale wuxuu ahaa Dr Christiaan Barnard oo bare ka ahaa Jaamacadda Capetown ee dalka koonfur Africa. Qalliinkii u horreeyay wuxuu ku sameeyay will dhallinyaro ahaa oo wadnihii uu kasoo saaray ku rakibay nin jiray 54 sano in kastoo qofkii lagu rakibay wadnaha cusub noolaa 18 maalmood oo keliya. Dadkii la qalay ee lagu rakibay wadne qof kale waxaa ka noolaaday dad lagu qiyaasay 15%. Arrintaasi waxay yaraysay xiisihii ay dhakhaatiir badani u qabeen inay sii wadaan qalliinka wadnaha. Sababtii ugu muhiimsanayd ee dadku inta badan qalliinka kadib u dhiman jireen waxay ahayd qofka oo jidhkiisu diidi jiray (difaaca ka samaysan jiray) wadnahan cusub ee lagu rakibay.
Waxaa sanadihii dambe la helay dawooyin aad hoos ugu dhiga difaaca jidhka (immunosuppressive therapy), dawooyinkani waxay Ilaahay fadligiis yareeyeen dadkii u dhiman jiray jidh-diidmada (rejection) marka lagu rakibo qofka wadne kale. Dawooyinkani waxay horjoogsadaan in qofka jidhkiisu diido (difaac ka samaysto) xubintan cusub ee lagu rakibay, waxay horseedeen inay dhakhaatiir badani ku dhiiradaan qalliinkii wadnaha.
Sidoo kale daawooyinkani waxay horseedeen in qof banii’adamka ah xubno kele lagu rakibo laakiin waxa soo if baxday in qofka lasiiyo u nuglaado cudduradda laka qaado.
5:Taariikhdii tallaalku soo maray.
Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karin taariikhdii dheerayd ee uu soo maray tallaalku, waxaan si kooban uga xusi doonaa taariikhdii ay soo mareen labadii tallaal ee guu waxtarka badnaa taariikha caafimaadka. Labadaa tallaal waxay kala yihiin tallaalka lidka furuqa iyo kan dabaysha.
Tallaalkii furuqa
Furuqu wuxuu kamid ahaa cuduraddii dillaaga ahaa ee soo mara dunuda wixii ka horeeyey qarnigii 19aad intii aan la helin tallaalkii lidka furuqa waxa u dhiman jiray dad gaadhaya malaayiin qof.
Bilawgii qarnigii 18aad dhakhtar u dhashay dalka Iskotland oo la odhan jiray Edward Jenner ayaa ku guulaystay inuu helo tallaallkii ugu horreeyay ee lidka furuqa. Jenner wuxuu cilmi baadhis uu sameeyay ku ogaadey in qofka qaada furuqa ku dhaca lo’du (cowpox) uu ka samaysto jidhkiisu difaac (immunity) furuqa ku dhaca dadka (smallpox), sidaa daraadeed wuxuu ka badbaadaa qofku Ilaahay idankii furuqa dilaaga ah. Buuggu wuxuu sii sharaxayaa siduu tijaabooyinkaas u sameeyey iyo siduu ugu guuleystay.
Ilaa olole ballaadhan dunida oo dhan ah laa qaaday si loogaga cidhib tiro.
furuqa qofkii u danbeeyey ee lagu sheegayna Cali macaw macallin oo soomaali ahaa.
Tallaalka lidka dabaysha:
Cudurka dabayshu wuxuu naafeeyey malaayiin caruur ah intii aan loo helin tallaal. Sannadkii 1953 waxaa ku guulaystay tallaalkii u horreeyey ee lidka dabaysha saynisyahan la odhan jiray Jones Salk. Tallaalkan oo ahaa mid la isku duro (mudo) waxaa laga hirgeliyey Ameerika iyo qaaradda Yurub.
Saynisyahan kale oo la odhan jiray Albert sabin ayaa helay tallaalka lidka ku ah dabaysha oo afka laga qaato kaas oo dunnida oo dhan gaadhay.
In kastoo cudurka dabaysha laga cidhib tiray inta badan dunida waxaa so ifbaxaya oo Hey’adda Caafimaadka ee Dunidu shaaca ka qaadday cudurka dabaysha lagu sheegay meelo mid ah dunida, gaar ahaan qaaaradda Africa.
Raajadii la helay. (X-rays)
William Roentgen oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Jarmalka ayaa noqday saynisyahankii ugu horeeyey ee ku guulaysta raajada. Roentgen oo ku takhasusay cilmiga fisikada (physics) wuxuu sannadkii 1895 tijaabiyay fallaaraha loo yaqaan kaatoodh — cathode rays si uu u ogaado bal in fallaarahani ka gudbi karaan waxyaalaha adag iyo in kale. Tijaabooyin taxane ahaa oo uu sameeyay ayuu ku ogaaday inay jiraan fallaaro ka gudbi kara waxyaalaha adag, sida buugta culus, looxa iyo xataa hilibka dadka.
Markii uu garan waayey fallarahan noocooda wuxuu u bixiyey X(X-rays).
Ugu danbayntii wuxuu noqday qofkii u horeeyey ee cilmiga fiisikada abaal marin caalamiya ku helay sannadkii 1901.
6:Taariikhda Dawooyinku soo mareen.
Wuxuu buuggu si faahfaahsan uga waramayaa taariikhdii dawadu soo martay.
Wixii ka horreeyay qarnigii 19-aad waxay dhakhaatiirtu wax ku dawayn jireen geedaha (herbal remedies) iyagoo ku soo bandhigi jirey dawooyinka geedaha goobo dadku ka iibsan jireen (apothecaries). Dawooyinka geeduhu waxay ahaayeen dawooyin wax tar leh oo intooda badan qofku ku bogsan jiray Ilaahay idankiis. Laakiin runtii lama aqoon dawooyinka geedaha waxa ay ka samaysnaayeen kimiko ahaan. Bilawgii qarnigii 20and markii la bartay qaabka ay xubnaha jidhku u shaqeeyaan (physiology) iyo cilmigii kimisteriga (chemistry) waxaa fududaatay in la barto cilmiga dawada (science of pharmacology).
Markii horumar laga gaadhay cilmiga kimisteriga waxaa kaloo fududaatay in lagu sameeyo baadhitaan geedihii wax lagu dawayn jiray. Bilowgii garnigii 20-aad waxaa lagu guulaystay in la sameeyo dawooyin cusub oo ka samaysan waxyaalo kiimiko ah oo la isku daray (synthetic drugs). Waxaa laga hirgeliyay meelo badan oo adduunka ka mid ah warshado lagu sameeyo dawooyinka (pharmaceutical industries).
Iyadoo dawooyinku soo mareen taariikh dheer oo aan halkan lagu soo wada koobi karin, waxaan si kooban uga xusayaa labadii dawo ee ugu waxtarka badnaa ee soo mara taariikhda dawada oo kala ah Asprin (Asbiriin) iyo Penicillin (Beenisiliin).
Daawada asbiriinta (Asprin)
Dhakhtar la odhan jiray Edmund Stone oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa maalin maalmaha ka mid ah calaashaday caleen geed oo ku taallay beertiisa isagoo dawo ka raadinayay. Markuu calaashaday caleentii geedka waxaa ka fududaaday Ilaahay fadligiis lafo xanuun iyo xumad hayyay. Markuu ogaaday waxtarkii caleenta geedka wuxuu bilaabay inuu qallajiyo calcentii, wuxuu ka dhigay daqiiq ama budo (dry powder). Wuxuu bilaabay maalintaa kadib in wixii u yimaadda ee ka cawda xummad iyo sidoo kale lafo xanuun uu siiyo dawadan. Waxaa baadhay caleentii aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga dawadaan.
Waxaa baadhay caleentii aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga dawada (pharmacology) oo ogaaday in caleenta geedka ay ku jirto maaddo loo yaqaan Salicylic acid oo noqotay markii dambe dawada keliya ee loo isticmaali jiray sanado badan xumadda iyo wixii xanuun ah. In kastoo ay dawadu waxtar badan lahayd, laakiin dadkii qaatay dawadan waxay qaar badan oo ka mid ah ka caban jireen calool olol (laabjeex) daran.
Nin dhallinyaro ahaa oo u dhashay dalka jarmalka oo la odhan jiray Fellx Hoffman kuna takhasusay climiga kimisteriga baa u kuurgalay oo baadhay dawadii. Felix Hoffman wuxuu ka shaqayn jiray shirkadda dawada ee Bayer ee ku taal dalka Jarmalka. Wuxuu dawadii hore u beddelay maaddo cusub oo loo bixiyay acetylsalicylic acid, waxay shirkaddii Bayer u bixisay dawadan cusub “aspirin” markuu sanadku ahaa 1890 kii. Dawadan oo ilaa iminka loo yaqaan aspirin waxay noqotay dawadii ugu fiicnayd ee loo qaadan jiray xummadda iyo xanuunka isgoysyada lafaha ama tufta — arthrits.
Waxaa maanta la ogaaday in asbiriintu leedahay awood ay ku dhalaalin karto xinjirta xidha xididada dhiigga, gaar ahaan xididdada dhiigga siiya maskaxda iyo wadnaha. Sidoo kale waxay leedahay dawada asbiriintu awood ay kaga hortagto in aanay isku dhedhegin unugyada sameeya xinjirta oo aanay xinjiri ku samaysmin gudaha xididada yaryar ee dhiigga. Waa taa sababta keenta in dhakhaatiirtu siiyaan dawada asbiriinta dadka xinjirtu xidho xididdada dhiigga siiya wadnaha iyo kuwa maskaxda.
Daawooyinkii lidka bakteeriyada- Antibiotics:
Dawooyinkii u horreeyay ee ahaa lidka bakteeriyada (antibiotics) waxaa ka mid ahaa dawo la odhan jiray Salvarsan oo uu helay aqoonyahan la odhan jiray Paul Ehrich sannadkii 1908. Waxaa la siin jiray dawadan dadka qaba cudurka waraabowga oo Soomaalidu u taqaan isfiilato (syphilis), gobolada qaarkood waxaa loo yaqaan xabbad. 1935-kii waxaa la helay antibiyootiggii ugu horreeyay ee dila bakteeriyada sulfa drugs (sulfonomide), waxaa helay aqoonyahan la odhan jiray Gerhard Domagk. Waxaa lagu dawayn jiray dawadan caabuqa ay keento bakteeriyadu (infectious diseases), sida caabuqa ku dhaca kaadi mareenka, hawo mareenka, shubanka iyo cudurrada lagu kala qaado galmada — sexually transmitted diseases (STD).
Aqoonyahan kale oo u dhashay dalka Iskootlaan (Scotland) oo la odhan jiray Alexender Flemming ayaa helay sanadkii 1928 antibiyootiggii ugu waxtarka badnaa qarnigii 19aad. waxaa loo bixiyay dawadaas Penicillin. Arrintan wuxuu ku qaatay Alexender abaalmarinta caalamiga ah ee Noobal (Nobel Price) sannadkii 1945.Intii aan la helin dawada benisilliinta waxay askar badan oo kusoo dhaawacmay dagaalkii koowaad ee dunidu u dhinteen nabarradii oo aan caabuq dartii bogsan jirin. Waxaa sannadkii 1952kii abaalmarinta caalamiga ah ee Noobel la guddoonsiiyay aqoonyahan la odhan jiray Selman Waksman kadib markuu helay dawadii u horraysay ee disha baktiiriyada keenta cudurka qaaxada (tiibishada-TB) 00 loo bixiyay streptomycin.
Drku Halkaas ayuu ku soo gababayn cutubka kowaad aad u muhiim ahaa.
Wuxuuna intaas ku sii darayaa in dadka illaahay baray cilmiga daaweynnta geedaha inayy ummada uga faa’ideeyaan oo ku dedaalaan sidii loo qori lahaa.
Aad wuxuu dhakhtarku ula dar-daarmayaa in ay qoraal ka tagaan dhakhaatiirtu injineerada, macalimiimnta oo ka maqan saaxada qoraalka ee takhasuskooda.
(سورة الضحي)
Bismillaah.
Nolosha aadanaha waxa ku xeeran imtixaan kaasoo ah sunnada nolosha mar uun noloshiisa kamid ah wuxuu la kulmayaa wax si uun u murugo geliya.
Niyad jabku waa shay aadanimadeena qeexaya waana shay laga siman yahay haba kala darajo sarreeyee.
Haa! oo waa geeri naxdin badan oo inagu dhacday, waa waalidkeen oo horteena ku murugoonaya, waa xanuun ay dhakhtarada aduunku ka quusteen daawadiisa, waa waayitaan riyo aynu sannado badan ku soo taamaynay, waa ganacsi uu tacab maskaxeed iyo mid maaddiba ku bixinay oo hal mar innaga khasaaray, waa ilme waalid uu si fiican u soo barbaariyey kuna soo dedaalay uu ku hungoobay,waa cabsi si uun nolosha inoo soo food saarta. Haa! Waxaad u baahantahay markaas shidaal aad ku tamriso, wax ku kaba oo ku tusa tamartaada gudeed iyo awoodaada, wax rajadaada sii damaysa shidaaliya.
Markaad dareento imaankaaga oo daciifaya, salaadahaaga oo hoos u dhacaya aadna u malayso in ducooyinkaaga la aqbalayn iyo in illaahay dunuubtaada kugu nacay ayaad u baahantahay dhaymo dabedeed iyo mid gudeedba. Hadaba waxay kamid tahay (suuratu Al duxaa) daawada quluubta dhiban, jahwareersan iyo kuwa rajada aduun iyo ta aakhriba ka quustay. Waa naxariista ruuxda iyo maskaxdaba. Waa cafimaadka xanuunada maskaxda iyo ruuxda
Waa fariin eebbe oo inoo sida in aanu war moog ka ahayn adoomadiisa xiliyada niyad jabka, quusta, welwelka,walbahaarka iyo xilliyada caalamkiisa gudeed dagaalku ka oogan yahay. Xilliyada dariiq mustaqbal u muuqan iwm.
Suuratu Ad duxaa waa sawir kaloo qeexaya banii’aadanimadeena.
Waa suurad Badankeenu xifdisanahay si fiicana waynu u naqaanaa. waa suurada 93aad ee qur’aanka kariimaka waxay ka kooban tahay 11 aayadood waana suurad makkiya.
Haa waa nabbi muxammed CS oo lagu jeesjeesayo oo lagu leeyahay illaahaagii waa ku nacay oo kaa tagay wuu murugooday, niyad jabana dareemay wuxuuna mooday inuu ku guul daraystay waditaanka fariintii illaahay caalamka ugu soo dhiibay.
Marka aad maqasho nabbi muxammed cs ayaa qalbigiisii cidhiidhyoobay oo murugooday sawir intee leeg ayaa maskaxdaada ku soo dhacaya?
Waa nebbigii illaahay SW doortay waa nuurkii iyo naxariistii caalamka.
Waa kaahii iyo iftiinkii dunida.
Maqnashihii waxyigu uu ka maqnaa nabbiga (sc) iyo soo degitaankii suuradan iyo fariinta ay inoo sido waxaynu ka dheehanaynaa casharo badan.
Waa illaahay swt oo Subaxda Barqinkeeda ku dhaaranaya iyo habeenku markuu xasilo ama madoobaado.illaahay swt markuu wax kamid ah makhluuqiisa ku dhaaranayo wuxuu doonaa in waxa lagu dhaaranayo qiimaheeda in aynu garano.
1:Suuradu waxay ku bilaabmay in aynaan eegin tagtadii in aynu noolaano taaganta isla markaasna aynu diirada saarno timaadada.
Maanta waa maalin cusub, cadceedu waxay inoo sidaa fursad kale oo cusub, barqinku waa xilli firfircooni noole kasta mashquul iyo hawl ayuu ku shuqlan yahay, tamar cusub ayaa lagu qaabilaa.
Dhaarashada illaahay swt ku dhaaranayo barqinku waaba iyadoo ina leh kac oo toos eeg cadceeda iftiinkeeda waa maalin cusub aragti togan ku eeg mugdigii uu ka danbeeyey iftiinka noocan ahi si taas lamida yaa culays kasta waxa ku lamaan fudayd.
Noloshu dhamaanteed madow ma’ aha si kastay shalay maalin adag u ahayd laguma xasuusinayo joogtaada oo keliya ayuu illaahay swt ku dhaaranayaa waana cashar ah in noolashiyaha joogtadu aad u qiima badan yahay aadna illaahay u celiso awood oo dhan ogolaatidna in aad arimaha qaar aadane u tahay uuna maamulayo allaha awaamirta ka debera.
2:Sidoo kale illaahay swt wuxu ku dhaaranaya habeenku markuu xasilo ama madoobaado.
Aayadani waxay ina xasuusinay in habeenku nasashada iyo degenaanta u saaxiib yahay lagaga nasto maalinta daalkeedii.
keliya kuma eeka feeditaanka gudcurka se waa macnaha xasiloonida iyo nabadgelyada.
Waxa dhacda marka qofku isku buuq ku furan yahay in uu maalintii oo dhan hurdo habeenkiina soo jeedo taas oo caafimaadka maskaxdeena u xun. aayadani waxay si cad inoo xasuusinay in habeenku u soo degay inaynu ku xasilo.
3:
Markale illaahay wuxuu dejinayaa nabbigeena muxammed cs wuxuu u sheegaya inuu yahay nuurkii iftiinkii kahayey ee caalamka.
Bushaareeyihii banii’aadamka si toos ah ayuu illaahay ugu sheegaya inaanu ka tagin oo aanu u cadhoon.
Sidaas si lamida ayuu illaahay inoo soo barbariyey ilaa maalin aynaan garanayn waxba sidee ayuu kuu nici kara cidda kaaga dhow waalidkaa? Sidee ayuu war-moog uga yahay xaaladahaaga kala duwan?
4:Waxa markale nabbiga (NNKH) loo sheegaya in noloshan oo keliya illaahay magiciisa kor yeelayn ee uu akhiro darajooyin sarre ku leeyahay taasna uga khayr badan tahay.
Marar badan ayeynu u malaynaa marka albaab nolosha kamid ahi inag xidhmo in ay noshuba intan tahay.! Se waxa nayla xasuusinayaa ku samrida imtixaanka aduunyo in aynu darajooyin aakhiro ku mutaysanayno.mustaqbalka ugu wayn ee aynu u noolaan karnaana yahay akhiro iyo nolosha waaray.
halka qofkii mashruucaa akhiro ee wayn ku dhacaa uu aduunkii ka noqonayo aakhiro agteeda maalin ama barqin inuu soo joogay. Waana sirta imtixaanaka keena camal wanaagsanaada.
4:Nabbiga ayaa loo balan qaaday in illaahay swt siinayo wuxuu ku raalli noqdo.
Xabiibkeena ayaa magiciisii kor la yeelay,culayskasta oo dhabarkiisa ahaaday laga fayday maalin ay labbo keliya ahaayeen illaahay saddexeeyey.
mar kale magaaladiisii uu jeclaa dib u furtay maalin ay darnayd malaaig lagu xoojiyey.
maalin kale ayaa la dhaawacay nuurk caalamka maalin uu na habaari karayey ayuu noo duceeyey markaas ayeynu maanta dhabaradii kuwuu u duceeyey kasoo baxnay anagoo qiranay fariintiisii.
Sidaas ayuu illaahay balantuu qaado uga bixin.
Markasta oo aynu si iimaan leh u rumayno qaybka iyo waxa inaga qarsoon ayuu illaahay inagu abaal marin waxa aynu samirnay.
1/2.
Waxaan aad u xiisayaa wax qorida, ugu yaraan inaad qorto xasuusaha maalmahaaga inkasta oo aanan aad wax uqorin misna Waxa aad ii cajibiya afar sanno ama shan sanno ka hor wax aan qoray markaan dib u dheehdo.Waa xirfad cajiiba maalinba maalinta ka danbaysana waa xirfad aan aad u sii jeclaanayo. dadka xirfadaa lehna aad ayey ii cajibiyaan. Waa wax aad u qurux badan inaad ugu yaraan wax ka qorto maalmaha kala duwan ee noloshaada qaabeeya .Qoraalka waxaan ku tilmaami karaa waa waxa kaliya ee aad wax kasta u sheegan karto si aan cabsi lahayn ayaad dareemadaada oo dhan ugu cabiray uguna qoray dhamaalkasta oo aadan cid cod ku gaadhsiin karin ama aanay kula dareemi karin.Waxaad ku cabiray dareenkasta sida jacaylka, farxada, murugada, nabada,xasiloonida,dabeecada iwm.
November 6, 2021.