Stories by Keenadiid Cali-Xiis on Medium
Waraaq uu Albert Einstein u diray wiilkiisa Hans.
“Dhuuxaygii Albert (Hans Albert Einstein),
Shalay waxaa i soo gaadhay warqaddaadii qiimiga badnayd, wayna i faraxgelisay. Waxa aan ka baqayay in aad kol dambe wax ii soo qori weydo. Kolkii aan Zurich joogay waxa aad ii sheegtay, in aad ka yaxyaxdo imaatinkayga Zurich. Sidaas awgeed waxa ay ila tahay waxaa wanaagsan in aan ku kulanno goob kale oo cid inaga qastaa aysan jiri doonin. Si kasta oo ay ahaataba, waxa aan ku adkaysanayaa in aan sannad walba bil dhammaystiran wada qaadano, si aad u aragto in aad haysato aabbe si weyn kuu jecel. Waxa aad sida oo kale iga baran kartaa waxyaabo farabadan oo wanaagsan misna qurux badan, waxyaabo aadan si fudud cid kale uga heli karin. Waxyaabaha aan shaqada iyo dedaalka badan ku gaadhay ma aha uun wax aan ugu talagalay dadka shisheeyaha ah balse waa in wiilashayduna ay si gaar ah uga faaidaystaan. Maalmahan waxaa aan dhammaystiray mid ka mid ah waxqabadyadii ugu quruxda badnaa noloshayda, kolka aad weynaato ayaana kaaga sheekayn doonaa.
Aad ayay ii deeqday in aad barashada biyaanada farxad ka heshay. Aragtidayda, iyada iyo nijaarnimaduba, waa waxyaabaha ugu fiican in uu raadceeyo qof da’daada ahi, xataa dugsiga iyaga ayaa ka waxtarbadan. Sababta oo ah aad ayay ugu habboon yihiin dhalinyarada adiga oo kale ah. Inta badan biyaanada ku garaac heesaha aad adigu ka hesho, xataa haddii uusan macallinku kuu igmin. Sidaas ayaa ah habka ugu wanaagsan ee wax badan lagu barto: jeerka aad si farxadi ku dheehan tahay wax u samaynaysid ilaa aadan xataa dareemin waqtiga ku dhaafay. Aniguba mararka qaarkood aad ayaan ugu dhex milmaa shaqadayda ilaa aan xataa illaawo qadada. . .
Adiga iyo Tete ba, aabbe waan idin dhunkanayaa.
Hooyadaana i gu salaan."
Juun, 9, 2025
W/Q: Edgar Allan Poe
W/T: Keenadiid Cali-Xiis
BERRI BAAN DHIMANAYAA. Berri ayaa aan dhimanayaa, maantana waxa aan doonayaa in aan adduunka uga warramo wixii dhacay, si aan malaha nafsaddayda uga xoreeyo culayska ba’an ee dhex yuurura.
I dhegayso se! I dhegayso, waxa aad maqli doontaa sida aan u halaagsamaye.
Yaraantaydii waxa aan lahaa naxariis dabiici ah oo ruuxdayda ku lammaan taas oo igu kelliftay in aan jeclaado xayawaanka—dhammaan jaadadka xayawaanka, gaar ahaan se xayawaannada aynu marabida (pets) u naqaanno, xayawaannada bartay in ay la noolaadaan aadanaha oo la qaybsadaan hoygooda.
Wax gaar ah baa jira oo ku sugan jacaylka xayawaannadaas, kaas oo si toos ah ula hadlaya wadnaha aadanaha ay waayo aragnimadiisu bartay sida uu jacaylka aadanaha kale u yahay mid aan la isku hallayn karin oo doorsoomi og.
Aniga oo waxoogay yar ayaa aan guursaday. Waad fahmi kartaa farxadda aan ku dareemay in ay ooridaydu igala sinnayd jacaylka xayawaannada. Si degdeg ah ayaa ayna iyaga oo dhawr ah noogu keentay xayawaannada marabida ah kuwooda loogu jecelyahay. Waxa aannu haysannay shimbiro, kalluun dahabi ah, ey wanaagsan, iyo curri.
Currigu waxa uu ahaa xayawaan qurux badan, xajmi weyn leh, oo gebiahaanba madow. Magaca Buluuto (Pluto) ayaa aan u bixiyay, waxa uuna ahaa ka aan ugu jeclaa xayawaannada aan rabbaysannay.
Kaligay ayaa quudin jiray, waxa uuna ii raaci jiray meel kasta oo guriga ka mid ah. Aad ayaa ay xataa iigu adkayd in aan iska reebo kolka aan suuqa u baxayo. Saaxiibtinimadayadii dhawr sano ayaa ay sidan ku sii socotay, ha yeeshee intii waqtigaas lagu gudajiray dabeecaddaydii si weyn ayaa ay isu beddeshay. Waxa aan noqday cabtoy saaid u cabba khamriga iyo cabbitaannada kale ee xooggan. Maalmo haddii ay gudbeen na, waxa aan noqday qof habdhaqankiisa uu jacaylku ku yaryahay; waxa aan noqday mid cadho dhaw; waxa aan illaaway sida loo dhoollacaddeeyo iyo sida loo qoslo. Ooridayda, iyo xitaa xayawaankii rabbaayadda ii ahaaba dhammaantood, marka laga reebo currigii, way dareemeen in ay dabeecaddaydu doorsoontay.
Habeen ayaa aan guriga imi xilli dambe, aniga oo ka imid maqaayadda aan hadda ku cabbo, waqtiga faraha badan na aan ku qaato. Si dheelli ah aniga oo u socnaya ayaa aan dirqi ku galay gurigaygii. Kolkii aan galayna waxa aan arkay—ama u maleeyay in aan arkay—currigii Buluuto ahaa oo isku deyaya in uu waddada iiga leexdo, si uu isaga kay ilaaliyo. Falkan, igaga yimi xayawaan aan is lahaa weli waa uu ku jecelyahay, ayaa si xad dhaaf ah iiga cadhaysiisay. Naftaydu in ay jidhkayga ka dhaaqaaqayso ayaa aan dareemay. Mindi yar ayaa aan jaakaddayda ka la soo baxay waa aanna kala bixiyay. Dabeeto xayawaankii birimageydada ahaa ayaa aan qoorta soo qabtay, si degdeg ah ayaa aanna halmar oo kaliya uga saaray mid ka mid ah indhihiisii ay cabsidu buux dhaafisay.
Si tartiib ah ayaa uu currigii u bogsaday. Godkii ay ishiisu ku jiri jirtayna waxa uu noqday mid aan u wanaagsanayn aragga, waa dhab; currigu se uma uu eekayn in uu weli wax xanuun ah la silcayo. Hase ahaatee, sidii la filayay, marwalba oo aan agtiisa imaaddo cabsi darteed ayaa uu iiga cararayay. Oo muxuu iiga carari waayay? Ha se ahaatee arrintani weli waa ay iga cadhaysiinaysay. Dareen ugub oo gudahayga ku soo kordhaya ayaa aan dareemay. Mid keennee baan boqollaal jeer is arag isaga oo falal xunxun u samaynaya kaliya in uu ogyahay in ay mamnuuc tahay awgeed? Ka aadane ahaan miyaysan mar kasta awoodo qarsoon inagu riixin in aynu jebinno xeerararka kaliya in aynu ognahay in ay xeer yihiin awgeed?
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa aan si arxan darro ah xadhig qoorta ugaga xidhay currigii, inta aan dabaqa hoose ee guriga u dejiyay ayaa aanna ka soo deldelay alwaax ka sarreeyay madaxayga. Halkaas ayaa uu ka laalaaday illaa uu ka qudhbaxayayay. Aniga oo ilmaynaya ayaa aan deldelay, aniga oo og in uu i jeclaaa [currigu] ayaa aan deldelay, maxaa yeelay waxa aan dareemay in uusan i tusin sabab aan u waxyeelleeyo, maxaa yeelay waxa aan ogaa falkaygaasi in uu ahaa gef weyn, iyo denbi dilaa ah oo ruuxdayda si abadi ah uga fogayn doona jacaylka eebbe!
Isla habeenkaas, aniga oo jiifa, ayaa aan daaqaddayda oo furrayd ka maqlay qaylada deriska. Sariirtaydii ayaa aan si dhakhso ah uga booday waxa aanna ogaaday in dab qabsaday guriga oo dhan. Dirqi ayaa aannu guriga uga baxsannay aniga iyo ooridaydu. Haddii aannu guriga ka baxnayna, wax kale oo aannu ka qaban karnay ma jirin aan ka ahayn in aannu istaagno oo daawanno illaa uu dhulka la sinmayo. Currigii ayaa aan ka fakaray markii aan daawanayay guriga gubashadiisa, currigii aan meydkiisa kaga tegay isaga oo weli ka laalaada dabaqa hoose. Waxa ay u muuqatay in currigu si qarsoon u sababay guriga gubashadiisa, si uu iigu ciqaabo falkii xumaa ee aan u gaystay, oo uu iiga aargoosato.
Bilo ayaa kaa soo wareegtay, maskaxdaydana waa aan ka saari kari waayay ka fakarkii curriga. Habeen ayaa aan fadhiistay maqaayaddii, aniga oo cabbaya sidii caadada ii ahayd. Wax madaw oo aanan hore ugu arki jirin baan na ku arkay geeska. Waa aan dul tegay si aan u ogaado waxa uu yahay. Bisad ayaa ay ahayd, bisad aan laga aqoon Buluuto. Waa aan taabtay oo salaaxay aniga oo illaa dhabarka gacanta gaadhsiinaya. Currigii waa uu kacay waxa uuna dhabarkiisa ku xoqay gacantayda.
Bisadda in aan rabo ayaa aan si kedis ah u ogaaday. Ninkii baarka hayay ayaa aan na u soo bandhigay in uu iga iibiyo, hase ahaatee waxa uu ii sheegay in uusan horeba u arag. Haddii aan baarka ka tegayna wuuba isoo raacay, anna iskama aan reebin. Aniga iyo ooridayduna waa annu rabbaysannay judhiiba.
Si kastaba ha ahaatee, kolkii aan guriga keenay subaxdii xigtay, waxa aan ogaaday in currigani uu il la’yahay sidii Buluuto. Sidee bay maangal ku ahayd in aanan arrintan ogaan habeenkii hore? Xaqiiqadani ooridayda sidii hore ka badan ayaa ay u sii jeclaysiisay curriga. Anigu se waxa aan isku arkay dareen nacayb oo igu sii badanaya. Nacaybka igu sii badanaya ee aan u qabo xayawaankan waxa uu kaliya sii badinayay jacaylkii uu ii hayay.
Waa uu i raacayay, meelwalba ayaana uu marwalba ii raacayay. Marka aan fadhiisto, kurisigayga ayaa uu hoos jiifsan jiray. Marka aan istaagana, lugahayga ayaa uu kala dhexgeli jiray waxa aanna ku sigan jiray in aan kufo. Meelwalba oo aan qabtana waa uu joogay. Habeenkii waa aan ku riyoon jiray. In aan currigaas sii naco ayaa aan gaadhay. Maalin ayaa ay ooridaydu iiga yeedhay dabaqa hoose oo ku yaal dhisme duug ah oo aan ku khasabanaannay in aan ku noolaanno. Haddii aan jararanjaradii hoos u raacayna, currigii marwalba i daba socon jiray ayaa cagahayga hoos orday, isaga oo iba ridi gaadhay.
Halmar inta aan cadhooday, ayaa aan toorri la booday waxa aanna si dugaagnimo ah ugu dhuftay currigii. Ooridayda ayaa si degdeg ah gacanta ii qabatay oo i joojisay. Se waa ay iga sii cadhaysiisay uun, aniga oo aan kaba fakarin xitaa ayaanna iyadii kula jeestay, waxaa aanna toorridii kaga aasay gunta hoose ee wadneheeda. Inta ay dhulka ku dhacday ayayna si sanqadh la'aan ah u qudhbaxday.
Waxoogay ayaan raadiyay currigii, mise ma joogo. Waa laygaga darnaa se hawshan waayo waxa aan ku khasbanaa in aan meydkan si iska dhaho, weliba si degdeg ah. Waxa aan si kedis ah u xusuustay gidaar dabaqa hoose ah oo mardhexe dhagaxaan lagu kordhiyay si loo daboolo dabshid hore oo aan hadda loo baahnayn. Gidaarku si adag uma uu dhisnayn, waxa aanna is idhi si fudud ayaa aad dhagxaantaas u guri kartaa. Dhagaxaantaas waxaa ka danbeeyay, sidii aan ku ogaa, god meyd deeqi kara. Dedaal badan ka dib, si taxadder leh ayaa aan meydkii u geliyay godkii dhagaxaantiina sidoodii ayaa aan ku celiyay. Waa aan ku farxay markii aan arkay in aysan jirin cid garan karta in xitaa hal dhagax la qaaday.
Maalmo ayaa gudbay. Welina wax bisad ah ma aan arag. Waxoogay dad ah ayaa ii yimid oo wax iga weydiiyay ooridaydii; si fudud ayaa aan se ugu jawaabay. Dabeeto maalin ayaa ay saraakiil dhawr ah oo booliska ka socday ii yimaaddeen. Maadaama oo aan hubay in aysan waxba helayn, in ay soo gudbaan ayaa aan u fasaxay, waana la socday intii ay baadhista wadeenba.
Ugu danbayn dabaqii hoose ayaa ay bilaw illaa dhammaad baadheen. Aamusnaan ayaa aan ku daawaday, sidii aan filayayna waxba ma ay helin. Se kolkii ay jaranjaradii dib u raaceen, waxa aan dareemay in uu jiro xoog qarsoon oo gudahayga ka imanaya kaas oo raba in uu ogaysiiyo, in uu u sheego in aan ku guulaystay dagaalkii. Waxa aan idhi "Dhismaha gidaarradan si adag ayay u dhisanyihiin; waa guri duug ah oo wanaagsan". Markii aan sidaa lahaana ushayda ayaa aan ku garaacayay isla gidaarkii uu gadaashiisa yaallay meydka ooridaydu. Durtaba waxa aan dareemay dareen qabaw oo dhex mushaaxaya jidhkayga markii aan maqallay oohinta argagaxa leh ee ka soo baxaysa isla gidaarkii.
Halmar ayaa ay saraakiishii istaageen oo ay is eegeen. Si dhakhso leh ayayna u gureen dhagaxaantii, inyar uun ka dibna waxa ay hortooda ku arkeen raqdii ooridayda oo la madoobaatay dhiigga ku qallalay una uraysa sidii raq qudhuntay. Raqda waxaa dulfadhiyay currigii, oo ishiisii kaliga ahayd uu dab ka holcayo, afkiisa uu kala hayana uu u casyahay sida dhiigga, waxa uuna la qaylinayay si uu u aarsado!