Stories by Mariam Adan Isak on Medium
DHALLINYARADA IYO ISTICMAALKA MAANDOORIYAHA.
Sabannadii ugu danbeeyay dhallinyaradeenna Soomaaliyeed waxa ay la daaladhacayaan caqabado aad u badan oo ay kamid yihiin shaqo la’aanta, tahriibka badan, dhaqaalo yari iyo isticmaalka maandooriyaha. Intaas iyo in ka badan ayay maalin kasta la kulmaan dhallinta Soomaaliyeed kuwaas oo waddanka gudihiisa ku sugan.
Qormadan ayaan rabaa in aan si gaar ah uga hadlo caqabadda ah isticmaalka maandooriyaha iyo sida ay u saamayso mustaqbalka dhallinyarada iyo qaab-dhismeedka bulsheed sida uu noqonayo.
Isticmaalka maandooriyuhu waa dhibaato ku soo korartay dhallinyarada Soomaaliyeed. Qarninigii 20aad wixii ka danbeeyay, isticmaalka maandooriyaha gaar ahaan qaadka waxa uu si weyn ugu soo batay dalkeenna Soomaaliya dabayaaqadii 1970-meeyadii. Xilligaas oo dalalka deriska nala ah sida (Itoobiya iyo Kenya) laga soo galin jiray qaad badan kaas oo noqday ganacsi weyn oo maalin kasta socdo, Sida ku xusan WIKIPEDIA.
Laqabsigii Qaadka waxa uu sii abuuray in ay sii ballaartaan isticmaalka maandooriyaasha kale sida sigaarka, shiishadda, xashiishka, kookaayiinta iyo daawooyinka maanka doorriyo oo ay dhaallintu isticmaalaan.
Isticmaalka maandooriyuhu waxa uu gallaafsanayaa maskaxda iyo mustaqbalka dhallinyarada. Waxa uu ka hor istaagayaa horumarka iyo hab-fikirka wanaagsan taas oo keenta dhibaato saboolnimo, caafimaad-darro maskaxeed iyo mid jireed. Qofka maandooriyaha isticmaala waxa uu si muuqata uga duwan yahay dadka kale oo waxaa is baddala midabka jirkiisa, habdhaqankiisa, caafimaadkiisa jireed iyo kan maskaxeed intaba.
Isticmaalka maandooriyuhu waxa uu qofku ka hor istaagayaa cilmiga iyo raadinta waxbarashada. Markii la joogo bulshada dhexdeeda, maandooriyuhu waxa uu ku leeyahay saameyn aad u darran taas oo ay kamid yihiim burburka qoyska, xidhiidhka bulshada oo xumaada, shaqo la’aan iyo sumcad darro. Dadka qabatimay maandooriyaha waa dad bulshada dhexdeeda aan sumcad weyn ku lahayn. Dadkeenna Soomaliyeed maadaama ay yihiin dad Muslimiin ah maandooriyaha waxa ay u arkaan denbi diini ah, maxaa yeelay Qur’aanka iyo Axaadiista si cad ayay u reebaan isticmaalka maandooriyaha.
Dadka maandooriyaha isticmaala waxa ay inta badan ku dhacaan fal-danbiyeedyo bulsheed oo xad-dhaaf ah, kuwaas oo bulshada dhexdeeda dhibaato ku noqonaya. Isticmaalka maandooriyaha waa caqabad bulsheed oo saamayn weyn ku yeelata dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bulshadeeda. Dhaqankeenna Soomaaliyeed waxa uu si qeexan uga soo horjeedaa isticmaalka maandooriyaha iyo dhaqannada lamidka ah.
Isticmaalka maandooriyaha waa caqabad ku sii ballaadhmaysa bulshadeenna soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada qarnigaan jooga. Dhallinyarada aan wax baran ayaa aad ugu badan isticmaalka maandooriyaha, waxa ay u baahanyihiin wacyigelin in loo sameeyo, loona furo goobo badan oo dhaqancelin ah, kuwaasi oo lagu qaabaynayo habdhaqankooda iyo ka joojinta qabatinka maandooriyaha.
MUQDISHAAY KUMA ILAABO
Saddex iyo laabatanka Agoosto, maalin Talaado ah waxa aan ka safrayaa magaaladaydii aan ku soo barbaaray, ku soo kacaamay, la igu soo ababiyay. Magaaladayda Baydhabo Janaay waxa aan ku soo qaatay waqtigayga inta ugu badan laga soo bilaabo waayahayagii carruurnimo, waxbarashadaydii, dugsi qur’aan ilaa iskuul (dugsi hoose, dhexe, sare) inta laga soo gaarayay qaan-gaarnimadayda.
Maanta waxa aan ka tagayaa magaalo aan garanayo sida dabecsan ee ay dadkeedu u dhaqmaan iskuna fahmaan ayna wax u wada qaybsanayaan. Waxa aan u tagayaa dad kala duwan oo isku qaab aan u wada dhaqmin, kana soo kala jeeda deegaanno kala duwan, ula jeeddooyin iyo aragtiyo kala duwanna xambaarsan, xitaa isku lahjad aan ahayn. waxa aan ka tagayaa magaalo aan kala garanayo waddooyinkeeda, suuqyadeeda, goobaheeda dalxiiseed iyo goobaha ay dhallinteedu u soo caweysin tagaan. Se waxa aan taygayaa magaalo aan kala garanayn waddooyinkeeda, ayba culays igu tahay kala goysyada laamiyadeeda, suuqyadeedana saxmada ka baxeysa aad is oranaysid abidkaa xitaa haku soo laaban.
Waxa aan ka soo tagayaa magaalo dadka wada jooga badankooda la is garanayo, xaafado kala fog la iskaga imaanayo, dadkeedu ay maalinta Jimcaha is wada booqanayaan. Waxa aan u imaaday magaalo qofka deriskaaga ah xitaa aadan is garanayn, oo aan dabka xitaa la iska qaadan, weliba laga yaabo in aad hal dhisme (Apartment) isla deggantihiin, halka markii hore aan xaafado kala fog iskaga imaan jirnay.
Waxa aan ka imaaday magaalo dadkeedu ay la weyntahay derisnimada, dhallinteeduna ay tixgeliyaan saaxiibtinimada iyo qalin wadaagnimada, magaalo aan lagu tixgalinayn in qofka la barto Reerka uu ka soo jeedo. Waxa aan imaadday magaalo ay dadkeedu cajiib yihiin, aqoonsiga ugu horeeyo ee lagaa rabo uu yahay in aad sheegto reerkaaga iyo meesha aad ka soo jeeddid.
Waxa aan imaaday magaalo xadaaraddeedu aad u sarrayso, oo wax badan oo iga maqnaa ayaan ka bartay, waxa ay i bartay sida loo noolaado. Haa waa sida dadka caadiga ah ay u noolaadaan. Waxa aan ka bartay khibrad nololeed, cilmi iyo aqoon. Waan ku qaangaadhay oo waxaa ku sii ballaadhmay caqligayga iyo hab fikirkayga. Waxa aan la saaxiibay dad kala duwan, dhaqan ahaan waxyaabaha qaar aan kala mid ahayn, waxa aan nolol iyo qalinba la wadaagay saaxiibo aan dadka kale iskaga dhownahay. Waxa aan bartay sida la isku maamulo nafsad ahaan iyo waxyaalaha igu hareeraysanba u maarayn karo. Waxa aan bartay isbaddellada iyo sida loo wajaho, oo waxa ay ka dhigantahay kolkii hore ma aanan garanayn nolosha maalinba tan ka danbayso sidaa joogtada ah isku badalayso. Magaaladani waxa ay i bartay sidii aan masuul uga noqon lahaa naftayda, markaan joogay magaaladaydii Baydhabo qoyskayaga ayaa masuul iga ahaayeen se hadda aniga ayaa qoys isku ah.
Waxa aan bartay sida loo wanaajiyo qof ku xumeeyay, sidoo kale waxa aan bartay wax kasta oo aan ogahay sida loo yiraahdo waxaas waxba kama ogi, oo waxaa ii fududaatay in aan wixii aan rabin dhihi karo maya. Waxa aan yareeyay kalsoonidaydii badnayd iyo aaminaaddaydii aan dadka kale siin jiray.
Intaasi iyo in ka badan ayaan ka bartay oo aan qoraalkan ku soo koobi karin. Magaaladda Muqdisho haddeer waxa ay ii noqotay magaaladayda labaad ee aan dunida ugu jeclahay. Waan la qabsaday oo haddaan ka tago waxa aan tabayaa waxyaabihii aan dhibka ku qabay markaan imaanayay Waxay ay ii noqotay meel aan ku indho furtay. Waxaanan rajaynayaa intaa iyo in ka bad oo wanaag ahba in aan kala kulmi doono