Stories by Muxammad Baaruud on Medium
1. Allah.
2. Araxmaan.
3. Araxiim.
4. Al Maliku= [Boqorka]
5. Al Quduusu= [Daahiranaha]
6. Al Salaam.
7. Al Mumin= [Ka Dhabeeyaha]
8. Al Muhaymin= [Kor ka ilaaliyaha]
9. Al Asis.
10. Al Jabaar= [Ka-Baha]
11. Al Mutakabir= [Qab Badanaha]
12. Al Khaaliq.
13. Al Baari'.
14. Al Musawir.
15. Al Qafar= [Danbi Dhaafaha]
16. Al Qahar.
17. Al Wahab.
18. Al Razaq.
19. Al Fatah.
20. Al Calim.
21. Al Qaabid.
22. Al Baasid.
23. Al Khaafid.
24. Al Rafic.
25. Al Mucisu.
26. Al Mudilu.
27. Al Samiic.
28. Al Basiir.
29. Al Xakam= [Garsooraha]
30. Al Cadal.
31. Al Ladif.
32. Al Khabiir
33. Al Xaliim.
34. Al Cadiim.
35. Al Qafur.
36. Al Shakuur.
37. Al Caliyi.
38. Al Kabiir.
39. Al Xafiid.
40. Al Muqiid.
41. Al Xasiib.
42. Al Jaliil.
43. Al Kariim.
44. Al Raqiib.
45. Al Mujiib.
46. Al Waasic.
47. Al Xakiim.
48. Al Waduud.
49. Al Majiid.
50. Al Baacif.
51. Al Shahiid.
52. Al Xaq.
53. Al Wakiil.
54. Al Qawiyu.
55. Al Matiin.
56. Al Waliyu.
57. Al Xamiid.
58. Al Muxsii.
59. Al Mubdi'
60. Al Muciid.
61. Al Muxyi.
62. Al Mumiit.
63. Al Xayi.
64. Al Qayuum.
65. Al Waajid= [Helaha amase Hela badanaha]
66. Al Maajid= [Wanaajid badanaha]
67. Al Waaxid.
68. Al Axadu.
69 Al Samad= [Boqorka cid walba u baahan tahay, ee aan cidna u baahnayn]
70. Al Qaadir.
71. Al Muqtadar.
72. Al Muqadim.
73. Al Mu'akhir.
74. Al Awalu.
75. Al Aakhir.
76. Al Daahiru.
77. Al Baadinu.
78. Al Waaliyee=[Taliyaha amase Talye badane]
79. Al Mutacaalii.
80. Al Baru.
81. Al Tawaab.
82. Al Muntaqim.
83. Al Cafuwu.
84. Al Ra'uuf=[Tudhaha amase Tudhe badanaha]
85. MAALIKIL MULKI= [Lahaan Tabanaha]
Dul-ja-laali-Wal-Ikram= [Sarreeye iyo Maamus badane]
86. Al Muqsid.
87. Al Jaamic.
88. Al Qaniyu.
89. Al Muqnii.
90. Al Maanic.
91. Al Daar.
92. Al Naafic.
93. Al Nuur.
94. Al Haadii.
95. Al Badiic.
96. Al Baaqiiye.
97. Al Waarif.
98. Al Rashiid.
99. Al Sabuur.
WQ= Muxammad Baaruud.
FG= Halkan waxaa ku dhan 99 Magac ee Eebbe SWT, markii hore waxay ku qornaayee Af Carabi; aniga ayaa u bedalay Af keenna Hooyo. Inta aynu ku jirno bishan Barakaysan ee Ramadaan aynu ka faaiidaysano oo xifdin ahaan iyo fahan ahaanba u qaadano Magacyadan culus ee uu leeyahay EEBBE heena.
Sheeko Falsadeedka Jimcahan.
Milixda Hilibka waxay ka ilaalisaa in uu xumaado, Milixda maxaa ka ilaalinaya inay iyadu xumaato Jaalle-yaal ?!.
Haddaan si qotto dheer u faahfaahino Suaal Falsafeedkaas amase u sharaxno innakoo waaqica ku dabakhayna waxaan odhan lahaa sidatan.
Beribaa waxaa saaxiibo ahaa laba nin oo mid ahaa Wadaad halka ka kalana ahaa Warranle, labaduna waxay ahaayeen Xaas la yaal. Kii Warranlaha ahaa ayaa ka safray Magaaladii uu joogay, Saaxiibkii ayuu ku yidhi inta uusan safrin Jaalle reerka waxba uma baahnee dushaas ka ogsoonow, Warranlihii oo sii maqan muddo saddex casho ah ayaa Wadaadkii booqday xaafadii saaxiibkii, bariido iyo bogaadin ka dib; Marwadii Saaxiibkii Warranlaha ahaa ayuu ku yidhi Heedhee odoygii waa maqan yahay ee aynu is fahano oo dhankaas iyo Gogosha aan kaa dhiso.
Gabadhii uu qabay Warranluhu waxay ahayd Marwo Eebbe SWT ku manaystay caqli iyo xikmad, Wadaadkii waxay ugu jawaabtay war heedhe waxaan ku waydiinayaa hal suaal hadaad ka jawaabto waa isfahmaynaaye horta iiga jawaab, Wadaadku waxa uu yidhi haye e soo daa. Marwadii caqliga iyo xikmada u dhalatay waxay ku tidhi Wadaadkii "Milixda Hilibka waxay ka ilaalisaa in uu xumaado, Milixda maxaa ka ilaalinaya inay iyadu xumaato Jaalle-yaal"?!
Wadaadkii suaashii waa garan waayey! Marwadii ayaa ku tidhi orodoo jawaabta kasoo raadso Magaalada iyo cid kasta oo ku tuhmi karto inay kaaga jawaabto suaashan, ninkii odoyga ahaa ayaa rag badan oo uu ku tuhmayey Aqoon iyo xikmad waydiiyey, raggii intoodi badnayd waa garan waayeen; raggii mid ka mid ah ayaa yidhi anaa garanaya jawaabta laakiin halkan aynu joogno waa Gol'e si gooni-ah ayaan kuu siinayaa jawaabta. Intay gooni iskula baxeen labadii nin ayuu uga jawaabay suaashii uu watay Wadaadkii wuxuuna ku yidhi "Haddii Bulshada dadka u ah indhaha ay xumaadaan sida Indheergaradkii, Aqoonyahankii iyo Culimadii maxaa laga filan karaa dadka intiisa kale."
Farriintii Musharax Madaxweyne XASAN SHIIKH MAXAMUUD oo qoraal ah.
Anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed oo taageersan aragtida iyo mabaadiida ku fadhiya Siyaasadda ku dhisan Dal, dad iyo Dawladnimado jacayl iyo waaqica Siyaasadeed ee Ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay ee Musharax Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu leeyahay ayaan waxaan go'aansaday markii aan dhagaystay labbo jeer iyo ka badan farriintii uu la wadaagay shacabka Soomaaliyeed; in aan anigu ku darsado Halgankaas iyo horumarkaas uu dalka usoo qabtay in aan aniguna qoraal ahaan ka dhiggo.
Muuqaalkaas waxaan qoraal ahaan uga dhigay maahmaahdii ku saabsanayd akhrinta ee ahayd
"Ummadda wax akhrida waxa wax loogu sheegaa QORAAL."
Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa saaran waajib ah in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax ku darsado, qofkii wax ku darsaday bulshada dhexdeedana uu sharaf iyo karaamo ku dhex lahaado.
Jaalle saaxiibayaal yaanan hadalka idinku badine aan idin kala baxo idinka iyo TAARIIKHDAN culus ee uu dalka ku leeyahay Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud ahna Musharax Madaxweyn.
Akhris wacan oo wanaagsan.
▪︎BILOWGA HALGANKII HSM.
Subax anigoo taagan isgoyska MAANA-BOOLIYA 1992 ayaa waxaa ii muuqan waayey arday sita buug amase xidhan dharka iskuul oo kalahaya, murugadii iyo welwelkii aan maalintaas ka qaaday isgoyska MAANA-BOOLIYO ayaan waxaan ku garwaaqsaday in waxbarasha la'aanta darteed Dhalinyaradu halis ku jirto dalkana halis ku tahay haddaan xal loo helin. Si aan u guto waajibka Damiiriga ah iyo kan WADDANIMO anigoo Madax banaan ayaan waxaan go'aansaday in aan ka taqo shaqo aan u hayey UN ka, una istaago badbaadinta jiilka mustaqbalka ee Dalkeenna.
DABLAY hubaysan oo daganayd Sarta MAANA-BOOLIYO ayaan ka codsanay in ay noo baneeyaan daarta, waxaa sidaas noogu furmay Iskoolka aan u bixinay Muqdisho Primary School.
Dhawr jeer ayaan halis u galnay oo nalaku soo weeraray iskoolka, markii u danbaysay Dablaydii hubaysnayd waxay dibeda amase banaanka iskoolka u soo saariin anaga iyo ardaydii dhiganaysay iskoolka, nin Saaxiibkay ahaa oo iskoolkana ila furay ayaa igu yidhi yaan iskoolka dhexdiisa lagugu DILIN; waan dareensanaa halista uu Saaxiibkay iiga digayey laakiin waxaa igala cuslayd rajo beelka ku dhici lahaa caruurtii iskoolka dhiganaysay haddii la xidhi lahaa iskoolka. Intaan ka quusan lahaa mustaqbalka Ardayda waxaan goostay in aan xal raadiyo.
Halgan dheer ka dib ardaydii duruufta adag wax-ku-baratay waxay soo gaadheen in Dugsiga sarre dhammeeyaan, waxaana lama maarmaan noqotay in ay helaan tacliin sarre sidaas ayaan ku furnay Machadka SIMAD.
▪︎Bishii SEPTEMBER,2001 waxaa qalin jabiyey Dufcadii koowaad ee Machadka, waxay ahayd maalin dareen weyn igu leh aniga. Guushii ardaydaas waa guushii hayaankii waxbarasho ee kasoo bilowday isgoyska MAANA-BOOLIYO. Waalidiintii, ardaydii iyo Macalimiintii joogay goobta qalinjabinta way faraxsanaayeen laakiin aniga waxaa gaar ii ahaa welwel aan ka qabay shaqa la'aanta ku dhacaysa ardayda qalinjabisay; maadaama shaqada laysku siin jiray Aqoon gooni ah iyo hayb.
Waxaan xasuustaa toddobo Arday oo aan shaqo uga soo helay shirkadii NATIONLINK, waxaa se shuruud layga dhigay in aan dammiin ka noqdo anigu, kama laba-labayn in aan masuuliyadaas qaato. Waxaan ku kalsoonaa tayada Ardayda iyo waqtiga aan gelinay ardaydaas.
Barbaarinta ardaydaas waxaan ku barbar waday shaqo Cilmi baadhis ah oo aan ku darsaynay Dakharada kala gaadhay bulshada Soomaaliyeed iyo sidii loo dhayi lahaa, waxaan tagay inta badan Gobolada dalka Soomaaliya; waxaan baadhis ku samaynay colaadaha iyo wixii ay salka ku hayeen.
Hawshaas cilmi baadhista ah iyo xal raadinta ah intaan ku dhex jirnay dhawr mar ayey nafteenu halis ku gashay.
Saaxiibkay Alle ha u naxariistee CABDIQAADIR YAXYE CALI ayaa ku baxay gacanta kuwa cidhib tirayey qofkasta ay ku tuhmayaan in uu qayb ka noqon karo xalka Soomaaliya. Dilkii saaxiibkay wuxuu abuuray niyad-jab sababtay in haldoor badan oo nala shaqaynayey in ay dalka ka cararaan, ma cabsan haddii aan idhaahdo waan FAANAY, waxaase isku kay dhinac yiilay laba qoddob oo ah in aan HAYAAMO iyo in aan HALGAMO midkood; waxaan doortay in aan HALGAMO oo aanan quusan.
Waxaa ii muuqatay in Soomaalida iyo adduunkuba waqti badan ku lumiyeen raadinta xal mar dadka oo dhan ku daawoobo, majiro Gobol mid Gobol kale ku dhibaato iyo baahi ah amase Tuulo mid Tuulo kale ku colaad ah; sida baahida iyo dhibaatada u kala duwan tahay ayuu xalkooduna iigu muuqday in ay u kala duwan tahay. Dedaalkeenii waxbarasho ma dabooli karin baahida noockasta leh ee jirtay in tobbon amase labbaatan arday aan shaqo u soo helo, kuma filayn Boqolaalka arday ee sannad kasta kasoo qalin jabinayey Jaamacadaha dalka.
Hawsheennii cilmi baarista iyo Nabadayntuna kuma filayn joojinta iyo xal u helida colaadihii dalka ka jiray, waxaa lama huraan ahayd in la helo Dawlad dhab ah oo deeqda Ummadda oo dhan. Taasina ma suurta geli karin inta shaadhkeenu cad yahay oo aan iska dhawrayno Siyaasadda ,dadka Siyaasadda ku jiraana ay hareer marsan yihiin wadada xalka.
Si aan u hirgino ISBEDEL dhab ah oo wax ku ool ah oo Dadka iyo dalka waxtara, waxaan go'aansaday in aan ka shaqeeyo Siyaasadda. Waxaana isku sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya oo ah meesha u saraysa ee wax laga sixi karo.
▪︎Bishii SEP, 10, 2012 waxaa Baarlabaankii Soomaaliyeed ii doorteen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa laygu wareejiyey Dal sabool ah iyo Dawlad Federaal ah oo aan dhaafsiisanayn BANAADIR.
1) Dawlad caasimaddeeda in ka badan 60-ISBAARO ay taalo.
2) Dal inta badan argagixisadu haysato.
3) Dawlad miisaaniyad iyo Bangi dhexe oo shaqaynaya lahayn.
4) Dawlad xidhiidh Diplomaasiyadeed aan la lahayn inta badan caalamka.
5) Dawlad aysan inta badan u dhisnayn Haayadaheedii Dawliga ahaa.
6) Dawlad aan lahayn shaqaale rayid ah oo diwaan gashan iyo Dawlad ay ka maqan tahay wax kasta oo ay Dawladi u baahan tahay.
Caqabadihii i horyaalay way badnaayeen, waxaan se diirada saaray in aan Dawladnimada hoos kasoo dhisno anakoo shaqada sida ay u kala muhiimsan tahay u kala hormarinayna.
Waxaan ku dhaqaaqnay fulinta heshiiskii Bulsho ew ahaa hirgelinta nidaamka Federaalka, waxaan ku guulaysanay xorraynta Gobolo badan oo dalka ah oo ay argagixisadu ay haysatay.
Waxaan qaadnay talaabooyinkan soo socda.
1) Waxaan qaadnay ISBAAROOYINKII caasimadda dhex yiilay.
2) Waxaan diwaan gelinay shaqaalihii rayidka ahaa.
3) Waxaan dib u hirgelinay nidaamkii maaliyadda oo ugu horeeyo Bangiga dhexe.
4) Waxaan dajinay miisaaniyadii Qaranka.
5) Waxaan dardar gelinay wada hadaladii Soomaaliland, oo aan u fududaynay adeegyadii uga xidhnaa Dawladda Federaalka.
6) Waxaan soo celinay xidhiidhadii caalamiga ahaa.
7) Waxaan dajinay Siyaasad arimo dibedeed oo ka madax banaan colaysi, anakoo danta Soomaaliyeed ku raadinay iskaashi iyo Diblomaasiyad.
Daadajintii awooddaha iyo maamulka Federaalka ee aan ku baahinay dalka, ayaa suurta geliyey 49 SANNO KADIB in aan Soomaaliya ka hirgelino Doorasho DADBAN oo ka dhacday meelo badan oo kala duwan.
Anigoo ka dhabaynaya u saldhigida Siyaasadda xasiloon ayaan hirgeliyey Doorasho hufan, daah furan, loo dhan yahay loona siman yahay; ayaa laygagana guulaystay natiijadeedina aan aqbalay.
Shaqadii aan ka qabanay dawladnimad iyo Haykal Dawliga ah waxaa ku yimi dib-u-dhac. Dalkuna maanta wuxuu marayaa Siyaasad ahaan, amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo Diblomaasiyad ahaanba meel ka liidata meeshii aan dalka uga tagay.
Soomaaliya iyo dalka Soomaaliyeedba waxaa iga haysa lexelo jeclo qoto dheer, anigoo intan ka waayo-aragnimo yar, ka khibrad yar ayaan ka QUUSAN waayey Soomaaliya. Maanta oo aan ahay Odoy Soomaaliyeed oo xogogaal ah sidee uga QUUSAN karaa. Si aan uga kabano dib-u-dhaca, una soo celino isku duubniada Ummadda iyo xasiloonida Dalka; waxaa loo baahan yahay Siyaasad, Dulqaad, Dimuqraadiyad iyo damqasho leh oo horseeda dhammaystirka dhismaha Qarannimadeena.
Ummadda Soomaaliyeedeey waxaan ahay Musharax u taagan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2022, sidaas darteed waxaan waydiisanayaa Ummadda Soomaaliyeed in ay i siiyaan kalsoonidooda si aan Dalka markale u Hoggaamiyo. Waad mahadsan tihiin.
FG: Farriintii ka timi Musharax Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee ku socotay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo dhan oo ay ka midka yihiin Xildhibaanada labada Gole, Indheergaradka, Ganacsata, Culimada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayey ahayd; sababta muuqaalkaas soconaya 10m iyo 27sec aan qoraal ahaan uga dhigay waxaan u arkay waajib saaran aniga iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo Dalkan laxelo jeclo fog ka hayso in loo hiiliyo HOGGAAMIYAHAN INDHEERGARADKA ah.
▪︎Aniga ka Muxammad ahaan qayb ka mid ah Dawladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo inta badan tii Farmaaja ba waxaan joogay Magaalada Muqdisho, waxaan ahay arday Soomaaliyeed oo bartay cilmiga Siyaasadda kana baxay Jaamacada Plasma University. Qofkii dhalinyaro ah ee wax-ku-bartay caasimadda Ummadda Soomaaliyeed waa ka markhaati Dalka meesha uu uga tagay Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo maanta meesha uu joogo, waxaan aad uga murugooday in waddooyinkii shacabku ku mari jireen xorriyadda in ay noqdaan kuwo dhufays laga qotay.
▪︎Waxaan halkan BAAQ cod dheer ah uga dirayaa Xildhibaanadeenna sharafta iyo karaamada innaga mudan in ay codkooda ku CIBAADAYSTAAN 15,MAY oo u codeeyaan Aabbaha Dimuqraadiyadda Dawladnimadeena kasoo bilaamatay Carta. Waxaan rajaynayaa in codsigaas ay naga ajiibi doonaan haddii Eebbe idmo.
Alle mahadle.
WQ: Muxammad S. Baaruud.
Fg: Qormadan waxaan qoray 9/May/2022.
Aniga iyo Buuggii Siyaasad aan Sixir lahayn
[Diin iyo Dawlad]
Intii aannan akhriyin buuggan waxaan u haystay mid shar badan ka buuxo oo aan akhrintiisa ku cadaab mudan doono haddii meel ka mid ah isoo jiitana amase aan dhegaha u yara raariciyo qalbina usii daayo; bac ayaa iiga xidhnayd sidii buuggii hore ee uu qoray Qoraagani ee la o dhan jiray XADKA RIDDADA oo aa Mar xooggaa ka akhriyey anoo jooga Xamar. laakiin buuggan markii aan akhriyey dhammeeyeyna wax badan ayaa ii baxay. Insha-allah hadda qofkii aan kasoo qaatay ayaan u celiyey laakiin waxaa doonayaa mid anigu si rasmi ah u leeyahay in aan soo gato.
Bal horta inta aanan meelaha culus dhexda u gelin aynu aas-aaska ka bilowna iyo wixii Aqoon iyo Garaadnimo iiga kordhay buuggan intii aan akhrinayey, weliba akhrin ku noqnoqosha dheer ayey ahayd.
Saldhigga buugga iyo Ereyga xasaasiyadda badan ay Soomaalidu ka qabto ee Calmaaniyad horta ma waxa uu sax ku yahay Cilmaaniyad mise Calmaaniyad, dood dheer ka dib iyo darsid badan waxaa laysku raacay in uu Ereygu ka yimi Caalam oo ah Adduunka oo dhan sidaas ayuuna ku noqday Calmaaniyad. Horta bal qoddobkaas iga gunta.
Haddii aynu si waafi ah isku waydiino Waa maxay Ereyga Calmaaniyad ?!. Waxaynu si saxeero ah oo Maskaxda iyo Maankuba fahmi karo buuggani uga jawaabay; "Wixii dunyaawi/ Adduunka ah oo la xidhiidha Nolosha Adduunyadda, shuqulna aan ku lahayn Ummuuraha ruuxda iyo Diimaha".
Calmaaniyadda ka jirta adduunka iyo dawladdaha qaatay ba aad ayey u kala geddisan yihiin. Tusaale kooban haddii aynu soo qaadano Calmaaniyadda ka jirta wadamada Yurub ee kala haysta Mad'habka Boroostanska iyo Kaatooligu waa kala geddisan yihiin.
B) Calmaaniyadda ay gadhwadeenka ka tahay Dawladdu oo ka hirgashay Faransiiska iyo guud ahaan waddamaada haysta Mad'habka kaatooliga waxaa loogu yeedhaa (Laysitee).
T) Calmaaniyadda ay bulshadu gadhwadeenka ka tahay oo ka dhaqan gashay Jarmalka iyo wadamada haysta Borootastanka (Sekulaarism).
Labadan nooc ee Calmaaniyaddu sida aynu aragnaba aad ayey u kala duwan yihiin.
Labadan qoddob bal idhaha la raarici Jaalle-yaal!.
▪︎Xafiisyada Faransiiska Dawladda waxaa ka reeban wax walba oo la xidhiidha Diinta.
▪︎Maraykanka laftirkiisu waa Calmaani laakiin waa ka geddisan yihiin Faransiiska sababtoo ah Madaxdiisu waxay ku dhaartaan Kitaabka Quraanka iyo Baybalka sida qofkii Muslim ah uu ku dhaarto Kitaabka Eebbe, ka Kiristanka ahna ku dhaarto Baybalka. Madaxda Maraykanka badankoodu khudbadahooda waxaa ku jira ereyo Diini ah sida "God bless America", sida aynu ka wada-dherergsan nahay lacagtooda waxaa ku qoran USA Doller "In God we Trust" oo Macnaheedu Afkeenna Hooyo ku noqonayo Eebbe ayaan ku kalsoon nahay". Halkaasna qoddob iga-dheh.
Bal aynu sharaxno labadan Erey macnahooda Diinta iyo Siyaasaddu maxay kala yihiin ?!.
▪︎Diinta macnaheedu wuxuu saldhiganayaa waa Caqiido iyo wixii Eebbe raaligelinaya.
▪︎Siyaasadduna waa Maamul iyo wixii Samaynta wixii suurogal ah.
Buuggan cajiibka ah ee lagu soo uruuriyey Aqoon iyo xog badan oo inta badan aan runta laga sheegin, Aqoonyahanadda Soomaaliyeed na mooji cida ay ka baqayaan oo cilmigoodi marti uga yihiin wax badan miiska ma saarin. Ma shacabka Soomaaliyeed oo aan wax badan ogayn haddii meelo qaar laga hadlo budhadhadhka soo qaadanaya ? Ma Culimada Soomaaliyeed ee kooxaha badan isku haya, midkastana dantooda iyo sidii ay dalka iyo dadka ba u afduuban lahaayeen doonaya ayaa laga baqayaa ? Ma Siyaasiinta Soomaaliyeed ee waddamada reer Galbeedka wax kusoo bartay; xukunka haya amase banaanka jooga maxay runta uga hadli waayeen ?!
Fg: Intii aan sida fog ee fahanku sal-dhigga u yahay ku akhrinayey buuggan qiimaha iyo qaayaha badan wax badan oo dalka, dadka iyo dawladnimada Soomaaliyeed ba anfacaya ayaa si maldahan ugu jira....
Alla Mahadle.
Mahadsanid Jaalle-yaal.
Akhris wacan.