Stories by Nashadwrites on Medium
Press conference mise book fair : Sidee bey ahayd soojeeddintii Prof Ingiriis.
Xalay goor aan bannaanka kasoo noqday baan waxaan arkay in Prof Ingiriis oo muddo joogay Garowe kuna casuumnaa Nugaal book fair uu kelmad ka jeeddin doonno fiidkii hotel-ka Grand, waxaan go’aansaday in aan tago oo aan soo dhagaysto muxaadaradaas maaduuceeddu ahaa ; qaaradda Africa iyo hoggaaminta.
Waxa uu bilaabmanayay barnaamijku 6:30 markii aan tagnay ma joogin Professorku lakiin dad badan baa hoganayay oo sugayay kelmaddiisa, Music iyo sawirro wixii la isku mashquuliyo ba saacaddu waxa ay gaartay 7:30pm, waxa aan dareemay markaas in waxani macquul ahayn iyo inaan ka fekero sababta Event planners ku usoo dhejiyeen waqti ay in intaas la’eeg ka daahayaan.
Waqtigu wuxuu socdoba waxaanu isku dhaafinnah dhaanto ay soo bandhigayeen wiilal iyo gabdho aad Alle hibo usiiyay iyo heesta Heedhe Soolleey markaas kadib saacaddu waxa ay gaadhay 8:00pm intaan xanaaq dareemag baan ku iri gabadh i ag fadhiday oo aannu iridka iskasoo raacnay : “ Waxani wax ka badan e odayga ma maalinkii uu Deni la doodday baa laga raacay oo waa la dhaadhiciyay”.
Ugu dambeyn wuu yimi Professorku waxa uuna fuulay meesha laga hadlo, wuxuu na siiyay cudur daar diirran in uu soo habsaamay isagoo leh waa dhaqan soomaaligeena ee iga raalli ahaad, wuxuu ammaan kula dul dhacay reer Garowe oo runtii si qurux badan usoo dhaweeyay professorka aadna ugu wada faraxsanaa imaanshihiisa.
Waana wax lagu farxo in dhallintu xiiseenayaan arrimaha noocaan ah iyo events-ka aqooneed lakiin taasi ma waxay noqon kartaa [ seriosness ] nimadii lagu xaman jiray reer Puntland taas oo uu Cabdullaahi Cawsey ka dhigay daahiro tahay in la darso?.
Waxa uu ka hadlay Prof Ingriis wey duubantahay lakiin anigu waxyaabaha aanka fahmay baan halkan kusoo gudbin intaas kahor se waxaan rabaa in wax ama labo ka dhaho Event-ga iyo soojeeddintiisaba.
Waa marka hore suxufiyuuntu aad bey ubadnaayeen ilaa heer aad isweydiiso meeshu ma siyaasi baa ka hadlaya ma Media Press degdeg ah baa mise waa Academic Event, inta aaddan iweydiin sababta aan udhibsaday suxufiyiinta joogay meesha aniga ayaa kuu tiranaya sababaha ay dhibaato utahay in suxufiyiin intaas la’eeg yimaadaan golaha;.
Guud ahaan waxa fiican in jawwiga shir jaraa’id iyo gole aqooneed kala duwanaadaan.
Kaamirooyin fara badan oo afka laga geliyo qodka hadalka jeedinaya iyo boqol makarafoon oo aan shaqaynayn waxay dhabqis kutahay hab usocodka soojeeddinta qofka.
Haddii larabo in Video laga qabto waxyaabaha lagasoo jeediyay meesha, qoladda mas’uuliyadda qabanqaabadda iska leh baa diyaarin kara labo kaamira oo duuba hadhowna wey qayqaybin karaan ama soo gelin karaan barayaasha bulshadda iyadda oo aan la jarjarin oo dhammays tiran qofkii ka maqnaana uu ka faaidaysan karo.
Buuq iyo xasillooni dhaqdhaqaaq tiro badan ay sameenayeen ragga kaamaradda hor taaggan iyo in ay isku gudbeen qofkii hadlayay, taas oo carqalad gelinaysa [ attention] qofka dhagaysanaya barnaamijka.
Suxufiyiinta oo meesha uyimi in ay ka duubtaan video labo ama shan daqiiqo ah oo ay hadhow facebook-ga soo dhigaan views badanna ku helaan sida labadii erey ee ay isweydaarsadeen Ingiriis iyo Deni dhawr maalmood kahor cirka isugu shareertay.
Suxufiyiinta Puntland oo kaa qaraabta goobaha waxbarashadda halka shaqadoodu ahayd im ay raadsadaan sheekoyin fiican oo ay soo tebiyaan [ bettee stories to cover].
Aan usoo noqdo muxaadaraddii Prof Ingiriis; ilama ahayn Prof Ingiriis in uu soodiyaariyay barnaamijka meesha ku dhegannaa ee macluumaad aan ishaysan oo uu korka ka hayo buu sheegsheegay isla markiina su’aalaha buu ugudbay.
In uu xoogga saaray Details aan macno weyn lahayn sida ay Dibloomaasiyiintii Soomaliya joogay uga carareen markii dagaalku qarxay taas oo lagag hadlo [ Autobiographieska] iyo Films ka lakiin marka tariikhada la joogo in dadka dareenkooda lagu xadxanteeyo mooyee aan miisan culus lahayn.
Waayo 1991 waxa Soomaliya ka dhacay baaxadda ay la eegtahay inta aanu annagu diraasayn lahayn ilama aha Safiir awalba meel kaga xeraysnaa tajribaddiisa shakhsiga ah in aanu dul marinno.
Weyna dhacdaa in markii waddan dagaal galo laga kala yaaco waana wax aanu daawannay sannadihii udambeeyay ma aha wax fajac nagu ah.
Nidaamkii Gumaysigu Wuu fiicnaa.
Prof Ingiriis inta uu ammaano waxqabadkii gumaysiga talyaaniga in u dhowna masiiyo maamul soomaliyeed.
Nidaamkii dhaqanku wuu fiicnaa.
Soomaalida dhaqan hoggaamineedkooda aad buu ufiicnaa buu yiri Prof Ingiriis lakiin gumaystaha baabi’yay.
Waddaniyaddu wey xuntahaay.
Waa mid lid ku ah tan hore ee nidaamka gumagsigu in uu fiicnaa lakiin labada fikradoodba Ingiriis baa qaba.
Waxa uu ka dhawaajiyay in Masar rabtay in Soomaliya la midowdo kontomeeyaddii waana wax fiican in aanay arrintaasi dhicin waayo Masar haddii ay khayr hayso Sudan ba ma diiddeen oo iskama saarteen.
USA nama kala qaban iyo in soomaalida la isu daayo bey ahayd si koox uwada qabsato.
Oo haddii kooxdaasi argagixiso tahay ma wax fiican baa ?
Haddii hal awood oo wadanka gacan ku qabatase aanad mushkilad u arag maxaad habeen iyo maalin Siyaad Barre ujiidjiidataa?.
Waa su’aalo hortaagan Prof Ingiriis.
Wixii xun ba Siyaad barre baa na baray.
In badan xalay wuxuu Ingiriis ku doodday in hoggaamiyuhu ka dhexdhasho bulshadda iyo dhaqankeeda yaguna ay sameeyaan, taas ma noqon karto in Siyaad Barre yahay miraha hab maamulka dhaqan soomaliga ? . Maya buu ku leeyahay Ingiriis dhaqan hoggaamineedka xun oo dhan Jaalle Siyaad baa na baray. Waayahay Siyaad ma cirkuu kasoo dhacay ?.
Methodology aan caddayn.
Mushkiladda dhan waxa ay unoqon misadoolajiga Ingiriis oo aan ani ii caddayn isburin badan iyo mawaaqiftiisa oo aadan taaban karin.
Ma nin isticmaalaya Methodology qadiimi ah oo reer galbeed baa? Ma Post-clonial studies nin ka duulaya oo dhaqanka uhiilinaya baa?
Ma mushkiladda iyo su’aasha ayuu toosin khusaysa arrinta Soomalida mise Xal buu raadin oo taas buu xoogga saarin?.
Intuba makala cadda.
Jaahwareerka Toobiye: Muraajaco iyo Naqdin
Toobiye W/Q Sheekh Cabdirisaaq Rakuub - Qalimmaal publishing
Magaca buugga sida aan isleeyahay waa ku halqabsi buuggii (Macaalim fi dariiq) oo lagasoo gaabiyay (dariiq) marka lasii soomaaliyeeyo ah wadddo ama Toobiye, Cutubka ugu tunka weyn buugga waa cutubka kowaad kaas oo magiciisu yahay Hirdanka fikradaha aad isna mooddo in loo eekeysiiyay dooddii Samuel Huntington.
Halka qoraayada Islaamiyiinta kale ka guureen dooddi ahayd Qaswul Fikri — oo ah aragti in dunida Muslimku tahay meel lagu soo duulay oo aan haysan hub fikri oo ay isku difaacdo — maadaama Huntington uu soo celiyay boos ay galaan hirdanka uu sheegay ee ay isku hayaan Galbeedka iyo quwadaha dib-u-dhaca — waa arrin ay soo dhaweeyaan Islaamiyiintu. Waxa ayna aad u naqdiyaan aragtida Fukuyama, taas oo salka ku haysa isla hal aasaas falsafadeed, laakiin asaaskaas uma dhaadhacaan oo way ka meeraystaan.
Huntington iyo Fukuyama-ba waxa ay ka duulayeen aragtidii Hegel ee taariikhda. Islaamiyiintu, aragtidaas ay kasoo horjeedaan ayay ku dhaqmaan, oo waxa ay dhanna taageeraan dawladaha calanka u wada liberaaliyadda hantigoosadka ah sida Turkey. Waxa ugu weyn ee ay Fukuyama kaga soo horjeedaan waa doorka uu siiyay Maraykanka oo keliya, laakiin doodda ugu weyn ee Fukuyama waa sii-jiridda iyo sarraynta liberaaliyadda salka ku haysa hantigoosadka.
Qoraagu waxa leeyahay in labada aqoonyahan ee reer masar Sayyid Qudub iyo El-Messiri uga horreyeen Fakuyama dhiraanrinta ereyga dhammaadka tariikhda , hadaba keliya in Abdulwahaab El-Messiri uu leeyahay buug ladhaho Dhammaadka Tariikhda, maaha in uu wax uga horreeyay Fakuyama, tusaale waxa jira buug taariikhi ah oo uu leeyahay Ibn Kathir oo ladhaho Al-Bidaya Wal Nihaya, lama oron karo Fakuyama buu wax uga horeeeyey madaama kelmadda ( Nihaaya) tahay mawduuca buuggiisa , waxa la isaga horreeyaa waa aragtida ee ma aha kelmad ama erey dooddaas qoraagu qabo isla Abdulwahaab El-Messiri oo ka xanaaqsan baa jirta muqaal uu kuleeyahay carabtu buugga Fakuyama maxay ula daraandarayaan anaaba uga horreeyay ereyga.
Kelmadda (Alienation) waa kelmad weligeed faylasuufyadu isticmaalayeen lakiin maanta waa mid ku ladhan magaca Marx isaga oo isticmaalka kelmaddan looga horreeyay , waxa siiyay in ereygaas lagaar noqdo waa macnaha cusub iyo in uu ku dhex daray nidaam falsafadeed uu dhiraandhiriyay.
Fakuyama laftigiisa wax uu daba socdaa Hegel dadka leh aragti tiisa khilaafsanna sida Marx iyana Hegel bey ka dab qaateen waxayna leeyihiin isla mawqif ah in hal nidaam dunidu ku dambayneeso loollan dheer kadib inta uu doono haqaate ama hantigoosad sida Fakuyama qabo ama hantiwadaag sida Marx. Mid kasta hadana thesis isaga ugooni ah buu ka sameeyay oo ku kala duwan aragti aqoonneedka ay ka duulayaan Misaaliyad/Maaddiyad , ujeedadda Fakuyama na ma ahayn keliya odoroska burburka dawladaha Hantiwadaagga ee waxa ay ahayd in uu kadhigo fikirka kasoo horjeedda meesha wax ku dhammaanayaan.
“ waxa sadaalin iyo odoros la yiraadhaa midda sayid Qudbi iyo Masiiri ee sadaalintu maaha kolka dhacdadu dhammaato sida tan Fukuyama"[pg 21], waa maxay waxa ay sadaaliyeen Sayid Qudub iyo Masiiri “Masiiri buuggiisa waxa uu kusadaaliyay in uu dhammaaday cahdigii galbeedka iyo aragtidoodu Masiiri waxa uu kuwaafaqay Sayid Qudub in reer galbeedku nolosha maaddi ka dhigeen”[pg21]. Waa maxay cahdiga dhammaaday ma kan hantigoosadka ? Ma tahay taasi se sadaalin ? Maanay ahayn isla talada uu bixinayo qoraagu in loo kala tartamo sidii loo xulufaysan lahaa dawladaha calanka usida dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha oo marka aad dhaqaale maqashid ba hadda waa suuqa xorta ah iyo hantigoosadka “ isbeddelkan isxulafaysiga ah muslimiinta waddamadooda waxa u wanaagsan in aanay ka hadhin oo doorkooda ka ciyaaraan”[ Pg 25], halka Sayid Qudbi yiri “ Hantigoodadku waxa uu uburburi doona madhnaan mabda’eed ”[pg 2]. Oo haddii nidaamkaas la islaameeyo sax yahay haddii kalena yahay burbur, yaa se yiri hantigoosadku kuma dhisna mabda' falsafaddo taxan ilaa qarniyaddii dhexe haddaad tiraahdo maye ee waxa ka maqan waa diin , hadaba muxuu Max Weber isugu xiray caqiidada Protestants ka iyo nidaamkaas , maye reer galbeedku akhlaaq maleh bey kusoo ururtaa doodda udambeesa oo waad ku shaqaysan kartaa dadka dhiiggoodana miiran kartaa marba haddii aad hoos Astagfirulah ka leedahay , oo yaa yiri reer galbeeddu akhlaaq maleh ?.
In aad nidaamyo dhaqaale tiraahdo wey burburayaan waayo midna gaalnimu salka kuwtaay midna akhlaaq la’aan waa taxliilin iyo oddoros caajislow .
Isla maqaalka xiga kan ka dambeeya qoraagu waxa uu ku sheegayaa dhimashada Libaraaliyadda cusub oo runtii ah magac kale oo loo bixiyay hantigoosadka helay awood teknoolaji ee aan ahayn nidaam dhaqaale ee iskii utaagan inkasta oo uu qoraagu kadhigayo nidaam dhaqaale oo iskii utaagan , sidoo kale waxa uu kadhigayaa aragti Keynesian iyana in ay tahay mid gooni utaaggan labaduna waa isla hantigoosad “ Aragtida dhaqaale ee Keynesian-ku waxa ay aad uga duwantahay aragtida dhaqaale ee laybaraaliyadda cusub ‘’’[pg 39] halka John Maynard Keynes marna oran waxaan dhigayaa nidaam cusub ee uu aragtiyo khuseeya waxa loo yaqaano ( micro-economics ) uu qoray , in qoraagu u arko neoliberalism aragti dhaqaale oo keligeed taagan waxaad ka garan kartaa marka uu leeyahay marka uu isbarbar dhigayo yada iyo Keynesian-ka “labadan aragtiyood waxa ay kala turjumayaan laba fikradood oo aan shaqo isku lahayn xagga nidaaminta dhaqaale ’’ [pg 39], maxay yihiin tolow labadaas fikradood? Innaga oo og in neoliberalism ka iyo Keynesian-ku ba tahay aragtiyo hantigoosadka hoos gasha .
Meelkale waxa uu leeyahay qoraagu sidan “ aragtida ugu weyn ee loo asaasay laybaraaliyadda cusub waxay ahayd mid lagula dagaalamayo aragtiyihii dhaqaale ee shuyuuciyadda iyo Keynesian-ka ’’ [pg49].
Qoraagu masheegayo saddexdan aragtiyood tan uu isagu u arki xalka dhaqaale burburka soo noqnoqda ma aragtida neoliberalism taas oo oo ka yir “ wakhtigeedii waxa uu so idlaaday sannaskii 2008kii “ [pg 41 ] mise Keynesian ka ? Waayo shuyuuciyadda Sayid Qudbi baa sadaaliyay dhimashadeeda.
Mise dhaqaalaha Islamaga ah oo aan weli laga dhiraandhirin aragti ishaysata aan ka ahayn inuu hoostago tan Neoliberalism-ka .
Calmaaniyadda iyo Turkiga.
Calmaaniyaddu waa erey taariikh sooyal iyo qaab uu waaqaca uga muuqday ba leh, oo sida ay uga dhaqan gashay wadammada ismawada laha, mana aha hal wax oo meel taaggan, buuggu waxa uu dood adag ku diidayaa calmaaniyadda isla markaasna waxa uu bogaadinayaa nidaamka Turkiga sidii aanu nidaamkaasi ahayn mid kamida manduumadda calmaaniyadda / dimuqraadiyadda / neoliberalism ka uu qoraagu laba maqaal oo hore ku naqdiyay .
“ burburkii khilaafadu waxa uu sababay in la isweydiiyo mar labaad sideenu saaxadda ugu soo noqonnaa”[pg56]. Suaasha in dib loogusoo noqdo saaxadda aqoonyahanno badan oo carab ah baa u arkay xal calmaaniyadda gaar ahaan wadanka Masar oo leh qayb shacabka diinkale haysta waana sababta uu Sheikha Qoraagu Sh Al- Qardaawi uleeyahay masiixiyiinta Masar waa in aanu [Muwaadiniin] ugu yeerna haddii ay dhibsanayaan ereyga [Dimmi] ; marka uu usharraxayo mashruuca ikhwaanka qidbiyyiinta, lakiin siyaasaddu ma aha naaneyso iyo in la is dallacinayo labada erey waxa ay wataan xumuulad feker xuquuq iyo door.
Muwaadin iyo Dimmi waa laba erey oo laba waqti oo kala duwan laba hab dhaqaale iyo siyaasadeed kala duwan ku yimi mana aha wax la isku bed-bedli karo sida uu Qardaawi udhigayo.
Aqoonyahannada qayba uu arka in suaasha horu-kaca ummada tahay mid ku eeg wadammada carabta ee aan khuseyn muslimiinta kale sida Bakistaanida Turkida iyo African-ka kale ; ayna wadammo badan ka tashadayn aayahooda yaga oo aan dib ujalleecin boqortooyo aanay kamid ahaan jirin ? Hadaba soomalida maxaa kaga xiran Boqortooyaddii Turkida?.
Tusaale Jalaal Al-Cadam dooddii uu lagalay Qardaawi ee Al-jazeera waxa uu toos ubogaadinayay nidaamka Turkiga ? Jalaal waa Calmaani Alle diid ah, maxaa ku kulmiyay isaga iyo Qardaawi tageeridda Turkiga?
" Dawladda Madaniga waxaynu odhan karnaa waa nidaam cusub oo calmaaniyadeed kaas oo inyar mabaadi’diisii loo soo yara casriyeeyay loona soo yara fududeeyay’’[ pg62].
dawladdaas uu tilmaamayo buuggu maaney ahayn Turkiga oo kale markii dhulka loosoo daadego?. Qoraagu marka uu meelkale udabbaal degayo inqilaabkii dhicisoobay ee 2016, maanu qoraagu ku farxin in militariga laga badbaadiyo in ay faraha lasoo galaan dawladdaas madaniga ah ? .
Dawlad Madani ah ma aha erey cilmiyeysan marka siyaasadda laga hadlayo ee waxa jirta qura bulsho madani ah; lakiin ereygaas waxaa aad loogu isticmaala gadal haynta siyaasadda gaar ahaan waddamada loolankooda siyaasadeed isku hayeen tan iyo marhore askarta iyi shicibka ok ay Turkey kow ka tahay Sudan Masar iyo wadammada galbeedka Africa.
Dawladaha sida Turkey waxa ay siiyaan xorriyad dhammaan mujtamaca in uu u dhaqmo sida uu rabo oo marka Erdogan xilka hayay dad badan baa ugu riyaaqay in xijaabka, diinta barashada, dhisidda masaajid iwm ay bateen haddana sidaas si lamida waxa batay oo ay dawladdu xannibi karin kaniisadaha, dalxiiska, meelaha khamriga lagu cabo, kilaabyada iwm '' waana sababta dad badan ugu riyaaqaan iyaga oo aan fahansanayn hoosdhiggaa’' [Pg62] hoosdhigga ah in dawladda saas udhaqanta tahay weli mid calmaaniyad ah hadaba qoraagu ma fahmin miyaa hoosdhiggaas marka uu leeyahay '' Turkiga oo quwadda ugu weyn waddamada muslimiinta ah in maanta la wiiqo ma aha mid aynu raalli ka ahaan doonno" [pg96], iyo marka uu dabbaal degayo badbaadada dawladdaas madaniga ah ee marka isaga loo eego waxba dhaamin calmaaniyadda “waxa guul ah in Ordugaan shicibweynaha Turki iyo guud ahaan inta samaha jecel in uu dhicisoobay shirqoolkii lagu waday” [pg96].
Dawladda madaniga ah waxa uu yiri buuggu waa mid ay jaangoyso " doonista shacabku" [pg61] waana " mabaadi’da calmaaniyadda" [pg61], halka Turkey na yahay " Dal uu xukunkiisu hayo halyeey ku jooga rabitaan shacab"[pg97].
Sidaas darteed waa in “ugu sii ducayno in uu kasii hor maro”[ pg97] kawaran haddii midowga yurub aqbalo hadda in Turkey lagu daro madaama isbedel badan dhacay dagaalka Ukraine dartii waana arrin uu rabay Erdogan waxbadan ilaa uu Midowgu albaabada ka xirtay isla waayaddii aqoonyahannada galbeedku la dhacsanaayeen aragtidii Samuel ee ( Clash of civilisation ) taas na waa inaan ugu ducayno kuna taageerno , haddii ay timaado waqtigeeda lamana fogeysan karo.
Tani waa Jaahwareerka Toobiye marka kor la joogga diidaya wax marka hoos loosoo degona dhulka waaqacana tageeraya wixii uu diidday. Dafirayana waxa uu sugay taas bedelkeed na sugaya wax uu kor kusoo dafiray ; waa dhibta haysata fikirka ikhwaanka maanta in wixii aan tageero ama kooxdaydu la jirto yahay ( labada dhib kan fudud) ama ( Ijtihaad ) haddii cidkale se sugto tahay diin ka bax.
Khaladaado guud madbaceed iyo tixraac .
Buugga Toobiye waa maqaalo kala duduwan oo la qoray toban sano gudahood , maqaallada qaybtood waxa haboonaan lahayd in la taariikheeyo si qofka maanta ama berri akhrinaya ufahmo goorta waxanu dhacayn , mushkiladdu ma dhanka tafatiraha bey katimi mise qoraaga ma sheegi karo . Sidookale marka cid hadal utiirinaysidna in buugga qura sheegin ee aad soi guurido meesga uu hadalkaas kuyiri haddii aad hadal buu yiri leedahay taasina buugga wey ka maqantahay.
Tusaalooyin aan soo qaadanno; maqaalka ka hadlaya geeriddii Shariif Cabdi-Nuur waxa uu ku dhammaada sidan “ Maanta ayuu god galay Caalim Shariif Cabdi-Nuur isaga oo ketagay dhaxal weyn ..” [pg 122], maqaalkaas oo kale tariikhayn buu ubaahanyahay madaama qofka akhrinaya malinka uu akhrinayo lajoogin tanna waa mushkiladda marka facebook boosti la daabaco waayo boostiga wuu tariikhaysanyahay maalinta la boosti gareeyay.
Tusaale kale oo la magac baxay Turkiga maxaa innaga dhaxeeya ? oo ah maqaal caadifadaysan lana qoray maalmihii inqilaabka isana ma taariikhaysna waxa uuna ku bilaabmayaa “ Habeen hore ayey ahayd kolkii warbaahintu mar kaliya soo tabisay in dawladdii turkiga qayb kamid ah ciidammadeedii afgembi ka wadaan" [pg96] habeenkee weeye suaashu ? .
Maqaal kale oo layiraahdo Maxay gudbinayaan filimada musalsalka ah waxa uu kudhammaanayaa baaragaraaf dhan oo aadan fahmi karin meel uu usocdo iyo meel uu kasocdo “ … Filimkii ayaa la gaadhay oo haweenkanina wey lasocdaan .. maaha magaalo ee waa tuulo ayaan ku idhi meeshu , kuwii magaalada joogay maxaad umalayn ?! Kaalinbuuxineedda qofku nolasha wax ku soo kordhiyo. In qof kumanaan sannadood ka hor geeriyooday ilaa maanta magaciisa la xusuustaa kuma timaaddo qof jeclaysi, laakin waa mid uu mutaystay.[pg 110].
Bal intaas dambe xaggee usocotaa?. Tankale maqaalka gebigiisaba waxa uu ka hadlin xilli lasoo dhaafay oo toboneeyo sano kahor oo wax xiriir ah oo uu maanta la leeyahay majiro waaqica intiisa badan , oo maanta dadka filimaanta daawada waxa ay daawadaan streaming services waxa loo yaqaano waxa ay soo gudbiyaanna wey dhaafsiisantahay “ ..gabadh xaas ah oo ninkale la sinaysanaysa , qaar maxaariim isku ah oo wax iska doonaya . Dad guri wada jooga oo iska dhammaan la’a “ [pg108], lakiin filmska iyo musalsaladda la daawado waxa kuhoos qarsoon manduumado iyo haykallo falsafadeed taas ayaana ah in naqdinta laga bilaabo lakiin qoraaga sababta uweyn ee uu uga xumaaday musalsallada hindida iyo meksikaanka lasoo turjumi jiray waa “ … ehelkii in shaki iyo tushuush laysu dhex gelinayo “ oo dumarku in ay daawadaan waxa ay ku diraysaa nimankooda iyo eheladdooda.
Suaal isweydiin mudan waa maanta musalsaladda ladaawado waxa u calanwanleeyda Tvga Astaan kaas oo soo gudbiya isla waxyaanaha uu ku eedeynayo musalsaladdii carabta iyo meksikaanka ? Taasi tolow ehellada soomaaliyeed tushuush kuma furi karto ? Musalsalkii u dambeeyay ee Deriska ayna soo saartay Astaan waxa uu faafinayaa dhaqanxumo wax uu u arki karo qoraagu oo ah in gabdho iyo wilaal guri wada degi karaan iskuna ag meereysan karaan , musalsalkii Habboon maanu ku saabsanayn wiil iyo gabadh guri wada jooga soo wada koray oo iska dhammaan la’ ? Mise qoraagu Astaan waxyaabahaas ay gudbinayso oo ka saamayn badan kuwa lasoo turjumo maadaama cirro iyo caruur wada daawato ma aha khatar oo isla Astaan waa tan baahisa barnaamijyada uu qoraagu baahiyo kana mid yahay suuqgaynta buuggan.
Maqaalka ka sheekeenaya Imaam Ghazali waxa uu kubilaabaya “ waxa uu cusboonaysiiyay dhaqanka iyo caqiidada”[pg133] cusboonaysiin iyo caqiiddo.
“ Qasaali waxa lagu tirayaa in uu kamid yahay ragga horumariyay aragtida ashcariyadda , Qasaali ,Baqlaani , Juwayni” pg137 isla boggaas buu hadana qoraagu sooguurin hadal uu Qardaawi kuyiri buygiisa “ Al-fusuul” oo ah in Qasaali gebagabaddii noloshiisa kanoqday caqiidadiisii ta’wiilka taas macnaheeddu waa in uu kanoqday caqiidadiisii uu u dagaalamay noloshiisha dhan ee ashaacirada taasina wax ay ciddi tiri dadka daraaseeya Qasaali gaal iyo muslim ba majiro.
Sidan ayuu hadalka u dhigay “ Qardaawi waxa uu soo guuriya kitaabkiisa “Al-fusuul fil Caqiidah bayna salaf wal khalaf” in Qasaali gebagebaddii noloshiisa uu qoray kitaabka la yidhaa “ Iljaam Al-cawaam can Cilm kalaam” kitaabkiisa uu kaga noqday fikirkiisa ku saabsanaa fasirka sifaadka Alle SWT.” Pg 137
Marka hore Qardaawi looma daliishan karo in uu Qasaali noqday iyo in kale waayo buugga dhan waxa uu uqoray in uu isusoo dhaweeyo labada daraf oo cid ka horreesay isu soo dhaween wayeen. Waana buug diblomaasi ah oo xaraki ah mana aha kitaab caqiido ; ee ujeedadiisa uweyn waa in dadka ururka kujira ee caqiido walba haysta xasaasiyaddu ka baxdo lana dhaho midkiin ashaacirada iyo salafiyadda ba matihidin kuwo haysta wadaddii Salafka taas oo ahayd (Tafweed), waana dood labada dhinac ba aanay raacsanayn oo ayna sallimin oo sidee u sallimaan Salafiyadu in ( Tafweed) ladhaho waa caqiidada salafka iyada oo Ibn Taymiyya u arko ba wadadaas mid isjaahilsiin( Tajhiil ) ah oo aan u cuntamin in lagu tilmaamo salafka buug badan ka allifay.
Doodda uu cuskanayo Qardaawi waa buugga uu kor ku sheegay ee ( Iljaam Al cawaam) waa mid qofkasta oo buuggaas yar akhriyay arki karo in ay tahay majaro habaabin keliya magaca in uu kutusinayo in Kalaamka dadka laga ilaaliyo maaha in waxa buugga kuqoran yahay ka noqoshada Qasaali , muu Qardaawi sheego waxa ku qoran buugga laba layn oo kamid ah soo naqliyo buuggu waxa uu sheegayaaba waa madhabka Ta’weelka iyo in haddii dadka aan ahlu takhasus ahayn fahmi wayaan aan madaxa la xanuujin ee ladhaho sideeda (Tafweed/Alla og) ka dhaha.
Tankale qoraagu buuggu ma dhammaystirin doodda Qardaawi oo intaas waxa uu sii raacinayaa in “ mawqifka Qasaali waxa ka cad oo ka sariixsan kan imaamka labada xaram, oo oo cilmi kalaamka waxa uu ua rakaa arrin khawaasta ku gooni ah ”[1] .
Waxa uunaa raacinayaa “ Khawaasta laba ama mid baa laga helaa casri walba”[2], waana wax aan maangal ahayn khawaastu waa dadka ku takhasusay cilmigan hal casri sidee hal qof loga heli karaa madaama yahay cilmi la baryo la marsado ; yaa baraya halka qof ee halkii casriba hawada kasoo dhaca.
Toibiye arrintan waxa uu kusii darayaa in “ Qasaali waxa uga horreeyay ka noqoshada Ta’weelka Sh Al-ashcari” [pg137] waxaad moddaa in aanu baarin sheegashada Qardaawi ee aan macquulka ahayn keliya haddii tahay qof uyaqaanna madhabka salafka mid ah (Tafweed) sida uu Qasaali laftigiisa uu aaminsanyahay una leeyahay waa madhabka ah in la baro cawaamta iyo caqli-gaabka, oo buugga ( Iljaam) waxa uu la ceegaagayaa ta’weel.
Sidoo kale qoraagu waxa uu rabaa in aan la fajacno oo naga yaabsado intan kadib markii usoo naqliyay Qardaawi wixii uu kutegay “ waxa la yaab leh oo kitaabkan — waa Iljaam Al Cawaan — kujira marka uu ka hadlayo madarasadda salafiyadda in uu odhanayo “ xaqa kiisa cad waxa uu lajiraa madhabka salfiyada waxa aan ujeeddaa madhabtii saxaabada iyo taabiciinta” pg137 , waxa uu rabaa in na moodsiiyo in Qasaali ka hadlayo salafiyyada iyo madhabka sugista halka uu ujeeddo madhabka Tafwiidka , mana aha wax la la yaabo in firqo kasta u aragto madhabka Salafka kan usaxan waayo madhabkaas bey mid kasta macna goonni ah u leh, oo soo kuwa Ashaaciradu isu taqaan Ahlu-Sunna ; waana meesha la iskuba haysto haddii aadan halkaas taxqiiqin oo adoo qiiraysam lasoo booddo alla Qasaali baa yiri xaqqu waxa uu kujiraa Madhabka Salafka adiga oo sheeganaya Salafi waxa aad u ekaan qura qof wareersan oo waallan ama doqon lagu qoslo ah marka ay u xuntahay.
Tariikhaynta Cilm Kalaamka iyo doodda sifooyinku qoraagu kumasoo darin raadkii falsafadda giriigu kuyeelatay ee waxa uu udhigayazyin uu yahay isbedell gudaha ku eeg qura “ qarnigii labaad waxaa dunida muslinka ka aloosmay muran ku aaddan fasirka sifaadka” pg135 waa maxay sababaha aloosay ?. Iyo awoodaha sii huriyay?.
Muxuu tilmaamaa waxaas oo dhan iyo raadka Aristotle falaasifaddii muslimiintu ku yeesheyn dooddan sooka ka daray oo leh “marka la eeggo heerka uu ka gaadhay falsafadda Qasaali , waxaa jira rag aragtiyo badan loo tixgaliyo oo reer galbeed ah, se aad ula yaabay aragtiyaha wadaadka muslinka ah dunida kusoo kordhiyay. Waxa kamid ah raggaas ninkii caanka ahaa ee magaciisu aha Aristotel , oo kamid ahaa filasuufyadii ugu caansanaa qarniyadii tegay aragtiyahiisa siyaasadeed iyo arrimo bulsheedna loo tixraaco waxa uu marar badan ku waafaqay Qasaali mabadi’diisi la xidhiidha arimaha bulshadda”[ pg139/pg140]. Halkaas marka aad marinayso waxa keliya ee ku bannaan inaad buuga iskulasbto, Aristotle wuxuu jiray intii ufhaxeesag ( 384BC-322BC) , kulaaha qarniyaddii tegay , Aristotle waaba aabbaha falsaffada qadiimiga ah side buu ula yaabi karaa Qasaali ? Ma isaga oo qabrigiisa kujira? Yaa se wax ku raacay cid ? Maanu ahay Aristotle kan saamaynta uweyn kuleh caqiidadda Ashaacirada ee uu Qasaali ugu horreeyo , maan Mandiqa Aristotle ahayn kan uu Qasaali rabay in uu islaameyo ?.
Gunta iyo gunaanadkii buugga Toobiye waa tusaale uwanaagsan ee waxa soo baxa marka maqaallo aan sidaas ubuurnayn lagu daabaco warqaddo lagana dhigo buug , muraaqo iyo muraajaco naqdin la’aan ahna kala kulmo dadka qaabilaya , xattaa haddii ay maqaaladu xidhiidh leeyihiin takhasusi ah waa wax la gartay , laakii buuggan waxa kujira maqaalo laga maarmayay iyo kuwo dib u sixid xaqiijin iyo faahfaahi ubaahan waxana uu furayaa kun Toobiye iyo jaahwareer caqiiddo dhaqaale iyo siyaasadeed.
[1][2] Fusuul — Qardaawi pg 150/152
Warbaahinta ay maalgeliyaan shirkadaha tunka leh waxa ay dhiirrigelinayaan kafaa'iidaysiga ardayda.
Barnaamij dhawr asbuuc kahor ka baxay Tv ga Astaan oo ah Tv aad looga daawado carriga soomalida ayaa waxa uu baahiyay Barnaamij loogu magac daray Buundo oo ay tahay ujeeddadiisu sida uu sheegay daadihiyaha barnaamijka Mohamed Omer in dadka aan gudbin looga faa’iideeyo khibradaha qisooyinka iyo talooyinka dadka gudbay . Sidaa darteed shaqada uu barnaamijku qabanayo ay tahay samaynta buundo isku xirta dadkaas .
Haddaba markii aan daawaday barnaamijka waxa ii caddaatay in ujeeddadiisu tahay suuq geyn shirkaddo cayyiman kuwaas oo isla markaasna raadinaya in ay urursadaan fikradaha dhallinta , kana faaidaystaan shaqo la’aanta haysa iyo xamaaska ay u qabaan in ay dhakhso suuqa ugalaan . Marka aad haysatid barnaamij uu daadihinayo ninka ugu caansan soomalida marka ay utimaado dhiirrigelinta lagana baahinayo Tvga ugu daawashada badan waa maxay waxa aad ku khasaaraysid haddii aad maalgelisid ka gacansade ahaan iyo in aad ka xayaysiiso mashaariicdaada maalgelinta aad dhallinta ku khatali kartid.
Mushkiladda barnaamijka aanku arkay waxa weeye in dadka looga gadayo in uu yahay mid dhiirigelin casharro iyo sirar ay ku baranayaan taas oo aannu ma marmayn ahna wixii looga bartay Mohamed Omer oo ah guusha ay gaaraan 1% bulashaddu in uu kadhigo qaaciddada iyo qanuunka koonka kaas oo aan qofna seegi karin. Lakiin dadka maalgelinaya danta ay kaleeyihiin barnaamijka waa in ay usii joogtaynaysaa suuqqooda baraandigooda iyo in ay dhallinta isu-habarwacanaysa ka dhex ugaarsadaan dad si bilaash ah ugu shaqeeya iyo kuwo ay maalgashtaan fikradooha ganacsi kuwaas oo aan haysan dawlad qanuun iyo ururro ilaaliya xuquuqdoodda.
Halkudhegga dhabta ah ee barnaamijku ma aha buundo ee waa oraahda saddexda xalqadood soo noqnoqonaysa oo ah in shaqo jirto ee shaqaale jirin taas waa arrin ay rabaan gacsatadu in ay dhaliisha iskaga fogeeyaan iyaga oo leh annagu shaqo iyo lacag ba waanu haynaa ee cid waqti cudud iyo maskax huraysa mahayno oo aanu shaqaysiino halkaasna ay dhigaan kubbada garoonka dhallinta kuwaas oo marka ay dib isugu noqdaan dareemaya dembi iyo mas’uuliyad ugu dambeyn na isudhiibaya ganacsatadaas iimaanka la’ iyo shirkadaha magaalooyinku u xakiran yihiin iyaga oo ka faaidaysanaya ardaydaas watana magac waxa ay yidhaadaan waa tawabar [ internship ] lakiin qofku marka uu barnaamijyadooda qaato aanu wax cusub ka baranayn , runtu waa in ay yihiin shaqo hal-gelin ah oo rakhiis ah in ay raadinayeen [ half time/cheap labor].
Aragti | Nashad Mohammed
Majiro qof aanu hor iman magaca Izetbegovic markii ay arrintu la xiriirto fikirka islaami ah iyo wixii la hal maala ; buugta la isu sheego waxa kaalinta koowaad kaga jira Islam between east and west tarjamadiisa carabiga ah [ Al-islaam bayn Al-sharg wal Qarb ] .
Ali Izetbegovic suuradda guud ee dhalinta ka haysato iyo tan waaqaca ah waxa udhaxeeya haadaan aad uweyn oo ay adagtahay in lagu daboolo maqaalkan laguna soo koobo ; xattaa buuggiisa Islam between east and west waxa ku qoran iyo waxa laga sheego meelaha naadiyadda akhriska isku mid ma ahan ; waxaanu ka qori doonna Muraajaco haddii ilaah idmo .
Hadaba xaallada siyaasigan waa xaalad ubaahan diraaso sidee bey warbaahinta Aljazeera ugu horrayso ay uga iibyeem dhallinta mufakkir aan jirin ?.
Aljazeera waxay decumentaries badan ka samaysay Izetbegovic maqaalo aan tiro lahayna kaqortay noloshiisa iyo halgankiisa ilaa heer xad dhaaf ah ; bilkasta waa in ay soosaarto maaddo iclaami ah oo magaciisa wadata; sidookale warbaahinta AJ xoogga masaarto in ay aragti dhexdhexaad ah ka bixiso siyaasaha iyo xaaladda ruktaas juquraafiga ah ee waxay Izetbegovic kasiibtaa kaalimihiisa oo dhan una xirtaa shaati mufakkir iyo faylasuuf [1] weliba mid waxsoosaar fikir leh .
Xaalada Ali izetbegobic wey ka duwantahay tusaale ahaan shakhsiyaddo caan ka ah dhexda fikirka islaamiga ah maadama uu yahay isagu reer galbeed halgan siyaasadeed oo uu ka miro dhaliyay na gaaray . Ma aha sida sayyid qudub iyo kumanaanka Islaamiyiinta jeelasha kudhimatay ee waa sawirka qof ka gaaray guul halgankiisa .
Dadka magaca Izetbegovic kor uqaaday ma ahan qura warbaahinta ee waa isna mifakirka kale El-Messiri kaas oo ku tilmaamay mujaahid iyo mujtahid [ mujtahid waxa layiraahda qof mas’alo diini ah ku dedaalay ] izetbegovic kahor qorista waxa uu ahaa dhaqdhaqaaqe iyo siyaasi ; kelmadda Mufakir uma qalanto iskaba daa mujtahid e , meel ay iskasoo galaan labada mashruuc ee El-Messiri iyo Izetbegovic majirto aan anigu arko — inkasta oo ay jirto aragti kale oo leh in El-Messiri bilowgiisaba soo dhacay- afkaarta Izetbegovic aanka ahayn in uu El-Messiri ogaa tageerada uu kahaysto dadka muslimka bari uuna rabay in uu mashruucisa dhex marsado sida uu El-Messiri u isticmaalay tayaaraatka Islaamiyiinta in ay gadaan Mashruucisa uuna labadaba ka dhigto faraskii daaraawada ; waayo runtu waxa ay tahay in Izetbegovic soo-bandhigiisa fikir ahaa mid ka duwan kan El-Messiri ee meel ma dayga ah . Lakiin hal meel bey isaga eegyihiin oo Izetbegovic sidookale wuu ku guulaystay in uu fikraddiisi ka gado Islaamiyiinta tageero siyaasadeed iyo war-baahineed oo ba’an na kahelo inkasto Izetbegovic umuhiimsanayd iska iibinta awoodaha galbeedka inkabadan inta uu kala jeclaa isagu Islaamiyiinta bariga ee kuwa dambe baa mooddaa in ay ubaahnaayeen tusaale ay dhallinta farta ugu fiiqaan marka laweydiiyo waaqaca iyo fikrahadooda misaaliga ah meelaha lagu dabaqay taasna xeelad fariidnimo kujirto bey isticmaaleen oo waxa ay ka sameeyeem mufakkir aan jirin kaas oo watay qaddiyad bani-aadantinimo markii isaga ka faaruquyeen wixii kujiray waxa ay sameeyeen faylasuuf islaami ah oo weliba reer galbeed ah ; halkaa waxa aad ka dhadhansanaysaa si ay Islaamiyiintu u ciyaareen siyaasadda Identity ga madaama dhallintu fekerkoodu ay ka dhigeen mid wax kusaxa waxna ku khalda hadba mooqifka ay reer galbeedku ka qaataan.
Qofka Ikhwaanka islaamiga ah inta uu caayo lacnado reer galbeedka buu kala jecelyahay wax ay ka aamini karaan isaga ; sidaa darteed nin tageero kahaysto xooggaga Yurub isaga oo ujanjeera siyaasadda midigta muslinna ah ,ma sahlana .
waxa xasuusin leh kan aynu joogna heer qofkii afar shey xarriiqa uu ideology siyaasadeed ku gadayo layiraahdo waa mufakkir ; aragtiyaha Izetbegovic maahane in uu buug ku xarriqay ee waxay ahaayeen kuwa jiray waqtigiisa una adeegayay dhaqdhaqaaqiisa siyaasaddeed ee waxsoosaar fikir oo la taaban karo dhanka falsafadda diinta ( oo aqoonta uu lahaa aad uyarayd) iyo dhaqaalahaba tusaale ahaan waxaa buugtiisa ka arki kartaa diidista Shuyuuciyadda ( wuxuu soo gaaray waqtigii dagaalka qaboobaa) , sarraysiinta xorriyada ( maadama uu nidaam kelitalis ah kudhashay), ruuxaaniyadda (madaama horumarka cilmiga dunidu kujiray waqtigaas meeshii usarreesay marayay) fikirka Islaamiyiinta ( madaama uu akhriyay kutubtii Sayid Qudub uuna rabay tageero dhanka bariga ah ) falsafadda Dualism-ka / laba-jiraalka ( oo wuxuu aad ujeclaa faylasuufka Kant) tacaaliimta masiixiyadda [ madaama galbeedka ka yimi oo suuradda Jesus tahay tan usarraysa ee lagu dayso ] intaas oo iskudhafan ma ahane kama argi kartid qoraayadiisa wax cusub.
falanqayntayda udambeesay se waxay tahay im Alijah Izetbegovic wax uqorin si uu fikir ugusoo biiriyo dunida fikradaha ama Islaamka udifaaco ama qoraa unoqdo ; ee waxa uu wax uqori jiray kow ; in ay ka ahayd xiise uu isagu xiiseeyo arimaha fikriga ah ; labo in uu Ideology udhiso dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed uuna kuwaajaho cadawgiisii kowaad oo metelayay shuyuucida iyo falsafaddooda maadiga ah ; waxaana la oran in jawwiga noocaas ah ee kusoo koray waxna ku bartay ayaa aad saameeyay si qotodheer ilaa heer uu aaminay in ay tahay in hoggaamiye kasta qoraal katago sida Lenin Stalin iyo Mao.
Muxuu kategay Izetbegovic : Musuqmaasuqa reerka Izetbegovic.
Maaha Hollywood stars waa reerka xukuma Bosnia ee Izetbegovic.
Siyaasaadka iyo ideology da uu watay Alija izet begovic waxa ay keentay iyada oo uu kasii daba qaadatay wiilkiisa Babkir bejovic in hantida dawladdu gacanta ugasho xisbigiisa iyo reerkiisa ; xisbiga uuka tegay Ali waxa uu dhacay xoolihii dadka isaga oo isticmaalaya awooddiisa siyaasadeed waxa uuna baahiyay fasaad dhaqaale iyo siyaasadeed dhacista khayraadkii iyo warshadihii uu ka tegay Nidaamkii midowgu kuwaas oo aan badnayn markii hore ; siyaasadda dhaqaalahani waxay bilaabmatay xilligii uu Izetbegovic aabbaha ahi uu xilka qabsaday madaama ay ahayd fikraddiisa iyo tii saxiibaddiisa galbeedka in la qaybsado warshadaha qaybna shirkado debedda ah laga gado sida waddamada khaliijka qaybna maalqabeenada xisbigiisa.
Fadeexaddii ugu dambeesay ba waxay ahayd in xaaska wiilkiisu been ka sheegtay shahaadadda dhakhtarnimo ay haysato oo ilaa iyo heer sare ah. madax kaga noqotay jaamacadda Sarajevo qaybta caafimaadka. [2]
Eedeymaha fasahaadka dhaqaale ee loosoo jeediyay xisbiga Izetbegovic waa u dafiray inta uu noolaa waxa uuna sheegay in wiilkiisu hadduu rabo xor uyahay in uu siyaasadda galo aaney isaga xil ka saarneyn , musuqmaasuqaasina kuma eekeyn hantida qaranka ee wuxuu sidookale dhacay deeqihii gargaarka shacabka Bosnia loogu deeqay xilliyadii dagaalka.
Wey adagtahay dabcan in lamaamulo dawlad dagaalka kadib waxase kasii adag dawlad in la maamulo kacdoon kadib ; hadaba wadammo badan dhakhso ayay kusoo kabteen sida Germany iyo Vietnam
Suaal mar la weydiiyay Izetbegovic aabbaha ahi in soo kabashadii Japan iyo Germany dhakhso ku dhacday dagaal iyo nidaam dhaqaale oo xirxiran wuu ka carooday waxa uuna sheegay in musuqmaasuqqu xataa kajiray midowgii hore haddana kajiro wadamada galbeedka , lakiin shacabkiisu ay xorriyadu kala qaalisantahay rootiga; haddana waa suaal muhiim ah madaama Bosnia dagaalka kadib ay heleysay kaalmo wadammada xoogga badan oo dhan.
Izetbegovic haddii ay ugu fiicnaato waa siyaasi — taas oo ay weli dood ka taagantahay in uu kuguulaystay iyo inkale kelmadihii udambeeyay ee uu yiri waxa ay ahaayeen reer Bosnia siyaasad ahaan wey khasireen lakiin akhlaaq ahaan bey guuleysteen ; akhlaaqdaas oo xisbigiisu iyo ehelkiisuba god dheer kuridee — jecel fanka iyo falsafadda [ xiiso shakhsiyadeed. ahaan ] haddii ay ugu xumaato na waa halyeey qoomiyadeed leh dhibco oo lagu dhaliili karo iyo xagjirnimo siyaasadeed.
Sida uu noosoo gaaray na waa Faylasuuf iyo Mufakkir khiyaali ah oo ay warbaahintu naga gaday.
[1] Faylasuuf waxaa la oran karaa qof leh waxsoosaar feker ama ku abtirsadda madaraso cayyimin horumariya wax ka qora bartay ama dhiga .
[2] https://balkaninsight.com/2023/03/06/sarajevo-university-revokes-largest-hospital-directors-diploma/
January 1 , 2023.
W/T Nashad Hantiwadaag
This text was first published in Avanti!, Turin edition, from his column “Sotto la Mole,” January 1, 1916. Translated by Alberto Toscano
Aroorkasta markaan kasoo tooso cirka fidsan hoostiisa waxaan dareemaa in maanta ay ii tahay maalinta sannad cusub.
Sidaas darteed waan necebahay maalinka sannadka cusub ee nalagu khasbayo sidii qaaan taas oo ka dhigaysa nolosha iyo hal-abuurka bani-aadamka wax u eeg ganacsi , oo leh tariikh cayyiman taas oo dhammaanaysa iyo daymo aan la bixin , iyo miisaaniyyad maamul cusub leeyahay .
Maalintan oo kale waxa ay naga qaaddaa geedi-socodka nolosha iyo hal-abuurka waayo waxaan is moodsiinaa in uu xad udhaxeeyo sannadkan iyo kan soo socda , in tariikh cusub bilaabmayso markaas baanu go'aammo qaadannaa kuwa kalena ka qoomamoonaa sidaas ayayna kusocotaa. Waana taas mushkiladda tariikhaha la xaddido.
Waxay yiraahdaan isdaba- jooga waqtigu waxuu uyahay laf-dhabar taariikhda. Waa hagaag. Lakiin sidookale yaanan moogaan in ay jiraan afar ama shan taariikhood oo qofkasta xafidsantahay oo ay ku khiyaantay tariikhdu. Kuwaas laftigoodu waa sida maalinta sannadka cusub; madaxa sannadka tariikhda roomaanka casriyadii dhexe casriga cusub iwm
Taariikhahaasi waxay noqdeen kuwo ballaadhan oo qotodheer ilaa heer aanu aamminay in nolosha ka bilaabmatay talyaaniga sannadku markuu ahaa 762 iyo in 1490 iyo 1492 yihiin buuro baniaadamku ka dul-boodeen ugana gudbeen duni cusub ama ku galeen nolol cusub.
Markaas tariikhda go’ani waxa ay noqotaa caqabad noo diidda inaan fahanno in tariikhdu socoto oo aanay kala go’in Sida marka shineemada filinka lasoo dhexgeliyo hakad muqaal iftiin indhaha kaa ridaya .
Sidaa darteed waan necebahay sannadka cusub. Waxaan rabaa in maalinskasta noqoto sida maalinka sannadka cusub . Waxaan rabaa in aan naftayda laheshiiyo oo cusboonaysiiyo maalinkasta. In aan anigu doorto goorta aan nasanayo marka ay noloshu buuq noqoto ee aan ubaahdo inaan xayawaanimo door bido si aan tamar ugasoo qaato .
Marabo inaan guto waajibaad waxaan rabaa in saacadkasta oo noloshayda kamida ah noqoto mid cusub iyada oo weli la xiriirsan tii hore . Marabo inaan maalinkasta ee cusub ugu dabbaaldego heeso koxeed iskakeen-keen ah iyo dad aanan aqoon oo aanan kala jecleyn waxa ay yihiin . Inaan ku khasbanaano inaan debbaal degno waayo awoowayaasheen iyo awoowayaashoodii baa sidaas sameen jiray waa arrin lalabo laga qaado.
Waxaan u hanqal taagayaa hantiwadaagga sababtaas darteed .waayo taariikhkasta oo aan na taabanayn waxaanu ku rideenaa qashinka . Haddii aanu samayno tariikho cusub na . Ugu yaraan waxa ay noqonayaan taariikhaheena annaga. Maaha kuwa nalagu khasbay oo aanu ka xafidnay awoowayaasheenii doqmaha ahaa.
Buug | 2022
Xalay waxaan ku saamaleelay akhrinta buugga ( Nolol kale ) ee uu qoray faylasuufka iyo qoraaga reer Sweden Theodore Kallifatides ; kaas oo kasoo jeeda waddanka giriigga ( Greece) , buugga aan akhriyay waxa soo turjumay Flora Majdalaawi turjumaanad reer cummaan ah ( Oman ) ; buugga waxa uu Theodore kaga hadlayaa qayb qaybo kala duwan noloshiisa iyo sida uu ula dhibaatooday waxa looyaqaan ( reader’s Block ) taas oo ah marka qoraagu uu dareemo in aanu waxba qori karin in afkaartii ka dhammaadeen ; hadaba waakuma Theodore Kallifatides ?
Qoraa Theodore iyo turjumaan Flora
Theodore wuxuu kudhashay waddanka giriigga sannadkii 1938 , wuxuuna uqaxay dalka Sweden sannadkii 1964 , waxa uu noqday macallim maadadda falsafadda jaamacadda Stockholm sannadihii u dhaxeeyay 1969–1972 , kaddib waxa uu uguuray allifaadda iyo qoraaga , sidoo kale wuxuu turjumay sugaan faro badan oo giriigga ah luuqadda iswiidhiska , sheekofaneedyo faro badan oo helay abaalmarinno kala duwana wuu qoray.
Waa maxay Nolol kale ?
Magaca buuggan yar runtii waa cajiib waana wax mudan in la isweydiiyo? Anigu waxaan u arkaa in salka kuhayso fikradda oronaysa qofku hal nolol ma noolaado , hal dabeecadna ah maleh , marka la eeggo nolosha qoraaggana waxa ay uga dhigantahay nolosha dib unoqoshada mid laga dhex heli karo, markii ay dhammaatay 50 sano oo shaqo iyo caannimo ah , nin saxiibkiisa ayaa ku oranaya ; qofku waa inuu joojiyaa qorista mar haddii uu todobaatan gaadho , theodore marabo in uu joojiyo qorista lakiin waxay u eegtahay in qoristu yadu ka tagtay isaga , waxa uuna gelayaa safar uu rabo in uu fahmo noloshan kale ee uu galay
Awood la’aanta in fikrad kaa timaado waa waxa ugu xun ee uu tijaabiyo qoraa, gaar ahaan marka uu marayo heerka ugu sarreesa ee guushiisa qoraanimo dadkuna wax badan ka filayaan , sidookale Theodore buugga dhexdiisa waxa uu ku xardhayaa waxa uu ka xasuusto noloshiisii maanta oo uu jiro todobaataneeyo sanno , waddankiisii uu kayimi markuu jiray 25 sano , ehelkiisii iyo asxaabtiisii qaybna tageen qaybna dhimatay , tuuladii yarayd ee uu kayimi taas oo ugu magac daray dugsi iyo waddo , xaaskiisa oo ajnebi ku ah dhulkiisa iyo isaga oo ajnebi ku ah dhulkeeda , dhibka in aadan go’aansan Karin luuqaddee wax ku qortaa.
Waxba maqori kartid marka ay xasuusuhu kaa lumaan — qoraa Maraykan ah
Iyada oo buuggani yahay afkaaro baahsan iyo mawduucyo kala duwan oo taabanaya luuqadda waddanka horumarka asxaabta iyo xorriyada qowlka hadana Theodore wuxuu soo dhex gelinagaa sheekoyin kala duduwan dad uu lakulmay oo isaga sidiisa ama qaxooti ah ama waxba haysan sida in uu maalin isagoo lugeenaya uu kusoo dhaco waddo la xiray oo kuqorantahay ( tuuladii hore ) waxa uu kufekeraa in tallaaboyinka kusawiran wadadaas ay sameeyeen arday asbuuc walba maalin walba iyo cimilo kastaba usoo lugeen jirtay dugsigooda , ahna jiilkii kasaaray waddanka Sweden hantigoosadnimada kana dhigay dawladd socio-democrat ah oo soo dhawaysa qaxootiga nolosha cusub raadinayay sidiisa oo kale , inkasta oo uu markii uhorreesay kudareemayo sweden in uu yahay qariib iyo wax khatar ku ah amniga dalkaas , qaxootigu waa mushkiladda yurub codadka leh ayaa soo badanaya iyo afkaarta xagjirka ah kuwaas oo ku andacoonaya xorriyatal qoolka si ay u aflagaadeeyaan dadkaas , waxkasta oo aanu dhano ma aha ra’yi ay tahay in la ixtiraamo buu qorayaa Theodore ayeeydadey ma ahayn faylasuufadd lakiin arrinka sifiican bey ufahansaneed ( ereyadu ma leh lafo , lakiin lafaha wey jebin karaan ) bey oran jirtay .
Sheeko kale iyana Theodore wuxuu lakulmayaa nin ubaxyo ku gada xafiiskiisa agtiisa markaas ayuu ku wareysanayaa noloshiisu ; marka uu usheego in uu kunoolyahay nolol maalmeed joogta ah oo aan isbedelin uu kudhahayo waxaad ixasuusisay Sisyphus ilaah giriig ah oo lagu ciqaabay laguna xukumay in uu dhagax saaro buur markasta oo uusoo dhacona uu kuceliyo , ninka wuxuu ku oranayaa Theodore maalin dambe kadib mar uu isku deyay in uu jebiyo nolol maalmeedkiisa shaqadana ujaro ; idhagayso saxiib laga yaabee inaad tahay qoraa faylasuuf lakiin sheeko xariirada khalad baad ufahantay Ilaahyadu ma ay ciqaabaynin Sisyphus lakiin wey unaxayeen bani’adaamku wuu lumaa camal la’aan.
Faqrigu waa mid uu soo tijaabiyay Theodore ; waagii hore dadka faqiirka ahi karaamo ayay lahaayeen lakiin hadda taas waa laga qaaday , mar uu lakulmo nin turkish ah kaas hammi fara badan ka muuqdo waxa uu soo xasuusinayaa ayeeyadii , qaabka uu fadhiyo dhabar toosan iyo indho kaa dusaya sidii in wax dunida jiraa ka adkaan karin ; Awoodda ducufada ;buu ugu yeeraa qoraagu.
faqiiriintu imminka waa ku culays iyo nadaafad darro bulshada , mushkiladda faqrigu ma aha mas’uuliyad Qof ee waa mid bulsho , madhaleeceenayo dadka qarqay sabab dabbaal mayaqaanaan ee waxaan dhaleecaynayaa dadka istaagay iyaga oo far dhaqaajin .
Masoo laaban kartid .
Nostalgia waxay katimid laba erey Nostos iyo Algos oo ah dhibaato , waa xunuun iyo dhibaato kadhasha rabitaan aan dhammaan ee unoqosho waddan iyo in waxwalba sidoodi kusoo noqdaan , sidaas ayuu ku sharxayaa Milan Kundera bilowga buuggiisa Jahliga , xaqiiqadaas waa mid uu Theodore dareemo marka uu waxwalba ka tago xaaskiisana usheego in ay tahay xilligii ulaaban lahaa kadib markii uu akhriyo warqad ay u qortay gabar ay isjeclaayeen labateenayo jir kurey ah markii uu ahaa , warqadaas wuxuu ugu celceshtaa si uu udareemo dhawaansaha luuqaddiisa hooyo , warqadda ay uqortay jacaylkiisii yaraantiisa waxay leedahay sidan soo noqo waxa jira tamashlayno oo ay tahay inaad wada samayno ,
Tamashlayntaas waxay kudhalisay dib ugu noqoshada giriigga halkii ay dib ugu celin lahayd noloshiisii hore waxa ay siisay nolol kale
Qurbuhu waa isdeldelid aan dhammaystirnayn oo kale , ma wada dhimanaysid lakiin waxyaabo badan oo kaamid ah baa dhimanaya sida luuqadda — Theodore Kallifatides
Theodore waxa uu safar gaaban ku marayaa Greece oo dhan , ilaa u tago tulaadii uu ku dhashay oo bisadaha jooga ka badanyihiin dadkii joogay waxa uu la sheekeysanayaa dadkeeda oo uu la caytamayaa , waxa uu kuhadlayaa luuqadaha jarmalka faransiiska xata iswiidhiska inta uu dhulkiisa hooyo joogo , wax ka xun maleh in qofku qurbo ku dareemo dhulkiisa , waxa udareemayaa in dadka Giriiga dhan yihiin qurbo joog dhulkooda jooga , wuxuu ka qaybgalayaa riwaayad laga dhigay sheeko uu qoray markaas inta uu ilmeeyo buu hoos ka oranayaa ( Ma laaban kartid).
Review | Novel
Kullankii udambeeyay ( Embers by Sándor Márai ) — sida qaybtiisa englishka layiraahdo — waa sheeko faneedyada aan aqaano tan aan ugu jecelahay ilana nooleed waqti badan iyo marxalado kala duwan wehelna ii hayd , hadaba inta aanan sheekada iyo waxa ay kusaabsantahahay ugudo gelin ama aanan ka hadlin , aanu horu-dhac ka bixinno qoraaga , yuu yahay Sándor Marai? . Sándor Márai waa qoraa sheeko-faneedyo ku udhashay waddanka Hungary markuu sannadku ahaa 1900 waxa uuna qoray buugaag fara badan uu ugu caansanahay buuggan aan hadda ka faalloon doonno , waxa uu galay saffaro badan uu kusoo wareegay dhammaan magaalooyinka yurub sida ; Paris. Berlin , Frankfurt iwm , Sándor waxa uu go’aansaday markii hore in uu buugtiisa kuqoro luuqadda jarmalka (Germany ), go’aankaase wuuka noqday waxa uuna ku qoray buugtiisa luuqaddiisa hooyo ee Hungarian waana sababta intii uu noolaa uusan u helin qaddirin caalimi ilaa lasoo gaaray bartamaha 2000kii halka qayb kamid ah buugta uu qoray loo turjumay afaf kala duwan sida ;English french ilaa carabi oo yaddu udambeysay ahna luuqadda aan buuggan ku akhriyay ( Al-liqaā úl-Al akheēr）.
Sawirka Sándor Marai
Márai waxa uu necbaa nidaamka shuyuuciga ee waddankiisa haystay sidaa darteed waxa uu u guuray waddanka Talyaanika (Italy) 1948 ilaa markii dambe uu ku nagaaday waddanka Maraykanka (USA) halkaas oo uu kala kulmay hooy-tabyo xun , waxa uuna waxbadan ka qori jiray sida uu tebayay waddankiisa mar wuxuu qoray weerahan:
“ waa maxay waxa aanan Ameerika kujecleyn ? , majirto jawaab kale waa ruux la’aanteeda , maheli kartid waddan , keliya lacag baad kasban kartaa meel aad degto na waad helaysaa “
Sándor dhammaad ka noloshiisa cidlo badan buu la kulmay ilaa markii dambe isdilay markuu sannadku ahaa 1989 .
Hadaba buuggan layiraahdo Embers magiicisa asalka ahna ee macnahiisu yahay markey shamacyadu damaan qisadiisu waxa ay ku bilaabman oday Henrik layiraahdo oo helaya warqad muddo 40 sano ah kadib , halka aanu wax xiriir ah lahayn dunida , kuna noolaa guriigiisa cidlada ah ee kuyaalla kayn dhexdeed , waxa aanuna ogaan doonna in warqadaasi ka timid nin saxiibkiis ah oo layiraahdo Conrad kaasoo kumaqnaa Africa , konrad iyo Henrik waxay isbarteen xilligii waddanka Hungary uu katirsanaa imbaraadooriyadda Austrio-hungary waxayna ku kulmeen Akaadeemiyad millitari ah halkaas oo ay isla weynaadeen , oo yesheen saxiibtinimo ugooni ah , halkaas oo ay waxwalba wada wadaagi jireen , ilaa markii dambe isla weynadeen ; weynaanshahaasina tusay waxkasta oo ka khaldanaa saxiibtinimadooda .!
kala duwanaanshahooda dhanka feker ka dhanka dhaqaalaha iyo heerka bulsho ay kala joogaan , dhanka hiwaayadaha, dookha sida. marka ay utimaado muusiga , hadaba waxaas oo dhan miyaa xumeeyay xiriirkooda mise hal dhacdo oo qura ; taas oo kala jartay xiriirkooda muddo 40 sano iyo dheeraadkaas , Henrik waxa uu ka fekerayaa waxa saxiibtinamadooda xumeeyay , waana waxa uu qoraagu isku deyayo laftiguusu in uu fahmo , maxaa saxiibtinimada dila ? Ma dabeecaddeena kala duwan ee anan bedeli karin ? Mise khiyaanada iyo masayrka ? Maxay saxiibtinimadu utahay xiriirka ugu jilicsan xiriirada ? Sidaas darteed Henrik waxa uu uyeerayaa saxiibkiis Konrad casho lamid ah tii ay wada qaateen habenekii isugu dambeysay 40 sano kahor , si uu jawaab uga helo suaalo uu isagu laftiguusu yaqaanno jawaabahooda , madaama waqtiga intaas la eeg uu ka fekerayay .
Nolosha baniadaamka idilkeed baa ka jawaabta suaalihii umuhiimsanaa ee la weydiyay qofka — Sandor Marai
Hadaba buuggu waxa uu si qoto dheer utaababanayaa mawduucyo kala duwan jiritaanka, macnaha nolosha , muyuusika , sharafta , khiyaanada , kelinimada , xiisaha , dookha ,xiriirka jacaylka ,waddaniyada iyo burburka dawladda dhibka uu mujtamaca ku reebo ee hawwiyad la’aanta ah ,dagaalka, xanuunada, ugaarsiga ,Intaa iyo kabadna , waxa uuna raacinayaa sharrax in uu tilmaamo quruxda kaymaha iyo dhaldhalaalka magaalooyinka Vienna iyo Paris , waxaas oo dhan kuwa ugu muhiimsansanna waxa kamida;
Gurigaygu waxa uu ahaa dareen . Marka aad dareenkaas weydona mahaysatid xal kale aan ahayn in aad tagto — Sándor Marai
1.Saxiibtinimada
Suaasha uweyn ee uu Henrik 40 sano kafekerayay waxa ay ahayd waa maxay saxiibtinamadu? Waxaadna mooddaa in uu uyahay — Idealist- marka ay utimaado siduu u ixtiraamo kelmadsda sharafta calanka reerka iyo saxiibtinimida , waxa uu marlababaad akhriyaan buuggta Plato inta uu kujiro cusladiisa , halka Konrad uu metelo waaqicciyada hawada fiirsasho-yarida fawadada iyo caadifada , afartankaa sanona waxa uu kuqaata in uu dhex wareego kaymaha Africa ee aanu cidna ka aqoonin .
Waxaa jira mawaaqif badan oo ay dadku ku khaldaan saxiibtinimada — Sándor Marai
Sándor sida uu u arko saxiibtinimada waa in ay dhaafsiisantahay manfacada ama in ka isu daneeyo , in ay dhaafsiisantahay in dookha la wadaago , waa uu tilmaama in xattaa xayaawaanadku lagu dheh arko wax u eeg saxiibtinimo , lakiin bani-adamka gaar ahaan ragga qura ay yaqaanaan , waa isla fikrad uu Nietzsche ku dhaho buuggiisa Thus Spoke Zarathustra , dumarku mayaqanaan saxiibtinamada , waa isla fikrad soomalidu ku celceliso salna ku haysa maahmaahyo iyo murti , dumar saxiibtinimo maleh dumarka laftigooda baad ka maqlin , waxaan ubaahnaan doonna diraasad iyo qooraal dheer oo udhaadhaci kara sababaha fikraddani caan utahay iyada oo waaqic ahaan sida aan qabo aanay waxba kajirin .
2.Gabowga
Geeridda iyo gabowguba waa ay ka dhex muuqdaan sheekadda , lakiin waxa i cajibasay sida qoraagu usharraxayo gabowga iyo xiiso la’aanta dhadhan la’aanta uu wato , waa run baniaadamku waarintaanka iyo nolosha ba waa jecelyahay, lakiin gabowgu nolol ma ahan ;
Qofku waxa uu u gaboobaa aayar aayar , madka hore waxa gabowda rabitaanka uu nolosha uqabay , marka xiga jirkiisa , jirkiisu hal mar mawada gaboobo ee xubin xubin buu ubilaaba in uu joojiyo shaqada . Arraga ayaad waayin haddana maqalka , marka jirkaagu gabowga . Ruuxdaadu iyo rabitaankaagu wuu jiraa , haddana waxa aad waayin rabitaanka markaas ayaad si kama dambeysa ugaboobin
Aroor baad soo kicin oo indhahaaga furin mana garanaysid sababta aad usoo kacday waad taqaan waxa maalmuhu xambaarsanyihiim , waxna kediso kuguma noqon karaan .
2.Dabeecadda qofka
Door intee la eeg ka ciyaarta dabeecadda qofku yahay xiriirka bani-adamka , ma isku eekaanshaha macdanka dadka baa ka dhiga in isfahankoodu heer sare gaaro , mise looma baahna taas , kawaran haddii labada qof midi wato indho-shareer oo aanu aqbalsaneen xaqiiqadda dabeecadiisa ? Waa suaalaha uu Henrik is weydiiyay ? Inaad indhaha ka laabatid in qofka kale kaa duwanyahy ma ixsaan iyo wanaag aad usamay baa ? Mise waa in aad qofkaas dareensiisay in aadan arki karin , maxayse tarin inaad gadaal ka dareentid dembigaas lama dhaafaanka ah ee aad gashay , inaad xamisho khaladaadka qofka kale , inaad iskudeydo inaad dhammaystirto waxay siyaadin qurbanimada qofkaasi .
Henrik waxa uu isugusoo biyoshubtaa markii uu ufiirsaday naftiisa iyo nolosha hooyadii aabihii iyo Konrad ba , in dabeecaddu ay mamnuucdo in ay kulmaan labo qof oo isku mid ah , oo ay taasi tahay mucjiso.
Sida dadka isku nooca dhiigga ahi ay isu badbaadiyaan marka ay galaan xaaladaha khatarta ah , ayaa ruuxda qofi badbaadin kartaa midkale marka aanay ka duwaneyn — Sándor Marai
Henrik waxaad mooddaa in uu uyahay — Idealist- marka ay utimaado sida hu u ixtiraamo kelmadsa sharafta calanka reerka iyo saxiibtinimida , waxa uu marlababaad akhriyaan buuggta Aflaatoon inta uu ukujiro cusladiisa , halka Conrad uu metelo hawada fiirsasho yarida fawadad iyo caadifada , afartankaa sanona waxa uu kuqaata in uu dhex wareego kaymaha Africa ee aanu cidna ka aqoonin mana kala jecla saamaynta ay falalkiisu ku reebeen nolosha dadka kale .
3.Kelinimada
KelinImada wey ka duwantahay Cuslada , cusladdu waa kelinimo ku timi go’aan iyo rabitaan , cusladda waxuu u arkaa qoraagu meesha u dambeeysa ay soo magan galaan dadka waaya meelkale ay magan galaan , dadka noloshu nacday iyo dadku iyaguba nolosha nacay , dadka kalsoonidii ay ku qabeen aqoontooda iyo khibradooda nololeed ay noqotay eber , maxaa ku haraya haddii soo kacdo oo ogaato in waxwalba aad u nooleyd uu ahaa been , in noloshaada dhan ay ku tiirsaneed dad iyo waxyaabo adi kaa baxsan , majirto meelkale oo uu qofkaasi amni ku dareemayo aan ka ahayn cuslada iyo aamuska .
CusladdA gudaheeda ayuu qofku wax walba ku fahmaa — Sándor Marai
4.Argoosiga
Argoosigu ma aha heerka ugu dambeeya ee uu gaaro qofku marka uu khiyaano kala kulmo qof udhow , in uu qofku argoosi kufekero waa marxladda labaad , carada ayaa ah marxallasa koowaad , qofku waxa uu iu dambeeyaa in uu sugo jawaabaha cidda uu karabo , mararka qaybtoodna wuuba illaawaa in uu rabay in uu aargoosto , Henrik waxa uu ogaadaa in wax walba oo kugu dhiirrigeliya nolosha maalin uun uu dhammaayo , jacayl rabitaan aargoosi riyooyin magac iyo mansab ba .
Arrinta waxaa si xeeldheer ugahadlay Milan Kundera buuggiis The Joke , Kundera wuxuu leeyahay haddii argoosiga dib loo dhigo wax uu isubedelaa caqiido , argoosiga dib loo dhiga waa xabsi qofku uu galo , haddii qof kuu gefo isoa bartaas ugu jawaab cay ama dharbaax , dharbaaxaddaas oo aad dib udhigtaa waxa ay weeneyneysaa dareenkaaga cuqdadda iyo xanaaqa , cidkale oo ay macno ugu fadhin doonto na majirto muddo kadib .
Dhammaadka sheekada wey kugu adkaan in aad maxkamadeyso labada nin ba ama aad go’aan Ka gaadhid waxa dhacay , laga yaabee in aad ku caajisto werinta halka dhinac ah ee dheer (monologue) aadna u aragto in ay sheekada dhan tahay Drama aan loo baahnaynn, iyo in Henrik uu xanuun shakki ah qabo , taas oo kasoo raacday aabihii iyo hooyadii , ma afartan sano ? Ma afartan sano buu Henrik ka gudbi waayay hal mawqif oo noloshiisa dhacay ? Lakiinse suaashu waxay tahay kawaran haddii sida Henrik weydid wax aad 40 sano sugto oo macno siiya noloshaada , buuggu waa nafis hal shakhsiyyad ( Catharsis) inkabadan inta uu yahay sheeko faneed , haddana uga dhow dhabnimada sheekofaneed , labo nin oo da’ ah oo dhexfadhiya guri kuyaal keyn cidla ah , habeen badh , shamacyona ushidanyihiin waa muqaalka uu rabo Sándor in aad sawirsato si aad ugeshid dunidiisa.
You do not need to accept everything as true, you only have to accept it as necessary.
Franz Kafka, The Trial
Sharciga hortiisa waxa fadhiya waardiye. Nin baadiyaha ka yimid ayaa u yimid, wuxuuna ka codsaday in uu galo sharciga. Laakiin waardiyuhu wuxuu u sheegay in aan hadda loo oggolayn in uu galo sharciga. Ninku wuu tixgeliyey arrinka, waxa uuna weydiiyay waardiyaha in uu hadhow soo noqon karo iyo in kale. “Waa macquul, laakiin hadda maya,” ayuu ugu jawaabay waardiyihii.
Sida caadada ah, albaabka sharcigu markasta wuu furanyahay. Ninkii safarka ahaa wuxuu isku dayay in uu khaawiso oo qooraansado gudaha waxa ka xiga kedinkan. Markii uu waardiyuhu dareemay, wuu qoslay, wuxuuna yiri, “Haddaad rabto, isku day in aad gasho. Laakiin waxaad ogaataa, anigu waan awood badanahay, aniga ayaana ugu hooseeya waardiyayaasha. Laakiin qolba qolka uu ku xigo waxa taagan waardiye iga awood badan. Anigu xataa ma eegi karo kan saddexaad.”
Ninkii safarka ahaa ma fileyn caqabadahaas oo dhan. “Sharciguna waa in uu u furnaadaa cid walba,” ayuu ku fekeray. Laakiin markii uu qunyar u dhugtay waardiyaha, oo uu indhaha la raacay sankiisa dheer ee fiiqan iyo gadhkiisa yar ee madow, waxa uu go’aansaday in uu sugo fasax uu gudaha ku galo.
Waardiyuhu wuxuu siiyay wax uu ku fariisto banaanka sharciga. Halkaas ayuuna fariistay maalmo iyo sannado. Wuxuu sameeyay iskudeymo dhawr ah oo ku galo sharciga, wuuna xiijiyay waardiyihii. Waardiyuhu su’aalo kooban buu badanaa weydiiyaa ninka, kuwaas oo ku saabsan dhulkiisii iyo arrimo kale, laakiin waa su’aalo aan muhiim ahayn. Markastana waxa uu u sheegaa in aanu sharciga geli karin.
Ninku alaab badan buu watay safarkiisa; dhammaantoodna wuu bixiyay, si kastaba oo ay u qiimo badnaayeen, si bal waardiyuhu ugu oggolaado in uu galo sharciga. Waardiyuhuna wuu qaatay, waxa uuna ku yidhi, “Waxaan sidaan u sameynayaa si aadan u moodin in aadan waxba isku deyin.”
Sannado badan gudahood, ninku wuxuu si joogta ah u fiirsaday waardiyaha, ilaa uu illoobay in ay jiraan waardiyayaal kale. Waxa uuna u arkaa in waxa ka hortaagan uu yahay waardiyaha albaabka. Wuxuu cod dheer ku habaaray sannadihii hore. Muddo kadib markuu weynaadayna, hoos buu ka guuxaa. Wuxuu u caruuroobay. Maadaama uu u fiirsanayay waardiyaha, waxa uu bartay cayayaanka saaran jaakadiisa, waxa uuna weydiistaa in ay kala hadlaan waardiyaha.
Muddo kadib araggiisu wuu daciifay, mana kala garan karo in wax walba oo ku hareeraysan qudcur galeen iyo in indhihiisu khadacayaan. Laakiin waxa uu arkaa iftiin aad u weyn oo albaabka ka imaanaya ee sharcigana haya. Hadda waqti badan oo uu noolaado ma hayo. Waxa isu geeya tamartiisa maskaxeed oo dhan, waxa uuna helay hal su’aal oo aanu weydiin waardiyaha. Wuu u gacan haadiyay maadaama aanu kici karin. Waardiyihii wuu dul yimaaday, kuna soo foodsaaday.
“Maxaad rabtaa in aad ogaato hadda?” ayuu weydiiyay waardiyuhu. “Waxaad tahay nin aan qancayn.”
Ninkii wuxuu yiri, “Qof kastaa wuxuu rabaa sharciga. Sidee bay ku dhacday in intaas oo sano cidina aysan soo codsan in ay gasho sharciga?”
Waardiyuhu wuxuu dareemay in ninku sii dhimanayo. Maqalkiisa oo daciifay, si hadalkiisu u gaadhona, waxa uu cod dheer ku yiri, “Halkan cid kale ma geli karto. Albaabkan adiga ayaa laguugu talagalay. Haddana waan xirayaa.”
From The Trial by Franz Kafka .