Stories by Nuurcamuudi on Medium
Kabihii Turkiga iyo ballantii wasiirka.
W/Q: Nuur Camuudi.
2026. Feb.
Ceelka Badhan. 2026.
Faaraxow, aayo ma lihid! Ha niyaysan taas. Waxaad tahay nin hoodaxun, sida dhafoorkaaga weyn u foolxun yahay. Adiga laftigaagu waa garwaaqsan tahay midaas, saa waxaa ku soo maray dhacdooyin kuu xaqiijinaya midaas! Miyaad xasuusata meesha aad ka hiddaraacday nasiibxumadu? Awoowgaa buu ahaa. Waagii aad dhalatay, waa isagii buuraha Calmadow ka helay kiiloo dahab ah, balse, markii uu Yaman u iib geeyay waa isagii ay dhaceen Yamanidu. Nasiibxumadu, tafiirtaada ayay la socotay. Bal hadda inyar dhugo noloshaada? Xoolo, xigaal iyo xilaba ma haysid. Waxba faraha ku gu ma jiraan. Hase ahaate, waxaa tahay soddon jir xooggan oo, weli wax tabcan karaya.
Aabbahaa Warsame iyo hooyadaa Dhudi waxay ku dhinteen dhabtaada! Safmareenkii karoonaha ayaa u la saqaafay dhankaas iyo daarta danbe. Aad iska ahaatid madi agoomoobaye, balse, waqtigaas waxaa ahayd nin weyn oo muqdara. Waxaad tahay nin hilboon oo midab madow leh. Reer abtigaa ayaa dhererka ka hiddaysatay, halka, bidaarta aad ka wadato aabbahaa. Garkaagu wuu xiiran yahay, se shaarbahaaga waxaad mooddaa kayn.
Faaraxow, waxba waalidkaa kama dhaxlin marka la ga reebo, inay jaamacad ka saareen. Kulliyadda siyaasadda ayaa ka idlaysay jaamacadda Nugaal ee degmada Laascaanood. Waayahaas, waxaa magaalada haystay taliskii maamulka goosatada. Hase ahaate, waa iyadii Saado Cali ku luuqaysay "Libdhimaysid Laascaanood" adiga iyo bulshadeeduna waxaa gawsdanbeedka ku haysateen meeriskaas. Laascaanood, waa magaalo gobeed, gobtuna si walbooy u luudo ma quusato.
"Wiil yahow adduun cirib xumaa mana cusboonaane" maanta, waxaa kulan ku la ballansan tahay wasiir aad hayb wadaag tihiin! Waad xasuusan tahay rafaadka aad ka martay sidii aad ballan u ga soo qabsan lahayd xafiiska wasiirka, waxaadna naawilaysaa in kulankaas natiijadiisu noqoto mid noloshaada wax weyn ka beddala. Kolay agaasime waaxeed noqoto e! Laakiin, nasiibxumadaada, kabahaagu waa cullaaf oo waa iyagaa hoosta iyo korkaba ka daloola. Sharaabaadkaaga miyaa? Isagu wuxuu u uruyaa sidii neef beri hore bakhtiyay. Ha ahaate, waxaa gadiidkii qorshaysatay in aad kabo ka soo xado masjidka Jaamaca. Waa gartaa! Daw ka le, kuu ma furna, dhako ka la na ma haysid.
Haatan, waa adigaa jooga masjidka. Waa kuwaas dadku si yar yar u soo badanayaan. Waa taas la dhammeeyay khudbaddii. Waa iyadaa la xirtay salaaddii. Waa adigaas holladay oo tartiibta u dhuukinaya. Waa adigaa dul tagay khasnadaha kabaha. Waa ku kaas helay kabo buur ah. Waa madow. Waa buur kalaasig ah. Waa nooca qaaliga ah ee Turkiga la gu talo. Aabbahaa ma xiran. Awoowgaa warkiisa dhaaf. Nasiib baad leedahay, mar haddaadan dhiman adigoo kabahan xiran. Waa adigaas si tartiib ah masjidka u ga baxay. Waa adigaa isku jufay. "War wuxu wacanaa oo qaboobaa" baa niyadda iska tiri.
Waa tuug! Weligaa waa maqli jirtey, balse, maanta adiga ayaa ah. Nin qoyan biyo iskama dhawree, waxaad qadadii ku sii jartay islaan waayeel ah oo wejigu coorcooray. Waa islaan aad macmiil la ahaan jirey waagii aad jaamacadda waday oo waalidkaa ku soo diri jireen xoogaa biil ah. Cagaha ayaa wax ka dayday! Laba luuq ayaa isu weydaaratay. Waa adigaa qolkaagi tegay. Waa adigaa la soo haaday laba shay oo dhar ah si aad u dhaqato. Saabuun ma haysatid, ase biyahaa cad ayaa ku qasaal duumayn. Waa adigaa dhammeeyay oo hurda werwer leh gam'ay.
Waa galab axad ah. Waa adduunyee, arlada ilaahay waxaa la ga warinayaa warar wanaagsan iyo qaar aan dhegaha u roonayn. Soomaali, waa tabteed. Tan iyo dagaalkii sokeeye, waxba isma beddelin, marka la ga reebo in dhurwaayada siyaasaddu is beddalayeen. Arrintaas waa ka muraaradillaacsan tahay, balse, adiga ayaa taadu ku cuslaysay. Dhulkaaga hooyo wuu goblamay. Wuu gabay hanadadiisii. Wuu lumiyay haybaddiisii.
Hase ahaate, dadku waa nool yihiin, adiguna waa taas aad hurdadii ka ga salashay riyo baas oo waxay ahayd aadan xasuusan hadda. Saacadda ayaa dhugatay. Waa afartii galabnimo. Toban daqiiqo ayaa ballantii ka dhiman. Waa adigaa dhulku ku la soo yaraaday, waayo, xaafadda aad degan tahay waa Toocil, wasaaradduna waxay ku taalla Exiska. Waa adigaa hadba jiho u orday oo, is dadajiyay. Waa adigii mayrtay, lebbistay, shanlaystay oo, kabihii tuugada ahaa xirtay. Waa adigaa dhakhso u ga baxay guriga oo laamiga xaafadda ku dhacay. Hase ahaate, hooda xumadaadi ma haysid lacag aad ku raacdo bajaaj. Waa adigaa hadba bajaaj gacanta u haadinayay oo cod xooggan ku oranaya "isuu tuur ina adeer." Markay dhowr kaa xanfariyeen ayaa nin ku muuq yaqaanay uu kuu istaagay. Waa adigaa salka la ga helay. Waa kaas dareewalkii uu xawaareeyay bajaajtii. Shan daqiiqo dabadeed, waa idinkaa yimi wasaaraddii.
Dhismaha wasaaraddu ma weyna. Waa bangalo lix qol ah. Wajahaddeeda, waxaa si qurux badan loo gu ranjiyeeyay midab buluug. Waa macquul in calanka dalka la gu weynaynayay. Irridda waxaa taagan laba wiil oo timo humbul ah leh. Waa niman dhaadheer oo ku jeeniqaaran laba Aake. Waxaa la gu sheegay inay ilaalo yihiin. Itaalkooda, waxay is leeyihiin waxaad waardiyaysaan wasaaradda, balse, ma oga inay tuugada dhabta ahi ku jirto gudaha wasaaradda. Hoos ayaa isu leedahay "allow yaa u ka la wandhara runta iyo riyada." Waa adigaa illinkii is tubay. Waa iyagaa markay ku baareen ku fasaxay. Waa adigaa akhrinaya magacyada qolalka oo, halacsaday qol ay ku qoran tahay "xafiiska wasiirka." Laakiin, nasiibxumadaada awgeed wuu xiran yahay qolku. Niyadjab weynaa! Waa u qaadan la'dahay, balse, waxaa isku laab qaboojisay in wasiirku uu imanayo. Gabar ku shaqaynaysa qolka "xoghayaha wasiirka" ayaa markay ku aragtay kuu yeertay. Waa adigaa u tegay.
—Soo dhowow walaal. Maxaan kaa caawiyaa?
—Waa dhawahay ina adeer. Waxaan ballan la lahaa wasiirka, isaga ayaana u socday.
—Wasiirku wuu tegay. Isla maanta ayuu Xamar u socdaalay, wuxuuna ka ga qaybgalayaa shir qaran. Adigu, ma waxaa tahay Faarax Warsame Cali?
—Haa, walaal.
—Wasiirka ayaa ii sheegay magacaaga, wuxuuna ii kaa faray in aad sugtid intuu safarka ka soo laabanayo.
—Hagaag. Mahadsanid ina adeer.
—Adigaa mudan.
Waxaa xigay holladkaagii. Inta aadan qolka ka dhammaan ayaa telifishanka ka soo gelay war degdega. Waa wasiirkii oo ku hadlaya "wasaaradda maamulkaygu, sanadka waxay shaqo abuur u sameysay dhalinyaro kor u dhaafaysa kun qof, haddana, waxaan ku tala jirnaa in aan labanlaabno dadaalkaas." Si hoose intaad iskula qosashay ayaa wasaaraddii ka soo huleeshay.
Ciil iyo caro iyo xumaan iyo is ciilkaambi ayaad ka la soo baxday xafiiska. Waxaa u qaadan la’dahay, rafaadka aad maanta martay, sida fudud ee ballantii la gu jebiyay iyo maadsiga uu ku hawraartamay wasiirku. Bal inangumeedkaas eega! Weedhaas qura ayaa afkaaga ka soo baxaysa sidiiyo aad moodid in aad lumisay ereyadii ka le ee afka. Waa gartaa ciil ayuu afkii juuqda ku la gabay. Lugajiid ayaa ku socotay. In aad kabahan ku socotid way fududahay, laakiin, in aad nafsad ahaaan u socotid way culus tahay. Ha ahaate, Faaraxow, "waa nin iyo waagii."
Jawaan Milixa.
Feb. 2025.
W/Q Nuur Camuudi.
Aslay Rory Mitchell.
Waaberi ayaan toosay, iyadoo uu gurigu ka jiro sawaxan u dhow sooyaan. Sariirtayda ayaan fadhiistay, anigoo aad u naxsan oo indhaha marmaraya. Shar baas oo badan baa isla ilbiriqsiyadiiba ku soo degdegay maankayga! Ma hooyo ayaa dhimatay? Ma cunugtaadii Baxsan? mise gacalisadaadiii? Ciyow ayaan fadhiga ka booday oo irridda si xun u gu baxay. Barande dheer oo jidkii siraad ii la muuqday goortaas ayaan dhex cararay. Daaradda aqalka ayaan is dhextaagay. Waxaan dareemay in sawaxanku ka soo baxayo kijada aqalka.
Intaan is dejiyay ayaan illinkeeda is hojiyay. Mise waa hooyaday, gacalisadaydii Beerlula iyo Baxsan! Aamus bay miciin bideen. Mid walba indhaha iyo dhagahu ayaa u taagan. Tolow maxaa dhacay? Ma korontadii ayaa la jartay? Ma shirkaddii xumayd baa biyaheedii jaratay? Ma joodhaayadii raashinka ahaa ayaa dhammaaday? Ma qadacyadii saliidda ahaa? Ilaahow caydhinmadan baas maxaan ka sameeya! Naclad ku gu dhacday saboolnimooy! Araggaaga la'waa oo meel daran iyo meel liidata la gu mari. Oo yaa ku marinaya bahalyahay i la waaraysa abidkeed?
Ooridaydii, indhaha ayaan u quuri waayay, afkiina sallax ku dheg buu i ga noqday. Miyaan u quuri karaaba? Dhibtan oo dhan waxaa ka danbaysa maahmaahdii jaan ee "naag been baa la gu soo xerageliyaa, runna waa la gu dhaqaa?" Bal waa tane miyay runtu ii ga gurmato darxumadan! Ilaah baa runta jecele, Soomaali way i wanjashay. Guulle idin wanjal, ilaahay baa diin baryee! Tuuladan baas ayaa wax walba ka danbaysa. Badhaneey la gu rog.
Sideedaba, ninku ha weynaado ama dhallaan ha noqdee, markay xaajadu adag tahay wuxuu u godladaa dhabta hooyadii iyo hadalkeedi, waayo, waa insaan aan is beddalayn weligeed. Dirqi iyo laba dalool hadal ii ga soo baxay ayaa hooyaday ku weydiiyay;
—Hooyo, maxaa dhacay?
—Is deji hooyo, wax sidaas u weyn ma dhicin. Keliya waxaa innaga go'day cusbadii cuntada.
—Oo taasi maxay dhib leedahay hooyo? Sow innagii waxaas yaryar u joojin jirin.
—Waa runtaa, hase ahaate, saaka waxaa inna soo martiyi doonaa soddogaa iyo soddohdaa. Waxay ka yimaadeen Boosaaso, waxayna u socdaan magaaladoodii Ceerigaabo.
—Waan gartay. Dhib ma laha hooyo ee deriska innooga soo qaada.
—Xaaskaaga ayaa u tagtay oo ka soo weyday.
—Maxaynu yeelnaa haddaba hooyo.
—Waa la gu qasban yahay in la soo iibiyo oo aad suuqa u baxdo.
—Hagaag. Anigaa intaas yar dhammaynaya ee cuntidiina sii diyaarsada.
Anigoo ka warwaraya "tabtii cusbo la gu heli lahaa" ayaan qolkayga ku soo laabtay oo, isku jooggaygii dharka ahaa xirtay. Suuqa ayaan tegay. Suuqa Badhameed wuxuu shaacsane yahay in aan la furin goor hore. Waxaan u malaynayaa inay sababtu tahay, dhaxanta diilalyada badan ee magaalada. Waqtigan, waxaa suuqa loo gu tagaa kuuliyayaasha iyo xammaalada.
Nin aan xammaali is la nahay ayaan meel shise ka halacsaday. Intaan farxay ayaan si xun u gu taabacay dhankiisa. In kastoo uu gurigiisa ka fog yahay suuqa, haddana, waxaa i gashay reja yar oo ku saabsanayd inuu jeebkiisa ku jirto 3000Sh Soomaali ah, si aan u gu iibsado milix. Waa anigaa is hor taagay oo indho miskiinnimo leh ku jalleecay. Waa anigaa ku iri
—war Jaamacow, arrin baa i gu cakiran maanta ee shilimaad yaryar ma helaysaa. Run ahaantii, haddaa hesho waxay ii ga dhigan tahay adigoo dahab gacanta ii geliyay.
Intuu hammaasaday ayuu i gu yiri
—War maxaa dhacay saaxiib? Waa adigaa ii jeeda oo hadda shaqo u soo toosay, maxaa i ga weydiin shilimaad? Ilaah baan ku dhaartee, waan qablamayaa walaal. Intaan naxay oo qalbi jebay ayaan ku iri
—Waxba ma dhicin saaxiib. Shaqadii ma haleelayo maanta ee nabadgalyo.
Isagoo i ga dabaqaylinaya ayaan dhabarka u jeediyay oo, taabacaygii sii watay. Waddada ayaa marba gees u ga leexdaa si aan u helo dukaan furan. Wallay ka tahay. Anigoo hungo i ga muuqata ayaan dukaan walba oo aan soo fiiriyo nacladaa oo habaar u laqimaa. Oo maxaan u laqimayn? Goobahaas baas marka loo baahan yahay ma furna! Mise, waayaha ayaa tabtan u qaabaysan oo aan waaqiis kuu fulinayn doonisahaaga? La ga yaabee inuu u qaabaysan yahay, sidoo ka le, la ga yaabe inuu dadka hoodada xun sidaas ku la dhaqmo. Si walba ha ahaatee, waayahu waa wax aad u kakan oo aan la fahmi karayn dhaqannadiisa iyo runnimadiisa. Wuxuu u laba bogleeya tabtuu aadanahu u laba bogleeyo. Waa wax gun ah. Waa wax liita. Ilaahow towba! Ma doonayo inaan waayaha arjumo oo, ilaahay ayaan ka baqayaa.
Anigoo tabtaydii ah ayaan talo ku goostay, in aan tago saylada magaalada. Waa goobta qura ee furan xilligan. Intaan jidka socday ayaan soo xasuustay sheeko. Saxaabi ayaa u baahday milix, masjid intuu galay ayuu laba ragcadood tukaday, dabadeed, Eebbe ayaa samada u ga soo tuuray. Naftayda ayaan ku iri "salaad ma tukataa? La ga yaabee, inuu Ilaahay ku gu soo dhiibo malag." Isla ilbiriqsiyadaas ayaa isla naftaydu i gu tiri "adigu ma saxaabi baa tahay?" Ma annagaa og waxa aannu nahay.
Anigoo isla hadlaya ayaan goobtii soo gaaray. Sariibaddu, waa dhisme aad u weyn oo loo ka la jarjaray qolol yar yar. Qolalka badidooda hilib ayaa la gu iibiyaa. Waa sababtay urteeda u xun tahay. Dawladda hoose ee magaalada ayaa dhistay, waxayse waratadeeda ka ga beddalatay cashuur. Maxasta qolalka ayaan ka indhabuuxsaday, balse, habar aan fool garanayo ayaan ka aqoonsan waayay. Talo ayaa i gu caddaatay. Ilbiriqsiyo feker ah ayaan fal baas oo qaasaawasalay noloshayda ku dhaqaaqay.
Islaan da' ah oo ku mashquulsan buug daymeed ayaan qolkeeda is hortuubay. Jawaan milix ah oo irridda u yaallay ayaan sidii malag la soo saqaafay. Ma aha mid aan iibsaday, waa mid aan soo xaday. Si qab leh ayaan sariibada u gu dhexsocday. Marka aan bannaanka isku hubsaday ayaan rucleeyay.
In kastoo dareennadaydu doorsoomeen, haddana, waxay ii taleexiniyeen in aan la lla dhaadin tuugnimadayda. Gurigii ayaan imid. Waa cuntadii oo diyaar ah iyo soddogah oo qol loo diyaariyay ku sugan. Kijada ayaan galay oo hooyaday u dhiibay jawaanki. Si dakhso leh ayay hooyo cuntadii u gu walaaqday cusbadii. Anigoo xiiqsan ayaan qolkii martida galay. Waa odaygii oo tusbax dheer rogrogaya. Soddohday, iyadu waxay la sheekaysanaysaa gabadheedii oo qolka hurdada ayay fadhiyaan. Daqiiqado dabadeed ayaa cuntadii la noo keenay. Waan faraxallanay oo si tartiib ah u bilownay.
Jawi aamusnaan ah ayaa qolka hareeyay. Oo sidee ayaannu u hareenayn? Show aniga ka warwarsan islaantii sariibada. Markaanu dhameynay ayaan irridda guriga si xun loo soo garaacay. Gabadhaydii baa ka furtay. Waa niman. Cod dheer ayay Baxsan ku weydiiyeen "halkee joogaa aabbahaa?" Qolka ayay fartayda ku soo fiiqday. Iyagoo ordaya ayay noo gu soo galeen. Laba nin oo tuute boolis xiran ayaa intay i la hadaafeen, labadible ii jeebeeyay. Soddogay oo naxsan oo fadhigii ka booday baa yiri:
—War maxaa wiilka ku haysataan? Waa maxay dhaqankaad ku tallaabsanaysaan?
Nin taliye ii la muuqday ayaa u gu jawaabay:
—Wiilkaaga waxaa loo haystaa xatooyo.
—Oo muxuu soo xaday.
—Jawaan cusbo ah ayuu islaan miskiin ah ka soo xaday. Wixii faahfaahina saldhigga booliska Badhameed u gu yimaada.
Soddogay, afkuu gacanta saaray oo indhahuu si xun u weeraamiyay. Anigoo, dhulka jiifa ayay qalbadu si xun ii jabtay. Ceeb weynaa! Ilaahayow maxaa sidaas ii gu kashifaysaa? Miyaan addoonkaagii ahayn?Hoogaygiiyeey, yaa xabbad shafka i ga la dhaca? Ama miyaan ISKA ahaado quraanjo yar? Ama miyaan iska dhibtaba.
Dhabtii, waxaa miyir ii gu danbaysay anigoo is la hadlaya. Waxaan soo baraarugay anigoo qol qurun iyo qashin ka buuxo kaballooda oo, silsilad daxalaysatay i gu xiran tahay. Tuug! Yaa tuug ah? Ma aniga? Ma iyaga? Mise aadmigoo dhan? Waa kuma tuuggu? Hubaashii, booliska, hadday dhab ka tahay in la soo xiro tuugada arlada, waxay si aan ka la sooc lahayn u soo jeebayn lahaayeen burjuwaasiyiinta iyo siyaasiyiinta ee ku tallaabsaday xatooyo qaran iyo mid ummadeed. Aniga se miyaa? Kiiskaygu waa waa tuugnimo yar. Run ahaantii, jawaan cusbo ah waa shilimaad yar, hase ahaatee, sabool anigoo ka le ah wuu la culus yahay.
Dacwaddii Sariirtayda.
23. June. 2024.
W/Q Nuur Camuudi
"Waa la orinayaa oo la ooyayaa." May. Sidaas ma aha xaajadu. La ma orinayo ee adiga ayaa ku riyoonayaa. "Oo maxay tahay riyadan ay qayladadeedii dhagaha ku dillaacinayso." Ma ogi. Ma ogi naftaydaay.
Aslay Guillaume Bresson
Waan hanbabaray. Hurdadii ayaan ka salalay. Waa Badhan. Waa xilli diraac ah iyo waqti hiraab ah. Nalka ayaan daaray. In aan riyoonayo iyo in ka le ayaan ka la hubiyay. Mise, ilaahow adigaa weyn oo waaxida! Orta iyo oohintuba waxay ka dhacayaan qolkayga iyo irriddiisa! Sariirtayda ayaa si xun oo daran u ooyaysa, Sariirahii ka le ee yaallay qolalka guriga ayaa iyaguna ku orinaya oo ku diganaya sariirtayda! Waan cabsaday, mar waan naxay, marna waan yaabay. Sida uu qolkaygu u midabba badan yahay ayaa dareennadaydu u midabbo bateen. Way khalkhaleen. Way jaahwareereen. La ga yaabe, in uu khalkhalkani yahay natiijo ka dhalatay axqabidaydii hore. Gadaal ayaan idin ka ga warrami doonaa “axqabiddaydii hore.”
Inta aan sariirtayda ka booday ayaan qolka kaballoodsaday. Si hoose ayaan isku iri "maxaa sariirta ku dhacay? Yaa ka ilmaysiiyay? Maxay kuwa ka le la orinayaan? Anigoo isla hadlaya ayaa sariir uu leeyahay walaalkay Warsame i gu tiri
—Maxaa sidaas u gu sameysay sariirtaada? Ma doqon ayaad tahay? Ma sidaas ayaa is ku la qumman tahay?." Cabsi ka daran tii hore ayaa i gu soo degdegtay. Waan is taataabay oo naftayda weydiiyay "ayaandaran naftaydaay, maxaad fashay? La gu sii qaad oo iil kaa yar la guu gu kakab." Juuq ii ma ay oran nafsaddaydu. Ma iyadaa hadli kartaba? Sow ma aha eedaysane la gu soo oogay denbi la gu hubo.
Sariirtii walaalkay ayaan cod hoose ku weydiiyay:
—Maxaan sameeyay? Maxaa dhacay?"
Iyadoo si xun u qoslaysa ayay ii gu jawaabtay
—Maxaad is la yeelyeelaysaa? waad is og tahay waxa aad sameysay Wayraxow?
Anigoo qanjuhu ciil i la buurteen ayaan ku iri
—Ilaah bay i ga tahay. Waxba ma sameyn. Idinka ayaa iska kay tuhmay. Sidee ayaan sariirtayda xumaan u gu quuri karaa? Waad og tihiin in aan si wacan u daryeelo. Waad og tihiin in aan aroor walba si qurux badan u goglo. Waad og tihiin in aan toddobaad walba harqadaha iyo galalka u mayro. Miyaydaan arag quruxda ka muuqata. Iyada ayaaa iska kay eedaysay, idinkuna, waad i gu dirteen. Deris xun ayaad noqotaan. Doqobyo baas ayaa shiddeen. Sidee ayaa diriradiraale u ga noqon kartaa aniga iyo sariirtayda runtii, godob baad i ga gasheen.
Markaan intaas iri ayaa sariirtayda hooyaday hadalka qaadatay:
—Maandhow, hooyadaa oo gama’san ayay sariirtaadu jiifkii ka salalisay. Hadda, waa iyadaa barandaha ku tukanaysa. Annagoo, xawaaraynayna ayaannu irridda isa soo dhoobanay, si aan u ogaanno waxa ku dhacay guridanbaysta sariiraha. Cod dheer ayaan ku weydiinay "cudurka haleelay" laakiin, si dhimrin leh ayay noogu sheegtay, in ay dacwe kaa tahay adiga. Fuduushayada ayaa weydiisay dacwaddeeda. Si fudud ayay noogu sheegtay. Markii aan ka dhego buuxsannay ayaannu si xun u gu digannay annaguna. Waa adiga ku kacay ortayadii iyo oohinteedii. Maadhahaygii, si walba ha ahaatee, gef weyn ayaad ka gashay guridanbaysta. Raalli geli oo madaxa iyo majaha ka dhunko."
Ciil iyo culays daran ayaa oogaadayda iyo gudahayga ku habsaday. Waan is hiifay. Ma doonayn in aan naftaydu hiifo, balse, dacwaddan i gu dabadheeraatay ayaa i gu sababtay.
Xalay, goortii aan qolkayga u soo hoyonay waxaan dareemayay marnaan nafsadeed iyo wahab jireed oo aad foolxun. Xalay quriya ma dareemayn! Beryahanba, waan is ka ga caalwaayay jirradan ila soo daristay. Marnaanta nafsadeed, waa cudur baas oo si xun ii bahdilay, waayo, wuxuu i ga xayuubiyay dadnimadii, maadaama, aanan ka waaya’arkin dareennada badan ee uu aadanaha is ka ga tallaabo. Ma ogi, goortay i la soo deristay jirradan, waxaan se is ogaaday anigoo lugaha ku la jira. Kollay, waxaan hubaa inay degmadan yar i gu haleeshay.
Ma doonayo, in aan waqtigaaga kaa ga lumiyo waaya’aragnimadan qofeed, hase ahaatee, in yar i dhagayso! Waxaan doonayaa in aan ka ga warramo arrin muhiim ii la muuqda aniga , adiga yay se ku la ahaane. I rumayso, bilo dhan ayaanan is arag: murugo, hiif, ciil, quus, qiiro, qosol, farxad, rejo, naawilaad, jaceyl iyo dareennada ka lee badan. Waxaa la i moodi jirey siidiiyo aan ahaa geed meel daran ka baxay! La ga yaabe in geedkuba uu la kawsado dareenno ka la duwan, markay isu weydaartaan kaliisha iyo diraacda ama xagaaga iyo dayrtu. Taasiba, waa male dhaboobi kara.
Dareenkan marnaanta ah, wuxuu i gu sababay in aan lumiyo xiriirka qoyskayga, saaxiibaday iyo bulshadayda, waayo, wuxuu si waallan ii dareensiiyay in aanu macne ku jirin la sheekaysiga dadkaas. Iyadoo qoysku ku qaxweynayo ama ku qadaynayo qolka fadhiga ayaa anigu qolkayga ku jiraa. Xaalkaygu wuxuu ahaa sidii nirig hooyadeed ka dhimatay ama noole ka takooran bulshada. Waxyeelladiisii intaa qura ii ma ahayn. Run ahaantii, lama indhood iskuma keeni jirin oo ilbiriqsi yar ma nasan jirin. Sariirta ayaan si xun u gu galgalimaysan jirey oo, aan marba jiho janbiga u rogi jirey. Ilaahay ayaan hurdo ka baryi jirey, hase ahaatee, wax gargaara ma arki jirin.
Jirradan, la ga yaabe, inay i gu sababtay baagamuudada iyo busaaraddu dalku, balse, marlayba waa cudur aad u halis ah oo aadane walba maalin uun ku habsan doonoo.
Waqtigan baas ee ortu iyo oohintu i salalisay, waxaan ka dhex arkay dan weyn. Waxaa dib u la midoobay dareennadaydii. Waa anigaa mar naxaya, mar cabsanaya, mar yaabaya oo mar is hiifaya. Dhabtii, musiibada qof ku dhacdaa, waa liibaantaa qof ka le. Hiraabtan ayaan arrintan garwaaqsaday. Silica sariirtayda haysta waa aniga sareedadayda.
Si hoose intaan is ku la qoslay, ayaan sariirtayda weydiiyay.
—Maxaa dhacay? Maxay tahay dacwaddaadu?
Sariirtayda, oo illintu iskaga tiraysa galkeeda ayaa si hoose u tiri:
—i maqal Wayraxow! dacwaddayda dhagayso. Intaa dabadeed, wixii aad yeeli lahayd adiga ayay ku la jirtaa.
Kaballoodsigii ayaan ka booday. Qolka ayaan is dheextaagay. Madaxayga ayaan hoos u foorariyay. Dhagaha ayaa si daran u taagay. Muhiimad weyn iyo fiiragaara ayaan dacwaddeedii u gu jeedsaday, anigoo daacad iskaga dhigaya.
Sariirtii, intay xabeeb tiratay ayay hadal ku bilowday:
—Wayraxow, ma qofkii aad ahaan jirtey mise midka aad hadda tagay? Qofkii aad horey u ahayd wuxuu ahaa bashar xariira oo si gobannimo leh ii daryeeli jirey—daryeelkaasi, keliya ma ahayn in aad harqadaha iyo galalka ii dhaqdo, sidoo ka le, wuxuu ahaa in aad nafsad ahaan ii koolkoolin jirtey oo, aad i ga dhawri jirtey wax walboo murug gelinaya jiritaankayga. Markaad jaamacadda u safartay waa adigii sida habboon ii sii xirxiray oo, aad weliba ii gu sii ballamisay walaashaa kaa yar ee Kinsi. Wixii tagay tiigsamaad ma lehee, tan iyo dib u soo laabshadaadii si xun ayaad ii gu tacaddiyay.
Markay intaas tiri ayay hadalka jartay. Been ka ma sheegin in aan daryeeli jirey, hase ahaate, hadalkaas jaran awgii waxaa i gu sii kordhay anfariirkii. Tolow maxay soo wadaa, habaarqabtadu? Ma naag baan ku la galmooday? Mise waxay ogaatay qorshahiii aan ku soo iibsanayay sariir ka le? Ilaahow adigaa faxane, fududee.
Mar labaad ayay hadalka ku soo noqotay oo tiri
—Wayraxow, waagii aad Xamar ka timi, waxaad soo noqotay adigoo, adigii ahayn! Adigoo, qof ka le ayaa ii timid, xitaa muuqaalkaagii ayaa isa soo beddalay. Maalmihii koowaad, murugo baas iyo quus xun ayay nafsaddaadi la soo laabatay. Jawaanno hungow iyo han yari ah ayaad walwaalanaysay. Timaadada ayaad ka is weydiinaysay, sida aad haddaba, isu weydiiso. Belo iyo baas ayaa oogadaada ka muuqatay.
Darxumadaada, habeen walba goorta aad timaadid ayaa si tartiib ah aniga ii gu wareejin jirtey. Anigoo, faraxsan ayaa ii timid, balse, jaan iyo cidhib waad i beddashay. Bal si dhab u gu fiirso gudahayga? Bal indho gacaltooyo ku eeg barkintaada? Bal jalleec galkaaga iyo go'aaga? Ilaah baan ku gu dhaarshee, ma ujeeddaa waxa quus iyo qulub na ga muuqda? War dhafoor buu ku yaallaayee, miyaadan hal marna foolkayga akhrisan? Waayadan se miyaa? Waa adigaa yeeshay nafsadda maran ee dareendaysay! Hase ahaate, weli waxaa ka baqaysaa mustaqbalka, waa sababta aad hurda u ladi weyday. "
Naqas weyn ayaan si jilliin ah i ga soo booday. Waan is nafisay. Waxaan iska dhigay mid nabar hayay uu ka fuqay. Daqiiqado aamusnaan ah ayaan u gu warceliyay.
—Raalli i ga ahaada gogoshaydaay. Waayuhu way socon doonaa. Innoo joojin maayaan. Hase ahaatee, maalin uun, sidaydoo ka le ayaa dareen waayaysaan.
Maalin Uun.
Turjumaad hore.
Waa goosan yar oo aan ka soo turjumay sheekadii Samaweel Biikiit ee “EndGame.”
SR: Facebook.
Maalin uun, sidaydaa indhoole noqonaysaa. Goob jaan baad dhabbacan doontaa adigoo alamsanaya dacarta fogaanshaha—sidaydoo oo kale. Maalin uun, waxaad ku calaacali doontaa "run ahaantii waan daalay, waxaan doonayaa in aan fadhiisto." Markaas ayaad salka dhulka dhigi doonta. Intaa dabadeed, naftaada ayaad ku dhihi doontaa "gaajo ayaa la indha madoobataye, bal sara joogso oo cunto soo diyaarso." Hase ahaatee, waad tahli kari waayaysaa. Naftaada ayaa ku canaanan doontaa "waad ku qaldanayd in aad fadhiisato, balse, way dhacday." Fadhigaaga ayaad ku qancaysaa. In cabaar ah keddib ayaad naftaada ku oran doontaa "inyar baan sii fadhinayaa, dabadeed, dheef baan soo karsanayaa." Ayaandarradaada awgeed, ma hollan doontid.
Adigoo goradda laalaadinayaa ayaad derbiga qolkaaga ku dhaygagi doontaa. Waxaad ku gunuunici doontaa "daqiiqado yar baan seexanayaa, Intaa dabadeed, arrimuhu dhagdhagaati bay ii noqonayaan." Indhaha ayaa baalasha ku rogi doontaa, hase yeeshee, marka aad toostid waxaad garwaaqsan doontaa in meeshu aanay derbi lahayn! Fogaansho baas oo aan dhammaad lahayn baad si dhab ah kuu go'doomin doona. Dhab ahaantii, dadkii geeryooday waayihii ka la duwanaa ma aysan arag fogaanshaha aad dareemayso adigu! Maalin uun waxaad ka cabi doontaa darka aan ka cabayo anigu[waa darka fogaanshahee]. Sidayda ayaa u cawlalaan doontaa. Tabtaas ayaad ku dhiman doontaa, saa ceelna kuma qodna, cidnana kuma maqna e.
Saboolnimo.
W/Q Miikhaa'iil Sooshiinkoo.
W/T Nuur Camuudi.
Horraantii 1920kii.
Qoraaga.
Gacallayaal, ma ila aragteen in ereyo ugub ah casrigan ku soo kordhayaan! Erayadaas waxaa ka mida "koronto" oo qarnigan labaatanaad u gu shaacsan. Run waxaan doodi ka taagnayn inay ilbanimada korontada soo gaartay midowga Soofooyeeti—Ruushka. Hase ahaate arrintu waxay leedahay dhinacyo xaasaasi ah. Anigu ma oronayo dhaqaale badan ayaa Korontada na ga ga baxda! May, wax yar baan bixinnaa balse arrintu meelo ka le ayay sarteedu ka quruntay.
Guri weyn oo kiro ah ayaan ku noolayn, qolol badan ayuu ka koobnaa. Inta badan aqalku iftiin waa lahaa, kolay dadku saliidsaytuun shitaan iyo kuwo faynuus daartaba, qaar aan waxba ifsan jirin oo marmar shumac ifsada way jirwen—kuwan ayaana u gu saboolsanaa. Bilowgiiba waxaa qolkiisa ku soo xirtay maamulaha guriga, intaa keddib qol walba wuu soo tallaashay. Maamulahu waa nin aamusan oo aysan dadku aqoon waxa uu ku fikiriyo. Kiraalayaashu wax badan kama yaqaanaan. Waa nin goor walba u muuqdaa qariib.
Xaaskaygii Alasafiita Ijnaatifaana ayaa maalin ii timi oo igu tiri "gacaliye, dadkoo dhani koronto ayay soo xirteen xitaa maamulaha guriga. Hagaag, haddaba waa markeennii." Markaas ayaannu soo xiranay oo gurigii wirwriray. Wax baase dhacay! Meel walba qashin iyo qurun baa daadsan. Waagii aan shumaca shidan jirney, waaberiga ayuu qofku shaqo u kallihi jirey wuxuuna ka soo rawixi jirey fiidkii dabadeed intuu shaah fuuqsado ayuu is dadi jirey. Intaa uu shaaha cabayo waxba ma arki jirin balse sidii aannu korontada u soo xirannay wax walba wuu ka indhabuuxsanayaa. Balwaxaan u jeedno day! kabahaygaa googo'ay, derbiga wasakhda ah, gogoshaas cullaafta ee isu dayaysa inay ka dhuumato nalka, waxa meesha sigaarka tuuban iyo xitaa kutaantaa nacladan ee ciiddaas le'eg. Aah ilaahaygow? Muxuu sidaa noogu galayaa kaahu? Run ahaantii wuxuu ku gayaysiinayaa inay illintu ku hibitiqlayso markaad halacsatid foolxumada hareerahaaga ka buuxda.
Arrintan waxaa ii ga xansas iyo xanuun badan fadhicarbeedka qolka ii yaalla! Waxaan u haystay in uu fadhicarbeed fiican yahay narkii aan isu kaballaaxin jirey balse hadda oo ay korontadu shidan tahay wuu dhalanrogmay. Alla ilaahayow korontadan baas yaa iga qabta? Gebi ahaan fadhicarbeedku waa wasakh oo si daran buu daldalooshamay. Malaha wuxuu damacsan yahay inuu cudbigiisa oo dhan dibedda u soo halgaado? Hadda keddib suuragal ma aha in aan ku gawdiidsado sababtoo ah ruuxdayda ayaa ka goohaysa. Way ololaysaa.
Idk.
Waan fekeray. Naftayda ayaan la gunuunacay oo ku iri "anigu taajir ma ihi." Foolxumo walba oo ay indhahaygan baasi dhuganayaan ma awoodo in aan dayactiro! Isla maanta ayay ahayd markaan arkay ooridayda oo murugo darani ka muuqato, intay ihareer martay ayay kijada gashay oo iska dhigtay qof weelka dhaqaya. Waan dabarucleeyay. Irridda ayaan is dulqotimayay oo aan weydiiyay "maxaad ka qabanaysaa kijada gacaliso?" Intay gacmaha kala baxday weelkii ayay ii gu warcelisay "weligay isma aan oran saboolnimo noocan ah ayaa ku nooshahay gacaliye." Eegmo gacaltooyo intaan ku fiiriyay ayaan dhabarka u jeediyay. Anigoo tallaabaynaya ayaan ku hunnuuhunnuusay "arrintu way cakiran tahay, caqligalna ma aha in gurigan jaan aan sidan ku eegto."
Mushaharkii bisha maalintuu ii soo dhacay baan si daacad ah u fekeray. Feker dheer dabadeed waxaan go'aansaday in aan warankiino iyo alaabo kale soo iibsado. Dayactir baan u holladay. Warankiiladii ayaan derbiga uskagga la liitay ku dhaqay. Kutaantii iyo caaradii lacnayd baan mid mid qudha uga jaray. Fadhicarbeedkii baan dib u alkumay. [....] Hadda ayay ruuxdu u bogi kartaa guriga.
In kastoo dayactirku ahaa natiijo wacan haddana ma aha mid sal iyo baar ah! Run ahaantii waxaan lacagtii ku bixiyay wax maalayacni ah oo aan u qalmin in lagu bixiyo. Waa iyadaa xaaskaygii dood hor leh ka keentay oo itiri "talo ayaa igu cad, xaalkuna wuu xumaaday gacaliye. Caydh gun ah baan noqonayaa haddii aan ku noolaado nalka. Ilaah baa runta jecele, korontudu waxay dhayda ii ga caddaysay in aan saboolnimo daran la daalaadhacayo." Waxaan isku dayay in aan qanciyo balse hal bacaad lagu lisay bay noqotay. Hadalkeedii ayay sii wadatay oo tiri "ma doonayo in uu guriga ifo! Ma doonayo in aan laydh ku noolaado sababtoo ah ma haysto lacag aan ku dayactiro walxaha jaan. Ma arrin dhayal ah baa in aan guriga ka guuro oo aan meel kale dego haddii aan lacag badan ku bixino hawlahan maalayacniga ah? Dabcan may. Sidaas awgeed waan is dhiibay anigu. Korontada innaga jar gacaliye." Dhab ahaantii mudanayaal, iftiinku waa wax wanaagsan balse ku noolaanshiyihiisa sidaas ma aha. Waa wax aayitiindaran.
Aqoonyahan Gaajaysan.
W/Q Nuur Camuudi.
02. Dec. 2024.
CP: Jaden Smith.
"Hooyo, maxaynu cabnaa maanta?" Ayaanle oo irridda ka sii baxaya ayay hooyadii ku tiri. Waa weer si daran u dareendooxday, la ga yaabe inay ka ga xumayd ablayd la gu tummaatiyay qalbigiisa. Beryo badan ayuu balanbal badan la soo noolaa balse waaqiis ma arag dareen ka xanuun badan kan uu weedhaas ku dareemay. Dhiigga qulqulaya wadnahiisa waxay isu beddeleen baaldiyo illin ah! Qalbiga ayuu ka ooyayaa. Waa isagaa uu duunkiisa tusiyo, illin kulul oo xinjiraha dhiiggiisa sii qulqulaysa. Dhab ahaantii, insaanku markay indhihiisu tahli kari waayeen oohinta ama uu dareennadiisa ku labadibleeyo kashiisa ayuu mooyaqooqaartaa qalbigiisa oo butaacinaya ilmada. Waa sida Ayaanle haysata maanta.
Hareeraha jidka ayuu si foolxun u fiirfiiriyay. Indhihii dhugtaa waxay moodayaan in uu raadinayo baadi ka maqan balse sidaas xaalkiisi ma aha. Wuxuu doonayaa goob uu ku ilmeeyo saacado! Foolkiisa oo ka muuqdo niyadjab badani buu naftiisa ku yiri "waxaan yu’anayaa in aan ilmeeyo saacado sababtoo ah illintaasi waxay i dareensiinaysaa inaan insaan ahay. Waxaan doonayaa inaan dhinto anigoo tabtaas u ilmaynaya" balse wuxuu dareemayaa in arladu ay ciriiri noqotay oo aan la ga helayn goob uu naftiisa ku la heshiiya. Waa dhab; dhulka Soomaaliyeed waa ciriiri, ma laha geyiga Soomaalida uun ma aha, dunida ayaa isu beddeshay meel daran iyo reero muskood. Taako walba oo dhulka ka mida waxaa abraaraya dad iyagoo u ruclaynaya siday baahiyahooda xayawaan u dabooli lahaayeen. Laysu joojin maayo, il naxariis leh laysku jelleeci maayo, laysu dareen werin maayo, insaan walba tiisa ayaa cuslaysay. Tani waa eelkay sababtay hantigoosadnimada iyo nafjeclaysigu. Hantigoosadnimadu waxay la dulunduclaysay dadnimadii korranayd iyo isku tiirsanaantii bulshada adduun weynaha ee ay Soomaalidu ku jirto. Hiddihii haybadda lahaa iyo dhaqankii is xigaalaysiga—hantiwaagga— ayay weerar ba’an ku soo qaaday iyadoo adeegsanaysa niman uusweyn oo calooshaada la ciyaar ah. Waa isagaa Ayaanle Caanadiid uu jaahwareersan yahay.
Bishu waa Ogos iyo kala aamus. Waa bil aayatiinxun. Soomaalidu way baasaysataa, sababtoo ah dhaqaalahaa ayaa widhiidh noqda. Ogastani waxay ku beegan tahay markii la ga soo doogay dagaalladii Khaatumo iyo Soomalilayn. Goobtu waa caasimadda Garoowe. Waa magaalo weligeedba la gu yaqaanay maciishad qaali ah iyo sicirbarar xargaha goostay. Waa meel aan u roonayn caloolyarta iyo caydha balse way ku nool yihiin. Ayaanle, qoyskooda ayaa ka mida.
Qoysku, waa hooyadii Mullaaxo iyo afar carruura. Afartuba waa uur hooyadii. Aabbihii Maax wuu dhintay. Buuraha Galgala ayuu ku nafwaayay isagoo la dagaallamaya dad loo gu sheegay "cadow Soomaaliyeed” se garashadiisa ayuu se sababsaday. Cadowga dhabta ah ee Soomaalida waa gaajada. Maax arrintan wuu ka dhukanaa. Hantida qura ee odayga lahaa waxay ahayd hoygay reer Maax degganayaayeen. Waa aqal sandaqad ah. Mullaaxo ayaa daasado iyo diracyo ka yegleeshay. Waa laba qol, kijo yar iyo daarad bannaan oo jidka Soddanka ku yaalla. Run ahaantii, xilli walba iyo jewi walba wuu u daran yahay daran yahay reer Maax. Ma aha goob uu insaan dhan uu ku noolaan karo sababtoo ah waqtiga diraaca waxaa haleesha gaydhe daran oo aan la gu gam’i karin, waqtiga kaliilashana waa u hanfi iyo halac.
Ayaanle, isagu waa nin jaamici ah. Kulliyadda dhaqaalaha ayuu shahaadada koowaad ka qaatay jaamacadda Bariga Afrika. Afar gu' ka hor ayay ahayd markuu rafaadka ku dhammeeyay. Weli wuu soo kaban la'yahay. Wuxuu ka soo doogi la'ahay mahadhadii ay gayaysiiyay rafaadkii jaamacaddu.
Waa isagaa naftiisa illaaway, timuhu ku baxeen oo hollob xun uu la kawsaday. Waa isagaa uu muuqiisa gibil doorsoomay. Waagii hore wuxuu ahaa nin maariin dhalaalaya leh oo muuqaalkisa iyo lebbiskiisa ku dadaali jirey hase ahaate waa isagaa maanta dhuxusha ka madoobay. Waa isagaa tiir la taagay noqday oo caatada dheer ah. Waa isagaa dhar jactad ah iyo jaamo googo'an ku lebbisan. Waa isagaa dadkii yaqaanay ku dhahaan "waa aqoonyahankii kuulliga u eekaa e." Mararka qaar, iyagoo ku diganaya ayay u ga maahmaahaan "arrad waa dan, uskagse waa doqonnimo." Run ahaantii taasi kama aha denbi iyo doqonnimo toonna balse waayaha ayaa gayaysiiyay. Insaanku wuu illaawaa naftiisa markuu la halgamayo calooshiisa iyo waayaha. Markuu qaada-madharge yahay. markuu u halgamayo nolosha qoyskiisa sababtoo ah nafta waxaa ka horreeya doonista xayawaannimada.
Waxaa aslay Faan gookh.
Ayaanle, xalay markuu dhabanka dhulka dhigay ayuu maanshubmay[overthink] oo talo rogrogay. Saacado ayuu gogoshii ku galgalimaystay oo feker walba u dhiibay feker ka le. "Talow ma tahriibtaa? Ma tuugsataa? Tuug ma noqotaa? Ma is qudhgoysaa? Ma guulwadaysaa? Mujaahidiinta diiniga ah ma ku biirtaa?" Weydiin walba wuxuu lafagurayay waqti badan. Hiraabtii ayuu maare uu sanka ka ga tolan yahay u soo baxay. "Waa in aad tuugsadaa naftaydaay. Masaajidka Ibnu Carabi waa in aad ka istaagtaa oo walaalahaa Soomaaliyeed aad gacmaha hoorsataa. Si la gu gu garaabana waa in aad shahaadaada sii qaadataa" Maarahaas markuu u soo baxay ayay maskaxdiisu is bar qabatay. Hurda macaan ayaa ku soo degtay.
Gadiidkii buu toosay. Waa gadiid Jimce ah. Qorraxdu waa oomaar. Hanfi iyo huur darani ayaa jira. Jihada bari waxaa duudka simay daruuro dhool ah oo dadku u wada hanqaltaagayaan. Jidadku waa cidlo marka la ga reeboo baabuur teelteel ah oo xawaaraynaya. Maqaaxiyuhu waa dam marka la ga reebo kabarro qaad oo ma tukadayaal ah. Bulshadu waxay buuxdhaafisay masaajidda.
Jimcuhu waa maalinta qura ee ay wada tukadaan wabiinka munaafaqa ah iyo wadaadku, guulwadaha iyo gobta, siyaasiga iyo shaydaanka. Waa maalinta denbigii toddobaadka layska soo mayro balse sida uu Ayaanle qabo denbiga Soomaalida ma aha mid la cafinayo.
Qolkiisa ayuu ka soo baxay. Hooyadii oo weel xalaysa ayuu kijada u gu u yimi. Dhulka ayuu barida la helay oo dhiidhiibasaday. Cunto ayay u baar baartay. Laab canjeello ah ayay heshay. Saliid cadday iyo wax shaah la mooda balse caleen ah ayay oogada u ga butaacisay. Wuu alamsaday. Biyihii xalitaanka ayuu ku faraxashay. Intuu sare joogsaday ayuu kijadii ka soo baxay. Biyo uu ku qabaysto ayuu foostada ka eegay hase ahaate waxaa ku jira ciid urugo ah. Isagoo niyadjabsan ayuu hooyadii u gu qayliyay:
—Hooyo, maxaan ku qubaystaa?
Hooyadii oo cadhootay ayaa ku tiri:
—Kaalay aniga biyo iga dhigo dee oo igu qubayso.
Markuu maqlay ayuu qolkiisa ku laabtay. Wuu lebbistay. Waa wax lebbis u eg balse aan ahayn. Shahaadadiisii ayuu gacmaha ku dhigay. Irridda isagoo ka sii baxaya ayaa hooyadii ku qayladhaamisay:
—Hooyo, maxaynu cabnaa maanta? Maxaynu carruurta u gu qooshnaa caanaha? Maxaynu qadada ku karsannaa?
Waa weero si daran u dareendooxay. Laamiga ayuu ku lugeeyay isagoo wax eeg-eegaya. Waxaa la moodo in uu baadi raadinayo ma se aha. Naftiisa ayuu la shawray, isagoo ay quus darani isku xirtay qanjihiisa. Waa isagaa masjidkii Ibnu Carabi soo gaaray. Masjidkan wuxuu ku tuhmayaa naxariis iyo nabdooni, isagoo u aanaynayaa dariiqada. Waa guriga eebbe ee u gu weyn Garoowe. Waa afar fooq oo si fan leh loo farshaxameeyay. Ranjiga cagaarka ah ayaa farshaxan qurxoon ka dhigay. Cagaarku waa astaanta dariiqada Qaadirayadda. Sarta koowaad buu soo miciin biday. Kabaha ayuu bixiyay oo horey u galay. Waa isagaa u jeeda in salaaddii la gu jiro. Degdeg ayuu safka u danbeeyay u gu xirtay. Dadka ficilladooda buu raacay: markay rukuucaan buu rukuuca, markay sujuudaan buu sujaadaa. Waa salaad aan khusuuc lahayn. Naftiisa ayuu sabaalinayaa. Walaaca ayuu ka dhiirrigelinayaa oo uu ku leeyahay "dani innaga adag naftaydaay. Cagaha dhulka ku hay oo sharaftan aad ilaalinayso jooji. Berri ayay dadku illaawi doonaan. Waa adiga og in aadanahu yahay bahal jaan oo illawsho badan"
Salaaddii waa la ga baxay. Dadkii waxay u fadhiisteen istiqaar iyo tahliil. Waa isagaa kacay. Bulshadii ayuu madaxooda ka wada tillaabsaday. Dadkii way wada yaabeen, kuwa garanayay iyo kuwa aan aqoonba. Isagoo gariiraya ayuu minbarka masjidka is hor tuubay. Hadal aan la wada maqlin ayuu yiri:
—Walaalaha Soomaalideeyow, waxaan ahay aqoonyahan gaajaysan. Waxaan ahay nin darxumo iyo diif la daaladhacaya....
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa imaamkii masjidku ka soo dhex galay oo ku yiri
—Hoo migrigoonka walaal si dadku ku wada maqlaan.
Wuxuu garwaaqsaday gobannimadii uu ku tuhmayay dariiqada Qaadirayadda. Wuu qabsaday oo hawraartiisi ku celiyay.
—Walaalaha Soomaaliyeedow waxaan ahay aqoonyahan gaajaysan. Waxaan ahay nin darxumo iyo diif xun la daaladhacaya. Naftayda qura ma darxumoonayso ee afar dhallaan ah iyo hooyadood baa ila silcaya. Afartaas carruura wuxuu aabbahood ku dhintay difaaca dhulkeenna balse dawladdii uu u shaqaynayay way dayacday carruurtiisi. Aniga ayaa ciidan u ah dhallaankaas laakiin aqoontaydii waxtari weyday. Waa kuwaa shahaadooyinkaygii tan iyo heer jaamacadeed balse waxay noqdaan waraaqo. Ilaah baa igu oge, maanta waxaan aqalkii ka imi iyadoo la oomman yahay. Waxaan idinka codsanayaa in aad shaqo ila raadisaan iyo in aad dhaqaale yar ii ururisaan, ilaah dartiis. Ifka ayaa laysku gargaara balse qabriga layskuma gargaaro.
Jamacii waxay u ka la qaybsameen: qaar naxay, qaar uurka ka olalay iyo qaar qoslay. Runtii bashar waa la wada yahay balse insaan la ma wada aha. Shiikhii masjidka ayaa fadhiga ka holladay. Xaalkii Ayaanle ayuu sii saafay, dadkiina wuu sii nugleeyay. Dadkii gobta ahaa, waxay noqdeen qaar direy iyo qaar ballanqaaday. Hase ahaatee nin baa minbarka soo istaagay. Waa agaasimahii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha. Ayaanle ayuu laabta geliyay, hadallo dhiirrigelin ah ayuu ku la faqay. Intaas dabadeed dadkii buu foolkiisa ku jeediyay oo yiri:
—Walaalayaal, anigoo ah masuul dawladeed waxaan ballan qaadayaa in Ayaanle aan wasaaraddayda ka shaqo gelin doono—shaqo u qalanta. Run ahaantii Ayaanle waa nin karti iyo kalya'adayg badan.
Dadkii way wada sacbiyeen. Farxad bay la ilmayn gaareen. Waxay si dhab ah u bogaadiyeen agaasimihii. Ilaahay bay denbi dhaaf u weydiiyeen. Hase ahaatee Ayaanle ma farxin oo ma bogaadin! Wuxuu garwaaqsan yahay, in ballanqaadkani uu afka baarkiisa yahay oo agaasimuhu ku beerlaxawasanayo dadka. Wuxuu og yahay in ballantani ay noqon doonto hal bacaad la gu lisay, markuu agaasimuhu kabihii ka illawado masjidka.
Waa gartiis! Run ahaantii in siyaasi Soomaaliyeed la aamino waxaa ka aayitiin wacan in shaydaanka la aamino.
Xasuusihii Dhulka Hooyo.
W/Q Nuur Camuudi.
07.Nov.2024.
Waa asliddii Sliman.
Nasteexooy waxaad tahay naag gob ah. Waxaad tahay abuur wacan iyo kaah widhwidhaya. Bashar xariira baad tahay. Waxaad tahay naag hubqaad iyo haybad leh. Aad iska ahaatid qurbajoog ku dhalatay dhulshisheeye haddana waxaad tahay naag dhulkeedii iyo dhaqankeeda iyo afkeeda iyo sawraceeda iyo sooyaalkeeda si weyn u xiisaysa. Waa wanaagga uu aabbaha Bulhan Warsame kugu barbaariyay. Alla! Maxaad u boholyowday aabbahaa. Maxaad u kalgacayl xooggan ugu qaaday habdhaqannadiisii iyo habtusaalayntiisi. Weli waxaa duunkaaga ka bixi la' habkii uu kugu sheekayn jirey. Waa adigan caawa qolkiisa sanadaha xirnaa furay. Waa adigan sariirtiisii galgalanaya oo caraftiisa iyo camankiisa ka ursanaya. Waa adigan barkintiisii laabta ku camcamiyay. Si xun oo xun oo xun baad ugu masayrsan tahay inuu dhintay adigoo dhoocil yar ah. Waa adigan holladay oo tuwalaydka isdul taagay. Waa adigaa khaanaddiisa sare furey. Waa iyadaa caaro xun isku deday. Waa adigaa gacamahaga ku burburiyay. Waa adigaa buug duugoobay ku arkay bartankeeda. Waa buug buluug ah oo dheer. Waa adigaa soo qabtay oo sariirtiisa dhabbacatay. Waa adigaa kala bixiyay oo boggiisa koowaad ku aragtay cinwaan yaab leh! "Xasuusihii dhulka hooyo" Waa mawduucyada aad xiisaysid. Waxaad is weydiisay "waa maxay xasuustan uu aabbahaa kaydiyay, sow isagii kaga warramay xasuustiisii oo dhan?" Adigoo diilalyoonaya oo jibboonaya baa bogga labaad u gudubtay. Waa adigaa akhrintiisa u tafaxaytay.
Source: idk.
Xasuusihii Dhulka Hooyo.
09.Dec.2005.
Boosaaso ayaan socdaal u ahayn markii aan raadiyowga gaariga ka maqalnay war degdeg ah. Wuxuu ahaa war naxdin leh oo si dhab ah uga wada nixiyay rakaabka dadka ku nool Badhan. Rakaabku waa lix nin oo jaallayaashayda ah iyo laba habrood oo kursiga dareewalka wada fadhiya. Wiil ayaa aabbihii gawracay saqdiidhexe xalay, lacag waalli ahna la baxsaday. Habrihii way wada naxeen. Afkalaqaad bay ku noqotay. Gacmaha ayay madaxa saareen oo ay hadallo teelteel ah iyo weydiimo yar yar isu dardaarweriyeen. Waxay wada qireen in dhacdadani ugub tahay. Islaan dhafoor xun oo shirka hore fadhida ayaa tiri "xiniinyaha lagu goy kaasoow! Musiibo kula tagtay oo meel xil leh naftu kaga baxday." Aniga iyo lixda nin warka si dhab ah ayaan ugu farxay balse habaarka habarta ayaan ka cadhooday. Maxaa yeelay? Waa aniga dilaagu! Waa aniga qofka aabbihii gawracay. Aabbahay geerida ayaa u dhaantay nolosha. Waxba lama uu noolayn aan ka ahayn dhabcaalnimo xun iyo dhareerk oo aan ka tiro. in kastoo uu ahaa qofkii koowaad ee aan unuunka ka jaro, haddana, waan ku raaxaystay dilkiisa. anigu ma xanuunsani oo maan ahaan iyo jir ahaan waan u badqabaa. Muddo laba casho ah ayaan qorshaha dilkiisa ka fekerayay. Iskama aan diline, sabab weyn ayaan u dilay.
Si kedis ah ayay rakaabkii u juuq gabeen. Qof walba wuxuu la shawray naftiisa. Laydha qabow ee daaqada ka soo dhacaysa iyo aamuusnaanta baan si dhab ah laabta uga dareemay. Inaan maanta diyaarad ku qoranahay oo aan Nayroobi safar u ahay baan xasuustay. Waxaan mooyaqooqaartay anigoo ku lugaynaya dhul xornimo iyo xayaad leh. Waxaan ka fekeray dilkii iyo degananaashihahaygii Badhan. Noloshaydu inay waxba ahayd ayaan xasuustay. Xornimo ma haysan. Hanti ha sheegin. Han ha xasuusan. Sharaf warkeeda dhaaf. Waxaan ahaaa qof arradan. Arradku ma aha in uu qofku dhar haysan balse arradka dhabta ahi waa markuu qofku nafsaddiisu bugto oo aannu talo iyo taag u ahayn waayaha nololeed, markuu dugaagooba. Run ahaantii qofku wuxuu dugaag noqdaa markuu calooshiisa ciyaar noqda, markuu dabagurateeyo kharashka dhuunigiisa iyo hoygiisa. Soomaalida ayaa taas si wacan ugu sharraxday maahmaahdii "ninay soori kaa qaaday waa ninay seefi kaa qaaday." Anigu, tabtaas ayaan ahaa markii aan Badhan ku noola laakiin waayaha ayaa igayaysiiyey. Waayaha iyo waxyeelladu waa safmareen caalami ah, duruus badan ayay u dhigaan insaanka—iyagoo aan kala soocayn dadka. Ma ogi inay aniga si xun ii taabsiiyeen waabeydooda weli hase ahaate weli waxaan ka soo kaban la'ahay casharradii xanuunka badnaa ee ay igu bareen waagii aan Xamar iyo Hargaysa ku noolaa. Si xun ayay ii dileen waagaas oo ay sharaftaydii ugu tuureen badda gunteeda!
Dadku waxay "sharaf" ku magacaabeen baan maqli jirey tan iyo dhallaanimadaydii balse si dhab ah uma aan ogaan ilaa aan ka soo qaangaaray. Wax fudud ayay ila ahayd laakiin way qaraweyn tahay marka Soomaaliya la joogo. Sharafta waxaa raad muuqda ku leh "waqtiga iyo xadaarradda" oo hadba casriga iyo qarniga la nool yahay ayaa milgaheeda beddala. Maanta dunida saancaddaalaha, sharaftu waa inuu qofku uu si dhab ah u difaacdo xornimadiisa oo aan hal ilbiriqsi aannu gelin ama laga gelin gorgortan. In kastoo uu dhulka iyo dhaqanka hooyo alkumo bahashan baas ee uu insaanku wuxuu taag iyo tabar hayo ku bixiyo siduu u ilaashan lahaa haddana marka Soomaaliya lagu dhaqan yahay, sharaftu: waa inuu ninku muruqiisa maasho iyo inay gabadhu lugaheeda kala furin. Abidkeedba intaas uun bay ahayd! Wixii kale oo dhani waa faracyo ka hoos baxay labadaas uun. Sharafta Soomaalidu waxay isu beddali weyday xadaarad la'aanta iyo dawlad la'aanta baahsan ee ku faafsan geyiga.
Waa la dhimanayaa! Taasi waa hubanti la wada garwaaqsan yahay, haddaba muxuu baas oo aadanahu isla dhibayaa? Muxuu waqtigiisa iyo karaankiisa ugu bixinayaa "sharaf ilaalintiisa" haddiiba uu dhimanayo? Lixdan sano buu "bahashan" kaalkoolinayaa markuu dhintana bulshada adduunweynuhu uma oga "inuu ahaa insaan sharfan." Degdeg ayaa lagu illaawayaa. Sharaftu waa macna la'aan, iyada quriya ma aha noloshu iyo jiraalku xitaa waa macna la'aan. Run ahaantii waxaa liibanay ruuxa aan dan iyo heello toonna ka gelin ee noolaada uun.
Aniga miyaa? Laga yaabe in aan sharaftaydii ku lumiyay naflacaarinnimadaydii balse waa waayo'aragnimo. Tuhun ayaa igaga jira inaan lumiyay waagii aan caasimadaha dalka ku noolaa ee aan qablmayay. Waayahaas waxba ma xeerin jirin. Ma shaqayn jirin. Foolkaygu wuxuu ahaa dhagax maadaama ay daruufo iyo darxumo baasi ay jaan iyo cidhib iga fuuleen. Maxayse kugu taalla? Waxaan ahaa wiil rejo leh. In kastoo aan qoys hanti leh ka dhashay haddana rejadaydu waxay ahayd "inaan dhoofo." Hantida aabbahay iska ilow in aan waxtar ku helee waxay ahayd hub uu noloshayda ku burburin jirey. Sababtaas ayaan u qablamayay oo jeebka saaxibbaday ugu noola. Ugu danbayn waan xammili waayay nolosha naflacaarinnamada, waxaana dib ugu noqday Badhan.
Sharaftii aan tagtadii ku lumiyay waxaa kaarka iyo kurbadeeda iga jabinaysa Waaya'aragnimada. Waa runoo "wax tegay tiigsimaad ma leh." Ma jiraan wax ka qara weyn waaya'aragnimada xitaa aqoonta! Aqoontu waa xog ku hagaysa si ay kugu fududayso nolosha—dhan walba ha ahaate— laakiin waaya'aragnimo waa lidkeeda; waa la falgalka dhacdooyinka, waayaha iyo nolosha. Qofku isagoo aqoon bartay ayuu laxdhukan noqon karaa balse lama soo helayo ruux waaya'arag ah oo aan war iyo wacaal u hayn waxa hareerihiisa ka dhacaya ama jiraalkaba.
Aniga waaya'aragnimadu waxay ii tahay jaranjaro aan ku fuulo nolosha si aan u soo halacsado dhacdooyinka aan ka indha la'ahay. Ma ogi in dhalinyarannimo ila saqaafaysay iyo inay faduul iga ahayd, waxayse u badan tahay inay faduul ahayd. Faduushu waa dhalan uu aadanahu kala soo irdhado uurka hooyadii ilaa intuu godgalayana sida dunta ayay ugu talan tahay balse korarka iyo hoos-udhaca faduushu waxay ku xiran tahay da'da qofka. Qofku, marwalboo uu sii weynaado waxaa yaraata faduushiisa! Sababtaas ayaan u saldhigtay Badhan. Da'da soddonka ayaa isoo ridatay. Waan xiisadhacay, waxaana si dhab ah u bartay oo u kala saafay dabeecadda igu xeeran.
Badhan waxay noqotay caasimad. Dhisme ahaan way kobacday. Dad ahaan way badatay. Jawi ahaan way kululaatay. Magaalowga ayaa si tartiib tartiib u soo gaaray anigoo shaahid ah. Hal sifo uun ayaysan iska beddelin: waa inay dadkeedii sidii u dhaqmayaan. Jiilba jiil ayuu ka dhaxlay feker la'aanta, fadhi-ku-dirirrada, camal la'aanta iyo dawlad la'aanta. Waa dad ogaal iyo ayaan xun. Way dhaadan yihiin arrintan waxayse isku maaweeliyaan inay Soomaalida kale kala mid yihiin tabtan. Waa biyo-kamadhibcaan inay Soomaalida tahay dad garasho liita oo aan dantooda aqoon.
Run ahaantii jiilashii sagaashamaadkii isla barbaarnay way i ixtiraami jireen balse jiilashii ka danbeeyay aad ayay ii colaadin jireen oo ii caayi jireen. Shaqadayda igu caayaan. Muuqaalkayga ayay igu boogeeyaan. Surinnada iyo jidadka markaan ku lugaynayo ayay i yiraahdaan "waa aqoonyahankii kabalyeeriga ahaa iyo waa aqoontii qallaafaha lahayd" Miyaad ogayd waagii aan qallaafahan baas aan yeeshay? Waxay ahayd shan sano ka hor markuu aabbahay rasaas iga la dhacay lugta midig. In aan balwadda bartay ayuu u sababeeyay rasaastaas inaafaysay.
Aabbahay, walow uu ahaa madi qoyseed haddana hanti kuma yareyn. Wuxuu ahaa ganacsade maalqabeen ah oo magaaladu u siraadan tahay. Guryo badan iyo bakhaaro badan buu lahaa. Isagu masuul kama ahayn ee ninay ilmadeer yihiin baa ka ahaa, waayo, da'da sidgaashanka ayuu sii cagacagaynayay. Guri dhexdhis ah oo bartanka magaalada ku yaalla baan degganayn oo aan ugu wehel iyo waxtari jirey. Shaqada markaan ka soo baxo ayaan u iman jirey qolkiisa oo ur xun leh. Waa saxaradii iyo kaadidii, markaas ayaan mayritaan uga dhaqaaqi jirey. Sidaasoy tahay, wuxuu ahaa dhabcaal gacan-adag oo aniga iyo naftiisaba wuu u darnaa. Khasnadda lacagi dhooban tahay baa qolkiisa yaallay, furuheedanu waxay igu jireen sariirta.
Habeen sabti ah baan shaqada goor hore ka soo baxay ayaan qol yar u soo qayilaad doontay. Wuxuu ahaa qol ay iskugu yimaadaan dad leellay oo midba mid ka sii darxumo badan yahay. Taas waxaa ku caddaynaya magaciisii ahaa "qolka qiirada." Dadka magaalada ayaa ugu magacdaray. Caqabado qoyseed iyo kuwa wujuudi ahba way la daaladhacayeen. Xertii ayaan wada salaamay oo aan meel gees ah ka fariistay. Waa xer lix nin ka kooban. Da'da soddomaadka ayaa u weyn waxaan u yar Baashe Bashiir oo labaatan iyo afar jir ah. Baashe waa insaan gob ah oo aad u fuduul badan. Waa nin si aan la filan karin wax isku weydiiyaa, waa loo aanayn karaa inuu "akhriska" ku furay mawjaddan isweydiinta iyo fuduusha.
Lixda iyo aniguba waagii dugsiga ayaan fasalwadaag ahayn. Mid walba jaamacad ayuu soo dhammeeyay, markay soo laabteenna shaqo ay ku dabbaraan noloshooda bay raacdeeyaan. Laba waa kuulli, saddex waa layrlayaal, Bashiir waa geerashle iyo anigoo kabalyeeri ah. Caawa, si wacan ayay sheekadu ugu socotaa xerta. Waxaa layska waraysanayaa dhulka reergalbeedka iyo nolosha taalla. Mid mid ayay uga warramayaan dalkay jecel yihiin iyo magaaladooda riyada. Anigu, waxaan si jibbo ku dheehan tahay uga warramay Amistardaam iyo Roma, waxaana u raaciyay inaan ku jeclaaday fanka iyo farshaxanka ay ku shaacbaxeen. Marba oday farshaxamiste ah ayaan taariikh nololeedkiisa uga warramaa. Iyagoo khusaacsan oo goradda laalidanaya ayay dhulka hooyo iyo jiraalka hiifaan iyagoo gunuunucaya. Waa gartood! Dhulka hooyo wuu bahdilay. Nafsaddooda iyo hilbahooda ayuu si arxandaran u canay. Dhulka hooyo wuxuu noqday bahallagaleen, carruurtiisii ayuu caddibay oo uu mustaqbalkooda mugdi weyn ku anbiyay. Geddigiyo waan jecel nahay arladeenna balse dhulkayagu wuxuu jaceylkii noogu beddalay qaasawasalan.
Hal mar ayaa golihii aamusay. Sigaar baa la wada qiijiyay sidii xaabadii. Baashe Bashiir baa si aan la malayn karin u qoslay. Waa la wada yaabay! Isaga ayaa lagu soo wada dhaygayay oo hadal laga sugay. Ilbiriqsiyo uu aamusnaa buu yiri.
—jaallayaal waxaan idiin ogahay qorshe aan si fudud ugu dhoofi karno iyadoo aan tahriib iyo tahlako la gelin.
Aniga oo khalkhalay baa hal weydiyaay
—Yaa! Waa maxay qorshahaasi Baashow? Ma dhabbaa?
— Saaxiib Bulhan Warsamow, qorshuha waa in ugu horreyn la tagayo Nayroobi. Safaaradda Jarmalka ayaa laga codsanayaa waxbarasho caalami ah. Codsigaas waxaa lagugu soo warcelin laba cisho quriya oo fiisaha lagugu soo saarin. Maxayse kugu taalla? Waxaa loo baahan yahay lacag shan kun ah oo la siiyo safaaradda iyo shahaadooyinkeennii jaamacaddaada.
Xertii waa wada dhoollacaddayeen. Sacab iyo suuldhubaallayn bay isku lareen. Qof walba wuu ballanqaaday inuu lacagtaas cir iyo dhul ka keenayo. Waxaa la ballamay hiraabta isniinta. Anigu, ballanqaadka waan sameeyay balse ma ogayn halka iyo sida aan lacag ku heli karo. Waan iska qayilay anigoo si dhab u tuujinaya maankayga oo maare raadinaya. Waqti danbe ayaan go'aygii ka soo hillaabtay qolkii, anigoo maare helay. Xalku waxaan ku soo gababeeyay in aan aabbahay ka taqalluso oo aan si fudud gacanta ugu dhigo lacagta khasnadda ugu jirta.
Qof walba si fudud ayay hawshii hantidu ugu dhammaatay. Mid walba wuu soo xirxirtay shandadihiisii. Ruux walba wuxuu si kal iyo laab ah u sagootiyay dhulkii hooyo. Annagoo dhan waxaannu nimid astaanka baabuurta Boosaaso. Annagoo dhan waxaannu raacnay gaari laanguruusar ah. Waa isagaa uu gaarigii u xanfirayay jihada bari iyo gobolka Bari.
Guurkii Samiiro.
W/Q: Nuur Camuudi.
03.Sept.2024.
SR: Idk.
Qoyaan baad dareentay. Waad qarqaryootay. Qaylo iyo taah wada socda baad maqashay. Hurdadii baad ka salashay. Waad dhabbacatay. Adigoo indhahaha gacanta marmarinaya ayaa cirka daymootay. Roob mahiigaan ah inuu da'ayo baa aragtay. Hortaada baa ka indha buuxsatay. Waa daw bannaan oo waaqla ah. Dad iyo dugaag, sanku-neefle marayaa ma jiro. Inuu Isgoyskii Dabka yahay baad yaqiinsatay. Hareerahaaga baad jalleecday. Waxaad aragtay saddex carruur ah oo maryo calfo xiran oo af labadii yeeraya. Waxaad garwaaqsatay inay dhashaadii yihiin. Waa jeexaagi iyo jiidhkaagii oo ilmaynaya. Inaad derbi'jiif iyo dibadwareeg tahay baa tuhun kaa galay. Dhulka ayaad indhaha ku xaday. Waxaa rumaysatay inaad derbi'jiif tahay. Waad asaddahday. Waa uqaadan weyday inaad noloshan ku jirto. Illin asaddaheed baa kasoo qulqushay. Waa dhibco kulul oo matalaya holaca gudahaaga ka baxaya. Hiif iyo habaar baad u tafaxaydatay oo mar naftaada ayaad hiiftaa, mar ninkaagii, mar Soomaalida baa hiiftaa, mar jiraalka ayaad hiiftaa.
Inaad ayaanxun tahay, inaad garasho xun tahay iyo inaad dulmane tahay baa kala saafi weyday. Jin iyo jaan waxaad tahay baa aqoonsan weyday. Dabcan, jaahwareerka jiraaleed iyo khalkhalka nafsadeed waxaad kala mid tahay aadanaha taagta daran. Aadanahu, wuxuu asaddahaa markay dabceeddu tusiso wax aannu filaynin iyo dhibaato ugub ku ah noloshiisa, markaasu qayladhaamiyaa oo qaylidhaamiya oo qaylidhaamiyaa bal si uu gurmad u helo balse markuu dhaado in dabeecadda iyo dadkuba u juuqayn ayay badidood ku sandullanaadaan inay iskooda u ga dabbaashaan hirarka mashaqada ee ay dhexdabaalanayaan, halka tirada yar ay unuunka isweydaariyaan.
Labagoorallaba adigu, dhanna taag uma haysid. Haddii aad dhanka dabbaasha u hollatid waxaa kasoo horreeya xiisas badan oo gondahaaga isku duubaya si ay salka badda kula tagaan. Xiisaska raba inay salka nolosha ku gaarsiyaan waxaa ka mida: gabarnimadaada iyo garoobnimadaada. Dabcan salka baddu waa salka nolosha, xiisaskuna waa Soomaalida dhulkeeda iyo dhaqankeeda. Dhulka iyo dhaqanka Soomaaliyeedi waa qabriga gabdhaha Soomaaliyeed. Waa aboorkii si diini ah u raamsanayay hilbaha haweenka Soomaalida. Waa mudanayaal edbinaya biddayaashooda. Dhab ahaantii, markii dhulka iyo dhaqankq Soomaaliyeedi ay nafsad ahaan u dileen hablihoodii ayay qaarkood tacabbbireen oo xeebaha iyo Yurub ku madheen, halka qaarkood ay dalkoodii ku darxumanooyaan: sida adigoo kale. Haddii aad damcdid inaad isqudhgoyso, waxaa cagaha kugu dhagan dhashaada aan aabi iyo adyad toonna lahayn. Tala ayaa kugu cad caawa. Dan iyo heello kama lihid hanqarka, sidoo kale, dhibcaha roobka ee idinku ku hoobanaya. Adigoo sidaadii u dhabbacan ayaa xasuusahaaga dib boorka uga jaftay.
Markii kuugu horreysay ee aad ku fekerto "guur" si waafi ah ayaad u xasuustaa Samiiraay. Waqtigaasi waxay ahayd, maalintii xornimada gumeysiga ee sanadkii karoonaha laga soo doogayay. Isma aad lahayn, guur ayaad ku fekeri doontaa balse way dhacday. Inay dhacdo waxaa u sabab ahaa: hooyadaa iyo aabahaa oo safmareenkii dilay iyo adigoo madi ahaa. Soo barbaartayoo, waxay bulshada Xamar kuugu wici jireen "madiyaddii." Marwalba oo aad arrin u baahato ama aad ciyaalka xaafadda dirirtaan waxay islaamaha derisku ku dhihi jireen "waa miskiin madi ah ee nabadgeliya" laakiin adigu marnaba si dhab ah uma dareemin inaad madi tahay, sababtoo ah aabbahaa Siciid Ceeriin iyo hooyadaa Sacdiyo Gahayr way kugu indha-kuushan jireen.
Aabbahaa wuxuu ahaa wasiir iyo siyaasi rugcaddaagi ah oo jaamacadda Kalafoorniya ka soo diyaariyay sharciga. Intaas waxaa u dheeraa inuu maalqabeen ahaa oo kaydkiisa iyo khasnadihiisu buuxeen. Adigu, ma oranaysid "aabbahay wuxuu ahaa tuug walhaan ah oo hantida danyarta iyo cashuurta dadka calooshiisa ka buuxsada" Laakiin, waxaad oranaysaa "aabbe wuxuu ahaa nin wanaagsan oo gob ah." Waa runtaa, si nafhurnimo iyo laabxaarnimo ku jirto ayuu kuu soo barbaariyay, tiiyo waqtiga uu gurigu joogo adiga kugu la madadaalan jirey oo shaah iyo sheeko u kaballaaxsan jirteen. Allaa! Muxuu ahaa nin gobannimo iyo garasho badan, laakiin waxwalba waxaa ciidda afka u daray safmareenkii musiibada ahaa.
Samiirooy, tan iyo maalintii uu dhintay si dhab ah uma aadan aqbalin in iil xun lagu dhadhabay oo hilbihiisa xoogganaa uu aboor baasi uu cunay. Eedda iyo eelka oo dhan waxaa huwisaa hawlwadeennadii cisbitaalka Digfeer, maadaama aad tuhun ka qabto inay hagradeen balse runtu sidaas ma aha. Way u hagarbaxeen. Way u hurdo waayeen. Way u noogeen. Iyagoo la tacaalayaa aabbahaa, baa hooyadaana uu soo ritay cudurkii. Hooyadaa Sucdi, iyadaa si kam ah isu qaadsiisay safmareenka waayo waxay habeen iyo maalin ku jiiftay laabta aabbahaa. Laga yaabee, inay doonaysay la midowga aabbaha goob walba iyo goor walba. Adigu waad is ilaalin jirtey! Inaad is ilaalisay waad ka qoomamanaysaa oo ka qoomanaysaa oo ka qoomamoonaysaa, waayo dheh? Waa adigaa cawaa asaddahsan. Waa adigaa salbabakhsan. Waa adigaa dingaraarsan oo tala kugu caddahay
Xasuusahaaga ayaa dib u goconaysaa. Saddex gu' ka hor iyo caweyskii kowdii Luuliyo ayaad dib u jalleecaysaa. Wuxuu ahaa habeen farxadeed. Soomaalida, dal iyo dibad way dabbaaldagayeen oo mushxaradaynayeen. Saancaddaalihii tegistiistiisa ayaa la la faraxsanaa. Ha ahaatee adigu arrintaas waad ka yaqyaqsoonaysay sababtoo ah waxaad is weydiinaysay "lixdan sano oo uu saancaddaale maqan yahay, waxa Soomaali u kordhay" laakiin waxaad ogaatay in aanu wax u kordhay jirin marka laga reebo dhiigga iyo dhaca iyo musuqa iyo kufsiga iyo gaajada. Sidaas awgeed, ayaa gurigiinnii u joogtay. Waxaa kula joogay Samatar Ceeriin iyo Shukri Ceeriin.
Waa da'dii aabbahaa ka yarayd labaduba. Dhammidood, uur hooyo ayay wada ahaayeen. Samatar, waa nin dheer oo hilbo xooggan leh. Waxaa intaas u raaca, in timuhu ka hoobteen oo bidaar nacas ah ay askaxihiisa qaaday. Waa jaahil. Weligiis buug iyo qalin iyo balcad ma qaadan. Sidaas oo ay tahay, waa odayaasha ugu cadcad beeshiina. Waa sabool. Reer tolkii waa sabool. Reer abtigii waa sabool. Sawraciisu waa sabool, marka laga reebo aabbahaa. Isaga ayaa Hantidii aabbaha gacanta ku dhigay, maadaama uu tolka iyo adigaba ku dhagabarjaystay
—Samiira, waa gabar yar oo inta ay korayso aniga ayaa haynaya hantida.
Habeenkaas wuxuu aqalka kugu yimi, si uu guriga dibadda kaga dhigo oo u soo dejiyo walaashii iyo carruurteeda. Run ahaantii, adigu waad maqli jirtey inay jiraan laba qof oo aabbahaa la dhashay, weligaase lama aad dhaqmin. Oo sidee u la dhaqmi kartaa? Ma adiga ayaa il iyo baarkeed ka rogi jirey, haddaad rogtidna waxay ahayd mar ay aabbahaa u soo shaxaad doonan jireen. Hadal baa kugu tuuray. Waa hadal aad la yaabtay oo dhinbiil dab ah oo wadnaha lagaga riday ka xun. Wuxuu ku yiri:
—Maandhe Samiiraay, geerida aabbahaa waxay ahayd musiibo innagu habsatay. Waan ka xumahay in aan aaskiisa kasoo qaybgeli waayay, maxaa yeelay, arrimo tolka ku cakirnaa ayaan kala furdaaminiyay. Hadda iyo dan, waxaan kugu nimid in aad bangaladan dhexdhiska ah aad u bannayso eedadaa Shukri oo la darxumoonaysa toban carruur ah oo walaalahaa ah. Markaa shan iyo labataan gaartidna waxaa si toos ah loo dhaxlayaa hantida aabbahaa.
Bashqad cad oo lacag yari ku jirto ayuu kusoo taagay oo sii raaciyay "caawa hudheel seexo oo berri qol kirayso." Waad la anfariirtay towtowlayntiisa. Uqaadanwaa iyo filanwaa bay kugu noqotay. Afkii baa juuqda daayay. Indhihii baa ilmeeyay oo foolkaagi baa khunti dhiig ah u muuqshabbahmay. Weydiimo dirqi kaga soo baxay baa tiri
—Oo adeer, sidee gabar ugu fasaxdaan magaalada? Sidee gabadhiina u gu sii daysaan dunida fooshaxun? Ugu yaraan, miyaa itiraahdaan guriga qol ka deg?
Markaad dhammeysay ayaa eedada oo xabeebta iska tiraysa ku tiri
—eeddo, carruurtaydu kuma jecla oo dhowr maalmood oo aan kaaga warramay bay ku jirdiideen ee adiga ayaa qof weyn ah oo fudud.
Ciil iyo cadho iyo isciilkaambi baa qanjahu kula buurteen oo in cabaar ah aamusnaatay. Waad fekertay. Waxaad ka fekertay gunnimadooda iyo garasho la'aantooda iyo tubtii uyo taladii aad qaadi lahayd. Waxaad go'aan ku gaartay inaad shandadaada xirxirato oo aad dunida isku dhiibto. Fadhigaa ka hollatay oo alaabtaadii iyo wixii ku anfacayay ka soo laalaabatay aqalkii. Intaad furaha ku wareejisay ayaad sii macasalaamaysay. Dhaweeye ayaad dalbatay. Hudheel xeebta kulaalayaa buu ku dhigay. Qol labo sariir leh oo fooqa shanaad ku yaalla baa lagu dajiyay. Waa qol leh baalakoon si fan leh loo aslay sababtoo ah waxaa loo alkumay kursi dhagax qorqoran ah si loo daawado xeebta.
Waad soo qobaysatay. Dirac cagaar ah iyo sheelad yar baa xiratay. Waxaad baatiga usoo xiratay si aad naasahaga ingagan u layrsadaan, bawdyahaaga buurbuuran u damaashaadaan oo siilkaaga sunniga ah ee buurani ugu daandaanshoodo neecawda qabow. Waxaad tahay naag dhammeys ah. Midabkii dhaladka ahaa ee Soomaalida ayaad leedahay, waad dhexyar tahay oo dhuuban tahay. Qoortaada taagan waa waxaad aynigaaga dheer tahay. Timaha boqonta jooga iyo foolkaaga dhuubani waa quruxdii aad hooyadaa ka dhaxashay. Akhlaaq ahaan waxaad tahay naag qunyar socod ah, goonnimeer ah, aamusnaan badan oo aan waaqeed dhaqankeeda iyo diinteeda dood gelin. In kastoo aad tahay gaashaanti qurxoon, haddana iinta quriya ee aad leedahay waa in aad indhoole ka tahay nolosha. Weligaa kama fekerin weydiimaha qotadheer ee jiraalka la xiriira iyo xagashiisa madow. Waa lagu doodi karaa inaad waagaas ahayd gaashaanti sagaal iyo toban jir ah. Baalakoonka ayaa fadhiisatay oo daawatay dayaxa iyo badda oo is weheshanaya. Quruxda dabeecadda iyo deganaanteeda baad in cabaar ah ku milantay.
Muddo keddib baa fekertay. Mustaqbalkaaga inuu hog iyo haadaan weyn kasii shalwanayo ayaad is tusisay. Weligaa isma aadan lahayn noloshan waad usoo joogaysaa. Waxaad xasuusatay oday kabatalo ah oo jaarkiina ahaa maalin uu ku yiri "dunidu aad bay u kadeed badan tahay" balse hadalkiisaasi kuguma duxin. Oo muxuu kugu duxuyaa? Waxaad ahayd gaashaanti yaroo dheregta iyo dheefta taqaana oo qoyskeeda la nool. Fekerkaagi baa ka jeedisay oo soo xasuustay maahmaah uu aabbaha ku baray "biya intaanay ku soo gaarin baa layska moosaa." Maahmaahdaas baa ku dheririsay noloshaada. Waxaa ku soo baxday, in mustaqbalkaaga uu hog iyo haadaan weyn kasii shalwanayo oo ay tahay inaad maare u hesho oo aad iska moosto dhibaatada. Runtii, xalkii aad fiidkaas gaartaay waa kii qaasawasalay oo qalaabaa geddiyay noloshaada. "Waa inaan guursado" baa ku gunuunucday. Waxaad is weydiisay qofka aad guursan lahayd? Waxaa hortaada yimi Ayuub Kaliil.
Ayuub, wuxuu ahaa wiil yaroo aad dugsiga Xamarweyne wada dhammeyseen. Muuq ahaan waa nin cas oo buuran. Joog ahaan waa dhexdhexaad. Dhaqan ahaan waa nin afgaaban, xishood badan, xirxiran oo aan toban neef oo ari ah lagu aamini karin. Xiriir jaceyl ayaa idinka dhaxayn jirey balse waalidkaaga baa kuu diiday, maadaama uu qoys sabool ah oo aan waxba faraha ku hayn uu ka dhashay. Isla markiiba waad wacday. Waxaad u sheegtay inuu ciyow kugu yimaado hudheelka Elite. Wuu ku yimi. Wixii ku helay baa u dardaarwerisay. Tala ayaad rogrogteen, wuxuuna kugu waafaqay inaad is guursataan. Waaberiga ayaa kula ballamay oo isagoo sii baxaya ku sii yiri:
—Waalidkayga ayaan arrinteenna a wadaagaya. Qasab way oggalanayaan oo qol aynu degno innaga siinayaan guriga labada qol ah ee aan degannahay.
Madaxa ayaa u ruxday oo sagootisay. Run ahaantii, markii sarriirtaada tagtay waad tahli kari weyday inaad gama'do. Farxad baad jirkaago dhan saaqdan. Waad jibbaysnayn. Waxaad mala'awaalanaysay, berri waxa dhici doona iyo nolosha guurka. Taasi aabigaaga ma aha oo insaanka ayaa kala siman tahay mooyaqooqarashada falal aan dhicin iyo fudeyd aan waaqica ka jirin. Aadanaha nafsaddiisu way cagagubyootaa. Waxaa cagagubusa Jamashadiisa oo timaadada u naashnaashisa, balse marka timaadada la gaaro wuu ku hungoobaa jamashadiisa sababtoo ah waaqica iyo waayahu waa u cadow doonista dadka. Adiga taasi way ka maqan tahay. Caloosha ayaad salaaxday oo si kal iyo laab ah baa u fiirisay oo ugu tiri "is diyaari coloolyahay! mar dhow waxaan kugu qaadi doonaa carruurtayda." Waxaad suuraysatay iyadoo ku leh "haye." Indhaha ayaad isku qabsatay oo aad sii fekertay. Adigoo isla maqan bay hurdo macaani kugu soo degtay.
Waa aroor axad ah. Neecaw qabow ayaa badda soo caarinaysaa, cadceeddii oomaarta ahaydna daruuro teelteel ah ayaa qariyay. Xamar oo dhan saxmad iyo sooyaan baa ka jira. Dadkoo dhan way ordayaan. Qaarkooda waxay la ordayaan inay risiqooda soo dhacsadaan, qaarkood waxay la ordayaan waxbarasho, qaarkood waxay la ordayaan dhereg, qaarkood waxay la ordayaan inay badda ku soo layrsadaan. Adiga, waxaasi kuma muuqdaan. Joogaha maqan baad tahay. Maqanaha jooga baa tahay. Adiga iyo Ayuub ayaa bajaaj wada saaran. Waxaad u socotaan gurigii iyo guurkii. Dhakhso ayaad kusoo gaarteen.
Qol baa laydiin goglay. Sarriir Alfadli ah iyo armaajadeeda baa dhexyaalla. Waxaa labeeya tuwalayd yar oo cadarro iyo foox ka buuxaan. Ruumi yar baa laydiin dhigay. Wadaad baa ku fadhiya. Waxaa la fadhiya Wiyeer Wayrax. Waa aabbaha dhalay Ayuub. Waa oday lixdan jir, caato ah, timihu caddaadeen, tusbax madow rogrogaya oo dibnihiisu hunnuu hunnuusayaan. Waa laydin fadhiisiyay. Si degdeg ah ayaa hawshii meherka loo dhammeeyay. Soo dhoweyn iyo marxabbayn baa qaraabada Ayuub iyo qoyskooda ka hesheen. Waad u qaadan weyday inuu guurku sidaas oo dhan u fudud yahay oo khayaalkii aad ka haysatay hal bacaad lagu lisay buu noqday. Sidaas uu u fududaa ayaa waxwalboo noloshaada ah u fududayaan: geeridaa waalidkaa, saddexda carruur ah ee aad dhashay, kalataggiina adiga iyo Ayuub, dhaxalkaagi oo lagaa dafiray oo awood loo sheegtay iyo darbijiifnimadaada caawa.
Dhabtii, dulmi ayaa lagugu soo furey. Ayuub kuma soo furin ee waxaa dalqadahaaga bixiyay soddahdaa, waxayna u aanaysay in adiga iyo carruurtaada ay ka xadeen labadeedii dhagood ee dahabka ahaa. Xaqiiqatan, Labagooraallaba inaad adigu qaldanayd waad qoomamoonaysaa: in aad guursato iyo in aad lammaane ka dhigitid nin aan talo iyo tusaale midna lahayn oo si xun u xishood badan. Waxaad garwaaqsatay in guurku aannu maare u helin dhibaabaha aadanaha, ee isagu laftigiisu uu yahay dhibaato aan dhammaad lahayn.
Arrintan quriya kama qoomamoonayside, sidoo kale waxaad la dibna ruugaysaa arrin aad gar lahayd. Waa in dhaxalkii aabbahaa laga faramaroojiyay oo callaal yar aad ku beddalatay. Maalintii ay soddahdaa dibadda u soo tuurtay shandadaadi iyo dhashaadi baa adigoo taabacaya oo qamaamsan aad istuubtay gurigiinnii. Eedada iyo adeerkaa oo joogaa baa la kulantay. Waxaad weydiisatay dhaxalkio, hase ahaate waxay ku tusiyeen waraaqo caddayn ah. Waxay ahaayeen waraaqo ay maxakamadda darajada koowaadi ugu saxiixday hantidii aabbahaa oo dhan. Waad jaahwareertay. Dhulkaa kula wareegay. Cirkaa kuu sanqaray. Matag baa ku qabtay. Adigoo quustay bay waraaqdii ku soo taageen. Waxay ku sheegeen, in haddii aad salka hoose saxiixdo ay ku siinayaan laba kun oo doollar. Illayn baahi dhaqaale ayaa ku haysataye, isla ilbiriqsiyadiiba waad ku haaday oo saxiixday, iyana lacagtaydii bay ku soo taageen.
Goobtaadii adigoo dhabbacan ayaa roobkii qunyar qunyar u kacay. Adiga iyo ciyaalkuba waad diilalyoonaysaa. Waad darxumoonaysaa. Run ahaantii, waxaa u nooshahahay oo jiraalka kugu sii haya waa rejo. Hal wax baad rejaynaysaa timaadada dhow. Waa hal wax oo adiga kaga dhigan buur dahab ah, waana sababta aad u suuqyada uga tuugsanaysid oo aad derbiyada u jiifsanayso. Rejadaasi, waa inay carruurtaadu dib usoo dhiciyaan hantidaadi iyo inay kaga aargudaan tolkooda.
Wayrax iyo Warsame.
W/Q: Nuur Camuudi.
10.Sep.2024.
SR: Facebook.
“Waari mayside carruur hakaa haro" waa shaacsane hiddeed ee ay Soomaalidu ku dhaqanto. Carruurta iyo guurku waxay uga dhigan tahay falsafad ay ku waariyaan jiritaankooda, maadaama ay yihiin bulsho aan wax kale awoodin. Sida loo kala dhalmo badan yahay ayaa hillaado badan loo kala waaraa, taasi waxay gogosha u xaartay in ragga iyo gaashaantiyuhu ay dhallaanimo ku guursadaan. Anigu, habeen xun iyo dhul xun iyo sanad xun baan ku dhashay miyi baas iyo aqal baas iyo soohdin baas. Waan dhashay! Waxaan dhashay anigoo Soomaali ah, midab maarinna iyo qoor taagan leh, guluc madow iyo indha cad leh, tima jilicsan haddana adag, san dhuuban oo sur dheer. Waalidkaygu, keligay imay dhaline waxaan walaaal la’ahay toban carruur ah. Dhallaanimo ayay isu guursadeen iyagoo xayn ari ah ku dhaqda miyiga Argeegta, aqoontoodu iyo waaya’aragnimadoodu ku kooban tahay dabeecadda baadiyaha iyo kaltirisyada xiddigeed.
Dayrtii Biyabadan bay ku beegneyd dhalashaydu. Anigu kama xumi inaan dhashay, waxaanse ka xumahay in oday baasi uu isoo wanjalay oo uu igu wanjalay waxbarasho. Abtigay buu ahaa odaygaasi. Si wacan ayaan u xasuustaa maalintii uu hooyaday ugu yimi aqalkeeda oo uu u sheegay in guridanbayskeeda Wayrax uu wax u barayo oo dad ka dhigayo. Maalintaas, waa markii ii gu horreysay ee aan maqlo ereyada "tacliin. Buug. Balcad iyo qalin." Waxaa ii labeeyay meeris uu odaygu ku xodxodanayay hooyaday oo ahaa "qalinkaa wax suureeya."
Waxaan ahaa gibin yaroo maqasha raaca oo aan ogaal u lahayn nolol kale oo dhaafsiisan miyi. Dunidaba waxaan u haystay aqalkayaga iyo xayntaas adhiga ah. Isoo dhalandhooli abtigay oo ikeen gurigiisa Badhan ku yaalla. Run ahaantii, abtigay wanaag ilama doonayne, imaatinkayga waxay ku dhexdaydayay dantiisa sababtoo ah wuxuu ahaa oday lixdan jir ah oo goblan ah. Wuxuu baadigoobayay kuray yaroo waysada iyo dheefta u diyaariya marwalba. In kastuu dhintay oo maytidu xurmo leedahay haddana wuxuu ahaa nin aad u been badan, anaaniyad badan oo runta iyo riyada u kala wandharnayn. Ma kala hubo, in anaaniyaddu dhalanka ah ee aadanaha ay ahayd ama ay ahayd anaaniyad uu deegaanku ku sandulleeyay oo barbaarintiisa iyo bulshada uu ka soo dhaxlay, balse marlayba wuxuu lahaa anaaniyad dhayda-ka-cad. Anigu, gelinna waxbarashada ayaan tegi jirey oo aan buug baas iyo qalin baas walwaalan jirey, gelinka kalena guriga ayaan joogi jirey oo cunnada iyo cabitaanka diyaarin jirey.
Sidaas bay ku socotay noloshaydu, ilaa uu abaartii Simad abtigay uu habeen madow ku nafbaxay guri madow iyo nolol madow. Anigu waan hurday, aroortii ayaan is iri toosi mise waa mayd. Hayaay iyo hoogeeyay baa is xigtay oo aan bulshadii u habarwacday. Abtigay, bas Alle buu u dhintay. Wuu iska dhintay. Sideetan sannadood oo uu jiraalka ku daanshadaanshoonayay, wax alle iyo wax dheef ah uu kaga tagay ma jirto. Noloshiisu waxay ahayd tan jiirka. Ma laha tan jiirka ayaa dhaanta, waayo, doolligu gobonnimo ayuu ku dhintaa oo bisad xun baa ka dheregta hilbihiisa yar yar. Ma rabo in aan nafsaddiisii finjiqiyo sababtoo ah gobonnimadaydu waxay ii taleexinaysaa in maytida laga aamuso. Hal wax quriya ayaan ka dheefay abtigay Siciid: waa in uu gurigiisa aniga ii dardaarmay oo hooyaday iyo labadiisa walaal aysan igu xagxaganayn dhaxalkiisan quriy.
Waa guri dhexdhis ah oo afar qol, barande iyo barkad leh oo ku yaalla dawga Alley Baday ee Badhan. Laga yaabe in faduushaadi isweydiinayso, tacliintii uu ku baray miyaysan dheef ahayn? Anigoo qosol iyo sacab iyo suuldhabaallayn isku daraya baan ku leeyahay "may" sababtoo ah tacliinti way i aafaysay aniga. Hiigsiyo iyo rejooyin aan gaarayn bay ii alkuntay, haddii aan miyigayga joogi lahaa maanta waxaan ahaan lahaa qawsaar geel iyo gaashaantiba leh. Ugxan badan oo carruur ahna way ii joogi lahaayeen. Maxayse kugu taalla? Maanta waan ka soo horjeedaa in wax la dhalo iyo in la guursado toonna. Dunidu, ma aha meel carruur lagu soo baqnogooyo oo sharkeeda iyo sheekadeeda xun la tuso.
Wayraxa maanta nool, waa natiijo ka dhalatay waxyeelladii uu abtigay Siciid igaarsiiyey. Waxaan ahay insaan dayro badan, waxwalba ka dhex dabagurateeya iin iyo eel uu leeyahay xitaa naftayda. Anigu, waxaan ka cabanayaa inaan fekerayo, in aan suugaanta iyo falsafadda dhilay, in aan bulshadayda reer Badhamoodka ah aan ka noqday fallaag. Fallaag dhan walba ah: feker, dhaqan, adduun'arag iyo diinba. Bulshada Badhan waa Soomaali, balse anigu Soomaali ma ihi. Maxaan sidaas u leeyahay? Waayo, anigu sidii Soomaalida uma fekerayo, uma dhaqmayo ama wax uma indha-indhaynayo. Soomaaligu, waa insaan yaroo ku dayacan Geeska Afrika balse isagu sidaas isuma arko. Isagu wuxuu naftiisa ka ayidsanyahay inuu sankunaafle u sarreeyo, inuu libta iyo labeenta adduunyada ay gondihiisa hoos yaallaan, inuu leeyahay sawrac weyn oo aan la saadaali karin oo marba laan haybeed iska lulo sida carabnimo, afrikaannimo ama faraacinnimo. Waxayse sartu ka quruntay, in bulshada adduunweynahu ay u ogsoon yihiin ummad yaroo gaajo la galongalay oo dawladxumo la dingaraarsan oo dugaagga aan wax sidaas ubuurnayn dhaamin. Qarni ka hor Soomaalidii dhaqnayd, runta ayay ku dhiman jireen oo dhiigga iyo dhuuxaba u shubi jireen laakiin waayadii danbe runta ayay si xooggan ula collaabeen taasina waxay dhaxalsiisay inay boogahooda aysan daaweyn ee ay boor iyo cudbi yar iskaga awdaan. Sababtaas, ayaan anigu jaallayaal badan u lahayn marka laga reebo Warsame oo ah nin runta oggal.
Warsame, waa nin dhuubaanoo dheer, bidaar foolxun leh, midab maariinna iyo qoor taagan leh, waa shan iyo labaatan jir kulliyadda dakhtarnimada ka dhammeeyay jaamacadda Hargaysa. In kastuu yahay, nin aamusnaan badan haddana ruuxay is jantaan si dhab ah ayuu ugu warramaa. Feker ahaan, waa nin shuuci xagjir ah oo waayaha maxasta iyo waratada u dhuundaloola. Weeraha ugu badan ee aan ka maqlo waa "kacdoon, horusocad, hantiwadaag, hanbabar, heeryo rogis, muruq, midow dabaqadeed, mintid iqk." Naf kacdoonyahan ah baa ku jirta. Hal wax baa namideeya, waa inuu diiddan yahay taranta badan balse waxaa na kala sooca in anigu aan ahay naf dhillaysiga jecel oo qamriga iyo qaadkuna u weheliyaan, laakiin isagu raaxo uma jeeddo, hankiisa u weyn waa in hilfaha loo laabo dabaqadda gahayrtay iyo biddayaashooda kale sida madaxdhaqameedka iyo siyaasiga oo ay dabaqadda xoogsatada Soomaaliyeedi midoobaan oo jagooyinka dalka u sarreeya qabsadaan. Run ahaantii, Warsame wuu og yahay in Soomaaliya ay tahay bahallagaleen oo jeenigii la qaadaba loogu tegayo malax iyo matag, haddana isagu wuxuu qabaa in jiilasha danbe la badbaadiyo oo dalka lagu fara'adaygo laguna dhinto, intii cidlo iyo isciilkaambi loogu noolaan lahaa dalal shisheeye. Kulan walba aan is aragno, wuxuu hadalkiisa ku furfurtaa "shuf ku dhimo nin raga sharafna waa geeyaa e" malaha aniga ayuu ii sarbeeba oo nafsaddayda quusta uyo qulubka badan buu rabaa inuu ku hiyikiciyo oo han iyo hawo dhaandabagaalle ah geliyo. Mooji! Balse xaqiiqadu waa inuu ila rabo in aan sidiisa noqdo oo fikirkayga iyo ficilkaygaba ku bixiyo shuucinnimo. Xalay, ayuu guriga ii gu yimi oo aan iswaraysannay. Markuu iga sii tegayay ayuu hadal si ii taabtay igu yiri anigoo gogoshayda galgalanaya:
—Wayraxow, sidii abtigaa Siciid bas Alle haw dhimane, gobonnimo ku dhimo.
Run ahaantii, weedhaasi way idamaqday oo bu'da hoose ee ninnimadayda ayaan ka dhanansaday, laakiin waxaan naftayda ku qanciyay in aan dalanbaabiyoobine aan naftayda uun la noolaado. Anigoo u maakhiraynaya ayaan ku iri:
—Warsan iyo weersan baa tiri Wayraxow, aan dib isagu noqdo. Sidoo kale, berri galab bay inoo tahay, haddii qamri iyo qaad rabtidna anigaa ku qaba.
Madaxa intuu ruxay ayuu irridda ka baxay. Bartaydii aan galgalanayay ayaan gorodda ku laalaadiyay oo xabbad sigaar ah shitay. Waan fekeray. Wax aan ka fekero ayaan waayay. Waxaan ka fekerayay, sababta aan waxba uga fekerayn. Qof maran in aan ahay baan ku gunuunacay, haddana, waxaa ifuratay xasuustayda oo dhabankii iyo dhoollacadayntii hooyaday isoo xasuusisay.
Musiibadii iigu weynayd, waxay ahayd markii aan maqlay geerida hooyaday. Inay musiibo ahayd waxaan ogaaday markii ay walaalahay iyo aabbahayba isoo bariidin waayeen geerida hooyaday dabadeed. Waxaan garwaaqsaday in aloolka iyo dhigaha qoyska Soomaaliyeedi ku taagan yahay inay tahay hooyada, mar haddii la waayana waxwalba la waayay. Sidii anigoo u fekeraya ayay hiraabtii noqotay oo aan maqlay codka oday lixdan jir ah oo salaaddii waaberiga naadinaya. Hurda wacan baa igu soo degdegtay. Sariirtaydii baan haahaabtay oo aan jiif macaan u holladay. Waan gam’ay.
SR: Faysbuug
Galabta, waxaan sariirtayda ka baraarugay anigoo wadnuhu si xawli ah ii garaacmayo, feeraha iyo faruhu iqarqarayaan, dhididku uu dhafoorradayda qooyay, dibnuhu ay iraxlaynayaan oo sidii neef birta laga aslay u neeftuuraya, sidiisana u firig firig leh. Anigoo, aniga ahayn baan soo toosay. Runtii waan naxay, cabsi jaan baa igu soo dagtay, walbahaar kedis ah iyo warwar filanwaa ah baa ii weheliyay. Shan iyo labaatan sano baa jiraa weligayna jirradan baas kama soo waaya'arkin, waa cudur ugub igu ah. Anigu cudurro badan igu soo dhace: joonis isoo haleel, gaas la soo daaladhacay, fiix layga soo jar, dhiig-kar soo dhaxlay, qulub iyo quus isoo qoorqabte oo cisbitaallo badan mayd ahaan Warsame ii dhig balse dib nolosha u la midoobay. Laakiin, jirradan aan galabta la kowsaday waa mid i ga naxisay oo nafsaddayda khalkhalisay. Waan asaddahay. Ilbiriqsiyadii aan is ogaadayba, si aan nafsaddaydii u soo ceshto waan boodbooday oo hadba meel iska lulay sidii naag fool ah kumase hakan—dariishaddaan xiray oo furey, daah baan ku dhagay oo iska fujiyay, busti baan isu duuduubay oo iska tuuray. Wallay ka tahay! Dhowr iyo toban daqiiqo aan hadba jiha qolka ah u ordayay waan noogay. Waan ku fashilmay inaan nafsaddaydii dib u la midoobo.
Sariirta ayaan fadhiistay anigoo gacmaha ku haya madaxayga. Muraayaddaan iska dhexdaawaday oo ku dhaygagay. Wax yaab leh baa ii ga soo baxay: muuqaygii ma aha kii aan aqaanay! Waxaad moodaa in muuqaalkaygu yahay qof aan weligay arag. Tuhun baa iga galay muuqayga, waan is taabtaabtay oo aan is weydiiyay "horta adigu adigii ma tahay" isla naftayda ayaa ii gu warcelisay "Ma tihid. Ma adiga ayaa lahaa koodad buurbuuran iyo haaro dhuudhuuban? Ma adiga ayaa lahaa bidaartaas fooshaxun? Ma adiga ayaa lahaa kalxamahaas godan iyo dhegahaas dhaadheer? Ma adiga ayaa dheeraa oo dhuubnaa? Runtii, foolkaagan wuxuu ka marag kacayaa waxyeellada ay noloshu kuu gaysatay." Isla ilbiriqsiyadaas ayaa soodaamay oo tabar wixii aan hayay af labadii yeeray anigoo illintu si tartiib ah uga daadagayso daamankayga oo iliilka naasahayga ku hoobanaysa. Ma ogi sababtaan la cabaadaday, waxaanse hiif iyo habaar u laqimayay muuqaalkayga.
Waan xiiqay oo carrabka u laalaadiyay sidii ey macaluul la indhamadoobaaday, anigoo naftayda dejinaya oo neef weyn qaadanaya ayaan sariirtayda ku galaalati dhacay. Saqafka qolka ayaan ku dhaygagay, waxaan isu dayay in aan naftayda iyo muuqayga la heshiiyo, balse hal bacaad lagu lisay bay noqotay. Dirirta naftayda noo dhaxeysa ma aha wax igu cusub oo tan iyo dhallaanimadii ma heshiin. Oo sidee u la heshiiyaa? Naftaydu way wejiyo badan tahay, waa isdiiddo badan tahay, maanta waxay ka olosho ayay berri oggalataa, berri waxay ka aqbasho ayay saakuun ka goohdaa. Sideedaba insaanku wuu la dagaallami karaa hal cadow oo leh goob, goor iyo astaan gaar ah, laakiin taag uma hayo cadow jirjiroole ah oo marba shaar u xidhanaya.
Aniga, waxaa iskugu kay dambaysay anigoo insaan weydiimeed ah oo naf faduul badan oo maanshuban badan igu jirto, naf hiigsi iyo han leh, naf rejo iyo raynrayn kasha ugu haysta nolosha. Hase ahaatee waayadii ugu danbeeyay way iga dhimatay filashadii samayd ee aan nolosha u hayay, way iga dhimatay rejadu iyo waxwalboo nafta lagu sabaaliyo ama maanka lagu suuxiyo. Waxaan naftayda ku qeexi karaa "insaan ku nool inta u dhaxaysa quusta iyo qaayibidda dabeecadda." Ma kala jecli, in aan guulaysto iyo in aan guuldaraysto ama inaan dhinto iyo inaan noolaado ama in lay jeclaado iyo in lay naco. Waxba ma jecli xitaa muuqalkayga oo aan galabta nacay.
Waayadii hore, su'aalihii i maanshubi jirey waxaa ka xasuustaa: qofku ma guuleystaa? Ma ka guulaystaa damaciisa, doonistiisa iyo addunyada? Guushu maxay tahay? Yool gaaris mise yu'asho gaaris? Yoolku iyo yu'ashadu ma yihiin wax dhammaada? Waa weydiimo fallaar wadnahaha igaga taagan noqon jirey. Waan ogahay in aan keligay ka fekerin weydiimahan, waan isu dayay inaan raadiyo hubantida iyo natiijada dhabta ah ee xallinaya qaddiyaddan cakiran ee "guusha." Waxaa la ogsoon yahay in hubanti dhab ah oo bulshada adduunweynahu isu raacsan aysan jiran, marka laga reebo waxyaabaha shaacsanaha noqday.
Anigoo waaya'aragnimadayda, adduun'araggayga iyo fekerkayga adeegsnaya ayaan isu dayi jirey in aan xalliyo. Natiijada ugu danbeysa ee ii soo baxday ayaa noqotay maahmaah Soomaali ah oo aan si weyn u caashaqay. Waa "hoos iyo hawo adduunba lama gaaro." Yoolkii aan ka miradhaliyaba waxaa xigaya yool kale si aan u sii noolaado. Yool kale..
yool kale...yool kale! Adduunyadu waa sida ruux ku dhalandhoolaya bankii Saraareed waqti diraac ah oo dad iyo duunyaba ay naafoobeen. Qofkaasi waxaa meel fog uga wriwriya biyo, markuu gaarana waxay biyihii noqon dhalanteed. Mar labaad ayay u wirwriyaan, sidaas ayuu socdaalkiisii ku dhammaysan ama ku nafbixin. Waxaa la mid ah qofka iyo nolosha oo waxaa laga jiidayaa adduunyada isagoo xiiqsan oo xanuunsan. Intaa dabadeed, waxaan isa su'aalay "maxaad isu daalinayaa? Maxaad u halgamayaa? Maxaad la silcayaa? Miyaan noolaato uun." Maxsuulkaas u danbeeya, waa tan miraheedii aan galabta guranayo oo aan ku silciyo gurigaygan ku yaalla Badhan balse dirirta naftayda iyo aniga noo dhaxeysa ma idlaanayso.
Qunyar qunyar ayuu xanuunkii iiga soo degay oo tartiib tartiib aan neef weyn uga buuxsanayay laabta oo aan aayar aayar u gu soo saarayay bannaanka. Aashay aashay baan insaankii qolfoofta ahaa ugu soo laabtay. Mid sigaar ah baan shitay, naqas weyn baan jiiday anigoo indhaha isu haya oo fekeraya. Waan fekeray oo fekeray oo fekeray, waxaana ii soo baxday inaan sidaydaas ahaado. Qof maran oo u maran sida aashuun maran oo nool uun, malagga naftana ku suga gurigan.
Macawis qoorasoofays ah iyo shaar buluug ah ayaan xirtay, koofiyad aan ku daboolo bidaartayda ayaan ku xigsiiyay oo aan irridda ka baxay si aan qaad iyo qamri usoo iibsado. Jidka Alley Baday ayaan ku soo lugeeyay, ruuxii idhaafaba wuu isoo baalladaymoonayaa sababtoo ah beryo ayau il iyo baar iga rogin. Badhan, waa deegaan kooban oo qof walba la yaqaano gurigii galo iyo wuxuu gudo. Way ineceb tahay bulshadani, maadaama aan had uyo gooraalle aamusanahay oo goobaha lagu caweeyo ama lagu ciyaaro aanan tegin. Bulshada uun ima nicine, xataa waxaa ineceb ma noolayaasha dhulkan. Surin yar ayaan ka soo dusay, waa surin aan dhowr iyo toban gu' ku lugaynayay. Wuu ikarhay oo laabta iga nacabaystay. Oo maxaanu ii necin? Maalin walba markaan ku socdaalo buu isagoo qaylinaya igu dhahaa
—Duf iyo dullinimo ku baxe, weli ma soo taagan tahay? Miyaadan dhiman ama guursan ama dhoofin? Jinkaygaa ku nacay Wayraxow ee haddii aad insaan xurmaynaya dareennadayda aad tahay, mardanbe haygu soo marin, sababtoo ah, haddii aan adiga ku arkaba waxaa iga dhimanaysa rejadaydii yarayd.
—rejadaadee surinyahow? Anigoo yaabban baan weydiiyay.
—doqonyahow, rejayda waa in aan Badhan dhan uun uga safro waayo, ima ay dayactiraan oo ima ay daryeeleen. Hadday dan iyo heello iga leeyihiin, ma iyagaa habeen walba kaadida iyo saxarada ila soo doonan lahaa. Waxaan rabaa in aan dalka Rwanda u safro, sababtoo ah waxaan maqlay inay surinnadooda iyo laamiyadooda daryeelaan.
—idhagayso surinyahow, dhulkani wuxuu daryeeli waayay aadanahii sharfanaa ee ma adigoo luuq ah ayay il naxariis leh kugu jalleecayaan. Waad wanaagsan tahay haddii aysan guri ka duldhisin ama ku xirin.
Intaas markuu maqlay buu gawdiidsaday oo illini buurbuurani ay kasoo dareertay indhihiisa. Marada illintirka ayuu dhulka ka haahaabtay oo iska tiray. Run ahaantii, waxaan u qaban karo ayaan jirin oo waan iskaga soo dhaqaaqay. Kabarkii aan macmiilka la ahaa baan dul imi. Saynab badhiweyn baa haysata. Waa naag garoob ah oo uu shaf iyo badhi indhuhu soo jiidanayaan leh. Lug miiro ah, dhalo qamri ah iyo laba baakiroo sigaar ah bay bac madow igu riday, aniguna aan lacagteedii u direy. Waan ka soo tamashleeyay mise waan ka soo tukubay, waxay tahay ma ogiye soo dhaqaaqay oo aqalkaygii ku soo hoyday.
Roogga iyo ruumiga qolka yaalla baan kaballaaxsaday. Badhannada shaarka ayaan labada u sarreeya furay oo bacdii si qab ku dheehan tahay hortayda ugu furay. Si gobonnimo ku dheehan tahay baan derbiga ugu tiirsaday oo laan boqor dhuguc ah u la soo baxay. Sanka ayaan marmariyay, dhareer ayaa iga soo daatay oo neef xooggan baan dibadda u saaray. Midh sigaar ah baan shitay oo bakeeriga ihoryaalla laba fur muggood kaga shubtay dhaladii. Raadiyowga ayaan shitay oo aan cajalad Kinsi Xaaji Aadan shitay. Anigoo, dhididku dhafoorradayda qooyay oo meel ay nafsaddaydii jaan iyo cidhib dhigatay warmoog ayaa irridda uu soo garaacay qof. Fadhigaan ka holladay. Illinkii ayaan fig ka siiyay oo furay. Waa Warsame. Ninkii shuuciga ahaa ee garashada dheeraa. Hadal baan ka horgeeyay oo kasoo dhaqaaqay:
—araggaaga lagu farax Warsamow saaxiib.
—lagu farax Wayraxow. Isagoo leh buu irridda soo xiray oo qolkii ii ga daba yimi.
Barjin ayaan u dhigay roogga iga soo horjeeda, tarmuus iyo niic qaad ahna intaan u hannaanshay baan hordhigay. Fadhigaygaan ku soo noqday. Naftaydaa igula hunnuuhunuustay, wax aad tebayso baa jira si aad qab iyo gobonnimo dhammeystiran u dareentid. Waa runteed. Waxaan tabayaa bistooladdii biljamka ahayd ee aan ninnimadayda dhameyska ku dareemi jirey, sidoo kale, uu Warsame ku dareemi jirey. Sariirta madaxeeda ayaan kasoo bixiyay oo aan bacda agteeda soo dhigtay. Warsame, baa hadal igu soo tuuray:
—Qof kaa sarreeya maanta ma jiro.
—Haa, ma jiro. Ee adiga miyay kula tahay inuu jiro?
In cabaar ah intyu fekeray buu yiri:
—Haa, Kaaral Maarkis iyo Jooseef Istaaliin.
—Oo labadaasi ma jiraan haddee Warsamow. Anigoo qoslaya baa ugu warceliyay.
—Way jiraan, waayo aragtiyahoodii baa weli nool. Aniga iyo milyanka qof ee shuuciyiinta ah ayay ku dhexnool yihiin.
—Hahahaha. Waa hadal maangal ah. Oo Soomaalida Shuuciyiinta ahi goorma ayay heeryada hantigoosadka ee bulshadan dibusocodka ka dhigtay aad ka rogaysaan.
—Ma foga. Maalin uun maydka wadaadka, hantigoostaha iyo odaydhaqameedka waannu jiidi doonaa laamiyada Hargaysa iyo Xamar.
Qosol weyn oo uu beerka ila casaaday baan qoslay oo aan iri hadal dirqi iyo laba dalooldhexdooda kasoo baxay ku iri.
—Waqtigaasi, bilyan sanadood danadeed. Waayo, Soomaalidu way ka haybadaystaan wadaadka iyo odaydhaqameedka. Wadaadka iyo odaydhaqameedkuna, waa hantigoostayaasha dhabta ah ee Soomaalida maanta nool.
—Wayraxow, ma in aan aragtidaas ku baraarugsanayn baa ii filaysaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "cuntadaan cuni saansaanteeda ayaan ka dareemayaa" saa haddaba inay kacdoonno fekereed ay soo dhow yihiin waan ogahay, sababtoo ah sanad walba boqollaal dhalinyaro ah baa shuuciyiin noqda oo qalinkooda laga akhristaa wargaysada iyo bugaagta.
—Waynu eegnaa. Anigu, markaad kacdoonka fulisaan qamrigayga iyo qaadkayga bilaash iiga dhiga. Waa afeef hadaleed aan hadda sii dhigtay jaalle.
—Qamri iyo qaad baa tiriye, koob biyo ah lagaa waraabinmaayo sababtoo ah waxaad tahay insaan baasasyte ah oo fallaag ah oo runta nolosha ku baraarugsan, sidaas la'ajligeed, waxaad halis ku tahay kacdoonka maadaama aad dibusocodnimo ku astaysan tahay.
—Oo maxaad dibusocodnimo iigu summadaysay.
—Dee jaalle, laga yaabe in fayadhawrka fekereed ee jiilashayada aad beddasho oo aad baasasytayaal iyo fallaagyo ka dhigto. Midowga iyo fallaagnimaduna, waa labo gudboonoo isku lid ah.
—Waa macquul Warsamow. Xagashaa innaga saaroo, muxuu insaanku ugu xiiqayaa nolosha iyo adduunyada? Iyagoo og in maalin cad ama habeen madow laga jiidi doono iyagoo qaawan oo cawlan oo caydh ah?
—Hahahahaaha. Waxaasi ma weydiin baa? Noloshu si walbooy u tahay dhalanteed iyo dhaandabagaalle, sidaasoy tahay, insaanku inuu noolaado waa waajib. Sidoo kale, inuu alkunto macne uu u noolaado waa sandulle.
—Waa hadal nin yaroo jibbaysan. Adduunyadu uma qalanto in la daba ordo, waxay u qalantaa in laga saahido. Waa iyada Soomaalidu tiraahdo "hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaaca" haddii aad nooshahay in aad damac weyn yeelato waa gur aad nafsaddaada ka gelayso. Asalnna damacu ma dhammaado, wixii aad damacdaba oo aad ka miradhaliso waxaa xigaya damac kale. Sidaas bay ku socon noloshaadu, haddaba waxaa insaanka la gudboon inay saahidaan—ama si diiniyan ah haw saahidaan ama si diinlaawinnimo leh. Waa in la raaxaystaa uun. Qamri, qaad, galmo.
Intaasi markay afkayga ka dhamaatay baan kabbo qamri ah qurquriyay oo midh beensal ah shitay. Warsame baa iigu soo jawaabay:
—hahahaha. Wayraxow, waxaa kugu jirta naf yaroo jilicsan. Naf aad mooddo inay leedahay nafsadda duurjoogta. Anigu ma kala saari karo inaad duurjoog tahay iyo inaad dad tahay. Duurjuugto, waxay ka fakartaa intaas aad hadda ka fekerayso. Waxaa u baahan tahay naag adag oo dib boorka kaga soo jafta oo dadnimadii kugu soo celisa.
—Hahahahaha. Warsamow, hadalkaagu waa wixii xaalka layskaga qaadi jirey. Ma aha hadal nin rag ah loo quuri karo.
—Oo ma rag baa tahay Wayraxow? Rag baa sheegtaye, gabar xitaa ma tihid. Waraabe baa tahay.
Ilbiriqsiyadii ay duduubtiisi dibnihiisa ka soo dhammaatay ayaan bistooladdii agtayda taallay la soo booday oo aan xabbadda dhuunta u dhigay. Isagaan ku aadiyay. Wuxuu u qoslay si aan la malaysan karin, malaha kalsoonida uu aniga igu qabo ayuu sidaas oo dhan ugu qoslayay. Dibnaha anigoo ruugaya, baan bistooladdii ku jeediyay! Laba xabo noolnool ayaan shafka kala helay.
Rooggii ayuu ku duldhacay, waxaanse garwaaqsaday wax yaab leh oo iga nixiyay! Qofka aan dilay waa aniga. Isla Aniga ayaa isla naftayda xabbad la dhacay. Sidee? Anigoo indhuhu icaddaadeen oo neeftuuraya oo dhiiggu shafkayga ka boodayo sidii ilburqatay, ayaan duunkayga hoose ka ogaaday in Warsame uu ahaa shaqsi dhallanteed ah ee uu ii curiyay baraadkaygu. Ninka dheer ee dhuuban ee bidaarta fooshaxun lahaa ee dakhtarka shuuciga ahaa ee kacdoonyahanka ahaa ee baraarayste ahaa ee jiraaliga ahaa wuxuu ahaa isla aniga! Ninkii miyiga Argeegta ka yimi ee uu waxbaray Siciid ee baasaysta ahaa ee saahidka ahaa ee guriga lahaa ee qamriga iyo qaadka dulfadhiyay ee la sheekaysanayay Warsame wuxuu aha isla aniga. Waxaan lahaa laba nafsadood: nafsad firfircoon iyo nafsad noogtay. Labadan nafsadood ee gudahayga ku dagaallamayay ayaa waaqica nololeed isla yimi oo rasaasta isla dhacay. Run ahaantii, insaan walba wuu leeyahay nafsado badan oo diriri ka dhaxeyso balse dadka badankoodu ma daneeyeen nafsaddooda liidata, waayo si dhalan ah ayay u leeyihiin firfircooni iyo faduul aan dhammaan balse anigu waxaan jeclaaday nafsaddaydii noogtay, laamihii ay ii bixisayna waa tan aan miraheedii cunayo oo ay naftaydii awalba martida igu ahayd ay si tartiib tartiib ah ii ga baxayso.
Weydiin Waaqici Ah.
2024. 05.08.
SR: Facebook.
Maxay ka macno tahay in qof lagu dilo: dagaal, aano, kufsi ama jirdil? Weydiintani waa mid aan waayo badan is weydiinayay xitaa gibinnamadii, waanse ka meermeerayay marwalbay maankayga xodxodo oo si kedis u cariso, waayo, waa weydiin dadnimo oo u baahan diirnax, dareen, damiir iyo feker xor ah, aniguna intaasba kuma sifaysni. Maxaa sababay? Anigu Soomaali baan ahay! In aad ifahantaan filayaa, haddii se aadan fahmin aan kuu saafo oo ku sooho macnaha ay leedahay in "Soomaali" la noqdaa: intaan ka jawaabin, horta wa’ayo Soomaalidu innagoo aragtida waaqica, taariikhda, sawraca iyo suugaanta adeegsanayna? Soomaali waa dad meel Geeska Afrika lagu magacaabay ku nool, waa dad ahaansiyahooda waysan, waa Carab, waa Afrikaan, waa dad jaahiliin ah, waa dad gaajo la golongolay, waa dad la werwersan wabaa’ida qabiilka, waa dad dadnimatirmay oo duugraacnimo iyo dandarro ku summadaysan, dad khuraafaad loo diimeeyay, dad dawlad la’aan ah!
Haddaba, wa’ayo shakhsiga Soomaaliga ahi? Qofka Soomaaliga ahi waa boog ku taalla dunida, Afrikaannimada, Geeska, gobolka, qoyska iyo naftiisaba. Bilowgaba waa dad, waa Muslin Soomaali, waa hayb hebel, beelweyn hebel, qabiil hebel, ardaa hebel iyo ina hebel, si kale kuma garatide, waa isdiiddo qalfoof leh oo maryo calfo iyo kabo cullaaf ah xiran. Soomaaligu waa jirjiroole, wuxuu ka kooban yahay boqol nafsadood oo midba mid kale col iyo cadaawe la tahay, maangalna ma aha in waanwaan iyo wanaag la dhexdhigo nafsadahan badan. Ma iyadaaba la dhexdhigi karaaba? Nafsaddii isu dayda way danbasoobaysaa oo daadkaa la raacin.
Nafsad walba waa dawlad iskeed u taagan oo waxay leedahay habraac, hiigsi, qiyam iyo qaddiyadda u gaar ah! Tusaale aan u soo qaadanno nafsadda Soomaalinnimada[qawmiyadda] iyo nafsadda qabiil hebel: nafsadda Soomaalinnimadu waxay leedahay af, dhaqan, suugaan, hidde, qaddiyad iyo diin oo haddii nin Oram ah iyo nin Soomaali ah dagaallaamaan waxay nafsaddani u gacanbidixaynaysaa Soomaaliga, waayo waxay "damiir iyo walaalnimo" ku magacaabeen baa xantaxanteeya. Nafsadda haybnimadu iyana waa dawlad boqortooyo ah oo haddii ay laba nin oo kala hayb ahi collaabaan waxay hiil iyo hooba la hareer taagan tahay ninkay haybnimadu mideysay.
Isu soo xooriyoo, aan naftayda uga jawaabo weydiintii ahayd "maxay ka macna tahay in qof lagu dilo: dagaal, aano, kufsi ama jirdil?" Waxaan u tidcayaa anigoo aan Soomaali ahayn oo dad ah. Laga yaabe inay faduushaada iyo fekerkaaga isu qaban weyday "maxaa weydiintan, nafsadda Soomaalinnimo uu uga jawaabi waayay oo dadnimo u la doonanayaa." Waa weydiin gar ah, balse aan kuu sheego hubanti aad moogan tahay: Soomaalinnimadu waa dugaagnimo, waa dadqalato, waa shar iyo baas, waayo, Soomaalidu waxay ku astaysan yihiin "dadnimotiran." Galab dhaweyd baa nin oday ah oo garka iyo gorodduba caddaadeen isu waraysannay maqaaxi Itoobiyaan ah oo aan bun iyo bariis u soo doonto. Odaygu, in kastoo uu qooraha walwaalanayay oo gaashaantiyaha shaqaalaha ah hadba mid u iljabinayay, haddana wuxuu ahaa nin waayaha adduun iyo hawlaha arlada in badan oo badan shaahid u soo ahaa. Kaftandhable iyo kilkilaynhadal dabadeed baan weydiiyay
—Adeer, war ma u haysaa in deegaannada gobolka Galgaduud qaarkiis ay askaxooda isqaadeen reer hebel iyo reer hebel oo tirada dhimashadu sii cagacagaynayso boqol iyo siyaado?
Odaygii wuu qoslay, sacab iyo suuldhabaallayn buu isu daray isagoo rundudsanaya oo farxad wax la moodo la rafaadsan. Daqiiqad kaddib buu igu warceliyay hadal aan u bogiwaayay oo uu malaha dadnimatirankiisa ii gu caddaynayay, oo iyiri.
—Oo intaasi ma dhimashaaba? Ma waxbaa? Adeer nin yar baa tahaye, miyaadan garaadsan waagi ay reer hebel iyo reer hebel ay maalin quriya iska laayeen saddexda boqol. Anigu dagaalka, haddii aan boqollaal qudha laga jarin colaad uma aqaani ee caman salaaxis baan u aqaanaa.
Lamaan yaabbin oo axqabiddii iyo ax-dii uu shaacsanaha ku ahaa insaanku baa seven hore ka godgashay, waana sababtaan u iri "weydiinta waxaan ka jawaabayaa anigoo daad ah." In qof dhintaa macnaheedu waa in insaan dhan uu cidleeyay arlada. Weedha "insaan dhan" ma aha arrin fudud ee waa sida geed leh laamo iyo miro badan: feker, dabeecad, dareenno, gobonnimo, geesinnimo garasho, hiigsi, han, hayaan, xasuus, xanuun, laabsamid, laabfur, nafhur, waaya’aragnimo iyo qalfood. Laan walba waxay leedahay miro oo haddii mid walba la dhilo ama la funjuqo dhadhan iyo dheecaan dhuguc ah baa loogu tegayaa. Qof dhan in nafta la dhaafiyaa macnaheedu waa in laamo badan la laayay, waalid aan denbigelin la gumeeyay, walaalo iyo jaallayaal la xiniinyataabtay, carruur dhan la agoomeeyay, xaas dhan loo xiray asay oo bulsho dhan dareen ahaan loo qudhgooyay. Qofku waa noole sharfan oo aan lagu xadgudbi karin qofnimadiisa iyo qiimahiisa, waana waajib in loo koolkooliyo siday hooyadu u koolkooliso ilmaheeda oo jaceylka iyo jiirnaxa ugu jarabarto. Haddii uu qofi gacan-ku-dhiigle noqdo, waa gef insaani ah in la dilo isna—si walba ha loo dilee—Waayo, waxaa la luminayaa qof kaloo dhan iyo dadnimadii dhalanka ahayd, sababtoo ah, mindi mindi ku taag ma aha dhaqan dad ee waa duurjoognimo. Gacan-ku-dhiiglaha iyo qofka aan waaqiis shinbir dilini way siman yihiin, waxay ka siman yihiin dadnimada oo ah arrin sharfan oo aan habaas iyo habaar yar loo quuri karayn.