Stories by Cumar Dheemow on Medium
*Kidiftayee malagu Kidfay*
"Lugtan iga qabo nooh waqti baa na hayee", "waan hayaa niyoow isboobsi", "Waaaaw!, Wiriririq! ,dad majoogo miyaa, idaa wacalyahow, iga soo gaara, gabar ma ku la dhalan miyaa, iga fuq waayahe waan is fahmeenaayee"! "war badanaa waxaan war maradan afka kaga xir yaan na la maqlinee", "dagaal mee u soo baxday meeqo waxay xerantahay, uf" Bac! Dhillo! Dhengad baa dhabanka la jaray, muddo daqiiqado ah ayay la dagaalamaysay laba nin oo maalmo u almiitaynayay inay sidaan falaan, wax walba oo ay nafis il-biriqsiyo ah ku heli kartay ayay sameysay, way tuuktay, walaashood ayay xasuusisay, is fahanna ugu yeertay, yaase qorsheeyayba waxaas, ujeedku wuxu ahaa in maanta aysan socod quman gurigeeda ugu laaban.
Toddobaad kahor ayay ahayd maalinki la baray ninkan qaab dumaashinimo ah, jeega dheerahanna wuxuu been ugu sheekeynayay toddobbo toddobaad. Waxa uu ahaa igaar dheer oo joog leh, labis wacan oo soo jiidasho leh, hadal quman oo af miishaar ah, waxay markii ugu horeysay ku kulmeen xaflad aroos. Inyar ayay si kedis ah u wada qoob-ka-ciyaareen, waase jaas jaaskale ka dambeeyo. Is fiirfiirin is doondoon ah dabadeed ayay nambarada kala qorteen. Suuban iyadu waa inan iska jawi degan ah, qalqaali maaha oo xalfadaha jecel habeenkaase waxbaa waday malaha. Labo markaz ayay ka bawsataa kitaabada, maalin dhaw ayay dhammaysay madarasadda ama iskuulka, waxay ku tala jirtaa inay qeyb un caafimaadka ka barato. Reerka iyo dariskuba waxay u yaqaanaan Suuban Saalix. Qurux kuma yara, midab nuuraya oo maariin ah ayay leedahay, xubnaha dabacsan ee jirkeedana maaha kuwo aan sahal kuugu sawiro karo, muhiimada ayaa ah in xubin walba oo qof dumar ah lagu gacloon lahaa ay u billan tahay waa haddii xubnumu yihiin wax is gacloonshiyaha keena. Jirkeeda dabacsan ee soo jiidashada leh ayaa kugu qasbi lahaa inaa qoob-ka-ciyaare wanaagsan noqoto (Dancer). Intaa waxaa u dheer indho haddaad kaligood xitaa aragto qanaacad kugu soo dageyso, yaanan ku dheeraan waa qurux Eebbe abuuray falaaqaynteeduna la xannibayee.
Suuban kani waa xiriirkeedi labaad oo ay weligeed samayso, kii hore waxa uu ahaa macalinka dugsiga oo ay kitaabo ka baran jirtay, asagiina waxay ku kala hareen ka dib markii iyadoo dugsi dhexe ah ka dalbay guur waase ay ku diiday. Xeroow xero lagu ooday buu iska ahaaye baadiyaha ayuu u baqoolay maskiin lasoo jujuubayna kasoo kaxeystay, sidii markaa ka dib waxay isugu sheekeysay haddaadan guur diyaar ahayn maxay sheego kuu gashaa. Malaha midkan waa indha daraandaray inanta, Toddobo waaberi ka dib isbarashadooda oo uu maalinba geed saarayay ayuu ka dalbay inay xiriir wadaagaan, Suuban ismaba ay waydiin degdegga ilayn gaarbaa loo haye, "wax aad rabtay helidood, waligaa malagu warsaday siintood?!" hore ayay ka tiri waxba kuma jabna waynu is fahmi jaalle, Saalax dheere sakiimihiisi ayuu afaystay, laftiisa xariiro badan masoo samayn waa un iska toddobo xariir,"Halayaabin ninkan waa mastar toddobo" kulli xiriiradaas waxay kaga go'een gacma gacmays iyo subag doon, waa nin inuu wax saro mooyee aan sulxi u socon, inkasta oo toddobadii hore gaada salaax mooye uusan sak ka siinin Suuban baa se sariirta fuuli doonta. "war ii sug ii sug, Suuban weli la ma ba sahminine maxaan sariirta kala doonay, oh! Ilayn horraanba kuugu soo sheegay, dhibse malahan sekemo kale sii joog Saalax laftirkiisa ballaa qabsan doontee.
Gabdhii akhriska badneed maalmaha waatan luuq un ku qarsan ee taleefankii aabaheed maxaad iiga qaban wayday ku dagaali jiray dhagtun ku haysa, Suuban maalmahan waxay isku haysataa inayba tahay tii la doortay, waxay is tiri walle haddaad rasaq kusoo doonta iyo nimca maqli jiray koolkaad ku haysataa. shax qorsheysan ayuu Saalax Dheere dajiyay, maalmo badan iyo wada hadal badan ayuu kusoo qaaday inay kulmaan. Saalax Dheere waa xariif soo jabe wuxu ogaaday reerka suuban iyo dhaqamadooda inaanu ogolayn in gabadhooda nin la socoto oo ay la gaar noqoto, Wahaabiga Suuban dhalay ee Sulub ah waa ka geeri agtiis hadduu arko gabadhiisa oo nin la socoto iskaba daa inay guriga la timaade. Marmar buu markuu masjidka kusii socda lacnadaa wiil iyo walaashiis oo wada socda asagoo moodaya in ay wax isku dhiinta dhiinteynayaan.
Dhowr isku day ayaa ka fashilmay qalawle Saalax oo uu rabay inuu Suuban gacanta ku qabto oo uu godliyo mar un waase u suuroowi wayday sababta ilaalada laga hayo sheekhadan jaceylku galay, dhowr mar ayuu telka uga dhax sheekeeyay wax ku saabsan sariirta Suubanse wixi dibnaha hooska kasoo ah magacooda hadii la sheego waa ka yaxyaxdaa, waxaa markale u cadaaday inanka subag doonka ah in Suuban sina looga boojeyn karin gabarnimada wuxuuse markii danbe go'aansaday inuu saaxiibkii Mooge ka dhaadhiciyo inay Suuban wada jabsadaan.
Mooge-na waa mid kale oo saddex naag soo furay sagaal canug oon is aqoona u joogaan "Tagoogta intay kujiri lahaayeen tubaha ha yaaliin". Judhiiba waa isla fahmeen waxay wada dajiyeen istaraatiijiyadda arrintan ku dhici karto. Saalax ayaa suuban ka dhaadhiciyay inay sabtida is arkaan gurigiisa, wuxuu u sheegay inuu guriga la daganyahay hooyadiis iyo walaashiis kaliya, waxay u sheegtay xadith ay ka dhaga-dhageysay macalinka malcamadda oo ahaa "nin iyo naag aan is qabin hadday gooni u baxaan oo ay is kaliyeestaan sheydaanba seddexeeya" in kastoo aysan aqoon cidda soo warisay xadith-ka haddana waxay ka dhigatay qiil. Wuxuuse ku qanciyay in meeshu tahay meel dad joogaan hooyadii iyo walaashii isaguna jecelyahay iyadu oo aanu gaabsi ka damceen, erayo beer laxawsi ah oo kalsooni igu qab macaanto ay ku jireena waa uu ku yiri. Suuban galab walba oo shanta beri ee waxbarashada toddobaadka ah waxay aadsataa barayfad Ingiriis-ka lagu barto ileyn carabi baa waale hadda jaamacadda waa inay Ingiriis taqaanaa. Sabtidan maanta ah birtay ayay ku dhufan rabtaa oo Saalax Dheeraa siriq u taalaa.
Waa soo labisatay sida caadiga ahayd cabsi kama marna oo yara naxsantahay kul caloosha ah ayay dareeme, ma farxad mise murugo?....Malaha qariibnimay dareemaysaa! dharka ayay yar adkeesatay oo waxaa galay tuhun baryahaan ayay baraha bulshada ka arkaysay dhacdooyin gabdho la kufsaday, dharbay isku tubtay "Kheyr wax kaama dhibe shar u took haay", Labo surwaal bay isku giijisay!, ma ogi inay jeemis wada ahaayeene!, sidaa kuma hakan surwaalada ka hoos waxbay ka sidatay mase kuu sheegayo waxa ay ahaayeen.....mise waan kuu sheegaa!. War ha xanaaqin haddaa!! waan kuu sheegiyee, war xanaaq hadaad doonto wixi hoos laga xeran jiray ayay ka xerantahay waliba dhowr xabo.
Dheeroow waa sax inuu hooyadii iyo walaashii guri kula noolyahay balse Suuban uma wado halkaas, wuxuu u wadaa Mooge oo ah ninkii ay qorshaha wada dajiyeen guri uga kireysan dulleedka magaaladda muqdisho. Suuban oo deggan bartamaha magaaladda ayuu soo waday Saalax Dheere, salaan uu u taagay biloowgiina waa ay ka radin wayday oo ay ugu koobtay dhoola cadeyn ismoogaysiin ah, guriga loo wado waxa ku diyaarsan Mooge iyo Seynab. Seynab waa mid kamid ah islaamaha Mooge badda kuwada jiraan waxayna matali rabtaa Saalax walaashii ka wayn hooyana qaraabo salaan ayay jirta waa qeyb qorshaha kamid ah, oo Moogana? Mooge inta Suuban sal dhigahayso musqusha lagu kaayaa(Qarihaa), gadaal ayuuna iska keeni doonaa isaga oo iska dhigaaya war moog aan war iyo wacaal u haynin waxa jira. Toddobaad kahor ayay isbarteen Mooge iyo Suuban balse hadal un buu ahaa, markaa dumaashi ayuu ahaa maantase waakan u maryo yareystay inuu timirta goosto.
Suuban waa la keenay Seynab baa la baray qolka maanta kawaanka ah ayaana loo gudbiyay, qorshaha waxa ka qeyb ahaa cabitaanka la keeni doono in maandooriye loogu daro. bitaankii oo dhaansan ayaa miiska la keenay oo ay Seynab keentay iyado dhoola cadeynayso ayay Seynab ku beer laxawsatay "Wallee walaalkey ducadii hooyaa loo aqbalay, alla maxay hooyo u joogi wayday maanta" waana iska laabatay.
Suuban markan qariibnimada waa kasii dhammaanaysa waase xishoonaysaa, koob caano heel kasoo cartamayaa lagu soo beegay oo lagu yiri cab, waxayse ku wargelisay inaysan caanahaba cabin oo aynanba rabin wax ay cabto, hadday wax cabeysana biyaha cad ka doorbidayso,malaha buurnaan bey ka cararaysaa!!, armeey maqal ku haysaa in biyaha wax la isugu daro, Mayee calool xanuun bey ka dhowrsaneysay ileyn aaminaad ma jirto oo surwaaladaan iyo hoos gashiyadaba lama bixin karee.
War bal tanoo kale!! Oo qorshihi ma sidan buu ku kacay hadda, Saalax banaanka ayuu u baxay Saynab maba joogto waa iska baxday, awal may iyada howsha qolka ka dhaceyso ka qeyb qaadan kartay! "Budo qabbe iyo biyo qabe un baa isu baahan e'". Mooge ayuu soo arkay waxayna degdeg iskugu sheegeyn inay awood ku mari doonaan hadday isfahan diido. Saalax asagoo galaas biyo cad kuwada ayuu keenay, wuxuuna ku yiri "isma lahayn Suuban baa waxaad u keentay diidi doonto", waxay ku tiri "Hadda ayaan biyahaa ii keentay cabayaa ee raali noqo". Gacantii uu ka jiranaa buu sahan u diray dhabankana ka saaray, Suuban jiririco ayay qar istaagtay mase ka dhiidhin, sahankii hore war keenyay hadda sahan kale ayuu diray haddana! Weerar badana oo gool jeclaa sida Ronaldo! markan hoos ayuu usoo dagay oo uu garabkeeda isku soo jaleeciyay asagoo hadalo laxameysan ku tuurtuuraya, haddana waa ka aamustay iyado ka sikasho damacsan, dhab!! Haddana waakan horaadyadi cantoob ku xaday, wac!! Biriq baa ka dhalaashay!! Hah!! madaxeeda ilaa lugta ayaa is ogaysiiyay oo farriinta meel walba waa la gaarsiiyay. maanta ka hor waligood wax aan buug ahayn laguma taaban Naasahaas, markaanse suuban waa iska fujisay. Dalaq!! "Ay sorry!! Saalax saaxiib kaligaan baan ku mudaayay" waa Mooge oo is moogsiin kusoo galay qolka, Saalax baa ku yiri war soo gal xilli xun lee socotaaye, waa soo galyay waana uu bariidiyay. Suuban markaan waxa gashay weerarka waa joogsaday daqiiqad kadibna iska bax, warba uma hayso waxa meesha ka socda. Mooge waxa uu bariidiyay Suuban gacanna usoo taagay sidda aad ka filanaysid ayay ku adkeysay oo Saalax bay hore ugu adkeysay, mooge ayaa yiri "waa baashaalayseen waan idinka jiiraan umaleenayaa", Suuban oo amkaaksan!! baa tiri "ma anaga is qabnaba sideen u baashaalnaa". "Come on yaaqeey dumaashi waxaas maa wax wayn ah jaceylkaaga soomaha asaga lee soo uma sidid subagaan!!", "Yur waryaa subagaaga cunee,ani waa baxaa saalax nawad ama is fasax" ayay tiri. Haye bbe waa baxaynaa ee sug suuliyaan aadaaye, Mooge iyo Suuban oo is fahmi waayay ayaa qolka ku kaliyeestay Saalaxna waa beentii oo albaabka un buu kabaxay meel ma aadin. Waan ogahay, waxaa is waydiinee mee qolka ka baxdo maxeey ninka kale ka ag qabanee iyada oo waxaas dhan dhacayaan, ma ogi anigabo se waxaan kuu ogahay in dareeno mushakal ah oo cabsidu u wayntahay baraf ka dhigeen oo ay xubin dhaqaajin kari waysantahay ama ba go'aan gaari kari la'dahay.
Mooge oo aysan filan baa suuban mar qura naaska dhab siiyay! Aaa!! Idhaaf wacalyahow xaaraamiga ah. "Bisinka kakanaa oo kuusana ma kurtunbaa!, aan ku ceshto nooh dumaashigaa maahiyoo" Mooge oo waligii naas sidaan loo ilaashaday oo u adag arkin baaba hammigi kusii kordhay, Dalaq! Saalax dheere oo macawiis bas wato waa kanba, waraa Mooge maxa jira adiyo dumaashidaa ma is fahmin, war dumaashi maahe midan reer baadiye waaye niyoow xoog unbe fahme malaha, hadalka ma dhammaan markii suuban dusha laga saarnaa.
"Xijaab waynaa ka siib xijaabka" waff!! "Acuudkiyoow waagi nabigga mee nooshahan maxa waaye dharkaan bisinkee","cabaayadda ka jeex","Adeyg waaye waase isku dayaaye lugaha si fiican iiga haay" Qiiq! "Waaaaw! Saalax iga kac waxaan adaa lahe xalaalayso, taleefankeyga dhacooyo aabo waaye iga kac", cabaayaddi iyo xijaabka waa laga dhigay suuban, afka waxaa looga xeray xijaabkeeda ee neefti ayaa ku dhib ah, hiinraag iyo cod meel hoose oo cataw ah ayaa ka yeeraya balse maaha wax banaanka laga maqli karo si ergo ugu timaado, qaarka sare ayuu kaga fadhiyaa Saalax Dheere, Mooge oo halka hoose fadhiya ayaa surwaaladi ku daalay waase nimay meeli u cadahay surwaalo badana hore usoo siibay ogol iyo awoodba.
Makuu sheegay horta in mooge yahay 30jir sakaraad ah haddii si loo eegane la moodo inuu seddex jir la soor cunay, quruxda la sheego inay dadku haystaan isagu waa ku deyn, fool weyd ah oo lafo un kaso jeedaan, madax feer la duubay ah, labiskana waa ka baastar haddana saas ay tahay islaamaha waa shirin yaqaan mid walba sida inuu sixir madiido ah yaqaan bay siisaa. Calaa kulli xaal Suuban wixi dhar ahaa waa laga dhigtay, shufto miyaa kuwan bisinka!. Mooge wuxu u yeeray Saalax oo uu ku yiri war kaalay ku biloow adaa loogtayee, kolay meehaas raaxo laga filli maa! waase la isku tijaabihaa.
Suuban aabaheed oo ah wahaabi Carabta la ceeshay darteed waxay ka badbaaday ballada dhaqan ee gabdhaha haysato,dakhar kas ah toliinkiis! sidaa darteed dagaal badan uma baahneen inay wado la furo. Jararac! Maxaa saaqay kii, tin iyo cirib baa isla kacay, Saalax inkasto uu ku dedaalay haddana walle katahay waligiis weel godan war kama doonin, mar baabay la noqotay inuu siraadkii maraayo, iyada oo ay is jiidjiidtahay buu sidan dareemayaa hadduu walax waran walfin lahaa kawaran? Ma ogi! Fash! Dhiig baa soo raacay xubinkii, Acuudka! Suuban waa xanuunsatay mase raaxeysan.
War naga keen jariimadan ma daawan karnee. Ma ilaawday Saynab, tii waaye nooh tii Saalax walaashiis matalaysayneh! bisinka xasuus xumida, haye waayahay hadaad xasuusato waa beelo taas maxa ku dhacay makase, een een...) Suuban markan way tiiro dhigtay, waa dhiig baxday, waa taah goysay, waa ilin dhammaysay, waana laga dhammeystay!, Mooge iyo Saalax arrin baa ku cadaaday, "War hoogto ma suuxday", "Waraa yaa ku ogaa markaad soo wadaysay", "War qof ma i ogayn", "Orod banaanka naga soo fiiri", "Haye", Saalax baa banaanka u soo baxay,(hadaanan hore kuugu sheegin raali noqo Suuban gaari baa lagu keenay, waxaan u maleynayaa inuu Mooge leeyahay ama soo shaafteeyay), gaarigi ayuu soo eeg-eegay iyo inay cid meelaha ka dhawdahay, saacaddu waa abaaro salaadii cisho caddaase jirto, Qac!! Alla Alla! "Naa Seynab maxa ku helay hoogto!!, Ila hadal nooh maxaa waaye dhiigaan, alla wadnahe ku dhufteen!!" Saalax ayaa arkay seynab oo meesha taalo dhiigeeduma carrada maasheeyay, malaha galabti horaa toorey lagu dhiftay, oo meesha muslin ma dagna miyaa bisinka?! Saynab sida la ii sheegay waxaa dishay naag ninkeeda ka ceshan wayday oo maseersan. Dalaq!! "Mooge Mooge!!, iiih-iiih en-en-eeen, waa la dilay nooh", Mooge oo gurxanka ka naxay ayaa yiri "Yaa la dilay?, maxaa la neeftuure yaa soo aragtay?, hub mee sitaan?". Saalax wuxu warka kaga go'ay "Seynab ku deysay!Dhimatay Seynab". "Yaa taasna dilanaayo, alla markaan soo wadaayay waa lay ogaa, war meesha naga wad baxar baa na gelisayee"
Fakatax kamaa fatuura!, Orod bey gaarigi ku kacsadeen waxayna afka aadiyeen Afgooye. Saalax asagu waa reer jowhar haddii uu halkaas tagana kollay tolkii ma dayrin doonaan waana laga xaali doono oo xeer jajab jadiin iyo jeebka ka hadlaa lagu heshiin.
Suuban subaxdi ayaa meedki saynab marka la arkay iyanna sariirti laga soo dulqaaday, way suuxsaneed ilaa markii, ubur ayay afka ka deynaysay, indhaheeda kor ayay jireen, xubnihii dhilnaa ee dhowrsanaa dharkii laga siib!, "way dhimatay!!, waa la kufsaday, iyadaa dhiibatay xee kasoo doontay?, malaha waa is fahmi waayeen, alla ceebta reerkeeda soo gaareysaaba iiga daran" waa waxii ay dadku ku guryamayeen, booliiskii meesha yimidna sidaa bay maleeyeen in ay dhimatay iyaga oo aan hubinin bay Seynab gaar dhigeen intay go' iskula hujiyeen. Hadday ogtahay Seynab inay meyd ag taal maxa dhici lahaa?. dadkii xaafada isku dhaxyaac iyo afka kala taag ka dib waxay sheegeen in halkan mid mar la arag ah un daganaa.
Saalax Jowhar ayuu salka dhigtay saaxiibkii se lama socdo, reerka wuxu si hoose ugu wargeliyay falka dhacay oo uu geystay waana qariyay in danbigga la la wadaago. cannaan aan cuqdad wadan baa lagu cannaantay, goor dambana lama caayine caanimiyo amaan buu ka qaaday, qaar asaagiis ah ayaa jeclaystay inay sidiisa oo kale Garruunkooda god la galalaan, Ragganimo!.
"Ragganimooy, ninkaagii
Nacasnimo maxaa baday?!"
Seynab waxay gashay isbitaal markii la ogaaday inay nooshahay, toddobo beri ayay qeyb ta bukaanada miirka daboolan ku jirtay (ICU), maanta un bay indhaha kala qaaday. Qac!! Indhahaba waxay ka qaaday wahaabigii aabaheed ahaa oo garka gacanta ku la jira, maantase waa beer wax dhale waa bukaa laftiisa, isla markiiba waxuu isku howlay inuu dejiyo lakiin Suuban waxay Xasuusataa un in lagu fadhiyay markii ogaal ugu dambeysay. Waxay iska jeclaysatay inta ay arki lahayd indhaha dullaysan ee Aabaheeda, in ay dhimashada u dhaami lahayd!
Xanuun daran ayay hoosta ka dareenta, waa xagee? Hoos nooh!, gacanta lama aadi karto si ay u hubiso oo faleenbooyin baa ku xirxiran ama xishood cabsi ku laran baa haya "Aabo ma kasee ragga saan ku yeelay?, Wallaahi inaan laysaga harayn diinta islaamka unbaa uga aar gudanaa mooye,Ii sheeg aabo ha iga cabsan". " Sug sheikh sug gabadha caafimaadkeeda waxba ka dhiman bannaanka ii ga baxa wakhtigiini waa dhammaadee" Diktoorki ayaa sidaa uugu garaabay Seybuu.
Arrinta baaris ka dib iyo isku qirasho waxaa laga fadhiistay gogol aan garta lagu goynin oo ay odayaal ku geel qaataan. Ceebla oo ah Ayeeyada shanaad ee Seynab nusqarni ku ku dhawna mootan ayaa noqotay furaha garta lagu leexshay, reerka Saalax waxay ku andacoodeen in gabdho la kala kufsan jiray lana kala aroosi jiray, in Ceebla hadda kahor godob tir loo siiyay reerka Sulub ka dhashay! oo hadda islaan halka aakhiro kaga nooshahay la aqoon miyaa subagtii Suuban ahayd looga eexday?! Waa cajiib marka dhaqanka aad ku faaneyso ku faagto!. Waxay soo jeediyeen reerka gabarta kufsaday inay gabarta guursadaan wixi gabar laga bixin jirayna ka baxshaan. Aw Sulub waa ka dhiidhiiyay garta gebbigeedba, waxaa se xerxeray dhowr gar oo uu asaga kol hore leexiyay intaanu wahaabiga noqon, wuxu ogalaaday inuu raali gelinta aqbalo qarashkana qaato wuxuu se diiday inuu gabarta dhiibo, Subxaanka! Oo yaa guri geysanaya markaa?.
Mooge waxaa u gudbay dhulka soomaalidu degto ee kenyana maamusho, mudo ayuu kaam kadaloobay, wax war ahna kama soo gaarin xaaladii uu ka soo tagay, maandooriyaha oo uu awalba yaqaanay ayuu hadda takhasus ka diyaariyay (Macnaha wakhtigiisa kusoo koobay), Markii hore wuxu ahaa nin qaadka cuna sheqeytana. Sanado badan oo isasoo rogrogay kadib Mooge waxaa u fududaatay inuu gaaro mid kamid ah wadamadda Yurub (Ingiriiska), isla markiiba nin furfuran ayuu ahaaye wa la qabsaday wadanka waxaanse looga baran ayuu bartay!!.
Suuban walaalkeed ayaa noqday sarkaal ciidan ah markiiba waa soo shaacbaxday in Suuban walaalkeed rabbo inuu xero Saalax oo wadanka jooga, Saalax waaba la tahriibiyay oo Liibiya iyo Magafe loo geeyay, dhib iyo shido ka dib asagiina waa kan Ingriiska ku dhex kaabaynaaya. Mooge oo xirfad ugub ah ku shaqeysanaya, muqaalkii lagu yaqiina ahayn ayay is arkeen maalin Saalax, Haadaanu Mooge ahayna ma fahmi lahayn Saalax Ninkan naaso bilowga ah. Sheeko iyo is waraysi ka dib Mooge maanta waa qirsanyahay danbigiisa wuxuuna isku arka nin ilbaxnimadu kamaqneed markaa, Saalax waxaa la baray saaxiibadii Mooge oo dhamaantood khaniisyo ah (Hadaanan kula wadaagin raali noqo, Moogihii aad taqiin ma aragtaa wuxuu noqday Khaniis in la qodo mooye aan wax qodi karin!!), Saalax laftirkiisa waxaa moodaa inuu fahmay khaniisnimada oo aan loo sharxin, asagiyo Mooge waa isku shushubtaan marmar waa is dhunkadaan oo is jaqaan waliba!. Snapchat ayay iska duubaan iyagoo isleefaya ama la leefayo! Uh!! "Kidiftayee malagu Kidfay".
Mooge iyo Saalax waxay ka baxeen diinta waxay faafiyaan ilbaxnimo iyo illaah la'aan, magaaladda waxay ku joogaan dabadooda haddana waxayba sameysteen Naaso kuwii Suuban ka shidan!, Ma ogi in ay hoosta god ka fasheen! Ma laga falan karaa, iyana ma ogi.
Suuban waa la guursaday wahaabiga saaxiibkii wiil uu dhalay oo Imaam Masjid ah ayaa guursaday, Seddex caruur ah ayay dhashay Nasri ay u wayntahay, waa dhaqmaysa waana ay ilaawday wixi qabsaday inakastoo ay maalin aragtay muuqaal Labadii Khaniis ee qandhada baday oo hadda naaso iyo bari wada waawayn yeeshay, waana isku jiijiifanayeen. Maba aysan fahmin marka laga tago dareenka galay ee ku kalifay inay cabaar eegto iyadoon ogayn waxa ay ka fiirinayso! Iskuna haysato inay dhaqanka la yaabantahay!!
Saalax oo la baxay Siman iyo Mooge oo Maariya baxsaday waxay kasoo dageen gegadda diyaaraha Muqdisho iyagoo wata Calanka Qaanso-roobaadka balse qarqarsanaya, talaabo qaadidoodana qalqal ku gelinayso macnaha si qof niikihaayo usoconayaan, Mashruuc iyo waxay siteenba kama warhayo. Xamar-weyne ayay make-upka ka gataan deganyihiina, waxay qeyb ka noqan rabaan malaha fuulfuulidda ragga si qasab ah iyo tabbabarka kuwa is kora!, Ugu dambeynse waxaa galaaftay Qaraxii Zoobe ee 14 Oct iyagoo shaqadood is nuugidda wata. Waxay kamid noqdeen xuurul-ceynta naarta halkaas ayayna isku fuulfuulaan sida aan mudaayo/malaynayo,(cidaan kasoo xigtay xaa kaa galay).. Aakhiro khaniis malahan, waa se lagu ciqaabayaa dambiyada ay Saynab ka galeen iyo kan ay dabadooda ka galeenba. Eebbe isaga ayaa yaqaan sida loogu aargudo dulmanaha, naf walbana wixii ay fashay ayaa laga abaalmariyaa.
………..Dhammaad.......
W/Q: Cumar Dhemow
Tar: September-2020
Sooyaalka iyo suugaanta Abshir Bacadle(1946–2010), Q1.
Abshir Nuur Faarax Wehliye (Abshir Bacadle) waa laashin, Gabyaa gabayga guuroow ka asli karay, maansayahan geeraarka, jiiftada, shiribka iyo badaha kale ee maansada hadba dhankii uu doono dhaanka u raray (ka tirin karay); waa waddaad faafinta iyo difaaca diinta wax walba uu karay u huray Waaxidna wax-warsasho, wanaag iyo wacnaaba u kali yeelay. Abshir Bacadle waxa uu doonta dunnida soo fuulay sannadkii 1946-dii (Dhashay), waxa uu ku dhashay Mustaxiil oo kamid ah Godeey, Somaali-Galbeed Itoobiya. Da'yaraan ayuu ku iladay (xertay) kabaha abwaannimo, reer gabyi yaqaan balse loo dacareeyay gabyaanimada ayuu ka dhashay (Sheekhii deegaanka ayaa gabayga dunuubta ugu waa wayn ku daray, sidaas baa deegaanku gabyaaga ugu yaraa). Abshir sida sunnaha ma dhaafaanka ah ee waxbarashada Soomaalida iyo Muslimiintuba tahay waxa uu halkaas ka bowsaday Quraanka, xernimana waa uu soo maray oo wax buu ka akhristay fadhiyada culuumta diiniga ah, ilaa Sucuudiga ayuu kasoo bawsaday culuumta diiniga. Waxa uu soo kicitamay dhanka Soomaaliya oo uu dhawr meel ay Muqdisho ugu dambeysay kaga noolaaday. Waxaa aad loogu yaqiinay ganacsigiisa bacadleyaasha suuqa Bakaaraha, waa halka naanaysta magaciisa ku sidkan ee Bacadle ka raacday. Gabayadiisa kuwii ugu horeeyay ee uu mariyay waxa uu Eebbe ku warsaday in ganacsigiisu u bulaalo, waxaa kamid ahaa beydadkiisa;
"Illaahoow adigaa qaadiroo, qaniyaho wayne
Adigaa Rasaqa qeybiyoo qaarba meel dhiga e'
Nin qaboow ku helay iyo nimaad qaxar ku siisaaba
Qafladaada adigoosan jirin, ruux ku qadayaaye
Illahayoow intaad ii qortayee aniga ii qeybsan
Illaahayoow qaboow iigu sahal, qaadir baa tahyee".
Abshir Bacadle wuxuu ka gabyay dhibaatooyin ummadda Soomaaliyeed xilligiisa ilaa xilligan haysta oo diin ilaa dadnimada (qabiil) gaaray. Waxa uu aad uga gabyay waaxidnimada Illahay, qabriga, qiyaamaha iyo sida ay Rabbi in wax lala wadaajiyaa macquul u ahayn. Abshir wuxuu ciil iyo caro u qaaday cid waliba oo cilmiga kala lahaanshiyaha diinta, ducada iyo isku xerka Eebbe iyo adoonka mar ku eedaantay, waxaad gabayadiis qaar ka arki kartaa in abwaanku is adag ula dagaalamay kooxahaas ama firqooyinkaas diiniga ah. Sababta Abshir ku bixisay in ay gabayadiisu diinta iyo towxiidka u bataan waxa la dhihi karaa in gabyaannimadiisa iyo fahankiisa salafiga ah ay mar wada kacaameen iyo dadka uu kasoo jeedo ama meeha uu kasoo jeedo oo mar qura si isku mid ah looga barto Sheikh Cabdiqaadir Jeylaani iyo Eebbaha koonka abuuray. Abshir gabayadiisa oo intooda badan daarnaa dhinaca diinta iyo daacinimadda, wuxuu sidoo kale ka gabyay akhlaaqda bulsheed ee aan cidii ku ciyaartaa naftayda un ku ekaanayn ee saamayn taban bulshada ku ah (iska ilaaliya fidnada aan saamaynayn kuwiina sameeyay qura....suuratu Anfaal, aayada 25-aad), wuxuu aad u booriyay in la adkeeyo duljoogtayna bulsho ee diin, dhaqan iyo dowladnnimo.
Abshir wuxuu aad ugu caan baxay gabayada gaagaaban, nuxurka iyo macnaha ay sidaana dhumucdoodu dhayal lahayn, lana xifdin ogyahay. Gabay kamid ah kuwa uu dariiqooyinka quraafiga ee Soomaaliya ka jira uu kaga hadlay oo aan hoos idinku tusi doono, waxa uu door bidaaya halkii uu isaga oo mutaxan cullimada dariiqooyinka quraafiga ah la harjadi lahaa in uu bal bulshada u daayo halka la saxan oo ay tahay in Illahay waynayntiisa loo daayo ama laga barto. Abshir wuxuu soo tabinayaa dood saxan oo ay ahayd in si cilmiyaysan looga soo baxo ama isaga loogu raaco, inta aynaan gabaygaas isbarbardhiga ah soo gudbin aan isla fiirino beydadka uu bulshada ku leeyahay "ninkii isaga madaxiisa raajin waayay, sidee uu aniga isaga oo dhintay ii caawiyaa?!, bal idinka ma idiin cuntamaysaa aniga waa i cuntami waydaydee", isaga oo ka hadlaaya siyaarada qabuuraha dhibaatada looga ashtakoodo ama deeqda loo jarriyo wuxuuna soo jeedinayaa oo uu leeyahay
""Nimayahoow waxaan la cajabayee ii cuntami waayay
Markuu caafimaad qabay ninkii cunayay maalkeena
Oo cudur ku dhacay iyo xannuun caafin kari waayay
Markaan calal ku duuduubayoon, ciida hoos geliyay
Siduu aniga ii caawiyaa ii cuntami wayday"
Sawirka abwaan Abshir Bacadle.
Markuu intaas soo jeediyo ayuu haddana waxa uu isbarbardhig u sameynayaa oo matalayaa labo qofood oo midna salafi Eebbe un aaminsanyahay midna quraafi meel Eebbe iyo dadka u dhaxayso taaganyahay, wuxuu abwaanku ku doodayaa in si aad u fahantid sax ama qalad ay wanaagsantahay inaan dhagaysatid, markaana meel ku tawakashid. Jilaayaasha waa Salafi iyo quraafi, mid walba oo iyaga kamid ah waxa uu gabayga kusoo xerayaa beydad Shirib ah, wuxuu leeyahay;
Salafi: abidkeed muggeey qalantahoo, qollo agoontowdo
Qosolkiinu wa daranyahoo waad qadarasiinee
Qurbaan awliyaadaa jirraad qiil ka dhigatiine
Qabuuraha loo dirtaa qaaba dhabatiinee
Arooy dalabka quruxsada arsaaq waa naloo qorayee
Shirib; Ma qaadirkaan ka quusanaa
Asaan qabri u qeeshanaa
Quraafi: ijaasada muggaad qaadatoo lagu qaliifaayay
Qurbaankeena waad cuni jirtiyo qarafadeeniiye
Muggaad xeero qori lihi lahayd walax kusoo qooya
Kurbin qaac garuujeena aad qabac kasiinaysay
Qarsin iyo fandhaal waxaad qaado jabihaysay
Qandigii madoobaana aad hilib ku qaadaysay
Amaad qararamsaysaa la rabay inaad ka qooqdaaye
Qaajadu muggeey kaa hartoo kula qaraaraaday
Qumayoodhinkiyaa ku helay nama qilaafteene
Qashqashaada iga deey ma rabo qeylo iyo doode
Ama magaca aan kaa qoro qolodi kuu dhiibo (Sirdoonki xilligaas)
Qol xunoo waxa jira bidcada lagu qamiirshaaye
Muggeey edeb ku qaataana waa layska qumiyaa.
Shirib: muggaad qurbaan qashqashteen
Qaranku maydin qabqabteen
Waxyaalaha lagu xasuusto abwaanka weliba saaxiibadiisa ganacsiga iyo masaakiintii suuqa Bakaaraha waxaa kamid ah inuu dabeecad iyo dadnimo kula noolaa. Waxa uu lacago boqol kun Sh.S ah ka aruurin jirray ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxaa suuqa subax walba imaan jirray hooyooyin masaakiin ah oo halkaas ka xammaalan jirray; waxa ay wadan jirreen dambiilo waxa ayna alaabta u qaadi jirreen dadka wax ka iibsada Suuqa ilaa bosteejada baabuurta laga raro. Galabki marka gabaldhaca la joogo oo ay hooyooyinkaas caraabayaan ayuu abwaanka lacagtii uu soo aruuriyay iyaga oo dambiilahooda dusha ku sita ogaal iyo filashona lahayn lacagta ugu ridridi jirray inyada gadaashooda socdo. Dadkii ay isla ganacsan jirreen waxa ay dhammaantood qirsanyihiin wanaagsanaanta iyo daacadnimada abwaanka. Waxa uu qeyb ka noqday dadkii u istaagay samafalka iyo caawinta dadka masaakiinta ah. Mar abwaanka la waydiiyay inuu bal u gabyay hey'adaha samafalka, waxa uu sheegay hadal u dhigmay "uma gabyin umana gabyi rabo Eebbe haka abaal mariyo, waxaan ka cabsaday in dadku is dhahaan abwaanka xooggoo ayaa lasiiyay". Waxa uu ahaa Eebbe ha u naxariistee qof ku dareen ah dadkiisa, daw toosintoodana u darban.
Xilligii Kacaanku wadanka haystay, kama uusan mid ahayn abwaannaddii firfircoonaa ee sida tooska ah u mucaarriday taliskii MSBarre walow uu dhanka diinta wax ka dhihi jirray. Dhawr mar baa lagu eedeeyay gabayo uusan asiga tirin balse mar dambe ayaa la xeray, afar bilood buu ku xernaa xabsiga Hangash ee Nabbadsuggidda kadibna Gaalshire ayaa loo gudbiyay oo lix bilood iyo toddobo casho ku xernaa. Waxaa loo xeray gabay uu u tiriyay Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe, oo ahaan jirey wasiirka arrimaha diinta ee dowladda Maxamed Siyaad Barre, oo lagu eedeeyay inuu dhibaato u gaystay gabdhaha xijaabka xeran ee asturan qaarkood iyo dhilinyarada waddaadada ah sida uu abwaanku qabo. Sheikh Maxamed waxa uu kamid ahaa sida abwaanku xitaa qirsanyahay tahayna culimadii waa waynayd ee kaalinta ku lahaa faafida iyo barashada diinta, Dad aad u badan ayaa ka aflaxay tafsiirkii Qur’aanka Kariimka ee uu Masaajidka Siigaale ee Xaaji Ibraahim Uunlaaye, naxariis janno Eebbe ha siiye. Gabaygaan abwaanka lagu xeray beydadkiisa qaar kamid ah waa habaar uu kala dul dhacaayo sheikha, mana wanaagsanayn in sidaas wax lagu saxo asluubta suugaantuna kuma saxna in caay, aflagaado iyo habaar la murtiyeeyo, waxaase dhihi karnaa gabaygaan oo xilligiisu yahay horraantii Sideetamaadki in aragtiyaha firqooyinka diintu sidaas u kala fogaayeen, oo ay seeftu isugu aslanayd. Gabayga magaciisu waa 'MA QADDARISAY SHEEKHOOW', isaga oo aan dhammaystirnayn waa kan:
"Wadaadkaa markaa qabatid iyo qolada taageerta
Qasadkaygi waan kaa hayaa qaaliga ahaaye
Siigaale waaguu qabsadey kana qudbeynaayey
Qalbigaan ka taageeri jirey qaybka ma’ogeyne
Nin qabiil ku haaraamay baan qaadacoon jaraye
Waxaan ugu qidmeyn jirey inuu qiimo leeyahay
Quraankii Rabbigey waa ka tiray qaaliga ahaaye
Qalbigiisa waa laga masaxay qowl Ilaah yiriye
Qayliyo sawaxan buu beryahan qaaqda la hayaaye
Wadaadyahow gabdhaha qaawan baad qayb ku leedahaye
Nin qamiis u tolayoo asturay qaran ma ceebeyne
Qasadkaaga waan garanayaa qiiqu dabayaale
War hooy boogta qolofaysatiyo qurunki daawoobey
Qodqodkeeda naga daa marbey qaranku aaseene
Maraadse qoomamaysaba haddaad qalinka haysaaye
Ma qaddarisey Sheekhow dunida qaalmo rogodkeeda!
Haddii laba qabiil dirirto oo qolo la naafeeyo
Maatida raggii laga qashaa nabad ma qaataane
Muxsinaadka aad qaawisaye qadaftayeed cayday
Qarni dabadi hay gaadho ama bilahan qaarkoode
Inshaa Allaahu saan kuugu qoray waa laguu qabane
Qaaxadu dawey leedahoo kuuma soo qabane
Rabbi cuduro laga quustayoo qaraxa kuu keenye!
Qobku kaa dhac oo soo qayaxan hilibka qayriine
Qalal iyo qalbi la’aan Rabbigey qoorta kuu geliye
Qabrigoodan gelin naar dhadhami dunida qaarkeeda
Qalbigaaga maal iyo xinjiri ha isku qooshmeene
Qofna kaama haro kii sunnaha qaata mooyaane!"
Markii la xeray abwaanku intii Xabsiga ku jirray dhawr gabay oo gaagaaban buu mariyay, markii koobaadba uu meesha tagay faa'iidada uu ka helay waxa uu ku sheegay in maxaabiistu kamid ahaanyeen dad aan dadkooda loo ogolayn, maalinka oo idilka labo Rooti qalayl ah lasiiyo, markii uu isaga soo galayna waxa loo keeno ay la cuni jirreen mar uu ka gabyayayna waxa uu yiri;
"Qabri maaha jeelkuye muddaa kagu qariifaaye
Qamta igu rid kuwa qubani waa aniga qeyrkeeyee
Illaahay wuxuu ii qadaray, qaanic baan ahaye
Raggaa furinka qooshanahaya hayla quuteene"
Mar dambe oo uu jeelka xooggaa ku jiro ayaa waxaa meesha ku gashay Injir, iyadana waa ka gabyay oo waxa uu yiri;
"Abidkeey Injiri iguma socon ima saameyne
Soddon sanniyo dheeraada ma arag saxar dusheydaahe
Sadkay igu lahayd bay heshoo sahal ku goynmayso"
Gabaygii ugu dambeeyay ee uu inta uusan soo bixin tiriyay waxa uu usoo dhiibay igaar Kaahin ka dhahaayay oo markaas xabsiga laga sii deeyay, waxa abwaanku ku andacoonayaa in xabsigiisa ay tolkiisa ka shaqeeyeen maadaama masaa'il diini ah ay isu hayeen, gabaygaana waxa uu ku leeyahay;
"Wiilyahoow haddii Eebbaheey irridka kaa daayo
Koleey reer adoogeey wax baad ka arki doontaaye
Abshir Bacadle weli ma ogolaanin shiikhiini dheh
Iimaanka jeelkuu lahaa kuna af dheeraa dheh
Aanu laylku galaa ku ijtahaadaa dheh
Ismullaah calamkuu qabtaa oogta waaberi dheh
Illaahiisa mooyee cid kale uma arkoonayn dheh
Oo waa ogsoonyahay waxaad ku andacooteen dheh
Insha Allaahu ubaxiina waa la arki doonaa dheh"
-Cumar Dheemow
-23. Feb. 2022
Sooyaalka iyo Suugaanta Laashin Axmedeey C Gaashaan.
Axmadeey Cabdi Gaashaan, laashin, maansoyahan iyo kaadir kamid ah kuwa bilay fanka Banaadiriga. Axmadeey waxuu ku dhashay tuulada Cumar Beere oo ka tirsan degmadda Afgooye oo ah degmo aad caan ugu ah ciyaaro dhaqameedka reer Banaadiriga, sida; Dabshid, Sayle, Saracdheere, Walawalay, Gableey Shimbir, iyo kuwo kale. Axmadeey sida sunnada waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, wuxuu dhigtay dugsi Quraan, dugsi Quraanka oo uu sagaal jir ku dhammeeyay ayaa u sahashay in uu xilli hore xer noqdo, isaga oo dhawr kitaab oo dhidib u ah barashada diinta sidaas ku marsaday.
Reer Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan waxay leeyihiin dhaqan baasaysi iyo quraafaad isugu jiro oo ay la wadaagaan inta badan degaanada Soomaaliyeed sida aan hoos kaga arki doono riwaayaddaha laashinku sameeyay iyo magacyada loo xambaariyay qaar ka mid ah. Dabshidka kahor Afgooye waxaa ka jirtay dhaqan goommaar ah, oo la goommaaraayo ama la ceebaynayo gabadhii sannadkaas wacel dhashay, ardaygii waxbarashada ku xumaado, qofkii tuugnimo lagu qabto isaga oo beer jabsanaayo iyo qof walba oo sannadkaas qalad muuqdo galo. Dhaqankaan wuxuu diirada saarayay in qofka qaladkiisa garawsado, ceebta qaato mar dambena qalad kaas lamid ah uu galin, inta badana dhif ayay ahayd qof la goommaaray in mar kale qalad heer goommaar [dhaleeco] gaarsiisan galo. Cida wax goommaarayso waxay ahaayeen laashinnada degaanka oo uu Axmadeey kamid yahay, meel facshir ah oo ay dadku buuxaan, halkaas oo aan ka fahmi karno heerka afmaalku ama laashinku reer Afgooye ka joogo.
Sawirka laashin Axmedeey.
Hal'abuurka Axmadeey wuxuu kasoo bilaawday noloshaas ciyaaraha iyo afmaalku heerka sare ka joogo. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ciyaarahaas wax ka dheeli jiray, waxaa ciyaaryahannimada u raacday laashinimo uu erayo ku laro ciyaarta walow aabihiis iyo isaga hardan hibo wado iyo harowsi waalid dhex maray. Aabihiis wuxuu ku dhihi jiray "ushaada qaado, haddaa ciyaar iyo goleheedaba tagtid waa is dilaynaa", hooyadiis ayaase hibadiisa kala shaqayn jirtay oo dhihi jirtay "ilbaabka ma xeraayi, oodoo yaraa soo saara aayar iska soo feed marka soo galaysid yaan lagu ogaanin". Ciyaaraha uu dhuumashada ku bilaabay ee uu irridkooda kasoo iladay kabaha laashinimo waxaa kamid ahaa dabshidka oo uu mar mar erayo ku furi jiray. Waxaa ka mid ahaa erayadii uu ku furay mid ka mid ah dabshidyadii uu ka qayb galay, kuwa hoose;
"Allif waa la jiidaa
Aayad waa la koobaabaa
Inna-fatax, Arbaca bilowgeeda waaye
Iida iida u weyn aarafaa la yiraa
Iid yareey dabshid waaye
Iidda sunaadna ayaan jimco waaye
Ilaahey minoow ku ajalaayo, kuma ogeysiiyo,
Waxow kugu arsaaqaayo, kaama ood saaro,
Ajal meyd nimow ku dhicin, iil la geyn maayo,
Amarkiisa nimow soo ahaanin, eebo dili meyso,
Adduunyada waa urtooy udugtooy, laba irdood waaye,
Irridii eebbe kaa ridaa, laga abbaaraaba
Aakhiro abeesaa jirta, oo la mudo uur geel,
Afartan iyo afar baacoodaa, lagu ajiimay afkeeda,
Nimanaa abliis laga dhigayoo, oodan kaligooda,
Uurkeey ka wada ooyayaan, Afkey u addimeeyaane,
Ilaahow abliis hanaga dhigin, hana oodin kaligayno,
Ash-hadanka noogu aadi, haddii iilka loo jeedo,
Ul iyo eebo ma qaato, ilaahey aadanoo kale maahin,
Abti iyo adeer ma qabo, eedo iyo aayo,
Isagey amarkiisa, oraxda noogu dhacdaaba, loo araarano maayo,
"Minaan ullo qaado, ay uleey imoodo
Ooyoow ma aqaani, waa leyga ordaa"
Fanka Banaadiriga waa ab'ogaa sooyaal fog leh, wuxuu ka koobnaa ciyaarahaas ay erayada ku lari jireen kaadiriin badan oo uu Axmadeey kamid ahaa. Sugaanta Banaadiriga malahan jiifto, waa gabay iyo Marjiib oo baddelka jiifto ugu jirto suugaanta Banaadiriga. Waxaa kamid ah Marjiibta, beydadkaan hoose.
"Aduunyo arkaysid Kaa oroday kaa iilatay looma ooyo
Eebbahayga hadoo iraadeeye Aqalkaaga hasoo abaarto
Gabartoo Golgalaale ii joogto Oo Goobwayn ka adeeganayso
Gammuunba halaygu gaadgaadee Guurkeeda kama geed galaayi"
Suugaanta Koonfur ama Banaadiriga waxaa lagu bilaa dhulka iyo deegaanka taas oo malaha muujinayso heerka dhul jacayl ee beeralaydu qabaan. Marka gabar la ammaanayo, waxaa carabka lagu dhiftaa degaanka abkeed iyo abootadeed kasoo jeedaan si ammaan isku gunnadan loogu huwiyo gabarta iyo degaanka ay kasoo jeedaba. Waxaa ka mid ah sugaantaas, beydadkaan hoose;
"Balcad yare iyo balcad wayne
Buurbuurka bishaaro qaboob
Baliga Xaaji Abroone
Laanta Baawe Xasan Kuulow
Beerihi abkaaga waaye"
"Guf cadeey gaada sameey
Minoow geela beelo, ma gaada beele
Ina gasloow ma dile, Gu'aale geed geliye
Gacanta dhiig leh, Geela ku maale gabadhiisiyeey
Goobta maasoo gashid, Gaar maxaa u joogtaa."
gamboole iyo, Godgodka biyo neef
Ceelka ku yaal, Carada gogol ma doonto
Xerada giiroow ma hureen, Laanta garaarta lahayd
Guti lama gutiile, Gal aw ukun
intii lagu geeyo, Geela ku maaloow gabadhiisiyeey
Goobta maa soo gashid, gaar maxaa u joogtaa"
Fanka banaadiriga, afar fac camal baa ka horeysay laashin Axmadeey. fankaan oo markiisii hore ciyaarahaas iyo erayada laashimiinta gole-ka-fuulaan ku koobnaa, magaalkana aan aad usoo galin wuxuu kasoo bilaawday kacdoon bulsho oo ay horseed u ahaayeen laashimiin reer Banaadir ah. Kontameeyadi waxaa Xamar qayb ka mid ah deganaa Hindi, kuwaasoo keeni jiray filimaan, ciyaaro iyo heeso Hindi ah iyaga oo dadka ku casuumayo masrixiyadoodaas. Abwaano ay kamid ahaayeen Aways Geedoow Diinle, iikar sheekh caliyoow iyo cali maliixaan baa hoggaan u noqday kacdoonkaas bulsheed oo ujeedkiisu ahaa in aan la dhaqan doorinin dadka Banaadiriga ah, baddelka filimadaas loo hindiso Riwaayado af iyo dhaqanba iyaga iska dhex arkayaan. Riwaayadihi ugu horeeyay waxaa kamid ahaa Daadoow iyo Dal Nuuris, ha i sheeg sheegin, sadkaaga saaxir kaama reebo, ikk. Sidii hindida ayaa masrixayadahaan loo samaynayay, waxaa kala gedisnaa un ciyaaraha iyo heesaha meesha lasoo bandhigayo. Heesihi ruwaayahdaas caanka noqday ku jiray, siiba "Daadoow iyo Dal Nuuris" oo uu sameeyay laashin Aways Geedoow Diinle oo ay luuqda ku la lareen ustaad Axmed Naaji Sacad iyo Caasho Cabdoow waxaa erayadeeda kamid ahaa;
Axmed Naaji: "Madaxaaga waayee
Meeha wixii i keenee
Ha i moodin
waa kusoo Maagee"
"Duqa waa taqaanee
Deeq badanaas rabaayee
Dahab aas dambiil
ku qaadaaye
Daf inaan ku siiyo
Duurkaan kuula aadaa
Adna daawadaydi
Daadooyeey"
Caasho: "Duqa ii darnaayee
Maan u dilaa Daraadaa
Duco maan habaar
Ka doortaayee
Dayo meel kaleetee
Deeq badan kaa baxaynin
Kuma daalihayso daadooye"
Noloshiisa magaalka waxay bilaabatay markii qaar kamid ah laashimadii Xamar joogay soo dalbadeen isaga iyo kooxdiisa si ay uga qayb noqdaan aroos Xamar ka dhacaayay. Ciyaar Hurdo-diid la dhaho ayuu halkaas kaga qayb galay. Waa lays maro saarayay laashimiintii iyo bulshadii fiirsanaysay ayaa la dhacay hab masrixiyaydkiisa iyo erayadiisaba. Erayadii uu arooskaas ka mariyay waxaa kamid ahaa:
"Marta meerto aduunyadaan ku maqlaayay
Meel walbaa la maraa,
Ma tagaa ma joogaa
Magriga bilcaameed waaye
Maantii maantaa ka roon
Maahmaahda ilmeed waaye
Mooyga webiga iyo maanyada
hadday isla macaadaan
Mardaboolahaa jiro
Oo maslaxo diidaayo
Maleeleey macaaneey
Malaas wayntii miyaa
Midii maalin iyo cawo
Murugadeeda i haysi miyaa
Ma arkaysidaa islahaayee
Macaaneey Ma iska miirnayd
Anigoo maxbuus ku jiro
Masruuf inay keento
Maro wayn isiisooyeey
Mirihii jannaad tahay
Yaan kula masaalaa
Mambaay iyo Mareekan
Moosko iyo Roomo
Amaan kula muraadaa
Mayamaya haddaad i tiraahdidoo
Muddada beenaysid
War Murugo iima dhinnee
Muslin Allaha ii yeelo
Maalintaan waxaan ku ahay
Malag kusoo maagay
Adigoon maqsuud ii ahayn
Meel ku geeyi maayo
Maqbiyo haddaan kaa dhigo oo
Mininka dhaafaynin
Makaan wayn haddaan kuu dhiso
Oo meel fiican kuu yeelo
Wixii maal aduunyo aan qabo
haddaan midigta kaa saaro
Martidii madaxaada ku timaad
haddaan malab ku sooryeeyo"
Dadkii madasha joogay baa sacab la istaagay, laashimiinti soo dalbaday baa maro saaray oo "bas ka dheh" dhahay, kadibna tashkiiliyay oo ku qanciyay si uu Xamar u sii joogo. Axmadeey sidaas buu reer magaal tuulada Xamar kaga soo xarooday ku noqday. Intii uu Xamar joogay shaqooyin kala duwan oo xirfadiisa buu Xamar ku joogay, wuxuu harqaanle ka noqday mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Booliiska Soomaaliya, halkaas oo uu kasoo saaran jiray noloshiisa caadiga ah dhanka kalena uu ciyaarihii iyo laashinimadii meesheeda kasii waday isaga oo aroosyada kaga qayb gali jiray ciyaaraha iyo luuqda laashinimadiisa lajirka kooxdiisa ciyaaraha. Axmadeey intii uu tuulada joogay laashimiin baa soo gacan qabtay kuwaas oo bilaawga laashinnimadiisa bareyaal ka ahaa, waxaa ka mid ah; Laashin Guunloow, Yuusuf Diinle iyo Hiraabey Gacale.
Barnaamijkii Heesaha Hirgalay ee la qabtay 1970 ayuu maqlay, iyada oo ay ku dhiirogeliyeen ka qayb galkiisa ciiddamadii booliska ee uu saldhigooda hargaanlaha ka ahaa. Markii uu tabaabushaystay ee uu tagay xarunta nin Samadi la dhaho oo ree Waaberi ay isla ahaayeen bay is arkeen. Markii ay is waraysteen buu dhahay "haye laashin Axmadeey, maxaad sidaa", "hees aan wataa" aas yiri oo mirahee ka mid yihiin
"udkoon badaneey ii imaaw" oo ay gabadhu dhahayso
"makuu imaanaayi
Waa ku arkay
waa ku caashaqaad waadaa". Samadi ayaa kula taliyay, haddii uu waa heesaa dhaho in meeshaas Fannaaniin waa wayn oo ay Cabditahliil, Cumar Nuur Cabdulle, Cabduqaadir Nageeye ikk. Wuxuu ku dhahay "laashinnimadaadii aaway? Shareeradaadi soo qaado, Hurdo-diidkaaga la imaaw meehaan". Guddiga barnaamijka waxay ahaayeen Eebbe ha u wada naxariistee Maxamed Cali Kaariye, Cusmaan Aadan Askari, Cumar Alteesto iyo Sheegoow. Markaas waxaa la jeclaa oo warkiisa bulshada dhagaysan kartay ninka toorrada iyo ammaanaayo Kacaankii luggooyo ee uu calanka u siday Gen. Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu soo qaatay shareeradiisa, wuxuuna soo watay kooxdiisa ciyaarta sidaas ayuuna kaga qayb galay. Erayadii uu kaga qayb qaatay waxaa ka mid ahaa;
"Qof walboow tartiib u soco Tuko salaadaada
Tuug iyo dibutaati waa la xeray wixii soomaali ku taagnaa
Tobankii sanoo horo raggii talada noo haayi
Tumasho ay na tuseen iyo tugis la dheelaayo
Shacabka tabcaan ay ka dhigeen waxba uma taraynin
Calankaan wadankeena ka taaganoo hawada taabaayo
Tariiqid ay ka rabeen ooy dhulka ku tuuraan
Tooradaa mahadsanee taladeeda aan yeelno"
Markii heesaha hirgalay dhammaadeen ayay is arkeen Qaasim Hilowle, Cali Maliixaan iyo Macalin Abgaal Siciid Riyaale Eebbe ha u wada naxariistee. Waxay ku dhaheen "Ex fiyoore ayaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Benaadiriga lagu tumooyaa habeenki ee noo imaaw". Habeenkii madashaas ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayuu ka qayb gali jiray. Waxaa kormeer ugu yimid Gen. Ismaaciil Cali Abuukar iyo Gen. Muuse Rubiino Good oo ka socday kacaanka sidaasna waxaa ugu soo biiray dawladda. Markaas baa ciyaarihii Soomaalida lagu soo wada biiriyay, oo barnaamijga waa la wayneeyay. waxaa lays wada xafidsiiyay ciyaarihii oo qofka Waqooyi ka yimid waxaa la baray Aw Batiiqoow, Sayle, kabeebeey ikk halka reer Benaadiriga la baray Saylici, Dhaanto, ikk. Ka dib waxaa agaasime looga dhigay Danjire Yuusuf Xaaji Aadan. Waxaa la aaday, tartan Keenya ka dhacaayay, axayna kasoo qaadeen bilad. Ka dib Xamar ayaa laga bilaabay ciyaaro ilaa wajaale oo magaalooyinka waa wayn dhan waa la marsiiyay ciyaarihii. Ka dib suudaan, Jarmalka, Nayjeeriya ayaa la aaday oo ay billado ciyaaraha dhaqanka ah kasoo qaadeen.
Riwaayadaha uu Axmadeey hindisay waa labo heer, qaar sheekada iyo erayada ayuu isaga leeyahay halka kuwo kalena uu kaliya erayada lahaa iyada oo sheekada qof kale sameeyay. Markii ugu horeysay ee uu riwaayad samayn gacan qaaday waxaa ku dhiirogeliyay ustaad Axmed Naaji Sacad, Isaga oo u keenay riwaayay la dhaho "jacayl faqiir galay ma fududa" oo uu sheekada isagu sameeyay wuxuuna ka codsaday inuu erayada u sameeyo sheekada ruwaayadaan. Riwaayadaha Banaadiriga heesahooda waa gaagaabanyihiin sababta oo ah laxanka ayaa ka horeeyo erayada sidaas baa laxanku u jaangoynayaa dhirirka erayada.
1974 Axmadeey oo degan Marko Cadeey ayaa waxa uu ku arkay labo gabdhood oo walaalo ah haddana muuqaalka aan kala dhicin, magacyadooduna Luul iyo Laylo la dhaho. wuxuu hees ay ku luqeeyeenu Abuukar Al Camaari oo hore u qaaday iyo Muunye oo hadda qaado. Waxaa kamid ahaa erayadeeda;
"Mana kala liitaan
Laafyadoodaha hal waaye
Lixaadkooda ma dhinna
Ludna isma dheera
Waa liin iyo canab
Lun kasoo baxayee
Aniga teen u leexdaa
Oon laacaa
Labo walaalaan isla jeclaaday
Luul iyo laylaa lakala yiraahaa
Ar layla lur ma igu haysee
Laakiin luulaa i laab kicisay
Haddaan nasiib leeyahay
Liibaan iyo calaf
Luul yaa luul Allahayoow luul"
Isaga oo heestaas sameeyay baa waxaa u yimid Muxudiin Xaaji oo riwaayad erayo u rabo. Riwaayad ku saabsan laba gabdhood oo walaala ah oo la kala dhaho "Luul iyo Laylo" waa heestii uu samaystay oo ruwaayad ah. Faadumo Qaasim iyaa ka qayb noqdeen, waa ruwaayadii ay Aways Khamiis, Faynuus Sheekh Daahir, Aw Kuukuu, iyo xitaa laashin Axmadeey lagu bartay. Sidoo kale "u samir ama ka samir" ayuu erayada saaray oo uu sameeyay Cabdiqaadir Nuuraani. Waxaa ka mid ahaa erayadaas;
"Sidii faro moos
ama fiid cambe
Waa kuugu faanaa
Meel fagaaro haddaan tago
faaladaa ma dhigaayo
Fikirkaan dhaafee
faraxleey faceed ka roon
waa kuu fayoobahay"
Intaas ka dib isaga wuxuu aad u fahmay riwaayad samaynta, waxaa xigtay oo uu sameeyay dhammaanteed "cudur iyo caashaq keebaa culus". qaaxada waa laysku tuuri jiray waaggii hore. Nin dameer wato oo tuuladooda ka baxay [Cumar Beere] si uu qoryo usoo gurto ayaa arkay naag in xero loo oday looga dhex tagay oo dadkeedi ka guureen. Duudkiisa ayuu kusoo qaaday, wuxuu keenay isbitaalka Afgooye waa la daaweeyay. Muddo ka dib markii ay caafimaaday ayuu tuuladeedi ku celin maagay, iyada ayaa diiday oo ka codsaday inuu guursado oo ay ilmo u dhasho. Sidaas waxaa dhismay reer caafimaad daro caashaq ku dhaafay.
Riwaayadaha kale ee uu sameeyay laashinka waxaa kamid ah;
-guur waa nasiib ee gacalka ha boobin [1978]
-Shan iyo tobankii Shumeey,
-Warbixintii jacaylka [1981],
-libintii guurkayga libaaxaa liqay [1983],
-Shamaala yaa sheegan karo,
-Galladii jacaylka adigaa gudan wayay[1985],
-kibirkii beertaa, karfan saaray jacaylka [1987].
-shan u yar ha ii sheegin. dadka xeebaha dago Caddale xageeda waxay dhahaan "bisha shabcaan sharteeda, shan Jimcaale deyreed iyo shan u yar inan hableed saddexdaasba shaafiintaa laga akhristaa" oo ah quraafaad ay aminsanaayeen in haddii shan gabdhood isku xigsadaan mida ugu yar shar tahay iyo dhibaato reerka kusoo korortay.
- iyo "Warbixintii jacaylka" oo aan sugaanteeda faaqidi doono.
"Warbixintii jacaylka" waxaa lagu daahfuray Hargaysa, nuxurkeeduna waa Qudbosireedka. Sideetameeyadii hoos baa layska nikaaxsan jiray [qudbosiro]. Wiil iyo gabar baa is mahersaday, gabadhi uur ayay yeelatay ninkiina carabaha ayuu iska aaday. Gabarta Walaalkeed bay la nooshahay, marka waxaa lagu sheegay in ay wecel sido "aduunyo ceebaa laga baqaa, aakhirana cadaab". Walaalkeed wuu dayrinayaa ka dibna Kenya ay iska aadee, meesha ayayna wiil ku dhalee. Wiilki baa soo laabanaya oo abtigiis is baranaya. Gabar uu abtigiis dhalay baa meesha joogto oo jeeb ahaan u wanaagsa. Waxay ku wargelinaysaa haddii in aanu niyadjabin haddii uu doonana ay dhoofinayso, haddii uu beecmushtarnimo rabana ay maalgelinayso. Markaas buu leeyahay wiilka;
"Dhul tariiqmay oo
toddobaatan baac
hoos u kala tagay....
bani-aadam ma toli karaa?.....maya
Labo toddobaad
Toban iyo afar beri
Nin tabaalaysnaa
Oo talaado toog wareeri
Arbaco masoo toosi karaa...maya
Ragga taako bi taako
Dunida ugu talaabsaday
Oo tagnaloojiyadooda
Dayaxa ooku tartamaayo
Inay tuula yaal ka dhisaan
Anigoo maanta ka tirsanaan lahaa
Adigaa tarkeetida iga soo tuuray
Tubtaan maanta isoo taagay
Tog dushiisa buur ku taal
Tunkeeda tayeeg ku yaalo
Guudkiisaad iga soo tuurtayoo
Webi baad tib igu siisay
Waad iga sii taraarixisayoo
Bad baad igu tiinbisay
Ee takoortaan igu taagan
Iyo xumaanta aan kaa tirsanaayo
Tabaheeda ma haysidee
Abwaanyaal tiirka aqoonta
Bal tartiibko u tag
hakula taliyaane
Haddii taas taatikaheeda
Iyo tabaheeda la waayo
Takoortoo kale igu taagan
Aan taladeeda kaa rabaa
Tagoogahayga dhammaantiisa
Cishqigaan ku talaalmay
Tuf iyo tahliil wax ka tareenin
Taqtarkiisa adigu tahay
Tartiib ma iiga daawayn kartaa"
markaaseey gabrtina leedahay;
"Taariikhda weligeeda
Tagto iyo timaado waaye
Tirada sannadyaalka
tomon iyo labo bilood waaye
Toddobada asbuuc iyo
Waqtigaa daba taagan
Kal ayaan aduunyada inay tahay
Quraankaay ku taalaa
Ninkii maanta tabaalaysan baa
Beri taajir noqonaayo
Ee tilmaantayda garo
Tikid iyo baasaboor
Adiga meel walba ku tagi lahayd
Taamaan kaaga soo dhigay
Taksigii jacaylkaan ku saaraa
Taraafiko aan ganaaxaynin
Ee tilmaantayda garo
Jarrada tug, tan anaa dagay
Tan kale u talaabso
Tii Moogoow tay dheh
Ninba tii ku fadhiyaa tay dheh"
Markale wuxuu dhahayaa;
"Aduunyadaan laqdabada badanoo, lillaahidii ku yaraatay
Aduunyadaan anaa kaa laxaad wayn, laysku laaynaayo
Aduunyadaan labadii wadaay noqotay, laakiin u dhaxayso
Lurkeed ma yaree lacala macaaneey
haddii lisaan been laguu keeno
Amaad iga leexataahoo, anna luxud i gaysaa
Lo' iyo libaax isku laxaad maahinee
Labaalihiin dagnay haddii afarle lagu lifaaqo
Lixlaha nus..nus libinta jacaylkeena ha lahaadee"
heestaan ka dib guur buu ka dalbanayaa wayna ka aqbalee. Mahdi iyo Malayka oo ah wiilka iyo gabarta guurka ku heshiiyay, baa Mahdi wuxuu leeyahay; dh
"Ummad aa jirto oo
aduunka ku nool
Abadkood eed raadinaayo
Labadii isku uur eh waa ajaraane
ka ilaali ammuuraheena"
Mulki: "Afar guuto iyo abaanduulahood
Urursan aarmigooda haysto
Ma afgambin karaan arooskeena
Sidaan kuu ogolaadi waaye"
Intaa kadib Mahdi Mahdi gabarti buu aabaheeda ka doonayaa;
"Dheef waa haystaa iyo dhara g
Dhulkayga ka dhoofi maayo
Dhuubadii aad dhashaa
Dhabtii la dhacayee
Dhib la'aan abti
reer manoo dhistidoo"
Abitiga: "Dhab ahaan labadiina Waa dhalateen
Dhiig iyo dhuuxiisa lee tihiin
Haddaa isla dhacdeen
Dhammaysta aroos
Anna reer waa idiin dhisaa"
Islaanta abtiga ayaa maqlayso oo iyadana gabadha la rabtay wiil ay walaasheed dhashay. Markaasay leedahay;
"Wareegto waraabe soo qoray
Wigil soo bartay iyo wariiri
Weer aa warqad keenay waabtaan
Wargayska haddaan qoraa"
Mahdi: "Eedooy maxaa wargayska iigu qoree
Ma wadankaygaa wax u dhimay
Ma walaalkeeyaa wax yeeli
Ma fadeexadii watarkeed baan sameeyi"
Eedadii baa hor is taagayso guurkooda markaas buu Mahdi ciil gabyayaa;
"Yaaq aadan yabaal ku yaal iyo
Yicib oo la yaqaanaan ahaay yoonkii hore
Markii yartaas yada aan la heli waayay
Ayaan yuunbaday biyaha yaxaas maanyo ahaan
Yakahaan yaqiinsaday haddii baashi laga yeelay
Yoolyoolka maxaan orodkiisa yasay, yaayah yaabkaygaa yaab la yiraahdaa
Yanuun damac iyo yaaduun jacaylaan ula yaxyaxoo haayaa
Wadnahayga yabyabaa ka yeerayso
qalbigaygana yalam yalam
Ceelkii nabi Yuusuf yabadhaalenimada loogu riday
Ayaa anna laygu yudoohaayaa, yabaq geeriyaadkayga yeeraaye
Yaasiinka iyo tabaarak halii soo yabooho"
Islaan hooyadiis iyo aabihiisba tagaan baa waxay dhahaysaa;
"Aabahaaga waa la yaqaan,
laakiin yoonkiisa lama haayo
Hooyadaada yool aakhireey jirtaa
meel yar iyo wayn loo yururaayo
Adna yaabka iyo ciilka iska yareeye,
yeeri yeeri yam dheh
Aduunyada yeele iyo
la yeele aa ku nool
Yaxaas iyo nibiri, yaa akhii
iyo walaalkeeyaa laysku yeeraa
hoosna waa laysku yaambeynaa
Maal yatiin ninkii cunay
yeed xumaa u dambaysee
Yabaq oohinta iska dhaaf,
gadaal samaantii nabi Yuusufaa
yeelan doontaayee"
Isaga oo meel bannaan usoo baxay baa waxaaka daba imanaydo gabadhii Malayka ahayd, waxay leedahay;.
"Waagii baryaba waranaa taagan
Weligeed aduunyada wareer kama dhama dhammaanaayo
Labadii wacad gashaaba Xaasidaa kala weecinaayo
Wallaahi waa dhaare Wecel iyo wuxuush
Wax kasto lagu yiraahdo Kaama waabanaayee
Waajibkaygaa gudanaaWanaag iyo galgacaylaan Laabta kuugu haayaa
Wehelkii naftaydow Waanwaanta iga qaadee
Webigii jacaylka kaalay ila waraab"
Mahdi: "Wabiga iyo warta
Waadiga iyo biyahiisa
Iyo ceelasha wayeer
Adiga lee isla waraab
Anna wariiri ahaan
Ama waraabe sidiisa
Waabtayda god waaye
Waandoowaa la deris ahay
Wax ma garte ma ihi
Laakiin waqtigaa igu jiifo
Waywaydii shalay
Iyo waawareyda maanta
Waabayda laygu qasaayo
Wareerkii jacaylkaaga
Oo wecel laygu dhahaayo"
Ka dib Waa uu isaga baxayaa magaalada Malayka lopgu diiday; Markaaseey leedahay.
"Dhul abaareed Aan dhalaalaynin
Iyo dhabo duur ahoo Dhudhumaayo
Anigaa kusoo dheentay Dhati iyo dhuur dhexdooda
Oo good ku dhalaayo Bisha iigu dhacday
Caashaqaan i dhaawacayoo Dhibaatadiisa igu raagtay
Midki ila dhaqaalayn lahaa Hadduu dhabahaan igu dhaafay
Ha dhaco jacaylka ha dhaco"
Markaaseey reer Hargaysana dhahayaa "ha dhaco Kacaanku ha dhaco". dadwaynuhu waxay riwaayada u bixiyeen "xorriyaddii reer Banaadiriga". Riwaayadaas ka dib cabdiqays baa u yimid oo ku dhahay " suugaanta aad ruwaayadaan gelisay, anigiyo Hadraawi ma gelino oo weligeen waa nala xeraa. Dawlada afkaaga ma fahmaysee iska wado." Intaa ka dib Warqadiyaa waxaa ka qaadayso nabadsugida. Xasan Aadoow oo hargaysa badal ku joogay iyo Maxamud Diirshi oo agaasime ka ahaa tiyaatarka hargaysa ayaa waraaqadi u raadiyay iyaga oo kacaanka ku qanciyay in Axmadeey reer Dhoobeey yahay, tolkiisuna siyaasada ku jirin wax kacaan lid ku ahna dhankiisa laga filaynin, haddii ay xiraan bulshadu dhahayaan "waa wixii tawrada laga sheegayay, in ay dadka iska xirxirtaan". Warqadi waa lasoo siiyay Way keeneen. Waxay ku dhaheen Markaasay "yakahaan yaqiinsaday Haddii baashi laha yeelay" maxaa kuu gaystay, yakaha fara dheere aaba isku haysatee. Maalinti wixii dadka reer dhoobayda ah ee Hargaysa shaqada u taga, waxay u bixiyeen Axmadeey, aad bayna u hirgashay riwaayadaas.
Suugaanta Axmadeey intii aan ka qoray afkiisa iyo intii aan helay iyaga oo qoran baan kusoo gebagabaynaynaa sooyaalka iyo suugaanta Axmadeey oo aan maqaal lagu koobi karin.
1- Riwaayada "Xasuustaa ma xariirsho" ee uu dagaaladi ka sameeyay waxaa kamid ahaa beydadka hoose;
"Aduunyadaan tub dagaal noqotay iyo meel laysku tib laayo
Aduunyadaan tacabkii la nacay oo tuugnimada lagu faanaayo
Aduunyadaan toddobaatan jirkeeda nabada aan ka talinaynin
Aduunyadaan toman iyo shan jirkeeda dagaal loo tarbinaayo
Aduunyadaan tafaraaruqa badanoo tawfiiqdeeda laga guuray
Tahluukadeeda ma yaree noo toosi Alloow
Talluuneey dhulkaw ka kacaa cirkoow toobiyooyaa
Talo xumo ninkeedana waa tacab qasaaraa
Tilmaan waalid nin diidayna tahluukaa u dambayso
Ummaddii tawfiiq aan ogolayna tafaraaruqaa u dambeeyo
Ta'layda gabayga aan tilmaanteeda cadeeyee
Taway taag ii dhaha
Tuke caanaha nasiib waa uugu tagaa Haddana tartiib uu ku cabaayo malahan tafihiisuu ku daadshaa Tariinkii dawladnimada
toog gaabanaan tunkiisa ku fuulnay
Haddana tiirkii midnimada ma adkayninee qabyaaladaa naga soo tuurtay
Ee tusbaxaan naga kala go'ay Oo halba meel lagu tuuray
Sidii loo tixi lahaa Waddaniyay u taalaa
Maradaan naga tariiqantay Oo taako iyo dhudhun jeexan
Sidii loo toli lahaa Waddanigeey u taalaa
Ummaddaan kala tagtay Oo tobanba meel qaxooti u taagan
Tabtii laysugu keeni lahaa Waddanigeey u taalaa
Qarankaan la kala tuurayoo Boobkiis loo soo tartamaayo
Sidii loo toosin lahaa Waddanigeey u taalaa
Ee soomaaliyeey tasho Midnimo ku tasho
Tubtii nabada aan wada qaadno Walaalnimo aan ku tashano"
2- maansada "Mandeeq waxay tiri" oo uu ka sameeyay gabar uur leh, qurbaha joogto hilaw badana u qabto in ay Soomaaliya ku dhasho laakiin amni xumada darteed aan iman karin. Waxuu kaga waramayaa sooyaalki iyo dhibtoo dagaalada ay Maandeeq kala Soo kulantay qaxarkii Soomaaliya ka dhacay, waxay leedahay;
Matanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabadaan ku dhalaan rabaa
Miyigaan ku noolaan jiray
Xoolahaygaan maamulanaayay
Murugo iyo dhibaato maqabinoo
Nabadgalyaan ku mushaaxaayay
Mijin dheeraha geeleed Iyo
maarayda lo'aadaa
Maalin iyo habeen
Macdooda laysoo lisaayay
Masiibo colaadaa dhacday
Geelii muruqaa lagu qaatay
Dadkii qaar waa marteen
Qaarna waa kala maageen
Aniga iyo maamadeeyda
Macbuudka na maganshoo
Waan kasoo misaafurnay
Malageena masoo gelin
Maandeeq waxay tiri
Meel tuulo aan nimid
Oo macriifadeena ku nool
Mudulaa nala dajiyay
Moos beeraa naloo gooyay
Muruqeenaa maalow galnay
Misagada iyo galeey
markay noo bislaadee
Mooyaha kasha aan dul saaray
"Misaga cadeey
Inteen ku shubaa" [hees hawleed]
Haddana mashaqo colaadaa dhacday
Oo qabyaalad laysku marinaayo
Mudulkii waa la gubay
Misagadii waa la gubay
Maf iyo mafaa ka dhacday
Maroodi rah ku joogsaday
anigiyo maamadeeyda
Malageena masoo galin
Macbuudkaa na badbaadshoo
Waa kasoo musaafurnay
Meel magaalo aan imid
Oo makhluuqu u badanyahay
Maqaayaan ka shaqeyoow gaay
Muufadeedaan dubaayay
Maraqeedaan bisleeyaayay
Miro lacagaa laygu siinaayay
Mudo gaaban kadib
Masiibo colaadaa dhacday
Miino kaysku dhigaayo
Madaafiic laysku qarxinaayo
Maamadeeyda meehay ku dhimatay
Maandeeq waxay tiri
Waa kasoo musaafuray
Markabaan kasoo raacay
Maanyadaan soo maray
Makaan shisheeyaan imid
Mooro qaxootiyaa lay geeyay
Macaawinaa lay siiyow galay
Maay baraadar iyo
Guud moorninaa
Macneeyoow galay
Mudo gaaban kadib
Muruqeygaan ku shaqaystow galay
Makaanyahaan dhaqdhaqaayay
Miisaskaan tirtiraayay
Dhulkaan meeraayay
Miro lacagaa kaygu siinaayay
Maandeeq waxay tiri
Maalin maalmaha ka mid eh
Anoo suuqa maraayo
Muxudiinaan is aragnay
"Maandeeq maroontahaaw" yiri
Waa miiranahaan iri
Maandeeq waxay tiri
Muxudiin waa ii maansooday
"Cirkoo soo madoobaaday
Oo moosinkiis gaaray
Mir da'day iyo mayaay isku daray
Loo wada muxuboonaayo
Dhulka meel walbana
Cagaar kasoo maaxayoo
Mooyga ay doogsanaayaan
Midibkiisa aad leedahay
Madar soo hilaacaayo
Muuqaal dahableey
Hablaha mudantoodaay
Sida Miraha jannaad
Allaa muuna kuu yeelay
Naftayda kaama maarantee
Mahuraankeeda waa adiga
Inaan ku marwaystaan rabaa
Inaan ku mahersadaan rabaa
Macaaneey muraadkayga ii yeel"
Maandeeq waxay tiri
Mas'alo mas'alaa lagu furaa
Ma baahde Alle waaye
Ruuxii kusoo mutaysto
Muraadkiisa waa loo yeelaa
Waa is mahersanay
Marwo iyo raggeedaan noqonay
Waa lay maro saaray
Maasha Alle aadaan u maqsuudnay
Maandeeq waxay tiri
Mudo gaaban kadib
Marwo uur lahaan noqday
Mininkeeda aan dhaafaynin
Laakiin maalin iyo habeen
Markii aan hurdo seexdo
Maskaxdayda waxay ku riyootaa
"Muluq Soomaaliyeedaan ahay
Maamo maandeeqeey
Makaan shisheeye
maku dhalanaayi
Mirihii arladeeda
Malabka buuxay dhexdiisa
Mooskii daadka jiifay
Iyo madarkii Soomaali nagee
Meeshaan ku dhalanaa aniga"
Saasaan ku riyoonaayay tiri
Maandeeq waa murugootay
Maandeeq waxay tiri
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Reer Muqdishoow iyo
Mahuraanay hargaysa
Makaan burco iyo laascaano
Magaalada Garoowe
Iyo maanyo xigeenka Boosaaso
Mudug Gaalkacyood
Iyo magaalada Dhuusamareeb
Matabaan iyo baladwayne
Mahadaay iyo jawhar
Makaankii Xamar
Iyo maguurtada Afgooye
Mareereey iyo Cumar Beere
Mubaarak iyo aw dheegle
Meeshayni iyo jannaale
Marka cadeey minin aw usmaan
Mudun baraawe iyo jilib
Magaalada kismaayo
Maayo fuulka baydhabo jinnaay
Madhaayti iyo mooro gaabeey
Magaalada xudur iyo waajid
Madarki baladxaawo
Iyo magaalada garbahaareey
Mandheere iyo makaankii bu'aale
Ma is-hurtooyinka ku nool
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Macalimiinta mutacalimiinta
Mushayqiinta Mu'lifiinta
Madaxda duubabka
Mas'uul iyo shicib
Maalqabeen iyo muruqmaal
Moos beer falatooy
Madiidin xoolo jir
Mushtar iyo maanyo kaluumayste
Mataanaha Soomaaliyeedow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Midi midi ku taag iyo
Muran qabyaaladeed
Meel halayska dhigo
Mashruucaan colaadeed iyo
Anigaa kaa muruq wayn
Meel halayska dhigo
Mandaqa geeska africa
Madarka soomaali dhammaan
Meel nabad halaga dhigo
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
3- burburka reeraha qurbaha joogo oo uu dhawr mar la kulmay, oo ay ka mid noqdeen reerka saaxiibkiisa Cumar buu tixdaan u sameeyay si uu reerka marka inay midoobaan uga shaqeeyo. Iyadana wuxuu leeyahay Axmadeey;
"Caruurtii la dhalay iyo caradaa loo marti yahay
Cumaroow caruurta waa Caynaha doogooda iyo
Qalbiga caafimaadkiisa Waa caloosha farxadeeda iyo
Laabta ceeshkeeda
Cumaroow caruurtu waa geed
cusub kasoo baxayoo
Markuu cagaarto guudkiisa
Casir iyo duhur kulul
Caafimaad loo harsanaayo
Cumaroow caruurta waa
Gibil cadkaaga kasoo go'ayoo
Cabaar hadduu kaa maqanyahay
Caloosha ay tabaysoo
Cariiri aad daraymaysid
Cumaroow caruurta waa
Carrada siinadeeda iyo
Nimco caadilkayga na siiyayoo
Maanta adiga aad caawinaysid
Berina iyaga ay ku cayminaayaan
Caana daadiskood iyo
Ciyaaro boodboodkooda
Waa cida nuurkeeda iyo
Waalidka ceeshkiisa
Ma caajisaayo waalidkii
Ciyaarsiinaayo dhashiisa
Aamina cadeey boola
Caanaha labeentooda
Hilibkana cadiintiisa
Allah ya cisak Allah ya cimrak
Caadilkay haku dhaafo
Casir walba ugu duceenaayo
Ee hooyadii caloosha kusoo siday
Carriiriga ugu foolatayoo
Caanaheeda soo nuujisayaa
Ciso iyo sharaf wayn mudan
Iyagoon caqli aan lahaynoo
Cayayaanka cunaayo
Dabka ciribta gelinaayo
Hooyadii soo celcelihaysiyaa
Ciso iyo sharaf wayn mudan
Caafimaadka noloshooda iyo
Carbiska barbaarintooda
Cilmi barasho aqoontooda
Aabihii soo cartamaayiyee
Asna cisi iyo sharaf wayn mudan
Waa baytal canka buut
Gurigii caruur joogin
Cambuusan qamdhariiran
Iyo meel caro ay ka dhammaanaynin
Caddaadis fara badan iyo
Cagajuglayn halaga ilaalshee
Lama cannaantaa caanihi daadshay iyo
Cali waa lama taabtaan yay noqo
Aduunyada waa casri maanta
Caasi waalidayn yay noqonin
Inti cannaad iyo caburin aan ahayn
Haloogu caqli celiyo caruurta
Caaddada iyo dhaqanka suuban
Cilmiga iyo diinta barashadooda
Casir walba haloo caraabiyee
Mustaqbalkooda yaan lagu cayaarin
Colaadada kiciskeeda iyo
Camal shaydaan yaan ka barin
Halagu carbiyo nabad galyada iyo
Inay caradooda badbaadiyaan
Cadawnimo yaan lagu beerin
Caadilkay ka cabsada hala yiraaho
Caswadiina dhawra hala yiraahdo
Diriskiina ciseeya hala yiraahdo
Ee carradaan qurbaha aan joogno
Waalidkii carruur ku haystoow
Intaan lagu cannaanan is cannaano
Ee carruurtaada ku dedaal
Carrurtiisuu xannaanayn waayay
Casirkii lagaaga qaato
Waa waalidka caybtiisa iyo
Aduunyo ceel ku noolaaw
Maxkamadaan u cararaa iyo
Cadaalad xumaa laygu sameeyay
Caku shalaytadaydaay
Calaalacal wax makuu qabahaayo
Carada aan nimid maanta
Carruutaan garaacaa iyo
Hooyaan canka ka dharbaaxaa
Cashirkeeda ma dhigaayo
Cishriin sanaa lagu xeraa
Ama cimrigaaga nuskiisa
Sidaad u calaacalaysid
Cambe cambaad noqonaysaa
Aaboow caqligaaga
Hooyooy camalkaaga
Carruureey danahaaga
Cida haloogu adeego
Ama caradooda u dhoofi
Cooskii caggaarka badnaay
Cusubki iyo doogii carfoonaay
Caano geel haku cabaano
Casirki shalay tagay
Caawo iyo maanta
Cimiladooda waa kala duwanyihiin
Cumaroow caruurta soo celi
Hooyadooda caleemo saar
Caaliya raali noqo dheh
Caaliyo aan is cafino dheh
U codeey kalgacaylka
Caashaqana ha noolaado dheh"
-Tixdaan ka dib reerku dib buu u midoobay.
4- Duco:
"Cajab iyo cajaa'ib
Aduunyo camal wareerkeeda
Cawo baasoow daran
Cibaado iyo layaab
Colaado sukeeye
Cuudubillaahi minashaydaani rajiim
Casiisoow naga ceemiyee
Cir nabad dhul nabad
Caradeena ka yeel
Umadeena isku calool fiyoobee
Calankeena buluug
Cududiisa noo raaji
Carriiriga iyo dhibaatada
Culayska maanta na saaran
Caadilkay hanaga dul qaado
Ummadda ha isku caloo fayoobeeyo"
5- Tix dardaaran:
"Galbeed iyo bari
Gees ka gees aduunyada
Gabgabo colaad iyo
Gawrac sokeeye waa dhacaa
Gaalo iyo islaan
Ummadda waa is gashaa
Gogolna waa lagu heshiiyaa
Ee goor walba haddii
layska aar gudanaayo
Guud ahaan aduunyadaan
Gabar ma joogi lahayn
Ee geeska afrikada bari
Soomaalida gudaheeda
Goobtii geerida maxaa ka dhigay
Goor walba guummayska ooynaayo
God bahaleed maxaa ka dhigay
Oo giiroow shabeel
Iyo goojiga waraabe
Kugu gummaadaayaan
Gob miyaan noqon karinn
Go'aan iyo heshiis gaari karin
Ruuxii gibil naxaayoo
Gacalnimada soomaali gubayso
Maanta goba' ma yaalee Gurmadoo kaca
Goodka libaaxeed
Nin galadiyo nin gammaayo
Waa kala gartaa
Ummaddii go'doontayoo
Gaajo iyo haraad ay gabagabeeyeen
Ninkii u gargaaray Iyo
ninkii gawrac ku jiiday
Waa u kala gudboon yihiin
Ee geedkii ballaaranoo
Guudliisa cagaar badan
Lama gaar maraayee
Guntiisaa la harsadaa
Ruuxii garaad suubanoo
U gargaaraayo ummaddiisa
Weligiis guul ma waaye
Eebbaa garabkiis galaayo
Galab galab aduun iyo
Goob ku ciilnaww badan
Guuldarro waxaa is kale
Qofkii gacantiisa gooyay
Gibilkiisa waxaa cunay
Ninkii gawracay walaalkiis
Labada gurina ebedkiisa
Libin kuma gaaraayo
Waa go'day Soomaaliyeed
Gacalkaaga waa martay
Dhag xumada ka gilgilee
Go'aan gobnimo lahaaw
Gabogabo colaadeed iyo
Geerida sukeeyaheena
Guul nooma keenaysee
Go'aan gobnimo lahaaw
Is gaadgaadka siyaasada iyo
Goonigooniga reer hebel
Guul nooma keenaayaan
Go'aan gobnimo lahaaw soomaaliyeey
Gambarka laysku haysto iyo
Maandeeq guursigeeda
Ninba markiisa ha geeyee
Go'aan gobanimo lahaaw soomaaliyeey
Anaa geesi ahaa gambo wayn
Haddii gambarka lay diido
Qoorta gaw iyo gash ma leh
Ninka ku goodinaayoow is gaabi
Anigaa gacmo dheeraa
Geela aad u lisi aqaan
Haddii gannuunka lay dhiibin
Goobta gaw iyo gash maleh
Ninka ku goodinaayoow is gaabi
Good libaaxaan ahay
Giiroow shabeelaan ahay
Qof walbaan gambarka
La gedin karaa
Ninka ku goodinaayo
Adigana is gaabi
Garriir cadaa geeska ii saaran
Guummayska ooynaayo iyo
Ummaddaa gubanayso
Maxaa iga galay
Ninka ku geeraaraayoow
Adna isgaabi
Godgodka biyo neef
Ceelka gambooleyn ku yaal
Caradeena gogol ma doonto
Ninka gadan raboow
Lama gadaaye is gaabi
Goofkeena beeree
Galayda iyo masagada ku taal
Gacanta moos gaar jiifto
Lama gadaayee
Ninka gadi raboow Isgaabi
Hasha gaafanoo wada gaafan
Giireeyda lo'aad iyo
Arigeena gaagaaban
Geenyadeena baroobanoo
Geesiyaasheena ku duulaayo
Ninka gadan raboow
Lama gadaaye isgaabi
Maanyadeena garaarta dheer
Ee nimcadeena la guuxayso
Oo guulahayga barwaaqeeyay
Galaas batrool aan laga shubin
Lama gadaayee
Ninkii gadi raboow isgaabi
Soomaali waa geed iyo mirihiisa
Waa gannuunka iyo caanihiisa
Soomaali waa garab iyo gacantiisa
Ma kala go'aysee
ninkii soomaali kala goyn raboow
Adna is gaabi"
5- Heesta "Kaama maarmiyee"waxay ku jirtay Riwaayadii kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka, waxaana wada qaada: Maxamed Shamuuri(AHUN) IYO Siteey qosol wanaag.
Beydka koowaad (Shamuuri)
Aaaaaaaaa!!!
Mugdi habeen iyo
Maalin dhaaxaa
Kuu meermeerayee
Malableey nafta ku maagtay
Kaama maarmiyee
Ii soo maciin
Martidaa lama moodo
Waa la macsuumiyaaye
Maradaa iigu duubee
Ila maamul caashaqa
KOORIS
Maal iiga hoo "maya "
Aan ku mehersadee "maya"
Marwadeey ahaaw "maya"
Beydka koowaad (Siteey qosol wanaag)
Aaaaaaaaa!!!
Maansada iga dhaaf
Ma maqlaayi maadaa
Muraadkaa diidayee
Mid kaloo malaa'igteey iyo
Miirka raacaayaa
Maal iiga roon
Meel walbo ka muuqo
Waa lagu muuno beelaa
Muxibada miir u yeelee
Miisaami caashaqa
Beydka labaad (Shamuuri)
Hooooooooy!!
Maryooley lee tahee
Mukulaal agoon ii
Miskiin meel aan laheyn
Maqaan weyn inaan ku geeyaan
Kuula maaganee
Is macneyska dhaaf
Ma sugtooy meher aan laheyn
Mininkeeda ka roortooy
Maslaxadeeda moog aa tahay
Maanyo qaadayee
Beydka labaad (Siteey)
Aaaaaaaaa!!!
Muun daanyeer ahaan
Is maroojisa iyo
Malaaq iska soo dhigtaa
Maangaab maskax laheyn
Mal-malaa tahee
Oo aan maceyn
6. Heesta "wed loo filaa wali nool " waxa ay ku jirtay Riwaayadii "Kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka" waxaana wada qaadaayay hobolada kala ah: Cumar Nuur Baasharax iyo Siteey Qosol wanaag.
Beydka koowaad (Baasharax)
Wed loo filaa wali nool
Waali geel wardheer jiraad
Wanlaweyn ku weydisee
Is wareysta adi iyo waalidkaa
Waqtigu ma waaree,waligaa ogaaw
Ninba waayihiisaa,walo loo tumaa.
KOORIS
Wacadkii jaceylka
Haddaad webi ku tuurtay
Warkaan,waraa ka sugaa
Wariiqa yeeraayo
Beydka labaad (Siteey)
Wareerka waqtigaa keenayee
Wareey adduunyo waayaheeda
Wanag iyo xumaan waxkastaa la arkaaye
Weer-weerka dhaaf
Wehelkii nafteydoow
Wacadkii jaceylka
Wadnahaan ku wadaa.
Heesaha riwaayadii Kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka;
• Heestii kaama maarmiyee (Malableey).Maxamed Aadan Shamuuri iyo Siteey qosol wanaag.
• Wed loo filaa wali nool ( Cumar Baasharax).
• Gedisleey jaceyl gadeyso ( Aweys khamiis Cabdalla iyo Madiino Cabdi Cali)
• Karakaja (madiina Cabdi Cali iyo Aweys khamiis Cabdalla)
• Ha sheegsheeginee shuuteeya caashaqa ( Axmadey Abuukar Al camaari iyo Siteey qosol wanaag)
• Nuurto jeelow (Aweys Khamiis Cabdalla)
Laashin Axmadeey wuxuu hadda ku noolyahay Eebbe cimriga ha u siyaadiyee dalka Norway, waxaa u joogo ifka oo uu isagu dhalay hal wiil oo ku nool Cumar Beere oo ah tuuladii uu ku dhashay.
W/Q: Cumar Dheemow
17. June. 2022
Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!
Jimcihii aan soo baxay kii ka horeeyay, sagootin mar la arag ah ayaa la ii sameeyay. Habeen walba oo jimco soo galayso afar saac camal ayaan kubbad aadi jiray oo salax ku soo ordi jiray. Dhawr toddobaad habeenkaygi joogtada ahaa wax baa iga mashquuliyay oo bannooni ma soo baasbaasin se jimcaha ciyaal weeranimada la ii xeray ayaan is iri war bahalka mudo waa mooganaanaysaaye caawa ku soo sar oo soo dheel.
Ciyaal weeradii oo si kumeelgaar ah Qurbejoog u noqday.
Ciyaarta aan afar saac galno waxaan ka soo bixi jirnay lix saac ama lix saac wax dhiman meelahaas. Markaan bannoonigi soo dheelnay ee aan garoonka ka soo wada baxnay, waxaan ahayn qiyaasti toban iyo dhawr qof oo toban ka mid ah kubbada dheelaysay. Markii aan soo baxnay, oo garoonku luuq buu ku yaalayee qaarkeen weli luuqa ka soo dhammaanin baa rag dhalinyqro ah dhagax nagu bilaabeen. Garoonka wax yar buu xaafadeena ka soo fogaa uma se dheerayn, raggii ila socday waxay bilaabeen in ay iska caabbiyaan oo iyaguna dhagaxyo tuuraan maadaama dhagaxaan ku socdaan. Aniga intaas waan taaganahay weli luuqa ma soo gaarin ciyaalka la sheegayo ma arkin, kuwo ila socdo sida ay wax u rabaana ma fahmin. Anagoo sidii ah baa kuwii isla socday ee dhagaxaan tuurayeen baqa carareen iyagoo ku dhawaaqaya "waa ciyaal weero". Aniga dhawr sababa iima suurogelaynin in aan ordo; mar waa in aan daalanahay, in aan biyo wadanin oo ah shidaalka aan kubbad ku dheelo maadaama afkaygu cantuuf lahayn iyo in kuwa ila socdo iyo kuwa na bursanayaba iga dheereeyaan. Inyar baan orday, intaas oo sabab baan isugu sheekeeyay waxaan goostay in aan iska istaago oo aniga oo taagan ciyaalka la sheegayo i qabtaan, si aan u la xaajoodo, aniga oo ordaayo haddii la i qabto in ay ka dhigantahay in aan dambiga qayb ka ahay. Waan istaagay, dhab!
Raxan dhalinyaro ah oo hiinraagaysa ayaa igu soo xoomay. Ogaalkayga, dhacdooyinka laga soo tabiyo in ay geestaan ciyaal weerada waa wax bani-Aadamnimada ka baxsan. Markii ba waxaan bilaabay in aan hadal ka sii hor mariyo, oo aan dareen ahaan is dheelitiro. Dhalinyarada sidaan aan filayay ee inaan is af fahmi doono ahayd bay igu noqdeen, dhibaataduse waxay ahayd in dhagaxaanti kuwi ila socday tuureen wiil kaga dhaqramay oo waa dad nabar tirsanayo hadal kaliya kuma qancaan. Intii aan taagnaa iyaguna igu dul xoomeen, mid baa dhawr feer igu dhuftay waxaan habeenkaas dheefsaday oo igu hagoogtay yar mar dambe saldhiga ku sheekaysanay oo aan ciyaal Afiyasooni isla ahayn, isagu wajigayga ayuu yaqaan meel uu ku yaqaanay se ma oga anigana sidoo kale. Yarkaas iyo saddex kale baa igu hagoogtay oo ninkaan wax lagu dhufan maayo ku dhahay intii kale.
Meel bay i fadhiisiyeen, waxay si kala tagtagsan ii warsanayeen in aan aqaano raggii ila socday. Yarkii la dakhray iyo dhalin yar kale oo ay gurmad ahaan u wacdeen baa wada yimid oo iyaguna soo maqlay in raggi nin laga haayo, markii ay meesha imaadeenba mid baa dhagax garabka ii ga dhuftay ka dibna raggii igu hareeraysanaa baa iga difaacay oo ka daaya ku dhahay. Yarkii daqranaa markii uu wajigayga arkay, ayuu dhahay ninkaan dhagax iguma dhufan oo maba aanan arag. Buuqii baa waxaan nagu soo baxay askar xaafadda ilaalinaysay oo roondo ah, markii ay yimaadeena xaafada aan ku jirno waa xaafada ragga i haayo, askarta iyo dhalinyaradana waa is kasayaan. Waxay u sheegeen in aan ku jiray ciyaal weero soo tuuryaysay oo aan yarkaas ka daqarnay. Askartii baa naloo dhiibay aniga iyo yarkii daqranaa.
Askartii waxay waceen booliiska deegaanka, askar kale oo saldhiga ka yimid baa noo timid. Yarkii daqranaa bay muuqaal ka duubeen, anigana muuqaal bay iga duubeen. Waxaad moodaa in askartu xilli wanaagsan imaadeen, oo halis badan aan ku jiray intii aan raggaas dhex joogay hadda aanay jirom. Aniga muuqaal baa layga duubay oo ay igu waraysanayaan sida wax u dhaceen. Yarkii daqranaa askarti horaa ceshatay oo anagaa ninkaan kasaynee, kan wata ku dhahay.
Mooto ay wateen labo askari ayay ahaayeene baan raacay oo dhanka saldhiga ayaa la ii waday. Waa markii iigu horaysay weligay saldhigba in la igu xero iska daayee, xitaa aan gudihiisa galay. Xaafada aan deganahay waxaan deganahay toddobo sano, weligeey saldhigaas habeenkaas ka hor ma arag oo meesha uu ku yaal xitaa ma aqoonin. Intii aan mootada sii saarnaa ayaan sheekaysanay askarta, mid ka mid ah baan is af fahanay oo gartay in uu taleefan ii dhiibo si aan u waco hooyo una ogaysiiyo in aan caawa maxbuus ahay.
Waxay ahayd abaaro toddobo saac habeenimo, waxaa la i geliyay kuntaynar hab xabsi loo naqshadeeyay, dusha ka fuqfuqsan gudihiisan urka, kaneecada iyo nadaafad darada ka jirto caadi ahayn. Waxaan sitaa buumo, kabahaygii bannooniga intii la iska kay wareejinayay ayaa la iga hoos qaaday. Cabaar baan fadhiyay, markii aan kaneecada u adkaysan waayay ayaan jaakad aan watay sida surwaal u gashtay, gacmahana gudaha fannaanada soo gashtay. Mar ay toban saac ku sii dhawdahay baa hooyo iyo nin askari ah oo xaafada nala dagan ii yimaadeen, sidiina meesha iiga damiinteen oo habeenkaas inti ka hartay damiin baan ku dhammaystay.
Maadaama aan eedaysane ahay, subaxii waxaan ku laabtay saldhiga aniga, hooyo iyo adeerkay. Taliye-ku-xigeenkii saldhiga ayaa soo hormaray, waxay is garteen habaryarteey oo iyadana dib ka imaatay, muuqaalkii xalay layga duubay baa la tusay markaas buu yiri "waxaan wax sidaa u wayn maahee yarka daqran un daweeya dhib ma jiree". Xariifkii taliyaha meesha ka ahaa, waxuu ku reer yahay oo uu yaqaanaa dhalinyarada yarka la daqray la socday sida ay sheegayeena xaafada ayuuba la daganyahay, wuxuu na dhahay markuu yimid isaga oo aan cid wax ka dhagaysan "waa ciyaal weero, toban beri ayuu ii xernaanayaa ka dibna xabsiga dhexe ayaan u wareejinayaa ganaax iyo lacagna waa laga rabaa".
Mar dambe oo ay dhalinyarti yimaadeen, rag kale oo taliyeyaashii meeha joogay ka mid yihiin si gaar ah ii kasaayo arrinta galeen waxaa laga soo dhammeeyay in aan anaga iyo reerka yarka nabarka gaaray wada hadalno, xaajana sidaas lagu xalliyo. Eebbe mahadiis, waa la xaliyay yarkuna daqar wayn ma gaarin. Taliyihii marki lagu laabtay, wuxuuba taaganyahay "ninkaan in aan iska haysto ayaanba rabay, rag waa wayn baa iga xigsaday mooyee".
Intii aan Xabsiga ku jiray waxaan ka fakerayay in aan qori doono sheekadaan iyo sida dad aan aniga ciyaal weero u arkayay iyaga ciyaal weero iga dhigeen. Habeen yaab badan buu ahaa, saacadihii aan ciyaal weerada ahaa waxaan la tacaamulay nidaamka dawliga ee dabbagedisan ee booliiska ku shaqeeyo.
Ciyaal weeradii, caawa waa qurbejoog si kumeelgaar ah. Lol
W/Q: Cumar Dhemow
Tar: 28. 08. 2022
Sooyaalka iyo suugaanta abw. Taraawiil (1934–2000).
Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, wuxuu dhashay 1934 si lamid ah Buuni Kaddare oo aan hore uga soo hadalnay. Wuxuu ku dhashay Degmada Ceeldheer ee gobalka Galguduud, wuxuuna ku barbaaray degmada Ruunirgood ee Shabeelaha Dhexe. Aabihii waxa uu ahaa af-maal iyo hoggaamiye dhaqameed. Waxa uu laashinnimada kabaheeda gishtay isaga oo 15jir ah, wuxuuna ku tababartay oo ay tixo isku tirsheen Aabihiis. Waxaa sii abaabiyay abwaan Aw Jimcaale Dhegataag isaga oo ka idin qaba abwaan Faarax Shuuriye AHUN.
Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu ku biiray Xisbigii Libaraale ee uu Guddoomiyaha u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Maxamuud Maxamed Baraako, isagoo gubaabin jiray taageerayaasha Xisbiga, sidoo kale wuxuu Abwaanku ku biiray Idaacadda Raadiyo Muqdisho, waxaana lala yaabay kaalintii uu ka qaatay munaasabadihii loo sameeyay Xorriyaddii iyo Calan-saarkii Soomaalida 1960-kii taas ayaana u sahashay inuu ka mid noqdo shaqaalaha ugu firfircoon ee Radio Muqdisho, inkastoo caqabadi meeha ka marnayn.
1956 ayuu guursaday xaaskiisa Madiino Maxamuud Fadhiye, waxaa ka dib lagu xeray Ceeldheer, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho si loo maxkamadeeyo, wax dambi ahna waa lagu waayay. Intii uu xabsiga ku jiray waxa uu tiriyay gabayga "NUS JANNO" oo uu ugu talo-galay xaaskiisa Madiino Fadhiye ka dib markii uu goob joog u ahaa rag badan oo markii xabsi loo taxaabay xaasaskoodii is fasaqeyn oo rag kale guursaday iyo qaar aan booqanin raggoodi ama warqadoodii ka dalbaday dhibta iyo culaabtana aan la xamaalin, maadaama Madiino sidaas ka duwanayn oo ay la ximbaaratay culaabtii xabsiga ayuu mar ay kusoo booqatay xabsiga gabaygaan oo dardaaran ah u mariyay, waxaana kamid ahaa erayadii berigaa;
*Nus jannaay nimcaay ina abtaay nabad galoo waar
*Nikaaxaagi waa lugu najaxay naaqus ma ahayne
*Mana nasiib xumeyn maalintii leygu kaa nudaye
*Nacas iyo ninkii qabayse xabsiga weysku nacayeene
*Negeeyaay nadaamka ha beddelin oo yaanan kaa nixin!
Abw. Cabdulle Raage Warsame Taraawiil
Wuxuu ka qayb galay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itooobiya 1964, wuxuuna ka helay abaal marino dhawr ah. 1968 ayaa waxaa loo magacaabay "Radio artiste" oo kulminaysay Radiyoo walaalaha Hargaysa iyo Muqdisho. Wuxuu intii halkaas joogay tiriyay gabayo dhawr ah sannad kadibna wuxuu kusoo noqday Xamar oo loo magacaabay gudoomiyaha guddiga shaqaalaha tiyaatarka qaranka oo hoos tagayay wasaarada warfaafinta. Waxay isku dhaceen mqareeyaha guud ee tiyaatarka xilligaas Gen. Maxamed Nuur Xasan Shareeco, wuxuu ku dacweeyay madaxweyne MSBarre kulan ay madaxtooyada kuwada yeesheen markii lagu qasbay inuu saxiixo hanti dawladeed, ka dibna waa uu iska casilay xilkii gudoomiyennimo.
Abwaan C/lle Raage wuxuu ahaa Gabyaa caan ah, jilaa si aad ah loogu diirsaday jilliinkiisa, waxaa ka mid ah Riwaayadaha lagu xasuusan karo (Shabeel Naagood) oo uu isagu Aktar ka ahaa uuna lahaa Abwaan Xasan Sh. Muumin, (Yaxaas Dhegaduub) oo uu lahaa Sangub, (Dhagax iyo dab) oo uu lahaa Cali Sugulle iyo Riwaayado kale oo aad u fara badan. Waxuu ka qeyb noqday bandhigyo caalami ah sida kii Lagos-Nigeria oo uu kaalinta koowaad ka galay, gabaygii uu kusoo bandhigayna waxa uu magaciisu ahaa Dhambaal.
Wuxuu kamid ahaa abwaaniin soomaaliyeed kuwa ugu caansan, fanka iyo hawlihii hormarinta afka Soomaaligana kaalin mug leh ka qaatay. Markii afka la qoray ka dib ayuu tiriyay gabaygii ahaa:
• Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya
• Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge
• isku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah
• Ebyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka
• Mar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo
• Mar hadaan amaahsigii ka baxay, lagu ogoontoobay
• Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
• Amiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene
• Afafka qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay
• Anaa macallimoo raba dad loo furo iskuullaade.
Waxa uu caan ku ahaa maamuus bulsho, xaq u hiilin iyo dagaal joogto ah oo uu dulmiga kula jirray, kadib maamulkii musuqmaasuqa ilaa markii MSBarre meesha laga saaray ee jabhadihii yimaadeen. Maahayn dhuuni raac maansada ku dhuuni raaca, waxa uu mar weliba ka tarjumi jirray dareenka iyo guuxa bulshada, ra'yigiisa ayuu ku cabiri jirray mug walba haba qaraaraatee. Markii kacaanku dhashay waxa uu tiriyay gabayo soo dhawayn ah, wuxuu tilmaamo kasiinayay tacadiga ka jira gobolada iyo degmooyinka, 10 sano kadibna si toos ah ayuu kaga horyimid.
Gabayadii uu u tiriyay maamulkii xumaa ee Kacaanka, kadib markay u adkeysan waayeen waxaa loo taxaabay horaantii 1980 xabsiga, aad ayaana loogu jirdilay xabsiga taasoo keentay inta hartay xabsiga inuu Digfeer ku dhammaysto. Markii uu xabsiga soo dhammaystay MSBarre ayaa labo askari usoo diray, waxa uuna weydiiyay waxa uu ka codsanayo Kacaanka, waxa uuna yiri; "in ka badan 30 gabay ayaan kugu ammaanay, 5 ilaa 7 gabay oo aan dan jirtay ku tilmaamayay ayuu kacaanku u adkeysan wayday" intaa kadib MSBarre waa uu baxay, mar uu 2 saac sii maqanyahay ayuu bannaan usoo baxay abwaan Cabdulle markii uu ilaalada warsadayna waxay u sheegeen in uu daal la seexday, haddii uu ka codsaday inay gurigiisa ku celiyaana, inaysan fasax u haysan ayay u sheegeen kadib in ilbaabka ka furaan ayuu ka codsaday, wuu kasoo tagay.
Qaar kamid ah Gabayadii ugu caansanaa ee abwaanka, oo aan dhammaystirnayn ayaan hoos idiinkula wadaagayaa;
1. Waxaan ku bilaabayaa gabaygii "Duqa haloo sheego" oo uu abwaankuu run layska indho saabay shaashka kaga qaaday, waxaa kamid ahaa erayadiisa;
• Dacalkaa Hargaysiyo Burciyo degelka Laascaano
• Daantaa galbeed iibku waa nin iyo dooqiiye
• Dulmi Xamar ku sinanaa jiree Duqa ha loo sheego!
• DEE iyo WARYEE niman lahayn diintana an caayin
• Dowladdana an lacagteeda xadin dad uma heystaane
• Diiwaanka taariikhda waa laga daboolaaye
• Daldaloolka meeshaa ku jira Duqa ha loo sheego!
• Dalladdii Kacaankaan nihiyo danab ma leexdaane
• Inaannaan danjirayaal lahayn dibadda noo aada
• Dikritoorna uu nugu yaryahay Duqa ha loo sheego!
Gabaygu aad ayuu u dheeryahaye wuxuu ku soo gabaggabeynayaa:
• Dal nimaan u dhalan ee la yiri dul iyo hoos maammul
• Haddoow dunida xeer baw degsane fuliyo koow doono
• Dembigaas waxeyska leh ninkii daallin wax u dhiibtay!!!!
2. "Astaan qaran" waa gabay dardaaran ah oo uu abwaanku talo qaran ku bixinayo, waxaa kamid ah erayadiisa;
• Asluub iyo haddaan sharafi jirin, aaminna xumaaday
• Aadaabtiyo xishoodkii, haddii lagu ugaaroobay
• Aargoosi reer hebel, haddii laysu aaneeyay
• Ee ruux aan eed gelin, rasaas lagu asqeysiiyey
• Afdabeed ninkaan wadan, haddii aqalka loo dhaafay
• Afadiyo haddi laysu maray, inan wixii joogay
• Waanadii akhyaartiyo wacdigay, culimadii oogtay
• Ilaahay xaquu faray haddii, la ag mareen dhaafnay
• Maxaan gabayga ugu oomayaa, ma aqbalayaane.
• Astaan Qaran Midnimo waa, inay ka ambaqaaddaaye
• Asbaab dowladeed waa, shacbigaa urursanaantiisa
• Israac waxaad ku weydaan, khilaaf ku arki meysaane
• Gobonnimo sifaha loo unko, ee lagu adkeeyaahu
• Isaaq iyo Hawiyaha ma aha, iyo Irir iyo Daaroode
• Aqoonyahanka wax u soo bartiyo, ogaha taariikhda
• Odayaasha xeer-beegtigiyo, geed ka arrinshaaga
• Kan abuurka beeraha, xilliga aad u garanaaya
• Agaasimaha xoolaha jira, ee lagu ammaanaayo
• Waa inay afkaar iyo, xikmado kala ammaahdaane
• Akhris kii ku roon iyo, midkay orod bidaayaanba
• Ujeeddadu Alle iyo hoortii, waa inay ahaataaye
• Istaatistikada tirade guud, xoogga adduunka
• Kan Ameerikaa sida la yiri, ugu awood weyne
• Kontonkaa Isteyt qeybintay, dhib u arkaayaane
• Afartaan milyani doonayaan, wayla amakaag.
3. Qof-u-yaal oo soo baxay 1980, waxa uu kamid yahay gabayada mucjisada ah ee abwaanka laga hayo, waxaa iyana kamid ah;
• Ayagoo qabiil fidinayeey qaran u heesaane
• Qoraaleey ku been sheegayaan qodob an loo hayne
• Qallooceey fidshaan xaqana waa kugu qabsaayaane
• Qumbaa leygu maaweeliyaa qado la'aaneede
• Qarka waxaan ka taagnahay xareed waana qadayaaye......
• Waxaa fajac iyo fara-taag k ugu dhacayaa markuu soo gaaro:
• Qarashaan sixiixaa anoon qabihi weydiine
• Qumbaan waardiyeeyaa nin kale qaaddadaw sido,e
• Qof-u-yaal wixii loo dirtaba qaabbilaan ahaye
• Qabuuraha waxaan uga duwnahay qolofka muuqaahe
• Qosolkeeyga farax haw maleyn qaan ka cararkaahe!!!!!!!..
4. Marmarsiinyo hadal.
Waa gabay jawaab u ah tixdii "Maruuryo" ee Khaliif Shiikh Maxamuud. Abwaanku wuxuu leeyahay:
• Marmarsiinyo hadalkaagi, iyo meel ka dhicidaadi
• Gabayadi macluusha u badnaa, maqallay Jaalloowe
• Anigoon middaa iyo mid hore, kala micnayneynin
• Haddaad meherad leeday waqtigu, waa ku soo maraye
• Mindida daabka adigaa qabsaday, maalintii hore'e
• Gobannimo mudnaanteed haddii, lagu mihiibsiiyey
• Halkaan maamul loo siman yahay, ee mida ka dhawraynay
• Maandeeqdi noo curatay baad, maashay keligaaye
• Annagoo minja-caddaanay, ee nalagu maadeysto
• Meleg baas adinkoo nagu hayee, meydku tira dhaafay
• Milliterigu waatuu saq-dhexe, kaa maroorsadaye
• Macbuudkii na kii dhaafiyaan mahadineeynaaye
• Mus ka soo dhac iyo caydu, waa meheraddiinniiye
• Idinkoo marsaday xeeryaha, een marax idiin oollin
• Haddana inaad maxlalo doontahaan, maanka ka arkaaye
• Maansada masala-gaabka, iyo mala carruureedka
• Malxiiskaan mashxaradda u tumeen, marin abaalkeedi
• Adigoo muruxsan oo qaawan, aa meel lagaa helaye
• Maraay aa lagaa soo dejiyey, maalin duhurkiiye
• Markhaatina waxaa lagu hayaa, maqalya taariikhe
• Adigoo maqaar bahal eh, iyo aadmi madixiisa
• Markaan ku arkayaan kaa samray, oo kaa mural jabay
• Murdisadi aad iga taabatay, aan mayray toban jeer
• Marjafkii ninkii kaa jaree, marada kuu iibshey
• Markaad dheregto inad caydo, waa garac maqaankii
• Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee, wacal masruufaa
• Ninka magaca Soomaliyeed, midabbaduu yeelay
• Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed
• Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn.
Labo hal qabsi oo kamid ah hal qabsiyada badda ah ee abwaanka;
1. Aadmiga haddaad shaay udgiyo edeb ku sooryeeydo
Waxa saxaradiisu u urtaa waa abaal xumo!
2. Haddii doonta uu saaranyahay dacalka loo yoogo
Dabaal kuma fakado Eebbeheey ruuxow dilayaa!!!!!
Ka geyoon mayno suugaanta abwaanka, adoo meel degan fadhiya una muraaday bay ku wanaagsanaan lahayn inaad la haasaawdo. Gabayadiisa qaar kamid ah halkaan ka dhagayso (https://youtu.be/lFV0xDUXa8U)
Allaha u naxariistee abwaanka waxa ay tii Alle ugu timid Muqdisho Maarso 2000, waxa uuna ifka kaga tagay Xaas, Caruur iyo Sooyaal gadaashiis toobiyaha wanaagsan dadka ku duwa isagana uu ka ajar xisaabsado.
Tixraac;
https://youtu.be/HYR0PWXMAxQ
Sooyaalka afyaqaan Kaddare (1934–2015).
Dr. Xuseen Sh Axmed Kadare waa af yaqaan kobo ku darsaday hayaanka af qoraalka iyo hindisiiha, kaalin wayna ku leh heerarkii uu soo maray, waa qoraa iyo Laashin. Kadare wuxuu dunida Eebbe kusoo biiriyay 1934, wuxuuna ku dhashay Caddale oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.
Waxbarashadiisa Xuseen sida sunnada ah oo ay waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, rukun kamid ah hayaanka wax barashadana ah wuxuu ka bilaabay barashada Quraanka kariimka, sidoo kale Xernimo ama ka bowsiga fadhiyada diimeed ayaa sal u ahayd hayaankaas. Sagaal jirkiisa ayuu Kadare Xamar usoo gudbay si uu wax barashadiisa halkaas uga sii wato. Dugsigiisa hoose waxa uu ku qaatay dugsiga Macalin Jaamac oo loo yaqiin Seeraale, kuna yiil agagaarka tiyaatarka qaranka. Dugsigiisa sare waxaa uu ku qaatay dugsi dowladeed oo ay baadiriyiin xilligaa joogay macalimiin ka ahaayeen. Waxaa uu sidoo kale waxbarashada fogaan dhawfka wax kaga bartay British territorial Collage. Jaamacaddii Ummadda ayuu Baaj afafka ah ka diyaariyay intii aanu isaga macalin ka noqon.
Dr. Xuseen Sheikh Axmed (Kaddare)
Jaamacadda kahor Xuseen waxa uu ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, waxa uu na ka ahaa xiriiriye barnaamijyada soo qabta. Ciyaaraha hidaha iyo soo saarista barnaamijka dhaqanka ayuu ku bilaabay. Intii uu howshaas waday waxa uu madax u noqday koox fannaaniin ah oo ay kamid ahaayeen Galays, Gudduudo Carwo, Joof, Laangare iyo Cali Jareere. 1969 ayuu geeyay waraaqda ka tagista shaqada si uu kursi xildhibaanimo Caddale uga doonto, waloow uusan u tartamin kaddib u muuqashada ifafaalo uusan gacloon.
Codsi raadiyaha ah, daadihinta barnaamijkii dhaqanka ayaa u yimid, dib ayuuna ugu laabtay shaqadii warbaahinta. Intii uu shaqadaas waday waxa uu isugeyn ku sameeyay 11 urur dhaqlinyaro, kahor isugeyntaan isaga ayaa hoggaan u ahaa koox riwaayadaha soo saarto oo la dhihi jirray Campania artistica Centrale Somala.
Nin wax kaga dara maahayn e', waxaa ay Kadare ugu baxday kadib markii magacaas Kadare uu ku jilay riwaayad 10 habeen oo ay socotay habeen kamid bar noqon magaceeduna ahaa "nimaan joogin ma jiraayo". Kadare waxa uu ahaa af yaqaan Laashin ah, suugaan-dhaadhi Shiribka soo tarmin yaqaan.
Raadinta hindisaha far Soomaaliga oo ay bilaawgeeda lahaayeen culimadii xilligaas oo uu sheikh Uways kamid ahaa, waxa culimadaas af Soomaaliga ku qori jireen far Carabi oo ay iyagu marka ay dib u akhrinayaan ku adag fahamkeeda, waa halkaas halka hindisaha baahida far ay Soomaalidu yeelato kasoo dhaqaaqday.
Faryaalkii ugu horeeyay ee dhashay waxaa hoggaan u ahaa fartii Cusmaan Yuusuf Keynadiid, oo xafiisyadii Leegada sirta laysugu qori jirray xilligaas. Kaddare AHUN waxa uu bartay Fartaas, waxaana kaga soo baxay dhaliilo ay tahay in laga gudbo, labo dhaliil ayuu kusoo koobay; koow oo ah In fartu aynaan ahayn mid isku dardarmaysa marka la qorayo iyo labo oo iyana ah in Y-da iyo Woow-ga ay marna xaraf noqonayaan marna shaqal. Waxa uu sameeyay far isku dardarmaysa 1952-dii iyo madbacad uu ka sameeyay geedka Wabka la yiraahdo, inta qoray 22 xaraf ka aslay, KH ayuu ka tagay Kaddare oo uu u arko inaynaan annagu lahayn walow dib guddigii far Soomaaliga kaga soo dareen.
Farta Kaddariyadda iyo prof. Cabdalle Cumar Mansuur.
Sannadii 1958 waxaa guuxa dad waynaha ku dhex tartamay fararka Cusmaaniyada iyo Kaddariyada, tartankoodaas waxa ku sameysmay guddi far Soomaali ah oo uu hoggaan u noqday Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo Hargaysa looga yeeray, 9 ruux oo uu Kadare kamid ahaa ayaa loo magacaaway guddigaas. 17 shardi ayay sameeyeen guddigaas oo lagu aqbali karo fararka dib ka iman doona, waxaa shuruudahaas buuxiyay 4 far (Cusmaaniyada, Kadariyada, Carabiga iyo Laatiinka). Farta laatiinka ayaa kaalinta koowaad gashay maadaama ardaydiina yaqaanaan, makiinadihi iyo madbacadihi dalka yaalayna laatiin ahaayeen Soomaaliduna awoodooda dhammayn in ay sameystaan makiinado iyo madbacado far cusub ah, Kaddariyaduna labo ayay noqotay. Culimadii ayaa mudaaharaad sameeyay, iyaga oo ku hadaaqaya "Laatiin laa diin", kacdoon kaas dartii ayuu Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ku joojiyay dedaaladii far Soomaaliga, isaga oo diidan in Soomaalida curdinka ah khilaaf ku af bilaawdo. Xilligii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Raysal-wasaaraha ahaa ayaa qubaro UNESCO laga dalbay wadanka yimaadeen, saddex nin ayay soo direen UNESCO waxay iyagana xoojiyeen qaadashada Farta Laatiinka sababta kor ku xusan ee awood yarida awgeed, Waxay u hirgeli waysayna waxa uu Kadare ku sheegay in ay ahayd, qaar kamid ah raggii fartooda shuruudaha buuxin wayday ee la celiyay inay ka shaqeynayeen inaan la hirgelin far ay tooda ka maqantahay.
Xilligii kacaan 5 nin oo mid ba far watay ayaa gaargaar loogu yeeray, waxaa kamid ahaa; Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (markii hore carabi watay, "laatiina" dib ugu badashay), prof. Ibraahim Xaashi oo isna "carabi" watay, Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keynadiid oo ah wiilka Cusmaan Keynadiid oo asna "Cusmaaniyada" watay, Shire jaamac oo "laatiin" watay iyo Xuseen Sh Axmed Kaddare oo "Kadariya" watay. Midba mar ayaa loo yeeray. Baabuur oteote ah oo xilligaas dadka marka la xeri rabo lagu soo doono ayaa Kadare gurigiisa lagaga soo doonay, Maxamed Siyaadna loogu geeyay, is wareysi kadib waxaa la warsaday haddii aan tiisa la qaadanin waxa uu ku talinayo, waxa uuna ku taliyay talo ay hore u bixiyeen oo 1958 ah; in Laatiin koow loo qaato, fartiisana labo. Buuggaag wax lagu sii barto diyaariya, xuruufna kama hadli kartaan ayaa lagu amray, buugtii ayayna diyaariyeen.
Shaxda 18-kii far ee ku tartamay far qoraalka Soomaaliga.
Qaadashada erayga waxa ay xilligaas dejijeen guddigii far Soomaaliga, in marka hore erayga Soomaaliga ah ee laysla yaqaan la qaato, haddii la waayo in eray ay dadka qaar yaqaaniin la qaato, haddii iyadana la waayo in erayga ajanabiga ah sidiisa lagu qaato, kuna af Soomaaliyoowo qodobka dib laga raacinaayo, sida: Science-Sayniska.
Laashinnimada Xuseen Sheikh, waxaan ka xusi karnaa inuu ka qeyb ahaa Laashinadii ka qeyb ahaa silsiladii la magac baxday Deeleey oo ay hormuud u ahaa; Gaariye, Hadraawi, Idaajaa iyo Yamyam kadib markii uu Maxamed Siyaad ka dalbay inay silsilad suugaaneed bilaabaan, markii ay silsilada meel dambe oo xasaasi ah mareyso MS Barrena uu ka dhex arki waayay wixii uu ka damacsanaa ayaa lagu amray inay joojijiyaan, Xuseen Sh Axmed waxaa markaas meel dhexe u maraysay maansadii labaad ee uu islahaa kaga qeyb qaado silsilada, golihii gabagabada silsilada ayaa uu ka dalbaday in maansadiisa lagu soo afmeero silsilada tuducyadii uu ku lahaana waxaa kamid ahaa;
Qabiilnimada yaw dad ah
Oo doonayoo raba
Yaa qareenka daafaca
Ugu deeqayoo wada
Duf iyo baalal kuma yara,
Mana duusho goroyadu
Waagii habar dugaag iyo
Haadu ay dagaaleen
Oo labada daafood
Ciidamada lasoo dumay
Iyagaa lawada dilay
Oo duulba duul yiri
Idingeey dirkiin tahay
Dabaalnimo dabiib maleh
Danbiyo dulsaar maleh
In hadraawi door yahay
Gaariye da' nool yahay
Yamyam daadka webi yahay
Idaajaana darran yahay
Aniguna raggaa daran
Kan u daran ka daranahay
Oo nabadi door tahay.......
Hadraawi oo Xuseen ku tuhmaayo nin magac bixinta ku xeel dheer, ayaa maansadiisa DIBADYAAL waxaa uu ku xusay Xuseen Kadare, waxaa uu yiri;
Halka deyr waqtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u magac bixin
Eebbe ha u naxariista waxa ay Dr. Xuseen Sh Axmed Kadare tiisii u timid 1/02/2015. Kaddare AHUN waxa uu ka tagay sooyaal iyo aqoon inta ay Soomaali jirto sii jiraysa, Eebbe qabriga ha u nuuriyo. Aamiin
Tixraac:
barnaamijka Fool-ka-fool (6-12-2012) https://youtu.be/xU-5yBy-jB0 .
W/Q: Cumar Dheemow
Tar: 06/January/2022
Maxaad ka taqaanaa kaankaro (Cancer)?
Kaankaro! Marka aad maqasho Kaankaro ama kansar maxaa kugu soo dhaco, maxaad isla markiiba garanaysaa oo aad Kansar kaga saari kartaa cudurrada kale ee dadka ku dhaco?.
Maqaalkaan waxaan ku soo koobayaa fahan guud oo kaankarada ku saabsan. Waan ka cudur daaranayaa qoraalka dhexdiisa haddii aan erayo adag oo cilmiga caafimaadka ah aan eray-bixin u waayo, waxaanse isku dayayaa in aan soo dhaweeyo fahamka.
Kaankaradu waa is baddel ma-soo-noqde (Irreversible) ah oo ka dhasha marka unugyada jirku ka baxsadaan duljoogtaynta korriimada unugyada, awooda korriimaduna unugyadaas la wareegaan. Jirka beni-aadamka wuxuu Eebbe u sameeyay samaysan ama habdhisyo isku habaysan oo midba door leeyahay. Korriimada unugyadu waxay ka shaqeeyaan in la siyaadiyo nambarka unugyada ama xajmigooda si looga falceliyo baahida jirka. Mararka qaar is baddelo cuduro, deegaanka ama si caadi ah u dhaco ayaa keena in korriimada laga siyaadiyo sida caadiga ah ee la yaqaanay.
Tusaale cudur; haddii qofku waayo shaqada mid ka mid killiyihiisa sababo in killidu hawsha gabtay (Kidney Failure) ama in aanu qofka u ba dhalan kallidaas (Renal Agenesis), waxay killida hartay isku dayaysaa in ay buuxiso booska killida maqan markaa waxaa siyaadaya xajmigeeda oo way ka waynaanaysaa intii loogu talagalay. Sidoo kale Xilliyada uur jiro, caadi ahaanta (physiological) minka ama ilmo-galeenka wuxuu ka waynaada xajmi ahaan sidii uu ahaa (endometrial hypertrophy) iyada oo laga falcelinayo in deegaan loo sameeyo uur-ku-jirta. Mar kale, dadka caba sigaarka sambabadoodu waxay ka falceliyaan halista kiimiko ee bannaanka kaga imaanayso iyaga oo baddela unugyada caadiga ah ee lagu yaqaan kuna baddelaayo unugyo ka yar adag oo u adkaysan kara kiimikada sigaarka marka loo fiiriyo unugyadii caadiga ahaa ee sambabku lahaa (Squamous metaplasia), waxayna siyaadiyaan fursada in kansar sambabada ah dhaco.
Is baddeladaan iyo kuwo kaleba, waa is baddelo laga soo noqon karo (reversible) se qaarkood ay siyaadinayaan fursada ah in kaankaro bilaabato. Is baddeladaan marka ay jiraan jirku weli wuxuu awoodaa in uu duljoogteeyo korriimada unugyada isaga oo joojin kara is baddelada aan caadi ahayn ama u shirqoolayo dil si aanu isugu baddelin kaankaro. Marka jirku arko is baddeladaan kuwooda aan caadiga ahayn wuxuu kaga falceliyaa in korriimadaas xad-dhaafka ah la joojiyo oo dib loogu soo celiyo gacan ku haynta, haddii wax laga qaban waayana unuga waa laga takhlusaa oo waa la dilaa (Apoptosis¹). Waxaa shaqadaan loo igmaday oo qabto hidde-wadeyaal burooyinka ka hortaga (Tumor Suppressor Genes), haddii hidde-wadeyaashaan wax ka qaldamo oo miyuuteeshan (Mutation²) ku dhaco waxaa meesha ka baxo duljoogtaynta korriimada (cell division control) sida badana kansarada waxay ka yimaadaan mutation ku dhacay hidde-sideyaashaan mid hidde ah oo la dhaxlay ama mutation uu sababay kansar-sababe (Carcinogen). Unugyada kansarka noqda, ee ka baxsada awoodaas jirku leeyahay waxay sameeyaan gooni-u-goosad, waxayna u koraan si xad-dhaaf oo ay awooda korriimadu iyagu maamulayaan.
Marka ay unugyada meel ka mid ah jirka aad u korto, waxaa ka samaysma buro. Burooyinku waxay kala noqdaan kuwo kansar ah (milignant) iyo kuwo aan kansar ahayn (benign). Kuwa aan kansarka ahayn (benign tumors) way ka halis yaryihiin kuwa kansarka ah, sababta oo ah awoodahooda ayaa kala gedisan. Kuwa aan kansarka ahayn meesha ay ka bilaawdaan kama safraan, oo unugyada iyo xubnaha deriska la ah kuma faafaan, halka burooyinka kansarka ah faafaan oo ay weeraraan deriskooda. Burooyinka aan kansarka ahayn, halistooda waxaa jaangooya halka ay ku yaalaan, haddii ay xubin ka mid ah kuwa jirku ku taaganyahay ka soo baxaan waxay halis ku noqdaan nafta qofka, sida haddii ay maskaxda ka soo baxaan se inta badan dhibaatooyinkoodu ma gaarsiisna tan kansarku leeyahay.
Sida badan Kansar walbo waa buro, buro walbo se kansar maaha. Unugyada kansarka noqda, waxay helaan awood aan loo baabac dhigi karin iyaga oo ku faafa xubnaha la deriska ah iyo kuwa ka fogba. Marka la joogo caalamka dhaqtarnimada iyo midka caadiga ahba burooyinka kansarka ah waxaa loo sameeyaa marxalado ay ka simanyihiin dhammaan kansarka meel walba oo jirka ka mid ah ka soo baxa. Marxaladahaan waxaa ku xeran dawaynta (Treatment) iyo natiijada wax ka qabashada kansarka (prognosis).
TNM SYSTEM waa habka ugu badan ee loo fiiriyo marxaladaha kansarka. Waxaan laga fiiriyaa oo ay TNM u taaganyihiin;
1. Xajmiga burada (Tumor Size)
2. Tirada qanjirada difaaca ah oo ay ku gaareen (Number of Lymph Nodes)
3. In ay faaftay oo ay gaartay xubin kale oo aan ahayn tii ay ka bilaabatay (Metastasis).
Marxaladayntaan waxaa uu kansarka u kala qaadaa afar maexalad, mid ba kan ay ka dambayso waa ka daawayn xuntahay (poor prognosis). Marxalada afaraad ayaa ugu xun oo aan inta badan la daawaynin, waana marka M-tu noqoto M1 oo ka dhigan in kansarku faafay oo gaaray xubin kale oo aan ahayn tii uu ka bilawday.
Inkasta oo kansarku ka koriimo badanyahay unugyada kale ee la mid ah ee xubinta kula yaala maadaama awooda korriimadu isagu maamulanayo, haddana xubnaha jirku waa ku kala gedisanyihiin aminta ay qaadanayso in kansarku faafo, waase hubaal in kansarku haddaan xilli hore la ogaanin la na dawaynin faafayo. Kansarada qaar waa kansaro shibaneyaal ah oo un xanuunkooda lagu baraarugo mar ay xaajo barakomaleh joogto, sida kansarka ku dhaco mid ka mid qanjirada taranka ragga (Prostate Gland) oo meesha uu ka soo bilaawdo ayaa ka yar fog Kaadihaysta (Bladder), marka buradu waynaato oo ka dhiga marxalada dambe (late stage) baa la arkaa kaadida oo soo bixisteeda oo adkaata iyo xanuun daran iyo waxyaabo kale.
Kansar maxaa keeno? Kansarka ma laga hortagi karaa? Ma la daawayn karaa? Ciyoow in la qabto maxeey u baahantahay?.
In mudo ah ayay kansaradu ahaayeen cudurada aduunku isku si' u la dagaalay, ilaa haddana aan si dhammaystiran loo xalinin. Dedaalado kala gedisan iyo cilmi baarisyo mudo socday ka dib, horumar balaaran se aan dhammaystirnayn ayaa laga gaaray, ka hortaga (Prevention), ogaanshiyaha xili hore (Early Diagnosis), dawaynta (Treatment) iyo badbaadada dadka kansarku ku dhacay (Survival Rate) waloow weli uu ka mid yahay cudurada hoggaanka u haya dhimashada cudurada aduunka oo dhan.
Kansar waxaa sababo ama ay ka dhalataa isugaynta ama iskutaga deegaanka iyo hiddaha qofka. Qofku wuxuu ka askumay iskutaga hidde-sideyaasha Hooyo iyo aabo. Inta badan kansaradu waxay xiriir la leeyihiin oo siyaadiya fursadahooda (risk factor) sooyaalka qoys (Family History). Haddii waalidiintaada, walaaladaada ama qaraabada kuugu dhaw kansar ku dhacay, feejigni badan baa ku faran. Sidoo kale Deegaanka walxaha ka yimaada ee kansarka la la xiriiriyo waxay noqon karaan iyada oo loo fiirinaaya halka ay ku abtirsadaan;
1. Kansar-sababe jireed (Physical Carcinogens). waxaa ka mid ah, shucaacyada Qoraxda (Ultraviolet Radiation).
2. Kansar-sababe kiimikeed (Chemical Carcinogens). waxaa iyana ka mid ah, Kiimikada sigaarka, cuntooyinka sumaysan, alkolada.
3. Kansar-sababe Biyoolijiyeed (Biological Carcinogens). Noolayaasha il-ma'aragtada ah ee cudurrada infekshanka ah jirka ku sababo qaar baa waxay leeyihiin awood ay Kansar-sababeyaal ku noqdaan iyaga oo naf ahaantooda kansar-sababe yaal noqonaya ama hoos u dhigaya difaaca jirku isaga celin lahaa in unugyadii qaribmay ka takhlusaan, kansar-sababeyaashaan waa kuwo Biyoolijiyeed.
Dedaaladaas aduunku sameeyay waxaa laga dhaxlay in la helay baaritaano dadku sameeyaan si loo ogaada is baddelka unugyada inta aanay kansar noqon, markaasna laga takhluso ama la ogaado bilaawga kansarka. Kansarada naasaha, kuwa afka ilmo-galeenka (Cervical Cancer), kansarka Qanjirka taranka ragga (Prostate Cancer) waxa ay ka mid yihiin kansarada baaritaanadaas loo helay oo lagu taliyo ragga iyo dumarka in ay si joogto ah sannadkii ama dhawrkii sannaba mar sameeyaan.
Ciyoow in la qabtana kansarka waxa ay u baahantahay in dadku baaritaanadaan sameeyaan iyaga oo la tashanaya dhakhaatiirtooda. Sidoo kale in qofku ka warqabka siyaadiyo haddii sooyaal qoys oo kansar ah leeyahay (Family History). Waxaa Eebbe mahadiis ah 10 sano ka hor wadanku xitaa lahayn hal xaruun baariska kansarka ah, halka hadda in ka badan 6 xaruumood oo baaritaanka cudurada ah Muqdisho ka furanyihiin, weli se kuma filna oo ma wada buuxin baahida baaritaan maadaama qalabyada qaar wadanka oolin ama aan la keeni karin.
Ugu dambayn, mudooyinkii dambe kiisas badan oo kansar ah ayaa la soo tabinayay walow aan tirrada sax ah iyo kansarada ugu badan aan la wada haynin. Kiis aruurin iyo cilmaarisyo gaar ah oo ay iska kaashadeen dhaqtarka kaliya ee kansar ku takhasusay ee Soomaaliya ka hawlgala Dr. Xuseen Abshir, Isbitaalka jaamacadda Soomaaliya (Uniso) iyo Dr Bas oo isna ka hawlgala isbitaalka Digfeer waxa ay ku soo tabiyeen in 2018 kansarada cusub ee la ogaaday (diagnosed) nambar ahaan yihiin 9942 qof, halka 8198 kale ay kansar u dhimatay isla sannadkaas. Waxa ay sidoo kale ku sheegeen in kansarka ugu badan Soomaaliya yahay Kansarka Cuno-mareenka (Esophageal Carcinoma).
Ma jiro baraarug wayn oo kansarka ku wajahan, dawlad Soomaaliyeed mid hore iyo mid timidba ma jirto weli siyaasad caafimaad oo kansarka ku wajahan. Wadanku weli ma yeelan xaruumo kansarka u gaar, kuwo kansarka lagu daaweeyo iyo kuwa lagu diiwaangeliyabo. Sidoo kale ma jirto baraarug bulsho oo haddii xitaa la soo dhammaystiro baahiyaha kansarka Soomaaliya wajahaayo dadka qaar ka mid ah ayaa aminsan in kansarku daawo lahayn iyo in la kala qaado. In baraarugaas la siyaadiyo, dadkana la waxbaro oo la dhiirogeliyo barashada kansarka wax wayn ayay ka tari kartaa dhibaatada kansarka ummadda ku hayo.
¹Apoptosis: jirka labo qaab ayuu unugyada uga takhlusaa. Mar waa markaan oo si caadi ah oo laga warqabo ayaa loo dilaa unugyada jirku u baahnayn iyo kuwa aan caadiga ahayn. Mar na waa marka cudur jiro sababo dhimashada unugyo, waxaana la dhahaa Necrosis.
²Mutation: si fudud waa qalad walbo oo ku dhaco habka xiriirsan ee DNA-da qofka u samaysantahay.
Tixraac:
1. Fundamentals of Pathology, CH:3 Neoplasia. DR. HUSSAIN A. SATTAR
2. Cancer, WHO, February, 2022
3. Cancer in Arab world, CH: 15 General Oncology Care in Somalia. Dr. Hussein Abshir Mohamed, Drs. Ikram Abdikarim, Dr. Nur Yasin and Dr. Amin.
W/Q: Cumar Dheemow
HAWLGALKII UNOSOM I&II
W/Q: Cumar Dheemow
Tar: 04. Sept. 2022
Horraantii 1991-dii Soomaaliya waxaa ka soo gebaggeboobay xukun Militeri oo ay jiritaankiisa iyo burburkiisaba wada eeday. Ka dib burburkii dawladdii uu hoggaanka u hayay AHUN jaalle MSBarre, waxaa abuurmay jabhado maamul doon ah oo hammigooda u wajahayay si ka liidata sidii ay filayeen shacabkii u dabaal degay bixitaanki la bixiyay Jaalle Siyaad. Waa halka uu Abshir Bacadle AHUN ku leeyahay maansadiisi daarnayd dib-u-heshiisiinta "Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene". Waloow tuuridii la tuuray maamulkii kalitaliska ahaa ay ahayd mid ka mid ah waxii ugu mudnaa ee sooyaalka Soomaalida soo maray haddana iyada oo aan la wada nashqadaynin waxa dhiig joojin looga dhigi doono marka jirridda laga gooyo burada deegaansatay dawladnimada Soomaalida ayaa la gooyay buradii, markaas waxaa dhib noqotay in la jaray buradii oo dhiigii ka dureeray baa noqday haro ay ilaa hadda Soomaalidu dhiiga ka cabto.
Jabhadihii ka abuurmay burburkaas waxay ku loolameen hanashada magaalooyinka waa wayn ee Soomaaliya. Waxaa jabhadaas barbar socday urruro diimeedyo kala tagtagsan oo iyagana rabay in ay hoggaanka qabsadaan kuwaas oo iyaga isa sii dhalay qaybna ka noqday tubooyinka dhiiga tufa si aan harada dhiiyacabta qoraxdu u engegin. Loollanka jabhaddaha Muqdisho waxaa ku adkaaday oo la wareegay jabhaddii USC ee uu hoggaaminayay AHUN Gen. MFCaydiid.
Maqaal hore oo aan ka qoray sooyaalka iyo suugaanta Abwaan Abshir Bacadle AHUN¹, waxaa ka soo weriyay in ujeedkii ay u curatay maansada aan baydka ka mid ah kor ku xusay ee Dib-u-heshiisiin ay ka mid ahayd in abwaanku ku cambaaraynayay beeshiisa oo hoobiyeyaal ku garaacday Gegada diyaaradaha iyo dekada oo ay halkaas ku gubeen haaman shidaal iyo gargaar loogu talagalay dadkii baahida la joogay Muqdisho. Walow abwaankU dib ugu biiray garabkA jabhadda USC oo reerkiisa u badnaa markii ay UNOSOM wadanka soo gashay.
Markii ay waxaas oo dhibaato ah dhaceen adkaatayna in Soomaaliya gargaarka caalamka ka imaanaayo la soo gaarsiiyo, waxay Qarramadda Midoobay 03. Dec. 1992 soo saartay qaraar No:794 oo qeexayay in ciidan loo diro Soomaaliya. Butrus Ghali oo ahaa xoghayihii Guud ee QM ayaa u soo jeediyay madaxwaynihii Maraykanka ee xilligaas George Bush qorshe hubka looga dhigayo kooxaha Soomaaliya ka dagaalamaayo oo ay USC-da Muqdisho haysato u horeeyaan.
09. Dec. 1992 waxaa Xamar yimid ciidan Maraykan uu hoggaaminayay oo 1800 askari ah (UNITAF-UNOSOM I), iyada oo ay jirtay amar uu George Bush bixiyay oo ahaa in tirrada ciidamada Maraykanka ee hawgalkaas la magac baxay hawgalka Rajo soo celinta (Operation Restore Hope) la gaarsiiyo shan iyo labaatan kun oo askari.
Markii UNITAF-UNOSOM I saldhigatay wixii ugu horeeyay oo ay agaasimeen iyaga oo ka faa'idaysanaya aqoontooda warbaahinta iyo faafinta barobogaandada waxaa ka mid ahaa in ay 28. Dec. 1992 dhidibada u taageen idaacad iyo wargays loogu wanqalay Rajo.
Is baddelkii maamul ee Maraykanka ku dhacay ee uu madaxwaynaha ku noqday Bill Clinton ayaa keentay in 04. May. 1993 hoggaankii Maraykanka ee UNOSOM lagu wareejiyo Qarramadda Midoobay, wuxuu na taageeray madaxwayne Clinton in tirrada ciidanka Maraykanka ee hawgalka rajo soo celinta la yareeyo oo la gaarsiiyo ilaa afar kun oo askari.
Urrurada iyo kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya ee xilligaas jiray waxaa ugu xooganaa AL-ITTIXAAD AL-ISLAAM oo lahaa garbo dagaal. Al-ittixaad waxay ka hor UNISOM galeen dagaalo dhawr ah oo khilaaf ka dhex abuuray gollaha shuurada ee kooxda taas oo keentay in dagaalyahanada mucaskarooyinkii waa waynaa la kala diro. Dagaaladii ay galeen waxaa ka mid ahaa kii Arraare oo ay kaga horyimaadeen jabhada USC ee Gen. MFCaydiid hoggaaminayay iyo kii ay Garowe iyo meelo ka mid ah Puntland kula galeen SSDF. Hoggaankii sare ee Al-ittixaad waxay aad u diidanaayeen in jabhadaha wadanka ka jiro la garabsado oo dagaal wadajir ah ciidamadii Shisheeye ee wadanka yimid lala galo.
Khilaaf ayaa ka dhashay mawqifkaas, waxaa ragga qaar diirada u saarnaa dubka cad iyo gaalada wadanka soo galay. Waxaa ka mid ahaa raggii ayidsanaa in lala dagaalmo UNOSOM oo laga garab dagaalamo Gen. MFCaydiid, Sh. Cabdullaahi Axmed Sahal (Ayatullaah) oo hore uga tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya waaxda Canshuuraha. Wuxuu sh. Cabdullaahi Ayatullaah agaasimay dagaalyahano labo boqol gaaraya oo uu ugu magacdaray JABHADDA BADBAADINTA ISLAAMKA kuwaas oo tabbabaro iska caabin ah loo laqimay. Raggii ugu sareeyay ee aaminsanaa in aan Gen. MFCaydiid laga garab dagaalamin waxaa ka mid ahaa Sh. Xasan Daahir Aways oo ahaa madaxii dagaalyahanadda Al-ittixaad, marna ahaa amiir-ku-xigeenka Al-ittixaad. Walow uu mar dambe oo ay Sudan isku arkeen madaxii Al-qaacida Usaame Billaadin, rag ka tirsan Al-qaacidana Muqdisho loo soo diray uu Sh. Xasan dagaalka ku soo biiray. Waxaa la sheegaa in kulankaasi dhacay intii u dhaxaysay April-June 1993². Waxaa la sheegaa in Febraayo 1993 Muqdisho imaadeen rag Pakistaan joogay si ay dagaalkaas uga qayb galaan. Waxaa ka mid ahaa raggii imaaday Tabbabare Cali Maxamed oo si toos ah amarka ugu qaadan jiray ninka ugu sareeyay dagaalyahanada Al-qacida Abu Xafsa Al-Masri sida ku qoran "Al-Qaeda in East Africa" ee uu qoray David H. Shinne. Waxaa sidoo kale qiray in Al-qaacida ka qayb galay dagaaladi lala galay UNOSOM Axmed Godane iyo Mukhtaar Rooboow oo labaduba soo noqday laba nin ee ugu saraysay urrurka Al-Shabaab.²
Admiral Howe oo ahaa madaxii UNISOM, waxaa la-taliye u ahayd Aprile Glasipe oo mar noqotay safiirka Maraykanka u fadhiso Ciraaq. Waxay Aprile, Howe kula talisay in lala wareego Radio Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen xoogaga taageersan jabhada USC. Waxaa raadiyaha laga guubaabin jiray dagaalka USC kaga soo horjeedo UNOSOM.
05. JUNE 1993 waxay UNISOM weerartay Radio Muqdisho. Waxaa lagaga horyimid dagaal iska caabin ah oo ay iska garabsanayeen taageerayaasha USC iyo dagaalyahanada Jabhada Badbaadinta Islaamka (JBI). Waraysi uu Gen. Caydiid siiyay wariye Yuusuf Xasan Cabdi wuxuu ku sheegay in ciidan jabhadiisa ka tirsan ka qayb qaadanin dagaalkaas oo cida dagaalantay ahaayeen dadwaynaha.
Dhacdadaas waxay keentay in QM soo saarto qaraar NO:837 oo sheegayay in Gen. MFCaydiid la soo xero. Waxaa loo xil saaray wakiil QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, horena u ahaa jeneraal hawgab noqday in uu soo xero Jeneraal Caydiid. Admiral Howe wuxuu balan qaaday in uu shan iyo labaatan kun oo dollar siin doono cidii soo sheegto xog lagu soo qaban karo Gen. Caydiid. Gen Howe sida lagu xusay buugga Richard Clark ee "Against All Enemies" wuxuu dalbaday in la keeno guutooyin ka mid ah ciidanka kummaandooska Maraykanka ee Delta Force iyo diyaarado dagaal, se waa laga diiday dalabkaas.
Gen. Maxamed Faarax Caydiid.
Admiral Howe wuxuu xiriir hoose la sameeyay Maxamed Iimaan oo reer ahaan ku dhawaa Gen. Caydiid rabayna in Caydiid cid kale lagu badalo. 12. July. 1993 waxaa la duqeeyay guri ku yaalay koonfurta Muqdisho oo uu shir uga dhacayay taageerayaasha USC oo ka koobnaa, aqoonyahano, odayaal iyo dad kale. Waxaa la tuhunsanaa in Gen. Caydiid ka soo qayb gali doono, sida la sheegayna waa ka soo qayb galay se waa ka laabtay markii uu kulanka ku dhex arkay rag uu ku tuhmayay in ay la shaqeeyaan CIA-da Maraykanka. Waxaa duqayntaas ku dhintay Maxamed Iimaan oo heshiis hoosaad la lahaa Admiral Howe iyo qaar ka mid ah ka soo qayb galayaashii kullanka.
26. August. 1993 waxaa Muqdisho ka soo degay guutoon ka tirsan ciidamada Maraykanka ku faano ee Rangers-ka iyo Delta Force. Waxaa hoggaaminayay Gen. William F. Garrison, waxay tiro ahaan dhammaayeen 440 askari.
Galabnimadii Oktoobar 3-da ahayd, waxaa suuqa Bakaaraha agagaarka Hotel Olympic dagaal ku dhex maray jabhadii Gen. Caydiid oo garabsanaya Islaamiyiinta Soomaaliya iyo xoogagii Maraykanka hoggaaminayay ee nabad ilaalinta u yimid Soomaaliya. Wuxuu ahaa dagaal ujeedkiisu yahay in lagu soo qabto Gen. Caydiid oo uu Maraykan dhayalsanayay uguna talo galay waqti gaaban se cashar lama ilaabaan ah u noqday xoogagii uu Maraykanka hoggaaminyay. Wuxuu dagaalkaas is baddel ku sameeyay habkii Maraykanka uga falcelin jiray xasaradaha ka dhaca wadamada caalamka isaga oo isku arki jiray boolis caalami oo aan looga maarmin faragelinta xasaradaha ka aloosma caalamka. Waxaa lagu ogaan karaa ka dib guul daradii maalinkaan gaaray, sidii uu uga falceliyay xasuuqyadii ka dhacay Ruwanda, Boosniya iyo meelo kaleba. sida ku xusan Buugga "Operation Restore Hope" ee uu Qoray Philip B. Doston, Soomaalina u Turjumay Maxamuud Bulxan.³
Galabtaas waxaa Maraykanka laga soo riday labo diyaaradood⁴, oo ay ka mid ahayd Black Hawk oo laga qoray buug iyo sidoo kale laga sameeyay filimka caanka ah ee Black hawk down. Waxaa dagaalkaas Maraykanka looga dilay sideed iyo toban askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 73 askari, 6 ka mid ah ciidanka Maraykanka ayaa iyagana nolosha lagu waayay⁵ halka nolol lagu qabtay duuliyihii diyaarada Super 6-4 Capt. Micheal Durant iyadoo waanwaan 14. Oct. 1993 la galay lagu soo daayay Captain Durant.
Ciidanka Maraykanka waxay ku dhex xayirmeen suuqa Bakaaraha, waxaa gurmad ugu yimid guutada 19-aad ee ciidanka Malaysia oo ka koobnaa 114 askari. Waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan 75 askari oo ka mid ah 77 askari oo ku go'doonsanaa Bakaaraha. Waraaq uu Lieutenant-Colonel William C. David oo ahaa mid ka mid taliyeyaashii Maraykanka ee dagaalkaas ka qayb galay u diray taliyihii ciidanka Malaysia Abdul-latif Ahmed ku yiri " Waxaan weli la yaabanahay in arrimuhu si habsami leh u shaqaynayaan sidii ay u shaqaynayeen. Hubka tooska ah, madaafiicda iyo baasuukayaasha ayaa cirka ka da'ay. Waxa aanu ku dagaalanay aagga hawgalka - waddo waddo, guri guri - waxaan ka hortagnay cadaw si fiican ugu tababbaran dagaalka dhuumaaleysiga ee magaalooyinka"⁵
Sidoo kale wariye sare oo BBC-da ka tirsan oo la dhaho Jonathan Fryer wuxuu dhahay "hawgalkii lagu badbaadinayay ciidanka Maraykanka waxaa fuliyay ciidanka Malaysia"⁵. Waxaa dagaalkaas ciidanka Malaysia kaga dhintay darawal Mat Aznan Awang halka 9 askarina kaga dhaawacmeen. Waxaan Malaysia ku arkay mid ka mid ciidankii Malaysia ee la socday UNOSOM oo hadda hawlgab ah, wuxuu ii sheegay in doorkii ay ka qaateen UNOSOM iyo dagaaladii xilligaas dhacayba ay ahayd in ay nabada sugaan oo ay kala dhex galaan dagaaladii xilligaas dhacayay.
Wuxuu ii sheegay in ay dhawr dagaal kala dhex galeen mid Soomaalida dhexdooda ah iyo kii Bakaaraha ee Soomaalida iyo UNISOM. Wuxuu yiri "way dhici jirtay in aan mararka qaar xabado ridno, waa haddii na gula soo rido".
04. Oct. 1993 wadooyinka Muqdisho waxaa lagu dhex jiidayay maydadka ciidamada Maraykanka. Dadka ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan ama uga qayb qaataan haaraamida Maraykanka iyo maydadkiisaba.
Dhinaca Soomaalida waxaa dagaalkaas la sheegaa in ay ku dhinteen 500 oo qof, halka 1000 kale dhaawacantay⁶. Danjiraha Maraykanka Robert Oakley wuxuu sheegay in qiyaastii 1500 ilaa 2000 oo qof ka dhinteen Soomaalida oo rayid u badnaa. Gen. Caydiid dhankiisa wuxuu sheegay in dagaalkaas lagu dilay 3000 oo qof iyada oo lagu dhaawacay 5000 oo qof⁷.
Gen. Bruno Lio taliyihii ciidanka taliyaaniga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hawgalkii Maraykanka hoggaaminayay ee Gen. Caydiid loogu dan lahaa. Wuxuu sheegay dad badan oo shacab ah in uu galaaftay hawgalkaas. Guddigii Qarramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa iyagana dhankooda xusay in UNOSOM ku xadgudubtay xaquuqda aadamaha.
16. Nov. 1993 QM waxay soo saartay xeer No:855 oo lagu burinayay xeer NO:837 oo sheegayay in la soo qabto Gen. MFCaydiid. Waxay UNOSOM wadanka ka baxeen hawgalkooduna soo gabagaboobay March, 1995.
¹ https://cumardheemow.blogspot.com/?m=1
² Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.
³ Soo koobida buugga Hawgalkii Rajo soo celinta, Aamiim Timacadde.
⁴ How our men saved US troops in Bakara Battle By Ismail Noor (Malaysian Author)
⁵ How our men saved US troops in Bakara Battle By Ismail Noor (Malaysian Author)
⁶ Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.
⁷ Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.