Stories by Ridwan Abdirashid on Medium
Haddii aan wuxuun ku odhan lahaa, waxaan ku odhan lahaa: Waan ku jeclahay… ee fadlan sii wad waxa aad samaynayso.
Sanqadha jiingada roobku sida xoogga ah ugu dhacayo iyo hawada macaan ee ka baxaysa kobta uu ku hoos jiro ayaa ah waxyaabaha ugu weyn ee kicinaya dareenkiisa iyo naf-lahadalkiisa. Jawigan oo kale wuxuu u yahay goob is-helitaan iyo kulan nafeed; waa daqiiqado adduunku qalbiga ku yaraado, halka su’aalaha ku saabsan ujeeddada nolosha ay laba-jibbaarmaan, kuna sii daayaan fekerro is daba joog ah maskaxda.
Marka uu jawigaas joogo, waxa maskaxdiisa ku qulqula dareenno qoto dheer, xasuuso fog iyo yaqiin kor u kacda marka uu dareemo jiritaanka dad ku nool nolol u dhisan si aan caadi ahayn, dad ujeeddo ka dhigtay wanaagga. Dad aan adduunka u noolayn si la mid ah dadka kale; kuwaas oo hantidooda ugu weyn tahay mahadnaqa, dhoolla-caddayntoodu daweeyso qalbiyada murugsan, jeebkooda iyo waqtigooda ku bixiya farxad iyo caawinaad iyaga oo aan wax abaal ah sugayn.
Haa, waxa uu jeedaa dad wax u bixiya si daacad ah, u nool si daacad ah, farxad iyo qalbi furanna laga dareemo wejiyadooda. Kuwaas oo dhaqankooda laga dheehan karo farriimaha qotoda dheer ee diinteennu xambaarsantahay, dhacdooyinka iyo axaadiista Rasuulka NNKH ee tilmaamaya wanaagga, wax-bixinta bilaa ujeeddada ah, iyo in la fahmo in adduunkan uu yahay xaalad is-bedbeddelaysa oo aan joogto lahayn.
Waxay innagu baraarujinayaan in aynaan is weyneyn, ee aynu is-hoosaysiinno si aynu isugu soo dhowaanno. In aynaan adduunyada sidaynu u aragno isku soo dhawayn oo aynaan isku waynayn, si aannu inoogu adkaan ku noolaanshiyihiisu. In aan dooranno hadalka wanaagsan, ficilka wanaagsan, dareenka wanaagsan — maadaama ay yihiin miraha aynu berri goosan doonno, iyadoo ay maanta tahay maalinta aynu beerayno.
Dadkan noocaas ah waxay yihiin tusaalayaal nool … dhaqankoodo keliya ayaa ku filan in uu qalbi farxad galiyo. Waxay inna baraan in aynu noqono kuwo iyaga la mid ah; ku hadla hadal wanaagsan, wax bixiya iyaga oo aan wax sugayn, u dhoolla-caddeeya si daacad ah, u noolaada si qalbi furnaan ah.
Waayo mararka qaar, hal hadal oo wanaagsan, hal dhoolla-caddayn oo run ah, ama hal ficil oo daacadnimo ku dhisan ayaa badbaadin kara qalbi burbur ku dhowaa.
Dadkaasi waa kuwo qalbigiisa ka hadashiiya isagoo aan afka ka hadal marka uu la kulmo. Waxay qalbigiisa ku abuuraan hadallo u dhigan sidan:
“Haddii aan wuxuun ku odhan lahaa, waxaan ku odhan lahaa: Waan ku jeclahay… ee fadlan sii wad waxa aad samaynayso.”
Roobkii wuu yaraaday, jiingadiina sanqadhii way joojisay, balse sankiisu wali wuxuu la haystaa hawadii iyo neecawdii macaanayd ee ka dhalatay qoyaankii roobka ee dhulka taabtay. Waa neecaw kicisa xusuus iyo dareen aan afku si fudud u cabbiri karin.
Dabeecadii ayaa Qalafsanaan lasoo if baxday.
Qadhqadhyo ba’an oo muuniga hore na haleesha, kulayl daran oo hadhgal gadaashii yimaada, casar liiqa oo laydh qaboowi soo dhabato,Kogitaan iyo ilko isladhac kolka cirku midabka dugulka ah hilaabto ayaanu laasinay aniga iyo dadka aanu deegaan wadaaga nahay waayadanba.
Midabka dabeecada maalintayadu noocan ayuu ahaa . noocan laga dheehan karo kakanaanta cimileed ee sii jibaaraya lurkii sida caadiga ah aynu la kulmi jirnay kolkaynu ku gudajirno loolanka maalmeed.
salaama naqsi salaadkii maqrib ahaa gadaashii ayuu masjidka kasoo luuday isagoo lugaha ishordhigaya , hoos eegaya gacmahana isku laabtay oo gadaal marsaday.
Maan iyo muruq ahaanba wuu u daalanaa, hoygiisi ayuu hayaan ku yahay oo xasilooni nafeedna ku tuhmayaa.
wuxuu soo cagojiidaba ugu danbayn wuu soo gaadhay gurigiisi.
Daarada dambe ee guriga ka go’an ee uu beerta la jecelyahay ayuu si aan ku talagal ahayn usoo gaadhay, guriga qaybtiisi horena usoo dhaafay.
Kursiga daaradan cidlada ah Dhex Qotoma ayuu ku dhacdiidsaday , gacamahana soo laabtay, lugaha is dulsaartay , shaarubahana miiqay. Cabaar ayuu dabeed bartii isaga leexaystay.
xidigaha aad moodo laanbado dhalaalaya oo qasri ka soo laadlaada iyo dayaxa uu waayay wax la qurux ah oo uu ku masaalo ayuu iska milicsaday.
Wuxuu iska daawado ashqaraarka ildoogsiga leh ee cirka iyo farshaxanka eebe ku sanceeyay ayuu mar qudha ku war helay in la qaatey oo ay qaateen mawjado xambaarsan xasuuso kala gadisani.
Waa xasuuso xambaarsan macaan iyo qadhaadh isku dhafan, haa waa xasuuso noocba nooc ah.
Wuxuu ku hawlmay xasuusta saaxiibkii oo ay kala baadeen oo berbera joogay , sidoo kale bilcaan siday latahay uu yaqaano oo la dhacsanayd hees yurub geenyo luuqdeeda lahayd. wuxuu xasuustaa Steve jobs qudbadihiisa quseeyay wax soosaarka , halabuurka iyo inuu qofku caalamka wax ka badelo sidoo kale wuxuu xasuustaa barbaartii uu mall ka kusoo dhaafay , sidoo kale… intaasiba waxay ahayeen xusuuso yar yar oo ka soo raacay bartiisa instgram-ka oo dhowr daqiiqo rogrogayay kol uu bas soo saarnaa.
Saacadan Uu kursiga ku dhacdiido waxa sii dhamaanaya sannad bilashadiisu dhawaan uun ay ahayd. Horaantii sanadkan waxyaabo la weynaa ayaa jiray se maanta aan agtiisa ku weynayn,sidoo kale wax macne lalahaa ayaan wax saameyn ah agtiisa maaanta ku lahayn, halka wax kale oo la wiiqnaa ay maanta la weynaadeen , Haa kaliya muuq ahaan uun isumuu badalin ee maan ahaana wuu u koray oo isu badelay.
“Hadaan Guga kuu Kordhaa, Gabaw Mooye ku tarin, Garaad iyo Waayo arag , Ileen waxma dhaantid geed”. Gaariye AHN.
Wuxuu xasuustaa halka habfikirkiisu jooogay sannad ka hor, sido kale wuxuu xasuustaa halbeega uu wax ku qiimayn jiray sannad ka hor ee uu wax kusoo dhaweysan jiray waxkalana ku fogeyn jiray ee miqyaas kiisa ahaa.
Wuxuu aad uga fikiray isbadelka maan ahaan ku yimi in kabadan intuu ka fikiray isbadelka muruq amase jidh ahaaneed ee ku yimi.
Wuxuu rogrogo bogaga xasuusihiisu ku xardhanyihiin , wuxuu bogba bog usii dhiibo wuxuu ku hakaday maaalmihii bilay sannadkiisan, oo ay ugu mudnayd siduu ubadinayo bishii ramadaan , wuxuu xasuustooda jeclaysanayaa maalmo ay isiso booqdeen barbaar ay jaal ahaayeen oo ay kala baadiyoobeen misna isu baholyoobeen. Wuxuu ka fikirayaa sababta uu u garan waayay maalmihii qiimaha mudnaa ee soo dhaafay qiimahooda, wuxu is weydiinayaa ugu yaraan sababta uu ugu arki waayay maalmo macno leh oo u qalma in laga fikiro in leeg intay mudanyihiin, wuxuu is weydiinayaa sababta Jeeraalaba nooluhu ugu fikiro timaadada iman doonta amase tagtadii tagtay in kabadan intuu ka fikri lahaa joogtada dhadhankeeda.
Jawaab se uma hayo oo wuu ka gilgilanayaa oo is dhaafinayaa. “Fallaadhise gilgilasho kaagama Go’do”.
Si kastoo sannadka sareedadiisu ubadnayd haddana waxaa ku jiray maalmo qadhaadh oo sahayday badh kamida saaxiibaadii iyo ehelkii labadaba.
Waxa maankiisa gubaya sidoo kale marnnaba aan maskaxdiisa ka bixin dadkii adduunka ku macasalaameeyey sannadkaas gudihiisa. Waxa qub ku soo yidhi saaxiibkii Sayid (AHUN)’e oo geeridiisu aad u taabatay. Waxa maskaxdiisa ku soo dhacday iyana geeridii hooyadii labaad oo ahayd (habo Aasiya, AHUN. ) waa maalimihii ugu urugada iyo xanuunka badnaa maalmahaasi ee soo maray .
Waxa aanu mar qudha hilmaamin oo geeridiisu boog iyo nabar damqasho leh ku reebtay qof sannad uun kahor ay wada noolaayeen, waa: walaalkii saaxiibkii Najax ( AHUN)oo sannadkan sii dhammaanaya intiisii badnayd xanuun ku dhammaystay isagana ammintiisii ayaa timi Allihii lahaa ayaa na ka jeclaaday oo ka oofsaday.
“Aduun waa hadhkaa labadiisa’ gelin waana lahubaaye
Hal galgalatay waxa looga dhigay’ yaan nina uhadhin”.Jaamac AHN
Sidaasoy Tahay Kama Xuma In Eebe ka jeclaadey oo ka qaaday Oo wuxuu aaminsanyahay inaan Ubaxba qaadhin wakhtigiisa ka hor , nafna aan la adoonsan wakhtigeeda ka hor , sidoo kale aanay koonkan cidiba ku hadhayn oo la oofsanayo idil ahaan noolaha ku uuman .
Tolow hadaanu sidaas diintiisu fareyso aaminsanaan lahayn Sidee ayuu uga samri lahaa dadka uu sidaas u jeclaa ee nolosha ku cidleeyay , saw isma dileen darbi dheer iskama tureen, maya saq isma gubeen , maya saw tareen isuma dhigeen , maya saw ……… bal adba.
“Wadaadkiibaa Dhawaaqay” Waa Eedaankii Salaadkii cishaa , Wuxuu ku warhelay in la qaatay oo uubaxay , Haa wuu baxay wuxuu dhex muquurtay mawjado xasuus ah oo kala gadisan ,kala dhadhan ah, kala midab ah oo kala dareen ah.
Haa , xasuusiba xasuus bay u dhiibtay , xasuusaha qaar wuu la farxay oo jeclaystay ku hakashadooda , halka xasuusaha qaarna boogmadow ayku noqdeen oo uu la murugooday.
Xasuusuhu waxay noqon doonaan buuga aynu ka dheehan doono jiraalkeeni.
Kolkii uu u holladay u kicidda salaadda iyo ilaa jeerkuu ka soo gudanaayey waajibka Alle waxa aan mar qudha maankiisa ka bixin geerida saaxiibkii Sayid oo 2 maalin uun ka hor dhimashadiisa ay isku arkayeen suuqa, isla subixii uu dhimman doonana uu ka daawanaayey bartiisii WhatsApp iyo sidii naxdinta iyo argagaxa lahayd ee duhurkii loogusoo sheegay geerida saaxiibkii. Runtii waxa ay ku noqotay u qaadan-waa iyo af-kala-qaad. Jeer ay cabsidiisu gaadhay tolow adna ma imaka, ma berribaa, ma caawaa saacadaadi? Ileen nina in loosoo jiro ma ogee , Waa iska adduun iyo ayaamihiis!