Stories by Sakariye Cige on Medium
Meey, 4. 2025
Waa dayr bilowgeed. Waa dhammaadka bisha sibteembar. Waxa ay maalintaa ammintu ku beegneyd shantii galabnimo. Waa casar gaab ay qorraxdu godkeedii kusii hoyaneyso. Yaa se maantaba qorrax arkayey! Tan iyo maanta waxaa hoorayey roob gabaxle ah oo dhibicdiisa aad moodasid inay masaafo aad u fog ka timid, iyada oo daallanna dhulka soo gaadhaso, hadii aad muddo dhex socotid se laga yaabee inuu si ba’an kuu qooyo. Sidoo kale cirka waxaa ku daboolnaa daruuro iyo caad tiro badan. Qaylada iyo sawaxanku aad bay u yar yihiin, marka laga reebo jabaqda gaadhiga iyo cagta dadka. Iyaga laftigooda sawaxankoodu xitaa ma badna. Jawiga guud ee magaaladan ayaa iskiiba ah mid deggen.
Maanta maalmaha kale iila mid ma aha. Ma garanayo sababta. Waxaa laabteyda ka hugmaya ilo wada farxad, naxariis iyo boholyow. Saacad ka hor waxaan kasoo toosey hurdo la yaab leh. Umaleynmaayo hurdo ka macaan kana kadeed iyo turxaan yar inaad weligay seexday. Marka laga yimaaddo nolosheyda soo jeedka oo aad u kadeed badneyd, hurdada xitaa kuma nasan jirin ee daal cusub baan kasii taransan jirey. Tan iyo maalintaan imi magaaladan Venice ee waddankan talyaaniga, waxaa laga joogaa lix bilood, ma arag maalintan maalin ka qurux badan.
Judhii aan soo tooseyba waxaa dhagahaygu maqleen cida shimbir aad u cod qurxoon. Qiyaasteyda wuxuu iila cod eekaa shimbirka "suubaangarawo/nightingale" mase ahayn. Waan hubay inaanan hore u maqlin cod kiisan lamid ah. Waxaan soo istaagey baalakookanka gurigeyga. Gurigeygu waa guri aan weynayn oo ka kooban qol, jiko iyo suuli intaa waxa weheliya baalakoonkan yar ee aan ka daawado quruxda dabeecadda marna aan habeenkii saacadaha dambe aan ku gorfeeyo qaddiyada waaweyn iyo afkaaraha, mararka qaarna aan tagtada ku dhadhansado.
Qofna iguma weheliyo gurigan, marka laga reebo eygayga (angelo) angelo run ahaantii wuxuu ii yahay wehel iyo dugaashi dhab ah, waa ey aad u dhego nugu isla daqiiqadda aan magaciisa ugu yeedhaba isagoo sida haramcadka u boodaya ayuu ii yimaaddaa, marka taas laga tago waa gaari aad u nadiif ah aan uskaga badneyn, labadaas ficilba aad ayuu ugu amaanan yahay.
Aniga iyo Angelo marka laga tago Iinsaan kale oo uuman oo gurigan soo galaayi ma jirin. Waxaa taas sababay marka laga tago aniga oo awalba jeclaa nolosha suhdiga(minimalist) haddana intii aan magaaladan imid iyo guud ahaan yurubba, way koobnaayeen dadka aannu is baranay. Dhamaantoodna waxay u baadnaayen dad naftooda iyagu dhib ugu filan oo lacag caydhsanaya.
Isla jeerkii aan baalakoonka soo istaagey waxaa iqaaddey neecow aad u qobow. Waan hubaa lamid ma ahayn neecowdii hore ee igu dhici jirtey. Ilbidhiqsi gudihii ayay i saaqdey oo dhuuxeyga hoose u dhaadhacday, waxaadba moodeysaa inay ruuxda masaaj u tahay. In cabbaar ayaan ku dheygagsanaa aniga oo qotoma halkii oo la ashqaraarsanaa quruxda dabeecadda ee maalintan sidaa gaarka ah usii bilneyd.
Waxa meel aan iga fogeyn iga soo gaadhey sawaxan, waa sawaxanka dhallaanka Xaafaddan aan dhowaan soo degey. In cabbaar ah ayaan iyaga dhinacooda ku dheygagsanaa, anigoo kolna si fiican u bogonaya wejiyadooda iska xasillan ee farxadda iyo sareedada ka muuqato. Jaanibka kalena ka daawanaya ciyaarta ay caruurta waddankani ciyaaraan ee (Giochi di strada) ciyaartan waxaa sii bilaya dhoollacadeyntooda farshaxamaysan.
Muddo kaddib waxaan u tabaabulshaystay socod. Waa socod bilaa jiho, balse u jeedkiisu yahay tamashleyn. Jaakad jilbaha joogta iyo dallad ayaa ii weheliya huga kale. Waa cilcilow iftiinku uu gabaabsi yahay, tabbeelayaasha waddada dhinaceed iftiimanaya iyo nalalka gawaadhida ayaa dadka iftiin u ah. Waqtigaas mugdiga ahaa dartii iyo anigoo awalba madowgaygu dhalan ah dartii, bidhaanteyda meel fog laga arki maayo, hadii la iisoo dhowaado se laga yaabee.
Waxaan soo qaadey mid kamida waddooyinka waaweyn ee Venice. Caawa waxa magaalada waxaa ka muuqata xasillooni layaab leh. Waxaa duunkeyga hoose ka hugmaya xasillooni iyo farxad xad dhaaf ah. Run ahaantii caawa tallaabo kasta oo aan dhulka dhigo waxaa kasii burqan doona ilo wada degganaan iyo sareedo ah. Waxaa miran kara ruux walba oo hogsanaan iyo xasillooni darro la tiicaya. Waxaan ku soo leexday goob dhir miriri ah oo tiro badani si layaab leh uga baxeen. Si naxariis leh ayaan hadba geed damal ah oo laamihiisu qoyan yihiin calaacasha ku salaaxayaa anigoo sii dhaafaya.
buundada “ponte di Rialto”
Doolkii aan hoygayga kaga soo siyaaxay waxaan ku hakaday buundada "Ponte di Rialto" waa buundo aad u da' weyn oo qarniyo badan meeshan ku taallay. Waxay ka gudubtaa webiga Grand canal. Halkan waxaa ku kulmay sooyaal iyo qurux. Marka laga tago inay tahay goob sooyaal taariikho badan leh, sidoo kale waa goob dalxiis oo quruxda dabeecaddu aad muunad gaar ah ugu leedahay.
Muddo anigoo daalacanaya jamaalkii dabeecadda, waxaa si lama filaan ah indhahaygu u qabteen gidaar aan ka fogeyn buundada. Waxaa ku xardhan PUOI VIVERE A LUNGO GRAZIE ALLA BELLEZZA DELLA NATURA. “Waad la noolaan kartaa quruxda dabeecadda.” Waa maxay hadalkan la yaabka leh? Waa maxay ashqaraarkan lagu ladhay farshaxanka asiiliga? Dhab ahaantii habeenkaa waxaan xaqiiqsadey in jiraalkeennu yahay kuna qotomo dabeecadda asalka ah. In cabbaar ah ayay indhahaygu ku jeedeen gidaarkii farshaxameysnaa. Waan kasoo dhaqaaqey anigoo weli ka fekeraya ashqaraarkii aan soo daalacdey.
maqaaxida Caffè Florian”
Waxaan kusoo leexday maqaaxi caan ah oo aan waxba ka fogeyn buundada. Waa maqaaxi lagu magacaabo "Caffè Florian" waa mid kamid ah maqaaxiyaha ugu duqsan yurub. In ka badan 2 qarni ayay tahay goob dalxiis, sidoo kale goob qaxwo oo lagu gorfeeyo afkaaraha kala duwan ee kownka. Waa goob ay ka muuqato in muddooyin badan suugaan lagu gorfeeyay in badanoo kalena lagu curiyay. Anigoo baaladaymoodkii ku jira, waxaan ku war helay cod dabacsan oo ku hadaaqaya BENVENUTO SIGNORE "soo dhawoow mudane" isla kolkii aan soo jaleecayba mise waaba gashaantii aad mooddid in sanco gaar ah abuurteedan lagu muunadeeyay. Timaha tikhilka ah ee ilaa boqonta hoos uga daadegey, wejiga qoran ee dhankii aad ka eegtid mooyaan e dheeha kale aadan ka gayoonayn, dhexdan godan ee aad mooddid sidii laan hareeriya oo hadba dabayl xooggan dhan u liicineyso iyo naasahan toobiyaha ah ee la moodo in salaaxid un loo sameeyay. In cabbaar ah anigoo dhaygagsan ayaan si hambabaraad ka muuqato ugu halceliyey GRAZIE "mahadsanid" anigoo sii jeclaysanaya hadalkeeda dabacsan ee kalxaadhnidu ka muuqato sidoo kale dhoollacdeynteedan layaabka leh, ayaan si godlasho ka muuqato hadalka ugu sii raaciyey Portami un bicchiere di birra "ii keen koob biir ah" si dabecsanaan oo dhago nugeyl ka muuqdo ayay u socotay anigoo hadba dheeg anna dhankeyga isha ula raacaya.
Weli aniga oo maskaxdeyda ay dhex mayracayaan lana yaaban maalintan ashqaraarrada miidhan ee midiba midka kale kasii ashqaraar badan yahay, ayaan jaakaddayda jeebkeeda hoosa kala soo baxay sigaar. Si hammuun fara badan inaan u qabay ay ka muuqato ayaan u shiday. Isla ilbidhiqsigaas gudihii ayaan naqas aad u weyn laabteyda u diray, judhiiba intuu sambabadeyda hoos u saaqay ayaan qiiq is daba jooga hortayda ku firdhiyey. Sigaarku caawa ma aha kii aan xaaladaha walwalka iyo walbahaarka isku illowsiin jirey. Run ahaantii aad ayuu iiga duwan yahay. Caawa waxaannu wada qaadananaa dareen aad kaas uga duwan. Waa dareenkan xassilka iyo sareedada badan. Waxaa si duul duul ah igu soo gaadhaya hees. Waa hees talyaani ah oo aan hadda ka hor bartay, waa hees farshaxannimo heerkeedu sarreeyo leh sidoo kale uu ku ladhan yahay muusik iyo cod halaasiya oo ilbaxnimo badani ka muuqato. Heesta magaceedu waa "’O Sole Mio" qaar ka mid ah ereyadeeda;
"Quanno fa notte e 'o sole se ne scenne
me vene quasi na malincunia;
sotto 'a fenesta toia restarria
quanno fa notte e 'o sole se ne scenne”
(Tarjumaadda Af Soomaali)
“Gabbalku markuu dhacoo habeenku soo galo
Murugaa igu maaxata, waxan jeclaystaa inaan daaqadaada soo hoos is taago”
Aniga oo weli dhegta la sii raacaya heestii duulduulka ah igu soo gaadheysay, maankeyguna ku loofarsan yahay iyada, waxaan ku baraarugey gashaantidii reer Venice oo ila dul taagan koobkii biirka ahaa ee aan ka dalbaday. Judhiiba waxaan si hoose isugula showray, "ma mar labaad ayaa abuurteeda dib loo soo farshaxameeyay!" waxaan ka dalbaday inay fadhiisato anigoo hammuun badan u qaba inaan daawado muddo badan. Nasiib wanaag way iga ogolaatay shuruud la'aan. Waa ay fadhiisatay yadoo dhoollacaddeynasa. Indhahaygu shaqada ay hayaan ee daawashadeeda ah, waxaa ka fara badan ta maanka ee fajacu ka batay. Koobkii biirka ahaa ee ay iisoo dhigtay ayaan kabaday, anigoo aan weli dhanna uga jeesan. Waan qudh qudhiyey intaa kaddib ilaa aan ka dhammeystay. Waxaan weydiiyey su'aal ah "marwalba ma sidan ayaad u dhoollacadeysaa, mise waa mid maanta ku kooban?" intay dhoollacadeyn neef aan badnayni la socoto ku dhufatay ayay iigu jawaabtey "mar walba waa dhinaceyga, sida geed gob ah aan midho hoobaan ah hoostiisa looga waayin" mar kale ayaan fiiqsadey biirkii i hor yaalay anigoon hadal kale iga soo yeedhin. Dhaayahayga iyo xiskayguba waxay ku maqan yihiin iyada. Lagama yaabo inaan mar qudhiya ka libiqsado.
Isabella waxay si qurux badan iiga sheekeysay nolosheeda. Sida ay u tahay qof is-koris ah oo nolosha keligeed la lagdanta. Sidoo kale marka laga tago waqtiga shaqadeeda, inay tahay qof waqtigeeda ku loofarta. Waxay u nooshahay si xassilan oo aan kadeed badneyn. Noloshu waxay ula muuqataa in loo noolaado hal ujeeddo oo weyn, taasoo ah in farxad loo noolaado iyo In ficil kasta oo ay falaso ay u riyaaqdo. Halbeeggaas ayay shay kasta ku jaangoysaa. Sababtaas darteed ayay halkan u joogtaa una dooratay shaqadantan. Waxay ii sheegtay in shaqadan ay si weyn ugu riyaaqsan tahay. Marka laga tago in goobtani ay tahay goob ay qurux fara badan taallo, sidoo kale waxay Isabella kusii dooratay goobtan dadka dabciyada, dareenada iyo duruufaha kala duwan ee ay maalin halkan ku qaabisho iyo waayo'aragnimada kala duduwan ee ay maalin walba meeshan ka dhaxasho. Run ahaan waa arrin ay si weyn ugu riyaaqsan Isabella. Sidoo kale waxay ii sheegtay in ay suugaanta gaar ahaan fanniga sheeko-faneedda ay aad u xiiseyso. Waxay kolba soo qaadataa sheeko-faneed aanu isla garanano, kolkaasay si la yaab leh u gorfeysaa, anna si riyaaqid fara badni ka muuqato aan dhegta ugu raariciyaa. Waxay i bartay suugaanyahan aanan markaa ka hor maqlin. Waa "Italo calvino" aad ayay ula yaabtay inaanan aqoon suugaanyahankan talyaaniga ah. Waxay ii tilmaamtay sheeko-faneed lagu magacaabo "invisible cities" oo uu qoray calvino. In cabbaar ah oo danbe ayaannu sii wada hadal haynay sheeko-faneedda casriga ah iyo horumarka baaxadda leh ee ay aduun weynaha ka samaysey.
Daqiiqado dhowr ah ayay sheekadu istaagtay. Si lamid ah fekerkii. Daymadii ayaa shaqooyinkaas oo dhan haysa hadda. Wuxuu daqiiqado midkaayaba midka kale u eegayay si uu kalgacal fara badani ka muuqdo. Heestii duulduulka nagu soo gaadhaysey ayaa markan si kolkii hore ka dhawaaq dheer dhagahayaga u soo gaadheysa. Waxay cod aad mooddid kii hoobaladii Waaberi ee sida loo majeeran jirey oo kale kula luuqeysay heestii. Si lamafilaan ah ayay fadhiga uga istaagtay iyadoo ay heestii marba marka ka dambeysa kusii duxeyso. Dhinicii ay iga joogtay ma ah ka kale inta ay usoo wareegtay kolkaas ayay jaas bilowday. Hadba dhinac ayay u wareegtay oo lugaha is dhaafisay. Gacanta bidix ayay igu soo taagtey oo isoo tabantaabisey. Sidii oo aan masraxyo calanwalaynaya kasoo jaasi jirey ayaan dhexda qabsaday oo hadba dhinac ula walhaday. Muddo saacado ku dhow ayaannu halkii si kalgacal leh hadba dhinac isula wareeganay. Midba midkaaya kale ayuu ku dararay oo ku milmay. Si lama filaan ah ayuu midba ka kale dibnihiisa ugu soo dhoweeyey. Neefteeda la moodo udugga miskiga ayaa tin iyo cidhib isaaqday. Si baraad li' ah ayuu midba midka kale dibintiisa u taabsiiyay, kaddibna si godlasho fara badani ka muuqato u macaansadey. Muddo ayay wax waliba istaageen. Xitaa xubnahayaga ayaa dhaqaaqii gabay. Waxaad moodaa inuu mid walba ka kale ruuxdiisa magaciisa ku qorayay. Waxay ahayd dhunkasho gacal.
U maleyn maayo habeenkaasi inuu dib iisoo mari doono nolosha. Run ahaantii wuxuu ahaa habeen nolosha dhamaaneed dhinicii sareedada iyo faraxadda la iga tusay, dhammaan dhinacyadii kadeedka iyo qulubkana la iga qariyey. Wuxuu ahaa habeen samaad aan in badan oo danbe mahadin doono, in badanna aan goobaha caweysyada kaga faalloon doono. Wuxuu noqon doonaa habeenkanu xasuus keyd iigu noqon doona ruuxdeyda sidii madxaf.
Kala doorashooyinka badan ee suuqa shaqada iyo walbahaarka habeenka.
Q/Luisa
Shan mareeg ayaa iga furan barawsarka: maqaal ka socda The New Yorker, qayb ka mid ah Superstore, muuqaal YouTube ah oo ka hadlaya soo laabashada dhaqankii bidaa'iga ahaa ee dumarka "trad wives", PDF aan u baahanahay inaan koobo, iyo qoraal aan sidoo kale u diyaarinayo balooggeyga. Linkiyo ayaan gujiyaa, wax yar ayaan akhriyaa, kuma negaado haddana wax kale oo isoo jiidanaya ayaan si laablakac ugu jeedsadaa, waxaanan si hoose isugu ballanqaadaa inaan dib ugu laaban doono… balse sidaasu ma dhacdo, oo weligay dib uguma laabto.
Maalin walba waxaan ku baraarugaa inaan dhex heehaabayo mareego kala duwan oo baraha bulshada ah. Waxaan isku dayaa inaan akhriyo labo bog oo buug ah oo aan bilo ku foogganaa, balse toban daqiiqo kadib wax walba faraha ayaan ka qaadaa. Waxaan ciyaaraa halxidhaaleyaal (Wordle and Connections) anigoo u sababaynaya in ciyaaridda halxidhaaleyaashu maanka ay u wanaagsan tahay, sax miyaa? Waxaan baaraa shabakado, waxaanan go’aansadaa inaan raadiyo deeqaha waxbarasho ee master’s-ka. Waxaan dareemaa walbahaar. Dhamaan shabakadihii ayaan u xiraa si dhakhso ah.
Habeenkii waxaan jiifaa sariirta (mararka qaarna dhulka) waxaanan si qoto dheer uga fikiraa dhammaan fursadaha kala duwan ee aan haysto. Waxaan ku hanweynahay, inaan noqdo qoraa, gabyaa, la-taliye, aqoonyahan, macallin, iyo jilaa. Sidoo kale Barto luuqadda Faransiiska, Talyaaniga iyo Boortaqiis. Waa inaan dubto macmacaanka Koonfurta Faransiiska. Sidoo kale daawado dhammaan filimada aan liiskooda haysto. Mayee dhagaysto hees kasta oo wanaagsan oo la hal-abuuray. Waxaan rabaa inaan habeenkii soo jeedo, Maya ee haddana seexdo 9:30 fiidnimo.
“Wax walba ayaan rabaa inaan sameeyo, sidaas darteed waxba ma sameeyo"
Bilihii u dambeeyay, waxaan si weyn u dareemayay inaan ku jiro xaalad is-waa ah. hubaanti dhab ah kama haysto meesha nolosheydu u socoto, waqtiyada qaarna wayba igu culustahay. Waxaan marayaa sanadkii ugu dambeeyay ee jaamacadda, waxaana dhowaan geli doonaa suuqa shaqada ee aadka u xamaasadda badan. Xirfaddaydu waxay i siisay kala-doorashooyin ballaaran, taas oo aan jeclahay, maxaa yeelay waxay i siisay fursad aan kaga shaqeeyo goobo kala duwan ama u shaqeeyo qaabab kala duwan. Laakiin, sidoo kale waxay iga rabtaa inaan ogaado shaqada aan aadka u xiiseeyo.
Waxaan xiiseeyaa arrimo kala duwan sida; shaqada bulshada, cilmi-nafsiga, farshaxanka, waxbarashada, iyo siyaasadda. Mararka qaar waxaan dareemaa cadaadis xooggan, oo ah inaan hal shay si buuxda u doorto. Balse weli ma sameyn sidaas. Weli qoyskeyga waxaan ugu jiraa Boos mudnaan leh, waxaan ka helayaa taageero shucuureed iyo mid dhaqaale inta aan si hubaantiya u ogaanayo waxa aan rabo inaan sameeyo.
Labalabayntayda waxaan wax ka saaraa burjigayga/xiddigayga. Dadka xiddigoodu Mareego-dheer yahay waxay jecelyihiin aqoonta. Waxaanu doonaynaa in aanu wax kasta ka ogaano wax kasta. Laakiin dareenkan keli kuma ahi; waa mid isdiiddo shaacsane ah, gaar ahaan dadka dhalinyarada ah ee doonaya inay is halabuur leh u shaqeeyaan. Waxaan rabnaa inaan wax walba fahanno. Doorashooyin badan ayaa na horyaalla mana rabno in la xaddido. Sidee baan haddaba u doorannaa?
“Julie”
Filimka Joachim Trier ee "The Worst Person in the World" wuxuu ka sheekaynayaa Julie, gabar dhalinyaro ah oo nolosheeda dhisaysa. Waxa marar badan aynu ka arkaynaa iyadoo si laablakac ah u beddelaysa xirfadaha ay baranayso; ardayad caafimaad, cilmi-nafsi, shaqaale dukaameed, qoraa, iyo sawirqaade.
Julie waa qof aan ka xishoonin nafteeda; qalbigeeda ayay raacdaa si caaddifad leh, wax cusub ayay ku booddaysaa, xitaa haddii ay yihiin wax ayan hubaanti dhab ah ka haysan. Si dhakhso ah ayuu dareen jaceyl u hiyi qaadayaa. Markaas ayuu misana gabaahiir kusoo idlaadaa, sidii si lamid ah ayay qof kale ugu jeedsataa. Sababtaas darteed, Julie waxay dareemaysaa baylah nafsadeed iyo inay tahay qofka ugu xun adduunka. Halkan waxay ku sheegay iswaaga nafsadeed iyo baaxaaddaga ay ku jirto;“Wax walba oo aan horey ka jeclaado kama dhabeeyo. Shay walba waxaan uga gudbaa mid kale ilaa iyo dhammaadka.”
Julie arrintan waxay u aragtay daciifnimo, aniguse waxaan u arkay dhiirranaan. Waa geesiyad, qalbigeeda ayay raacdaa, nafteedana run ayay guddoonsiisa. Haa, xaaladahaas baaxaddaga ah oo kale waxay ka yimaaddaan wax badan oo aan hubaanti laga haysan, dadka saboolka ahna si sahlan uguma shaqayn karto. Laakiin sheekadeedu waxay metelaysaa qalalaasaha maskaxeed ee uu maro qof walba oo dhalinyaro ah, gaar ahaan kuwa 20-meeyo jirka ah.
Sylvia Plath waxay qortay; “marnaba ma akhriyi karo dhammaan buugaagta aan rabo; waligay noqon maayo dhammaan dadka aan rabo inaan noqdo, kumana noolaan doono dhammaan nolosha aan rabo inaan ku noolaado. Marnaba ma baran karo dhammaan xirfadaha aan rabo inaan barto. Laakiin inaan sidaas sameeyo maxaa igu riixaya? Dhab ahaan waxaan rabaa inaan si waayo'aragnimo leh u dareemo dhammaan midabada, dhawaaqyada, iyo dhadhannada kala duwan ee nolosha suurtagalka ka ah. Laakiin waxaan ogsoonahay inaan si xun u xaddidanahay.”
Erayadani waxay si fiican farta ugu godayaan sida aniga iyo duul badan oo 20-meeyo gu' jir ah aan u dareemeyno, waxaan si dhaba isu mudannaa oo na qabsada walbahaar ku saabsan wax walba oo aan samayn karno. Waxaa na qabta cabsi iyo hubaanti la’aan. Waxaan rabnaa dhiirranaan, aqoon iyo xiriir.
Noloshu waxaad si weyn ugu dareemaysaa diiqad iyo inaadan u adkaysan karin, marka aadan garanayn waxa aad ka rabto ama aanad garanayn jidka kugu habboon. Balse waxaan garwaaqsaday in aanan dhammaan waxyaabahaas samayn karin mar qura. Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan hal shay diiradda saaro mar kasta.
Hadda waxaan ku tababarayaa qorista. Muddo dheer waxaan ka baqayay inaan daabaco qoraalkayga. Xitaa naftayda uma qori jirin. Laakiin haddii aan doonayo inaan noqdo qoraa wanaagsan, waa inaan tababar sameeyaa. Sidaas darteed, waxaan abuuray balooggan. Maalin kasta waxaan dareemayaa kalsooni sii korodhayso. Weli codkaygii qoraalka ayaan raadinayaa, laakiin ma degdegayo.
Waqti xaadirkan waxaan isku dayayay inaan isbuuc walba wax qoro. Ma sahlanayn. Laakiin waxaan naftayda ku tabantaabinayaa inaan ku foogganaado waxa qalbigaygu u janjeedho oo qorista ah.
Waxaa dhici karta marka aan jaamacadda dhammeeyo inaan ogaado in qoristu aysan ahayn wixii aan rabay. Laakiin hadda waxaan diiradda saarayaa waqtigan. Waxaan ka faa'iidaysanayaa taageerada iyo fursadda aan haysto si aan wax u barto. Sida Julie oo kale, mar walba waan beddeli karaa waddada aan ku socdo. Waxaanan ku baraarugsanahay in arrintaasi ay adkaan karto, gaar ahaan dadka laga faquuqu ku badan yahay.
Haddii aad adiguna isku aragto sidaas, taladaydu waa; Naftaada u oggolow inaad bar bilow u sameysid. Isku day waxyaabo kala duwan, laakiin hal mar ha isku dayin wax walba. Marka aynu ku dhiirranno wax walba hal mar, waxa ay noqotaa mid walbahaar badan. Ka fikir waxa niyaddaadu hadda u janjeedho. Waa maxay hamigaaga kugu jiidanaya waqtigan? Isku day, naftaada u naxariiso, kana dhig mid aad ku dadaasho. Waa maxay waxa xamaasadda ama xiisaha dhabta ah kuu sameynaya waqti xaadirkan? In yar tijaabi, naxariis sii naftaada, oo mar walba jarrab.
Haddii aad ogaatid waqtixaadirkan waxyaabahad ku shuqlan tahay in aysan ahayn waxa aad niyadsamaan ku dareemaso, mar kale wax cusub ayaad isku dayi kartaa. Kama dhigna in waqtigu weli gabaabsi yahay. Ha welwelin. Wax walba waa hagaagi doonaan.
“farxad ku waar”