Stories by Shukri Abdullahi on Medium
SOCDAALKEYGII QORAALKA IYO SHEEKA CURINTA!
Graduation ceremony of SPA blog writing training
Qoraalku waa socdaal xamaasad leh, aan joogsi lahayn, oo milicsi leh.
Hordhac ahaan, qoraalku wuxuu ahaa nooc muhiim ah oo lala xiriiro dadka kale, waana sababta aan ugu riyaaqay qoraalka.
Run ahaantii tababarkan markaan ku soo biirayey wuxu ahaa mid aan aad iyo aad uxiisenayey, sababta ugu weyn ee aan usoo codsadeyna waxay aheyd hab qoraal kayga inaa kor uqaado oo qoraalkaygu noqdo mid nidaamsan, sidoo kalena hab qoraalkayna aan heer sare gaarsiiyo.
Run ahaantii tababarkan sidaan ka filaayey si aad iyo aad ugu duwan ayaan kala kulmey Markaygii hore qoraalka wax muhiimad ah ilama laheyn oo qoraalka qoraal uun buu ii ahaay, lakiin markaan tababarka qaatey waxaan ogaadey in qoraalka muhiim yahay, sido kale wax iska qor uun in wax loo qorin oo qoraalka uu habab la raaco inuu leeyahay oo wax iska qor uun wax loo qorin .
Markeygii hore nidaamka qoraalka ma raaci jirin oo qoraalada waa iska qori jirey uun, sidoo kale qoraalka waa is dhexgelin jirey oo markaa aniga iska hadlaayo iyo markaa qofka kale ka hadlaayo waa isku dhex qori jirey. Hab qoraalka ma aqoonin xiligaas, balse markan ku soobiirey halkan wax badan ayaan ka bartey runtii abaal weyn ayaana uga hayaa bahda SPA iyo DS oo la’aantooda aan fursaddan qaaliga ah aan heli laheen.
Xaqiiqdii tababarkan wuxu awood ii siisey inaa hab qoraal ahaan usoo gudbinkaro waxyaalaha gudaheyga ka guuxaayo, taas oo ah wax aad uweyn oo aan aad iyo aad ugu mahad celinayo uguna amaanayo bahda SPA.
Run ahaantii wax yaabo fara badan ayaan ka faaidey sida, qoraal xiiso leh sida loo qoro , sidoo kale wax yaaba ugu muhiimsan waxay tahay intey koorsada socotey in qamiiskasta naloo keeni jireen macalimiin hagayaal ah oo aad iyo aad ugu muuqdey bulshada , kuwaas oo nala wadaagi jirey waaya aragnimadooda ku aadan dhanka qoraalka iyo sheko curinta, taas oo ahayd mid aad iyo aad uxiiso badan .
Sidoo kale, tababarkan intuu socday asxaab aad iyo aad u diyaarsan oo aan marnaba ilaawi dooonin ayaan ku saaxibnay halkaas oo run ahaantii wax badan aan ka faaidey.
Middaas waxaan ugu mahad celinayaa bahda SPA Iyo DS oo run ahaantii la’aantooda aan fursadan qaaliga ah aan heli laheen. Aad iyo aad baad umadsantihiin bahda DS.
Waxaan rabaa inaan fikradayda iyo aragtidayda la wadaago aduunka oo aan inta badan diiwaan geliyo waayo-aragnimadayda lama ilaawaanka ah. Intaa waxaa dheer, qoraalku wuxuu ii ogolaanayaa inaan la xiriiro nolosha dadka oo aan muujiyo bini'aadantinimadayda.
Waxaana rajeynayaa inaa qoraalkeyga hore usii wado si aan uga dhigo qayb joogta ah oo noloshayda ka mid ah.
Hadii aad halkan soogaartey waad ku mahadsantahay aqriskaga.🙏🏻
AAS AASAHA DUGSIIYE MOHAMUD CUSMAAN (MC HAMOUDA) OO KA SHEEKEYNAYO HALGANKIISA NOLOLEED!
Wareysi kooban oo aan la yeeshay Aas aasaha platform ka ama machadka DUGSIIYE maxamud cusmaan Maaxud oo loo garan yaqaano MC HAMOUDA oo ka mid ah Dhalinyarada ugu saameynta badan dalkeena dhanka IT-ka oo dhalinta Soomaliyeed badanaa Ee ku deydaan (Role model) u ah kaga bogo halkaan.
Mc Hamouda
WAA KUMA MC HAMOUDA
Magacayga waa Maxamuud Cusman Maaxud oo loo garan yaqaano MC Hamuda , aslan waxaan ka imaaday magalada afgooye oo 30-km u jirto magaalada Muqdisho , waxaan waxbarashadayda heerka sare , heerka dhexe iyo heerka hoose ba kusoo qaaday halkaas . 2014-kii ayaan magaalada Muqdisho u soo wareegsaday halkaas ayaana heerkayga jaamacada ka bilaabay , waxaan soo dhigtay labo jamacadood mida kowaad waxay ahayd Daarul Xikma oo aan semester kaygii kowaad ku bilowday , semester kaygii labaad wixii ka dambeeyey waxaan usoo wareegay jaamacada Jamhuriyo oo kamid ah run ahaantii jaamacadaha magaalada ugu wanagsan ama ugu fiican Dhanka IT-ka ama technology -ka oo aad loogu amaano ,Waana sax run ahantii , ugu dambeyna halkaas ayaan ka qalan jabiyey oo Bach kygii kowaad computer science &IT-ka ka qaatay .
Kadib Master ayaan bilaabay isla jaamacada Jamhuriyo ayaan ka bilaabay lakin waan sii wadi waayey oo wan iska joogiyey hal semester kadib .
2018-kii ayaan waxaan ka shaqo bilaabay ICT ee jaamacada Jamhuriyo aas aastay oo logu talagay jaamacada dhexdeeda In loogu shaqeyo kaliya oo markaas baahi kajirty jamacada oo loo bahnaa in la building gareyo ama ladhiso system jamacada ee ku shaqeeso . Meshaas ayaan ka shaqo bilaabnay aniga iyo yar kale oo saaxiibo nahney , ku dhawad labo sano ah ayaan mesha ka shaqeyneyney , kadib system ka jamacad iyo arimaheeda fadhiisinay ama sameyney. Ugu dambey ICT-ka bananka ayaa loo soo wareejiyey magacayda JTECH lobixiyey , waxay qabataa software ka , vedio editing ka iyo graphic design ka , ilaahadana member ayaan ka ahay , labo sano ayaan waxaan ka ahaa agaasima ku xigeen oo meesha kala waday .
22-da October 2022 dii ayaan ka soo tagay magaalada Mugdisho , waxaan u wareegay shirkada Samsung ee dalka Turkey -ka shaqo ahaan , halkoos oo aan ka bilaabay master kyga machine learning &AI .
Yaa kugu dhiirigeliyey Aas Aasida platform ka DUGSIIYE ?
Qofkii igu dhiirigeliyey inaa bilaabo Aas aasitanka business ka DUGSIIYE Wuxu ahaa Macalinkeygii jaamacad Dr Mohamud Ahmed Jimcale , 2019-ki ayaana bilaabay aas aasitidisii platform ka DUGSIIYE , malmaha nasashada ama fasaxa ayaan ka shaqeyn jirey oo markaa Jaanis helo aayan koorsis -ka soo sameyn jirey.
Koorsadeydii ugu horeysey waxay ahyd WordPress oo ilaahada si weyn loo garan yaqaano
Wuxuna ahaa qofkii ugu horeysey ee koorsadaydii igu horeysey iga iibsaday , Run ahaantii dhiirigelin ayey Ii ahyd , Halkaas ayaana ka bilaabatay , koorsoyin kale ayaan ku xijiyey oo ilaahada tan u dambesey oo ah koorka React-ka .
Majiraan dhibaatoyinka Aa kala kulantay koorsa Sameynta Iyo Waqti Intee La eg Ayey Kugu Qaadataa?
Koorsa saameynta Ani ahaan waxay ii tahay wax aan dareen xoog leh u haayo (more passion ) ,in macmiil caadi ah u shaqeyana waxaan ka jeclahay inaa koorsoyin sameeyo , runtii waan ku raxeystaa aniga ahaan.
Sidokale dhibaatoyin badan ayey leedahy koorsada diyaarinda waqti badan ayey ubaahantahay , sidokle markaa diyaaris kadib in la edit gareeyo ayey u baahantahay , edit kana waa qeybta ugu adag ayaan dhihikaraa run ahaantii, xitaa koorsada inta aadan diyaarin waxaa u baahantahay inaa ka fikirto sidee noqoneyso koorsada, mararka qaar waxaa laga yabaa xitaa adigoo diyaarintii ku jiro in wax yaabo badan isbedelaan, wax cusub kugu noqdaan ama la (update ) gareeyo, wax yaabo badan kale sidaa u fileeysay ay noqon waayaan kadib laga yaabo inaad dib ugu laabatid koorsiga aad diyaarineysay .
Markaa sameysid koorsada meesha makaga hareeso sidokale oo ardeyda markey qaatan kooraska feedback ayey kaa rabaan , mararka qaarna cilad ayaa soo qabsaneyso , sidkle waxay ku weydinayaan mararka qaar cilado aadan waligaa arag ayagoo umalenayo waxaan inaa sida quranka camal taqanid , Ardeygana Markaa ku tiraahdidna waa soo raadinaayaa cilada ku heesato camal wuxuu umaleynayaa inaa iska indho tireyso ama rabinba inaa caawiso, marka waa wadato aad u adag runtii lakin aad Iyo aad Ayan ujeclahy koorsa saameynta.
Maxaa Kula Talin Laheyd Dhalinyarta Rabto Inee Bartaan Xirfadaan?
Xirfadan run ahaan hadee ka go’antahay inaa baratid oo meel sare ka gaartid waad ka gaari kartaa kaliya inee kaa go'antahay lobahanyahay sidokale Marka bilaabesid waxyaalaha Aas aaska(basics-ka ah) ka bilow tusaale ahaan HTML , CSS kadib JavaScript ,Markaa muhiim waxaa ah inaa wixi ku celceliso (More practice) la imaatid sidokale inaa dadka kale ula wadaagtid ama caawisid yacnii ardeyda inaa ugu celisid casharada , taas waxay kaa cawineysaa inaa wixi fahantid sidokalena aad wax ka dheeri ah aad raadis ama baratid .
“Furaha Xirfadaan hadii aad rabtid inaa heer ka gaartid waa ku celcelin badan oo joogto ah“