Stories by Sucdi Abdisamed on Medium
Sawirkaan, Waxaan ka soo qaatay “Internet”-ka. Waxa uu Summad u yahay, mihnaddiisa Garsoornimo.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ay dhalinyaradu ugu badan yihiin. Sida ay muujisay sahan ay sameeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Tirakoobka (2014), 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay da’doodu ka yar tahay 30 sano.
Kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku rejo weyn in ay ka mira-dhaliyaan riyooyinkooda. Hase yeeshee, caqabado badan oo is biirsaday, sida shaqo la’aanta iyo fursad-yarida ka jirta waddanka, ayaa dhalinyaro badan ka dhigtay kuwo ka rajo dhiga ama curyaamisa riyooyinkooda iyo himilooyinkii ay ka lahaayeen nolosha.
Magaalada Muqdisho, oo muddo dheer la daalaa dhacaysay caqabado badan, waxaa kasoo baxay Omar Abdulkadir Artan oo magaca Soomaaliya gaarsiiyay garoomada ugu waaweyn kubadda cagta ee Afrika iyo dunida. Omar kaliya ma noqon garsoore caan ah, balse wuxuu noqday qof taariikh cusub u qoray Soomaaliya. Guushiisa waxay muujisay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaari karaan heer caalami haddii ay helaan dadaal, karti iyo fursad.
Omar Abdulkadir Artan waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Carruurnimadiisii iyo dhalinyaranimadiisii waxay ku soo beegmeen xilli Soomaaliya ay la tacaalaysay dagaallo sokeeye, amni-darro iyo fursad-la’aan. Inkasta oo ay jireen caqabado badan, haddana jacaylka uu u qabay kubbadda cagta ayaa ku dhiirrigeliyay inuu noqdo garsoore.
Wuxuu markii hore ka garsoori jiray ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya. Markii ay xaaladda waddanku soo hagaagtayna, wuxuu ka faa’iidaystay tababarradii ay FIFA dib uga bilowday Soomaaliya si kor loogu qaado tayada garsoorayaasha. Shaqadiisa garsoornimada awgeed, FIFA waxay sannadkii 2018 ku dartay liiska garsoorayaasha caalamiga ah.
Sidoo kale, sannadkii 2020, wuxuu bilaabay inuu garsooro ciyaaraha ay qabanqaabiso Confederation of African Football (CAF), oo ah ururka kubbadda cagta Afrika. Sannadkii 2024, wuxuu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee garsoora ciyaar ka tirsan Africa Cup Of Nations (AFCON). Bilowgii 2025, Omar wuxuu garsooray lugtii labaad ee final-ka (CAF) Champions League.
Guulahaas is daba jooga ah kadib, FIFA waxay u dooratay inuu ka mid noqdo 52-da garsoore ee garsoori lahaa Koobka Adduunka 2026, kaas oo ka qabsoomaya Maraykanka, Kanada iyo Meksiko. Balse ma suuragelin, waxaana ay noqotay inuu dib ugu soo noqdo dalka.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadahaas kama aysan dhigin inuu ka rajo dhigo himilooyinkiisa ku aaddanaa inuu qayb ka noqdo garsoorka Koobka Adduunka. Waxaana mar kale loo magacaabay garsoore heer sare ah oo Union Of European (Association Super Cup 2026), oo dhawaan ku qabsoomi doona dalka Austria.
Guusha Cumar waxay uga dhigan tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, in guushu aysan ku xirnayn goobta aad ku dhalatay ama deegaanka aad ku nooshahay; Haseyeeshe taas baddelkeeda ay ku xiran tahay dadaalka, adkaysiga shakhsiga iyo karaanka sida fursadaha kooban looga rogi karo fursado waaweyn!
Jiilka cusub waxay u baahan yihiin in loo soo bandhigo tusaalooyin wanaagsan (role models) sida Omar Artan iyo kuwo la mid ah, kuwaas oo aragti wanaagsan ku jiheeya dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la sii wado abuurista fursado lagu soo saaro dad la jaanqaada ama la tartama dunida inteeda kale.