Stories by Suleman Ali on Medium
Dhibaatada Deegaanka Hargeysa
Magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyada Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyey soo wajahayeen dhibaatooyin xaga deegaanka ah oo lagu hayo dhirta taaso sabab u ah isbedelka cimilada haatan. Hadaba dhirta iyo deegaanka oo iswata oo ah mid ka qayb qaata nolosheena ayaa waxaad moodaa in runahaantii dhibatooyin badani soo wajahaan taas oo umuuqato ilaa iyo haatan in wax udamqada la waayay.
Deegaanku wuxuu nolosha binaadamka qayb laxaadle ka qaato si nolosheena ugadhigo mid caafimaad oo tusaale ahaano kale markaynu unimaadno (biology) cilmiga noolaha waxaynu ogsoonahay in qofka geed hoos seexdaa maalinta uu laydh caafimaad ka helayo. Hadaba inteen in leeg bay nolosheenu ugu baahantahay dhirta ama se ugu xidhantahay? Runtii waa mid caafimaad iyo mid uu dhulku laftigiisu ubaahanyahay oo laga marmaan u ah.
Tusaale ahaano kale marka aad eegto magaalada hargeysa gaar ahaan degmooyinka kood buur iyo ga,an libaax xaafadaha kala ah jigjigayar iyo new hargeysa tusaale ahaano kale markaad dib ugu noqoto taariikhda agagaarka hotel maansoor toban sanno ka hor waxay ahayd mid kayntu qarin jirtay gabi ahaanba sidoo kale markaad eegto xaafadda new hargeysa xaafada dhan oo loo gu magac yeedhi jiray (beeraha) beero badan ayaad mooda in meesha ka baxeen.
Dadkeena qurbaha ku nool ee inta badan loogu yeedho diaspora ayaa iyaguna runtii doorkooda dhinaca babiinta deegaanka ka qayb qaatay oo tusaale ahaano kale markaad eegto waxan afka qalaad loogu yeedho urbanization magaalayn ayaad moodaa in xiisaheeda gaarka ah leedahay. Markasta oo dhisma guri la yagleelayo waxa uu meesha ka saarayaa ama beer ama kayn meesha ku taalay taasoon loo aaba yeelayn dhibta ka iman karta amaba anfaca ay inoo lahayd .
Aqoonta qofka bin aadamka ahi markasta way la hoy tagtaa oo waati soomli hore umaahmahday aqoon la,aan waa iftiin la,aan. Waxa muuqata in bulshadu moogsantahay anfaca deeganku inoo leeyahay beer,kayn,IWM taso ay tahay in qofka lagu dhiri galiyo oo laga wacyigaliyo deegaanka si ugu yaraan dhinaca aqoonta bulshadu wax uxakamayso taaso dabcan ka imanaysa dugsiyada aasaasiga ah iyo jaamacadaha .
Warbaahintu waxa weeye tiirka afraad ee dawladnimada marka aynu ku hadlayno warbaahinta ayaa iyaduna doorkeedii ka gaabisay oo tusaale ahaano kale macalinku maaha oo kaliya kan iskuulka ee se waxa ay ahayd in wacyigalinta midoodi oo balaadhan oo aqoonaysan in laga baahiyo. Waxa ka mid ah barnaamijyo,dukumentaryo, iyo riwaayado ku saabsan deegaanka iyo dhibaatooyinkiisa lagaga hadlo.
Suaasha ugu mudan in uu qof muwaadini isweydiiyo ayaa waxay tahay waa maxay doorka wadaniyadeed ee ku wajahan ilaalinta dhirta? Tusaale ahaano kale waxaan xasuustaa taariikhdu markay ahayd 2012 july dhacdo ka dhacday dalka Kenya xaruntiisa Nairobi gabadh udhalatay wadankaas ayaa waxay ka xumaatay dhib iyo goyn lagu hayo meel ka mid ah meelaha ugu caansan magaalada Nairobi oo layidhaah townka oo inta badan safaaradaha dhismayaasha waaweyn ee dowladda ku badanyiin kadibna dhacdadaas daraadeed ayaa waxaa dhacday in xukun maxkamadeed lagu kala helo oo ay gabadhaas himiladeedi in goobtaas waxba laga dhisin usuurto gashay.
Hadaba waxa aan jirinba doorka qofka muwaadinku uu ka ciyaari karo deegaankiisa taasoo ah waxa afka qalaad lagu yidhaah (non automatic born) waxaan lagu dhalan ee ay tahay in qofka lagu barbaariyo marka ay timaado waalidka iyo iskuulka iyo wacyi gelinta uu helay. Ilmuhu marka uu koro waxaa la tilmaama in uu afar meelood wax ka qaato amaba wax ka barto kuwaas oo kala ah religious leaders, education institutions, media, iyo groups/friends afartaas meelood ee hogaamiyasha diineed, xarumaha waxbarasho, warbaahinta iyo saaxiibka. Hadii afartaa meelod uu qofku ka dhisan yahay waa la rajaynayaa in uu deegaankiisa ilaaliyo.
Ganacsiga iyo doorkuu ka qaatay wasakhaynta deegaanka waxaynu ogsoonahay in magaaladenan hargeysa ay maalinba maalinta ka dambeysa sii kulaylanayso taaso ay ugu wacantahay xadiga faraha badan leh ee baabuurta oo ku sii badanaya qofkastaana uu yidhi adna gaadhi waxay soomaalidu ku maahmaahdaa (habartaa haku tabato).
Waxa runahaantii aad moodaa ganacsigeenu uu yahay ku jiqsii oo tusaale ahaano kale dhinaca siyaasadda markaad ka eegto waxay sababta xeer la,aantu in ay timaado ganacsi xor ah oo dhirta lagu baabinayo kuwaas oo layidhaah dhuxulayda. Dhuxusha oo ah tan ay dadku inta badan ku tiirsanyiin ayaa dhirta farabaas ku haysa tasoo ilaa iyo haatan xal loo la yahay. Hadaba marka uu ganacsi wadan ka bilaabmayo oo qof ama koox muwaadinina bilabayaan waxa loo eega maxaa anfac se maxaa waxyelayna taas oo marka dambe saamaxaysa in si guud loo wada ilaashado deegaankii.
Barnaamij siyaasadeed sax ah oo xisbiyadeenu leeyihiin oo ku wajahan ilaalinta deeganka oo sax ahi ma jiro inta badan xisbiyadeedu marka ay olohooda siyaasadeed ku jiraan ayaa waxaad mooda in ay mooganyiin muhiimada ilaalinta deegaanka taas oo sababta in lagula xisaabtami waayo marka ay talada dalka gacanta ku qabtaan. Tusaale ahaano kale marka laga hadlayo la xisaabtanka (accountability) wadanba wadanka uu ka la xisabtan wanaagsan yahay ee uu la xisaabtamo golihiisa fulineed ayuu kaga hormarsanyahay dhinaca horumarka dalkiisana taasuun baanay soo hoos galaysaa deegaankuna iyo dhibaatooyinkiisa.
Fanka iyo sugaanta ayaa bulsho ahaan ah kayd aynu ku faano waxaad moodaa inta badan in waxeenii ay noqdeen uun heeso sidii loo qaadi lahaa. Abwaanada, fanaaniinta, qorayaasha ayaa waxay ka gaabiyeen doorkoodi wacyi galineed ay ka mudnaayeen umaddu si looga dhigo fariin ku socota bulshada siday u ilaashan lahaayeen deegaanka taas oo ka caawinaysa fahan ahaan iyo fulin ahaanba.
Hargeysa oo maalinba maalinka ka dambeeya sii balaadhanaysa ayaa wax xal ah loo hayn in lagu joojiyo dhibta ba,an ee lagu hayo dhirta daaqa ama kaymaha taasoo sababtay cimilada magaalada oo sii kulaylanaysa xiliyada roobabka oo gabi ahaan isbedelay. Dhibaatada kale ee iyaduna jirta dadkeenu markii hore xoolo dhaqato ayay ubadnayeen oo taasay soomali ku caan ahayd tiina imika inay ka sii baxayso meeshay u muuqataa xoolaheena oo ah laf dhabarta dhaqaaleheena ayaa iyaguna daryeel la,aan balaadhani soo wajahday taasina sabab bay unoqon kartaa in deegaanku inaga xumaado hadii taasi dhacdana waxa meesha imanaysa in nolosheenuba si dhimataba.
Wadoonyinka caasimadda hargeysa ayaa waxaa buux dhaafiyay qashin iyado sidoo kalena ay jirto daryeel la,aan dhinaca nadaafadda wadooyinka waxaan xasuustaa markii xisbiga kulmiye talada dalka hantay ayaa madaxweyna jamhuuriyadda Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo ku balan qaaday in 45tii cishoba malin loo asteeyo nadaafadda wadooyinka taas oo markii dambe meel cidhib iyo jaan dhigtay la garanayn hadaba inta badan wadankeena Somaliland ayaa inta badan dhibta ka taagani tahay waxan afka qalaad lagu yidhaah (promises with implementation) balan qaadyo aan fulin lahayn. Hadaba su,aashu waxay tahay tallow wadooyinka nadaafadooda iyo deegaanka maxaa iskaga xidhan? Cilmiga deegaanka marka laga hadlayo maaha uun dhirta oo la ilaaliya uun balse xitaa bilicda wadooyinku way ka qayb qaadanaysaa arintan sababtoo ah ma jiraan deegaan inoo fiicnaanayaa hadaanay nadaafad ama bilici jirin taasina sabab bay unoqon kartaa deegaanka oo xumaada.
Qoraa: saleeban cali xuseen
Tell:0634211460