Stories by Sayyid Osama on Medium
Waa galab Isniin ah oo ay cadceeddu usii dhaceyso dhankaa iyo buurta Carafo, Shan malyan iyo boqol kun oo xujeey ah ayaa isugu timid buurta, iyaga oo wada gashan dharka Ixraamka ee cadcad. Ma kala garan kartid kan saboolka ah iyo kan hodanka ah, mana kala aqoonsan kartid kan Turkiga ah iyo kan Carabka ah?
Jinsiyadihii ayaa qarsoomay, dal walibana wuxuu ka tegay dharkii dhaqanka iyo Luqaddii uu gaarka u lahaa, dadka oo idil waxay ku hadlayaan hal luqad. Xitaa Soomaaliga, Indunuusiga, iyo Turkigu waxay ku wada hadlayaan Carabi, qaarkood waxay ku hadlayan carabi jajab ah, qaarna waxay ku hadlayaan carabi ay Luqad kale ku dheehantahay, lakiin waad isfahmi kartaan mid kaste, waxayna ku wada dhawaaqayaan: لبيك اللهم لبيك.
Goobta aan ku sugnaa oo aan ka badneyn Hal mitir waxaan ku joognay in ka badan shan iyo toban jinsiyadood oo Turki, Pakistan, Kaazaakhistan, Gaana, Nigeria, Zanzibaar, Yuganda, Kenya, Suudan, Morooko, Yaman, Braaziil, Spain, yo Algereriyaan isugu jiray.
Dhamaan dadkaa igu hareeraysnaa gacmaha ayay isdhaafsanayeen oo way isi salaamayeen, mana kala aqoonsadeen haddii uusan masuulkii na weday ii kala sheegi laheen jinsiyadaha dadkaan, waayo dhammaantood waxay iila muuqdeen sidii hal qoys.”
Mid kastaba wuxuu dareensanaa inuu Alle kula hadlayo xarfahaas carabiga ah uuna joogo Alle hortiis iyo in uu ka mid yahay martida Alle, uuna taaganyahay goobtii uu Nabi Muxammad nabad iyo naxaris korkisa ha ahaatee uu taaganaa jiray, uuna ku sujuudsanyahay halkii uu sujuudi jiray, iyo in uu dibnaha ku hayo kuna celcelinayo dikrigii uu nabigu halkaan ka aqrin jiray maanta oo kale.
W/Q: Dr. Mustafa Maxamuud
W/T: Sayyid Osama.
Dhambaalkii Xuquuqda iyo Waajibaadka
Dhambaalkii ku aadanaa xuquuqda iyo waajibaadka ee uu Qoraagii reer Masar; Axmed Amiin udiray Wilkiisa.
Wiilkaygiiyow!
Waxaa kusoo kordhay dhallinta da’daada ah fikrado qaldan, waxa ayna tahay ku adkaanshaha baadi goobka xuquuqda, iyaga oo aan tixgelin gudashada waajibaadkooda ku lifaaqan xuuqdooda. Labadaba; xuquuqda iyo waajibaadku, waa sida miisaankii oo kale, haddii mid kamid ah culays la saaro, kan kale wuu liicayaa, dhalintu si ay u helaan xuquuqdooda waxa ay u marayaan waddo kasta sida: shaqo joojin, bannaanbax iyo Iwm. Dhallintu sooma bandhigaan wax fikrado ah oo ku aaddan sidii ay waajibaadkooda shaqsi ama guud u gudan lahaayeen. Wiilkeygiiyow ka digtoonow in aad ku dhacdo qaladka nuucaani ah. Waxaa qasab ku ah qofwalba in uu guto waajibaadkiisa isla sida uu u baadi goobayo xuquuqdiisa shaqsi.
Noloshan adduunyada ma wanaagsana qofka inuu u noolaado waxtarka naftiisa oo kaliya, laakiin waxa quman inuu horumarinta iyo farxad gelinta shaqsi iyo tan bulshaba ka hawlgalo.
Gudashada waajibaadka waxa ay keenaysaa in la gaaro nolol farxad ku dhisan; ardayga gudanaya waajibaadkiisa, waxa uu ka farxinayaa qoyskiisa. Sidoo kale dadka maalqabeennada ahi gudashadooda waajibaad sida dhisadda cusbitaaladda iyo in ay kaalmeeyaan dadka hooseeya dhaqaale ahaan, waxay kordhinaysaa raynraynta iyo damaashaadka bulshada ku xeeran.
Taas badelkeed, tuugada iyo dadka adeegsada maandooriyaha, ee ka tagaya waajibaadka dulsaaran iyo u hoggaansami la’aantooda xeerarka dalka, waxay dadka u keeneysaa dhib iyo hagardaamo. Cabbirka lagu cabbiro ilbaxnimada umaddaha homuray, waa gudashada waajibaadkooda shaqsi, qofkasta oo Alle uga cabsanaya hawsha uu gudanayo, bulshada waxa uu kaga farxad gelinayaa sugitaanka howshiisa. Caalamku ma ilbaxayo ilaa qofwalba uu guto waajibaadka saaran mooyee, haddii bulshadu ka gaabiso waajibaadka loo igmaday, adduunku waxa uu ku sugnaan doonaa halaag. Umadaha dib-u dhacay dhankasta waxa hoos u dhigay waa habka aan qaabaysanayn ee ay u gutaan waajibaadkooda guud iyo mid gaar ahaaneedba.
*W\T : Sayyid Osama
Buugga The Prince ee dulmarka guud aan ku samaynayno waxa sanadkii 1527-kii qoray Niccolò Machiavelli, oo ahaa faylasuuf Talyaani ah. Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa rugcaddaa siyaasadeed oo muddo ku dhow 13 sano soo hayay jagooyin maamul iyo kuwa dibmlumaasiyeed ba. Waa mid ka mid ah aqoonyahannadii ugu saameynta badnayd casrigii “Renaissance” ee ay reer galbeedku gaareen horumarrada ballaaran ee kor u qaaday ogaalkooda iyo aqoonta adduunka ba, kana soo saaray dib-u-dhacyadii hareeyay qarniyadii dhexe.
Buugaagtiisa kan ugu caansan ee dunidana aadka u saameeyay waa dhiganaha The Prince ee la daabacay sannadkii 1532-dii dhimashadiisii kaddib. Machiavelli waxa uu buuggan u hadyeeyay boqor Lorenze II oo waagaa xukumi jiray is-maamul lagu magaacaabi jiray Orbino oo ka dhisnaa waqooyiga Talyaaniga, waxa uuna qoraagu gudaha buugga ku xardhay tallooyin iyo casharro siyaasadeed oo uu boqorka u jeedinayo kuwaas oo uu badankooda kasoo dheeganayo khibradda dheer ee uu u lahaa arrimaha maamulka iyo duruustii uu ka qaatay dhacdooyinkii dunida hore uga soo dhacay.
Buugga The Prince kolkuu soo ifbaxay wuxuu guud ahaan Yurub ka dhaliyay ismaandhaaf aad u weyn, qalinlaydii reer Yurub waxa ay gaashaanka u daruureen aragtiyihii uu ku baaqayey Machiavelli, sidoo kalana wadaaddadii Kirishtanka oo hiil ka helaya kaniisadda ayaa ku qaaday dagaal culus oo lagu mamnuucayo faafintiisa balse mar labaad ayuu xiddigiisu soo muuqday, wuxuu na kolkan buugga The Prince garab istaag ka helay falaasifadii hor kacaysay casrigii “Enlightenment”-ga(Maan-furka) ee ay ugu caansanaayeen (Russo, Vichte, Hegel ….) iyada oo afkaarta buugga kusoo aroortay la galiyay niqaash iyo gorfeyn cilmiyaysan. Dhanka kalena, qarnigii 20-aad wuxuu buuggan hoga tusaale u ahaa badi siyaasiyiintii reer Yurub, halka ay warbixannada qaar xusayaan in hogaamiyihii horkacayay xukunkii Fashiistaha ee dalka Talyaaniga ka arrimin jiray Benito Mussolini uu buuggan ka dhigtay mawduuca cilmi-baadhiseed ee uu shahaadada P.H.D-da ku qaatay, si taa lamid ahna waxaa xilligaa lagama marmaan ahayd qof walba oo ku hanweyn in uu siyaasadda jago sarre ka gaaro inuu isha mariyo buugga The Prince kuna dhaqaaqo tallooyinka siyaasadeed ee ku xusan.
Haddaba, aragtiyaha iyo afkaarta buugga ku xusan haddii aynu gudaha u galno, Machiavelli waxa uu kula talinayaa hoggaamiye walba oo leh yool iyo hadaf siyaasadeed in uu xaqiijinta yoolalkiisa siyaasadeed u maro waddo walba oo ku simaysa natiijada u doonayo, haba yaraateena uusan waqti gelin hannaanka uu adeegsaday samaantiisa iyo xumaantiisa toona balse kaliya ay muhiimaddu tahay habka uu adeegsaday ma yahay mid ku astaynaya yoolkiisa siyaasadeed iyo natiijadii uu ku taamayay. Aragtidan ayaa kolkii danbe loo baxshay “Makiyaafiiliya” iyadoo nuxurkeeda lagu soo koobay qaaciddo caan ah oo tiraahda “Waddo kasta waa inaad u martaa gaaridda ujeeddooyinkaaga, ha xumaanto amase ha samaato e.”.
Qoraaga ayaa sidoo kale xusaya isaga oo qaaciddadaa hore sii daba jooga, in maamulka iyo hogaaminta ay sideedaba tahay saaxad aad u dhib badan oo qofka ku dhex jiraa uu mar walba filan karo in ay lasoo darsaan mawaaqif adag oo masiiri ah si uu uga gudbana, waxa uu hoggaamiye walba oo doonaya inuu ka guul gaaro caqabadaha ka hor imanaya uu u baahanyahay in uu ka tanaasulo waxyaabo agtiisa aad ugu weyn si uu baddedlkeed u hanto fursado siyaasadeed oo ku simi karta waddada guusha. Isla qodobka ku xiga waxa uu qoraagu sii raacinayaa in iyada oo uu tanaasulku jiro oo uu lagama maarmaan yahay, haddana dhanka kale loo baahanyahay hogaamiyuhu in uu ku dhex yeesho shacabkiisa sumcad wanaagsan, maxaayeelay sumcadda wanaasani waa mid ka mid ah tiirarka udub-dhexaadka u ah maamulka iyo awoodda. Sidaas darteed, waa in guud ahaan shacabka laga dhaadhiciyaa in uu hoggaamiyahoodu yahay qof go’aan leh oo innaba masalxadda guud ee dalka aan ka hormarin maslaxadda gaar ahaaneed, had iyo jeerna u heelan u adeegidda bulshada. Qaraagu waxa uu leeyahay arrintaas haddii la helo waxa ay hogaamiyaha u sahlaysaa in uu si dhib yar u maareeyo nidaamka iyo kala danbeynta.
Waxa iyadana meesha aan ka marnayn oo uu buuggu xusayaa hababka uu hoggaamiyuhu ku kasban karo sumcadda wanaagsan, oo waxa uu leeyahay isaga oo arrintan ka faalloonaya, waxaa inta badan guulaha iyo tillaaboyinka horusocodka ah ee la qaado loo tiiriyaa hoggaamiyaha halka wixii guuldarro ah dusha laga saaro howlwadeennada, qodobkan faahfaahintiisa waxa uu Machiavelli tusaale u soo qaadanayaa Cesar Borgia (1475–1507 ) oo ahaa amiir ka taliyay dowlad xilligaas ka dhisnayd Talyaaniga , amiirkan ayaa isaga oo ku jira dhulballaarsi waxa uu xoog ku qabsanayaa deegaanno, balse bulshadii bartaa ku sugnayd ayaa kaga hor imaanaya gadood iyo qalalaaso. Amiirku si uu gadoodka uga kortago oo xasillooni ku soo dabbaalo waxaa lagama maarmaan ku noqonaysa adeegsiga awooddiisa. Haddaba Cesar Borgia waxa uu dajinayaa xeelad aad u cajiib ah oo u sahlaysa in uu deegaannadaa gadoodsan kusoo celiyo faro ku hayntiisa dhanka kalana ku kasbado jacaylka dadweynaha, waxa uu ugu horayntiiba gobolkii gadoodsanaa u magacaabayaa barasaab lagu yaqaannay wax maquuninta iyo arxan darrada durbadiibana barasaabkii wuxuu bulshadii deegaanka kusoo rogayaa canshuuro xaddhaaf ah, isaga oo had iyo jeer rabshadaha kaga hortagaya awood iyo cago juglayn. waxa uu u ugu danbayntii gacan buuxda ku qabanayaa gobolka, halkaas oo uu kala danbayn kusoo celinayo balse Cesar Borgia halkii lagaga fadhiyay in uu maamuuso barasaabkii gobolka xasiloonada kusoo dabbaalay, waxa uu baddelkeed ka qaadayaa xilkii isaga oo xabsiga u taxaabaya aakhirkiina deldalaya, isaga oo u sababaynaya in barasaabku uu awood xad dhaaf ah u adeegsaday shacabka, uuna u dulqaadan kari waayay waxyeelaynta shacabka uu hoggaamiyaha u yahay, sidaa darteed na uu uga taqallusay barasaabka. Halkaas wuxuu Cecar Borgia ku hantinayaa jacaylka dadweynihii deegaanka iyaga oo si buuxda u hoos imaanaya taliskiisa.
Machiavelli ayaa sidoo kale daaha ka qaadaya dabecadda shucuubta ee ku aaddan taageerada ay u hayaan talisyada garwadeenka u ah. Qodobkaas isaga oo faafaahinaya waxa uu ku tilmaamayaa garab istaagga shucuubta in uu kaliya soo muuqdo waqtiyada barwaaqada iyo nabadda lagu jiro balse kolka ay qatar soo banbaxdo na, shacabigii ku garab taagnaa shalay oo aysan jirin dhibaato, waxa uu maanta oo halistu kugu geedaaman tahay u digo roganayaa dhanka kale isaga oo u baqaya masaalixdiisa gaar ahaaneed, sidaas darteed waxa uu hoggaamiyayaasha kula talinayaa in ay ku dedaalan sidii ay u lammaanayn lahaayeen jiritaanka xukunkooda iyo baahiyaha shacabka si haddii xukunka qatar soo food saarto uu shacabku u baqo baahiyihiisa kolkaas na kugu mintido sii jiritaanka xukunka, si halkaas ay kuugu badbaadaan kursigaaga iyo taliskaagu ba.
Qodobka kale ee uu sida faahfaahsan uga faalloonayo qoraagu waa weydiinta caanka ah ee oranaysa midkee baa u wanaagsan hoggaamiyaha, in ay shacabkiisu jeclaadaan iyo in ay ka baqaan? Machiavelli wuxuu leeyahay waxaa hoggaamiyaha ku habboon in uu shacabku ka cabaqo halkii uu ka jeclaan lahaa, dabcan waa haddii labada ba(jacaylka iyo cabsida) uusan mar qura wada hantin karin. Balse haddii uu awoodo lammaanaynta jacaylka iyo cabsida waxa uu leeyahay, waa habka doorasho ee ugu wanaagsan, sidoo kale waxa uu ku talinayaa in haba yaraatee aan la isku halleyn jacaylka shacabka, maxayeelay, waa ay diga rogosho badanyihin. Waa in amiirka ama hoggaamiyaha dadku ka baqaan in ka badan inta ay jeclaan lahaayeen.
Isku soo duub guntii iyo gunaanadkii oo, buuggu waxa uu na barayaa casharro hoggaamineed oo adduunka daafihiisa laga dhaqan geliyo iyo nidaamyada kala geddisan ee ka jira caalamka aynu ku nool nahay. Waxa uu nagu boorrinayaa in aan ka fiirsanno tillaabooyinka hoggaamineed ee aan qaadanno, sida aan qaadayno, goorta aan qaadayno iyo goobta aynu ka qaadayno inta ba. Waxa aan ka meersan karnaa dhiganaha “The Prince”, dhigaal dheelitiran oo nuxurkiisu yahay oraahdii Soomaaliyeed ee ahayd,” “maslaxadaada masallo ey/maqaar ey ayaa loo jiiftaa.” Ujeeddaada hoggaamineed si aad u gaarto samee wax walba oo ay tahay in la sameeyo.!