Stories by Weedhsan on Medium
Uurada qiiqa ee indhaha iga gashay darteed waxba iima muuqdaan, waan iska dhex socdaa shucaac aannan garanayn in uu indhahayga dhexdooda ku jiro iyo inaan banaanka ka arko. Ur dhiig baa sanka iga saaqday intaa wixii ka danbeeyeyna indhahaygu caadi bay wax u arkaan. Gawaadhida gubanaysa, dabaqyada buushashka u ekaaday iyo qaylada hareerahayga ka yeedhaysa baan fahmi waayey waxay yihiin. Dad badan baa ayaa hareerahayga daadsan waa maydad kuwaa dhinacyadayda marayaa waa wada dhaawac iyaguna. kaligay, aniga oo qudha ayaa ka badqaba. Meesha ka carar baan is idhi mise ma dhaqaaqi karaba, lugahaygii baa i diiday mise fariintii maskaxdu soo dirtay baan gaadhin, ma garanayo. Hadal baan isku dayey mise bishimahaygu ma kala furmayaan. Daankaygii hoose sida ka sare ayuu noqday lafo aan dhaqaaqin. Carabkaan afka dhex warwareejinayaa oo bilaa dhawaaq ah. Inay habeen tahay iyo maalin iima kala cada arladu waa madow, cirkaan eegay mise qorrax baa joogta iyo xiddigo. Waxaan isweydiinayaa sidee qorraxda iyo xiddiguhu halmar cirka uga wada muuqan karaan.
Dhulkaan eegay, mise, adduunkan gubanaya ee madoobaaday arladiisu waa wada doog, oo dooggan miyaanu dabka iyo qiiqa dabaqyada dumiyey gubin, waxa dadka laayeyse xagguu ka maray dhirtan iyo ubaxyadan aad moodid beerihii jannada. Dhiigga kuu urayaa muxuu meesha uga saari la’yahay caraftan ubaxyada ee si lamid ah sida dhiiggaas sankaaga saaqaya marka aad eegtid dhankay kaa xigaan.
Shalay imtixaankii aan jaamacadda kaga qalinjabinayey niyad xumaan baan kala soo noqday inaan gudbayana uma malaynayo, dedaal badnaan uma dhallan oo ruux aad isu dhigta baan ahay. Isma laha masuuliyadda i saaran iyo sida aan u dhaqmo, adduun Soomaaliya oo u liidata baan kaga noolahay, aqoonna waxa yareen meelahaa ka bawsaday baan leeyahay. Qoyskayagu ma ladna oo hanti aan ku badbaado meel kuma ogi. Luuqaddo ma aqaani aan wax badan ogaalkayga ugu kordhiyo waxna ku cuno, ilayn afkaagana waad ku badbaada markaad waxoogaa isku turjumi kartide. Xirfado kale warkooda daa oo dun irbad ma galin aqaani, allaylehe cunta karintaan bartay oo dhaxal Hooyo ii ahaa, isaguna iminka suuq maleh, cidna cunto karin lacag kuma bixiso oo hadda Yuutuubkaa laga daawadaa. Naag qurux badan ma ihi haddaan xitaa dhillaynimo wax ku keeni lahaa. Eeg illaa sidaa foosha xun baan u fakaray, heerka aan wax la’aan iyo niyadxumo ka qabo. Hooyaday agoonimay igu soo korisay, dabcan Aabahay ma dhiman se waxba lama noola oo sida caadiga ah ee qoysaska Soomaaliyeed u badan tahay qoys hooyo ku tiirsan oo inbadan ay noo soo xamaashay baan nahay. qofna igama wayna aan ku eegto xaaladda guriga iyo ta hooyaba oo aniga uun baa u ah maciin. Cidi iima maqna ceelna iima qodna. Wax walba waan ka quustay oo meel aan u irkadaa ma jirto.
Naxdintu waa dareen xooggan marka loo eego kuwa kale, waliba markay kadis kugu tahay. Oo ma naxdin lasii ogyahay baa jirta bal waallidan eeg. Wali qiiqii baan dhex taagnahay oo lugihii baa dhulka sidii iigu dhaggan. Maskaxdayduna way i dafirtay oo ma ogallaba inay ii sharraxdo waxa meesha ka socda. Alla waan hadli karaa, bishimihii baa markan ii kala furmay, inaan qayliyo baan bilaabay oo aan dhaho “war maxaa meesha ka socda, fadlan ii sharraxa. Maxaa dhacay? Halkaan joogaa? Ma maallin baa mise waa habeen?”. Yaab mise cidi inay ii jawaabto iska daaye, xitaa la ima soo eegayo sidii in aanan hadlinba.
Aniga oo isleh waa adiga hadli kara e bal eeg inaad dhaqaaqi kartid baan lugta kor u qaad damcay, mise ka malafan, weli dhulkay ku dhaggan tahay. Waan ooyey, waligayba oohinta waan u baxsan jiraye markan waaba igu khasab oo dee maxaa kale oo aan awoodaa. Murugada, baqdinta, dhimashada qof inoo dhaw, qalbijabka aan la filanayn, hungawga, ceebawga, wax la’aanta iyo dhammaan dareemada kale ee xanuunka innagu dhaliyaa waa qayb nolosha kamid ah. Dadka badankooduna waa ay la kulmaan. Waa sida kumanaanka dareen ee ina farxad galiya ee jacaylka, haynta, qanaacada, barwaaqada iyo badhaadhaha oo kale. Ma haysanno doorasho aan ku diidno oo aan ka ahayn inaan aqbalno oo ka gudubno marka xilligoodu dhamaado. Se waxan i haysta ma fahmin ma dareenbaa, ma dhab baa, mise maskaxdaa sawiranaysa. Maxay yihiin?
Xalay waxaan seexday anoo ka welwelsan waxa aan noloshan samayn lahaa si aan ugu yaraan iskaba daa naftaydee Hooyo quusta uga ilaalin lahaa. Sidii aan waxaas oo masuuliyadood uga soo bixi lahaa. Waxaan ka fakarey haddaan jaamacadda dhaco waxaan hooyo ku dhihi lahaa, caruurta iga yaryari maxay dareemayaan, maxaan ka shaqayn doonaa, maxaa… maxaan… Su’aalahaas oo dhan baa niyaddayda ka guuxayey oo goor aan gam’ayba garan maayo. Waxa kaliya oo aan xasuustaa inaa quus ahaa oo aan ka fakarayey baxsad iyo dhimasho mid uun ilayn xal kale ma hayee. Iftiin yar oo meel iiga bidhaama waan ka waayey noloshaydan wada mugdiga ah. Waxa aan u noolaa ama aan illaa intan u sii noolahay waa wajiga Hooyaday. Waan sawiran kari waayey wajigaas oo iga niyadjabsan.
Anigoo sidii u ooyaya, baan meel halkaas ah ka dhex arkay Hooyo oo labadii iga yaryaraa jiidaysa, waa dhaawac oo ma socon karaan, iyaduna ma qaadi karto. Indhahaan marmaray, bal in ay ismoodsiis iga tahay oo aanan bidhaantaa arkin, laakiin waa dhabee maxaan ka badali karaa? Dhankooda inaan u ordaan go’aansaday, dee maba dhaqaaqi kartide maxaad qaban, sidii baan Hooyo iyo walaaladay ugu daawaday dabkii oo ay igaga libdheen. Waxbaa cod gaaban oo gunuunucaya igu yidhi “REJO ma lihid miyaa?” eegtaan damcay waxa kula hadlay baan dareemay lugahayga oo dhaqaaqaya, waan orday oo dooggii iyo maydadkii baan dhex cararay. Dhankii ay iiga libdheen baan afka saaray oo kayn baan u galay, waxaan raadiyo oo aan qaliyaba markii aan sidaa u helay baan maqlay codka Deeqa oo leh “naa dee toos waa barqee” waa da’da igu xigta.
Rejadu waa waxa u wanaagsan ee qofku noolyahay, marna waa waxa u danbeeyaba ee qofka nolosha ku haya. Arladii gubanaysay, hooggii, sillicii, iyo wixii dhiig qulqulayey noloshaydu siday ahayd bay ka turjumaysay, dafirraadii maskaxdayda, awood la’aantii lugahayga, shucaacii indhaha iga saarnaa iyo bishimihii isku kay dhagayba waa quusta ruuxdayda hadhaysay ee aan garan la’ahay meel aan uga baxo. Alla codkii igu lahaa REJO ma lihid miyaa” codkii hooyo ayuu ahaa sidaas baan dareemayaa. Hadaba waxa aan ka fakarayaa waxay ka dhignaayeen ubaxyadii iyo uduggoodii iga badbaadinayey urta dhiigga, dooggii iyo xiddigihii circa, ee qorraxda iftiinka badan ka dhex dhalaalayey. Indhahaan marar badan isku qabtay si aan usoo arko quruxdii aan ku dhex arkayey riyadii qaribnayd.
Ka helay Tumblr-ka.
Qibladu waa halka loo tukado ee aynu Eebbe ka raaddino, marwalba oo aan la kullankiisa niyeysanno ama aan badbaadadiisa iyo mahadnaqiisa u jeesanno. Haddaba si lamid ah sida qibladaas, riyadii waxay ii ahayd qiblo aan u irkado. Qurux walba oo riyadaa qarriban ka dhex muuqatay, sabab walba oo ay ku baabi’i karto iyada oo ay jirtay waxa ay ahayd REJO. Rejadii aan ku dhaqaaqay bay ahayd, iyada ayaa iga hadlisay markii ay dibnuhu isku kay tolmeen, iyada ayaa lugaha dhulka iiga fujisay, iguna hagtay humaaggii iyo dhalaalkii yaraa ee aan ku baadigoobayey, hooyo iyo walaalo. Rejadu waa uduggii ubaxyada, waa dhalaalkii xiddigaha, waa dooggii maydadku daadsanaayeen, waa codkii gunuunucayey ee codka Hooyo isu ekaysiiyey. Waxa aan fahmay in quus walba rejadu ka xoog badan tahay, sidii dooggu u noolaa waxaas oo hollac ah dhexdiis, sidii udgoonku u joogay qiiqaa iyo dhiiggaa dhexdiisa iyo waliba si lamid ah sidii dhalaalkii xiddiguhu isaga caabiyeen iftiinkii qorraxda.
Eeg, sida ay dareen aan la taaban karin u tahay in ka badan ayey hadana u muuqataa amaba ugu jirtaa waxyaalaha aynu taaban karno, arki karo oo aan tilmaan iyo magacba siin karno. Labadaasba waxa ka dhigaya isla aniga. Waxa jira quraafaad diineed, mise run iyo mooyi aaminaad waxay tahaye wax la dhaho Qariin oo qofka ku lammaan waa isla isaga uun si kale, waxay dhahaan qofku waa diranaha qariinkiisa marka ay waxa xun joogto laakiin mar kale ayey inoo sheegeen in naftaada oo kaa adkaatay uun tahay. Qariinku wuu kaa mid yahay adna waad kamid tahay, marmar isagaa dareemadaada iyo habfikirkaaga oo dhan qaabeeya, kadibna ficiladaada go’aamiya. Waa isla adiga uun hadda. Anigu bari hore ayaan se qariinkaa u arkay inuu isla naftayda yahay, iskama fogeeyo kama dhigo wax banaanka iga jira. Ma aaminsani khuraafaadkaas diimeed laakiin wax kale oo iskay baray ayuu Qariinku aniga ii yahay.
Duhur baan arkay aniga oo gabadh yar ah, markii iigu horraysay ee inta aan xasuusto kullanay ayey ahayd, waan ogahay in aan marar badan daaha dabadiisa ku kullanay aniga oo aan wajihi karin. Se duhurkaa waan ku indho-adaygay aragtideeda. Si naxdin leh baan u eegay aniga oo la anfariirsan isu ekaanshaha aad mooddo jeex la iga soo jaray. Waan jareeyey oo wadnahaa afka I yimid markaan codkayga ka maqlay banaanka markii koobaad. Banaanka madaxayga, dhagahayga oo aan afkayga ka maqal baa yaabban. Mise waxa hadlaya waa qofkii ii ekaa ee I hortaagnaa. Indhahaan isku qabtay, shaydaankaan iska naaray bal inuu tago mise way joogtaa weli. Waan cararay guhaan galay, gogoshaan tagay oo bustaan isku duuduubay anoo xitaa hadalku iga soo bixi la’yahay. Sidii baan ku seexday markaan soo toosayna waxba ma xasuusan sidii oo aysan waxba dhicin qof ii egna aanan arag.
Quraanka waan ku fiicnaa, waagii dugsiga way yarayd maalmaha aan garan waayi jiray, sidaas darted lama kulmi jirin canaanta macalinka iyo ushiisaba. Subax baa waxa la iga rabay subcis saddex jis ah oo qofkiiba bog u qaadanayo. Waan necbaa subciska wuuna igu adkaa dabcan, habeenkii subaxaa ka horreeyey oo dhan ma seexan, waxbaan dareemayey aanan garanayn. Markii hore bawdyaha, gumaarka illaa xudunta iyo calooshaan ka dareemayey se inta kuma ekaan ee waxa dhacay e! Waxa dhacay inaan arko iftiin sidii laydh sii gubanaya oo kale ah oo laakiin qaab qof leh, qofku waa isla aniga oo macalinkii dilayo. Waan ooyayey, waan naxsanaa hadana waa aniga oo is daawanaya. Waan kacay oo hurdo waan bogan waayey illaa aan si walba ha igu qaadatee labadii jis xifdiyo ma seexan, laydhkii sii gubayey ee aniga ahaana igama tagin. Markale waxa aan arki jiray marka aan salaadda tikan waayo iyada oo Jaxiima ka dhex gubanaysa. Haddaan been sheego way iga soo horboodi jirtay. Markaan roodhi habeenkii doono iyadoo i daba socota baan arki jiray, markaas baan dheerayn jiray anoo talaabada hoosta ka xadaya si aanay ii dareemin.
Daasad kalluunka Tuna ah baan tukaanka gurigeenna ka xaday, markii aan cunayey waxaan arkay isla anigii oo halkaas soo fadhiya oo isdaawanaya. Waan saxday si xun oo aanan ku dhicin inaan mardanbe gacanta la aado cuntadii aan kalluunka ku cunayey. Se markan intaa kaliya kuma ekaan noolahan ii ege way hadashay;
Ma i garan?” bay tidhi aan dirqi maya “maya, maxaad tahay, maxaad iga rabtaa, maxaad soo doontaa, ma aniga uun baa ku arka, isu kay sheeg” kulahaa “CABSIDA ma taqaan, waa aniga”. Waxaan ku dhaho baan garan waayey. Cabaar markaan aamusnaa bay hadana igu tidhi “ma hadlaysid, dheh su’aalaha badan ee niyaddaa ku jira”. Ma hadlin iyaduna way iska tagtay. Kadib markay tagtay se, waan bartay waxay tahay waa aniga oo cabsanaya. Waa marka aan baqo. Waa marka aan welwelo, waa marka aan qajilo, waa marka aan khalad galo dareenka ka dhasha oo isku wada noqonaya CABSI.
Hadaba aniga cabsidu mar waa ii dareen, marna waa ii qof waan taaban karaa oo magac bay leedahay. Maaha qof kale ee isla aniga uun, muuqaygay leedahay oo magaca ayey ila wadaagtaa, waa run oo haddii aysan aniga ahaan lahayn wajigayga iyo codkayga iima adeegsateen. Marka danbe ee ay ii timaaddo waxaan halgan u gala sidii aanan u arki lahayn oo indhahaan isku qaban jiray ama waxaan isku dayi jiray inaan burburiyo sawirkaa ii muuqda. Dagaalkaas badan kadib nuddooyin waan ku guulaystay inaan gudahayga ku qariyo oo marka ay soo bax isdhahdo waxa aan dareemaa xanuun ka badan kii aan aragtideeda dareemi jiray. Dareen culus oo sidii mudax ii mudaya, aydin wadnaha igaga taagan iyo sidii inay 206da lafood ee jidhkayga jiraa halmar jabayaan.
Cabsidu maaha wax aan garanayo marka ay ii imanayso iga soo dhex baxayso ma dareemo oo marar badan waa igu kadis. Way iga naxsataa marmar. Fikirkaygaan ka cabsadaa, suuraysigayga ayaa igu cabsi ah. Markaan gam’ayo ee aan indhaha isgaliyo bay labada lugood igu dhagtaa oo anoo qaylinaya i jiidataa. Waan taabtaa oo waan iska fujiyaa se igama tagto oo kolkaaba way igu soo noqotaa. Show sankaaga oo qudhmayna lama gooyo ee aniga uun baa isla dagaalamay. Iska adkaado. Sideen isaga adkaadaa cabsidu waa Qariinkayga. Waa aniga uun, tin illaa cidhib bay i dherer le’egtahay oo ii egtahay.
Dhaqanku waa dabar samaan iyo xumaan nooca uu yahayba, bulshooyinka waxa isdhaafiya ee kala duwaana waa hadba caadooyinka iyo dhaqamadooda soo jireenka ah. Dunida casriga ahi waxba kama badasho hab-nololeedka bulsho balse waxa ay saartaa hadba daah u sahlaya inay la jaanqaado. Barniyeey, dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu dabraa oo nolosha ka ridaa dumarka. Waxa uu dhigaa cagta hoosteeda, iyo meel u eg dabo jiir. Hooyo, dhaqankeennu waxa kaliya uu u jiraaba waa hoosaynta dumarka iyo in la aaminsiiyo in aanay ninka agtiisa ka ahayn wax aan neef xoola ah dhaamin. Haddii Eebbe yidhi “Jinka iyo iinsiga uma abuurin illaa inay i caabudaan mooyee” bulshada Soomaaliyeedna gabadhu jiritaan kuma leh illaa inay u jirto raalli galinta, qancinta, baqdinta iyo isu dullaynta ragga mooyee. Inyar oo deggenaan ah ku dhamayso akhrinta waraaqdan oo aan wax uun isku dayayo inaan kaaga bidhaamiyo nolosha naagta Soomaaliyeed, amaba nolosha aan soo maray hooyo.
Xadhigga labada lugood kaga dabran sidii neef la seeteeyey waxa loogu xidhay si aanay labadeeda lugood u kala furin inta ay ka bogsanaynayso boogtan aan waligeed damqashada dayn doonin. Waxa la jarjaray halbawlayaashii jidhkeeda qaybo kamid ah si loo lumiyo dareenkeeda dheddignimo ee dabiiciga ah, iyada oo loo ilaalinayo mulkiilaha ay hantidiisa noqotay tan iyo maalintii ay dhalatayna loo koriynayey, in ka badan inta ay jinsi noolayaasha kamid ah tahay waa meesi kamid ah xoolaha ragga Soomaaliyeed dhaqdaan, waa hoy iyo dugsi ay kula dhuuntaan dulmigooda iyo damiirxumadooda, waana isla tijaabada koobaad ee ay xooggooda iyo awoodooda ka dhex helaan kuna fuliyaan. Shanta farood ee casaankoodu dhabankeeda kasii muuqdaan waa dhirbaaxadii lagu dhuftay kolkii ay lugaha kala bixiso iyada oo seetaysan. Waa habaryarteed, islaanta jarjartay cadkeeda, Hooyadeed ayaa seetaysay isla eeddadeed ayaa dhabannaanadaa kulul ee shanta farood ku dhigtay. Waa dulmanaha shaqadiisa inuu naftiisa xoreeyo se halkan dulmanahu waa caawiyaha iyo gacanta saree e dulmiga,ma aragtaa waxa ay aamineen godka loo qoday hoosayntooda oo waxa la yeelayaa waxba lama aha, dhaqanku mar walba oo uu qotodheeraadu, soo jeereen iyo guun illaa bari fog lagu soo dhaqmayey noqdo waa aaminaadda oo kale oo waad qaayibaysaa, qayb noloshaada kamid ah ayuu noqonayaa se caado in la gooyaaba waa isla dhaqan dunida ka jira. Dabarka lugteeda waxa dacalkiisa kale haysta mulkiiilaha xilligaas iska leh, waa qoolka neefka waxba kama duwana. Aragti ma leh, diidmo warkeeda daa, wax walba oo la baro isaga ayaa loo baraa, siday neef wanaagsan, taran wacan, caano badan oo rar wanaagsan qaadi kara sida awrka reerku ku guuraan oo kale ayaa loo carbinayaa. Shuruudaha aqbalaaddu waa tiro beel. Waa geela aabaheed u jooga iyo hantida uu ku madax furan doono marka uu sayidkeeda kale ku wareejinayo. Ninba ninkuu ka gabdho badan ka hanti badan, kana saboolsan ragga kale ee wiilasha dhalay.
Sidaan u tilmaama ama aan kuugu sheegaa nolosha gabadha Soomaaliyeed! Qaab walba oo aan damco inaan kuugu soo gudbiyo sawirkaas ma awoodo Hooyo. Gabadhaydiiyeey, sida ay u adag tahay in la qeexo dareenada ku guntan dubaaqeenna hoose ayey u adag tahay in nafsadda gabadha Soomaaliyeed iyo halgankeeda laga sheekeeyo. Ka warran haddii bilowgaba dhalashadaada la baasaysto, haddii aad noqoto balo laga naxo oo Aabahaa dadka ka dhuunto marka lagu yidhaahdo; gabadh baa kuu dhalatay, haddii Hooyadii ku dihatay dartaa lagu furo oo gurigeeda ku burburo. Hooyo, naagta Soomaaliyeed, waa arwka reerka, waa dheriga guriga, waa daloolka ninka, waa maydka u gowracan in la saluugo uun. Waa xugmane maalin uun ku baxaysa gacanta mulkiilaheeda. Waa albaabka la isku tol marwalba oo laga soo baxo, xoog, qaylo iyo muquuninna lagu jeexo marka la galayo. Bishimaha rifmay ee raadkoodii baaba’ay weeye gabadha Soomaaliyeed. Waa xuubka dillaaca talaabo kasta ee la dhawro, markuu dillaacana la tuuro waliba meel fogna lagu muguujiyo. Naagta nin marka ay sida ugu xeeldheer u bahdisho “naagnimo” ku ceebaysa weeye naagta Soomaaliyeed. Waa dhillada aan abid sinaysay.
Gabadhaydiiyeey, marwalba oo aan indhahaaga eego waxa iiga dhex muuqata Soomaalinimadaada, markaas ayaan ka calool xumaada dhalmadaada iyo in nasiibkaaga xumi Hooyo Soomaaliyeed ku dhashay, waa run in nin Soomaaliyeed wax iga dhalo waxa aan u diidayey inaan maanta intan in ka xun dareemo. Adiga ayaan kaala soo fogaaday jinsiyaddaydii Soomaalinimo oo aan kuu raadinayey Aabbe aan Soomaali ahayn.
Aan kuu sheego arrin yar oo barigaan dhoocisha ahaa igu dhacday, wax yar ma aha se way yartahay marka loo eego tacaddiyada kale ee dumaarka ku dhaca.Wiil baa guriga igu soo booqday habeen, dugsiga Sare ayaan ku jiray, buug iyo waraaqo ayuu ii waday saaxiibtay iigu soo dhiibtay, maalinimadii ayaanan tagin dugsiga. Waan soo dhaweeyey, dabcanna waan caashaqsanaa oo barashadiisa aniga oo xiisaynaya ayaan ka
dalbaday saaxiiibtay inay isaga iigu soo dhiibto buugta. Ayeeyo koris baan ahaa, Hooyana waa ay iga warhaysay inta badan, habeenka labaduba guriga waa ay joogeen, dan se kama gelin ee hawlahaygii iyo haasaawihii ayaan iska watay, walaalkay oo yar dee abti Guuleed ayaa dhaqdhaqaaqayga la socday oo isha igama jeedin sidii sirdoon mishinkiisii ugu weynaa u muuqdo ayey indhihiisu marwalba iigu soo maqnaayeen. Surkiisu kama daalo inuu isoo jalleeco. Bahal baa bahal kale iga ilaalinaya, aadane iima arkaan ka aan la fadhiyaa iyo ka isha ila raacraacayaaba. Markii aan dibadda kasoo xarooday hadalkii koobaad ee ay Hooyaday i tidhi waxa uu ahaa “dhillooy, diyaar garow barri gudniin labaad baa islaantii Kaaha ee darisku kugu celinaysaaye” waan yaabay oo aniga oo gariir dartii hashkadaynaya codkayguna u googa’ayo sidii cajalad iscuntay ayaan idhi “waa..waayo, heeeh Hooyo, gudn…inn maxaya? Sow anigaaa gudan” “naa gudan layne, jufanoo awdane gudaha iga gal wayba ila hadlaysaa!” waa ayeeyo oo aanan wajigan ku arag shan iyo tobankaa sano ee aan la joogay. Yaab anigii iyo naxdin. Dhulkii ayaa i qaadi waayey oo igu soo yaraaday, miyaan ka dusaa dee mise cirkaan uga boodaa bal maxaa la iga gudayaa ma anigaa kii hore ee saddex
iyo tobanka sano laga joogo ka bogsadayba, sowtan meeshii i xanuunto, shalay sow adigii Hooyo u sheegayey sida aan caadada ugu dhiban tahay ee ku lahayd waa qodbaha ku haya.
Arxan daranaa, ma iyadoo sidaa u og bay igu celinaysaa. Maxay soo kordhinaysaa in maro dawaarsan dib loo mariyo dunta? Arrinka gudniinka maxa keenay, maxaase horta la isu gudaa? Su’aalahaas habeenkaa ka hor isma weydiin Barniyeey hooyo. Waagii baa dillaacay mise waa ka dhab oo waatan islaantii Kaahi sakiinta soo wadata. Labiskii dugsigaa la iga dhigay oo halkii lugaha la i kala jiiday, hadda waa naagtayda todoba iyo toban jirka ah ee naasaha iyo badhidaba leh. Waxa la ii guday, naagtu gudniinkii hore ma gaadhin oo waa tan
faraha hore ku taagan ee ragga saloolanaysa, show gudniinkuba waa dareenkaa jidheed ee aad soo jiidanayso jamashada danabaysay ee dhiggaaga kaaga yimid, wax kale dareenkaa looma goyne, waxa laguu awday oo xero laguugu xidhay sayidkaaga aabahaa geela kaaga iibsan doono, adna aad addoonta raalligalintiisa u nool tahay. Isna seefaha u soofay birayntaada iyo gawraca maalinta uu ku saluugo. Sidii ayaa la igu jeexjeexay mar labaad, waa la i dabray oo bil kor uma kicin. Isbuucii mar ayaan kaaji jiray, cunto iska daayee biyahaygu ma badnayn oo kaadida iyo saxaradu cayngariga igu xidhan bay furayaan, maye dabcinayaan. Waxaasba marka laga yimaado ma anigaa ku dhacaba, ma xamili karaba xanuunka dhibicda yaree kaadida ah ee iga soo soconaysa sanado in le’eg. Guuleed baa habeenkii sheegay inaan wiilka hab siiyey, bal muu iska aamuso cadaabtanba ma mareene. Barniyeey, gabadha Soomaaliyeed waa isla aniga laba jeer gudniin Fircooni ah soo maray, isla Hooyaday oo nin ii awday aanay garanayn iyo ayeeydaydii igu daawanaysa markay Kaaha hilbahayga soofaysay.
Hooyo, waa duugaag gabadhahayagu, waa ukunta aan dillaacan illaa maalinta la jabiyo ee ay bislaato, waa ay cabudhsan yihiin oo ay indha la’yihiin, isma xorrayn karaan. Xorrayntee, marka aad dulmiga lagugu hayo iyo gumaysigu kuu muuqdo ayaad xorriyad iyo wax iska dhicin ka fakartaa se gabdhaheennu, waa gacanta sare ma aragtaa, tusaalaha ugu dhaw waa
Hooyaday oo ii guday sabab aanan illa maanta oo aan afartan jir ahay fahmin, laftarkeedu ma fahansana ee in iyada sidaa laga yeelay, hooyadeed soo dhigatay, ayeeydeedna soo martay ayey anna ii marisay. Waa su’aal, ee qeexidda dumarka ma taqaannaa marka dhulkeenna la joogo waa
–Dumarka waa ay ina dhaleen oo waa Hooyo, waa aynu dhalnay oo waa inanteenna, way inoo dhaxayaan oo waa naagteenna dee marna waa ay nala dhalatay oo waa walaasheen.
Joog bal, inantaydiiyeey u fiirso lahaanshahaas marwalba iyaga u tiirsan, eeg bal intaa ka hor naagtu noole ma aha miyaa, ma shuruud baa in ay hooyo tahay, ma waxa ay noolayaasha ku biirtaa
markay wasaan mise dillaaciyaan xuubkii loo dabray mise waxa ay aadane tahay markay dhalaan ee ay la dhalato. Sidee jinsi iyo noole iskii u jira mid kale loogu tiirayaa. Dumarku bini-aadam goorma ayey noqdaan, ma marka ninku u aqoonsado. Soomaaliya waa cadaabta waa jaxiimada Quraanku sheegay salkeeda, waa quusta sida masaabiir dhulka daadsan ee dumarka Soomaaliyeed loo sameeyey.
Ma ogtahay aniga guurkaygii koobaad waxa iga soo gaadhay iyo oohintaydii, ma ogtahay Hooyo inaan habeenkaygii arooska inaan dhinto ka jeclaa. Waxa la ii qaqabtay ninkii i guursaday si uu ii fuulo markii uu urgooday side neef adhi ah, aniga oo 22jir ah ayaa miyiga la igu celiyey, markii noloshii magaalada la igu hayn kari waayey. Waxba ma samayn ee xuubkayga yar ee Bikrada loo bixiyey ayaa loo baqayey oo nolosha qof caadi ayaa la ii diiday. Naagtaydii magaalo ku kortay dhawr iyo tobanka sano ayaa baadiye salkii afartan jir xoogga iyo culayska maroodiga leh buul loogu galbiyey. Habeenkiina markii aan diiday inuu iisoo dhawaado rag tolka ahaa buulkii yaraa soo galay oo i qabqabtay, waa dhaqan jira naagtu haday ninkeeda diido ama ay yara baqdo waa loo qabtaa wax wayn maaha sida hasha iyo awrka la isugu beego ayaa adigana xoog laguugu aadinayaa guskiisa. Suurayso waxa habeenkaa dhacay iyo sida aan noqday, hooyo Soomaalida iyo dhaqankeeduba waa bahallo waa kii duurjoogta. Baxasadkii aan shabeenkaa subixiisii galay waaka aan illaa caawa oo aan waraaqdan kuu qorayo ku jiro.
Naagta Soomaaliyeed kaligeed ayaa masuulka qoyska ah, reerka dhan iyada ayuu ku dhisan yahay. Labaatan caruur ah inta uu ka dhalo ayuu ku hor gubayaa subaxa uu canjeeladeeda saluugo, casarka ay shaaha kala raagto iyo habeenka ay ka gama’do. Wax walba waxa iiga urugo in naagta Soomaaliyeed hayin tahay, hogaansan weeye aan marna baraarugin, waa ay caabuddaa ninka oo isaga ayaa nooleeya oo dila labaduba isaga ayey ka go’aan. Waxba, hadda waa waxba kama odhan nolosha gabdhaheenna. Inaan gabdhaheenna dhaho oo aan kugu daro waa danbi waayo adigu aniga ayaad badhkay tahay ee ima wada tihid, iyagana ma wada noqonaysid kama mid tihid hooyo, xitaa badhkayga dafir. Ha sheegan in Hooyo Soomaali ahi ku dhashay. Aan kuu sheego, ninku naagta markuu ka tagayo waa loo sii tolaa dee, si aan looga sii lisan ilayn waa neef baadi ah oo wax la isaga tirinayaa jirine. Hashaada caanaheeda adiga uun baa lista, nin kale inuu kula maashana ka diida ama u yeela, waa sidaas naagtuna ninku naagtiisa aamini maayo, oo dee waaba neefe aaminaad maxaya waa la sii toltolaa heedhe Hooyo. Markuu guursanaya wuu iska baroobeeyaa, macnaha tijaabiyaa inaan godkaa looga horrayn oo xuubkii labada jeer dartii la ii guday buu iska hubsadaa. Adigu si kale kuma garatide waa neef saylad jooga.
Waxa aan xasuustaa maalin aniga oo xarunta dhallaanka iyo hooyada jooga gabadh foolanaysa oo xauun darani hayo la keenay. Marka laga yimaaddo sakaraadka foosha waxa
dheer, jidhkeeda wayda ah, boggeeda iyo beerku waa isku dhaggan yahay ilmo kale oo sannad iyo laba bilood meelahaa jirana waa ay wadataa. Fooshii baa ku adkaatay, soddohdeed iyo walaasheed baa u yimid, xaallad khatar ah bay gashay ilmahuna ka daran oo biyihii kuu jiray baa soo dillaacay. Waa qalliin iyo hawl degdeg ah, ninkeedii ha lala hadlo iyo ciddii ka masuul ah kuye ninkii “naagta lacag uma hayee, ilmaha ha ii badbaadiyo qalliin layne” “Ha la sugo waligeed bay soo dhalaysay oo waxba noqon maysee, isbuuc baa naagaha qaar fooshaane” waa Aabaheed. Naxdin weynaa, halkiibaa baroor isla dulfadhiisteen laba u yimidna, xanuun dartii isma kala oga gabadhu, cirka iyo dhulka toona meel aan ahayn bay maraysaa. Waan usoo taagnaa oo laba saac kadiba ilmihii baa ku dhex mayday soo saara oo qala markii la is yidhina waa ay dhimatay! Ka warran hooyo, bal gabadhaasi maxay la wadaagtaa labadaa nin? Iyagu se maxay u yihiin?
Ma dhawi oo waxba kama odhan nolosha gabadha Soomaaliyeed ee Soomaaliya ku nool. Iyada oo aan la ciirciiray ciilkaan ka qabay sababtaan u dhashayba ayaa musiibada kale ee aan dumarka adduunka dheerahay tahay inan Naag Soomaaliyeed ahay, neef saylad jooga iyo dhaylo bisil. Waa dhaylo bisil oo waa sidaa, magaalowgii iyo noloshii casriga ahayd dhaqamadan marna meesha kama saarin balse daah ayey ku qarisay iyada oo huwinaysa kuwo kale oo ka foolxun. Kufsi, jidhdil, xoog, guur khasaare ah iyo ubad lagaga baxsado, siilkeeda oo lagu xujeeyo marka ay isdhahdo shaqo raadso oo wax uun qabso. Muuqaallo laga duubo oo lagu ceebeeyo, in la gubo, in labaatan caruur ah laga dhalo oo silic iyo khasab lagu qabo. Iyo kun wax oo kale, naagta Soomaaliyeed nolosheeda waxba kama sheegi karo, saa waa sida tayda oo aanan midh ka odhan karinee, sidee baan boqolaal iyo kumanyaal ila mid ah igana nolol adag oo iga duruufo xun uga hadli karaa?!!
Dhimashadu waa mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan waxyaalahan dunidan korkeeda ka dhaca haddii aysanba ahayn ta u mudan waa safmar marna waa bedbaado. Uma baahni inaan dhimashada amaano ama aan erayo qurux badan ku qeexo waayo cidna sidaas uma aragto, qof walbaa wuu ka baqaa. Isqudhgoynta waxa sameeya qof geesi ah oo ay ku adkaatay inuu ismoodsiiska nolosha ku ledo. Marwalba waxa ay ahayd wax aan maankayga ka bixin, inaan dhadhamiyo dhimashada, in aanan sugin ee aan anigu isdilo. Haa, inaan dareemo ayaan doonayey dareenka kaliya ee ii hadhay, noloshu mawjad walba waa ay i saartay si walba waa ii muquunisay oo aan quusay illaa aan salka badweynta dhexdeeda kasoo baraarugay. Waxa aan xasuustaa mar aan mugdi dhexdiisa iska helay, mar aan meel cidlo ah oo u madow sida gunta biyo badan aan kasoo dhex toosay aniga oo qaylinaya. Waa markii aan gaasta ku rusheeyey qolkayga, gidaaraddiisa iyo waraaq walba oo aan maalin ku xariiqay isdhex daadsanaantayda.
Geerida ma jecli oo kaliya, inaan isdilo ma aha wax niyaddayda ku jira uun se marar badan ayaa jirta oo ay dhimashadu i diiday, marar badan ayey iska kay dhagamartay. Waxa jirtay mar aan xiddidada halbowlaha isjarjaray oo uu jidhkaygu u qalalay si oo aanay dhibic dheecaan ahi ku jirin ma aha dhiig oo kaliya, hadana neeftaydu waa ay istaagi wayday. Mar ayaan sun cabay, se waxba kuma noqon ma ogi. Mar danbe se waxa aan ogaaday in ay cudurdaarro yihiin oo aysan geeridu diidin qof dhab ahaan u doonaya. Qofkii quruxdeeda arka in ka badan inta uu badbaado ka doonayo. Qofkii dhimashda macnaheeda garanaya ee aan iska dhiman uun, qofkii u badheedha dhimashada in ka badan inta uu ka baqay inuu noolaado. Miisaanka dhimashada iyo noloshu wada saaran yihiin waa ka geesiga iyo fulayga la isku barbardhigo, waa ka xumaanta iyo wanaagga looga qiyaas qaato. Waa isla ka lagu qeexo runta iyo beenta, laakiin laba wax oo walba oo isku liddi ah asalka waa isku mid ma jiraan wax kala soocaya marka laga reebo nolosha iyo dhimashada iyagu marna ma noqonayaan kuwo isku soo dhawaan kara. Waayo dhimashadu waa sareedo. Ma aha wax macno la’ sida nolosha.
Miiskan yar ee aan dulfadhiyaa waa toban jir inta aan qolkan deggenahay ayuu le’eg yahay, waa isla inta aan ku fakarayey inaan isqudhgooyo. Subax walba waxa aan ku toosaa aniga oo isleh caawa ma gaadhaysid. Rajadu waa waxa u mudan ee qofka nolosha ku haya, haddii aysan rajo jirin ma jirto sabab loo noolaado. Asalkaba noloshu sabab ma leh, inaad u samaysataa waa hawl culayskeedu yahay culayska noolaanshaha. Waxa dulsaaran sameecad kharaabtay se way hadashaa marka cabaar la gargaraaco, waa waxa ugu quruxda badan ee qolkan dhexyaalla sameecaddaasi. Sidoo kal waraaqo badan ayaa saaran, dhowr qalin ayaa yaalla, laanbad yar oo bigwac leh baa saaran. Waraaqahaas qaar wax baa ku qoran, qaar sawirro aan illaa hadda aniguba aan macnahooda fahmin ayaan ku sawiray marar aan tahli waayey inaan wax qoro, marar qalinku iga istaagay oo ay ku adkaadeen erayadu iyo marar ay indhahaygu arki kari waayeen waraaqda iyo qalinka. Kuwo cadcad ayaa ku jira waraaqaha, waa kuwo aan ku dul ilmeeyey oo ay ilmadiina ku qalashay, hoogaygee bal aniguna maan sida ilmadaa u qallalo oo aan adduunkan uga suulo.
Gidaaradda qolka waxa ku sharraxan erayo iyo sawirro iyagana oo aan qaarkood naxo marka aan dib u arko, waayo waa been aan mar isku maaweelin jiray waxa kamid ah odhaahda “Well, to continue being alive is also art”. Koobadiinka sariirta waxaa saaran illaa tobaneeyo dhalo oo Wine ah, sigaar inta aan mid walba bilaabay badh uga tagay. Sigaarka kaliya maaha ee noloshadayda oo dhan ayaa kala badhan wax waxlbaa meel dhexe ayey igaga go’aan mise aniga ayaa kaga dhaqaaqa ma ogi. Dhamaystirnaantu ma jirto waa run, se kala badhnaantuna waa hoog. Nolol kala badhan, nolol isku daadsan iyo nolol bilaa macne ahba waxa dhaanta hijro dhamaystiran oo aan soo noqod lahayn. Sidii aanan mar u jirin dunida guudkeeda ayaan marlabaadna uga jiri doonin. Sidoo kale waxa yaalla taleefankaygii oo u dansan sidii uu shan cisho ka hor u damay. Maxaan u daari waayey horta? Ayaan isweydiiyey, oo maxaan ku falayaa ma jirto cid aad dan ka leedahay oo aad kala hadlaysaa dee. Caawa magaalada ayaan u baxay fiidkii, suuqa ayaan gaadhay. Bunkii ugu danbeeyey noloshadayda ayaan soo cabay, iftiinkii waddooyinka ee iigu danbeeyey ayaan soo eegay, dadka ayaan soo daawaday sidii ay yihiin riwaayad xiiso badan oo aan inbadan sugayey soo bixideedda aniga oo shaleemo joogana aan daawanayo. Waan doortay markan inaan dadka u arko sidaa qanaacada leh ee aan ku farxayo, waa marka kaliya ee aan dadka aragtidooda anigu doortay.
Hees ayaa niyaddayda ku jirta illaa maantaba, waan jeclaa se baryo ma maqal. Sameecaddii ayaan juqjuqeeyey waxaanse xasuustay in taleefankiiba iga dansanaa, ase marka ay muusigga joogto ma jiraan wax aan badh kaga tago ee sida aan u damaaciyo ayaan uga dhabeeyaa. Waan daaray taleefankiina, waan isku xidhiidhsaday oo heestii Mako Maxamme ee Lugta Socodka Waan Bari. Mako waxa ay sheegaysaa inay socdaal tahay, meeshay doontaba ha u ahaatee. Aniguna waxa aan u socdaa geerida oo waxaan aan sida Mako leeyahay;
Ama lumayoo la i waa
Ma ladhay naftaydoo
Ku liibaanay raacdada
Laac baa ii baxayoo
Kasoo laaban maayee
Lugta socodka waan bari”
Aniguse lug socod bari maayo se laac baa ii baxaya aan liibaan iyo badhaadhe ku tuhmayo, xitaa haddii aanan waxba tuhmayn geeridu waa ay dhaantaa nolosha aan sal iyo baar waxay tahay ku hodmay. In badan ayaan saymaha iyo dhimaatooyinka dunida ka baxsaday oo aan ka dhuuntay si aan usii joogo maalmo. Ma wajihi karo intan ka badan, waa khasab inaan tagaa.
Waxba ma ogi, xitaa sababta aan waxanoo dhan u qorayo ma garanayo, ma isdilkayga ayaan inta nool cudurdaar uga samaynayaa, ma garanayo sababta aan intanoo dhan usoo gaadhay oo aan weli qalinka ugu sii dul hayo waraaqda. Daqiiqad walba oo sii fadhiyaa miiskan dushiisa waan dhibsanayaa waayo geerida ayaa I raagsanaysa. Macsalaama. Hal hees oo aan noloshadayda ku sagootiyo aan sii daarto, kadibna dhinto dhagahayga oo ugu yaraan ku raaxaysanaya nimcadda iyo macaanka muyuusiggu u leeyahay. Dhab ahaan muusiggu waxa uu ahaa raaxada kaliya ee aan la kulmay intii aan noolaa. Waa In The End; Linkin Park ayaa qaadaa, waan jeclahay. Waxaad ka qiyaasi kartaa sida aan u doortay inay noqoto waxa ugu danbeeya ee aan maqlo.
Daloolka yar ee gidaarka dhexdiisa ka muuqda ma is aragtaa adiga oo dhaafay inta aad dhex martay ama dhex jiifa marmarna fadhiya, ma ku dhaygagtaa adiga oo isleh “yaa qudhaanjo ku le’egaysiiya aadba halkaa dagtide” maaha daloolka gidaar ka muuqda ee waa meel walba oo yar sida godyar oo daaradda sibidhka ah ku yaalla, jeexjeexa alwaaxda, liidadka saqafka ama safiitada mararka qaar liidadka farahaaga ka dhex muuqda. Dadka qaar indhahooda marka aad eegto ma ku xasishaa, laabtooda iska joog oo waligaa ha ka bixin ma dhahdaa, taabashadooda iyo agjoogooda adduunkoo dhan buu ka dhigan yahay. Furaashka aad si joogto ah ugu seexato waa uu ka hurdo wanaagsan yahay meel kugu cusub marka aad seexato. Cuntada meel gaar ah oo aad la qabsatay sida cuntada Hooyo samayso waa ay ka macaan tahay cunto walba oo sida ugu wacan loo sameeyey.
Hoygu waa haybta, inta badan sidaas ayaa shaacsane ah. Hoygu waa halka aad kasoo jeeddo dhalasho ahaan. Maya hoygu waa guriga aad ku dhalatay, waa meesha aad seexato. Hoygu intaasba wuu noqon karaa, ma noqon karo ama ma aha. Waa uu ka balaadhan yahay daloolka yar ee gidaar ka dhex muuqda, ma aha laabta qofka aad jeceshahay. Hoygu waa fanka aad xiisayso, waa heesta aad dhagaysato, waa sheekada Aabbe ee aad tabayso. Hoygu waa qof walba meesha uu ka dhigto wax walba waa uu noqon karaa xitaa meel aan jirin. Hoygu waa waxba marka aanad garayn meel kuu hoy ah.
Saboolka buulka iyo dhaxanta jooga, waxa uu baahan yahay si uu uga gabbado dhaxantaas daran waa hoy, ilmaha darbijiifka ah go’a aad huwiso waa u hoy. Ninka dagaalka jecel, marka uu badhtanka, uurada iyo habaaska duullaanka iyo weerarka dhex joogo waxa uu dareemaa inuu hoygiisa joogo. Ilmaha dhashay dhabta hooyadii waa u hoy. Ka qayila, marka uu qaadkii helo ee uu mirqaanku gaadho waa u hoy. Gabadha cunta karinta jecel, jikada, carafta xawaashka iyo dabkuba waa u hoy. Lawxadda, burushyada iyo kalaraantuba waa u hoy qofka wax sawira. Kamaraddu waa hoyga qofka jecel sawirka. Qof baa jira bilaa hoy ah mid baa jira aan weli helin waxa hoyga u ah. Mar baad hoyga doorataa marna isagaa ku doorta.
Aniga hoyagaygu waa daloolkii yaraa, waa heesta aan iska dhex helo, waa filinka aan sheekadayda ka dhex arko, waan doortaa hoygayga marna wuu i doortaa. Waa furaashka aan seexdo iyo birkintayda aanan gam’in la’aanteed. Waa qosolka Hooyo, waa sheekada wallaaladay. Waa qoraalkayga aan jeclaado kadib markay muddo dheer kasoo wareegto xilligaan qoray. Hoygayga waa ilmada aan ku nafiso marka aan diiqadoodu. Hoygaygu waa Quraanka aan akhristo aniga oo aan dharw sano kitaab kala furin. Hoygaygu waa meelna marka aanan waxba ahayn. Hoygaygu waa haybtayda, waa qabiilka aan sheegto, waa magaalada aan ku dhashay, dabcan ma aan dooran markan.
Hoygaygu waa adiga, waa qofka aan jeclahay. Waa laabtiisa, waa dhunkashadiisa, waa urtiisa iyo codkiisa. Hoygaygu waa qof walba oo aan agtiisa is ahay anigu oo bilaa daah ah, aniga oo xornimo dareemaya.
Waxba Iilama Aad Hadhin!
Noloshu waa kadeed meel ay u socoto aan la aqoon, waa wada qarracan oo qorrax soo baxdaba dhibaato hor leh bay wadataa. Qofkuna wuu ku khasban yahay inuu ku noolaado oo la noolaado isla markaana badbaadadiisa ku foogganaado, cidna uma aabbo yeesho oo waxba kuula hadhi mayso. Intan waxaan ka dhadhansadaa heesta Khadra Daahir Cige ku luuqaynso ee uu midhaheedana tiriyey Cabdi Aadan Qays "Wabiga I Sitaa". Sidoo kale waxa ay si qotodheer u sheegaysaa sida uu aadanuhu isu dhibaateeyo kadibna isugu wiirsado, ee uusan dan uga galin jacayl iyo wanaag kasta oo aad hore ugu soo fidisay ama aad hadaba heeggan ula tahay. Waxay odhanaysaa;
Wabiga i sitee
I walwaalayaa
Xaggee igu wadaa
Waydiiya oo
Wad waa loo dhashee
Wax ka daran biyuhu
Miyey warinayaan?"
Waxa ay nolosha ku tusaalaynaysaa sidii daad wabi soo rogmaday oo ay biyihiisii wataan iyada oo ka yaabban halka noloshu u waddo iyo sababta ay ula kadeedan tahay, sidaas oo ay tahayna waxay qiraysaa in wedka wax ka wayn oo waxyeeli karaa jirin, geeriduna tahay wax ay sugayso oo aan seegayn. Waxay si dhiirranaan iyo hubsiimo leh u sheegaysaa inay guntiimaha waayaha iska furayso oo aysan galaafanayn noolaanshaheeda, imisaan ka badbaaday badwayn walba oo biyahaasi igu dareen bay odhanaysaa.
Imisaan Walwaal
Iyo ceel Wardheer
Kaga baxay wadaan
Imisaa Waaheen
Wabi soo rogmaday
Igu daray badwayn
Waxna aanan noqon!
Aadanaha noloshiisu saacad bay ku egtahay aan sina loo joojin karin loogana baaqsanayn. Haddii aanu qofku geeddigiisa nololeedi dhamaan si walbood halaag iyo dhib uu u muto waa kii ka nool ee aan dhiman xilligiisa ka hor, se hadday saacaddaada gaadho wedka iyo wakhtiga cidna kaa leexin mayso oo waxa ugu yar ayaad sababsanaysaa si kastood guntiga dhiisha isaga dhigtana kii dhinta baad tahay. Intaas ayey mar kale kor inoogu sheegaysaa Khadra;
Adoo walax sun
Iyo waabay cabaa
Waa kuu baryaa,
Wiriiriga haddii
Wed lagaaga dhigo
Ma ogtahay wakhtiga
Lama waabiyee!
Dadku wanaagga ma xejiyaan oo way ku xajiimoodaan waa siday u badan yihiin, waa sunnaha nolosha, sidoo kale qof meeli ku caddahay meeli ka madow oo si walbood wax ugu sheegtid oo aad u abaal gashatid ka indho xidhan. Dadkaasi wanaag ay ku taraan iska daaye waxay kuu gaystaan waxyeelada ugu badan. Khadra iyada oo dadkaas tilmaamaysa ayey heesta ku bilaabaysaa kuna gunaanadaysaa;
Bilowga;
Wan la qalay sidiisaad
Hilibkayga wadhatoo
Waaxyahayga go'an baad
Waraabaha ugu baaqdee"
Dhamaadka;
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Anoo waafiyaad
Wayd iga dhigtaa"
Eray kuma qeexo!
Eraygu sida aanu dareemada usoo bandhigin, ayey dad badanina isla qireen in aanu xambaari karin qeexitaanka nafaha qaar iyo milgahooda. Aniga oo taas rumaysan ayaan qalinkayga miciinsanayaa bal inuu ii hiilayo oo aanan ku fashilmin qeexitaanka naftaada marla-araygta ah. Waxa aad tahay ruux qumman oo fahan nololeed iyo garasho xeeldheer leh. Waxa tahay gob aan xeerarka nolosha u garbaduubnayn, waxa aan jeclahay xaruurnimadaada iyo dunta wanaagsan ee ragganimadaada ku lammaan. Geesinimo iyo dhiirannaan baad tilmaan u tahay, samotalis baad tahay hadalka heli og oo erayga habboon yidhaahda marka loogu baahi badan yahay, awood iyo gobonimo waxaan ahayn indhahaaga laga akhrisan maayo. Codkar baad tahay geedka garta lagu gooyo ka calaamadsan, geedlab fagaaraha cawaysyada iyo ciyaaraha gayaanka caan ah oo gabdhuhu wada caashaqsan yihiin baad tahay.
Noloshu sideedaba waa shil aan macnaysnayn haddii macnaheeda la raadiyana waa ay macnobeeshaa. Adigu se waad taqaannaa macnaha aad u nooshahay iyo sida aad u noolaanayso, waxa aad heshay halbeegga aad isugu dheelitirayso naftaada iyo nolosha. Waxaa kuu cad xariiqda aad kaga taagan tahay dunidan iyo halka aad u socoto. Xor baad tahay is ah oo liibaanta aan ka raadin hirarka beenta ah oo noloshu inagu hafiso. Kuma hagaan ismoodsiisyada dhalanteedka ah ee aadanaha badankiisa hoggaanka u ah. Naftaada qiimaheeda ayaad si qayaxan u qirsan tahay, waad jeceshahay oo waad isu ogtahay jacaylkaad isu qabto. Waxa aad ka dharagsan tahay ogaalka wixii tagay oo kaa saacidda odoroska timaadada sidaas oo ay tahayna labadani kaama mashquuliyaan ku noolaanshaha taaganta. Ma tihid hubantiraac iyo indhokugaraadle midkoodna, ee waxa aad jaangoysaa habnololeedkaaga adiga oo ku hubaysan caqligaaga, kama mid tihid doqomada noloshu hagto.
Muuqaaga ayaa ladh igu kiciya markaas baan maayado khiyaal ah galaa. Boholyow iyo meexaanno dareemo gacaltooyo sida ayaan i saaqa marka aan ku sawirto. Waxa aan niyaddayda ka bixin humaaggaaga oo jaahaagii qabka iyo quruxda kulansaday baa kashayda ku daabacan, dhoollahaagii dhayda ka caddaa iyo qosolkaaga daacadda ah baan marna iga lumin, jalaqsanidaada iyo jidhkaaga dhisan ee sida dhabiga u taagan ayaa gashaanti walbaa jaleecada koobaad kugu jeclaanaysaa. Eegmadaada oo qudhaan ku godladaa marka aad igu fiiriso indhahaaga fiiqfiiqan ee dabacsan iyagoo hadana god kusoo jira, waa sababta marna indhahaygu si toos ah ugu saari karin indhahaaga.
Ma ogtahay inaad ina rag ninka u sita ii tahay. Si walba oo aan u damco inaan weedhayda kugu sifeeyo ma awoodo waayo afku ma qaadi karo sifayntaada. Wuu agnaanaa markaas buu afgaroocaa qof walba oo maaga in uu kaa hadlo maaha aniga oo qudha. Khadkii baa ka engegay baalkaan wax ku qorayey markii aan erayo kugu qeex is idhaahdo. Haddii aan badwayn odhaahyo ah ka dhihi lahaa ruuxdaada marka aan sheeg is dhaho ayey gudhaan biyaha baddaasi.