Stories by YAHYE SAID on Medium
Buugga looma’ooyan ee uu qoray Faranz Fanon, waa aqoonyahan nafeed baa lagu tilmaami karaa Faanon sidoo kale waa indheergarad caalami ah maadama uu halgamaa gobonimodoon ah iyo fekeraa Argticuriye ah uu ahaa dhalashadiisuna ay ahayd “French-Aaljeeriyaan.”
Fanon, buugiisan waxa uu wax ka odhanayaa dunida saddexaad ee gumaystuhu saameeyey qaabka looga fekero iyo riiqda aan dhammaadka lahayn ee addoonsiga iyo gumayntu keenaan sidokale buuggan mahan taariikh ama sooyaal oo kaliya ee waxa kale laga dheefayaa waaqica bulsheed ee khuseeya dadka madowga ah ee africaanka ah guud ahaan waxa sii khuseeyaa dunida saddexaad waxa ku baraarujinayaa kaalinta ah kacdoonada dulmiddiidka ah iyo mudnaan-tooda keenadiid nimadu ku jirto iyo sarraynteeda iyo. halganka iyo sida aan marna fasax looga qaadan quudhsiga ku socoda dadka iyo dalalka soo koraya iyo sida ay ugu xoroobi. lahaayeen Buuggani cabdicasiis aw-guudcadde waxa uu kutilmaamay buug HAGE u ah bulshada soomaaliyeed dhankasta uu gummaysigu kaga saameeyay.
Faraanz faanon taariikhdu markay eheed 1961- bishii 1aad sannadka uu dhakhtarka aadi lahaa rajo weyn ayuu noloshiisa ka yeelan lahaa haddii aanu ku mashquulayn qorida buuggiisa Looma’ooyaan, ‘THE WRETCHED OF THE EARTH’ bishii. Aktoobar. 1961 isaga buugga gudbiyey ayaa isagana loo gudbiyey isbitaalka laakiin dhakhtarku waxa uu arkayey inuusan imnka wax kaqabasho lahayn, sidaa darteedna 1925___1961 ) waxa uu cudurka luukeemiyada u geeriyeeday isga oo hawlo badani qabyo ka yihiin. halkaas wakhtigu kaga ekaa isaga oo meelna ku hubsan xaalada halgankii qadhaadhaa ee Aljeeriya ugu jirtay dhacsashada al jeeriya buuggana wakhtigaas ayuu soo baxay dhaqdhaqaaqii gobonimodoonka ee Aljeeriya uu cirka ku shareernaa waa halkii uu Hadraawi ka yiri;
Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaqiisoo
Dhacsanaayay baa jiray.
“Dhabar”- Hadraawi.
Fanoon waxa uu buuggisa kaga waramayaa sida ay noqdeen dadkii gumaysigu saameeyey ee raadku kuwada reebay sida ay u fekeraan imnka iyo xaaladaha caafimaad ee saameeyey iyo caruurtii burburka ka danbeysay dhashay sida ay wax u sawirtaan, waxa yaabihii Eesha dhaqaale iyo nafeed ee ka dhalatay gummaysiga saameeyey caafimaad xumaddii maskaxeed ee ka dhalatay Faanoon wax aad u falanqeenayaa saameenta maskaxeed isaga argtiyihiisa iyo Aqoontiisa dhimireed adeegsanaya ayuu ku falanqaynayaa buuggiisa cajiibka ah Ee dhana ka ah sooyaalka dunida saddexaad ee gumaystuhu saameeyey sida looga fekero iyo dhawacyadii kala duwanaa ee geystay gumaystuhu.
Tusmada buugga ciwaanka aadka iiga soo jiitay aan is leehayna gumaysiga somaliya ayuu matalaad ku leeyahay waa “ Iskusidkanaanta Dhaqanka iyo Ummadeed Iyo Halganka Xornimada.” Ciwaanka ayaa ahaa kaan oo. Xornimo ka qaadidii gumaysiga ee dabcigeedu ka dhigayey mid si daran u burburisay noloshii dhaqmeed ee dadyawgii ay ku habsatay dafiraaddii waaqica ummadeed, nidaamka shaciyeed ee cusbaa ee nidaamkii gumagsigu soo rogay, Hagrashadii iyo hagardaamayntii gumaystuhu u geystay shacabkii dhaladka ahaa iyo caadooyinkodii, hantidoodii uu kala wareegay iyo sidookale adoonsigii nidaameed ee rag iyo dumarka laga wada simay – —waxaas oo dhami waxay ka qaynqaateen in dadka dhaqan ahaan loo goblamiyo.
Sidokale waxa kala duwan Ee uu fanoon buugiisa ku sheegaya habka kala duwan Ee uga falceliyeen La – gumaystuhu shacabweynuhu waxay sii haysteen dhaqanadii soojireenimo iyo caadooyinkii ay dhaqmada u lahaan jireen asalkoodii hore ee Ummadeed, lakiin Fanoon wax ku leeyahay Indheergaradku wuxuu isla markiiba xushmadaysan u qata inuu yeelo dhaqankii gumaystaha isga oo liidaya dhaqankiisii soojireenimo, labdaas falcelineedba waxay ka siman yihiin in at labdooduba yihiin natiijo ka dhalatay isdiidooyinka aan la aqbali karin, la – gumaystuhuna ha noqdo mid ka orda dhaqanka Ummadeed Fanoon waxa ku leeyahay Dhaqan kastaa oo Ummadeed Ee hoos yimaada gacanta gumaysiga waa dhaqan malaggii galay.
Dhakhtarkani aad ayuu u iftiiminayaa gumaysiga iyo hoos dhigidda dadka midabka leh oo idil kama hadlayo oo kaliya fanoon arrinta Aljeeriya oo kaliya ee waxa qallinka ku mudmudayaa dadka midbaka madowga ah leh oo idil ama loo yaqaano qaarada madow waana mid illaa hada ka taagan caalamka iyo meel lastaa oo dunida ah Digdoor faraanz faanon waxa uu kaga sheekaynayaa buuggiisan cabaqado ilaa hadeer aan laga gun – gaadhin waxay u badantahay in wakhti badan ay galinayaan buuggan haggoomiyayaasha siyaasadeed ee ficilka iyo hoggaaminta bulshadeed ra’yiga ku leh welina aysan ka sameen wax iskabadalkan uu guumaystuhu reebay. Aragtida gumaysigu saamaynta uu kula dhex yeelan karo shaqsiyada qofeed iyo mida qaranba. oo waxa uu buuggan ii muujiyey in sidda aqoonyahankan nafeedi uu uga hadlayo dhibaatooyinka gumaysiga iyo habka loo daalacan lahaa ka hortaga gumaysiga majirto filayaa haday jirtana ma badana qof sidda uu faraanz uga qayb qaatay halganka uu naf hurnimada u sameeyey cid u samaysay dagaal ka geystay dhinacyo badan oo u baahan in looga guulaysto gumaystaha si-aan xoog ahay lakiin xeelad ah.
Ku mahasanid hadii halkan ila soogartay qaybta horena fahan guud aad kala timid waxaan iskudayey inaan markale akhriyo buuggan looma’ooyan, markii hore oo ahayd 2022- markale 2025 dib u milicsado markale wax igu dhalatay inaan faallo kor ku xusan aan fahan intaa ka siyaad-san ka bidhaamiyo buuggan iyo qoraagga Faranz Fanon hadii ku hor bidhaamiyo Saamaynta Falsafadeed ee Frantz Fanon waxa uu ka soo jeeday aragtiyo falsafadeed sida Marxism, existentialism, isaga oo si qoto dheer u falanqeeyey saamaynta gumaysigu ku yeesho maskaxda iyo shakhsiyadda dadkii la addoonsaday sida uu ku muujiyey qoraaladiisa iyo Buuggiisa, gumaysigu ma aha oo kaliya nidaam dhaqaale ama siyaasadeed, balse waa hab fikir iyo xakameyn nafsiyeed oo curyaamiya dareenka iyo miyirka qofka la gumaystay. Waxa uu rumaysnaa in gumaysigu uu shakhsiga ka dhigayo mid liidata, is-diidani ku abuuran tahay, oo aakhirka aqbala dulmiga uu la nool yahay. Fanon waxa uu caan ku noqday aragtida ah in kacdoonku aanu ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu leeyahay dhinac nafsiyeed oo qoto dheeleh Xornimadu in ay timaaddo oo keliya marka la iska dulqaado gumaysiga muuqda, balse waxa ay bilaabataa marka qofka la addoonsaday uu si dhab ah u fahmo qiimaha naftiisa, kana baxo “maskaxda la addoonsaday” ee uu gumaysigu ku beeray. Tanina waxay ka dhigan tahay in fanon uu ku sheegay in halganka xornimo uu yahay mid ruuxiyan, nafsi ahaan, iyo bulsho ahaanba lagama maarmaan u ah dib u dhiska shakhsiyadda iyo xornimada dhabta ah.
Dhinaca kale Fanon waxa uu aad u falanqeeyey doorka dhaqanka iyo afka – isaga oo muujiyey in gumaysigu uusan kaliya dadka xukumin, balse uu xitaa xakameeyo luuqadooda, dhaqankooda, iyo sida ay u arkaan naftooda. Sidaa darteed, Fanon waxa uu u arkayay in halganka xornimadu uusan dhammaanayn xilliga uu qofku la xoreeyo dhulka uu ku nool yahay, balse uu sii socdo ilaa uu dib u dhiso aqoonsigiisa iyo qiimihiisa nafsiyeed.
Saamaynta Maskaxeed ee Gumaysiga
Frantz Fanon waxa uu buuggiisa ku muujiyey in gumaysigu aanu ahayn mid kaliya oo siyaasadeed iyo dhaqaale, balse uu yahay nidaam si nafsiyeed u curyaamiya dadka la addoonsaday. Waxa uu si gaar ah u falanqeeyey “inferiority complex”, taasoo ah dareen hooseyn ay la qabsadaan dadkii la gumaystay, iyaga oo rumaysan in ay ka liitaan gumaystaha. Dareenkan waxa uu ka dhashaa nidaamyo bulsheed iyo waxbarasho oo si tartiib ah ugu qasba qofka la addoonsaday in uu iska diido aqoonsigiisa, una arko dhaqanka gumaystaha mid ka sarreeya, Waxa jira iyadana doodo ka dhasha Dhaqanka iyo Gumaysiga Frantz Fanon waxa uu si qoto dheer u falanqeeyey sida gumaysigu u saameeyo dhaqamada dadkii la addoonsaday, isaga oo tilmaamay in bulshooyinkaas ay u kala baxaan labo qaybood oo ay u kala baxeen “kuwa si buuxda u qaatay dhaqankii gumaystaha iyo kuwa ku adkaystay dhaqankoodii hore.”
Dadka qaata dhaqanka gumaystaha badanaa waxa horseeda cadaadiska nafsiyeed iyo kan bulsheed ee lagu qasbo in ay iska diidaan aqoonsigooda sida buugga ku xusay fanon Waxay aaminaan in la jaanqaadka dhaqanka gumaystaha uu yahay dariiqa keliya ee ay sharaf iyo aqbalaad ku heli karaan. Waxay door bidaan inay ku hadlaan afkii gumaystaha, u na labistaan sida gumaystaha kana fogaadaan wax kasta oo xasuusinaya asal ahaan taariikhooda waxa uu Fanon ku tilmaamay aragtidan kuna macneeyey mid ka dhalatay “maskaxda la addoonsaday” oo ka dhashay dareenka hooseynta ee gumaysigu ku abuuro dadka la dulmay.
Dhanka kale hadii eegno waxa ka yiri fanon dadka ku adkaystay dhaqankoodii hore waxay la kulmaan loollan adag, maadaama gumaysigu si ulakac ah u burburiyo taariikhdooda iyo dhaqankooda, isaga oo doonaya in uu meesha ka saaro aqoonsigooda. Sida Fanon xusay, gumaysigu ma aha oo kaliya in uu xukumo dhulka iyo hantida, balse waxa uu xakameeyaa xasuusta, luuqadda, suugaanta, iyo falsafadda bulshooyinka la gumaystay, si ay u lumiyaan dareenkooda asalnimo dadka dhaqankooda ilaalinaya waxay mararka qaar la kulmaan cadaadis gudaha ah, sababtoo ah bulshadooda ayaa laga yaabaa inay u aragto kuwo dib u dhac ah, halka kuwa la qabsaday dhaqanka gumaystaha ay isku dayaan in ay la jaanqaadaan nidaamka cusub.
Fanon waxa uu ku dooday in xornimadu aysan ku koobnayn kaliya iska tuurista heeryada gumaysiga siyaasadeed, balse ay lagama maarmaan tahay in bulshooyinku dib u dhistaan dhaqankooda, taariikhooda, iyo aqoonsigooda. Waxa uu aaminsanaa dib u soo noolaynta dhaqanka iyo afka hooyo ay muhiim u yihiin in laga baxo saameynta maskaxeed ee gumaysiga hadii argtiyahan ku lifaaqno bulshadeena soomaaliyeed doodan ayaa weli si weyn loogu lafa guraa, maadaama saameynta gumaysiga ay sii muuqato xitaa xilliyada gumaysigii kadib maadam raadkii iyo u shii-xanuunka kululayd ee nagu nacday wakhtigii gumaystihii Talyaaniga iyo ingisriisgu wali ka muuqato jirkeena.
FG: Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Cabdicaasiis Guudcadde, oo turjumaaddii buugga Looma Ooyaan si xirfad leh u qabtay. Aqoontiisa, khibraddiisa, iyo dadaalkiisii aan la mahdin karin waxay fududeeyeen in buuggani gaaro akhristayaasha af-Soomaaliga ku hadla, isaga oo xambaarsan baraarujin bulsheed iyo farriin qoto dheer. Waxaan akhristayaasha ku dhiirrigelinayaa in ay buuggan akhriyaan, si ay u fahmaan aragtiyaha iyo xaqiiqooyinka uu leeyahay gumaystuhu.
Waa qoraa taariikhyahan iyo hoggaamiya ba ah fikirka caalamiga ah Yuval Noah Harari iyo saddexdiisa buug ee la yaabka leh ee Sapiens, Homo Deus iyo 21 lessons for the 21st century.!
Yuval waxa uu ahaa aqoonyahan Israa’iili ah oo daahsoon oo 2011 ku qoray buug taariikhda bini-aadmiga luuqada Carabiga ah ka dibna loo turjumay Ingiriis sannadkii 2014 isaga oo wata buugiisii ​​ugu horreeyay ee Sapiens. Iyadoo “Bill Gates, Mark Zuckerberg, Barack Obama” ay dhammaantood ku talinayaan akhriskiisa sidookle taageerayaal xamaasad leh u noqdeen buugga Sapiens, wuxuuna noqday buuggii ugu fiican caalamka uguna dhaqaale fiicana.!
Aragtida Yuval waa mid qoto dheer kicinaysana Muran badan mararka qaar Yuval buuggtiisa waxa soo jiidashada ka dhigaya waa in uu bini’aadamka ka soo qaato aragti taariikheed iyo falsafadeed oo keliya, balse waxa ay iila midtahay in uu saynisyahan shisheeye ah oo si badheedh ah u baadha bini’aadamka halka uu ka yimid asla ahan iyo cidda aynu hadda nahay iyo xaalada ah kala duwan aynu hadda ku guda jirno ba.
Inkastoo mararka qaarkood qoraalladiisu ay darreemaan qofkastaa oo wax tabanaya. iyo aragtidiisa ku saabsan bini’aadantinimada iyo deegaanka, siyaasadda, hoggaanka, iyo saamayta bini’aadamka la xidhiidha, isaga soo ku qoraya. dareen cajiib ah oo runtii ruux ahaan ku dhex geenaya badweynta argtida Yuval iyo qallinkiis.!
inta badan bini’aadamku waxay sameeyeen wax aan Nafle kale uu san helin oo ah wadashaqeyn dabacsan arftiyo ah in-la abuuro sheekooyin khayaali’ah oo aan ka jirin adduunka, Sida uu Yuval ugu doodayo si lagu qanco, ‘aadmigu waxa ay ka fikiraan sheekooyinka khiyaali ah oo waxay u sameeyaan bini’aadamka ama u abuuraan oo isku xiraan fikrado aan jir ahaan jirin sida lacag, illaahyo, xuquuqul insaan,xoriyadda, sharciyada,Hanti-goosiga,iwm.
Yuval khiyaaliga uu “Homo Deus” ku sheegayo
in Technology ay maamuli doonto bini’aadamka iyada oo waliba wax walibaa bini aadamku “hardware” ahaan u qaban jiray ay Tagnajiyadu la wareegayso iyada oo loo adeegsanyo “Algorithm”
waxa kale uu ku siidoodayaa in si ka wanaagsan sidaa naftaad aad ugu qanacsan yahy si ka wanaagsan loogu qanacsanaan doonno aalada mashiinka ah.!
Buugga saddexaad waa kow iyo labaatan qormo oo hal-ku-dheg u ah arrimaha ugu qalafsan ee dunida soo food saaraya hadda qarniga kow iyo labaatanaad. Labadii buug ee uu hore u qoray waxa ay isku dubarideen tagtada iyo mustaqbalka, 21 Cashar waxa ay diiradda saarayaan wakhtigan xaadirka ah iyo adduunku halka uu marayo.!
Casharradii 21-aad ee Yuval waa casharro xaqiiqaiya oo inaga ka soomaali ahaan na haysta laakiin waa aragtidiisa mawduucyada caalamiga ah ee ku saabsan dagaalka, waddaniyadda, socdaalka, waxbarashada, argagixisada, iwm. mustaqbal murugo leh, ka dibna dhinaca kale wuxuu na siinayaa rajo oo wuxuu ku soo ururi-nayaa khibradda iyo kartida fursadaha togan ee lagu beddeli karo mustaqbalkeena rajo, iyo miirqabka dadka oo lagu soo aruurinayo runta.!
Buugaagta Yuval waa kuwo geesinimo leh
cadaymo badan bixinya,maskax da’ bini’aadamka balaadhinaya Mustaqbal hor lehna muujinaya. balse maaha kuwo kuugu horseedaya qalbi jab
waxaan kugula talinayaa inaad raadiso oo akhriso si aad u sharaxado adduunka iyo naftaada. hoggaamiye fekrada dheerna aad u noqoto dadkaag.!
Markaa fadlan horay u soco oo ku raaxayso Yuval Noah Harari iyo aragtidiisa adduuneed midiisa bini’aadantinimeed.!
W/Q Yahye said.
“Buugga muusigga iyo muslimiintii hore.”
Buugga xuseen shukri Ee “Muusigga iyo Muslimiintii hore” hadii wax la iga weydiin lahaa waxaan ula bixi lahaa Taageeridii fanka.
Badanaa xanuuna-nafeed ayaa lagu tilmaami karaa qofka ay heesa iyo muusiga-laxanka darreenka lehi ay dareen galin waayeen, culimaa u nafsi waxay ku tilmaaman dadka ay heesaha codka macaan dhagahoodu ay dhibsadaan waxay ku tilmaaaman in xaalad caafimaad darro jirto waxyna la mid yihiin. qof xalwad afka loo geliyey oo yiri xalwadani wey qaraartahay. Heesaha iyo muusiggu wey jireen intii uu jiray insaanku oo waxay ahayeen wax ku lammaan waligiiba aadanaha Eebbe uumay. waa dareen ku abuuran nafta iyo ruuxda qofka. culimaada nafsiga waxay ku tilmaan dadka ay heesuhu dareen galin waayaan dad caafimaad ahaan aan niyad wanaagsanayn.
Buugga muusiga iyo muslimiintii hore waxa ku cad in saamaynta muusiga iyo laxanka macaani aanay ku koobnayn dadka kaliyaa ee noloha oo idili ay dareen galiyaan sababta oo ah innagu ka soomaali ahaan waxaynu nahay dad dhaqan u gaar ah leh, badanaa ummad kastaa waxay leedahay dhaqan- iyo ciyaaro u gaar ah ka soomaali ahaan wax innoo gaar ah waa xoolo dhaqato, kolka la caraabinayo, la mayracayo, la aroorinayo ama geedi la yahay, marka xoolaha loo heeso waxa uu. u socdaa si qumman dareenkoodana ula falgalaa luuqda macaan ee heesta loo qaadayo, sidokale geela kan loo heesaa wuu ka waraab wanaagsan yahay kan kale ee aan loo heesin.
Falsafad ahaan aragti ayaa sheegta in muusigu yahay dareen ku dhex qarsoon gudaha nafta, kaas oo awoodi waayay in carabka lagu dhaho kadibna lagu muujiyay codad iyo dhawaaq sida la sheegayo Erayga Muusiga asalkiisu waa af-Giriig ah macnihiisuna waa magac guud oo loo yaqaano qalbka iyo aalad kala duwan ee la tumo ama la afuufo ama xargaha la gundhinayo-kuwaas oo si keli ah ama wadareed u bixya cod iyo dhawaaq macaan oo nafle kasta dareen iyo raaxo macaan galiya jawigana u bila, culaabti kashiisa yuururtayna ka dul haadisa.
“Ma jirto ayaad qur’aan ah ama xadiis saxiix ah oo caddeynaya in heesuha iyo muusiggu xaaraan yahay.”
Immaam abuu akar bin al carabi (469–543'H).
Buuggan Muusigga iyo muslimiintii hore ee uu qoray qoraa Xuseen shukri waxa uu ku ururiyay in kabadan labaatan xadiis oo ay daliishadaan dadka diidan heesha iyo muusigga raadraac dheerna uu ku waayey hal xadiis oo danbi ka dhigaya heesaha iyo muusigga.
“Ma hayo walina ma helin daliil mamnuucaya dhegaysiga codka turumbada la fuufo ee ka midka ah qalabka muusigga iyadoo aan sameeyey raadraacdyo dheer si aan u helo wax xarramiyey”
- Taaju diin al subki (772–771'H)
Waxa la ogaaday in-Muusiggu casrigan saamayan weyn ku yeeshay dareenka bin-aadmka iyo naflah oo idil uu kala qayb qaato jacaylka, murugada abaabulka-bulsheed iyo mid waxbarasho, waxaa. la ogaaday in uu saamayn weyn ku leeyahay habdhiska dareen wadka, culimada sayniskuna waxa ay isku taxallujiyeen in si cilmi ah loo ogaado samaynta muusiggu uu aadanaha ku leeyahay.
Marka aynu isla eegno bilawgii halkii fanka soomaalidu kasoo unkamay waxa la sheegaa in nin la odhan jiray cabdi sinimoo oo ahaa shufeer u kala goosha jabuuti iyo galbeedka soomaaliya in uu gaari kula xumaaday halka loo yaqaan banka giriyaad ee agagaarka degaanka lawyacaddo, hadaba si uu u madadaaliyo naftiisa hawsha uu hayo culaabteedana u dareemin wuxuu isku maaweeliyay heeso uu alifay isagoo tumanaya haan, heesihii uu isku maaweelinayay waxaa erayadooda. ka mid ahaa:
Balwoy hooy balwoy
- Waxa i baleeyay baabuur
Sidaas awgeed taasi waxay inoo bidhaaminaysa in muusigu uu la fal-galo dareemada noolaha.
heesihii ugu dareenka badnaa bulshada dhexdeeda waxaa ka mid ah heestii “ M ogtahay cuuryaankaba” Ee ku luuqeeyey Fanaanka weyn Ee Xasan aadn samatar” Heestan ayaa ah cibaaro adduun waxaa ka dheehanysaa dhammaan astaamaha illahay SW addunka u abuuray iyo makhluuqadkiisa.
Ma ogtahay curyaankaba
- Caga looma waayine
- Ceynkaa wax loo yiri
- Kuwa cararayee ladan
- Inay ku Cibro qaataan”
Heesta dareenka leh ee loo yaqaano “Biri shalayto maynoqon” Ee tidhaada.
Adaa igu billaabay
- igu beeray caashaqa
- waxaad beerka laabtiyo
- Beerka ii salaaxdaba
- Sow baxnaanadaadii
- kugu maan baylihin
Hesaha ka hadla aflaxida nolosha iyo qofka wax doonayo iyo hadba nolosha waxa kala kulmayo heesta “Amoore” ay ku luuqayso Fananada caanka ah ee “hodaan abirahmaan” ee tidhaahda
Aasaaska noloshoo
- Irridaha wanaagoo
- Marna kuma ilduufinee
- Iimaanka buuxshoo
- Kii lagu aflaxayoo
Waxaa kaloo ka mid ah heesaha ubucda iyo miraha ay xambaarsanyihiin. aad la ashqaraarayso, marna laba odhan karo waa wacdi inaku baraarujinaya adeecidda iyo cibaadada eebe heeska uu ku luqeeyo maxamed mooge ee “ Waayeelka jaqafsada” ereyadeedana ay ka midka ahaayeen:
Ifka waxaad la joogtaa
Janaduu ku geeyaa
Amase naarta jahanama
Waxa jira oo kale heeso badan oo si maalinle ah ay ugu maah maahdaan dadka oo idil sheekh iyo sharif ba sida heesaha kala ah.
Doqoni qiiq kama kacdee
- Daamankay Meer-Meerisaa”.
- Cimrigeed Adduunyada
- Waxa jira col iyo Nabad”.
- Hoodiyo Ayaan baa
- Lagu kala Horreeyaa”.
Music therapy
Isku daawaynta muusiga(Music therapy) waa hab lagu daaweeyo bukaanada uu ku dhaco xanuunada maskaxdu.
Waxaa la ogaaday in musigu uu waxtar u leeyahay caafimaadka maskaxda, yaraynta walbahaarka iyo welwelka, kor u qaadida kalsoonida. horumarinta barashada xirfadaha, iyo horumarinta tayada guud ee nolosha dadka da’ kasta leh.
Waxa kale oo la adeegsada in lagu daaweeyo cayaalka uu ka raago hadalku ama aan ku wanaagsanayn dhex-galka bulshada uu la noolyahay tusaale ahaan dhalaanka uu ku dhaco xanuunka loo yaqaan. (Autism spectrum disorder (ASD)).
Febraayo 2018, cilmi baaris lagu daabacay wargayska caafimaadka e maareenta xanuunada ba qoray dhagaysiga muusikadu innu ka yareeyo bukaanada xanuunada ba’an, kuwa daba-dheeraada, neerfaha, murugada, iyo xanuuno badanoo maanka haleela.
Buuggan muusiga iyo musllintii hore waxa kula tallinayaa akhriskiisa cidkastaa oo danayn u haysa fanka sida muusiga iyo heesaha laxanka iyo Erayda dareenka leh in ay akhriyaan buugga saaxiibkayXuseen Shukri oo uu dal dheer iiga soo hadiyadeeyey abaalkiisana aanan gudi karayn ku mahadsanid baan leeyahay saaxiib inaad maktabadda soomaaliyeed ku soo kordhisay mawduuc aad u muhiim ahaa in wax badan laga dhaho taageeridiisa.
Yahye said.
Gorfeenta Buugga “AANADII NAGEEYE” Qoraa Ibraahin-Hawd Yuusuf
Buugga aanadii nageeye waa sheeko faneed aad sarraysa, afka lagu qoray uu yahay af hodon ah, sidoo kale way yar tahay in la arko buug sheeko fanneed ah oo ay murtidiisu iyo farshaxanimadiisu aad ugu sarrayso, Waa buug wax badan aad kaga bogankarto garaadka bulshadana waaqici ahaan dhisaya haday noqon lahayd murtida, Maah maahyada,sugaanta,dhaqanka, aarsiga Aanooyinka, hanti wadaagga,hanti goosadka, gummaysiga, hab fekerka bulshada iyo Insaaniyada.
Buuggan waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay bug sooyaal ah, balse hab-qoraalkiisu uu yahay sheeko fanneed tii ugu heer sarraysay.! Buugga waxa ku jira dadyow kala duwan, kala qoysas ah oo qoysba qoyska kale lid ku yahay
Nageeye waa 40 jir khamri yacab ah jaahil ah oo aan waxba barran waa dhiig yacab oo dhagarta dadkana ay u fududahay xoolaha bulshadana xoog ku qaata oo aan xalaal iyo xaaraan u aabba-yeelin. Waa nin dhan ka waayo arag ah oo waa nin reer miyi ah kolkii danbena magaalada ku soo cartamay, nolosha magaaladna la daalo dhacaya, weyna ku adkaanaysaa innuu si qurux badan ugu noolaado. Nolashu wey ka duwan tahay tii uu hore ugu soo arkay magaladii damal-weyn ee uu shaah iyo canjeelada ku karin jiray, kana ahaa rusheeye iyo dhulxaare, tanise waxay la noqotay amakaag iyo ashqaraar, bal aan dib u fiiriyo sababta uu nageeye magaca loogu bixiyey iyo sidii uu ku raacay.
Waa habeen madow oo cirkuna daruuri jiq ku tahay. Cod sida meel fog ka soo baxaya ayaa la maqlay, ala waa wiil waa wiil, beesha maadama wiil ku soo biiray ayaa la dhahayaa reerka ha la nageeyo, waa sababta uu ugu magac baxayo Nageeye, Habeenkaas waxa goobta isku af dhaafay goodir iyo geeddi, waxayna gaadhay gacan ka hadal nafta laysku dhaafshay. Goodir baa intuu xiimay oo uu qori soo qaatay ayuu laabta xabad u galiyey nageeye aabihii geeddi buraale, Haddii la soo rogayba waa mayd, sidoo kale habeenkaas neefkii loo wan qalay nageeye ee farxad ahaa subaxii waxa ku quraacday ragii aabihii soo aasay oo goobtu waxay isku baddashay goob murugo ah, habeenkaa foosha xun ayuu nageeye dunida ku soo biiray, sidaasaana magacan loogu bixiyey “Nageeye”.
Buuggan “Aanadii nageeye” waxa ku jira jilayaal aad u tiro badan, lakiin inta saameynta leh oo buugguna khuseeyo waxa ka mid ah: Nageeye; Geeddi; Buraale oo ah ninka ay sheekadu ku socoto; iyo Diiraye oo ah nageeye saaxiibkii, sidoo kale waxaa ku jirta Amran oo ah qoftii ay nageeye magaladii damal weyn isku barteen, waana qoftii uu maheradeeda ka shaqeyn jiray oo shaaha iyo canjeelada uu geen geen jiray wixii maheeradaas yimaadda, waana qoftii uu aakhridkii danbe jacaylka u qaaday. Sidoo kale matalayaasha waxaa ku jira nin la yiraahdo Rooble oo aqoonyahan ahaa oo dalka dibaddiisa wax ku soo bartay iyo nin la yiraahdo Raage oo isaguna ahaa aqoonyahan dalka wax ku bartay iyo Leyla oo ahayd raage walaashii, gadaalna ka guursan doonto nageeye oo ahaa askari iyo dhiigyacab xoolaha dadka dhaca laakiin aan la ogayn. Waxaa dib sheekada ka soo bixi doona wiil lagu magacabo kaliil oo dib ka dhashay, waxaana dhalay nageeye, wakhti uu damal weyn kula baashaali jiray Amran oo ahayd fooxiso, dhaqamad xunxunna ay caado u tahay!
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nageeye wuxuu go’aan ku qaadanayaa inuu dilo ninkii dilay aabihii (goodir), wuxuu iibsaday qori, balse dadka magaalada degan iyo qaraabadiisa ayaa ku yiri:
Maxay tahay sababata aad qoriga u iibsatay? Arrintii aabahaa waa laga wada fadhiistay ee ninkaas iska daa ma dili kartid e.
Nageeye hadal kuma celin, wax uuna ugu jawaabay anigu ninkaas uma socdo, maxay se tahay sababta la’ii weydiinayo qoriga, nin weyn baan ahay, miyaan qaadan karin qori?
Halkaas ayeyna nageeye ku rummaysteen, hortiisana ka dul dhaqaaqeen, balse Nageeye wey ka go’an tahay inuu nafta dhaafiyo ninkii aabihii nafta dhaafiyey.
Wakhti casar liiq ah ayuu nageeye arkay goodir oo ka dhex adeeganaya magalada damal weyn oo ku sii jeeda reerkiisii oo miyiga yaalay, Nageeye ishe ayuu la raacay isaga oo qorigiisiina soo qaatay, markay maqrib gaabad noqtayna oo goodirna magalad ka soo dhammaaday, ayuu nageeye ku soo lugdarsaday isaga qorigiisiina garabka ku sita, Dhulku waa madow qudcur ah haddii indhah faraha lagaa galinayo aadan arkeen wax sanqadhaya mooyaane, markuu kala barka marayey goodir ayuu maqlay jabaq markuu istaagona la istaagaysa markuu socodka la hadaafaysa, balse baqdin aan libaax iyo xayawaan kale ahayn maankiisa may soo galin, wuxuu socdoba wuxuu hal mar ku war helay nageeye oo dhabarka qori kaga haya, halkaas ayuuna nageeye habeenkaas nafta ku dhaafiyey goodirkii dilay aabihiis.
Nageeye qoriga inta uu iib-geeyey ayuu soo qatay shilimaad uu magaalada kaga ambabaxo ayuu soo siistay wuxuuna soo galay xamar isaga oo la yaabay magaalada dadkeeda iyo sawaxankeeda, waxa uu lug ku raad goobay guriga abtigii rooble, halkaas uu joogay maalmo kooban oo uu magaalada ku fahmayey, cadaadis badan uu abtigii ka saaray dhanka guriga sida innuu sigaar ku cabin kuna qayilin, lakiin nageeye uma bixin hadalkaas ee qolkiisa waa ku qayili jiray. Raage iyo leyla wey ku soo dhaweeyeen guriga iyo magaalada balse markii danbe ay ogaadeen inuu yahay nin dhiigyacab ah balwadna leh lama way ka xadhka goosteen. Raage intii uu joogay guriga abtigii waxa uu la kulmay arrin amakaageeda iyo naxdinteedaba wadatay, taasoo ahayd inuu maalin maalmaha ka mid ah aaday xeebta liido si uu ugu soo dabbaasho, ka dibna uu dharkii iyo kabibiisiiba ku bixiyey xaaxiga agtiisa, ka dibna laga xaday alaabtiisii, markii uu xeebta ka soo baxay ayuu isha ku dhuftay bartii ay alaabtu u taallay, mise waxba uma yaallaan, isagoo daymo ay naxdin ku gadfan tahay hareeraha jeedaalinaya ayuu meel halkeer ah ka. bidhaansaday qolyo ciyaal koola ah oo dharkiisii la sii ordaysa, mana uu gaari karayn, wuxuu magaalada soo dhex maraya isagoo sita buume (nigis) yar, walibana aad u khajilaya oo ay naxdintii xishoodku jirkiisa dubaaxinayso, intuu soconayey wuxuu la kulmay koox caruur ah oo iyaguna kuwii ka xaday dharka aan waxba dhaamin, iyagoona dharkii laga xaday qosol ugu daray, oday wadada marayey ayuu. cimaamad uu dhex ku sii xirto ka qaatay, isagoo feero qaawanaanta jaarkiisa la yaaban yihiin ayuu albaabkii guriga xoog u garaacay isaga oo xiimayana qolkiisa galay oo dhar ka soo xidhay suuliga ayuuna galay oo soo maydhay waa qisooyinkii koowaad ee ku dhaca ragge. markaa magaalada soo galay inta uusan nageeye is baran .
Nageeye waa nin. noloshu ku adag tahay, dhibaatooyinka nolasha la soo darsana dulqaadkeeda leh mana ahayn qof fulay ah oo geerida ka baqa, waana sababta uu u qortay ciidanimada, hase ahatee nageeye inta ciidanimadu aysan maskaxiisa ku soo dhicin waxa horay uga soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay kamid yihiin sida gawaarida loo furfuro waxa uu joogay geerash halkaas isagoo jooga ayaa maalin. maalmaha ka mid ah ku soo dhacaysaa maskaxdiisa inuu is qoro askari iyada oo markaasi. ku weyn tahay qaranimada soomaaliyeed.
Buugga Aanadii nageeye waxa uu ka mid yahay buugta dhifka ah ee sida runta ah uga run sheegay dhibaatooyinka; hanti wadaagga; iyo hanti goosadka ahaa ee nageeye si ba’an uu ula yaabay. Nageeye ayaa wax suuqa ka maqalay wax la bilaabay hanti wadaaga.
Wuxuu nageeye bilaabay inuu dadka warsado, Waa maxay hanti wadaaggu, waxaana loogu warceliyey Hanti wadaag waa hantidaad inaad ku wareejiso dawaladda. wax kastaa oo aad u baahan tahay aad ka helyso dawaladda, nageeye maalintaas lacag uu soo shaqeeyey ayuu ku daray hanti wadaagga. markuu xaafadda yimidna waxa uu waayey waxa uu quuto ama ay dabka ku shitaan.
Sidoo kale hanti goosadka markuu bilowday waxa uu ahaa sarkaal xidgo wata isaga iyo ciidan kiisa ayaana ka bilaabay magaada galkacyo, oo markaa isagu joogay kana talin jiray xoolaha dad weynaha uu wax badan ka dhistay akoonadanada uu ka buuxsaday hantidii bulshada soomaliyed, Taasina waxay ku tusinayaa in dhaca bulshada lagu hayaa ay tahay gef lagu la kacayo maato aan waxba geysan wax-soo-saarkoodiina la bililiqaysanyo.
Hanti wadaagu waa maxay?
“Wixii dhib ah waa loo dhididayaa wixii dheef ahna dhari ayaa lagu wada karsanayaa” Lakiin ma dhacdo sidaasi ee wixii dharigaa galana qof burjuwaasi ah mahee qof kale gacan ma galin karo, waana halka uu dhaca shacabka. ka loo geystaa ay ka billow mato, Wakhtiyadii dawaladdii Madax weyne Maxamed siyaad barre, ayaa la keenay in dalka hanti wadaagga laga hirgaliyo oo aysan cidna yeelan wax-soo-saar weyn, wixii shirkad ah dawaladda ayaa maamulaysa laguna wareejin, iyada oo qof kastaana waxa uu. u baahan yahay si sharci ah uu ula bixi karo, maamulka hanti wadaagga asalkiisa dalkii ugu horreeyey ee laga hirgaliyey waxa uu ahaa dalka jarmalka oo markaa ka shaqeenayey nidaamka shiiciga ahaa.!
FG: Buugga aanadii nageeye waxa ka dhex arkaysaa xaalada hadeer taagan iyo nidaamka dawaldnimo xumada ah, soomaaliya qofka xilka qabanaya looma eego argti ahaan waxa uu aaminsan yahay iyo fikradaha siyaasiga ah ee uu xambaarsan yahay, balse waxa loo eegaa qabiilka uu yahay waxana la dhahaa soomaaliya waa dalka kaliya ee nidaamka dimuqraadiyadda ah intii burburkii ka danbeeyey aan ku guulaysan wax nidaam sax ah, Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa qoraaga buugga argtida dheer iyo sida uu wax uga wada taabtay dhaqamada reer miyiga ah iyo tan magaalo ee nidaamka ku dhisan. Sidoo kale aanooyinka iyo gumaysiga.
Waxaan ku soo gunaanadayaa maansadii Abwaan Axmed-Maxamed cagmadhige ee ka hadleysay dib u dhaca iyo iyo saranseerka lagu la kaco dadyowga qaar, sidoo kale dhaqanka iyo hanka iyo himilooyinka iyo nabadda wax ka taabanaysa.
Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu tiilay
- Goobjooge nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadayee
- Caqli gii guran baan ogayn guul inay tahayee
- Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loosidayee.
Qoraalkan wuxuu soo baxay 2022.!