Stories by Zakariyeahmedgele on Medium
Sheeko: “Geedkaan Wuu Koray”
Waxaa jirtay gabar yar oo lagu magacaabo Xamdi, waxay ku noolayd tuulo yar oo ay dadka intooda badan ku tiirsanaayeen tabcashada beeraha. Maalin kasta, markay aragto dadka kale oo leh beero mirodhalay, ayay nafteeda waydiin jirtay:
Anigu goormaan guul gaari doonaa?
Xamdi waxay lahayd hal abuur iyo dadaal badan, balse mar walba natiijadii ay rabtay ma helin. Mar waxay isku dayday inay beero, abuurato roobkii baa ka daahay. Mar kale waxay isku dayday inay wax barato, balse buugaag la’aan iyo waxbarid la’aan ayaa niyad jab gelisay. Si kastaba ha ahaatee, waxay mar walba dib isu xasuusin jirtay oraahdii ay hooyadeed bartay:
Geedka dhabta ah waxuu qaataa waqti, laakiin markuu koro, wuu adkaystaa oo mirodho ayuu dhalaa.
Maalin maalmaha ka mid ah, Xamdi waxay go’aansatay inaysan ka harin riyadeeda. Waxay bilowday inay maalin walba hal bog akhrido, xitaa haddii aysan wax badan fahmin. Waxay baratay xirfado yaryar — sida daryeelka deegaanka, nadaafadda, iyo qurxinta guryaha.
Sanad kadib, dadkii tuulada waxay bilaabeen inay Xamdi ugu yeeraan markay u baahdaan nadaafad ama qurxin. Waxeey ka furtay shirkad yar, waxeyna noqotay qof si sharaf leh u shaqaysta, waxeey dhiirrigalisaa dadka waxbara caruurta.
"Waxay nafteeda ku tiri:
“Waan koray. Waxaan ahay geedkii yarraa — adne, waxaad tahay miro aan dhalay.
Natiijada Sheekada:
> Ha quusan haddii dadaalkaagu deg deg natiijo uusan keenin. Naf-hor-marin micnaheedu waa inaad aaminto in aad karti leedahay, xitaa markay dunidu kuu muuqato mid kuu diidan. Geedka natiijadiisu wuxuu u baahan yahay dulqaad, biyo, iftiin — iyo adiga oo aan ka harin riyadaada.
Mahadasanidiin.
Qoraaga Zakariye Axmed Cali
`Qisa madoow oo Iga dhigtay qoraa,
Bismillaah
Marka hore, waxaan u mahad celinayaa Allaah Subxaanahu Watacaalaa, kaasoo i siiyay caafimaad iyo waqti aan maanta ku gaadhay heerkan, isla markaana aan ku biirayo bahda qoraayaasha Soomaaliyeed.
Marka xiga, waxaan u mahad celinayaa bahda Digital Shelter (DS) iyo Somali Public Agenda (SPA) oo fursad i siiyay inaan ku biiro bahdan qiimaha badan ee qoraayaasha Soomaaliyeed.
Waxaan kamid ahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku dhalatay, ku barbaartay, waxna ku baratay. Intii aan ku jiray waayaheyga nololeed, waxaa igu dhacay qiso si weyn u taabatay qalbigayga, oo culeys ku noqotay nolosheyda, ilaa heer ay igu gaartay inaan marar badan quus ka gaaro noloshayda.
Waxaan ku soo barbaaray magaalo ay si joogto ah uga dhaceen qaraxyo, dilal iyo dhibaatooyin kale oo badan, kuwaas oo naga galaafteen ehel iyo saaxiibo aan jeclaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan aniga iyo saaxiibaday joogay goob waxbarasho. Markii xiisaddu noo dhammaatay, waxaan go’aansannay inaan ku kala laabanno guryaha si aan u qadeyno oo nolol maalmeedkeena u sii wadanno.
Laakiin maalintaas waxaa dhacay arrin aanan weligey iloobi doonin. Waxaa jiray labo saaxiib oo aad iigu dhawaa, ilaa heer dadku ay u maleeyeen inaan walaalo nahay. Maalintaas, si kedis ah ayay fasalka uga baxeen iyaga oo aan i sugin ama ii sheegin meesha ay aadayaan. Aniguna si degdeg ah ayaan uga baxay, anigoo isku dayaya inaan ku gaaro.
Nasiib darro, qarax aad u xooggan ayaa dhacay hortayda. Goobtii waxay isu bedeshay qiiq, buuq iyo oohin. Waxaan u cararay dhanka qaraxa, laakiin waxaan halkaas ku waayay saaxiibaday oo nolol iyo geeri ku luntay. Qaarkood meydkooda waa la gubay, qaarna waa la jarjaray.
Warkaasi wuxuu ku dhacay qalbigayga sidii gantaal. Waxaan aasay saaxiibaday iyo walaalkay, waxaana ii soo haray nolol madow iyo fasal bannaan oo aan saaxiibo la lahayn. Waan quusay, waxaana is weydiiyay sababta aan waxbarashada u sii wato haddii noloshuna sidan igu dhici karto.
Hase yeeshee, Alle ayaan talo saartay, hankeeydana ma aanan ka harin. Waxaan leeyahay:
“Ilaahey ha u naxariisto saaxiibaday iyo walaalkay, waan idin jeclaa, Ilaaheyna ha idin jecleeyo.”
Maalintaas waxay igu noqotay xusuus aan marnaba ka go’i doonin nolosheyda, balse sidoo kale waxay igu sii adkaysay inaan Alle ku xirnaado oo aan rajo la iman waayo.
Mahadsanid.
Qoraaga Zakariye Axmed Cali
Sheekadii naqbsatay aniga Iyo wiikii caseeyahaahay
Waxaa jiray wiil yar oo ku noolaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Waxoow kamidahay dhallin yarada kashaqeeya, baalashka ama caseeynta kabaha si eey u soosaaran nolol maalmeedkooda Iyo kan qooys kooda.
Maalin aniga Iyo saaxiibadeey oo meel qaxwaha lagu cabo oo galabtii fadhiisan jiray fadhina, aa waxaa nasoo dul istaag nay wiil aad u da yar oo hadaan da’diisa qiyaasay aan is dhahay waxoow jiray 9 - 8 waxoow igu dhay “abti keen kabaha aan kuu caseeyee.” Intaan wali u jaabin waxaa nooyimid qof kamida shaqaalihii goobta waxoow qabtay wiilkii yaraay a sigoo aad ugu qeeylinaya ku na dhahay “Maxaad meeshaad u soogashay maad banaanka kaada joogto?”
in taas kuma ekeeysane waxoow dhahay eray aad ii xanuun jiyay.m “Ogoow dadka a digoo kalaa looma ogola ineey soo galaan gudaha maqaayada.”
Waxaan qabatay gacanta waxaan ku dhahay “Daa canuga yarka’ maxoow kaa haleeyay oo saan ugu dhibaateeyneeysa?”
Woxoo igu dhahay “saaxiib shaqadeeda ha ii qoonsan ama ha I daba marsiin. Tani waa shaqadeeda mana kaala tashanaayo.”
Muaran Iyo is qab-qabsi dheer kadib, waxaa nasoogaaray qof katirsanaa maamulka maqaayadda.
Waxaan ku dhahnay “Mundane, waa maxay sida loola dhaqmayo ilmagaan yarka oo baahan ama daruuf feeysan?”
Waxaan se layaabay jawaabtii maamulahaa, oo aheed “Canugaan wasaqda badan dadka maqaayadda ii fadhiyoow ku dhagdhagaa ganacsiga Iga haleeyna.”
Waxaan weey diiyay “Sidlow kaaga haleeyna?” Nasiib darose ii gama jawaabin Su,aasheeydi,
Waxaan soo xasuustay suugaanti Allaha U Naxariistee abwaankii weeynaat ee abwaan Gaaciye,
“ Haddii guga kuu kordhaa gaboow mooye ku tarin garaad Iyo waayo arag illee wax madhaan titi geed”
Waxaan sugaayay , ka garaabid wixii dhacay,iyo caawimaad ninkaas dhalin yarada lacaawiyo.
Dood Iyo muran kale, nasiib wanaag waxaan ku guuleeysatay inaan wiilkii yaraay meesha laga saarin, ow na nala cabo galabtaas gaxwe Iyo shaahii aan cabeeynay.
Aniga Iyo saaxiibadeey waxaan la sheekeey sanay wiilkii yaraay intaan ku guda jirna shaahi Iyo sheekada ayaan weeydiiyay aaway aabe Iyo hooyo, axaase I cajabisay jawaabtiisa, marna I xanuun jisay.
“Aabe waxoow ahay askari u shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed waxoowna ku geeridooday qarax.”
“Hooyona ayadoo lacosta ayeey Ku naafooday, haddan waa naafo wexeeyna joogtaa guri waxaan u shaqeeyay ayada Iyo sadax gabdha oo Iga yar.”
Si aan u xaqiijiyo warkiisa waxaan weeydiiyay “Hooyo lambarkee mawadataa? xageed dagantihii? Iyo masoo booqan karnaa xaafada?”
Waxoow ku jawaabay “Haa, Hooyo lambarkeeda waan ku siinkaraa. waana noo inaan kartaan. Xaafad duna waa meel hebel.”
Inkasto oo na sheekadeeni halkaan ku soo koobi karin, haddaana waxaan weeydiiyay “Maalin tii maxaad shaqeen kartaa” waxoow ii sheegay lacag qeeymeheedu aad u hooseeyo, oo markaas asaga la badneed. shekeesi badan kadib.
waxaan weeydiiyay waligiis inow waxbarasho jaanis u helay Iyo in kale
woxow ii sheegay markii aabihii geeriyoonayay in o uu dhiganaayay iskool waliba maraayay galaaska afaraad Iyo shanaad xagaasna uga haray daruufo Iyo culeeys kasoo wajahay dhanka qooyska xagaadna ku joojiyay.
Wali oow rajo kaleeyahay, haduu fursad u helo inow sii wato.
Wiilkii yaraay waan saaxiibnay waan is fahanay galab kastana waan wada qaxweeyin jirnay waxaana ka balan qaaday inaan mar xaafada kusoo booqaayo doono hadii Alle xagiis laga helo.
Waxaan Alla sumxaana watacaala u ga mahadcilanayaa inoow ii ogolaaday amase idankiisa noqotay inaan booqan xaafadii wiilkii yaraay kuna taageerno waxaan awoodnay
Qoraaga_____ Zakariye Axmed Cali